Heemaal News Network
somali

Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay South Africa

Kooxo Burcad ah oo Koonfur Afrikan ah ayaa Gudaha dalkaas ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka Ganacsiga u tegay dalkaas, kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Mahaciisa lagu soo gaabiyay Cabduqaadir, ayaa sida la sheegay Kooxdan Burcadka ah waxay dhowr xabadood kaga dhufteen qeybta Sare ee jirkiisa xilli uu ku sugnaa Deegaanka Durbanville oo hoos tago Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.

Mid kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay horay u sii qaateen Agabkii Marxuumka u yaallay Goobtiisa Ganacsiga.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika, ayaa dilka ka dib tagay halka dilka uu ka dhacay, haseyeshee ku guuleysan inay qabtaan Burcadda dilka gyestay, waxaana dilkaan uu kusoonaadayaa xilli todobaadkii hore dalka Koonfur Afrika lagu dilay 6 Muwaadin oo Soomaali ah.

Related posts

Musharax ku Dhacay Doorashadii Sool Oo Sheegay Inuu Fulinayo Balantii Uu ka Qaaday Taageerayaashiisa.

Heemaall

Ahmed Madoobe Oo Ga’aano Culus kasoo Saartay Amniga Jubaland.

Heemaall

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Haweeney Xil Cusub U Magacaabay

Heemaall