Heemaal News Network

Guddiga Farsamada Ee Khilaafka Doorashada Oo Shir Uga Furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta gaaray Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 14 Xubnood ayaa ka kala socda dowladda Soomaliya, Dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir, waxana baydhabo uga furmay shir gogol xaar u ah shirka wadatashiga dowladda & dowlad Goboleedyada.

Kulanka ayaa xubnaha Guddiga farsamada uga hadlayaan waxyaabihii keenay fashilkii ku yimid Shirkii Dhuusamareeb4 , isla markaana uu rajeynayo in Madaxda ay qaadan doonaan waxyaabihii kasoo baxa shirkaas.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirka ay si dhow ula socdaan xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya, iyaga oo damaanad qaad ka noqon doono wixii lagu heshiiyo.

Shirka wadatashiga dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maanta qorsuhu ahaa in uu furmo hayeeshee uu dib ugu dhacay sababo la xiriira in la sugayo qodobada kasoo baxa shirka Maanta ka furmay magaalada Baydhabo.

Related posts

Madaxweynihii Hore Farance Oo la Xukumay Markii Dembi Culus Lagu Helay.(Sawirro)

Heemaall

Banaanbax Lagu Taageerayo Heshiis Nabadeed Oo Laga Gaaray Dgaal Beelo Ku Dhexmartay Buuhoodle.

Heemaall

Farmaajo Oo ka Hadlay Geerida Marxuum Xildhibaan Axmed Casoowe.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More