Halkan Ka Akhriso Buuga Uu Qoray Xirsi Gaab Ee Uu Kaga Been Sheegay Taariikhdiisa Iyo Tan Adeerkii Siilaanyo

 

 

Xirsi Cali X. Xasan

 

 

 

 

Miyiga Ilaa Madaxtooyada: Socdaalkaygii Guusha.

© Xirsi Cali X. Xasan, 2018

 

Buuggan qayb ka mid ah, ama isaga oo dhan, lama dheegan karo, qaab ay tahayba, loomana adeegsan karo ujeeddo ganacsi, iyada oo aan oggolaansho qoran laga haysan qoraaga.

 

Daabacaddii 1aad, 2018. Hargeysa, Somaliland.

 

Waxa daabacday: Shirkadda Daabaacadda ee Asal Printing Press ISBN:

Ciddii talo ama aragtiwadaag wax dhisaya damacda in ay qoraaga la wadaagto, waxay kala soo xidhiidhi kartaa emailka: hersiin2000@hotmail.com

 

“Dhib ma laha siday u dheer tahay, waynu gaadhi karnaa halka ugu sarraysa”

 

 

Silsiladda Dhaxalgal waa xikmad la ururiyey oo ka kooban saddex buug. Si aad fekerkaaga isbeddel ugu samayso, waxna ugu soo kordhiso dunida; akhri buugga 1aad si aad u qaabayso mustaqbalkaaga, akhri buugga 2aad si aad ugu diyaargarawdo safarka nolosha, ogow buugga 3aad waa saadkii guushaada e.

 

 

 

 

 

 

 

 

Wixii qoran baa quruumo hadhee; muxuu hadal qiimo leeyahay!”

– Cabdi Sinimoo

 

Tusmada Buugga

Hibayn…………………………………………………………………………………………………………. 5

Mahadnaq……………………………………………………………………………………………………. 6

Afeef…………………………………………………………………………………………………………….. 7

GOGOLXAADH………………………………………………………………………………………….. 8

Buugga iyo Qoraaga………………………………………………………………………………….. 9

‘Buuggani waa xogside’………………………………………………………………………….. 12

MIYIGA ILAA MADAXTOOYADA…………………………………………………………. 13

Furfurid……………………………………………………………………………………………………… 14

Gogoldhig………………………………………………………………………………………………….. 15

Cutubka 1aad: Heshiiskii Ilaalinta Somaliland iyo Hagardaamadii Gumaystaha…………………………………………………………………………………………………………………. 18

Cutubka 2aad: Saadaashii Xorriyadda iyo Saranseerkii Dawladnimada….. 24

Cutubka 3aad:  Waalidkay iyo Imaatinkaygii Dunida……………………………… 33

Cutubka 4aad: Badbaadintiisii Dadka, Burburintii dalka ka hor…………….. 39

Cutubka 5aad: Bilowga Guuldarradii Soomaaliya……………………………………. 45

Cutubka 6aad: Abaabulka Isbeddelka Nidaamka Dawladeed…………………. 50

Cutubka 7aad: Burburkii Dawladdii Soomaaliya iyo Bilawgii Somaliland

…………………………………………………………………………………………………………………………………………..   66

Cutubka 8aad: Kacaankii Nabadda Somaliland……………………………………….. 68

Cutubka 9aad:  Gedgedoonkii wakhtiga iyo Garwaaqsigaygii Nolosha….. 72

Cutubka 10aad: Marxaladihii Waxbarashada iyo Sicto College……………….. 76

Cutubka 11aad: Mudalab Ilaa Maamule shirkadeed (CEO)……………………… 81

Cutubka12aad: Sallaankii Siyaasadda…………………………………………………….. 107

Cutubka 13aad: Dhallinyarannimada iyo Cidhiidhiga Siyaasadda……….. 123

Cutubka 14aad: Imaatinkaygii Madaxtooyada (Cheif Of Cabinet)………… 132

Cutubka 15aad: Wasiirkii Madaxtooyada……………………………………………….. 147

Cutubka 16aad: Dedaallada Ictiraafraadinta Somaliland……………………….. 188

Cutubka 17aad: Hay’adda Horumarinta Waddooyinka (RDA)………………. 201

Cutubka 18aad: Mucaaradnimadii iyo Maxaafadnimadii……………………….. 209

Cutubka 19aad: Guurkaygii iyo Haweenkii Ilaahay igu galladay………….. 248

Cutubka 20aad: Tilmaan Guud iyo Dardaaran……………………………………….. 253

 

Hibayn

 

Jiilasha noloshoodu ay u caqabad eg yihiin tayda, hankoodana ugu adag sidii aan kayga ugu adkaa, ayaan buuggan u hibaynayaa. Waxaanan rejaynayaa in buuggani ugu yaraan uu ku dhiirrigelin doono in aanay marna ka niyadjabin hankooda iyo qorshahooda.

Waxaan sida oo kale buugga ku maamusayaa, qof wax weyn ku darsaday sidii aan hankayga uga dhabayn lahaa: Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo.

 

Mahadnaq

 

Buuggan soosaaristiisa waxa iga kaalmeeyay dad aannu la’aantood bilicdan iyo soojiidashadan lahaadeen. Waxaan u mahadnaqayaa xaasaskayga, oo tan iyo intii aan qoriddiisa waday iigu dul lahaa, igana caawinayay. Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa Xuseen Aadan (Deyr), Xasan Cabdi Madar, Maxamed Baashe X. Xasan, Axmed Cali Garas (Maqalloocshe), Maxamed Haaruun Biixi, iyo Maxamed-Amiin Jibriil Cismaan, oo buugga soo akhriyay, talooyin wax- ku-ool ahna ku soo kordhiyay. Sida oo kale Cabdicasiis Guudcadde, iyo XudayfaeFaysal Maxamed, oo tifaftirka buugga dhabarka u ritay. Waxaan si dhab ah ugu mahadnaqayaa guud ahaan cid kasta oo si toos ah iyo si dadbanba wax ugu darsaday buugga. Idilkood waxaan leeyahay intii  uu Xaaji Gabay-Xaddi yidhi: “Abaal badh ah, abaal bur ah, abaal bur iyo dheeraad ah; ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni.

 

Afeef

 

Buuggan oo ah buug kowaad ee silsiladda buugta Dhaxalgal, waa taariikh- nololeed. Intiisa badan waa taariikhdii noloshayda, min dhalasho ilaa hadda. Maadaama ay weli noloshu socoto, waxa akhristuhu si fudud u ogaan karaa in taariikhdaydu halkan aanay ku dhammayn. Wixii noloshayda ku soo biira, wixii aan si uun iigu suuro gelin, iyo wixii talooyinkiinnu soo kordhiyaanba waxa lagu soo dari doonaa daabacaadaha danbe ee buugga.

 

Dhanka kale, buuggani waa kii kowaad ee culayskan leh ee aan qoro, sidaa darteed waxa akhristaha laga codsanayaa in uu ku eego indho lexjeclo, oo wixii talo iyo toosin ah uu iigu soo hagaajiyo email-kayga, si aan wax uga korodhsado. Ugu danbayn, dhacdooyinka aan xusay, oo nolol gaar ah ilaa siyaasad guud leh, waxa aan uga hadlay si daacadnimo weheliso, oo aanan ka beensheegayn wixii aan u arko in ay dani ku jirto sheegistooda, sidaa awgeed, akhristuhu ha ii cudurdaaro haddii aan xaqiiqooyin uu dhibsado xusay. Taasi waa waajib i saarnaa. Waxaan ugu talo galay in aan kaga warramo waayihii nolosha ee kala duwanaa iyo wax kasta oo si toos ah ama si dadban xidhiidh iyo saamayn ugu lahaa jiritaankayga qofeed.

 

Wixii dhacdooyin ah ama shakhsiyaad ah ee aan ku soo qaaday buuggan waxay tahay ujeedaddaydu tilmaanta dhacdada, aragtida qofka ee xilligaa, iyo odhaahdii aan kala kulmay in aan soo tebiyo.

 

Wixii siyaasad ah ama fahamka nolosha khuseeya waxaan ku cabbiray aragtidayda; markaa mushkilad ma aha qofkii igaga aragti duwan ama igaga faham duwan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

GOGOLXAADH

(FOREWORD)

 

WIXII LAGA YIDHI BUUGGA

 

 

 

Buugga iyo Qoraaga

Xasan Cabdi Madar, qoraa.

 

Buugga magaciisu waa “Miyiga ilaa Madaxtooyada”, qoraaguna waa Xirsi Cali Xaaji Xasan. Maxaa ka dhexeeya qoraaga iyo buugga, ka sokow in uu buugga qoray? Buuggu waxa uu ka warramayaa wiil yar oo miyi ku dhashay, ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah, la dhashay 7 carruur ah oo kale, soo maray nolol dheer oo shaqo: mudalab makhaayadeed, maamule sare oo shirkadeed, xubin iyo kuxigeen komiishan doorashooyin ilaa wasiirnimo awood badan oo madaxtooyo ah. Buuggu, intaan tilmaannay iyo ka badanba waxa uu innagu casuumayaa ciwaan hoosaadkiisa: Socdaalkaygii Guusha.

 

Haddaba, waa kuma qofka buuggu ka hadlayaa, muxuu saamayn ku leeyahay nolosha bulshada, halkuu se kaga jiraa? Weydiimahaa buugga ayaa si waafi ah uga warcelinaya, haddii se aan in yar ka tilmaamo aqoonta qof ahaaneed ee aan u leeyahay iyo waayaha shaqo ee aan la wadaagay isaga oo ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa aan odhan karaa waa nin leh in badan oo sifooyinka hoggaaminta ah, kuwo uu ku soo dhashay iyo kuwo uu ka bartay, sida ay ila tahay, waayihii nololeed ee uu soo maray. Isaga oo soo noqday maamule sare oo shirkadeed iyo xubin iyo guddoon koomishanka doorashooyinka Somaliland, ku soo bartay hababka go’aan qaadashada, wada tashiga iyo ku dhiirrashada fulinta hawlaha ayuu nasiib u helay in uu wasiir madaxtooyo ka noqdo xukuumad markaa uun la soo doortay oo uu madaxweyne ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo. Jagada wasiirka madaxtooyada intii Somaliland jirtay waxa lagu yaqaannay mid fadhiid ah, aan waxqabad badan laga filan, aragtida dadweynuhuna waxa ay ahayd xil meel buuxis ah oo tirada saamiyada wasiirrada beelaha uun lagu dhammaystiro. Xirsi arrintaa waa uu beeniyey, waxana uu rumeeyey halkudhegga rag hore laga soo xigto ee ah “qofka ayaa booska sameeya ee boosku qofka ma sameeyo.” Taasi waxa sii rumaynaya rag booskiisa wasiirnimo in ay galaan hortii hore u diiday ayaa markii dambe geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay uga riixan lahaayeen ee ku iman lahaayeen halkiisa, markii ay yimaaddeenna xaalku wuu noqon waayey sidii ay moodayeen oo waa ay waayeen awooddii ay meesha ka filayeen. Tolow awooddii ma Xirsi bay raacday?

 

Booskii wasiirka madaxtooyadu markuu Xirsi qabtay waxa uu noqday ka  ugu hadalhaynta badan, uguna saamaynta weyn, isaguna waxa uu noqday nin dhaliil iyo wanaagba bar tilmaameed u ah oo aan hadalhayntiisa iyo faallayntiisu ka bixin warbaahinta guud, baraha bulshada, makhaayadaha, suugaanta abwaannada iyo goob kasta oo siyaasad lagu falanqaynayo. Waxa uu noqday nin lagu tilmaamo in uu dalkaba haysto, awooddiisuna waxa ay hadhaysay wasiirradii kale oo loo arkayey in ay isaga hoos yimaaddaan, iyada oo loo arkay in uu iyaga iyo madaxweynaha u dhexeeyo, taas oo aan

 

waxba ka jirin, gaboodfalna ku ah wasiirradii kale oo xidhiidh toos ah la lahaa madaxweynaha, shaqada qarankana intii loo igmaday si wanaagsan u hayey, guulona ka soo hooyey maxaa yeelay golaha xukuumaddu wuxu ku shaqeeyaa go’aan wadareed.

Had iyo jeer qofka caadiga ah waxa u muuqda guusha qofku gaadhay iyo raadadka uu sameeyey, waxana ka qarsoon dhibaatooyinka iyo turunturrooyinka ka hor yimid ee aan dad badani dhaaddanayn, siyaasadduna way cadow badan tahay oo waabay ka sii xag jirtaa oo halka horumarka qofka caadiga ah lagu hambalyeeyo, siyaasiga cadaawad baa uga sii korodha guulaha uu sameeyo. Xirsigaa loo arkayey nin dalkaba haysta, waxa uu la rafanayey kala ilaalinta arrimo badan oo hadday dawladnimada dhex galaan si fudud u burburin kara, dabadiina wax badan oo arrimahaas ahi way dhaceen. Culaysyadaa uu wajahayey qaarkood waxa ay ka imanayeen dad duullaan ku ahaa jagadiisa, dad u arkayey in ay xaq u leeyihiin gacan ku qabashada awoodda madaxtooyada iyaga oo aan xil u hayn umadda, iyo qaar u arkayey in ay dadka kale ka xigaan, kuwaas oo si’ ahaan isaga ka awood badnaa oo maritaanka wadiiqooyinka awooddu u fududaayeen.

 

Haddaba, Xirsi maxaa uu ku kasbaday magaca iyo hadalhaynta intaa le’eg? Ma madaxweynaha ayaa awood aanu siin wasiirrada kale siiyey? Ma isaga ayaa awoodda samaystay? Ma awoodo aanu lahayn buu meelo kale ka soo goostay oo tiisa ku bojistay? Ogaalkay in uu wasiirka madaxtooyada ahaa, gacan yarena u ahaa madaxweynaha ka sokow kuma aan arag awoodo uu meelo kale ka soo jiitay oo tiisa ku xoojistay, suurogalna uma ahayn oo hay’adaha kale ee dawliga ahi waxa ay ahaayeen kuwo ka madaxbannaan, xilal kale oo madaxweynuhu ugu ladhayna ma ay jirin.

Xirsi dhowr astaamood oo hoggaamineedba wuu lahaa, kuwaas baana la odhan karaa adeegsigoodu way u fududeeyeen wax badan, awooddiisana way kobciyeen. Waxa uu ahaa nin si sarraaxad leh oo aan gabbasho lahayn u soo bandhiga aragtidiisa, dooddiisa iyo badheedhihiisana si cad u sheegtay. Waxa aad arrimaha ugu tegaysaa buuggan gaar ahaan mararkii uu ka tirsanaa madaxda shirkadda Dahabshiil, Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo madaxtooyadaba.

 

Waxa uu ahaa nin ku dhiirran go’aan qaadashada, jecelna in uu degdeg u fuliyo oo shaabbadda loogu dhufto. Mid ka mid ah go’aammadii adadkaa ee uu qaatay waxa uu ahaa fulintii dhismaha waddada Ceerigaabo-Burco oo suurogelinteedu cid walba ku adkayd. Dhab ahaan barnaamijka dhismaha waxa lahaa madaxweynaha iyo xisbiga, balse cid kastaa waxa ay u arkaysay arrin siyaasadeed oo ololaha doorashada uun lagu gelayey. Markii uu Xirsi soo bandhigay fulinta waxqabadkaas, cid kale iska daaye intii ku xeernayd ee xukuumadda ku jirtay ayuu ku adkaaday oo ka biyo diiday. Arrin culayskeeda leh oo aan laga bixi karayn baa loo arkayey, lagumana qaldanayn marka la eego awoodda dawladeed ee dhaqaale, qalab iyo aqoonba leh. Mucaaradkii iyo cid kasta oo Xirsi si uun u diiddanayd waxa ay

 

qayb ka noqotay dacaayadaha iyo falalka lagu diiddan yahay fulinta mashruucaas iyada oo laga dhigay mid Xirsi iska wato. Ugu dambayn tiisii baa sax noqotay oo mashruucaasi wuu hirgalay, waxana qorshuhu ahaa in uu dhammaado 2016, waanan rumaysanahay in uu ku dhammaan lahaa muddadaa marka aan dib u eego sidii qorshuhu u dhignaa.

Sifada kale ee uu Xirsi lahaa waxa ay ahayd run sheegnimo iyo oofinta ballamaha. Arrimahaas in kasta oo dad badan oo dano lahaa ku naceen haddana waxa ay u noqdeen arrimo dadku u qirayo. Dhinaca kale latashigiisu waxa uu ahaa meel dhexaad, waana arrin loo baahan yahay in uu sii xoojiyo mar hadduu weli ku sii jiro damac hoggaamineed iyo han siyaasadeed oo intii hore ka sarreeyaa.

 

Buugga waxa aynu ugu tegaynaa aqoon hoggaamineed, waayo aragnimo nololeed, iyo raadadkii nololeed ee Xirsi, dhibaatooyinkii ka horyimid iyo siduu uga gudbay, fursadihii soo maray iyo sidii uu uga faa’iidaystay ama u lumiyey. Qoraaga buuggu, Xirsi Cali Xaaji Xasan, si daacadnimo ah ayuu u tilmaamayaa wixii uu asiibay iyo wixii uu seegay. Labadaba buugga waad ugu tegaysaa. Buuggu waxa uu inna hor keenayaa qaladaad badan oo uu sameeyey, ha noqdaan qaar ka dhashay arrimo aanu waayo arag u ahayn, ama go’aanno qaldan oo uu qaatay. Dhab ahaan cid kasta oo hawl qabataa qalad way samaysaa, waxa se wax ka soo qaad leh baaxadda qaladka iyo sida looga barto duruus marka dambe soo noqoshadiisa looga fogaado. Buugga waxa aad ka baranaysaa guusha iyo guuldarradu inta ay isu jiraan, qofka iyo guushu inta ay isu jiraan, iyo qofku inta uu guusha u jiro.

 

 

 

 

 

 

 

‘Buuggani waa xogside’

Maxamed Baashe X. Xasan, qoraa.

 

Qoraaga buuggani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah siyaasiyiinta dalku, waa isir qofnimadiisu ku suntan tahay firfircooni, furfurnaan, hawlkarnimo, hal-adayg, xilkasnimo iyo go’aan qaadasho kudhac iyo dhiirrani badani weheliyaan.

 

Muddada aan badnayn ee saaxadda siyaasadda uu ku jiro, gaar ahaanna intii uu hayey xilalka goobaha go’aannada lagu gaadho, waxa uu muujiyey isku kalsoonaan togan, karti iyo ilaalinta ballamaha iyo oofinta axdi wixii la dhigto.

 

Dadka la dhaqmay ee aqoonta u lihi, intooda ugu badani, waxa ay isku raacsan yihiin in uu yahay nin aan runta la gabban oo badheedhihiisa caddeeya, wadashaqaynta iyo rogrogidda aaraada iyo afkaaraha kala tagganna isu soo dhowayntooda ku wanaagsan.

 

Siyaasigu waa in uu ku guuleystaa sidashada iyo sugashada awoodda dhaqan wanaagsan iyo dhawrsanaan miiggan, si uu u yeesho haybad ummaddu isugu soo taagi karo. Xirsi waxa ay bulshada inteeda badani ka dooc iyo dareen qabaan in uu leeyahay haybaddaas oo ah hibo ilaashi u baahan. Hibo Eebbe ku siiyey habeen la iskama qaado. Waa dhif iyo nadir, oo ma badna, siyaasiyiinta maanta haybaddaas tashiilataa dhawrasho ahaan.

 

Buuggan Miyiga ilaa Madaxtooyadu waxa uu sidaa xog ballaadhan oo wax badan ka iftiiminaysa hawl-gallo waaweyn iyo is diiddooyin ka dhashay oo ka soo jeeda xilliyadii uu mas’uulka qaran ahaa iyo natiijooyinkii ka soo baxay, iyo waxa maanta iyo berriba laga baran karo.

 

Intaas marka laga yimaaddo, buuggu waxa uu dhiirrigelin iyo shiidaal siinayaa dhallinyarada hanka siyaasadeed leh ee dabarrada siyaasiga iyo kuwa dhaqanku ka hor taagan yihiin ka midho-dhalinta hammigooda. Waa tuse laangooyo ah oo uga tibaaxo bixinaya sidii ay uga taallaabsan lahaayeen caqabadaha kakan iyo dariiqa qodxanta badan ee ka horreeya ee kaga gudban xaqiijinta hankooda siyaasiga ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MIYIGA ILAA MADAXTOOYADA

 

Furfurid

 

Hindisihii ugu horreeyay ee in aan wax qoran oo dhaxal ummaddayda u noqda sameeyo waxay igu dhalatay sannadkii 1999, xilligaas oo ay qalbigayga ku soo dhacday in aan isu taago waxyaalaha khuseeya arrimaha bulshada oo aanan ku koobnaan xoogsiga masaariifta nolosha. Waxay haddana igu sii xoogaysatay arrintani 2002 ilaa 2003 oo aan bilaabay macalinnimo xagga aaladda Kambuyuuterka ah, taas oo iiga baahatay in aan diyaariyo buugyare khuseeya casharrada aan dhigayo. Iyadoo aan sannadkii 2008 ku qancay in buuggaygu qaato magaca Dhaxalgal, ayay igu dhalatay in aan sameeyo silsilad saddex buug ah wakhtigaas oo aan safar cibaado ugu baxay magaalada barakaysan ee Maka sannadkii 2012 isla markaana waxaan qorsheeyay buugta saddexda ah ee uu ugu horreeyo buuggani. Ujeedada buugtani ma aha xayaysiis naftayda ku saabsan oo inta badan dadka afka soomaaliga ku hadlaa way i yaqaannaan ama i maqleen, mana aha buug jaamacadeed ama qaab cilmi ah aan u diyaariyay oo arrintaa waa la igaga fiican yahay. Balse waxaan isku dayey in aan ururiyo isla markaana uga faa’iideeyo inta u baahan wax ka mid ah khibraddaydii shaqo iyo taxanihii nolosha, in kasta oo aanay weli dhammaan.

 

Waxaan qalinka u qaatay xilliyadii aan joogay Madaxtooyada Somaliland, xilligaas oo aan dareemay in aanan hayn karin dhacdooyinkii nolasha haddii aanan buuggan bilaabin. Xaqiiqo ahaan Madaxweyne Silanyo oo aan la shaqaynayay ayaan ka ogaaday in aanay u suurtoobin isaga in uu qoro waayihii dheeraa ee uu soo maray oo khibrad iyo xikmad badaniba ku duugnayd, taas oo aannu jaanis u helin xilliyadii hore, wakhtigaana aannu wada xusuusnayn, in kasta oo ay jireen dadyaw qoraa ah oo ku hawlanaa in ay wax ka qoraan, taariikhna ka reebaan.

 

Taxanaha noloshu weli wuu socdaa, balse waxaan buuggan ku soo qaatay wixii aynu soo dhaafnay, kuwaas oo ay ka mid yihiin sooyaalkii taariikheed ee dalkayga, dadkayga iyo diintayda, waalidkay iyo taariikhdii dhalashadayda, meelihii aan ku soo barbaaray ama waayihii nolosha, bilawgii burburkii Soomaaliya, abaabulladii kala duwanaa ee gedgaddoonkii wakhtiga iyo siyaasadda, barbilawgii shaqo, duruufihii adkaa iyo heerarkii kala duwanaa, waxbarashadaydii iyo heerarkii aqoonta, sallaankii siyaasadda ee mucaarad iyo muxaafadba lahaa iyo masuuliyadihii kala duwanaa ee aan ku soo shaqeeyay, safarkii noloshe ee Miyiga illaa Madaxtooyada oo aan ku qanacsanahay in aan guul ku soo gebagebeeyay, iyadoo aan taxanaha nolosha wixii mustaqbalka iiga qorshaysan aan inta badan kusoo bandhigi doono buugga dambe ee silsiladdan.

 

 

 

Gogoldhig

 

Waxaan ku soo koray nolol adag oo ficil iyo dareenba leh. Waxaan garaadsaday reerkayaga oo aan dhaqaale badan lahayn xoolo miyi mooyaane. Cilmiga barashadiisa waxaan kala kulmay caqabado badan, mana helin tacliinta nidaamiga ah in yar mooyaane, balse waxaan ku guulaystay in aan naftayda wax baro. Bini-aadamku kama saadaalin karo mustaqbalka, inuu maleeyo mooyaane. Waxaan ku soo koray nolol ay saldhig u tahay in qofku uu Ilaahay wakiisho rejadana aannu ka quusan. Waxaan ku soo koray nolol ay saldhig u tahay in qofku uu ku tooso hawsha markaa hortaalla isla markaana uu ka faa’iidaysto fursadaha nololeed ee la soo gudboonaada. Waxaan ku soo koray nolol ay saldhig u tahay inaan ahay ruux geya oo gaadhi kara meel kasta oo uu hankiisu geyn karo. Himilada i hagtaa waxay ku salaysan tahay in go’aan qaadashada adagi ay lagamamaarmaan u tahay guusha uu qofku hiigsanayo, waxaan wax badan ka bartay durufihii adkaa ee nolosha iyo dardaarankii waalidkay oo ahaa: dedaal waad gaadhi halka aad doonayso.

