Heemaal News Network
somali

Gudomiyha Gobolka Hiiraan Oo Sheegay In Tiro Al Shabaab ah Ay U Gudbeen Dhinaca Itoobiya.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ka gudbeen xadka Soomaaliya, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xaqiijiyay in dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab u gudbeen dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, mana sheegin guddoomiyaha halka ay saldhigteen dagaalyahanada xadka ka gudbay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan dagaalyahanada Al Shabaab ee xadka ka gudbay gaarayaan ku dhawaad 200 oo dagaalame, sida uu kasoo xigtay dad ku sugan xadka oo arkay Shabaabka gudbay.

Dagaalyahanadan katirsan Al Shabaab ee u gudbay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa imaanaya xlli dhawwaan koox katirsan Al Shabaab galeen gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka halkaasna uu ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaacisay in ay soo afjareen dagaalkii Al Shabaab kula jireen ee ka socda gobolka Afdheer gaar ahaan dhinaca xadka gobolka Bakool, waxa ayna sheegeen in dagaalkaasi khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al Shabaab.

Related posts

Tirada Dadka ku Barakacay Abaaraha Somaliya Oo Kor U kacday

Heemaall

Mareykanka Oo Ergay Cusub U Magacaabay Dalalka Geeska Afrika.

Heemaall

RW Xamse Oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Africa Iyo Japan.(Sawiro)

Heemaall