Heemaal News Network
somali

Gudoomiye Mursal Oo Arimaha Doorashada kala Hadlay Safiirka Swedan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacowday Soomaaliya Mr.Lingarde.

Kulanka dhax maray Gudoomiyaha golaha shacabka iyo safiirka Sweden ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka dowlada Sweden ayaa kawada hadlay in la adkeeyo qoondada haweenka ee ku yeelanayaan Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka federaalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili doorashada Aqalka sare dalka ka bilaabatay lana filayo in dhawaan magaalooyin kuyaala maamul goboleedyada iyo Muqdisho ka bilowdaan dooarshaada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Related posts

Booliska Kenya Oo ka Hadlay Xariga Falanqeeye Cabduwahaab.

Heemaall

Dadwaynaha Degmada Cali-xaydh Oo Taareero U Muujiyay Musharax Dr Fuaad.

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Digniin Adag U Dirtay Murashaxiinta Iyo Codeeyayaasha.

Heemaall