Heemaal News Network

Ganacsatada jaadka Ee Kenya Oo Codsi U Diray Madaxweyne Farmaajo

Dalladda Haweenka qaadka u soo dhoofiya Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay inay dhibaata noolaleed la soo deristay kaddib markii ay dowladda Soomaaliya joojisay jaadkii ay Kenya kasoo dhoofin jireen.

Haweenkan ayaa sheegay in ganacsiga jaadka ay ku tiirsanaayeen kumannaan, haatanna aysan heysanin wax ay ku dabaraan noolal maalmeedkooda.

Xaawa Cabdi Jaamac oo kamid ah Haweenka Ganacsatada jaadka Kenya oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in cabashadooda ay tahay shaqadoodii lag joojiyay, isla markaana jaadkii ay Soomaaliya u soo iibgeyn jireen ay ka joojisay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay fasaxday jaadka ka yimaada Itoobiya.

Waxaa ay sheegtay in iyagu ay yihiin ganacsatada Soomaalida ah ee Kenya ku nool oo Soomaaliya qaadka keeni jiray, joojinta qaadkana uu saameyn ballaaran ku yeeshay noloshooda lacago farabadana ay ka khasaartay.

“Markii hore jaadka waxaa loo joojiyay sababo la xiriira cudurka Coronavirus, balse markii dambe gebi ahaan waa nagala joojiyay inaan jaad geeyno Soomaaliya, taasina waa dhibaato waayo anaga Shaqo kala ma naqaan ayay tiri” Xaawa Cabdi Jaamac.

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo in uu gebi ahaan jaadka Soomaaliya la geeyo joojiyo ama uu u fasaxo si ay noloshooda ugu maareeyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay jaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, waxaana arrintaasi loo sababeynayaa khilaafka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeyay labada dowladood ee Soomaaliya & Kenya.

Related posts

Daawo Guri Dhisan 85 Sanno Oo Loo Raray Goob Cusub Isaga Oo Soconaya

Heemaal

Meydka Qof Ajnabi ah Oo Laga Helay Xeebaha Puntland.

Heemaall

Itoobiya Oo Madaxa Caafimaadka Aduunka ku Eedeysay Hurinta Dagaalka Tigrey.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More