Baadhitaan Lagu Samaynayo Dableydii ku Qaraxday Hotel Saxafi Oo Waday Dirayska Ciidamada Somaliya.

Guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacaabay guddi baaritaan ku sameeyay qaraxyadii jimcihii la soo dhaafay lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddiga Difaaca uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Xuseen Carab Ciise ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu geystay waxyeelo kala duwan oo isugu jiray, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in la isticmaalay dareyskii cusbaa ee ciidamada xoogga dalka oo ay wateen dableydii hubeysneyd ee ka tirsaneyd Al-Shabaab.

Guddiga ayaa baaritaanka weerarkaas u saaray afar xubnood oo ka tirsan Guddiga difaaca, kuwaasoo xaqiiq raadin ah.

Inta badan baaritaanada dowladda sameyso ayaa wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo marka baaritaanada soo dhamaadaan aan la soo bandhigin, isla markaana aan cidna lala wadaagin ama aan dib loo raacin.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka.