Heemaal News Network
somali

Golaha Shacabka Oo Shaaciyey Maalinta Codka kalsoonida loo Qaadayo Wasiirada cusub

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah uu jiro Kulanka Golaha Shacabka

Ajendaha kulanka ayaa la sheegay inuu yahay cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka barnaamijka Xukuumaddiisa ayuuna ka hor akhrin doonaa isagoo ka dibna weydiisanaya codka kalsoonida.

Waxaa la saadaalinayaa in xildhibaanada Baarlamanka intooda badan ay codka kalsoonida siin doonaan xukuumada cusub inkastoo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay saluugsan yihiin hanaanka loo maray magacaabista golaha Xukuumada.

Related posts

Barkhad Jamac Batuun Oo ku Dhaartay Inuu Helay Mid ka Duwan Natiijadii Uu Filayay

Heemaall

Wasiirad Lagu Helay Inay Malaayiin Dollar ka Lunsatay Qoysas Sabool ah Oo Xabsiga loo Taxaabay.

Heemaall

Musharax Sharmaake Aadan Siciid Oo Shacabka Borama la Hadlay Salaadii Ciida Kadib

Heemaall