 

Waxaan ka faa’idaystay fursadihii nolosha igu soo maray in badan oo ka mid ah. Xilku waa fursad ee maaha xuquuq aad ku leedahay cidda kuu igmatay. Waxaan aaminsanahay in aan guulaystay intii aan nolosha ka soo maray waxaana ii hadhsan guulo aan higsanayo weli adduunyo iyo aakhiroba oo rejaynayo in aan gaadho, duruufaha adag ee soo mara qofku ma noqdaan dhaliilo iyo goldaloollo lagu weeraro qof, waayo waa caqabado uu ka soo gudbay oo ka guulaystay, waa khibrad laga faa’idaysto waxaana fiican in qofku sheego oo ku dhiirrado halgankii iyo waayihii tartanka nolosha, si qofka ka danbeeya ay tusaale ugu noqoto ama aannu qofku xaaladaha adag moodin halkii ugu danbaysay nolosha ee uu ogaado in uu guulaysan karo.

 

Guul waxaa leh qof Ilaahay siiyay oo uu u doortay, ama deeq gaar ah uu u siiyay sida nebiyadii Ilaahay doortay ee Nebi Maxamed, Nebi Ciise, Nebi Ibraahim, Nebi Nuux, iyo Nebi Muuse. Guuli waa inaad gaadho wax aad doonayso ama aad higsanayso. Guuli waa in aad gaadho meel dadku u arko inay sarrayso ama qiimo leedahay.

 

Waalid kastaa ilmihiisa wuxuu la doonaa guul, taas oo markaa ula muuqata inay tahay guul, waxa aannu ku dedaalaa inuu gaadhsiiyo guushaa ha noqoto mid yar ama mid nolashiisa guud ahaan khusaynaysa.

 

Guusha uu gaadho qof xil loo doortay ama qof xil loo dirtay oo ay ku waajibtay in uu gaadho shaqo cayiman, waxaa hubaal ah in qof kasta oo shaqo loo diray ama loo doortay in laga sugayo wax tilmaaman oo xaqiijintoodu noqonayso guul. Minqiyaasku wuxuu noqdaa heer-

 

tilmaameedka cidda shaqada u diratay, taas oo ay u cayintay kana sugayso iyo sida ay u arkaan dadka taageerayaasha ama shacbiyaddiisu.

 

Guusha cid waliba ma qiimayso ama kuma qanacdo. Hoggaamiye qaab wax u qorsheeyey oo dabadeed ku guulaystay sidii uu wax u qorsheeyey, waxa dhici karta in haddana ay dadka qaar ka mid ah guushiisa qiri waayaan ama ay u arkaan in aannu wax guul ah gaadhin. Dabcan Hoggaamiye walba guusha uu gaadho iyo guuldarrada uu la kulmo taariikhda aan duugoobin ayaa marraga u furta. Si kasta oo loogu kala duwan yahay qiimaynta guusha, halbeegga guusha ee hoggoomiye waxaan ku sifayn lahaa markuu leeyahay han durugsan kuna mideeyo dadkiisa, ku hago qorshe gaadhsiiya himiladooda iyo raadka maamul ee laga dhaxlo, waana sababta keentay in dad aan Muslin ahayn ay ku sifeeyeen Nebi Maxamamed qofka kowaad ee ugu saamaynta badnaa bilawgii aadamaha ilaa maanta. Tusaale ahaan, qoraaga Maraykanka ah ee Micheal H. Harts wuxuu buuggiisa Boqolka Qof ee Dunida ugu Saamayn badan u xushay nebiga kaalinta kowaad. Isaga oo sharraxaya sababta uu sidaa u yeelayna, wuxuu yidhi: “My choice of Muhammad to lead the list of the world’s most influential persons may surprise some readers and may be questioned by others, but he was the only man in history who was supremely successful on both the religiuos and secular levels – In aan [Nebi] Maxamed u doortay in uu horkaco liiskan dadka dunida ugu saamaynta badani waxa laga yaabaa in ay akhristayaasha qaar kediso ku noqoto, kuwa kalana ay su’aal ka keenaanba. Balse [Nebi Maxamed] wuxuu ahaa ninka keliya ee taariikhda si sarraysan ugu guulaystay hadday tahay dhan diini iyo dhan duunyaba.”

 

Ha noqoto mid ku suntan xilliga dhaw ama mid ah xilliga dheere, qof kastaa wuxuu leeyahay higsi, yool iyo bar isaga u tilmaaman oo uu doonayo inuu gaadho. Ka-midho-dhalinta hadafka iyo himilada uu qof leeyahay waxay ku xidhan tahay ama saldhigba u ah doonistiisa, u darbanidiisa hawsha, kolba sida uu u guto xilka saaran, aqoontiisa, dulqaadkiisa, daacadnimadiisa iyo sabirkiisa.

 

Haddaba, si aad guul u gaadho waxa ugu horreeye ee qofka looga baahan yahay waa in uu qofku leeyahay dareen qoto dheer oo dhabarka ka riixaya iyo rabitaan dhab ah oo si joogto ah ugu baraarujinaya ka rumaynta himiladiisa.

 

Sida uu sheego qoraaga caanka ah ee Dr Ibraahiim Fiqi “Sirta guushu waa doonis xooggan, waxaana aasaas u ah dhaqaajiye (Motivation), marka aad niyad bir ah hayso shaqada waxaad u helaysaa xamaasad iyo karti dheeraad ah.”

 

Maadaama oo aan ka mid ahay ummaddan waxaan jeclaystay in aan ku billaabo taariikhda ummadda si kooban inta aanan u gelin taariikhda aan soo

 

gaadhay iyo wixii aniga i khuseeya. Sida ay taariikhyahannada qaarkood xusaan, ummadda Soomaalidu waxay muddo ka badan 3000 oo sanno degaan ahaan degenaayeen Gobolka Geeska Afrika. Ummadda Soomaalida waxa lagu tilmaamaa inay yihiin isir sooc ah (ethnically homogeneos) kuwaas oo asal ahaan ku abtirsada Isirka Soomaaliga, afka Soomaaliguna waa afka keliya ee ka dhexeeya ee ay dhammaantoodba ku hadlaan iskuna afgartaan.

 

Dadka Somaliland waa ummad dhaqan u lahaan jirtay (ilaa imikana dhaqan u leh) nolosha miyiga; xoolo-dhaqashaduna waa isha dhaqaale iyo laf- dhabarta keliya ee ay noloshoodu ku tiirsanaan jirtay illaa haatanna ay ku tiirsan tahay. Ka sokow Isirka Soomaaliga ah ee ay ka soo jeedaan, ummadda Somaliland waa ummad dhaqan u lahaan jirtay (ilaa haatanna dhaqan u leh) inay ku abtirsadaan oo ay isu haybsadaan qaab qabiil ama reernimo. In kastoo Ummadda Somaliland aanay lahaan jirin maamul dawladeed oo dhexe oo ay wada hoos yimaaddaan, haddana waxay lahaayeen nidaam garsoor oo ku salaysan dhaqanka iyo caadooyinka Soomaalida. Waxay lahaan jireen xeer, xeegaan, xeer-beegti, guurti iyo guddi ay isu maamulaan oo ay ku xalliyaan wixii khilaafaad ama dhibaato ah ee bulshada nolol-wadaagta ah dhexdeeda yimaadda.

 

Qabaa’ilka ku abtirsada isirka Soomaalidu, in kasta oo ay muddo dheer (si baahsan) oo qaab reer-guuraannimo ah ugu noolaayeen Gobolka Geeska Afrika, haddana inta taariikhda la ogyahay marnaba Soomaalidu may lahaan jirin nidaam maamul oo dawli ah oo ka dhexeeyey oo ay dhammaan dadka Soomaalida ahi wada hoos iman jireen. Taasi oo macnaheedu yahay, ka hor intii aanay gumaystayaashii reer Yurub kala qaybsanin Qaaradda Afrika, ma jirin Qaran Soomaaliyeed (a nation-state) ama qaab dawladeed oo ka dhexeeyey dhammaan dadka ku abtirsada isirka Soomaalidu.

 

Arrintan kor ku xusani waxay si weyn uga soo horejeeddaa fikir ay aaminsan yihiin dad badan oo Soomaali ah kaas oo odhanaya in ka hor gumaystayasihii reer Yurub, uu jiray Qaran ama maamul Soomaaliyeed oo ay wada lahaan jireen dhammaan ummadda ku abtirsata isirka Soomaaliga.

 

Arrintani waxa kale oo ay tilmaan iyo markhaatiba u noqon karaysaa dhacdo taariikhi ah oo tibaaxaysa in shacabka Somaliland ay weligoodba ahaayeen ummad gaar uga taagan dadka kale ee Soomaalida ah; ha noqoto gumaysiga ka hor, xilligii gumaysigii iyo markii dambe ee ay madax-bannaanidoodii ka qaateen Gumaystihii Boqortooyada Ingiriiska.

 

Cutubka 1aad: Heshiiskii Ilaalinta Somaliland iyo Hagardaamadii Gumaystaha

 

Inta aynaan bilaabin taariikhda heshiiskii ilaalinta Somaliland iyo hagardaamadii gumaysi ee ka danbaysay, waxaan wax ka tilmaami doonaa dhacdooyin muhiim ah taariikhdaas.

 

1839: Boqortooyadii Ingiriisku waxay qabsatay magaalada Cadan ee Dalka Yemen oo ku taalla Badda Cas kana soo horjeedda Berbera, taas oo muhiim u ahayd ganacsigii Boqortooyada Ingiriiska ee u kala gooshayey Yurub iyo Bariga Fog. Dabadeed waxay dawladdii Ingiriisku bilowday inay dadka Somaliland ka iibsadaan hilibka xoolaha. Sidaa ayuu ku bilaabmay xidhiidhkii ganacsi ee ugu horreeyey ee dhex mara Boqortooyadii Ingiriiska iyo dadkii reer Somaliland ee ku noolaa xeebaha Berbera, Seylac Illaa Laasqoray.

 

1870: Dawladdii Masar waxay qabsatay magaalooyinka xeebaha Somaliland ee Berbera, Bulaxaar iyo Seylac, maadaama ay ka cabsi ka qabtay Quwadihii iyo dhaqdhaqaaqyadii milatari ee reer Yurub oo ku soo badanayey Badda Cas iyo Gobolka Geeska Afrika.

 

1877: Boqortooyadii Ingiriisku iyada oo si weyn uga dheregsan muhimadda uu lahaa ganacsiga hilibka ee ay la lahayd dadkii reer Somaliland isla markaana ka warwareegaysa inay dagaal la gasho Masar, waxay Masar la sexeexatay heshiis ujeedaddiisu ahayd in Masar loo aqoonsado inay ku sugnaato oo ay masuul ka noqoto magaalooyinka Xeebaha Somaliland. Dabadeedna waxa bilaabmay heshiis ku dhisan wadashaqayn  iyo isxaqdhowr oo sheegaya Dawladdii Ingiriiska iyo Masar in uu midkoodba Badda Cas dhinac ka fadhiyo.

 

1884: Boqortooyadii Ingiriiska oo kaashanaysa quwadihii kale ee reer Yurub ee ku sugnaa Gobolka Geeska Afrika (sida Faransiiska oo Djibouti haystay) waxa Masar laga qabsaday magaalooyinkii Xeebaha Somaliland, Masarna waxa khasab ku noqotay inay gebi ahaanba ka baxdo Somaliland.

 

1887: Aasaaska Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay (The British Somaliland Protectorate). Gaashaanle (Major) A. Hunt oo ay dawladdiisu u soo wakiilatay arrimaha Maxmiyadda Cusub ee Somaliland, ayaa qabiilooyinkii reer Somaliland la sexeexday heshiis ilaalin (protection treaties) oo ujeeddadiisu ahayd in Dawladdii Ingiriisku ay dammaanad qaadday nabadgelyada Maxmiyadda Somaliland iyo inay ka difaacdo haddii ay soo weeraraan Quwadihii reer Yurub ee gumaysan jiray qaybo ka mid ahaa dhulkii Soomaalidu deggenaayeen ee Geeska Afrika, sida Faransiiska oo ku sugnaa Djibouti.

 

Heshiisyadii la kala sexeexday markii si dhab ah loo hirgeliyey, Boqortooyadii Ingiriisku waxay Somaliland u soo dirtay wafti uu hoggaaminayey Qunsul-ku-xigeenkeedii Cadan fadhiyey kaas oo booqasho ku tegay magaalooyinkii Xeebaha Somaliland, sida Berbera, Bulaxaar iyo Seylac. Sidaa ayuu ku bilaabmay sansaankii ugu horreeyey ee maamul iyo nidaam dawladnimo, ee uu Gumaystihii Boqortooyada Ingiriisku u sameeyo British Somaliland Protectorate.

 

1900: Xaddiga iyo qiimaha dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ka hana-qaaday magaalooyinkii xeebaha British Somaliland si weyn ayay kor ugu kaceen. Kor u kacaa ganacsiga waxaa saldhig u ahaa deggenaanshihii siyaasadeed iyo tii nabadgelyo ee ay shacabkii Somaliland ku naaloonayeen taas oo ay Boqortooyadii Ingiririisku maamulaysay dushana ka ilaalinaysay.

 

Xilliyadaa waxa yimi wadaadkii la odhan jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo aasaasay gulufkii Daraawiish oo berigaa dagaal la galay ciidamadii Dawladdii Ingiriiska ee ku sugnaa Somaliland. Dagaalladaa oo muddo socday, waxaa ugu dambayn dawladdii Ingiriisku ka adkaatay Sayid Maxamed 1919kii. Dagaalladaasi may noqonin kuwo saamayn toos ah ku lahaa guud ahaanba nolosha bulshada Somaliland ama isu-socodkii  ganacsiga ay Somaliland la lahayd gobolladii kale ee ay Soomaalidu deggenaayeen. Goballadii Bariga Afrika ee ay Dawladdii Ingiriisku  gumaysan jirtay (British Colonies in East Africa), marka la eego xagga dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ka socday gobol walba; waxa la sheegaa in British Somaliland ay ahayd meesha ugu dhaqdhaqaaqa badnayd ee dhaqaale ahaan si walba isugu fillayd, ee weliba iyadu dakhli iyo cashuurba siin jirtay gumaysigii xukumayey, wax ay uga baahato iska daaye!

 

Sida ay qortay 30|Jully|2012 jariidadda caanka ah ee ka soo baxda waddanka Sucuudiga Al Xayaat, “mudo 120 sannadood ka hor, waxaa dadka Soomaalidu u soo diri jireen Sadaqadda ama Sekooyinkooda dadka Sucuudiga” taas oo daliil u ah in ay dadka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland oo macaamil la lahaa dadyawga khaliijka ay xaga dhaqaalaaha ka fiicnaayeen Sucuudiga iyo waddamada khaliijka ee maanta aadka u ladan.

 

Sida uu sheegay Andrew Hamilton oo ka mid ahaa madaxdii xukumaysey Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland, wuxuu ku tilmaamay inay ummadda Somaliland yihiin dad “Dabeecad ahaan u Dhashay Ganacsiga”. Xirfaddaa iyo farsamadaa ganacsi ee ummadda Somaliland ay dhaqanka soo jireenka ah u lahaayeen, ee ay xitaa hawl-wadeennadii Ingiriisku ka marag-kaceen bilowgii qarnigii 20-aad, ayaa saldhig u ahaa ilbaxnimadii, dhoofkii iyo ganacsiga illaa hadda soo taxan.

 

“Raadadkii gumaysiga waxaa ka mid ahaa, ninka cad ee ka taliya Maxmiyadda Somaliland waxaa lagu qaadi jiray tuurta ragga iyadoo lagu sido kursi ayaa Berbera illaa Shiikh oo ahayd xarunta looga taliyo Somaliland,

 

kursigii wuxuu ooli jiray Bebera, guriga Rest house ka hortiisa waxaanay Dawladda Ingiriisku qaadday 1985 xilligaas oo ay ururinaysay raadadkii gumaysiga sida uu ii xaqiijiyay Xildhibaan Xaamud, oo ka mid ah waayeelka Golaha Wakiillada ee Somaliland, lagana soo doorto magaalada Berbera.

 

Haddii shalay gumaystuhu dusha ka fuuli jiray ama silsilad cagaha kaga xidhi jiray dadyawgeennii hore maantana maskaxda ayuu ka fuulaa ama ka silsiladeeyaa. Abwaannadii wax ka sheegay ee cabbiray raadkii gumaystaha waxaa ka mid ahaa Abwaan Barkhad-cas AHUN oo hawraartan tiriyey markii Duke of Goloustar, oo ahaa Boqoradda Ingiriiska adeerkeed, uu Somaliland imanayey 28|05|1959.

 

Awowgay ninkii addoonsaday, ninkii aabbahay indhaha tiray, ninkii anigana i iibsaday,

haddaan arkayoonan ka aarsan karayn, haddaanan Aadanow unuunka jarayn, ninkaa aragiisa uurkaan ka nebcee,

aan ooyee albaabka ii xidha!

 

Sida ku dhacday ummado kale oo ka mid ah Qaaradda Afrika, intii u dhaxaysay 1887 ilaa 1908 waxa dhulka ay Soomaalidu degto kala qaybiyey gumaystayaashii reer Yurub. Ka hor intaanu Dagaalkii II-aad ee Adduunku bilaabmin, dhulka ay dadka Soomaalida ahi deggenaayeen waxaa kala qaybsaday quwadihii Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Boqortooyadii Itoobiya. Markii uu Dagaalkii II-aad ee Adduunku bilaabmay Talyaanigu wuxuu xulufo la ahaa Jarmalka iyo Japan waxayna dagaal kula jireen Quwadihii kale ee isbahaysiga sida Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska, Canada iwm. Sannadihii 1940/41kii xoogaggii fashiistaha ahaa ee Talyaanigu waxay Dawladdii Ingiriiska ka qabsadeen dhulkii uu xukumayey ee la odhan jiray British Somaliland Protectorate. Laakiin, bilowgii sannadihii 1941- naadkii ayey Dawladdii Ingiriisku dib u qabsatay dhammaan dhulkii uu Talyaanigu qabsaday sida British Somaliland iyo Itoobiya.

 

Ingiriiska iyo Xulufadiisu guushii ay ka gaadheen Dagaalkii II-aad ee Adduunka, ayaa waxay Dawladdii Ingiriiska u horseedday inay wada qabsato oo ay maamusho dhammaan dhulkii ay dadka Soomaalida ahi deggenaayeen; laga bilaabo xeebaha galbeed ee Somaliland illaa xadka Kenya. Xilligani wuxuu ahaa xilli Taariikhda ugu suntan dadka Soomaalida ah iyo Dawladdii Ingiriiskaba; taasoo ahayd marxaladda keliya ee ay dhammaan dadka afka Soomaaliga ku hadla (marka laga reebo Djibouti) ay wada hoos imanayeen hal maamul, hal dal iyo hal calan (Xukunkii Ingiriiska). Dabadeed, dhammaan degaanadii Soomaalida ee ay Boqortooyadii Ingiriisku ka talinaysay waxa loo sameeyey maamul guud oo ka dhexeeyey, kaas oo isugu jiray milatari iyo rayidba. Maamulkaa guud ee ay Xukuumaddii Ingiriisku u samaysay degaannadii Soomaalida ee ay xukumaysay, wuxuu

 

faa’ido iyo horumarba u keenay dadkii Soomaalida ee ku hoos noolaa. Waxa fududaatay isu socodkii iyo safarkii ay dadku u kala safrayeen dhulweynihii Soomaalida, waxa kordhay ganacsigii, dhaqaalihii iyo wax-is-dhaafsigii. Xukuumaddii Ingiriisku muddadii koobnayd ee ay xukumaysay dhulkii Soomaalida waxay ka hirgelisay in Lacag isku mid ah (common currency) iyo Tacriifad midaysan (tariffs harmonization) laga isticmaalo dhammaanba dhulka Soomaalida ee ay maamusho Xukuumaddii Ingiriisku. Arrintani waxay ahayd tallaabo aad u muhiim ah oo saamayn badan ku lahayd nolosha dadkii ku hoos noolaa xukunkii gumaysiga, taasoo kordhisay dareen ah in shacabku aqbalo nidaamka dawladnimo, kala dambaynta iyo in loo hoggaansamo shuruucda.

 

Hannaankii maamul ee ay Xukuumaddii Ingiriisku ka hirgalisay gobolladii Soomaaliyeed ee ay maamulaysay, waxay dhiirri galisay baraarug siyaasadeed iyo dareen ummadnimo oo ka dhex bilaabmay dadyawgii Soomaalida ee ku hoos noolaa xukunkii gumaysiga. Siday dad badani rumaysan yihiin; halkaa ayuu ka bilaabmay dareenkii ugu horreeyey ee Soomaaliweynimo iyo u hanqaltaagii in Gobolladii Soomaalida oo dhammi ay yeeshaan Qaran Soomaaliyeed oo ay ku midoobaan. Baraarugga noocan ah waxa si weyn u soo dhoweeyey qaybihii kala duwanaa ee bulshada, sida hoggaamiyeyaashii Ururrada Siyaasadda, culimadii diinta, hoggaamiyeyaashii dhaqanka iyo bulshadii kale ee rayidka ahaydba.

 

Sida laga soo xigan karo qoraalladii iyo warbixinnadii Xafiiskii Boqortooyadii Ingiriiska u qaabilsanaa arrimaha British Somaliland, fikirka ah Soomaaliweyn, waxa markii ugu horraysay dhiirrigeliyey oo buunbuuniyey maamulayaashii iyo hawlwadeennadii Boqortooyadii Ingiriiska uga wakiilka ahaa dhulka ay Soomaalidu degto. Hawlwadeennadii Ingiriisku waxay madaxdii ka sarraysay ee Boqortooyadii Ingiriiska u gudbiyeen talo-soo-jeedin ah in dhammaan gobollada ay Soomaalidu degto loo sameeyo oo ay wada hoos yimaaddaan hal maamul oo dhexe, isla markaana ay Boqortoyada Ingiriisku ka yeelato siyaasad midaysan oo ay kula dhaqmayso maamulkaa dhexe ee Soomaalida yeelan doonto. Fikirka Soomaaliweyn ee noocan ah waxaa u riyaaqay oo aad u soo dhaweeyey ururradii siyaasadda iyo hoggaamiyeyaashii dhaqaaqyadii xornimo-doonka ahaa ee ka dhisnaa gobolladii ay qoomiyadda Soomaalidu deganaayeen; sida (British  Somaliland, Italian Somaliland, French Somaliland, The Ogaden region of Itoobiya and NFD of Kenya).

 

Fikirka Soomaaliweyn waxa kale oo isna aad u soo dhoweeyey oo si weyn ugu riyaaqay Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Boqortoyadii Ingiriiska ee berigaa, Mr. Ernest Bevin. Masuulkani wuxuu xukuumaddiisii si cad oo aan gabbasho lahayn ugu soo bandhigay in gobolladii British Somaliland, Italian Somalia iyo Gobolkii Soomaalida ee Itoobiya (haddii ay Itoobiya ku raacdo) laga dhigo hal maamul oo hoos taga ama ay UN-tu maamusho (UN trust territory). Fikirkan ay wadatay Boqortooyadii Ingiriisku waxaa si adag uga

 

hor yimid oo u diiday Dawladahii Maraykanka iyo Midowgii Sofiyeetka oo Boqortooyadii Ingiriiska ku eedeeyeen Dal-ballaadhsi. Dawladihii Maraykanka iyo Midowgii Sofiyeetka iyo waddamo kale oo reer Yurub ah oo ay Boqortooyadii Ingiriiska ka dhaxaysay xurguf ama cadawtinnimo siyaasadeed ayaa ka dambeeyey oo si weyn u dhiirri-geliyey in UN-tu ay guud ahaanba diiddo Fikirkii ay wadatay Boqortooyadii Ingiriisku. Golihii Qarammada Midoobay ee UN-tu waxay si cad u diideen Fikirkii ay wadatay Boqortoyadii Ingiriisku, sidaana waxa ku hirgeli waayey mashruucii ay Dawladdii Ingiriisku wadatay.1

 

In kasta oo fikirkaasi shaqayn waayey, haddana arrinta kale ee Dawladdii Ingiriiska kaga sii xumayd waxay ahayd markii ay Soomaaliyadii uu Talyaanigu gumaysan jiray si cad u diideen inay UN-tu Ingiriiska u wakiilato sii maamulidda Italian Somalia, waxayna reer Koonfureedkii codsadeen in UN-tu Talyaaniga u wakiilato si uu iyaga u sii maamulo. Codsigii reer Koonfureedku wuxuu sababay in Dawladdii Ingiriiska laga fara-maroojiyo taladii Italian Somalia, isla markaana uu Talyaanigii Ingiriisku dagaalka kaga adkaaday uu taladii Soomaalida dib ugu soo noqdo. Intaa kaddib, sannadkii 1949-kii golihii ammaanka ee UN-tu waxay go’aamiyeen in reer Koonfureedka la siiyo Ismaamul Daakhili ah oo uu Talyaaniguna dusha ka sii maamulo. Arrintu si kastaba ha ahaatee, Dawladdii Ingiriiska waxa ku dhacay laba arrimood oo aanay filayn: 1) UN-ta oo diidday fikirkii ay Xukuumaddii Ingiriisku wadatay ee ahaa Soomaaliweyn, iyo 2) Soomaalidii reer Italian oo doortay in Talyaanigu dusha ka sii maamulo. Dhacdooyinkaa is-huwanaa ee ay Dawladdii Ingiriisku la kulantay waxay geyaysiisay cadho iyo ficiltan aad u qoto dheer oo markii dambe sababtay in Ingiriisku Itoobiya ku wareejiyo dhulkii Hawd (hawd and reserved area), taas oo noqotay arrin si weyn uga cadhaysiisay dhammaan dadka afka Soomaaliga ku hadla.

 

 

 

 

 

 

 

1 UK proposal: Somali-occupied territories of the peninsula to become a United Nations Trusteeship Territory.

 

 

 

Cutubka 2aad: Saadaashii Xorriyadda iyo Saranseerkii Dawladnimada

 

Markii ay soo baxday saxansaxadii gobonnimada iyo madaxbannaanida dadyawgii Soomaalida ee Dawladda Ingiriis inta badan gacanta ku haysay, shacabweynihii Soomaaliyeed waxay goor subaxnimo ah ku tooseen war aad u dhiillo badan, kaas oo ah 28-kii February 1954-kii in uu heshiis dhex maray Xukuumadihii Ingiriiska iyo Boqortooyadii Itoobiya (Anglo-Ethiopian Agreement) kaas oo nuxurkiisu ahaa in dhulkii (Hawd and Reserve Area) la raaciyo Itoobiya. Bishii January 1955-kii, ayay ka war heleen in Dawladdii Ingiriisku ay bixisay dhulkii, iyadoo aan dadka Soomaalida ah waxba lagala tashanin.

 

Dhulkii la bixiyey wuxuu si weyn uga cadhaysiiyey dhammaan ummaddii Soomaalida ahayd meel ay joogaanba. Somaliland waxaa laga abaabulay mudaharaadyo xooggan oo tallaabadan lagaga soo horjeedo. Kacdoon Shacab oo aad u xoog badan ayaa ka dhashay dhulkaa Soomaaliyeed ee Itoobiya la siiyey taas oo mar kale sii baraarujisay dareenkii ahaa Soomaaliweyn. Xisbiyadii siyaasiga ahaa ee ka dhisnaa degaannadii Soomaalida, ee markii horaba iyagu aaminsanaa fikirkii Soomaaliweyn, waxay si weyn uga faa’idaysteen dhacdadaa, waxayna shacabkii Soomaaliyeed ka heleen taageero iyo dhiirri-gelin laxaad leh oo aanay markii hore haysanin. Axsaabtii Siyaasadda ee ka dhisnaa British Somaliland iyo Hoggaamiyeyaashii dhaqanku waxay dacwad ay kaga soo horjeedaan dhulkii la bixiyey u gudbiyeen Maxkamadda Caddaaladda ee Dunida (the International Court of Justice). Ujeeddada dacwadu waxay ahayd in dhulkii dib loogu soo celiyo gacanta Soomaalida. Balse dacwaddaa waxa dedefaysay UN-ta, niyadjabkii arrintaa ka dhashayna wuxuu sii xoojiyay cadhadii iyo nacaybkii ay ummadda Somaliland u qabtay Ingiriiska. Waxaa si laxaad leh u kordhay dareenkii waddaniyadda iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimo-doonka ahaa ee ummaddii reer Somaliland ay Xukuumaddii Ingiriiska kaga dalbanayeen inay si degdeg ah u siiso madaxbannaanidooda.

 

Wefti Somaliland ka socda ayaa u ambabaxay dalkii Boqortooyada Itoobiya waxaanay shantii galabnimo ee 19kii bisha May maalin khamiis ah 1960kii kulan guriga boqortooyada kula qaateen boqor Haille Salasie. Waxaa la is waydaarsaday hadal badan. Waxaynu ka soo qaadanaynaa nuxurka oo ahaa codsigii weftiga iyo jawaabtii boqorka, sida aan ka soo xigtay buugga Danjire Qaybe, oo ahaa xoghayihii wefdiga.

 

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo madaxa weftiga ahaa ayaa yidhi: “Boqor waxa jira dhul loo yaqaan Hawd & Reserve Erea oo ay degaan dadkayagu sannadkii inta badan, dhulkaas oo gacantiina ku jira. Dadkaas ma xukumi karo haddii dhulkaas ay degaan aannu gacantayada ku jirin. Sidaa darteed, waxa aannu kaa codsanaynaa, Boqor, in aad gacan nagu siiso sidii aad noogu soo wareejin lahayd dhulkaas marka aannu qaadanno gobonnimadayada”.

 

Boqorkii ayaa ugu jawaabay: “Warkiinnu ma aha mid toos looga jawaabi karo, waayo waxa uu u baahan yahay fikir badan. Taariikhda Itoobiya waxa ay caddaynaysaa in soohdimaheedu ay gaadhsiisnaayeen Geeskan Afrika illaa Jasiirada Carbeed. Waxa hadda sidan ku soo koobay soohdimahayagu, waa duulimaadkii ay nagu soo qaadeen cadawgayagu iyo dareen-la’aanta dadkayaga”.

 

Dhulkii ma soo noqon, Soomaalida iyo jaarkoodii Itoobiyana waxaa soo kala galay shaki iyo dareen sida ka muuqata hadallada masuuliyintu is waydaarsadeen, marka laga tago dareenka diineen ee u dhexeeyay, halkaa waxa ka abuurantay mushkuladdii siyaasadeed ee ugu horraysay ee dhexmarta Itoobiya iyo dadka Soomaalida ah.

 

Waxaa batay abaabulladii iyo kacdoonnadii lagaga soo horjeeday gumaysiga Ingiriiska. In kastoo Halgankii gumaysi-diidka ahaa ee ummadda Soomaaliyeed bilowgii aannu isla jaanqaadin, una muuqday mid aan lahayn qaab hoggaamineed iyo nidaam siyaasadeed oo muuqda. Laakiin laga bilaabo dhammaadkii dagaalkii 2aad ee adduunka (wixii ka dambeeyey 1945-kii), dhaqdhaqaaqyadii gumaysi-diidka ahaa wuxuu si isdabajoog ah isugu bedelayey nidaam ama dhaqdhaqaaq xornimo-doon, waxaana halgankaa xornimo-doonka hoggaanka u qabtay axsaab siyaasadeed oo uu hadafkoodu ku salaysnaa in shantii Soomaaliyeed meel la isugu keeno. Xisbiyadii siyaasadda ee hoggaaminayey dhaqdhaqaaqyadii xornimo-doonka ahaa waxa ugu muhiimsanaa SNL, NUF iyo USP oo ka dhisnaa British Somaliland; iyo SYL oo ka hanaqaadday Italian Somalia.

 

In kastoo aanan qof ahaan goobjoog ama markhaatiba ka ahayn dhacdooyinkii iyo guushii laga gaadhay xorriyadda, haddana buuggani wuxuu khuseeyaa guul iyo guul-darro kasta oo taariikhda noloshayda la fac ah ama raad iyo saamayn ku yeelan karta.

 

Waxaan la kawsaday mushkiladdii iyo guuldarradii ka dambaysay ee uu israacii keenay, waxaanan aaminsanahay in dhacdooyinkaasi ay saamayn toos ah ku lahaayeen xaaladdii nololeed, tii dhaqaale iyo tii siyaasadeed ee ka jirtay degelkii iyo degaankii Somaliland ee aan ka soo jeeday ee aan ku barbaaray.

 

Guushii Xorriyaddu waxay ahayd himilo iyo hadaf ay ummaddu lahayd oo ay muddo dheer ku naalloonaysay, halgan dheer loo soo maray, duruufo badan oo qadhaadh loo soo maray oo nafo badanna loo soo waayey. Dabcan waa xaqiiq in aniga iyo jiilka ila da’da ahi aannaan jirin xilligaa, laakiinse waxaannu ku ababnay oo aannu ku garaadsannay dadka oo si baaxad leh uga sheekeeya ugana faallooda farxaddii iyo dareenkii la kowsaday guushii xorriyadda, iyo rejadii ay ummaddu qabeen xorriyadda kaddib iyo siday ugu diyaar garoobeen inay maalaan guushaa la gaadhay.

 

53 sannadood ka dib, 26|June|2013, ayaan Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), oo ahaa badhasaabkii ugu horreeyey ee Ingiriiska calanka kala wareegay, wax ka waydiiyay dareenkii xilligaa. Wuxuu yidhi: “Lama qiyaasi karo farxada iyo dareenka bulshadu siduu ahaa. Waxaan se kuugu muujinayaa habeenkii calanka la saarayey waxaa la isugu yimi Beerta Xorriyadda, waxaana da’ay roob, haddana qof keliyii isma dhaqaajin ee sidii loo fadhiyay ee hawshii u socotay ayuu roobkii qaaday!” Waxay ahayd dhadhanka xorriyadda, in kasta oo aan loo mahadin sidii la moodayay.

 

Waxaa gobonnimada loo raadiyaa in la helo qaran madaxbannaan oo yeesha hannaankii dawladeed ee dadkiisa Ilaalin lahaa, u adeegi lahaa, una hoggaamin lahaa horumar iyo barwaaqo ay dadkiisu ku raaxaystaan. Waxaa se Soomaalida iskaga khaldanaa, illaa iminkana iskaga khaldan, xornimada qaran yeesho iyo Isirka walaalnimo ee qoomiyad ka dhexeeya; dawladnimada iyo qolonnimada ama guud ahaanba waxa dawladnimada loo doonayay. Waxaad ka dheehanaysaa meelaha qaar in ay Soomaalida dhexdeeda qarqisay isukeenka iyo midaynta dadkii Soomaaliyeed, oo taas xoogga la saarayo. Gobonnimadii waa la helay, labadii Soomaaliyeed ee Koonfur iyo Waqooyina waa la isu keenay. Intii aan saddexdii kale warkooda meel la dhigin ayay labadii ka dhex qaraxday mushkilad siyaasadeedi. Xikmaddu ma aha walaalee oo markii horaba waa ahaayeen, isukeen ma aha oo gidaar uma dhexayn; waxay u baahnaayeen inay qaran noqdaan haba yaraadeene, ileen Djibouti baa ugu yarayd oo waa taa weli dawladda ah.

 

Iyaga oo aad uga caga-jiidaysa balse tixgelinaysa rabitaankii iyo hamuuntii ay shacabkii iyo hoggaamiyeyaashii reer Woqooyigu u qabeen inay la midoobaan Somalia Italiano, Boqortooyadii Ingiriisku waxay oggolaatay isla markaana muddaysay inay British Somaliland siiso madaxbannaani buuxda.

 

Xafiiskii Boqortooyadii Ingiriiska u qaabbilsanaa arrimaha waddamada uu gumaysto, wuxuu bishii May 1960-kii qabanqaabiyey shir lagu qabtay London oo khuseeyey Distoorka Somaliland (the Somaliland Protectorate Constitutional Conference), isla markaana loogu sii gogol xaadhayey madaxbannaanida British Somaliland oo loo muddeeyey 26-kii Juun 1960-kii, taas oo si rasmi ah u noqon doonta dal madaxbannaan, oo dunida ku soo biiray, lana yidhaahdo Dalka Somaliland (The State of Somaliland).

 

Ummadda Somaliland markii ay xornimadeedii ku guulaysatay, Boqortooyadii Ingiriiska oo muddo ka badan 80 sannadood gumaysan jirtay, wax badan bay isku dayday inay siyaasiyiintii reer Somaliland uga digto khatarta iyo dhibaatada ka iman karta israac degdeg ah iyo la midow shuruud la’aan ah oo ay reer Woqooyigu kula midoobaan Soomaalidii Koonfurta. iyadu ujeeddada ay doontoba ha ka lahaatee, waxay in badan ku dedaashay inay tusto ama ka dhaadhiciso hoggaamiyeyaashii dhaqanka iyo siyaasiyiintii reer Somaliland dhibta ka imaan karta israac aan qorshe lahayn.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, mushkilad siyaasadeed ayaa qaraxday markii labadii u horreeyay isu yimaaddeen iyada oo aan saddexdii kale warkoodii meel la dhigin. Waxaana wakhti yar gudahood ku soo baxay walaac weyn oo laga qabo midawgii la galay, qawad iyo saluug ayaa lagu iba-furay gobonnimadii iyo israaciiba.

 

Nin abwaan ah oo la odhan jiray Maxamed Nuur Laangadhe, ayaa wiil uu dhalay waxa lagu dilay mudaharaadkii ugu horreeyey ee ka dhaca Hargeysa intii ay labada gobol israaceen. Kaddibna waxa uu tiriyey tix gabay ah oo uu wiilkiisa ugu baroor-diiqayey;

 

Calanyohow dhibbaa igaga timi dhalashadaadiiye, Dhereg baa lagaa filayay ee dhiig-sidaa tahaye, Cadli kuma dhisnide tuugadaa lagula dhuuntaaye,

Inaad naga dhacdaa kuu habboon dhagarqabaa tahaye.

 

Xukuumaddii cusbayd ee Soomaaliya (Somali Republic) ayaa la soo dhisay. Hoggaamiyeyaashii reer Woqooyiga ahaa maadaama aanay la imanin wax shuruudo ah oo khuseeyey qaabka loo qaybsan doono xilalka dawladda cusub, waxa dhammaan xilalkii muhiimka ahaa ee xukuumaddii la soo dhisay qaatay hoggaamiyeyaashii siyaasadda ee reer Koonfureedka, tusaale ahaan sida: Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaarihii, Caasimaddii, Xaruntii baarlemaanka, Wasiirradii ugu cuslaa, dhammaan taliyeyaashii booliska iyo milateriga, iyo xilal kale oo aan la soo koobi karinba waxa qaatay siyaasiyiintii ka soo jeeday Koonfurta Soomaaliya.

 

Waxaa muuqata in aanay jirin ujeeddo qeexan oo xornimada iyo madaxbanaanida loo doonayay oo aan ahayn israac. May dhicin in la sameeyo barnaamij isu dheelli-tiran oo loogu talagalay labadii shacab iyo labadii dal ee midoobay kaasoo la jaan-qaadi kara wacyigii iyo waayihii xukuumadda cusub. Siday doonaanba awoodda ha u kala badsadaan e, ma muuqato qorshe dawladeed iyo aragti siyaasadeed oo leh hab iyo hannaan dalka lagu horumariyo.

 

Xorriyaddii iyo israacii labada gobol kaddib, xukuumaddii ugu horraysay ee talada qabatay waxay ku guuldarraysatay inay hirgeliso himiladii iyo hiigsigii ay shacabka Soomaaliyeed lahaayeen, waxayna bilowgiiba cagta saartay dariiqii dib-u-dhaca iyo guuldarrada kaddib markii ay ku talax tagtay musuqmaasuq, eex iyo qabyaalad, caddaalad-darradiina ay aad u xad- dhaaftay. Waxa dadkii reer Somaliland u dheeraa markii lagu tilmaamay dad fudud, isla markaana loo bixiyey magac taariikhda galay, sida qaldaan/qaldaamiin, oo macnihiisu yahay in dadka reer Woqooyiga ahi ay yihiin dad aan maskax badan lahayn oo aan waxba u fiirsan.

 

Cabdiqaadir Soobbe, oo ka mid ahaa odayaashii siyaasadda ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waraysi uu BBC Somali siiyay, mar wax lagaga waydiiyay tabashadii reer waqooyiga ee xilligaa wuxuu kaga jawaabay “Reer waqooyigu na xukuma ayay yidhaahdeen oo annaguna waannu xukunay!” Hawl iyo mushkiladi waa badnayde, arrini waxay ku dambaysay in siyaasiyiintii reer Woqooyigu isu arkeen marti aan la xurmayn iyo goobjoogayaal aan talo la weydiin.

 

Midnimada iyo walaal jacaylku ceeb ma aha. Dawladana in dadka loo magacaabaa ay ka soo jeedaan koonfur ceeb ma aha haddii qarannimo iyo qabyaalad-diidnimo loo samaynayo. Balse waxaa soo ifbaxay dareen muujinaya in qaab iyo hannaan aan waafaqsanayn saami-qaybsigii Soomaalida ama noocaddii gobollada iyo degaannada iyo dimuqraaddiyadda iyo xisbiyada ku imaan jirtay aanay midna ahayn ee u muuqata mid dhinac ka raran.

 

Sannadkii 1961-kii ayuu Abwaan Cabdilaahi Suldaan (Timacadde) AHUN uu markii ugu horraysay tagay Xamar, waxana ku dhacay yaab, amakaag iyo u qaadan waa. Waxa is-qaban waayey sidii wax loo waday iyo xaalkii yaallay Xamar iyo dareenkii waddaninnimo iyo Soomaali jacayl ee Abwaan Timacadde iyo ummaddiisaba ku kallifay inay calankoodii bilaa shuruud ku wareejiyaan, si uu abwaanku uga dareen-celiyo wixii uu Xamar ka filayey iyo wixii uu halkaa ku soo arkay ayuu wuxuu tiriyey gabay la magac baxay Buul- duqeed. Waxaanan halkan ku soo qaadan doonaa tuducyo dhawr ah oo ka mid ahaa gabaygaa, wuxuuna Abwaanku yidhi:

 

Doqonniimo Soomaali  waa, loogu daw-galaye, Hadduun bay u dooyaysan tahay, shayadii horuu dilaye, Immikaa la doon-doonayaa, Dir iyo Daaroode,

Dan Soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kale e’, Shacbigii dagaalka u galaa, daadsan dawyada e’, Dambarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye, Distoor iyo qawaaniin ayaan, cidiba doonayne,

Nidaam dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degine,

 

Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasadda u madhiyey, Ee daasaskeennii wixii, yaallay lagu doortay,

Diqsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaane, Dibjirkiyo haddaan lala hadlayn, dumarkan gaajaysan, Goortaan horoo loo durkiyo, derejo eegaayey, Hadduun baa sidii Buul-duqeed, daaha loo rogaye,

Kol haddaan Talyaanigan dhex degay, cidi ka duubaynin, Iga daaya gabaygu waa, iiga darayaaye.

 

Abwaankii weynaa ee reer Somaliland Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) AHUN, wuxuu gabaygan tiriyey 1964kii, xilligaa oo ay Soomaaliya ka talinaysay dawladdii rayidka ahayd. Xukuumaddaa oo lagu tilmaamo waxqabad la’aan, musuqmaasuq, qaraabakiil iyo bulshada oo ay hagrato.

 

Abwaanku isagoo aad uga murugaysan siday xukuumaddii la soo doortay noqotay wuxuu yidhi:

 

Dambi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabaye, Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye, Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaayee, Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal e Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaynay, Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay, Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay, Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay,

 

Waxba hadalku yuu ila durkine waxaan kusoo duubay, mar uunbuu daf soo odhan nabsigii diinku soo sidaye, mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye, Dirridaa abaarta ah mar baa doog ka soo bixiye, Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaha qubiye,

Mar uun buu digiigixan raggii daallanaan jiraye, Mar uun buu daboolka iska rogi doob la quudhsadaye, Oo dalaan dambeedkiyo dhibtiyo diidi keenada’e , Dibnihii shakaalnaa mar baa doodda loo furiye, Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonnaaye

 

Xornimadii kaddib, xukuumadihii ugu horreeyey ee talada dalka Soomaalida qabtay, waxay ku guuldarraysteen inay hirgeliyaan himiladii iyo hiigsigii ay shacabka Soomaaliyeed lahaayeen, waxayna bilowgiiba cagta saareen dariiqii dib-u-dhaca iyo guuldarrada, kaddib markii aad loogu dhaliilay musuqmaasuq, eex iyo qabyaalad, caddaalad-darradii iyo u-sinnaansho la’aanta khayraadka qarankuna aad iyo aad bay hadalhayntoodu u badnayd.

 

Laakiin waxa xusid mudan in wax yar uun ka hor inqilaabka ciidamada ay talada dalka qabatay xukuumad aad loogu riyaaqay oo uu Madaxweyne ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaarana uu ka ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Xukuumaddaasi waxay soo afjartay colaado gudaha Soomaalida iyo xuduudahaba ka socday oo ay ka mid ahaayeen dagaalo dhexmaray Soomaalida iyo Itoobiya iyo Soomaalida iyo Kenya, kuwaasi oo uu nabad ku soo wada dabbaalay gudaha iyo debaddaba.

 

Markii uu geeriyooday 15 October 1969 Madaxweynihii dalka oo la soo doortay 10 June 1969, Cabdirashiid Cali Sharmaarke AHUN waxaa dhacay Inqilaabkii loo bixiyey “Inqilaabkii aan dhiig ku daadan,” kaas oo ay dhigeen ciidamadii qalabka siday 21 Oct 1969, oo uu hoggaaminayay taliyihii ciidanka milateriga ee wakhtigaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre iyo in badan oo ka mid ahaa saraakiishii ka hooseeyay.

 

 

Marka laga tago Nidaamkii Dimuquraaddiga iyo dawladdii shacabka ahayd ee dadku soo dooran jireen oo halkaa isku taagay waxaa dhacay mishkilado waaweyn oo ay ka mid ahaayeen dilkii qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ugu sarreeyay, nidaamkii cusbaa oo farogelin ku sameeyay diinta, isla markaana dhaleecayn iyo burin Qur’aanka kariimka ah kala hor yimi, isagoo dil toogasho ah ku qaaday 10 ka mid ah culimadii waaweynayd ee Soomaaliya ee ka gadoodday arrintaa. Wax yar ka dib ayay ahayd markii uu dhicisoobay isku day Inqilaab, iyadoo 17 xubnood oo saraakiishii wadday ama loo tuhmayna la toogtay 09, April 1978.

 

Maalintii xorriyadda la qaatay illaa maanta waxaa u kala danbeeyay qaarna isa soo gaadheen ugu yaraan saddex fac. Tusaale ahaan Aabbahay oo ahaa xilligaa illaa soddon jir, aniga oo kontonkii ku dhow, wiilkayga oo soddonkii ku dhow, iyo intaa aan soo sheegay inta la jiilka ahi weli may helin dawladdii ay doonayeen, waxaanay kala dhaxleen mushkiladaha aan soo sheegnay oo maalin walba loo taagnaa dhiillo iyo qaylo hor leh. Taas ayaa igu dhalisay in aan is waydiiyo horta xorriyadda ma waxaynu u doonaynay qarannimo iyo horumar; mise khilaaf siyaasadeed, dagaal aynu dawladaha jaarka la galno, qabyaalad, dagaal sokooye iyo dhibaato weli taaga, jibbo israac iyo jilibbo inaynu isu layno?

 

Iyada oo ay jiraan waxyaalahaas oo dhami sannadihii ugu horreeyey Xukuumaddii Taliska Milateriga ahayd waxaan isleeyahay lama dafiri karo guulaha iyo horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen, gaar ahaan xagga koboca dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha, warshadaha iwm. Sidoo kale, Xukuumaddii Kacaanku waxay horumarisay adeegyada lagamamaarmaanka u ah bulshada sida jidadka,    dekedaha    iyo    madaarrada.    Waxyaabaha     ugu     waawayn  ee Xukuumaddii Kacaanka lagu xasuusan karo waxaa ka mid ahaa:

 

Ololihii Qoritaanka Afka Soomaaliga:

Sannadkii 1972-kii, Xukuumaddii Kacaanku waxay ku dhawaaqday barnaamij aad u ballaadhan oo la odhan jiray Ololihii Af Soomaaliga. Haddaba, si loo fidiyo oo loo hirgeliyo qoritaanka iyo akhriska afka Soomaaliga, Xukuumaddii Kacaanku waxay muddo hal sano ah fasaxday dhammaan iskuulladii dalka, waxayna diyaarisay ilaa 25,000 oo ka mid ahaa ardaydii dugsiyada iyo dhowr kun oo ka mid ahaa askartii ciidanka xoogga dalka. Waxaana loo kala diray guud ahaanba dalka oo idil, miyi iyo magaalaba si ay bulshada u soo baraan qoritaanka iyo akhriska farta cusub ee Afka Soomaaliga.

Dhawrkii sano ee xigay, Xukuumaddii Kacaanku waxay horumar muuqda ka gaadhay Ololahaas qoritaanka iyo akhriska afka Soomaaliga, taasina waxay kordhisay in aqoontii, waxbarashadii iyo tababbarradiiba ay aad u kobcaan,

 

isla markaana ay dad badan oo aan hore waxbarasho fursad u heli jirin ay heleen fursado ay ku galaan iskuullada iyagoo wax ku baranaya afkooda hooyo.

Sida dhabta ah, Xukuumaddii Kacaanku tallaabadii ay ku dhiirratay inay hirgeliso qoritaanka iyo akhriska afka Soomaaliga waxay ahayd tallaabo taariikhi ah oo ku dayasho mudan. Waxay ahayd dhacdo ku suntan guul iyo waxqabad dhab ah, waxayna noqotay mid dhaxalgal u ah dhammaanba bulsho weynta ku hadasha Afka Soomaaliga.

