Heemaal News Network

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Oo U Digay Hey’addaha Dowlada Somaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa digniin u diray Hey’addaha Dowladda,laamaha amniga iyo Dowladaha hoose ee dalka taas oo ah in ciqaab ay ka dhalan doonto fulin la’aanta xukunada kasoo baxa maxkamadaha dalka.

Waxaa uu sheegay in mar walba la arko go’aan maamul oo Maxkamadda sare kasoo baxay ama Go’aan dacwada Shaqaale oo soo baxay in hay’addii go’ankaas uusan ku socday aysan fulin.

Waxa uu ka dalbaday Hay’adaha dowladda in go’aankasta oo Maxkamada dalka kasoo baxa uu waajib ku yahay inay fuliso hadii kale uu ka dhalanayo fal dabiyeed sababi kara xarig ama ganaax.

“Hadii Go’aanka Maxkamadadaha aysan fulin hay’adaha dadka xukunsanayaasha ah waxaa ku xisaabsamayaan in ay yihiin dad sharciga ka sareeya oo aan waxba lagu fulin Karin ayuu yiri” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay waajib ku tahay inay fuliyaan go’aanada kasoo baxa maxkamadaha dalka, isla markaana lagula xisaabtami doono Saraakiisha Ciidamada.

“Waxaa dhacda in qof la xiray oo Maxkamad xukuntay in la iska sii daayo, waxaa dhacda in waaran maxkamad jarto loo hogaansami waayo,waxyaabahaas oo dhana waa ka gaabin saraakiisha Ciidamada ah, waxana farayaa garsoorayaasha in, iyaga oo sharciga adeegsanaya ay wax kasta fuliyaan.

Related posts

Kuwii Ka Danbeeyey Dilkii Mohsen Oo La Dilay Qaarna La Xidhay

Heemaal

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amar Dul-dhigay Hay’adaha Garsoorka Ee la Ansixiyay.(Sawiro)

Heemaall

Turkiga Oo si Kulul Uga Hadlay Khasaaraha kasoo Gaaray Qaraxii Duleedka Muqdisho.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More