Heemaal News Network
somali

Gantaalkii Ugu Weynaa Taariikhda Caalamka Oo Maraykanku soo Saaray.(Sawiro)

Shirkadda American SpaceX ayaa shaacisay iney soo saartay gantaalkii ugu weynaa abid oo Joog ahaan lagu qiyaasay 120m (400ft) kaasoo ah nooca qaada dayax gacmeedyada hawada sare loo diro.

Qaybta sare oo la yiraa Starship iyo xoojiye qaybta hoose ah oo la yidhaa Super Heavy ayuu ka kooban yahay, labadaa qaybood oo isku xidhan ayaa lagu soo bandhigay goob ku taal Boca Chica, Texas.

Waxaa lagu sameyn doonnaa toddobaadyo ilaa bilo uu ku jirayo xaalad tijaabo ah si loogu diyaar garoobo duullimadkiisii u horreeyey.

SpaceX ay sheegtay in qorshaheedu yahay in uu yeesho meel laga kaantaroolo marka uu soo dhaco ee soo gaadho dhulka ama aagagga badda, si dib loogu isticmaalo.

Marka si buuxda loo horumariyo, uu ka awood badnaan doono inuu aadamaha geeyo Dayaxa iyo Mars.

Related posts

Rasaas Loogu Dabaaldegayo Go’aankii RW Rooble Oo ka Dhacday Muqdisho.

Heemaall

Ruushka Oo Ciidamadiisa Kala Baxay Warshada Nurliyeerka Ee Chernobl

Heemaall

RW Abiy Oo Booqday Deegaanada Ay Samaysay Abaarata Dhulka Somalida (Sawiro)

Heemaall