Heemaal News Network
somali

Ganacsatada Muqdisho keenta Qaadka Oo Shaqo joojin Sameynaya

Gudduga Ganacsatada Qaadka Miirowga keenta magaalada Muqdisho ayaa waxay ku sheegeen iney joojinayaan Qaadkii ay keeni jireen oo ay sheegeen iney soo wajaheen caqabado adag.

Shir jaraa’id oo Guddiga ganacsatada ku qabteen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen inaysan Qaad keeni doonin labada cisho ee soo socota iyagoo cabasho ka qaba culeysyo soo wajahay ganacsigooda.

Waxay sheegeen inay u mahad celinayaan Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay sheegeen inuu ka shaqeeyey dib u fasixida keenista Qaadka

“Waxaa dhibaato nagu haya saddex arrimood oo kala ah Siyaasiyiin iyo Xildhibaano hore oo dalaaliin ah kuwaasoo lacag baad ah dulsaartay Qaadka, qiimo koror lagu sameeyey canshuurta laga qaado Qaadka iyo sidoo kale qiimo kordhin ay ku dhaqaaqeen beeraleyda Qaadka Kenya” ayuu yiri masuul u hadlay ganacsatada Qaadka.

Ganacsatada ayaa dalbanaya iney la la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud si ay ugu soo bandhigaan dhibaatada iyo baadda lagu hayo.

Related posts

Ciidamada Gorgor Oo Fashiliyey Dhagro Ay Maleegeen Alshabaab

Heemaal

Nin Dadka ku Dhici Jiray Al Shabaab-nimo Oo Muqdisho Lagu Qabtay.(Sawiro)

Heemaall

Shaqaalaha Heemaal Oo Tacsi U Diraya Qoyskii Uu Ka Baxay Maxamed Cabdi Raage.

Heemaal