 

Gurmadkii Dabadheer:

Arrinta kale ee muhiimka ah ee xusidda mudan ee Xukuumaddii Kacaanka lagu xasuusan karo waxay ahayd, gurmadkii abaartii Dabadheer, oo aan marnaba la dafiri karin doorkii Xukuumaddii Kacaanku ka qaadatay, taas oo ahayd badbaadintii iyo horumarintii dadkii abaartu halakaysay ee xooluhu  ka baxeen oo loo daadgureeyey dhulka labada webi u dhexeeya, danwadaagana looga sameeyey

 

Mashruucii Iskaa-wax-u-qabso:

Si muwaadinka loogu dhiirri geliyo inuu ka qayb qaato dhismaha waddankiisa, Xukuumaddii Kacaanku waxay hindistay oo ay hirgalisay barnaamijkii Iskaa-wax-u-qabso kaas oo si dhab ah u soo bandhigay in horumarku bulshadu uu gacantooda ku jiro, isla markaana ay wax badan wada qabsan karaan, waa haddii ay muruqooda iyo maskaxdoodaba u mideeyaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen. Waxaanan jecelahay in aan halkan ku xuso, Madaxweyne Silanyo oo lahaa hal-abuurka fekradda iyo dedaalkii shakhsi ahaan uu ku meelmariyay Bile Rafle Guuleed oo uu wax aad u badan xilligaa ka dhisay meelihii uu maamul ahaan ka shaqeeyay.

 

Ciidamada xoogga dalka:

Waxa xusid mudan in Xukuumaddii Kacaanku oo gacan ka helaysey taliskii Shuuciga ahaa ee Midawgii Soofiyeeti ay si la yaab leh u dhistay una qalabaysay dhammaanba qaybaha kala duwan ee ciidamadii qalabka sida iyo kuwa nabadgelyada ee dalka, nooc kasta oo ay yihiinba.

 

Arrintaasi waxay dawladdii gaadhsiisay in muddo kooban gudaheed ay Soomaaliya ka mid noqoto waddamada qaaradda Afrika ugu awoodda badan marka la eego xagga quwadda milateriga iyo qalabka dagaalkaba.

 

Iyada oo ay jiraan waxyaalaha wanaagsan ee aan kor ku xusay, waxaa ka danbeeyay waxyaalihii aan hore u soo sheegay; markii dalkii burburay ee dawladdii dhexe meesha ka baxday, wakhtigan waxaa la isla hor fadhiyaa midnimadaa muqaddas ah iyo ma aha.

 

dadka iyo dalka, diinta, dhaqanka iyo qiyamka bulshada oo ay ka horumaraan farsamada iyo dhaqaalaha, nolol fiicanna ku tanaaddaan. Dadkii waa la laayey. Dalkii wuu burburay oo qaybsamay. Haddii Shan Soomaaliyeed xilligaa la doonayey, iminka labo is oggol lama hayo. Ma xorriyad mise mushkilad baynu u soconnay? Maxaa khaldan? Yaa se khalday? Maxaa xal ah?!

 

Cutubka 3aad: Waalidkay iyo Imaatinkaygii Dunida

 

Aabbahay Cali Xaaji Xasan:

Aabbahay, Cali Xaaji Xasan Maxamuud AHUN, wuxuu ku dhashay miyiga Burco, gobolka Togdheer. Run ahaantii, taariikhda uu aabbahay dhashay oo sugan ama da’diisa saxda ah midna ma garanayo, laakiinse waxa la ii sheegay inuu qiyaastii dhashay intii u dhaxaysay 1930-1940-kii. Xubnaha uu qoyskayagu ka kooban yahay waxa weeye aabbe, hooyo iyo sagaal carruur ah (5 wiil iyo 2 gabdhood iyo laba carruur ah oo iga yaraa kuwaas oo yaraan ku dhintay). Waxaan ahaa qofka 7aad anigaana ugu yaraa intii gaashaan  qaaday. Aabbahay wuxuu guursaday hal xaas (hooyaday) oo keliya. Aabbahay wuxuu ahaa nin aannu laxaadkiisu u dhammayn oo lug buu ka dhutin jiray. Aabbahay muu ahayn nin wax bartay, nasiibna umuu helin waxbarasho iskuul oo aasaasi ah ama madarasadba, balse wuxuu ahaa nin aad iyo aad u jecel waxbarashada guud ahaan, gaar ahaanna barashada cilmiga iyo aqoonta. Diinta Islaamka aad buu aabbahay ugu fiicnaa annagana had iyo jeer wuxuu nagu waanin jiray ilaalinta diinta, dhaqanka iyo in aannu wax baranno.

 

Aabbahay wuxuu barbaaray ama kacaamay xilliyadii ay socdeen dhaqdhaqaaqyadii xornimo-doonka ee ay ummadda reer Somaliland isaga xoraynayeen gumaystihii Boqortooyada Ingiriiska. Wuxuu hanaqaaday iyadoo dadka reer Somaliland ay qabaan rejo weyn, isla markaana ay naawilayeen xornimo buuxda iyo guul u soo hoyan doonta shacabkii Somaliland ee ku hoos jiray gumaystihii Boqortooyada Ingiriiska, isagoo u soo joogay dhammaan intii dawladood ee soo maray Soomaaliya.

 

Ugu dambayntii, wuxuu soo gaadhay burburkii Soomaaliya iyo yagleeliddii Somaliland. Dhawr bilood ka dib ku dhawaaqii Jamhuuriyadda Somaliland ayaa aabbahay ay tii Ilaahay u timid, wuxuuna ku dhintay magaalada Burco bilihii dambe ee 1991-kii.

 

Aabbahay wuxuu ahaa nin reer Somaliland ah oo ku dhaqmi jiray dhaqanka asalka ah ee ay leeyihiin dadka Soomaalidu. Wuxuu ahaa shakhsi aad u run sheeg badan oo ah dadka runta lagu yaqaanno, annagana nagu korin jiray in aannu had iyo jeer ku dhaqanno qiimaha ay runtu leedahay. Aabbahay Ilaahay (sxwt) godka ha u nuuro wuxuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo daacad ah, waxaanan ku xasuustaa siduu had iyo jeer xumaha iyo waxyaabaha dhibtaba keeni kara u necbaan jiray. Wuxuu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo ahlul cibaado ah oo had iyo jeer ubadkiisa iyo ooridiisaba ku waanin jiray, kulana dardaarmi jiray inay ku dedaalaan wanaagga iyo camalka suuban.

 

Waxyaabaha aan xasuustayda ka hadhayn iyo waanooyinka dhaxalgalka ah ee aan had iyo jeer aabbahay ku xasuusto waxaa ka mid ahaa wuxuu si joogto ah noogu odhan jiray oo uu nagu waanin jiray: “Dadka idin qadiya idinku ha

 

qadinina, dadka idin xumeeyana idinku ha xumaynina.” Wuxuu tilmaan iyo tusaalayaalba u soo qaadan jiray dhacdooyinkii hore ee waalidiintiisii, waxyaalihii taariikhda iyo noloshaba uga soo joogay dad iyagu ehel iyo qaraababa ahaa oo iyagu isxumeeyey ama isgooyey. Aabbahay wuxuu ahaa qof dadka u debacsan, wanaag badan oo deeqsi ah dadkuna ay ku jecel yihiin deeqda, gaar ahaan marka gurigiisa la yimaaddo. Aniga iyo walaaladayba wuxuu nagu waanin jiray naguna barbaarin jiray in aannu dadka wanaajinno oo aannaan dadka xumayn. Wuxuu ahaa nin aad isugu kalsoon oo kana rumeeya wuxuu aaminsan yahay, naguna haga isna ku dhaqma wuxuu aaminsan yahay iyo akhlaaqda suubban. Wuxuu ahaa qof xalaal-cun ah oo xaaraanta aad isaga ilaalin jiray. Beryihii hore waxa dhici jirtay in Soomaalidu ay geela kala dhacdo ama la kala qaado. Tusaale ahaan haddii uu aabbahay ogaado in la qashay geel la soo dhacay oo hilibkiisa la iibinayo, muu iibsan jirin hilibkaa booliga ah annagana wuu noo diidi jiray in aannu iibsanno, oo xaaraanta ayuu noo diidi jiray. Waxaan isleeyahay aabbahay noloshiisa shay xaaraan ah afkiisa ma gelin. Annaga wuxuu nagu waanin jiray oo uu nagu odhan jiray: “Xaaraan idin kumaan quudin ee xaaraan ha cunina!”

 

Waanooyinka dhaxalgalka ah ee aan had iyo jeer aabbahay ka maqli jiray ee la xidhiidhay barashada aqoonta iyo faa’idooyinka ay leedahay wuxuu odhan jiray: “Haddii aad wax baran weydo waxaad noqon doontaa qof tuurtiisa rarta (xamaal), waxaanad ka qaadi doontaa TB (qaaxo)” (oo waqtigaa ahaa cudurka dilaaga ah ee ugu weyn dadkana halista ku hayey). Waxa kale oo uu aabbahay nagu odhan jiray: “Haddaad aqoon barato waxay kuu horseedi kartaa shaqo fiican, nolol fiican iyo horumarba.” Wuxuu tusaale u soo qaadan jiray dad qaraabadiisa ahaa ama uu yaqaanay oo iyagu wax bartayay, noloshana horumar ka gaadhay. (Ilaah waxaan uga baryayaa Aabbahay in uu dhibaato dhammaanteed ka badbaadiyo, oo uu geeyo Jannada Fardowsal aclaa…Aamiin).

 

 

Hooyaday Faadumo Cabdi Jaamac:

Hooyo waa qaali abaalkeedana lama gudi karo. Hooyaday Faadumo waa qof aad u qiimo, sharaf iyo karaamaba badan. Waxaa dadka jaarka iyo asxaabteedu ugu yeedhi jireen Soddoh Bini-Aadam, taas oo ka turjumaysay xilkasnimadeeda, xishoodkeeda, xushmaddeeda, soo dhowaynta/deeqda iyo xidhiidhka fiican ee ay bulshada la lahayd. Hooyaday waa qof aad u naxariis badan, yaraantaydiina waxay igu soo barbaarisay raxmad badan iyo kalgacayl hooyannimo oo aad u qoto dheer. Xilliyadii hore ee barbaarintayda inta badan aabbo wuu naga maqnaa, balse hooyaday iyadaa u guntan jirtay in ay buuxiso kaalintii labada waalidba, si la yaab lehna way isugu hawshay korintayda iyo fursadahaygii waxbarashaba. Waxaanan marnaba ilaawi karin duruufihii adkaa ee ay hooyaday nolasha igala soo martay iyo sidii ay aniga iyo walaaladayba noogu diyaarin jirtay sidii aannu u noqon lahayn dad taabbo-gala oo bulshada kaalin muhiim ah ku yeesha.

 

Hooyaday nolashayda iyadaa iska leh. Guushayda iyadaa iska leh. Guud ahaanba waxa aan galo ama waxa aan gudo iyadaa u sabab ah. Halkaa iyo heerkaa aan maanta joogana marnaba iyada la’aanteed suurto gal ii ma ay noqoteen. Hadal kuma xusi karo xuquuqdeeda, ammaanteedana kuma soo koobi karo eray af laga yidhaahdo, Hooyaday Faadumo waa qofka iigu qaalisan dadka dunida guudkeeda ku nool, waana qofkii halkan i soo gaadhsiiyey. Hooyaday waxaan u rejaynayaa inay ifka hibo, sharaf, caafimaad iyo raaxaba ku noolaato, aakhirana waxaan Allah uga baryayaa inay Janada Fardawsa ku waarto. Waxa xaqiiq ah inaanay dunida guudkeeda jirin cid gudi karta abaalka ay hooyadu leedahay. Wakhtigan xaadirka ah hooyaday waa qof aad u waayeel ah, xannaanadeeda, xaqsiinteeda iyo daryeelkeeduba aniga walaalladay ayay dumaddayda saaran yihiin, gacantana ku hayna, haddana illaa aan soo haydo habeenkii ma seexato, waxay waraysataa xaaska: ma yimi Xirsi? (Ilaah waxaan uga baryayaa hooyaday wanaagga dunida dhamaantii, Aakhirana Jannada Fardowsal aclaa…Aamiin).

Iyadoo aanan haynin eray aan xuquuqda waalidka ku cabbiro hawraartan kooban ayaan curiyey.

 

2  Charles Darwin

 

Habeenkaan calool galay ee ilaah uurka igu hooyey Harraad iyo gaajo iyada oo qabta oo aan cunto haleelin Halbawlihii igu tallaallaa nafaqo amase hoormoonka Hudhmadii ay cuntaba saw anigu dhiigga kama hiinsan Hayaanka iyo geeddiga aroor lagu habeen guulo Haydalkiyo culayskii markii ay heetis soconnaysay Hadhuub caano lagu soo liso, masruuf halabad loo raadsho Aabbahaa u hawl gala markaa hawl wixii jire

Hadduun baan wax suuraynayaa hoogi soo maraye Habeen iyo dharaar sow iyagu iguma hawshoonin Hibo waalidkay baa iska leh hooyo iyo aabbo Hawraar la tiriyiyo odhaah heello iyo maanso Halbeeg lagu tilmaama ma jiro xaqii ay heli lahaayeen Hooygii jannada inay degaan oo naartuna haleelin Hagarla’aan ducada igula hura hugunka aamiinta

 

Hurdada markaan la qaybsaday ee ay sagaal uurka haysay Hawdka aad aragtay hinni oodan iyo xeebahaa lagu halaagmaayo Hosbitaal la jiifsho iyo iraab hoorka lagu joojo

Hannaankaa dhakhaariirta iyada oo daawo la helaynin Hallaahalka xanuun dihashadii ay foosha hidinweyday Hawsha gaadhay dhibaatada heshay haydhafkiyo dhiigga Halleelkii nafteediyo iyo hunguri haabka kuma hayne Horaaddada markay igu duwday ee aan naaska ku halliilay

Hafasho iyo dhereg markaan la hirqaday ee hawl yari u seexday Hugeeda iyo cuntaba waa markaa waxay halleeshaaye Hormuudka odayna dhibi waw hurtila waana la hubaaye Haqdii gaadhay xanjeerka oo hoos u dhacay beerka kala haaday Hibo waalidkay baa iska leh hooyo iyo aabbo

Hawraar la tiriyiyo odhaah heello iyo maanso Halbeeg lagu tilmaama ma jiro xaqii ay heli lahaayeen Hooygii jannada inay degaan oo naartuna haleelin Hagarla’aan ducada igula hura hugunka aamiinta

 

Hadba waxay habto oo dhigto oo hayle kugu duubto

Hoy iyo xamaamba dhabteeda ahayd iyadoo cidi ku hiifayn Hudheelkii cuntada laga dhergo iyo sharaab lagu haraad beelo Had kastaba wixii kugu habboon sow hooyo kuma siiso

Hataq hataqda socodka markaan habaq-dhacyeynaayey Hobbo’ weeye ha dhicin iyo ha jabin sow hooye ima haynin Hormuud lagu daydo iyo Aabbe waa hogatusaalayne Higgaad iyo quraankiyo cilmiga heerka lagu gaadho Habka dhaqanka hadalkiyo edaab hawsha lagu tooso Himilada ujeeddada leh ee horumar lagu toydo

Hal-fog arag hilaadda iyo deeq hooda bixinteeda Hebel in aan noqdo oo dunida magac ka soo hooyo Hubaal waalidiintii wax badan way isku hawleene Hanfede iyo ninkii lumay ma oga Huud waxay tidhiye

 

Hadyigii rasuulka iyo diinta waa lagu hanuunaaye Hubsada oo ha moogaanina ducadu waa hal aan go’ine Hillaac kuma maraan hilinka dheer nimay habaane

Hal kasta oo khalqigu leeyahay oo qiimo ku helaayo Hibo waalidkay baa iska leh hooyo iyo aabbo Hawraar la tiriyiyo odhaah heello iyo maanso Halbeeg lagu tilmaama ma jiro xaqii ay heli lahaayeen Hooygii jannada inay degaan oo naartuna haleelin Hagarla’aan ducada igula hura hugunka aamiinta

 

Waxaan dhashay xilli ku dhow wakhtigii kala guurka dawladdii shicibka ahayd iyo afgembigii milateriga, waxana reerkayagu degi jiray miyiga tuulada la yidhaa Ina Dandan (Dandan) oo u dhaxaysa Degmada War Cimraan iyo tuulada Shansha cadde ee degmada Burco, Gobolka Togdheer. Waxaan ka soo jeedaa qoys xoolo-dhaqato ah reerkayaguna waxay lahaayeen xoolo miyi (Geel iyo Adhi). Xoolo-raacnimadu waxay ka mid ahayd barbaarintaydii carruurnimo, yaraantaydiina waxaan miyiga ku raaci jiray noocyada kala duwan ee xoolaha, sida maqasha, adhiga iyo geelaba.

 

Waxaan ka warhayaa in dadka qaarba si u cabbiraan shaqsiyaddayda iyo qofka aan ahay. Qaarkood waxay igu tilmaamaan wax aanan gaadhin iyo shakhsiyad iga mug weyn ama waxay igu sameeyaan xadgudub, oo waxay iga hagradaan waxa aan ahayn iyagoo igu tilmaamaya wax aanan geyin iyo maqaam aan ii qalmin.

 

Haddaba ma ihi sida laguu sheegay ama qofka aad i moodday, ee waxaan ahay sida aan isugu kaa sheegi doono. Waxaan ahay qof aaminsan aragtida Islaam dhaqan leh oo ilbax ah (Islamic Liberal), oo aan uga jeedo qof diintu xaduud u tahay, dunidana la wadaagi kara aqoonta iyo ilbaxnimada, shakhsi ahaanna isdhuldhig badan (humble personality), kaas oo doonaya in uu ku guulaysto nolosha mar walbana ahaado mid qanacsan oo reeba dhaxal wanaagsan iyo taariikh. Tan oo aan ka tixraacayo tilmaanta quraanka ee ahayd “Kuw dhegaysanaya hadalka ee raacaya intiisa wanaagsan

 

 

 

 

Cutubka 4aad: Badbaadintiisii Dadka, Burburintii dalka ka hor.

 

Qoyska aabbahay (AHUN) ka soo jeeday waxay ahaayeen xoolo dhaqato waxayna lahaayeen xoolo miyi oo kala duwan. Aabbahay wuxuu ku soo barbaaray nolol miyi oo ay qoysku isku fillaayeen marka dhan kastaba laga eego, markii awowgey dhintayna aabbahay xoolahaa ayuu wax ka dhaxlay. Markii dambe ee uu aabbahay isaga laftiisu reer iyo carruur yeeshayna wuxuu ii sheegay inuu lahaa xoolo wanaagsan oo miyi oo nolosha qoyskiisa iyo ta qaraabada kalaba ay ku noolaan-karayeen. Sida caadiga ah reer miyiga waxaa noloshiisa sal u ah xoolaha nool iyadoo qoyskayagii iska ladan yahay ayaa sannadkii 1974-kii ay abaartii Dabadheer ku habsatay meelo badan oo ka mid ah gobollada bariga ee dalka Somaliland iyo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

Markii abaartii Dabadheer dhacday, reerkayagu waxay deganaayeen meel la yidhaahdo Wiyili-seexatay oo u dhaxaysa tuulada Dandan iyo Shanshacadde. Waxaan garaadsaday iyadoo degaannada aan ka soo jeedo ay haleeshay abaar xun oo ay dadka iyo duunyaduba aad ugu tabaaloobeen. Waxaa dhacday in dadkii reer Somaliland ee ka soo jeeday degaannadii ay abaartii Dabadheer haleeshay loo daad-gureeyey koonfurta Soomaaliya si loo bedbaadiyo noloshooda. Dadku waxay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo ab iyo isirba u lahaa nolol miyi iyo xoolo dhaqasho kuwaasoo ay gebi ahaanba noloshoodu ku xidhnaan jirtay miyiga.

 

Haddaba, afarta shay ee ka mid ah aasaasiyaadka dawladi u qabato dadkeeda waxaa ka mid ah adeegga bulshada iyo ilaalinta muwaadiniinta naftooda iyo maalkoodaba. Dadkii ku tabaaloobay abaarihii Dabadheer waxaa u soo gurmatay dawladdii Kacaanka ee taliskii milatariga ahaa ee Siyaad Barre. Gaar ahaan waxa xusid mudan juhdigii weynaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ku lahaa Ismaacii Cali Abokor, oo isagu dhalasho ahaan ka soo jeeday degaannadii ay abaaruhu haleeleen.

 

Dadkii tabaaloobey waxaa loo daad gureeyey koonfurta Soomaaliya, (gaar ahaan labada webi dhexdooda), sida Dujuuma, Kurtinwaarray, Baraawe iyo Sablaale. Dadka waxa lagu daad-guraynayey diyaaradaha xamuulka qaada (Ilyushin) oo ay lahayd Dawladdii Midowga Soofiyeeti (Ruushka) oo aan xaqiiqdii odhan karo kaalin lama illaawaan ah ayay ka qaateen gurmadkii iyo bedbaadadii dadkii abaaraha ku tabaaloobay. Aniga, hooyaday, aabbahay, xubnaha kale ee qoyskayaga iyo dad kaleba waxa baabuur nalagaga soo qaaday miyiga tuulada la yidhaahdo Dandan oo ka tirsan Gobolka Togdheer oo ahayd goobtii ay reerkayagu deggenaayeen, dabadeedna waxa nala geeyey goobtii diyaaradda na lagaga daadgureynayey. Diyaarad aad u weyn oo meesha taagnayd baa na lagu yidhi fuula, taasoo aan wax kuraas ahi dhex oollin. Waxa keliya saarnaa caws iyo harar. Kuwaas baa na loo goglay, oo aannu si habaqle ah u fadhiisannay.

 

Diyaaraddi na lagu qaaday waxay na geysay meesha la yidhaahdo Ceel- Jaalle, dabadeedna waxa na lugu qaaday baabuurtii Milateriga illaa magaalada Kismaayo. Halkaana waxaa na loo sii dhaafiyey meesha la yidhaahdo Dujuuma oo ka mid ahayd goobihii loogu talagalay dadkii abaaraha ku tabaaloobay ee Woqooyiga laga soo daabbulay. Meeshaa nala dejiyey ee Dujuuma waxay ahayd meel kayn ah iyo gel-gelin cidla ah oo aan wax nolol ahi hore uga jirin, markaa nala dejiyey ayaaba la yagleelayey waabab, carshaan, biyo iyo wixii kale ee bini-aadamku ku noolaan lahaa. Qormadaa cusub ee nala dejiyey waxaa loo qaybiyey xaafado magacyo leh. Annaga waxaa nala dejiyey xaafadda la yidhaahdo Wadajir.

 

Dadkoo dhan, yar iyo weynba, waxaa lagu jiheeyey shaqo ama waxbarasho, qofna looma oggolayn inuu shaqo la’aan meel iska fadhiyo. Dadka waaweyn waxa lagu jiheeyey oo lagu qasbay inay beeraha falaan oo ay ka shaqeeyaan, carruurta iyo dadka da’da yarna waxbarasho ayaa lagu jiheeyey. Waqtigaasi wuxuu ahaa xilligii ay dawladdii Kacaanku dardarta qabtay ee ay awoodda badan lahayd. Dadka waxaa loo qaban jiray khudbado iyo hanuunino joogto ah oo lagaga dhaadhicin jiray waxay tahay hanti-wadaaago, dawladnimadu iyo waajibaadka looga baahan yahay inuu muwaadinku garto. Dadkii aannu wada deggenayn waxay ahaayeen in ka badan 90% dadkii Woqooyiga laga soo daadgureeyey, oo haddii ay is toydaan waxa dhici karaysay inay isku degaan ka wada yimaaddeen balse qabiil iyo qabyaalad midkoodna ma jirin. Waxa reebbanaa oo dembi ahaa inay dadku qabiil ama reernimo isu xulufaystaan, waxana aad looga taxaddiri jiray in qabiilka si muuqata looga hadlo ama loo sheegto.

 

Daadgurayntii dadka laga daadgureeyey degaannadii ay u dhasheen, may ahayn mid ku timid dalbasho ama rabitaan ka yimid dadkii tabaaloobay laftooda. In kasta oo ay tabaaloobeen haddana haddii iyaga talo la waydiin lahaa marnaba degaannadooda kumay doorsadeen meel kale. Sidaa darteed, dadkaa la daad-gureeyey waxay u muuqdeen dad ikhtiyaarkii laga qaaday oo aan waxna dooran karin waxna diidi karin. Waxa khasab ku noqotay inay u hoydaan hoy (guri) ayna hore ugu noolaan jirin. Waxa khasab ku noqotay inay quutaan cunto ayna hore u cuni jirin. Waxa khasab ku noqotay inay la qabsadaan nolol ku cusub oo ay ku adag tahay inay hore u qabatimaan! Waxa khasab ku noqotay inay qabtaan shaqo aanay weligood hore uga soo shaqaynin; taasoo ahayd beero-qodasho (ama beero–falasho). Waxa khasab ku noqotay inay u hoggaansamaan awaamiir iyo tilmaamid ayna taladeeda waxba ku lahayn. Degaannadii iyo magaalooyinkii dadka la geeyay waxaa loo sameeyay magac ay wadaagaan oo ahaa Danwadaagaha.

