Heemaal News Network

Gudoonka Cusub Ee Baarlamaanka Hir Shabeele Oo La Doortay

Xildhibaannada golaha wakiillada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhow doortay guddoonka Baarlamaanka maamulkaasi, kadib doorasho galinkii dambe ka dhacday magaalada Jowhar ee caasimadda u ah.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa ku tartamay murashaxiinta kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir), waxaana codad gaarayo 77 ku guuleystay ayaa C/xakiin Luqmaan, murashaxii la taylamaayey uu helay 21 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, kaas oo ay ku tartamayeen Murashaxiiinta kala Xildhibaan Siraaji Shiikh Isaaq, waxaana tartanka isaga baxay oo ka tanaasulay Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame, siraaji ayaana sisaas ugu guuleystay.

Dhinaca kale Xildhibaannada ayaa guddoomiye ku-xigeenka labaad u doortay Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo helay 85 cod, halka Xildhibaan Canab Axmed ay heshay 10 cod, halka afar cod ay halaabeen.

Related posts

Musharaxiinta Mucaaridka Ee ku Shirsan Muqdisho Oo Hogaan Cusub Doortay.

Heemaall

Maxkamadda Ciidamada Oo Xakuno kala Duwan ku Riday 9 Askasri Oo ka Tirsan Booliiska Somaliya

Heemaall

Goalaha Wasiiradda Faransiiska Oo Meel Mariyey Sharci Lagu Beegsanayo Xagjirnimada

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More