Heemaal News Network
somali

Guddoomiyaha Barlamaanka Oo Magacaabistii Ugu Horreeyay Sameeyay

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe ayaa sameeyay magacaabistii ugu horreysay tan iyo markii loo doortay xilka guddooomiyaha barlamaanka, 28-kii Abril.

Aadan Madoobe ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Idiris inuu noqdo Lataliyihiisa sare gaarka ah ee arimaha siyaasada iyo amniga.

Maxamed Xasan Idiris ayaa ka tirsanaa baarlamaanka hore ee waqtigiisu dhammaaday, waxayna deegaan doorashadiisu ahayd dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Wuxuu kamid ahaa xildhibaannada sida adag mucaaradka ugu ahaa dowladda madaxweyne Farmaajo, balse kuma guulaysan inuu kursiga kusoo laabto sida saaxiibadiisa mucaraadka oo kale.

Related posts

Gabadh Ogolaasho U Dalbatay Inay Qaawani ku Socoto Oo Hargaysa Lagu Xiray

Heemaall

Akhriso:-Natiijada kama Danbeysta ah Ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Heemaall

Ciidanka Dowlad Degaanka Itoobiya Oo Gacanta ku Dhigay Hub Iyo Rag Watay

Heemaall