Heemaal News Network
somali

Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed Oo si Buuxda u Taageeray Howlaha Amni Ee Dalka ka Socda

Golaha odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku baaqeen in maamulka koonfur Galbeed iyo dowladda federalka lagala shaqeeyo arrimaha amniga iyo wax ka qabashada abaaraha.

Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed waxay sidoo kale ku baaqeen in dib u heshiisiin waarta loo sameeyo bulshada kuwada nool deegaannada koonfur Galbeed.

Bayaankooda ayaa kusoo beegmay xilli qabaa’ilada Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay dagaal kula jiraan Alshabaab.

Inkastoo bayaanka kasoo baxay golaha dhaqanka Koonfur Galbeed aan lagu xusin taageerada dagaalka Alshabaab, haddana nuxurka shir uga socday magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ayaa wuxuu ahaa sidii loo taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee shacabkiisu isku abaabuleen inay la dagaalamaan Alshabaab, iyagoo ku guulaystay inay xoreeyaan deegaanno badan.

Related posts

Dhalinyarada Deg.Garbo-dadar Ee Awdal Oo si Adag Uga Digay Dhul Lagu Muransanaa Mudo

Heemaall

Puntland Oo Xulun Dil ah ku Fulisay Oday Da’ah

Heemaall

Tacsi ku Socota Jenaral Xuruun Oo Walaalkii AHUN Abdi Faarax Xabiib Lagu Aasay Maanta Hargaysa

Heemaall