Heemaal News Network
somali

Guddigii Xalinta Arrinta Gedo Oo Heshiis la Gaaray Waxgaradka Garbahaarey.(Sawiro)

Guddigii uu ra’iisul Wasaraaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay dib heshiisiinta gobolka Gedo oo dhawaan gaaray magaalada Garbahaarey ayaa shirar la lahaayeen odayaasha dhaqanka, maamulka Garbahaaray iyo bulshada qeybeheeda kala duwan ku soo gabagabeeyey magaaladaas.

Shirarkii Dib u heshiisiinta ee ku saabsanaa dhanka doorashada ee ka socday Magaaladda Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ugu danbeyn laga soo saaray go’aano ay wada gaareen dhinacyada.

Bulshada ku dhaqan deegaankaas ayaa guddigan oo wasiiro ah waxa ay ku wareejiyeen magacyada xubnaha noqon doona maamulka degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo kadib markii ay sameeyeen la tashiyo badan.

Guddiga oo ka koobnaa wasiiro ka tirsanaa maamul goboleedyada, marka Laga reebo Jubbaland ayaa sido kale waxbixino ka dhageystay bulshada qeybeheeda kala duwan, iyagoona tagi doona dhawaan magaaladda Kismaayo si ay kulamo ula qaataan madaxweynaha Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Kismaayo.

Guddigan ayaa waxa laga sugayaa iney xal buuxa ka keenaan khilaafka ka dhex jira gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaarey ee gobolkaas taasoo ka mid ah meelaha ay ka dhacayso doorashada.

Related posts

Somaliland Oo Ruqsadii kala Noqday Shirkada Ina Geelle Arab Ee Integrated Shipping Services.

Heemaall

Toogasho Gaysatay Dhimasho iyo Dhawaac Oo ka Dhacday Mareykanka

Heemaall

RWasaare Rooble Oo la Dar-daarmay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Heemaall