Heemaal News Network
somali

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo ka Shiraya Maanta Arrimaha Somaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta aay ka shiraan arrimha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka dalka oo aanan weli heshiis rasmi ah laga gaarin iyo waliba xaalada Bini’aadanimo ee ka jirta gudaha Soomaaliya.

Kulanka waxaa warbixino looga dhageysan doona sida qorshuhu yahay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxa AMISOM Francisco Madeira.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya – qodobbada ay ka hadli doonaan waxaa ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadamnimada. Waxaa warbixinno kooban siin doona golaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer oo hore kulamo xasaasi ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka Soomaaliya, waxaase uu shirkan kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho maalintii afaraad uu shir uga socdo Teendhada Afisyooni madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir si aay xal buuxa uga gaaran khilaafka hortaagan qabsoomida doorasho dalka ka dhacdo.

Related posts

Dagaalka Gobolka Tigrey Oo ku Faafay Gobollo kala Oo ka Tirsan Itoobiya.

Heemaall

Diiwaangalinta Musharaxiinta Xubnaha Aqalka Sare Ee K/galbeed Oo ka Socota Baydhabo.

Heemaall

Somali Caan ka ah YouTube Oo 1-$ Milyan Hal Maalin Ugu Ururiyey Qaxootiga Syria iyo Iraq

Heemaall