Heemaal News Network
somali

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Mudo-kordhin Labo Sano ah.(Akhriso)

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa u codeeyay meel marinta mooshin ay xildhibaano ka tirsan golaha ka gudbiyeen doorashada dalka.

Kulanka Golaha shacabka waxaa soo xaadiray 153 Xildhibaan , waxaana xildhibaanada ka hor inta aysan codka u qaadin loo qeybiyay qoraalka sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashada heer federaal kaas oo ay ka doodeen.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaana gabo gabada kulanka xildhibaanada ugu baaqay in ay u codeeyaan meel marinta mooshinka maanta la horgeeyay ee ahaa jiheynta sharciga doorashada dalka.

Waxaana mooshinka u codeeyay oo ogolaatay 143 Xildhibaan halka ay diideen 3 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan kaliya, waxaana Gudoomiyaha golaha shacabka sheegay in mooshinkaasi uu meel maray.

Sharcigan ay ogolaadeen Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa qodob kamid ah dhigayaa in la qaato nidaamka doorashada tooska ah ay qabanayaan guddiga doorashasa Qaranka taa oo lagu qabanayo mudo labo sano ah.

Go’aamka Golaha Shacabka ayaa ka dhigay in Maxamed CAbdullaahi Farmaajo iyo hay’adaha kale ee dowladda ay sii shaqeyn doonaan muddo laba sano ah ee soo socota.

Waxaana talaabadan ay qaadeen Xildhibaanada golaha shacabka u muuqataa mid horseedeysa in meesha laga saaro nidaamka dooarshada dadban ayna Xildhibaanada iyo madaxda Dowlada sii shaqeeyaan mudo labo sano ah.

Related posts

Itoobiya Oo Kordhisay Waqtiga Diwaan-galinta Codbixiyayaasha.

Heemaall

Shirkii Maanta Oo Natiijo La’aan Xidhmay Iyo Wadatashi Loo Dareeray

Heemaal

Dowlada Oo si Rasmi ah Muqdisho Uga Bilaawday Tallaalka Chine Ee COVID 19.

Heemaall