Heemaal News Network
somali

Xilliga iyo Goobta Lagu Qabanayo Doorashada Gudiga Gobollada Waqooyi Oo la Shaaciyey.(Akhriso)

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa goordhoweyd qoraal uu soo saaray ku wargeliyay guddiga doorashooyinka Somaliland (SEIT) qabashada doorashada guddoonka, kadib khilaaf xoogan oo muddo taagna.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada guddoonka guddiga Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha Agoosto ee 2021-ka, waxayna ka dhici doonta Xerada Afisyooni.

“Iyadoo la tixraacayo go’aankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay (3 Agoosto 2021) ka gaaray xalinta arrimaha guddiga hirgelinta doorashad ee Somaliland, iyo go’aanadii xalay kasoo baxay shirka fogaan aragga Gollaha Wada-tashiga Qaran ee khuseeyay arrintaas, wuxuu Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ku wargalinayaa 11 xubnood ee Guddiga doorashooyinka in doorashada guddoonka la qaban doono Maalinka Sabtida,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Sidoo kale waxa uu guddiga ka digay dib u dhac ku yimaada waqtiga uu u mudeeyay inay qabsoomto doorashada guddoonka, taasi oo looga gol leeyahay si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.
Halkan ka Akhriso:

Related posts

M/Deni Oo Xafiiskiisa Garoowe ku Qaabilay Wakiilo ka Socday Beesha Caalamka.(Sawirro)

Heemaall

Ciidan Ka Horjoogsaday In Uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Tunisiya Galo Xarunta Baarlamaanka

Heemaal

Dawlada Kenya Oo ka Jawaabtay Baaqii Dowlada Somaliya.(Akhriso)

Heemaall