Heemaal News Network

Gudoonka Golaha Shacabka Oo Caawa ka Qaybgalay Shirka Musharaxiinta.(Sawirro)

Waxaa goordhaw shirka Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho uga socda qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ku biiray Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo kuxigeenkiisa koobaad Cabdiweli Muudey.

Shirka u socda Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada galay heer xasaasi ah, waxaana shirka kusoo biiray qaar kamid ah madaxda ugu sareysa Dowlada federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo kuxigeenkiisa koobaad Cabdiweli Muudey oo horey aad isugu dhawaayeen Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa shirka ku biiray, waxaa sidoo kale saakay shirkan ku biiray Gudoomiyaha Aqalka sare.

Shirka ka socda Hotelka Jaziira ayaana culees hor leh kusii abuuraya Madaxweyne Farmaajo kadib markii ay shirka ku biireen Madaxda ugu sareysa dalka qaarkood oo horey Farmaajo aad isugu dhawaayeen.

Related posts

Askari Dil iyo Dhaawac U Gaystay Dad Shacab ah Oo Xukun Dil ah Lagu Riday.

Heemaall

Gudida Lagu Muran-sanyahay Ee Doorashada Somaliya Oo Shir Uga Furmay Muqdisho

Heemaall

Dawlada fadaraalka Oo Codsatay In Wakhtiga Loo Kordhiyo Amisom

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More