Somaliland Oo si Adag Ugu Digtay Xubnaha Labada Aqal Ee Somaliya ku Matala.

Golaha Wasiirrada Somaliland Kulan ay Maanta yeesheen ayaa waxaa ay War-murtiyeed ka soo saareen arrimaha doorashooyinka Dowladda Federaalka gaar ahaan Xildhibaannada labada aqal ee matalaya Soomaaliland, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada muqdisho.

Kulanka oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa warmurtiyeedkooda ay ku sheegeen in Xildhibaannada lagu dooranayo muqdisho ee matalaya Soomaaliland ay tahay meelka dhac iyo gef loola bareerayo Somaliland.

Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon. Ayaa lagu yiri”War-Saxaafadeedka.

Halkan Ka Akhriso:

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy