Heemaal News Network

Gantaalo Caawa Lagu weeraray Magaalada Asmara Ee Dalka Eritreya

Dhowr Gantaal ayaa caawa la soo sheegayaa in lagu weeraray magaalada Asmara ee dalka Eritreya saacado ka dib markii maamulka Tigray uu ku hanjabay inuu weerarayo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in isla caawa gantaalo kale lagu weeraray magaalada dekeda ah ee Muwasac, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Saddex gantaal ayaa la soo sheegayaa iney habsadeen garoonka dayuuradaha Asmara iyo xarunta Wasaarada warfaafinta dalkaas, iyadoo korontadii ay ka tagtay magaalada.

Dad ku sugan asmara ayaa sheegaya in magaalada uu ka jiro jahwareer iyo khal khal xoogan, iyadoo xaafadaha qaarkood ay dadku ka cararayaan cabsi awgeed.

Maamulka Tigray ayaa ku eedeeyey dowlada Eritreya iney qeyb ka tahay dagaalka dowlada Itoobiya ku soo qaaday gobolkooda, iyadoo dhinaca kale dowlada Eritreya aysan ka hadlin weerarkan.

Related posts

Tirada Dadka ka Barakacay Dagaalka Gobolka Tigray Oo la Shaaciyay

Heemaall

Xubnaha Sarre Ee Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Oo Taageeray Trump

Heemaal

Qaraxyo Xooggan Oo Lagu Weeraray Caasimadda Gobolka Amxaarada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More