Heemaal News Network

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Sharciyo Cusub Oo Hor-yaalay

Waxaa Maanta Xarunta Villa Hrageysa ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xilhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Ajendihiisu ahaa Akhrinta 3-aad Hindise-Sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka iyo labadiisa ku-xigeen, isla markaana waxaa goobjoog ahaa in ka badan 140 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa dood dheer, kadib Cod gacan taag ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139 Mudane, laba ayaa diiday, halka 1 Xildhibaana uu ka aamusay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku dhawaaqay in shirciga la ansixiyay, waxaana intaas kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka loo qeybiyay Ajendayaal dhowr ah oo kala ahaa:

1-Qaybinta Xubnaha Adeega Garsoorka

2-Qaybinta Xubnaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa

3-Qaybinta Hindise-sharciyeedka Hay%adda Dhiiri-Galinta Maalgashiga Soomaliyeed

4-Qaybinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharviyeedka Ilaalinta Xuquuqda Maalgashiga Iyo Maalgashatada.

Related posts

Mid ka Mid ah Taliyayaashii ka Howlgalayay Somaliya Oo Lagu Dilay Uganda

Heemaall

Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Taageeray Go’aankii IGAD Ee Xadka.

Heemaall

Iiraan Oo Si Toos Ah Ula Xiriirtay Boqortooyada Imaartka Una Hanjabtay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More