 

Sida ku qoran warbixinta hay’adda International African Institute ee Feb-1975 ee uu tifaftiray Prof. I.M Lewis, in ka badan 260,000 oo xoolo dhaqato ah ayay abaaruhu saameeyeen, waxaana dhintay 20,000 qof iyo labo million oo madax oo xoolo ah. Guud ahaanba dadkii loo qaaday degaannadii dadka la geeyay ee danwadaagaha ee Koonfurta dalkii Soomaaliya, gaar ahaan dadkii laga

 

qaaday carriga Somaliland oo tiradooda lagu qiyaaso in ka badan 160,000, lagana kala qaaday degaannada Somaliland halkaas oo ay ugu badnaayeen gobollada bariga Somaliland ee Togdheer, Sool iyo Sanaag in kastoo la odhan karo gobol kasta cid baa kaga jirtay.

 

Inta Ilaahay ka sokaysa, waxaan aaminsanahay in Ismaaciil Cali Abokor uu door muhiim ah ka qaatay bedbaadada, nolasha iyo horumarka ay maanta ku naaloonayaan aniga iyo intii ila jiilka ah ee loo daad-gureeyey degaannadii la odhan jiray danwadaagaha oo ahaa goobihii loogu tala galay in la dejiyo dadkii ku tabaaloobay abaartii Dabadheer.

 

Ismaaciil Cali Abokor waxaa lagu tilmaamaa geesi kudhac leh oo hal-adag waxa aannu xilligaa (1974) ahaa madaxweyne-ku-xigeenka 3aad ee Xukuumaddii Kacaanka. Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa tiirarkii ugu adkaa ee ay ku dhisnayd dawladdii milateriga ahayd ee la wareegtay  Soomaaliya 1969, iyadoo lagu sheego inuu ahaa maskaxdii wax ka diyaarisay inqilaabkii ay dhigeen Golohii Sare ee Kacaanka oo uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo markii dambe isu beddelay Kelitaliye arxan daran oo dad badan xasuuq u geystay. Meel kasta oo uu kaga jirayba waxaan la dafiri karin kaalintii firfircoonayd ee uu Ismaaciil Cali Abokor ku lahaa abaabulkii kacaanka ee xoogga badnaa iyo dawladdii xilligaa talinaysay, waxa aannu inta badan degaannada Somaliland ku maray gaadhi isagoo sahminayey abaartii xilligaa ku habsatay ee Dabadheer.

 

Markii abaartii Dabadheer dhacday waxa aannu lahayn noocyada xoolaha sida geel, ido iyo riyoba balse waxay dadkii ku caydhoobeen oo daaduumiyey abaartii haleeshay, xoolihiina waxay noqdeen wax dhintay, wax joogsaday iyo wax buka. Nasiibwanaag waxaa degaannadii aannu deggenayn u soo gurmaday Dawladdii Milateriga ahayd ee xilligaa dalka xukumaysay. In kasta oo aanay jirin warbaahin madaxbannaan oo ka soo warranta meelaha abaaruhu ka dheceen, isla markaana warbaahinta dawladda laf ahaanteedu aanay isku hawlin sootebinta dhibaatada, haddana wakhtiyadaa waxaa degaankii ay abaartu nagu haleeshay nagu soo maray wefti uu hoggaaminayey mudane Ismaaciil Cali Abokor oo ku guda jiray safar-hawleed uu ugu kuurgalayey xaaladda ay ku sugnaayeen dadka iyo duunyadii ku noolaa degaannadii ay abaartu tabaalaysay. Aabbahay wuu xanuunsaday oo waxaa loo qaaday magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

 

Weftigii waxa ay ka xog waraysteen waayeelkii degaanka xaaladda abaarta iyo sida ay u saamaysay. Hasayeeshee waxay si lama filaan ah ugu kulmeen tuulada Shanshacadde walaalkay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdiraxmaan oo ahaa wiil yar balse aad u firfircoonaa ayaa si lamafilaan ah Ismaaciil Cali Abokor hadal ku boobay warbixin guudna ka siiyey xaaladda uu reerkayaga ku sugnaa. Ismaaciil, oo isaga qudhiisa dhalasho ahaan ka soo jeeday degaannada ay abaaruhu haleeshay, wuxuu waayeelkii degaanka u sheegay

 

in dadka degaankaa ee abaarta ku tabaaloobay la isugu keeno tuulada la yidhaahdo Heere halkaasoo oo Kaam looga samaynayey, ka dibna waxaa gurigayagii nagasoo qaaday gaadhi uu milaterigu lahaa oo uu waday nin la odhan jiray Xaaji Aadan Haaruun, dabadeedna wuxuu na geeyey kaamkii dadka lagu ururinayay, muddo yar ka dibna waxaa naloo qaaday magaalada qadiimka ah ee Beer.

 

Muddo markii dadka halkaa lagu soo ururinayay ayaa subixii dambe goor barqo ah naloo keenay diyaaradihii Ruushka ee milateriga taas oo na lagu daadgureeyay dhammaanba dadkii deggenaa kaamka, agabkoodii iyo aqalladoodii Soomaaliga ahaa. Diyaaraddu may lahayn kuraas, manay jirin wax suuman ah oo aannu xidhnayn. Waxay shaqaalaha diyaaraddu noo qaybiyeen nacnac iyo buskud na lagu yidhi wuxuu idinka ilaalinayaa hunqaacada/matagga balse anigu waan ku matagay. Waa maalintii nolashayda iigu horraysay diyaarad aan raaco, oo waxay ii ahayd maalin raaxo iyo rayrayneed.

 

Diyaaraddii waxay nala duushay barqadii waxay shidaal ka sii qaadatay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, taas oo duhurka dabadiisii ay nagala kacday iyadoo ku wajahan koonfurta Soomaaliya, waxay goor casar gaaban ah nala fadhiisatay magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa nalagu qaaday gawaadhida ciidamada iyada oo ay aad noo soo dhaweeyeen ciidamadii Soomaaliya ee meesha ku diyaarsanaa, iyo dadkii deggenaa halkaa oo xoolo-dhaqato u badnaa, waxaanay ciidamadu si naxariis badan tuurta noogu qaadayeen da’yartii aan ka mid ahaa xataa walaalladay kuwii kuraydda ahaa ee socon karayay. Bal ogow ciidanka noocaa noola dhaqmayay ayuun bay ahaayeen kuwii markii danbe xabbadda u qaatay ee aannu waynay meel aannu ka galno!

 

Gawaadhidii ciidamada ayaa na geysay magaalada yar ee la yidhaahdo Luglaw oo aannu seexannay habeenkii. Subixii danbana gawadhidaas ayaa noo qaadday magaaladii aan ku barbaaray ee Dujuuma.

 

Marka annaga na laga yimaaddo, waxaa kale oo dadka abaaruhu tabaaleeyeen lagu ururiyay goobo badan oo ay ka mid ahaayeen Jiidali, Caynaba, Beer, Oodweyne, Gaha iwm. Waxaana loo kala qaaday oo la dejiyey degaamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Dujuma, Sablaale, Kurtinwaarray, Baraawe iwm. Dadkan ka kala yimi in badan oo goballadii Soomaaliyeed ee xilligaas ahi, marka laga tago badbaadinta iyo horumarka bulshadani ay heshay, waxaa kale oo faa’ido weyn ahayd isdhexgalka dhaqan-dhaqaale ee ay wadaagayeen dadkii laxaadka lahaa ee meeshaa la isugu keenay (Cross culture), oo runtii cudurka dillaaga ah ee qabyaaladda meesha ka saartay dadkii halkaa deggenaanna walaalaysay.

 

Tallaabadani waxay u ahayd dawladdii Kacaanka ee xilligaas guul weyn oo ay ku kasbatay quluubta bulsho aad u ballaadhan, isla markaana ay kor ugu qaadday wacyigii bulshadaa dhan kastaba.

 

Rafaadkii dadka iyo xaaladdii adkayd ee ay abaaruhu dhaliyeen waxaan odhan karaa aniga iyo intii ila da’da ahaydba waxay u ahayd indhafur iyo fursad cusub oo carruurnimo, waayo sida la yidhaahdaba “Dhibaatooyinku fursadana way dhaliyaan– every crisis has a window of opportunity.” Waxaannu ku ciyaaraynay diyaaradda dhexdeeda, aniga iyo intii ila da’da ahayd. Diyaaraddii na lagu qaaday ayuu dareenkayagii carruurnimo na siinayey in aannu nahay daldoorsi ama dalxiis, balse xaaladda qalafsan ee dadka laga daadguraynayey degaannadiii ay weligoodba ku noolaayeen,  gaar ahaanna waalidiinta iyo dadka kale ee waaweyn, waxay u ahayd werwer iyo dad laga mastaafuriyey caalamkii ay ku dhaqnaayeen oo la geynayo caalam kale oo aanay weligood hore u arag!

 

Dadka sharafta iyo karaamada leh ee reer Somaliland ee aan aadka u jecelahay inaan la noolaado dhinac kasta oo nolosha ah, waxay ka mid yihiin bulshooyinka ugu jecel waddankooda, in kasta oo horumarkiisu aannu buurnayn sababtay doontaba ha ahaatee. Haddaba, dadkii ku tabaaloobay abaartii Dabadheer (1974) ee loo daadgureeyey Soomaaliya, (gaar ahaana inta labada webi u dhexaysa) waxay u muuqdeen dad laga kexeeyey caalamkii ay yaqaanneen oo la geeyey caalam kale oo ay qariib ku ahaayeen.

 

In kasta oo dawladdii xilligaasi jirtay ay dedaashay oo ay noloshooda badbaadisay, isla markaana carruurtoodii ay waxbartay, haddana haddii iyaga talo la weydiin lahaa waxaan hubaa inay door bidi lahaayeen inay ku sii negaadaan oo lagu gargaaro degaannadii ay qabatimeen ee ay masiibada dabiiciga ahi ku haleeshay, balse waxaa loo daadgureeyey degaanno aanay weligood hore u arag oo ay gebi ahaanba qariib ku ahaayeen marka dhan kastaba laga eego.

 

In kasta oo loo gurmaday noloshoodana la bedbaadiyay dadkii abaaruhu tabaaleeyeen waxa ku dhacay laba arrimood oo murugo leh:

 

1)  Caydh & Faqri: Dad iyagu noloshooda isku fillaa, laf-dhabarta noloshooduna ku tiirsanaan jirtay nolosha miyiga iyo xoolo dhaqashada, ayaa guud ahaanba ku caydhoobay kuna tabaaloobay abaartii haleeshay dabadeedna waxay la kowsadeen faro madhan iyo faqri baaxad leh.

2) Barakac & Daltabyo: Dhacdada kale ee murugada lahayd ee iyaga kagaba sii xannuunka badnayd waxay ahayd iyagoo la bara-kiciyey oo loo daad- gureeyey degal iyo dagaanno aanay garanayn. Waalidiinta iyo dadka kale ee waaweynaa ee la geeyey Soomaaliya waxay galeen rafaad iyo xaalad aad u adag oo ay kala kulmeen degaannadii loo daad-gureeyey waxayna ku noolaayeen daltabyo iyo dareen dib-u-noqosho joogto ah oo mar walba maskaxdooda ku taagnaa. Dadka waaweyni waxay mar walba hiyiga ku

 

hayeen oo ay u hanqal-taagayeen inay mar uun ku laaban doonaan degaannadii ay ku dhasheen, u dhasheen, ee ay dabeecad yaqaanneen ee laga soo daadgureeyey.

 

Waxay ahayd degaan iyo qormo cusub oo yagleel ah. In kasta oo ay jireen duruufahaasi haddana dadkan la soo raray waxaa ka buuxay geel-qaad iyo fallaago, oo iyagu fursad u arkay meesha la geeyey. Waxaa talo isugu yimi rag dhawr ah oo ka mid ah dadkii meesha la keenay, waxay talo isku waydiiyeen “meesha waxaa jooga geel aad u badan ee maynu qaadno!” Xoolihii degganaa meesha geel aanan garanayn tiradiisa ayaa maalintii dambe la dhacay. Sow dhawr qori ayay ragga qaar ku soo qarsadeen agabkii iyo cawsaskii loo soo raray ee ay siteen! Markii qayladii degaanku ay dawladdii iyo maamulkii gaadhay ayaa laga daba tegay oo jidka lagu soo qabtay.

 

Cutubka 5aad: Bilowga Guuldarradii Soomaaliya

 

Dagaalkii 1977/78 ee uu taliskii milateriga ahaa ee Siyaad Barre ku qaaday dalka Itoobiya wuxuu ahaa dagaal jibbo ku dhisan oo aan laga fiirsan, wuxuuna dhammaanba ummadda afka Soomaaliga ku hadasha u horseeday burbur, dibudhac iyo jaahwareer aan xad lahayn oo ilaa maanta taagan.

 

Waxa xusid mudan in sannadkaa si dadkii Soomaali Galbeed, oo beerato iyo dhaqato ahaa oo ganacsi weyn kacaanka hortii dawladdii Cigaal la soo saxeexatay, lagu soo barakiciyay gudaha Somaliland.

Dhinaca kale, guuldarradii weynayd ee ka dambaysay dagaalkaasi waxay maamulkii Siyaad Barre dhaxalsiisay burbur dhaqaale, mid milatari iyo mid bulshaba. Waxa taa ka sii darnaa jaahwareerkii siyaasadeed iyo go’doonkii diblomaasiyadeed ee uu dagaalkaasi dhaliyey. Sidii aan soo sheegay Xukuumaddii Siyaad Barre kaddib markii ay ku guuldarraysatay dagaalkii, waxay ku dhex asqowday qaabsiyaasadeedkii dunida ee berigaa jiray, gaar ahaan labadii mabda’ ee Hantiwadaaga iyo Hantigoosi.

 

Taliskii milatariga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre wax badan buu is diidsiiyey in uu garwaaqsado in aannu marnaba ku guulaysan doonin dagaalkii uu ku qaaday Dalka Itoobiya. Wax badan buu iska dhega-mariyey talooyinkii nasteexa ahaa iyo digniininihii dhiillada huwanaa ee ay sida joogtada ah ugu soo gudbinayeen cid kasta oo Soomaaliya berigaa ka naxaysay. Wuxuu ii sheegay madaxweyne Silanyo: “Intii aan Soveit-ku dagaalka soo gelin, wuxuu isku dayay dhexdhexaadin, wuxuu noo soo bandhigay Jigjiga degaannada Soomaalida ha dhaafina, intaaba aan idiin ka saxeexo Itoobiya oo qaata, dagaalkana joojiya. Waannu diidnay.“ Hadalladii jibbada ayaa Kacaankii ku mashquulsanaa oo dheg looma dhigin.

 

Cadaawadda iyo macangagnimada Taliskii milatariga ahaa waxay si rasmi ah u soo shaacbaxday xilligaa uu ku jiray dagaalkii 1977 taas oo saamayn fool xun ku yeelatay qaabkii iyo isteraatijiyaddii loo waday dagaalkii uu ku qaaday Itoobiya. Saraakiil badan oo milatari oo xilal sare ka hayey taliskii milateriga ahaa ayaa waxay aaminsanaayeen in dagaal lagu qaado dawladda Itoobiya uu horseedi doono mushkilado iyo dagaallo joogto ah oo saamayn doona dhammaanba Geeska Afrika.

 

Iyadoo lagu guda jiro dagaalkii oo ciidamadii Soomaalidu ay ku sugan yihiin gudaha Itoobiya, ayaa waxaa soo shaacbaxday in aan dagaalkaa lagu guulaysan doonin. Waxa iyana jab kale ahayd markii guuldarradu timi oo si loo jeediyo aragtida ciidanka loona baqe geliyo saraakiisha ciidanka uu talisku qaaday tusmadii qaldanayd ee dhacdadii naxdinta badnayd ee “Xasuuqii Garab-Case” ee lagu xasuuqay 82-kii sarkaal ee ciidammada milatariga ugu geesisanaa.

 

Waxa taliye kastaba lagu yidhi soo xul magacyada ragga kuugu geesisan si loo dallacsiiyo, kaddib waxa la soo xulay haldoorkii xilligii dagaalka ugu geesisanaa oo tiradoodu gaadhaysay laba iyo siddeetan (82) sarkaal. Dabadeedna inta dhamaantoodba buurta Garab-Case ee dalka Itoobiya la isugu soo ururiyey ayaa la toogtay iyagoo aan waxba galabsan!

Guuldarradii aan xadka lahayn ee ka dhalatay dagaalkii 1977, waxay ugu horraynba dhibaato toos ah oo dhinacyo badan lahayd ay ka soo gaadhay shacabkii Soomaalida Itoobiya, intii ku noolayd Woqooyiga Soomaaliya iyo gobollada dhexe. Dhibaatooyikii shacabkii degganaa Ogaadeeniya ee la isla jiidhay oo ay saamayn aan la soo koobi karayn ku lahayd marka laga tago waxaa iyana waxyeello laxaad lehi dagaalkaa ka soo gaadhay degaannada Somaliland. waxana ka mid ahaa:

 

  1. Marka la eego Ciidamadii Milatariga ahaa ee dagaalkii 1977 ku dhintay waxa la yidhaahdaa waxa ugu badnaa askartii asal ahaan ka soo jeedday gobollada Somaliland.
  2. Duqayntii xagga cirka ee ay diyaaradihii Itoobiya weligoodba dal u geystaan waxay u geysteen shacabkii ku noolaa gobollada Somaliland.
  3. Qoxootigii iyo barakacayaashii ugu tirada badnaa ee dagaalkaasi sababay, meesha ay ku soo qaxeen ee la dejiyey waxay ahayd geyiga iyo gobollada ay deggenaayeen shacabka Somaliland.
  4. Khasaare aad u badan oo mood iyo noolba lahaa iyo burbur dhaqaale oo aan qiyaas lahayn ayaa ka soo gaadhay ummadda reer Somaliland.

 

Arrinta kale ee taa ka sii darani waxay ahayd, Ciidammadii taliskii Siyaad Barre ee dagaalkii 1977 ku soo jabay, halka ay niyadjabkoodii iyo daranyadoodiiba kula soo guryonoqdeen waxay ahayd gobollada dhexe iyo Somaliland. Iyagoo cadho-wisiisi, dhaqan xumo, caga-juglayn iyo cadaadisba ka dhex bilaabay shacabkii markii ay ciidamadu dagaalka ku jireen hiil iyo hooba la garab taagnaa, Shacabkii dhiiggooda u shubayey, shacabkii dhaawacooda daaweynayey ee daryeelayey, shacabkii kooda dhinta aasayey; ayey xumaan, xadhig iyo xasuuqba ugu abaalgudeen.

 

Sannadkaa waxaan dareemay in ciidamdii uu isbeddel ku dhacay oo milaterigii naxariista dadka u adeegta lahaa, uu Shaydaan Saanad leh isku rogay.

 

Waxa sii kordhay cadaadiskii iyo dhibaatadii ay ciidamadii iyo jabhadihii hubaysnaa ee Taliskii milatariga ahaa ee Siyaad Barre ku hayeen ummaddii Soomaalida.

 

Horraantii sannadihii siddeetamaadkii, gobolladii Woqooyiga waxa kordhay oo sii xoogaystay iska hor imaadyo kala duwan oo u dhexeeyey ciidamadii loo carbiyey cadaadiska shacabka iyo ummaddii ka gilgilatay xaqdarradii iyo cadaadiskii lagu hayey.

 

Inta badan magaalooyinkii waaweynaa ee ay degenaayeen shacabka Somaliland, sida Hargeysa, Burco, Gabiley, Berbera, iyo Ceerigaabo waxaa ka bilaabmay mudaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeeday dulmigii iyo dibindaabyadii lagu hayey ummadda.

 

Dhacdooyinkii ugu muhimsanaa ee iska hor imaadyadaasi ka bilaabmeen waxaa ugu mudnaa oo aynu soo qaadan karnaa dhacdadii 20-kii Feberuary 1982-kii ee lagu xidhxidhay dhallinyaradii UFO, kaddibna dilka lagu xukumay. Dhallinyaradii UFO waxay u badnaayeen aqoonyahanno (dhakhaatiir, macallimiin, arday, iwm), waxayna Dhakhtarka Hargeysa ka bilaabeen mashaariic caafimaad oo iskaa-wax- u-qabso iyo horumarrinta bulshadaba isugu jiray.

 

Intaa wixii ka dambeeyey waxaa bilaabmay xadhig iyo xukun aan sabab lahayn oo dadka lagu qaado; dil iyo dhac loo geysto ciddii lagu tuhmo inuu Taliska ka soo horjeedo. Waxa bilaabmay curyaamin dhaqaale oo qorshaysan iyo hantida ay lahaayeen shacab masaakiin ah oo aan waxba galabsan oo lala wareego, gaar ahaan gobollada dhexe iyo Somaliland

 

Haddaba mar aan wax ka waydiiyey Madaxweyne Silanyo, xilligii aan wada shaqaynaynay oo uu nooga sheekeeyey sida wax u dhaceen iyo qaabka loo qaatay dagaalka, wuxuu yidhi: “Markii arrintani bilaabmaysay, Maxamed Siyaad Barre iskamuu goosan dagaalka, balse wuxuu ahaa mid si wadajir ah looga goostay golihii wasiirrada ee xilligaa. Maxamed Siyaad wuxuu furay golaha wasiirrada, wuxuuna ka warramay xaaladda ka soo korodhay Itoobiya. Wuxuu si mug leh u sharraxay awoodda ciidanka Itoobiya, awoodda ciidanka Soomaaliya iyo dhibaatada dagaalka iyo cawaaqibta uu yeelan karo. Haseyeeshee waa la jibbaysnaa oo waxaa golihii ka bilaabantahay dood kulul oo saldhiggeedu ahaa, dhulkii Somaligalbeed miyaynu ka hadhnay? Maxaynu ciidanka u samaysannay? Itoobiya miyaynu heshiinnay? Maalin Itoobiya ka awood yar tahay miyay ina soo maraysaa? Maxaynu ciidanka u samaysannay?! Mar keliya ayaa golihii sawaxan isla taagay oo yidhi: Now or Never. Halkaas ayuunu Maxamed Siyaad dagaalkii ku go’aamiyey.”

 

Dalka Soomaaliya wuxuu marayay meel aad iyo aad u saraysa xagga horumarka, aqoonta warshadaha, dhaqaalaha iyo ciidan aad u xoog badan oo geeska Africa ka sheegganaa haddaanu ugu xoog badnaydba.

 

Waxa la yidhi: beri baa nin Soomaali ah ay ka luntay lo’diisii, kaddibna wuxuu galay baadiddoon, isagoo in badan lugaynayay oo raadkii Lo’da raacayay oo rejo ka qaba inuu heli doono marka la eego sida Soomaalidu aaminsantahay “Raad haye Ruux haye” ayaa wuxuu arkay waraabe raadkiisii ku darsamay oo meel kaga soo booday, wuu naxay markii uu arkay meeshii raadkii Lo’diisu barbariiqtay, waa istaagay oo hortiisa ayuu eegay markaasuu arkay raqda Lo’diisii qaar ka mid ah, markaasuu inta uu meeshii Waraabuhu

 

kaga darsamay Lo’da si quman isu taagay yidhi “halkaa markay maraysay yax lahaydaa!”. Oo macnuhu yahay: yaa dib uga soo celiya intii aan waraabuhu eryan.

 

Waxaan uga dan leeyahay halkaa markii ay maraysay Dawladdii Soomaaliya yax lahaydaa! Dagaalkii iska daa lahaydaa! Waxay u baahnayd in markaa ay ku socoto caqli fiican, cilmi iyo talowadaag iyo hoggaamin fiican.

 

In kastoo dagaalkaa 1977 la odhan karo wuxuu ahaa bilawgii burburkii dawladdii Soamaaliya, haddana waxaa jiray waxyaalo kale oo badan iyo gaboodfallo aad u badan oo ka dhacay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah, waxaa gobollada dhexe ka dhacay cadaadis iyo xasuuq lagula dagaallamayay dhalashada dareenkii diiddanaa kilitalisnimada, waxaa la laayey madax kala duwan iyo culimadii ummadda, iyadoo aad loo xidhxidhay suugaanyahankii iyo intii indheergaraka ahayd, ee dadka hortii wax arkaysay.

Waxa kale oo soo if baxday qabyaaladdii aad loo qarin jirey, loona asturi jirey, waxay isku rogtay qabiil kaarayaal leh oo qabiilooyinka kale laynaya, xukuumadiina bari iyo galbeed quwadihii dunida ku loolamayay meel ay iskaga waranto iyadaaba garan weyday.

