Heemaal News Network
Soomaaliya

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Shir Aan Caadi ahayn ka Yeeshay Safarka Farmaajo Ee Hargeysa.

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi aheyn, iyagoona uga hadlay Safar la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu tegi doono Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Bixii ayaa Golaha Wasiirada Somaliland u soo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Hargeysa, iyagoona aqbalay arrintaas, isla markaana waxaa ay sheegeen inay soo dhaweynayan..

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in si wadajir ah Magaalada Hargeysa uga degaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo oo ka ambabixi doona sida la sheegay Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya magalada Hargaysa ayaa sheegaya in ay Soomaaliland qoraal diidma ah u dirtey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed taasoo lagu muujiyay in marnba aysan suuragal aheyn in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.

Qoraalka loo direy Abiy Axmed oo ay heshay Warbaahinta ayaa lagu wargeliyey Abiy Axmed in Soomaaliland marnaba diyaar u aheyn in ay Hargeyso kusoo dhaweyso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in isla Maanta Soomaaliland ay warqadaasi gaarsiisey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya,in kastoo weli aysan kasoo jawaabin.

Qoraalkan diidamadaha ah ee Soomaaliland u dirtey Itoobiya ayaa kusoo beegmaya Saacada uun markii Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha itobiya uu ku cadaadinayo in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More