Heemaal News Network

Guddigii loo Xilsaaray Baaritaan Dilkii Saraakiisha Galmudug Oo War soo Saartay.

Wasiirka Arimaha Guddaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ( Waayeel) ayaa ka warbixiyey howlgallada ay wadaan Ciidamada Amniga ee lagu baadi goobayo kooxdii ka dambeysay dil dhowaan loo geystay Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka

Wasiirka oo kamid ahaa Guddiga loo xilsaaray dhacdadaas Warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb waxaa uu sheegay inay weli socdaan dadaalada ku aadan sidii loo qaboojin lahaa ehellada saraakiishii la dilay iyo Ciidamadii ay ka tirsanaayeen.

Waxaa uu sheegay in Saraakiishii la dilay ay ahaayeen kuwo u Shaqeeynayay Qaranka, sidoo kalena ay ku howlan yihiin sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay oo ay sameeyeen Ciidamada Dowladda federaalka & kuwa Galmudug lagu soo qabtay dad lagu tuhmaayo inay ku lug lahaayeen weerarkaasi saraakiisha lagu dilay.

9-kii Bishaan ayaa weerar ka dhacay duleedka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, xilli ay ka yimaadeen xerada tababarka Ciidamada harqaboobe ee degmada Guriceel.

Related posts

Burcad Madaxfurasho Ku Doonaysa Sawiro Dhakhtar Ay Ka Xadeen

Heemaal

Ururada Siyaasada Puntland Oo ka Hor-yimid Xasaanaddii Laga Qaaday Xildhibaanada.(Akhriso)

Heemaall

Dibu-dhac ku Yimid Saxiixa Xirmooyin ka Mid ah Shidaalka Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More