Heemaal News Network
Soomaaliya

Guddiga Maamul U Sameyta Galmudug Oo la Magacaabay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul u sameyta Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa Warbaahinta u akhriyay magacyada iyo wareegtada lagu magacaabay guddigan.

Xubnaha Guddigan oo ka kooban 13-xubnood ayaa la filayaa in dhaxdooda iska doortaan Gudoomiye iyo xogheyn, waxaana xubnahan guda gali doonaan qorshaha maamul u sameynta Galmudug.

Magacaabista guddigan ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf ku aadan cida soo magacabayso, Madaxweynaha Galmudug ayaana horey u sheegay in isagu soo magacaabi doono.

Halkan ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More