 

Wakhtigaa intii ka dambaysay, xukuumaddii samafalka noo muujinaysay waxa soo baxay cadaadiskeedii, oo uu marba marka ka dambaysa uu sii kordhayay, sida madax xidh-xidhista gobollada dhexe iyo reer waqooyiga, ka fogeynta awoodda iyo kala dirirka dhaqaalaha iyo aqoontaba.

 

Dareenka bulshada ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii xumaanayey, hay’adaha dawlada ayaa shaqadoodu hoos u sii dhacaysay, xidhiidhka dunidu la leedahay xukuumadda ayaa isbeddel ku imanayey, waxaa jiray hoos u dhac weyn oo la soo darsay guud ahaanba kalsoonida dadku ku qabeen dawladda.

 

 

 

Cutubka 6aad: Abaabulka Isbeddelka Nidaamka Dawladeed

 

Waxaa bilaabmay abaabul mucaaradeed oo kala duwan, in kastoo ururradii SSDF iyo SNM si rasmi ah loogaga dhawaaqay magaalada Addis Ababa iyo London, haddana waxa xusid mudan in ku dhawaaqidda rasmiga ah ee Ururrada ay ka horreeyeen marxalado kala duwan oo la soo maray oo isugu jiray baraarug, dareen celin, isxogwaraysi iyo bal in si qoto dheer loo fahmo nidaamkii taliskii milatariga ahaa ee jiray iyo sidii wax looga qaban lahaa.

 

Haddaba, intii uu dareenku galay ama ku baraarugtay in ummaddooda lagu hayo dibin-daabyo iyo cadaadis qorshaysan, waxay bilaabeen sidii ay uga doodi lahaayeen, wax isu tusi lahaayeen, si wax u wada arki lahaayeen isla markaana isu aamini lahaayeen, taasina waxay qaadatay waqti dheer. SSF/SSDF oo ahaa dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee hubaysnaa ee ka horyimaaddo Dawladdii uu hoggaaminayay Janaral Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya, Dhaqdhaqaaqan oo bilaabmay 1978, saldhiggiisu wuxuu ahaa dalka Itoobiya.

 

Waxaa SSDF bilaabay Saraakiishii Soomaaliya qaar ka mid ah oo u baxsaday dhinaca Itoobiya waxaana ugu tunweynaa Col. Calbdilaahi Yuusuf Axmed oo markii dembana ka noqday guddoomiye. Waxaanay isla markiiba ku soo qaadeen gulufyo ciidama ah oo soo galay ama qabsadayba degmooyin ka  mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya sida Balanballe iyo Galdogob. Hase ahaatee may ku raagin oo waxaa weli xoogganaa xilligaa Ciidamadii Xoogga Dalka ee Soomaaliya oo kala hortegayay iskacaabbin xooggan iyo muquunin.

 

Hawlgalladii SSDF oo muddo soconnayay dabadeed, Dhawaaqii 6 April 1981ee SNM wuxuu xoojiyay dareenkii yididdiilo ee xilligaa soo jiidanayay dadkii degganaa gobollada dhexe, gobollada waqooyi iyo in badan oo ka soo hor jeeday nidaamkii taliskii milateriga ahaa ee Janaral Maxamed Siyaad Barre uu hoggaaminayay. Waxaanay ahaayeen xubnihii SNM ku dhawaaqay:

1) Xasan Ciise Jaamac, Axmed Ismaaciil Cabdi (Dukhsi), Xasan Aadan Wadaadiid, Axmed Maxamed Sayidi, Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin Maxamed iyo Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar.

 

Abaabulka, wacyi gelinta iyo kicintu, heer kasta oo ay tahayba, gudaha iyo dibeddaba way ka socdeen. Waxa xusid mudan in bilowgii uu abaabulka dibeddu ka xoog badnaa kii ka socday gudaha. Arrintan waxa u sabab ahaa dadka dibeddu waxay haysteen xaalado u suurto gelinayey in intii si wax u wada dareensani ay si xor ah oo aan dhuumasho lahayn fikir iyo aragtiba isu weydaarsan karayeen. Dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Carabta waxa ka bilaabmay shirar iyo kulamo joogto ah oo lagu falanqaynayey wadcigii iyo waayihii ay ummadda reer Somaliland ku sugnaayeen iyo hannaankii wax lagaga qaban lahaa.

 

Dhaqdhaqaaqyadii iyo abaabulkii ka socday dibeddu waxay xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen dadkii gudaha joogay. Bilowgii, xidhiidhada noocan ah ujeeddadoodu waxay ahayd baraarujin iyo wacyi gelin ku wajahan haldoorka bulshada ee ku sugnaa dalka gudihiisa. Waxa xidhiidh lala sameeyey qaybo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada, siyaasiyiinta, aqoonyahan iyo dhallinyaroba, kuwaas oo iyaguna xidhiidh iyo gacan saarba la sii lahaa magaalooyinkii iyo degaannadii ay ku noolayeen sida odayaasha, waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kalaba. Masuuliyiin badan ayaa iyagoo xilal sar-sare ka hayey taliskii militariga ahaa haddana gacan ku lahaa wax badanna kala socday dhaqdhaqaqyadii dibedda iyo gudaha.

 

Wuxuu iiga sheekeeyay madaxweyne Silanyo, xilligii uu wasiirka ahaa ee ay wadeen abaabulka: “Waxaa ii iman jiray Jaamac M. Qaalib (Jaamac yare) isagoo xog i siinaya ama iga doonaya, labo qaab ayaannu warka u kala qaadan jiray: B) marka uu xafiiska soo galo ayuu ii bilaabi jiray warka isagoo igu soo socda, marka uu i salaamana wuxuu iga noqon jiray isagoo warkii ii dhammeeyey, T) marka aan guriga joogo wuxuu igu qaadi jiray gaadhiga, wuxuu ila soo wareegi jiray waxooogaa ka dibna wuxuu i hor dhigi jiray guriga isagoo warkii ii dhammeeyey.”

 

Waxa xusid mudan in mucaaridkii hubaysnaa ee ugu horreeyey ee ka soo horjeestay taliskii Siyaad Barre ay ahayd jabhaddii SSDF, waxayna saldhiggii ugu horreeyey ka samaysteen dalka Itoobiya, waxana hoggaaminayey kornayl (AHUN) Cabdillahi Yuusuf Axmed oo markii danbe madaxweyne ka noqday Soomaaliya. Taageerada dawladdii Itoobiya ee martidada loo ahaa ka sokow, jabhaddii SSDF waxay haysteen taageero dhaqaale, mid ciidan iyo mid siyaasadeed oo ay ka heli jireen waddamo kale oo ay dalka Itoobiya xulufo ahaayeen sida: Liibiya, Yementii Koonfureed, Ruushka, Jarmalkii Bari, iwm.

 

Halgankii hubaysnaa ee SNM waxaa hoggaanka u qabtay Axmed Maxamed Jimcaale, 1981-82 oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee loo doorto hoggaaminta halganka, waxaana uga danbeeyay Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar 1982-83, Cabdilqaadir Koosaar Cabdi 1983-84, Axmed Maxamed Silanyo 1984-89 iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ugu danbeeyay 1990-1991.

 

Waxaana Ururka SNM lahaa hannaan maamul oo la soo doorto iyo garabyada ciidamada iyo dhaqaalaha oo dalka debaddiisa iyo gudihiisaba laga soo ururin jiray bulshadii taageersanayd, waxaana hoggaankiisa loo dooran jiray si dimuquraaddi ah, inkasta oo aasaasku ahaa hannaanka beelaha, gaar ahaan beesha Isaaq oo halganka saldhig u ahayd.

 

Xaruntii halganka waxay SSDF iyo SNM ka dhigteen dalka Itoobiya, waxaana dhammaan ka hawlgeli jiray dhinacyada kala duwan ee ciidamada iyo xafiisyada xidhiidhka iyo dublamaasiyadda ururrada, waxaa jiray caqabado badan oo ay ka mid ahaayeen:-

 

1)             Labada ummadood ee Soomaalida iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeyey xilligaa muran iyo cadaawad taariikhi ah oo ay dhex dhigeen, kana tageen gumaysigii reer Yurub.

2)             Waxa weli sii qoyanaa oo xasuusta labada ummadoodna weli ku sii sawirnaa dagaalladii kala danbeeyay ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977.

 

Iyadoo ay jireen carqaladahan waaweyn ee kor ku xusani, haddana waxa caddayd in aanay jirin dariiq kale oo SSDF iyo SNM u bannaanaa oo aan ahayn in dawladda Itoobiya xidhiidh lala sameeyo, isla markaana si cad looga dhaadhiciyo hadafka iyo himilada halganka ay wadeen.

 

Dawladdii Itoobiya ee berigaa talada haysay way soo dhowaysay saraakiishii SNM ee tallowday maadaama ay ka soo horjeedeen taliskii Siyaad Barre. Dawladda Itoobiya waxay filaysay in saraakiishan cusub ee soo tallowday ay ku biiri doonaan ururkii SSDF ee ka soo horreeyay oo saldhig weyn ku lahaa dalka Itoobiya.

 

Waxay ka mid ahayd mushkiladda Soomaalida in labadii halgan ee isku hadafka ahaa ay ku heshiin waayaan inay halganka mideeyaan oo qorshe dagaal wada samaystaan, waxaanay ku danbaysay in SSDF iyo SNM mid kastaa aag ka hawlgasho.

 

Halgankii SSDF iyo SNM, fikirkii iyo isteraatijiyaddii hagayey wuxuu ku salaysnaa in halganka hubaysan lagu baahiyo gobollada iyo degmooyinka dalkii Soomaaliya, si ay hawgallo uga fuliyaan dhammaan gudaha Soomaaliya. Muddo ka dib waxaa khilaaf soo kala dhexgalay madaxdii SSDF iyo dawladdii Itoobiya, waxaanay keentay in la xidho hoggaamiyihii SSDF, Kornayl Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

SNM marka laga tago taageerada ciidan ee Itoobiya ka heli jireen waxay ku tiirsanayeen dhinaca dhaqaalaha iyo abaabulka dadkooda dibadda iyo gudaha. Waxaanay sameeyeen xidhiidho dibadeed, kuwaas oo shaqadoodu ahayd: In la baahiyo hadafka iyo afkaarta halgankooda; in la kashifo bulshada caalamkana loo soo bandhigo xasuuqii iyo falalkii foosha xumaa ee uu taliskii Siyaad Barre ku hayey shacbigii Soomaaliya; in bulshada qurba-joogta ah ee ururka taageera lagu baraarujiyo oo lagu dhiirrigeliyo sidii ay halganka uga qayb qaadan lahaayeen, ha noqoto muruq, maal iyo afkaarba; iyo in waddamada dibedda taageero dhaqaale looga soo ururiyo halgankii jiray.

 

Muddo dheer markii hawshii halganku socotay, sannadihii 1986-87-kii taliskii milatariga ee Siyaad Barre wuxuu si aad u kordhiyey cadaadiskii iyo cidhib- tirkii uu ku hayey ummaddii reer Woqooyiga ahayd. Wuxuu bilaabay curyaamin dhaqaale oo qorshaysan iyo sabab la’aan iyo xoog lagula wareego

 

hantidii ay lahaayeen shacbigii masaakiinta ahaa ee aan waxba galabsan. Dhinaca kale, si loo yareeyo saamaynta ay jabhaddii SNM ku yeelan karto gobolladii Woqooyiga ee ay ummadda reer Somaliland deggenaayeen, wuxuu taliskii bilaabay beddel khasab ah, sifayn iyo mastaafuris qorshaysan oo ku wajahnaa dhammaanba dadkii u shaqayn jiray taliskii Siyaad Barre (sida saraakiisha milatariga, booliska iyo shaqaalaha laamaha kalee dawladda) kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolladii la odhan jiray Woqooyiga Soomaaliya (Somaliland).

 

Halgankii hubaysnaa ee SNM oo aad u xoogaystay halkiisiina ka sii socda ayaa bishii April 1988-kii waxa uu heshiis dhex maray labadii Xukuumadood ee Somaaliya iyo Itoobiya oo ay kala hoggaaminayeen Maxamed Siyaad Barre (AHN) iyo Mengistu Haile Mariam. Heshiiskaa waxa dhex-dhexaadiye ka ahaa Dawladdii Jabuuti oo uu xilligaa Madaxweyne ka ahaa Xasan Guuleed Abtidoon (AHN). Heshiiskaa isaga ah nuxurkiisa ugu muhiimsanaa wuxuu ku soo ururayey arrimahan soo socda:

 

  1. a) In labada Talis (Soomaaliya iyo Itoobiya) ay joojiyaan oo ay soo afjaraan colaaddii iyo cadaawaddii guunka ahayd ee labada dal ka dhaxaysay muddo ka badan hal
  2. b) In labada Dal (Soomaaliya iyo Itoobiya) uu mid walba dib ula noqdo Ciidamadooda ku sugan xuduudda u dhaxaysa labada
  3. c) In labada Talis (Soomaaliya iyo Itoobiya) aannu midkoodna taageerin Jabhad ama xoogag hubaysan oo iyaga ka soo
  4. d) In Soomaaliya ay gebi ahaanba si rasmi ah uga tanaasusho sheegashada dhulkii Soomali-Galbeed.

 

Heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu ahaa heshiis ay dadka Soomaaliyeed siyaabo kala duwan u arkayeen. Siyaabaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay dadka Soomaaliyeed heshiiskaa uga dareen-celiyeen waxa guud ahaanba lagu soo ururin karaa:

1)  Dadka qaarkood aad bay ugu farxeen una soo dhoweeyeen inuu labada dal heshiis dhex maro isla markaana ay soo af-jaranto colaaddii soo jireenka ahayd ee muddada dheer u dhaxaysay labada dal iyo labada shacab.

2)  Dadka qaar kale aad bay u soo dhoweeyeen heshiiskii labada dal dhex maray, maadaama ay heshiiska u arkayeen mid Xukuumaddii Siyaad Barre u horseedi kara cimri-dherer iyo inuu Taliskiisu sii jiri karo. Dadkani waxay is lahaayeen mar haddii Xukuumaddii Siyaad Barre ay Itoobiya la heshiisay, inuu Talisku si dhib yar uga adkaan karo xooggagii ka soo horjeeday ee ay Itoobiya martigelin jirtay.

3)  Dadka qaar baa iyaguna heshiiskaa u arkayey in Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay Khiyaamo Qaran, ummadda Soomaaliyeedna uu ka galay

 

dembi culus oo taariikhi ah. Maadaama uu Itoobiya u oggolaaday una saxeexay in Soomaaliya ay gebi ahaanba ka tanaasushay sheegashada dhulkii Soomaali-Galbeed.

4)  Dadka qaar baa iyaguna ku doodayey oo aaminsanaa argti odhanaysay halka uu Maxamed Siyaad Barre Itoobiya kala heshiinayey waxay ahayd inuu la heshiiyo Jabhadihii ka soo horjeeday, gaar ahaan SNM oo Taliskiisa dagaalkii ugu xoogga badnaa kula jirtay. Maadaama ay Jabhaduhu ahaayeen dad Soomaaliyeed oo xukunkiisa ka soo horjeedana waxa wacnayd inuu marka hore (SNM) hor fadhiisto oo uu iyaga wadahadal la bilaabo.

5)  Sidoo kale, dadka qaarkood heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu ku noqday fajac iyo arrin aanay filaynin, waxaana la soo darsay wer-wer, walaac iyo xaalad cusub oo hor leh oo aanay ka sii saadaalin karaynin saamaynta uu isbeddelkaa siyaasadeed ku yeelan doono noloshooda.

 

Haddaba, taliskii Siyaad Barre oo la ogaa inuu dalka iyo dadka Itoobiya u yaqaanay Cadawga Koowaad ee 1977-kiina ku qaaday dagaalka, waxay dad badani xilligaa is-weydiinayeen sababta Maxamed Siyaad Barre ku kalliftay in uu Itoobiya heshiis la galo, oo uu weliba gebi ahaanba ka tanaasulo dhulkii Soomali-Galbeed ee Maxamed Siyaad Barre iyo Xukuumaddii isaga ka horraysay ee uu in-qilaabayba ay muddo badan ku doodi jireen in Itoobiya ay dad iyo dal Soomaaliyeed xaqdarro ku haysato?!

 

Ujeeddada ugu muhiimsanayd ee uu Taliskii Maxamed Siyaad Barre heshiiska ula galay Dawladdii Itoobiya waxa la yidhaahdaa waxay ahayd: si uu u xakameeyo halgankii hubaysnaa iyo weerarradii ay xoogaggii SNM Taliskiisa kula jireen. Siyaad Barre wuxuu u adkaysan kari waayey weerarradii iyo dagaalladii qorshaysnaa ee ay dagaal-yahannadii SNM Taliskiisa sida joogtada ah ugu soo qaadayeen, waxana u muuqatay halista iyo khatarta weyn ee ay SNM Xukunkiisa ku keeni karto. Waxay arrini isu tustay in sida keliya ee uu kaga hortagi karayey khatartii jirtay in uu heshiis la galo Itoobiya.

 

Heshiiskii dhexmaray Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam bishii April 1988-kii, maalmo ka bacdi hoggaankii sare ee ururkii SNM (garabkii siyaasadda iyo kii ciidamaduba) waxay yeesheen shirar iyo wada-tashiyo qoto dheer oo ay ku lafa gurayeen saamaynta heshiiskaasi uu ku yeelan karo halgankii hubaysnaa. Arrintu si kastaba ha ahaatee, Madaxdii SNM waxay si weyn uga dheregsanaayeen in heshiiskii dhex maray labadii Xukumadood ee Somaaliya iyo Itoobiya uu yahay xaqiiqo jirta oo guud ahaanba Geeska Afrika ku yeelan doonta saamayn siyaasadeed iyo tu nabadgelyaba.

 

Xukuumaddii Itoobiya, iyadoo fulinaysa qodobbadii ay Soomaaliya ku heshiiyeen (in labada Dal uu mid walba dib ula noqdo Ciidamadooda ku sugan xuduudda u dhaxaysa labada dal) waxay u yeedheen madaxdii SNM iyagoo ka dalbatay in ciidamadii SNM ilaa dhowr iyo toban km xagga gudaha Itoobiya loo soo celiyo. Arrinkaa ay Itoobiya SNM ka dalbatay waxa uu madaxdii sare ee ururkii SNM ku noqday mid aad u qadhaadh. SNM waxa la soo gudboonaaday marxalad iyo xaalad aad u adag (mid nabadgelyo iyo tu siyaasadeedba) kuwaasoo intii ay SNM jirtay aan weli hore u soo marrin. Waxa kale oo ay madaxdii SNM ogaayeen xaaladda ay ku sugnaayeen dadkoodii ku noolaa gudaha dalka, iyo dhibtii uu ummadda ku hayey Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, SNM waxa horyaallay inay qaadato go’aanno qadhaadh oo aad u adkaa kuwaasoo saamayn weyn ku lahaa jiritaanka SNM iyo mustaqbalka dambe ee bulshadii halgankeeda taageeri jirtay. Waxaana horyaallay inay qorshe cusub la yimaaddaan ama in halgankii halkaa isku taago, dagaalyahannadiina ay noqdaan wax firxada iyo wax isu dhiiba dawladdii Soomaalia.

 

Sidaa darteed, SNM waxay go’aansatay in xoogaggii dagaalyahamiinta ay gebi ahaanba dalka gudaha u soo galaan, oo ay si dhab ah u waajahaan ciidankii ka awoodda badnaa. SNM waxay qaadatay go’aan adag oo gundhiggiisu ahaa Guul ama Geeri, kaas oo run ahaantii khatartiisa lahaa.

 

Go’aankaa ka bacdi, maamulkii sare ee ururkii SNM oo uu hoggaaminayey guddoomiyihii xilligaa, Axmed Silaanyo, waxay Taliskii Mengistu Haile Mariam ku wargeliyeen in SNM ay gebi ahaanba fulinayso arrinkii ay Itoobiya ka dalbatay. waxaanay Itoobiya ka codsatay laba arrimood oo kala ahaa: a) In SNM ay u baahan tahay in la siiyo waqti dheeraad ah si ay u soo ururin karto dhammaanba ciidamadeeda ku sugan xuduudda labada dal iyo dagaal-yahamiinta kale ee ilaa gudaha dalka Soomaaliya ku baahsan. b) In SNM ay Xukuumadda Itoobiya uga baahan tahay saad iyo shidaal si ay u soo ururin karto ciidamadeeda ku kala baahsan gudaha dalka Soomaaliya. Taliskii Mengistu Haile Mariam labadii codsi ee ay SNM u soo jeedisay wuu ka yeelay, wuxuuna ugu deeqay waxoogaa kharash ah oo ay ku iibsadaan shidaal iyo waxoogaa sahay ah.

 

Haddaba, markay arrini halkaa marayso, waxa la qaatay go’aan adag oo gun- dhiggiisu ahaa in gudaha dalka la galo waxaana loo badheedhay in nafta la huro oo la dhinto, Kala mudan ayaamuhu, maalmuhuna kala tilmaamane, taariikhdu markay ahayd 27/05/1988-kii, waxay dagaalyahamiinta SNM magaalada Burco ku soo qaadeen weerar milatari oo qorshaysan. waxayna dagaal fool-ka-fool ah la galeen ciidamadii awoodda badnaa ee Taliskii Siyaad Barre. Dagaal qadhaadh oo lahaa dhimasho badan iyo dhaawac kaddib, ciidamadii SNM waxay si lama filaan ah kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Burco.

 

Weerarkii saddexaad ee ay ciidamadii dagaal-yahamiinta SNM ku soo qaadeen taliskii Siyaad Barre wuxuu dhacay 31|05|1988-kii wuxuuna ku beegnaa magaalada Hargeysa iyo galbeedkeeda, gaar ahaan xarumaha taliska ciidamada, xarumaha hubka iyo saadka, saldhigyada iyo xeryaha milatariga ee muhiimka ah.

 

Magaalooyinkii waaweynaa intoodii badnayd ee ku yaallay gobolladii Woqooyiga Soomaaliya waxa ka soo bara-kacay mawjado dad ah oo shicib ah kuwaasoo ka qaxayey dagaalladii cuslaa ee u dhexeeyey xoogaggii dagaal- yahamiinta SNM iyo taliskii Soomaaliya waxaanay la wareegeen gacan ku haynta inta badan ee Somaliland in kasta oo uu muddo dheer socday dagaalku. Waxaa dhacday in diyaaraddii Hargeysa ka kacday ay haddana Hargeysa dib u duqayso.

 

Waxa xusid mudan in shirweynihii 4-aad ee ay SNM yeelato oo la qabtay bishii March 1990-kii, uu ka duwanaa kuwii ka horreeyey, waayo waxa Shirkaa lagu qabtay magaalo ku taallay dalka gudihiisa, Balli-gubadle oo ahayd xaruntii halganka. Xilkii guddoomiyenimada waxa ku guulaystay (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), guddoomiya-xigeen waxa loo doortay Xasan Ciise Jaamac, xilkii guddoomiyannimada Golaha Dhexe ee SNM-na waxa loo doortay (AHUN) Professor Ibrahim Meygaag Samatar.

Wixii ka horreeyey shirweynihii 4-aad, labadan xil waxa isku hayey hal qof, laakiin isla shirweynahaa ayaa lagu kala saaray labadaa xil. Go’aamadii dhaxal-galka ahaa ee ka soo baxay Shirweynihii 4-aad ee SNM waxa ka mid ahaa, shirweynahaa waxa lagu kala saaray labadii awoodood ee Sharci- dejinta iyo fulinta maamulka, Shirweynahaa waxa golihii odayaasha ee Guurtida loogu aqoonsaday inay noqdaan gole sharci ah.

 

Bulshada asal ahaan ku abtirsata Soomaaliga, waa ummad dhaqan soojireen ah u lahaan jirtay (ilaa haatanna u leh) inay isu dir-raacaan oo ay isu gartaan qaab qabiil iyo hayb reernimo, qabiilka oo uu u dhisan yahay qaab dhismeedka bulsho. Qabiilka iyo Nasabku waa wax jira balse waxaa xun oo ceebaysan adeegsiga qabyaaladda.

 

Qaab nololeedka bulsho ee noocaas ahi wuxuu saamayn weyn ku leeyahay go’aan qaadashada arrimaha muhiimka ah ee la xidhiidha xagga dhaqanka, xagga dhaqaalaha, xagga siyaasadda, xagga nabadgelyada, xagga colaadaha iyo wax kasta oo saamayn ku leh habdhaqanka iyo wadanoolaanshaha bulshada.

