Guddiga soo Xulista Xildhibaanada Cusub Ee Hirshabelle Oo Gaaray Jowhar.(Sawirro)

Guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle ee uu dhawaan magacaabay madaxweyna dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Xubnaha guddigan oo kakooban 11 xubnood ayaa markiii ay gaareen jowhar waxaa kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye ku xigeenka siyaasada gobalka shabeellaha dhexe Maxamed Cabdi Sheikh Xandow oo ka mid ahaa masuuliyiin soo dhaweeyay ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsanyihiin waxaana sidoo kale uu ugu baaqay in si hufnaan leh ay uga shaqeeyaan arrimaha loo ekmaday ee ah soo xulista barlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Afhayeenka guddiga Siyaad Maxamed Isaaq ayaa ka mahadceliyay soo dhawenta looga sameeyay waxaana uu sheegay in maalmahan soo socda ay soo saari doonaan jadwalka shaqo ee soo xulista baarlamnaka 2-aad ee Hirshabeelle.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy