Heemaal News Network

Hal Qof Oo ku Dhintay Dibadbax ka Dhacay Magalada Mekelle Ee Gobolka Tigrey.

Wararka ka imanaya gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in hal qof lagu dilay mudaharaad ka dhacay gobolkaasi..

Booliska ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal ka soo horjeeday dowladda Itoobiya islamarkana waxaa ku dhintay rasaastaasi hal qof oo ka mid ahaa dadkii dibadbax isugu soo baxay caasimadda gobolka Tigrey ee, Mekelle.

Dibadbaxa ayaa ku soo beegmay xilli hogaamiyayaasha gobolka Tigrey ay booqdeen magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigrey, waxayna dadka deegaanka sheegeen in ganacsiyo badan ay wali xiran yihiin.

Itoobiya ayaa qorsheyneysaa inay xirto labo xero oo qaxooti oo ku yaalla gobolka Tigray kuwaas oo dadkii ku noola ay ku go’doomeen dagaalka ka socday halkaas, sida ay sheegtay laanta dowladda u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Related posts

Madaxweynaha DDS Itoobiya Oo Taageeray Dagaalkii Lagu Qaaday TPLF

Heemaall

Mid kamid ah Odayaashii Soo Xulay Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Dilay

Heemaal

Beesha Caalamka Oo Faragelisay Muranka ka Taagan Doorashooyinka Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More