Ganacsiga Cadaado Oo Xiran Iyo Banaan-bax ka Socda Magaalada.(Sawiro)

Waxaa Maanta Inta badan xiran goobaha ganacsiga Magaalada Cadaado ee gobalka galgaduud ,kaddib markii ganacsatada ay ka biya Diideen bixinta lacagaha canshuurta ah oo ay kusoo rogtay Wasaarada Maaliyadda Maamulka Galmudug.

Ganacsatada Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedaan lacagaha ay kusoo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, iyaga oo inta badan xiray goobahooda Ganacsiga.

Qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Cadaado ee banaanbaxa sameeyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay kasoo horjeedaan lacagta ay ku amartay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, isla markaana aysan awoodin.

Dadka ku nool Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay la’yihiin goobo ay ka adeegataan, isla markaana Bulshada uu saameyn weyn ku yeeshay Ganacsiga xiran & Banaanbaxa ay dhigeen Ganacsatada.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy