Heemaal News Network

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Oo ka Toobad keenta Gafkii Dhacay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] ayaa si kooban uga hadashay eedeyn uga timid culimada kaddib markii been abuur ku tilmaamtay Aayada Qur’aanka ee Alle uu ku sheegay in Xaawo laga abuuray Feerta Aadam.

Xaliimo Yareey ayaa tiri “Waxaan Caddeynaa inaan ahay Muslim khaalis ah Ilaahay weynoo waaxid ah rumeysan Rasuulkiisana Aaminsan,Hadalkii maalin dhaweyd aan jeediyey wixii gaf ah ee ku jiray Ilaahay aan uga Towbad keenay”

Waxaa ay intaa ku dartay”Intii hadalkaas iigu gaftay Cafis bay iga yihiin intii ii nasteexeysayna Ajar iyo Xasanaad Allaha ka siiyo”

Sheekh Cali Wajiis oo ka tirsan hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ugu nasteexeeyay Guddoomiye Xaliimo Yareey in ay ka noqoto gafkaa oo ay Alle u towbad keento.

Related posts

Maxkamad Xukun Adag ku Riday Nin Dilay Muwaadin Soomaali-Mareykan ah.

Heemaall

Komishanka Oo Shaaciyay Waqtiga Rasmiga ah Ee la Bilaabayo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Somaliland

Heemaall

Kenya Oo ku Dhawaaqday Inay Dal ku Galka Ufududaysay Dadka Somaliyeed.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More