Heemaal News Network

Gobolka Georgia Oo ku Dhawaaqay In Dib loo Tirinayo Codadkii Uu ku Guuleystay Joe Biden.

Maamulka gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo tirin doono dhammaan codadkii doorashada madaxweynaha ee gobolkaas laga dhiibtay.

Qaabka tirinta ayaa noqon doona mid gacanta loo adeegsado, iyadoo la joojiyey mnishiinadii tirinta loo adeegsanayey sida uu sheegay Xoghayaha Georgia Brad Raffensperger

Tallaabadan ayaa ah tii uu codsanayay ololaha Trump oo ka hor yimid natiijada doorashada.

Meelaha qaarkood codadka ayaa gacanta lagu tiriyaa si loo hubiyo in qalabka tirinta loo adeegsado uu si sax ah u shaqeynayo.

Hase yeeshee, waxaa dhif ah in dib u tirintaasi ay wax ka baddasho natiijadii hore, Waxaana xusid mudan in xitaa haddii uu Biden ku guul darreysto gobolkaas, oo uu horay u qaatay, uu wali heysan doono codad gaadhaya 270 oo ku filan guushiisa madaxweynenimada.

Waqtiga kama dambeysta ah ee gobolka Georgia uu u heysto natiijada ugu dambeysa ee doorashada waa 20-ka bishan November.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabeele Oo Kulan la Qaatay Xassan Shiikh (Sawirro)

Heemaall

Faarax Macalin:-“Madaxwayne Geele Marabo In Somaliya Ay Sharafteedii Dib Ula Soo Noqoto”

Heemaall

Dowlada Itoobiya Oo Rwanda kala Hadashay Dagaalada ka Socda Dalkeeda.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More