Heemaal News Network

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo si Adag Uga Hadlay Dil ka Dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) ayaa arka hore digniin u diray ragga Burcadda ah ee dhaca iyo dilalka u geystay dadka Shacabka ah.

Waxaa uu sheegay in ragga Burcadda ah ee dhaca geysanaya ay yihiin kuwo isicmaalay waxyaabaha maanka dooriya, waxaana uu uga digay inay sii wadaan dhicida dadka shacabka ah.

Sidoo kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay dil xalay Xaafada Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan loogu geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, waxaan uu sheegay in qofkii ka dambeeyay gacanta lagu dhigay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) waxaa uu sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan Nin xalay weerar bambaano ka geystay Magaalada Muqdisho.

Related posts

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Mareykanka” Trump Cadayn Ma Hayo”

Heemaal

Madaxweynaha Mexico Oo kasoo Horjeestay in si Deg-deg ah Loogu Hambalyeeyo Joe Biden

Heemaall

Shacabka Hargaysa Oo ka Qayliyay Gaaddiid Muuse Biixi ka Mamnuucay Somaliland.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More