Heemaal News Network

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Xubnaha Guddiga Garsoorka Dalka Somaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen kulanka 6-aad Kalfadhiga 8-aad Golaha , iyaga oo la horgeeyay Guddiyada Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa..

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac waxaa uu Golaha Shacabka u gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Intaasi, kaddib Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Cod Aqliyabad leh ku ansixiyey Xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, iyada oo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka XFS Cabdulqaadir Maxamed Jaamac uu Ansixinta kadib u Mahad celiyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.

guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa ayaa waxaa horay u meelmariyay Golihii wasiiradii xil-gaarsiinta, iyadad oo mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ururka Qareenada Soomaaliyeed ay sharci darro ku tilmaameen.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaa loo qeybiyay sidoo kale Qoondaha miisaaniyadda 2021.

Related posts

Oday Trump Oo Loo Quus Gooyey Gobolo Cusubna Looga Guulaystay, Qirashana U Dhow

Heemaal

“Cafis Dambe Heli Mayso Cida Muqdisho U Shaqo Tagta.”Siyaasi Cali Waran Cade.

Heemaall

Washignton: Taageerayaasha Trump Iyo Bidan Oo Gacmaha Iskula Tagay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More