Heemaal News Network

Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Dacwo ka Dhan ah Dawlada U Gudbiyay Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Warqad dacwo ah u diray xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wakiilka QM eeArrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la galayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, hayeeshee uu ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Hay’adda NISA Cabdi Xaashi Cadillaahi.

“ Maanta, waxaan idiin soo gudbinayaa labadiinaba anigoo ku hadla af-hayeenka Aqalka sare iyo sidoo kale masuulka ugu sareeya ee laga soo doorto gobolada waqooyi ee Somaliland sidoo kale waxaan ahay xubin hoose oo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Wadanka kana shaqeynayay muddo soddon sano ah ma aqbaleyno in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha & Taliyaha NISA inay soo xulaan Xubnaha Guddiyada Matalaya gobolada Waqooyi ee soo xulaya Baarlamaanka ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhowr jeer ooh ore soo saaray qoraalo uu kaga soo horjeeday Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee Ra’iisul Wasaare Rooble u Magacaabay doorashooyinka xildhibaannada gobolada Waqooyi.

Related posts

Maraykanka Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalka Ka Socda Itoobiya

Heemaal

Dagaalka Itoobiya kula Jirto Tigrey Oo ka Socda Xadka Eritrea.

Heemaall

Washignton: Taageerayaasha Trump Iyo Bidan Oo Gacmaha Iskula Tagay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More