Heemaal News Network

Garoowe:-Wasiir iyo Agaasime Isku Gacan-qaaday Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay.(Akhriso)

Ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ahna madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa shaqo joojin ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday xafiiska Axmed Karaash oo ku taariikheysneyd shalay oo ay ku beegneyd 11-ka bisha Novermber ee 2020-ka ayaa lagu sheegay in shaqada looga joojiyey wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Cabdirisaaq Jaamac Aadan.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay November 11, 2020 waxaa shaqo ka joojin lagu sameeyey wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Cabdirisaaq Jaamac Aadan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka ayaa sheegaya in shaqo joojintan ay timid kadib markii dhowaan uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhismaha wasaaradda ku dhexmaray wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Aadan, waxaana dagaalkaasi dhaawac wejiga ah ka soo gaaray wasiirka oo la sheegay in ay agaasimaha isku qabteen lacag.
Halkan ka Akhriso:

Related posts

Netanyahu Oo Kulan Qarsoodi ah la Yeeshay Bin Salmaan-ka Sacuudiga.

Heemaall

Tigrayga Oo Qabsaday Xarunta Taliska Waqooyi Ee Ciidamada Ethiopia.

Heemaall

Shacabka Tigrey Oo Loogu Baaqay inay Hubka Qaataan Oo Ay Iska Difaacaan Itoobiya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More