Ganacsato Iyo Gaadiidlay Xiriir la Sameeyay Alshabaab Oo Lagu Xiray Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku xiray ganacsato 10 ka badan oo ay ku jiraan kuwo caan ah iyo xubno kale oo ka tirsan gaadiidleyda qaada xamuulka.

Ganacsatada ay xireen Ciidanka amniga dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in lala xiray xubno kale kale oo ka tirsan Guddiga gaadiidleyda.

Ganacsatadan ayaa la sheegey in ciidamo si gaar ah u tababaran ay magaalada ka dhex xireen, kuwaasi oo la tilmaamay inay xiriir la sameeyeen Al-shabaab.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Ganacsatada iyo xubnaha kale ee dhawaan la xiray.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy