Heemaal News Network

Ganacsato Laga Gubay Gaadiid Ay U Rareen Shabeellaha Hoose.(Sawiro)

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas lagu gubay gaadiid nooca xamuulka qaada ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho.

Dad ayaa sheegay in gaadiidka oo waday Shixnado Ganacsi iyo Dhuxul lagu gubay, xili ay marayeen deegaanka lagu magacaabo Yaaq-biriweyne ee Shabeellaha Hoose, iyadoo dabley hubeysan ay wada u gashay gaadiidkaas.

Gaadiidka la gubay ayaa la tilmaamay inay u rarnaayeen Ganacsato ku sugan Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, hayeeshee wada loo galay, kadibna la gubay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gaadiidka oo gaarayay ilaa iyo 3 gaari darawaladii waday ay dableyda hubeysan oo loo maleynayo Shabaab ka baxsadeen, sidaasina ugu suura-gashay in dab xoogan la qabadsiiyo, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.

Dhinaca kale ku dhawaad 60 gaadiid oo nooca xamuulka ah iska markaana shixnado ganacsi u wado Gobolada dalka ayaa haatan ku xayiran degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sababo la xiriiro amaanka waddada.

Al-shabaab ayaa horey deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka ugu gubay gaadiid u rarnaa Ganacsato, kuwaasi oo qaarkood waday Dhuxul iyo shixnado kale, kadib markii wadada ay u galeen.

Related posts

R/W Rooble Oo Oo Howlaha Doorashada U Xil Saaray Wasiiru-dowlaha Xafiiskiisa.

Heemaall

Safiirkii Ruushka Ee Somaliya Oo Bakhtiyay

Heemaall

Imaaraadka Oo ka Hadlay Dhex-dhexaadinta Laga Dhax Wado Sacuudiga iyo Qatar.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More