 

Sannadkii 1988-kii odayaashii Guurtida ayaa qayb ka ahaa ololihii halganka ee socday, waxayna shir ku yeesheen tuulada Cayddaroosh oo Hargeysa kaga beegan koonfur-galbeed, halkaasna waxay si rasmi ah lagaga dhawaaqay golihii Guurtida waxana guddoomiye loo doortay marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

 

Doorkii lagama maarmaanka ahaa ee ay odayaasha Guurtidu ku lahaayeen bulshada dhexdeeda waxay si cad u muuqatay markii uu bilaabmay  dagaalkii hubaysnaa ee gudaha ee ay boqolaal kun oo ka mid ahaa shacab- weynihii halganka taageeri jiray ay ka soo bara-kaceen gudaha dalkii Soomaaliyeed. Odayaashii Guurtidu waxay durbadiiba dusha u riteen inay ururiyaan oo ay abaabulaan xoog ciidan oo halganka lagu xoojiyo, waxa kale oo ay u guntadeen inay halgankii hubaysnaa u soo ururiyaan lacag, raashin iyo xoolo noolba. Hoggaankii sare ee SNM (ha noqoto garabkii siyaasadda  iyo kii ciidamadaba) iyo golihii Guurtida waxaa ka dhexeeyey is-fahan iyo wada shaqayn qoto dheer oo dhinac walba lagu qaddariyo laguna taageero xilka iyo hawsha ay bulshada u hayaan.

 

Sidaana waxa ku samaysmay, kuna hanaqaaday laba gole oo wada shaqayna leh, kuwaasoo kala ahaa golihii dhexe ee SNM iyo golihii Guurtida. Dhaxalka noocaas ahi wuxuu saldhig u noqday nidaamka wada-tashi, isu-tanaasul iyo ka dimuqraadiga ah ee ay Somaliland ilaa maalinkaa maanta ah ay ku dhisan tahay. Waxaana curashada Guurtida loo tiiriyaa Axmed Silanyo oo xilligaa hoggaaminayay SNM iyadoo markii dalku xoroobay golihii dhexe ee SNM-na uu isu beddelay golaha baarlamaanka (Wakiillada), xilligii uu hayay talada dalka Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur”.

 

Haddaba, halgankani hubaysan ee ururka SNM ee aan taariikhdiisa kor kaga sheekeeyey, wuxuu ahaa halgan shacbi ah, oo dhib la gaadhsiiyay dadka shacabka ah ay ka dhiidhiyeen, qof waliba maalin ayuun buu soo gelayay oo uu halkiisa waajibaadka ka gudanayey, waxa socdayna dagaal ayuun buu ahaaa xilligaa, waxaana laga yaabaaba magacyada la bartay kuwo aan ahayni inay kaga waxtar badnaayeen halgankaba. Aniguna waxaan ka mid ahaa kumanaanka halganka dhinacooda uun ka galay. Haddaba, bal aan wax yar idin ku hakiyo ku biiristaydii ciidamada xoraynta SNM iyo dhacdooyinka  aan ka xasuusto.

 

1987 anigoo ka soo noqday Koonfurta Soomaaliya ayaannu aniga iyo rag kale oo dhallinyaro ahi is weydiinay in aannu ku biiro SNM (ka talowno xadka u dhaxeeya Somaliland                    iyo          Itoobiya),  waana                     xilliyadii       ay     xoogaysatay bandowgii             lagu      hayay                     magaalooyinka     Somaliland oo           casar    dheerabe dadweynaha mamnuuc ka ahayd in ay dibadda uga soo baxaan guryahooda. Waxa la ciqaabi jiray shacabka oo qofkii la qabto isagoo dibadda maraya marka la gaadho saacadda bandowga. Waxa ka mid ahaa ciqaabahaasi in qofka madaxa looga xiiro si isku tallaab ah ama sagsaag ah ama waxa la odhan jiray waa seexan-waa saacadaha dambe wareega oo waxa laga shubayaa litir dhiig ah ama waaba la xidhi jiray.

 

Run ahaantii dhibaatada dadka shicibka ah loo geysan jiray aad bay u badnaayeen, balse arrimahan kor ku xusan ayaa ka mid ahaa duruufihii adkaa ee dadweynaha lagu caddibi jiray. Waxa kale oo bandoo-ga dheeraa in

 

dadweynaha guryaha ay ugu galaan askar hubaysani oo ay dhici jirtay in dahab iyo lacag wixii ay ka helaan ay ka qaadan jireen sabab la’aan, iyadoo loogu mar-marsoonayo dad baa seexan waayey ama arrimo la xidhiidha xagga nabad-gelyada.

 

Sidoo kale, xadgudubyadii qorshaysnaa ee shacabka lagu hayey waxaa ka mid ahaa ku-xad-gudubka cirdiga, xilliyadaasina waxaa caam ahaa kufsiga haweenka iyo gabdhaha. Waxaa bilaabmay cadaadis tiro badan oo si gaar ah ugu wajahnaa dhinacyada dhaqaalaha, xorriyadda iyo xagga dhaqankaba. Arrimahani waxay sii shideen dareenkii iyo kacdoonkii ay dadweynuhu kaga fal-celinayeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagu hayey shacabka aan waxba galabsan.

 

Haddaba anigu waxaan ka mid ahaa da’yartii u adkaysan kari wayday xad- gudubyadii ummadda lagu hayey ee u tallowday xagga Itoobiya si ay ugu biiraan halgankii hubaysnaa. Waxa aannu is raacnay oo aannu wada lugaynay nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed oo Ifiso ku magac dheeraa, oo run ahaantii nin dagaalyahan ah ahaa.

 

Annagoo qofba markaa si uun uga soo baxay Burco, waxaannu ka lugaynay tuulada Ina Dandan oo reerkayagu degi jirey. Waxaannu u lugaynay in aannu xadka ka tallowno oo aannu u gudubno dhinaca Itoobiya. Waa la is qarinayaa oo siday runtu tahay ma hawl yarayn in aad xadka ka tallowdo oo aad SNM ku biirto. Waxay nagu qaadatay in aannu xadka ka tallawnaa muddo 12 saacadood ah oo aannu lugaynaynay ilaa aannu gaadhnay meesha la yidhaahno Habuura, ka dibna waxa aannu tagnay Eegi oo u dhaxaysa Habuura iyo Baaladhaye.

 

Habuura oo tallowga gudaha Itoobiya ah ayaannu ugu tagnay ciidammadii SNM, ka dibna waa nala qaabbilay waxa nala geeyay Eegi oo ciidammada Dhibooga lagu ururinayo. Waxa jiilkaasi ahaayeen filkii caanka ku ahaa ee la odhan jiray Geel dhoobo galay markii aan anigu imid waxa igu dhacday  in  la i yidhaahdo “Da’daadu way yar tahay” maadaama oo aan nin yar ahaa isla markaana aan gaabnaa. Nis yaridaydii iyo gaabnidu waxay igu sii kordhinayeen culays. Ka dibna waxa la igu war-geliyay inaan da’yarahay oo aan la i qoraynin ciidankii dhibbooga ee Awaare la geynayey.

 

Waxoogaa muddo ah oo laba ilaa saddex cisho ayaan ku yara xayirnaa, balse nasiib wanaaggayga haddana markii dambe dhibboogii waa la i qoray, sidaana waxaan ku bilaabay tababbarkii jabhadda.

Waxaan xasuustaa, habeen habeennada ka mid ah anigoo gaadhka haya ayaa waxaa i soo maray saraakiishii SNM ee tababarka na siinayey oo ay ka mid ahaayeen Muj. Ibraahim Jaamac Dhiif “Ha Liqin” (AHUN), Cawil Ilkacase, Yuusuf Qurbaawi. Dabadeedna waxay arkeen sidaan u gudanayey xilkaygii askarinnimo, taasina waxay ii dheelli tirtay da’yaraantii la igu lahaa waad yar tahay!

 

Sidii baan kaga mid noqday ciidamadii xoraynta SNM, waxaanan kala qayb qaatay hawlgalladii xilligaasi socday, duruufihii lagu jireyna waan la qabsaday. Haddaba, dhacdooyinka xusuusta leh waxa ka mid ah, arrintii noloshayda iigu naxdinta badnayd, taas oo aan filayay inay tahay maalintii geerida balse ilaahay iga nooleeyey oo maalin kale ii dhigtay, waana sidan sheeko aannu ugu magacdaray Qarka Xabaasha.

 

Waxay ahayd maalin Jimce ah, abbaaro 8:00-9:30 A.M, dabayaaqadii sannadkii 1989-kii, markii aannu weerar ku qaadnay ciidan ka mid ciidamadii dawladdii Soomaaliya oo uu watay nin la yidhaahdo General Cabdicasiis Cali Barre duulimaad ku degay Banka Warma-Caddeeye, gaar ahaana agagaarka tuulada Balanbaal oo Koonfur galbeed 130KM kaga beegan magaalada Burco.

 

Ciidamada SNM-ta ah ee ka mid ahaa waxay ka tirsanayeen guutada lixaad ee qaybta koowaad ee Aagga Bari, waxaana markaa taliye ka ahaa Allaha u naxariistee Mujaahid Cabdi Cali Faarax, waxaananu xabbaddii ku bilawnay ciidankoodii lugta ahaa oo ka sokeeyey gaadiidkooda gaashaaman iyo dabaabadahooda.

 

Wax yar markii ay xabbadu socotayba way kaceen, waananu eryannay. Haseyeeshee, markiiba waxa naga hor yimid, isla markaana eryaday tiknikadayadii laba Taangi oo ka mid ahaa ciidamada aannu weerarka ku qaadnay.

 

Labada Taangi markii hore ciidankayaga way iska dhaafeen, waxaanay eryadeen tiknikadayadii, isla markaana waxay naga gubeen gaadhi B10 ah iyo mid TM ah, taasina waxay keentay in ciidankayagii jabo, halka ay labadii taangina ka horyimaaddeen ciidankayagii jabay.

 

Waqtigaasi anigu waxaan ka mid ahaa ciidankii badhtanka ku jirey, labada dhinac ee bidix iyo midigba ciidan ayaa naga xigay, waxaanay ciidamadaasi ka hor kaceen ciidankayagii dhexda ku jirey oo markii hore sii baacsaday ciidankii aannu la dagaallamayna. Taasina waxay keentay in labadii Taangi ay bartilmaameedsadaan ciidankayagii, ka dib markii ay soo jiidheen ciidankayaga qaar badan oo ka mid ah.

 

Haddaba waqti aannu ku dhow nahay kaynta banka xagga koonfureed kaga beegan ayaa waxa iga daba yimi mid ka mid ah labadii Taangi, oo ku cartamaya dhammaan tabihiisii, sida dabka qoryaha saaran, sanqadha guuxa iyo silsiladaba. Waxa aannu soo jiidhay qaar ka mid ah ciidankayagii aannu iska barbar dagaallamaynay.

 

Intii uu ku mashquulsanaa xagga saaxiibbaday oo bidixda iga xiga ayaan u weydaartay xaggii kaynta, ka dibna laba geed markii aan dhaafay, ayaan geedkii saddexaad oo ahaa qansax noocan cufan ah, isku qari is idhi, balse

 

wuu arkay, xaggayga ayuu u soo xawaareeyey, markii uu shan mitir qiyaastii ii jiro, inta aan quustay ayaan dhulka isku dhejiyay, indhaha isku qabtay wejigana dhulka dhigay, dabadeedna geedkii iyo anigaba wuu isku kaaya jiidhay. Nasiibkayga .waxa Alle igu beegay beerkiisa, taayirkii silsiladda lahaana wuxuu iga maray gacantayda bidix inta hore ee baabacada oo i burburtay, iyo waxyeelo kale oo iga soo gaadhay geedka uu igu cadaadiyay, iima se tudhin’e Allaha Weyn baa mar kale ii daystay.

 

Hase yeeshee, markii uu i jiidhayay taangigaasi, waxa i arkayay oo qiyaastii meel 7/8 mitir u jirtay isna geed ku gabbanayay ninka la yidhaahdo Jaamac Rayte oo reer Burco ahaa oo ciidankayaga ka mid ahaa, balse Jaamac nololba iguma tirinayn oo wuxuu arkayay taangigii oo hoosta i gashaday.

 

Waxa kale oo iga ag dhowaa gaadhi jiib ah oo ay markii hore ciidankayagu ugu talo galay inuu gubo taangiga, balse la waayay xabbaddii.

 

Markii uu taangigii i dhaafay, waxa san-qadhayda maqlay Jaamac Cawil Oogle “Jaamac Rayte”, isla markaana dareemay inay naftii igu jirto. Sanka iyo afkaba dhiig ayaa iga yimid.

 

Mr. Jaamac Rayte, waxa uu igu yidhi “Waar ma nooshahay”. Waxaanan ugu jawaabay “Waar waan noolahay’e kaalay geedka iga saar”.

Balse waxa uu yidhi. “Kaarihii kale ayaa soo socdee iskaga jir geedkaaga ha ina dhaafee”.

 

Wax yar ka dib, waxa uu igu yidhi “ka soo bax geedka”, balse dhawaac gacanta iga gaadhay awgeed waxaan u baahday cid i caawisa, waxaana i caawiyay nin la yidhaahdo Maxamed Faarax Guud-cadde. Waxaana markiiba la i saaray gaadhigii dhaawac oo UD ahaa kaas oo la igu geeyay xaruntii dhaawaca.

 

Dagaalkan Kaaruhu igu jiidhay muu soconnayn maalin keliya, balse waxay ahayd maalintii 7-aad amaba 8-aad ee dagaalka, isagoo sii socday dhawr maalmood oo danbe, waxaan ka mid ahaa ciidan xul ah oo loo soo xulay inay dagaalka kala qayb qaataan Alle ha u naxariistee, Mujaahid Aadan Saleebaan abaabulka dagaalka aad ugu hawlanaa, waxaana joogay Saraakiil badan.

 

Ugu dambayntii waxa xusid mudan, ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyay ka hor inta aannu kaaruhu i jiidhin, waxaan isweydiiyay su’aasha ah “talow ma ehelu Janno ayaad tahay, mise waa lagu cadaabayaa?”. Laakiin markiiba waxaan isku qanciyay Shahiid inaan ahay.

 

Xilliyadii uu muddo dagaalku gudaha ka socday 1989 ayaan aniga iyo walaalkay Cabdillaahi, maalin maalmaha ka mid ah ka safarnay gurigaygii oo aan u booqasho tagnay nin aan ilmaadeer nahay, Cali Faarax X. Axmed la yidhaahdo oo xilliyadaa ka soo goostay ciidamadii faqashta. Ninkan oo

 

degganaa tuulada Heere la yidhaahdo oo ilaa labo saacadood noo jirta socodka lugta. Markii aan jidka sii soconno ayaan waxoogaa gabay isugu faannay, markaas ayuu walaalkay igu yidhi bal inta aynu sii soconno gabay aan Cali ugu warramayno samee, isagoo markaa i xujaynaaya aniga. In kasta oo ay jirto hibo, haddana noloshu waa isku day, waayo haddii aanad wax isku dayin ogaan maysid wixii hibo Ilaahay kuu siiyey. Nasiib wanaag waxaan tiriyey afarraydan:

 

Gabayga Saymo

Sa’da gabayga Caliyow haddaan siinka ka higgaadsho, Waayahanba maan kala sifayn sadarradiisiiye, Xaluun baan saqdii dhexe intaan selalay soo toosay, Oo aan sifaha dunida iyo sadarradii baadhay Suugaanta wixii aan helay sidatan weeyaan e.

Siyaad baa siyaadadatan dhigay diinta la kor saaray, Siyaad baa runtii suuliyey oo beenta soo saaray, Sayidkii naflaba Eebbahay ugu sarraysiiyey, Sawjadaha siyaad baa la simay sawdkii uu yidhiye. Silacaa annaga oo qabnoo cadho la sooyaannay, Subax bay salaad hore rasaas nagu salaameene, Sawdkay ku hadlayeen baa ahaa saatir baa weyne,

Sawaariikhda duushiiyo madaafiic ayay sare u tuureene Soddon-qaadka aakaha markii faalku seeraaray

Boobaha siraataa markii saalbo kaga saaray Surinkii ay ka laabteen markii seben la leefsiiyey Saamkiyo jantahay soo rideen suugii laga reebye Surinnadaa la dhigay beebihii sumuca waalaaye Silsiladaha la jaray kaarihii oo soodhka lagu boobye Saajinnada kornaylada kuwii garabku saacaayey

Saraakiishii la soo xulay hubkiyo saanaddiyo shiishka Soofiyeed kuu tababbaree sebenno soo joogay Sariirahay ku dhuunteen kuwii soofka qaayibaye Subaxaa wixii dhacay haddii Eebbahay saymo ka baajay Saakaba wixii nool halgankii waa ina sugaayaaye Samayda u adkayso oo ha furin suunka iyo beelka

Soo dhawow dadkeennii wuu kuu sacab tumaayaaye

 

Sheekooyinka aanan illaawin ee xilligii uu socday halgankii xoraynta Burco, waxa ka mid ah sheekadan soo socota.

 

Xilliyadii lagu jiray magaalada Burco ee ayaamo yar uun laga joogo maalintii la soo galay; waxa jirtay dood aad u adag oo dhex martay laba nin oo ka tirsanaa saraakiishii sarsare ee ciidamadii SNM oo kala ahaa Muj. Adan Saleebaan (AHUN) iyo Muj. Axmed Macallin Haaruun (AHUN). Run ahaantii anigu maan ahayn goob-jooge shaahid u ahaa markii ay dhacaysay dooddaa iyada ahi. Laakiin, sheekadan waxaa iiga sheekeeyey Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed (Ifiso) oo xilligaa dhaawac ahaa oo yaallay meel ku

 

dhow fadhigii saraakiishu ku murmaysay, wuxuu ahaa Ifiso goo-jooge wuxuuna dhagaysanayey markii ay dooddaasi socotay. Dooddaasi waxay ku salaysnayd laba fikiradood ama aragtiyood oo ay kala aaminsanaayeen labada sarkaal, taas oo ahayd: in xoogaggii SNM ay magaalada Burco iskaga baxaan oo ay buuraha galaan iyo inay magaalada sii haystaan.

 

Muj. Axmed Macallin Haaruun waxa uu si cilmiyaysan oo uu aragti milatarrinimo huwiyey u sharraxay isla markaana uu muuqaal cad ka bixiyey cududdii iyo awooddii ay lahaayeen ciidamadii Taliskii Soomaaliya ee magaalada Burco ku sugnaa (tiro ahaan, tayo ahaan iyo tikniko ahaanba) iyo weliba waxay saanad iyo qalab milatariba haysteen. Dhinaca kale, waxa uu xusay oo uu hoosta ka xarriiqay awooddii ay lahaayeen xoogaggii SNM ee Burco ku sugnaa (tiro ahaan, tayo ahaan iyo tikniko ahaanba). Waxa kale oo uu xusay in 800 ee dagaalyahamiinta ahaa ee Burco soo galay ay 400 oo ka mid ahi ay waxna dhinteen, waxna ay dhaawacmeen. Ina Macallin Haaruun wuxuu dabadeed dooddiisii ku soo af-jaray inaanay suurto gal ahayn in mujaahidiintii SNM ay Burco sii haysan karaan, sidaa darteedna loo baahan yahay in Burco la iskaga baxo oo buuraha la galo si loo bedbaadiyo cududdii SNM wixii nool iyo wixii ku soo biiray halgankuna u sii socon karo lahaa, isagoo ka werwersan xaaladdii markaa taagnayd iyo tirada dagaalyahamiinta SNM isla markaana qiimaynaya awoodda ka soo horjeedda.

 

Mujaahid Adan Saleebaan (AHUN) in kasta oo ay isaga laftiisa u muuqdeen arrimahaa uu muj. Axmed Macallin Haaruun sheegay oo dhammi oo uu la qiray xaaladdii jirtay, haddana dooddiisu way ka duwanayd taa. Muj. Aadan Saleebaan wuxuu sheegay in awoodda iyo cududda ciidan ee askartii cadowga iyo tii mujaahidiintu aanay haba yaraatee ahayn laba isu dhiganta. Wuxuu caddeeyay awoodda ciidan ee Taliskii Siyaad Barre ee joogay Burco iyo nawaaxigeeda (tiro ahaan, tayo iyo tababbar ahaan iyo weliba qalab ahaanba). Muj. Aadan Saleebaan way u muuqatay in siddeedii boqol (800) ee mujaahidiinta ahaa ee Burco soo weeraray ay afar boqol (400) oo ka mid ah ay waxna dhinteen waxna ay dhaawacmeen. Sidoo kale Aadan Saleebaan wuu qiray inay aad u adag tahay in dagaalyahamiintii SNM ay magaalada Burco sii haysan karaan.

 

Laakiin Muj. Aadan Saleebaan wuxuu ku dooday in markii hore ee xoogagga SNM ay cadowga weerarka ku soo qaadayeen, xoogga ugu muhiimsan ee ay ku tala galeen aannu ahayn xoog ama awood ciidan oo ay mujaahidiintii SNM lahaayeen; balse xoogga ay marka horeba ku tala galeen uu ahaa  xoogga iyo taageerada bulshada. Sidaa darteed, Muj. Aadan Saleebaan wuxuu aaminsanaa in haddii la qaato fikirkaa uu soo jeediyey Muj. Axmed Macallin Haaruun (AHUN) oo la is yidhaa afartaa boqol ee inan iyo wixii soo raacay ee soo hadhay buuraha la gala si aad u bedbaadisaan halganka, in shicibkii Burco deggenaa ee halganka taageeri jiray uu cadowgu gumaadi doono oo uu siduu doono ka yeeli doono. Afartaa boqol ee mujaahid ee

 

buuraha galayna waxaa u dhiman doona oo la layn doonaa afar kun (4000) oo inan iyo tiro kale oo intaa ka badan oo shicib ah.

 

Dooddaa adag ee labada mujaahid dhex martay kaddib; muj. Axmed Macallin Haaruun iyo intii fikirkiisa taageersanaydba waxay go’aansadeen inay Burco ka baxaan, halka Aadan Saleebaan iyo ciidankiisiina ay Burco ku hadheen. Ka bacdi Aadan Saleebaan iyo ciidankiisii waxay galeen dib-isu- abaabul waxayna difaac ka galeen Gooncad. Ka bacdi waxaa bilaabmay dagaal aad u qadhaadh oo ay ciidamadii SNM jilbaha u aasteen ciidankii cadowga ee iyaga aad uga awoodda badnaa. Markii uu dagaalkii socday kowdii ilaa labadii duhurnimo, ciidankii Axmed Macallin Haaruuna ay weli magaalada Burco dibaddeeda ku sugan yihiin, ayuu Ina Macallin Haaruun wuxuu arkay in weli dagaalku socdo oo la is jafayo; wuxuu sameeyey haddana qiimayn mileteri oo xaaladdaa ku salaysan, kadibna wuxuu colkiisii ku yidhi: “Ciidamada faqashta iyo ciidankeenii aynu ka nimi, labadooda waxa guulaysan doona ka uu gurmadku u hor tago!” Kaddibna Axmed Macallin Haaruun wuxuu amray in ciidankiisii Burco ay dib ugu soo laabtaan, dagaalkiina dhinacooda ayay ka galeen. Gargaarka Allah, geesinnimo iyo naf-hurid ay sameeyeen dagaal-yahamiintii SNM; maalintaa Burco dagaalkii waa lagu jabiyey ciidamadii awoodda badnaa ee Taliskii Siyaad Barre, guushiina waxa helay xoogaggii SNM, waana maalinta ay ku hoobteen in badan oo ka mid ahaa ciidankii Kamaandawsta ahaa ee Cadaadlay.

 

Markaad eegto xaaladda dagaalkaa xoraynta iyo quwadaha aan isku dhigmin ee labada dhinac, waxa guulaha badankoodu raaceen dhinicii itaalka yaraa, balse guushaasi may xidhiidhsanayn marba waxa soo baxaysay, caabbi kaga yimaadda ciidanka ka awoodda badan, taasina waxay keentay tashiyo degdeg ah oo kadaloob wax la isku yidhaahdo.

 

Halgankaa lagaga soo horjeeday Dawladdii Soomaaliya oo muddo dheer socday wuxuu soo gaadhay bishii January 1991-kii, ka dib markii ay ciidamadii dagaalyahamada ahaa ee SNM, USC, SPM iyo SDM ay burburiyeen xooggii ciidamada ugu dambayna uu Madaxweynihii Siyaad Barre ka baxay qasrigii madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

Jabhadihii dagaallamayey ee hubkana gacanta ku hayay markay waayeen muwaafaqo iyo hoggaamin si fiicanu jihaysa ayaa mid waliba qorigiisii ku xoogsaday oo waxay samaysteen kaantaroollo iyo meelo waxsoosaar oo ay iska qaybsadaan, sida madaarrada, dekedaha, sayladaha iyo laamiyada.

Halgankii degaanada Somaliland ay horseedka ka ahaayeen xoogaggii SNM ee gacanta ku dhigay Somaliland, cadaadiskii iyo cidhibtirkii uu Taliskii

 

Siyaad Barre ummadda ku hayey la iska dulqaad, ciidamadiisiina laga adkaa, dalkiina laga qabsay.

Shacbigu waxay filayeen in la heli doono nidaam dawladnimo iyo kala dambayn, wixii ummadda ka dumay oo dib loo dhiso, hannaan dawladnimo oo ku dhisan dulqaad, caddaalad iyo wax toosin, isla markaana dib u soo nooleeya kalsoonidii dawladnimo ee ay ummaddu muddada sugaysay.

