Heemaal News Network

Haayo Umul Ah Iyo Caruur Ay Dhasahay Oo Lagu Dilay Warsheekh

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay xalay dad shacab ah oo isku qoys ahaa waxaa ay ku dileen agagaarka degaanka Xaluule oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaas ayaa waxaa ay maleeshiyaadka ay gurigooda ugu tageen dadka isku qoyska ah, iyaga oo dilay hooyo umul ku jirtay iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kaas oo da’diisa lagu sheegay saddex sano jir, halka la dhaawacay haweeney qoyska kamid aheyd iyo wiil 5-sano jir ah.

Xoghayaha degmada Warsheekh Cabdullaahi Raage Colow oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdada dadka lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay, isaga oo sidoo kale sheegay in degmada aysan laheyn ciidamo Boolis ah oo ka hortagga falkaas oo kale.

Related posts

Antony Blinken Oo Noqonaya Xoghayaha Arimaha Dibadda Ee Dalka Maraykanka

Heemaal

CXDS Oo Aaan Kaashanayn Ajaaniib Oo Dagaal Xorayn Ah Ka Bilabay Galguduud

Heemaal

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amar Dul-dhigay Hay’adaha Garsoorka Ee la Ansixiyay.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More