Heemaal News Network
somali

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Doortay Guddoon KMG ah.

Kulan ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa iska dhex doortay Gudoomiye cusub oo uu ku soo baxay Muuse Geelle Yuusuf kaasoo noqonaya Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonkan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qabanqaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmi madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa ka bilaabanaya doorashada labada aqal ee Baarlamanka iyo madaxweynaha oo ugu dambeyn la soo gebagebeynayo 10-ka October ee sanadkan sida qorshuhu yahay.

Related posts

Erdogan Oo Farriin Cad U Diray Dalalka Khaliijka Iyo Masar

Heemaall

Shiikh Shariif Oo ka Hadlay Go’aanka Golaha Shacabku ku Joojiyey Muddo Kordhinta.

Heemaall

Dad Cudurka Covid 19 Ugu Geeriyooday Muqdisho Markii Uu soo Laba Kacleeyay.

Heemaall