Heemaal News Network
somali

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland Oo Dalab U Gudbiyey Axmed Madoobe.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland, ayaa codsi qoraal ah maanta u gudbiyay madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

xubnaha guddiga ayaa ka dalbaday inuu maalmaha soo socda guddiga u soo gudbiyo diiwaanka iyo magacyada xubnaha la doonayo inay u tartamaan golaha Aqalka sare ee ka soo galaya Jubbaland.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Jubbaland ayaa doonaaya inay doorashadu ku dhacdo mudadii loogu talagalay oo ah 25ka bishan oo haatan ay naga xigto 2 cisho.

Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in doorashada xubnaha aqalka sare ee dalka aysan ku qabsoomi doonin xiligii loo asteeyey inkastoo guddiga doorashada heer federaal uu ku adkeysanayo in waqtigii loogu talo galay aysan dhaafi doonin.

Related posts

Go’doon Ay Gashay Magaalada Jowhar Iyo Maamulka Oo ka Hadlay.

Heemaall

Dad Badan Oo Oxygeen La’aan Ugu Dhintay Galmudug.

Heemaall

Soamli State Oo Laga Yaabo In Ay Ciidamo U Dirto Gobolka Tigree

Heemaal