Gudoomiye kuxigeenka Tog-wajaale Oo ka Hadlay Dhaawac ay U Gaysteen Ciidmada Liyuu Booliska.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Tog-wajaale, qaybta Itoobiya ay maamusho, ahna Maareeyaha maamulka magaaladaasi,Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ciidamada Liyuu booliska ku eedeeyey inay xalay toogasho ku dhaawaceen, isagoo sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu booliska inay qaataan gaari dabdamis ah oo magaaladu lahayd.

Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaaray, oo xabbaddu ay hilibka dhex martay, xaaladiisuna ay fiican tahay, is

Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay inuu isla wakhtigaas uu ku hawlanaa sidii loogu gurman lahaa qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in dhallinyaro ay rabshado ka wadaan.

“Dabdamiskii iyo alaab kaleba waa qaateen, qaarna dhaawacyo ayey gaarsiiyeen” ayuu yiri Axmed-Khadar.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Balli-gubadle ee dhinaca Somaliland, Yaasiin Maxamed Shide,ayaa sheegay inuu ilaalo u diray seddex goobood oo gobolka Hawd xiga oo ay fariisimo ku lahaayen ciidanka Liyuu Booliska.

Goobahaas ayuu ku sheegay inay ku yaallaan Balli Cabbane, Gumar iyo Balli-gubadle oo dhamaantood ku yaalla xudduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya.

“Si aan uga badbaadinno in la boobo ayaan xeryahaas ugu dirnay dad ilaaliya, ilaa iyo inta maamulka Itoobiya ay uga imaanayaan” ayuu yiri Yaasiin Maxamed Shide.

© Heemaal News Netwok