 

Waxa bilaabmay iska-hor-imaad hubaysan oo salka ku hayey arrimahan kor ku xusan, kuwaas oo u dhexeeyeyey dadkii walaalaha ahaa ee shalay meel uga soo wada jeeday ciidamadii dirirtu ka dhexaysay. Arrintii waxay isu beddeshay fowdo, qas, kala dambayn la’aan iyo ciidamadii oo qaarkood isu beddeleen day-day qori daba laab ah ku xoogsada. Borama, Berbera, Burco, Hargeysa iyo meelo kalaba waxa ka bilaabmay dagaallo fool-xun oo salka ku hayey qabiil iyo reernimo. Dhimasho, dhaawac, bara-kac baaxad leh iyo burbur dhaqaale ayaa ka dhashay dagaalladii u dhexeeyey xooggii SNM ee dalka qabsaday.

 

Sidaa mid la mid ah waxaa koonfurta Soomaaliya ka bilaabmay kala qaybsanaan ciidan iyo kala urursi markiiba salka saaray reernimo, iyadoo ay wehelinaysay siyaasado qabyaalad ku salaysan oo horseeday in dhiig badani ku daato dagaalo muddo soconnayay ay dhashaan oo gobol iyo reer hoos ugu sii degay.

 

Waxa xusid mudan in adeegyo badan oo bulshada ah oo in badan oo ka mid ahi ay sidoodii u shaqaynayaan, sida warshaddii sibidhka ee Berbera, warshadihii kabista ciidamada, warshadihii laydhka ee gobollada, dhakhtarrada qaarkood, iskuullada, dhismayaashii kale ee muhiimka ahaa ee ay dawladdu lahayd, iwm. Balse adeegyadii sii shaqaynayey ee loogu yimid dalka, waxay intooda badani ku burbureen dagaalladii u dhexeeyey kooxdii SNM.

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan u imi wiil dhallinyaro ah oo qoriga xaggiisa dambe ku garaacaya daaqadihii muurayadaha ahaa ee Iskuulkii Farsamada Gacanta ee Jarmalka, ”Burao Institute”. Waxaan weydiiyey sababta uu wiilkani u jejebinayo daaqadaha Iskuulka? Wuxuu iigu jawaabay: “Iskuulkan Dawladdii faqashta ayaa lahayd, sababtaa ayaanan u jejebinayaa!!” Arrintaasi waxay ii bayaamisay heerka uu taagnaa garaadka dadku iyo sida aanay ummada in badani ugu baraarugsanayn xilka iyo masuuliyadda qof walba ka saaran ilaalinta hantida guud ee ay dadku wada leeyihiin.

 

Waxa ilaa hadda aan qas ka bixin dhinacii kale ee Soomaaliya oo aanay weli ka taabbo gelin dawladnimo, qaban karta adeegyadii bulshada, iyadoo intii ka bedbaadday, sida Somaliland, ay u xayiran tahay muranka siyaasadeed u dhexeeya xidhiidhka ka dhaxayn doona iyo madaxbanaannida ay sheegatay.

 

Jaahwareerkii ciidamada iyo guuldarradii siyaasadeed ee gebidhacleynaysay ee quwadihii hirdamayay ee NATO/WARSO ku dhex dawakhday, waxay sababtay in dagaal sokeeye ka bilawdo guud ahaan dalkii Soomaaliya. Waxaa dhacay Xasuuq isir ku salaysan iyo dagaal aan joogsi lahayn oo weli meelaha qaar ka socda. Dhismuhu wuxuu u baahan yahay aqoon, khibrad, dhaqaale iyo wakhti balse dumintu waxay u baahan tahay dubbe ama miisaan xoog leh oo si aan tudhaale lahayn loogu garaaco meesha aad duminayso!

 

Cutubka 7aad: Burburkii Dawladdii Soomaaliya iyo Bilawgii Somaliland

 

Qarankii Soomaaliya ee ay ku midoobeen labadii dhinac ee Talyaaniga iyo Ingiriisku kala gumaysan jireen oo wadamadii gumaysan jiray xorriyaddii ka qaatay 1960, waxay dawlad ahaayeen mudo 30 sannadood ah. Dagaalladii aan soo sheegnay waxay soo gaadheen in xukunka qoriga caaradiisa lagaga tuuro xukuumaddii milatariga ahayd ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

 

Waxaa baabba’ay ciidankii, nidaamkii dowladnimo, iyo wax kasta oo qarankii ku taagnaa. Waxaa cagta la mariyey, raad kasta oo qaranku lahaa intii ummaddani soo jirtey. Sida matxafyadii, dukuminyadii hey’adihii dalku lahaa iyo kuwii jabhaduhi siteen ee debedda kala yimaaddeen. Waxaa burburay dhaqankii soo jireenka ahaa ee lagu xaajoon jiray marka la is qabto iyo diinta oo waxyeelo weyni soo gaadhay.

Warqaddii saxeexnayd

Waxaa 18-kii May 1991 magaalada Burco lagaga dhawaaqay Qaran madaxbannaan oo xor ah oo la yidhaahdo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la isla gartay in hoggaankii markaa jiray loo doorto 2 sannadood madaxtinnimada dalka madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali, iyo Xasan Ciise Jaamac Madaxweyna-xigeen. Waxaana sii shaqaynayay golihii dhexe ee SNM oo baarlamaan ka dhignaa xilligaa.

Dawlad waa lagaga dhawaaqay madashii, xukuumadna waa lagu soo dhisay, balse may tamarrin. Guushii la gaadhay iyo himiladii dawladnimo ee ay muddada dheer naawilayeen lama gaadhin, taa beddelkeeda waxa markiiba soo shaacbaxay is maan-dhaaf weyn oo salka ku hayey kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid Ciidan oo muddo badan huursanaa, kaasoo u dhexeeyey hoggaamiyeyaashii SNM ka hor intaan dalka la soo gelin.

 

Guushii SNM waxa qariyey ama la degay galdaloolladii maamul iyo kala- qaybsanaantii siyaasadeed ee ay hoggaamiyeyaashii SNM dalka la soo  galeen. SNM lamay iman nidaam maamul iyo hannaan dawladeed oo dhisan oo marka dalka la xoreeyaba beddela maamulkii hore ee laga adkaaday. Arrintani waxay keentay inuu dalku sannadihii 1991-1994kii galo qas, qalalaase iyo maamul xumo.

 

Waxa kale oo xusid mudan inaan sheego, xog aan ka soo xigtay Cabdilaahi Cukuse oo ahayd inuu weydiiyay Madaxweynihii xilligaasi Cabdiraxmaan Tuur “Madaxweyne waxaa dhammaanaya wakhtigii sharciga ahaa ee dawladdaada iyo wakhtigii golaha dhexe ee SNM (Baarlamaankii xilligaa) e, maxaa talo ah?” Waxa aannu madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ku jawaabay, “Haddii aynaan labadan (Dawladnimada/SNM) wada badbaadin karrin, waxaynu badbaadinaynaa ka weyn oo ah dawladnimada.”

 

Ka dibna waxa uu Mudane Cabdiraxmaan sameeyay inuu awooddii ku wareejiyay Golaha Guurtida, isla markaana ay halkaasi ka dhalatay in la qabto shirkii Boorame ee Somaliland mar kale lagu soo amba qaaday.

 

Ku darsoo shirkaasi lagu qabtay magaalada Boorame, Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku jiray raggii u tartamayay madaxtinnimada dalka, laakiin isaga oo shakhsi caadi ah oo aan madaxweyne ahayn ayuu tartamay sababta oo ah xilkii Guurtida ayuu ku wareejiyay, waxay ahayd tallaabo aan ka dhicin inta badan jabhad dal qabsatay.

 

Waxaana shirkaasi lagu soo doortay Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo aan is leeyahay hawlo muhiim ah ayuu qabtay ka dib markii uu labadii garab ee SNM isku hayay, isla markaana isu adeegsaday kana wada adkaaday, balse isaga laf ahaantiisu jallaafada siyaasadda kama nabadgelin  ee Burco iyo Hargeysa, oo xaruntii dalka ahaydba, dagaalo sokeeye ayaa ka qarxay sannadkii 1994-kii, kuwaasi oo muddo lagu kala maqnaa, nafo badanna lagu waayay.

 

Waxa kale oo iyaguna soo shaac baxay qolooyin kale oo ku hawlanaa sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen fashilka ku yimid hoggaamintii SNM, kuwaasi oo ku ismanaa Urur-diimeed, sida urur la odhan jirey AL-Itixaad Al-Islaami, oo xarumo tababbar ka samaystay magaalooyin ay ka mid tahay Burco iyo Boorame iyo meelo kale.

 

Laakiin saldhiggii ugu weynaa ee ay Boorame ku lahaayeen wuxuu xidhmay markii uu qarxay dagaalkii Boosaaso, iyaga oo wixii hubaysnaa ay u hayaameen xagga Puntland oo ay dagaalo ku dhexmareen iyaga iyo Col. Cabdilaahi Yuusuf.

 

Madaxweynihii lagu doortay Boorame, ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu markiiba bilaabay olole nabadeed iyo in uu qarameeyo oo isu keeno wixii saanad ama hub sitay ee ku ismanaa ciidan Somaliland ah. Taasina waxay keentay fursad ah in dawladnimada la adkeeyo oo xoogaggii hubaysnaana hubka laga dhigo.

 

Cutubka 8aad: Kacaankii Nabadda Somaliland

 

Mar kasta oo isbeddel yimaaddo ama imanayo wuxuu leeyahay xanuun iyo marxalado kala duwan oo cusub. Markii ay dhacday dawladdii dhexe, in kasta oo Jabhadihiina aanay dhisin nidaam maamul oo taabbogal ah, gaar ahaan Somaliland oo aan dawladdii lagu dhawaaqay iyo xukuumaddii la dhisay aanay xilligaa tamarrin, haddana waxaa la qabay rejo inay ka soo rayn doonto.

 

Dadku waxay lahaayeen hammi iyo himilo aad u sarraysa waxayna is lahaayeen waxaa gaadhaysaan horumar, dawlad baad dhisateen. Laakiin, nasiibkooda, rejadii ay ummaddu lahayd markiiba may rumoobin waxaana u soo daba maray jaahwareerkii aan wax ka mid ah soo sheegay iyo rejadii oo werwer isu beddeshay. Guuldarradaa waxaa sabab u ahaa markay taladii faraha ka baxday ee ay gacanta u gashay day-day iyo askari fallaagoobay oo qoriga ku xoogsada, caqligii ayaa la legday oo beerka lagaga fadhiistay, kuwaasi oo ahaan jiray halgamayaashii waayay dib u jihaynta.

 

Heerka ay gaadhay nabadgelyo xummadda iyo kala dambayn la’aantu, waxa adkaatay isu socodkii iyo in la isaga gudbo magaalooyinka, inta u dhaxaysa Hargeysa iyo kantaroolka bariga ee Halleeya waxa yaallay ugu yaraan 2-3 Kaantaroool, meel walbana sidaa iyo si ka daran ayay ahayd. Dhibta iyo mashaakilka ugu badanina waxa waday degaannadii laf-dhabarta u ahaa halgankii ee Isaaqa. Xilligaasi wuxuu ahaa xilli uu dadku kala lumay oo qof walba is-waayey ama uu lumiyey kaalintii uu bulshada ku lahaa. Waqtigii loogu tala galay in SNM ay dalka maamusho oo ahaa laba sano ayaa ku dhammaaday qas iyo kala dambayn la’aan.

 

Waxaan jecelahay inaan halkan wax yar ku xuso sheeko aan ugu horrayn ka maqlay nin aannu saaxiib nahay oo war-galeen ah, markii dambena aan ka xaqiijiyey madaxweyne Silanyo, sheekadaasi waxay khusaysaa markii dalka la xoreeyey dhismihii dawladnimada iyo mushkiladdii ku dhacday.

 

Wuxuu ii sheegay madaxweyne Silanyo: “Waxaa ii yeedhay Cabdiraxman Axmed Cali-Tuur (AHUN) madaxweynihii xilligaa, oo soo jeediyay in aan u noqdo Raysal wasaare, aniguna waan ka aqbalay. Wax yar uun ka dib waxaa nagu bilaabmay duufaan iyo olole kooxaysan oo ka soo unkamay siyaasiyiin kala duwan, kaas oo Tuur ku qanciyay in uu ka noqdo fekradii.”

 

Waxaa dhacday in qaar ka arki waayeen fursadahoodii iyo muuqaalkoodii oo ay ku talo galeen inay burburiyaan. Ogow Tuur himiladiisii wuu gaadhay oo wuu noqday madaxweyne, Silanyo tiisii wuu gaadhay oo wuxuu noqday madaxweyne kuwii qaska wadayna waa laga yaabaa meelihii ay doonayeen inay gaadheen balse cidda keliya ee aan gaadhini waa bulshadii doonaysay inay hesho dawladnimo hoggaamisa, ilaalisa oo u adeegta. Jallaafada siyaasiyiinta Soomaalida ayaa inta badan ku dhisan qab qab dhaafay iyo

 

damac shakhsi ah oo la isla jiidho, muranka iyo isfaham la’aanta siyaasadeed ayaa gaas ku sii shubay jaahwareerkii jiray xilligaa waxaana sababtay dagaallo sokeeye oo ka qarxay magaalooyinka Burco iyo Berbera iyo meelo kale oo badan oo khasaare laxaadle gaystay.

 

Wakhtigii quwadihii gumaystayaashu ku soo duuleen carriga ay ku nool yihiin isirka Soomaalidu ee kor ku soo sheegay ka hor, in kastoo ummadda reer Somaliland aanay lahaan jirin maamul dawli ah oo dhexe, haddana waxay lahaayeen nidaam iyo hab ay isu maamuli jireen oo ku salaysan diinta, dhaqanka, waayeelnimo, waaya-aragnimo iyo caadooyinka Soomaalida.

 

Waxay lahaan jireen nidaam garsoor, xeer, xaagaan, xeer-beegti, guddi iyo guurti odayaal ah oo ay danaha bulshada ku maamulaan isla markaana ay ku xalliyaan wixii khilaafaad ah ama dhibaato ah ee ka yimaadda bulshada nolol-wadaagta ah dhexdeeda, garnaqooda waxaa hal-hays u ahayd “ilaahayow aqoonna ha nagu cadaabin, eexana ha nooga tegin.”

 

Waxa xusid mudan doorka weyn ee soo jireenka ah iyo saamaynta togan ee ay Odayaasha Guurtida ku leeyihiin nidaamka is-maamul iyo qaabka wadanoolaanshaha bulshada. Ha noqoto kobcinta nabadda, ilaalinta deggenaanshaha bulshada, xallinta khilaafaadka iyo ka hortagga colaadaha; Odayaasha Guurtida iyo madaxda kale ee dhaqanku waxay weligoodba bulshada dhexdeeda ku lahaayeen (haatanna ay ku leeyihiin) door muhiim ah oo lagamamaarmaan u ah jiritaanka bulshada.

 

Nidaamyada dawladeed ee dunidu wuxuu ku kala duwan yahay waxyaalo badan, waxaana wakhtigan ugu caansan ama ugu saamayn badan hannaanka Dimuquraadiyadda ee in badan oo dunida ahi samaysatay. Nidaamkan oo cid kastaa u raacdo qaabka iyo hannaanka uu ula jaan-qaadi karo dhaqankooda diintooda iyo hab-nololeedka degaannadooda, taas oo u suurtagelisa bulshada sidii ay talada dalkooda uga qayb qaadan lahaayeen.

 

Haddaba, dadka Somaliland waxay ku guulaysteen inay sameeyaan hannaan siyaasadeed oo isku xidhaya dawladnimo dhaqanku qayb ka yahay (Hybrid System) Kaas oo golaha sare ee sharci-dejinta Somaliland laga soo xulo dhaqanka iyo culimada (Golaha Guurtida), halka ay doorasho ku yimaaddaan labada qaybood ee kale ee dawladda (Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha), iyadoo sharciguna ka kooban yahay Shareecada Diinta, Xeerarka Dhaqanka, Dastuurka iyo Xeerarka Baarlamaanku soo saaro.

 

Sidii aan soo sheegay samayntii golaha Guurtida wuxuu lahaa ujeeddo ay keentay baahidii markaa jirtay, waxaanay xilliyadii kala dambeeyay isu taageen baahi labaad oo markaa soo korodhay oo ahayd nabaddayntii dagaalladii sokeeye iyo inay ka qayb qaataan soocelinta kala danbaynta iyo degganaanshaha dalka. Iyagoo doorashadii hore ee hannaanka ergooyinka

 

wax lagu soo dooran jirayna ay hoggaamin jireen, waa intii doorashooyinka (one person one vote) ka horreysay.

 

Dawladnimada Somaliland waxaa saldhig u ah nabadda iyo degganaanshaha taas oo ay qayb libaax ka qaateen golaha odayaasha ee Guurtida. In kasta oo aan kor ku soo xusay Guurtida iyo aasaaskeeda, haddana waxa xusid mudan in waqtigaasi hore ay Guurtidu ku koobnayd oo keli ah beelihii taageeri jiray SNM iyo baahiyihii ay qabeen markaa, balse markii dambe Golaha Guurtida waxa lagu soo daray xubno ka soo jeeda beelihii aan hore uga midka ahayn Guurtida ee reer Somaliland. Gaar ahaana, degaamada Awdal, Sanaag bari, Sool iyo Buuhoodle.

 

Marxaladihii dhismaha dawladnimada ee Somaliland soo martay ayay ka mid ahayd doorka iyo kaalinta muuqata ee ay golaha guurtidu ka qaadan jireen heerarkii kala duwanaa ee nabadaynta, hub ka dhigista iyo dib u dejinta. Taas ayaanay salka ku haysaa Dawladnimada Somaliland ka hana qaaday.

 

Hab dhaqanka Guurtida, waxaa ka mid ah: dib u heshiin, is-afgarad iyo isa saamax guud; nabad waarta iyo deggenaansho; dulqaad iyo wada noolaansho; wada tashi iyo isu tanaasul; iyo weliba danta guud ee Qaranka iyo maslaxadaha ummadda oo ay nabaddu ugu horrayso oo si wada-jir ah loogu guntado loogana wada shaqeeyo.

 

Haddaba, Gurmadkii Guurtida Borame ee lagu tanaaday waxa hoggaaminayay Sheekh Muuse Goodaad (AHUN), Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, waxa kale oo ka mid ahaa Cabdilaahi Ibraahim Habbane, waxa ay qabteen shirar dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Sheekh Burco iyo meelo kale oo ay ku dhex-dhexaadiyeen beelihii iyo kooxihii dagaalladu dhex mareen.

 

Waxa kale oo ay Guurtidan galbeed ka timid kaashadeen Guurtidii kale oo markaa iyaga la maqli la’aa oo lagu kala tirinayay beelaha ay wax ka dhexeeyaan, balse Guurtida Boorame iyo Guurtidii hore u jirtay ayaa noqotay mid xal nabadeed dhalisa, soona afjartay colaadahaasi. Taas waddada u xaadhay shirweynihii Boorame ee 1993-kii, halkaasi oo uu ka dhashay kacaankii nabadda iyo dhismaha dawladnimo ee Somaliland, laguna sameeyey axdi qarameedkii ku meel gaadhka ah.

 

mudnaata koobaad. Dadyawga dunidu waxay isku waafaqsan yihiin muhiimadda nabadda waana sababta abaalmarrinta dunida ugu qaalisan loogu magac daray (Nopel Peac Prize).

 

Cutubka 9aad: Gedgedoonkii wakhtiga iyo Garwaaqsigaygii Nolosha

 

Markii uu dalkii muddadaa galay qalalaase iyo rabshado dagaal, ayaan anigu dib isu taagay oo aan gorfeeyey waayahayga kuna soo gebagebeeyey in aan garwaaqsado in mustaqbalkayga iyo aayahayga dambe ee nololeed uu mugdi ku soo jiro.

 

Aabbahay (AHUN) oo taabbogalka noloshayda qayb weyn ku lahaa, markii uu geeriyooday waxay geeridiisii igu bannaysay daaqad, xil iyo masuuliyadba waxana waaqici noqotay inaan anigu haatan noloshayda taladeeda ku keliyaysto. Dabadeed waxaan go’aansaday inaan saddex dariiqo oo markaa ii furnaa aan midkood raaco:

 

1)             Inaan noqdo dayday fallaagoobay ama mooryaan dadka dhaca oo qori dabalaab ah ku xoogsada.

2)             Inaan ku biiro urur diimeedyadii xillagaa hanqalka la soo kacay, sida Al- Itixaad, Waxdad iwm.

3)             Iyo inaan jeexdo dariiq kale oo saddexaad oo aan ahayn labadan dariiq ee kor ku xusan, oo aan nolashayda dib ugu dhisayo. (Waxaanan doortay qodobkan saddexaad).

 

Waxaan dabadeed garwaaqsaday inaan dariiq kale raaco, dariiqaasina wuxuu noqday inaan naftayda saxo kuna qanciyo inaan balwadda ka joojiyo (qaadka/sigaarka), wax barto oo aan shaqo tago. Waa run, sannadahaa dalku qalalaasaha galay waxaan cuni jiray qaadka, sigaarkana waan cabbi jiray. Waxaanan yaqiinsaday in balwadda, aqoon-la’aanda iyo shaqo la’aantu tahay caqabadda koowaad ee nolosha, ugu horrayn haddii aan joojin waayo balwadda in aanan nolosha horumar ka gaadhi doonin, oo ay adag tahay in aan ka rumeeyo hadafkayga iyo himiladayda aan higso is leeyahay. Waxaan ugu horrayn joojiyey qaadkii aan cuni jiray, 4 ilaa 6 bilood ka bacdina waxaan joojiyey sigaarkii aan cabbi jiray.

 

Qaadka iyo Sigaarka isku hal mar maan joojinin, waxaa igu yara adkaatay joojinta sigaarka, dhawr bilood baanan sii cabbayey. Waxaan xasuustaa maalin maalmaha ka mid ah oo ku beegnayd horraantii sannadkii 1993-kii, ayaa waxaan xabbad sigaar ah ka iibsaday dukaan uu lahaa nin aannu ilma- adeer nahay oo la odhan jiray Cabdillaahi Maxamed Xaaji Xasan. Markii aan xabbaddii sigaar ahayd shiday ee aan laba ilaa saddex jeer nuugay, ayaa waxa iga soo yeedhay hadal tawaawac, canaan iyo calaacalba isugu jira waxaanan Cabdillaahi ku idhi “Ninyohow qaadkii waan iska daayee, miyaan bahalkaa sigaarka ah iska joojin kari waayey!!” Cabdillaahi wuxuu iigu jawaabay hadal dhayalsi iyo dheel-dheelba lahaa oo ay ka muuqatay sida aannu isagu u rumaysnayn inaan go’aan ka gaadhi karo sigaarka, wuxuuna igu yidhi: “Xirsow weligaaba waad odhan jirtay sigaarkaan iska daynayaa ee inaadeerow naftaada been ha u sheegin!” Dabadeedna waxaan ku idhi:

 

“Cabdillaahow bal maanta ma ku tusaa inaan sigaarka joojin karo?” Wuxuu igu yidhi “waad iska kaftamaysaa” Dabadeed intaan xabbaddii sigaarka ahayd daaqadda ka tuuray, ayaan Cabdilaahi magac ALLAH ugu dhaartay in saacaddaa wixii ka dambeeya aanan dib u cabbi doonin sigaarka.

 

Dhacdadaa aan balwadda ku joojiyey waxay ahayd go’aan qaadasho noloshayda caawisay oo aan si weyn ugu badhaadhay. Maalintaa wixii ka dambeeyey waxaan garwaaqsaday in caqabadaha lagala kulmo nolosha aanay guud ahaanba ka maarmayn go’aan qaadasho dhab ah iyo doorashada jahada saxda ah. Dabadeed waxaan bilaabay inaan noloshayda la halgamo oo aan shaqa tago, waxanan u diyaar garoobay inaan qabto nooc kasta oo shaqo ah. Waxa xusid mudan in xaaladdii dhaqaale ee uu berigaa dalku ku jiray ay ahayd mid aad u qallafsan, waxana jirtay shaqo la’aan aad u culus iyo dhaqaale-xumo baahsan oo dhammaanba qaybaha bulshada oo dhan saameeyey,

 

Anigoo isku dayay in aan fursadaha nolosha ka faa’iidaysto waxaan u dhaqaaqay waxbarasho iyo shaqo, waxa keliya ee xilligaa waxoogaa dhaqdhaqaaqa lahaa wuxuu ahaa ganacsiga, oo qudhiisu iska ahaa nooc jeeblayn oo kale ah. Ganacsi kooban ayaan bilaabay wuxuuna ahaa dukaan ama macdaar yar kaasoo aan in muddo ah waday isla markaana ii noqday indha-furkaygii xagga xirfadda ganacsiga.

 

Waxaan sii amba-qaaday jihaynta nolosha taas oo ahayd inaan shaqo tago oo aan aqoon barto, ha noqoto aqoon maaddi ah ama ha noqoto aqoon diimeede. Dabadeed waxaan bilaabay inaan Tafsiirka Quraanka ka dhegaysto Masaajiddo ku yaallay Burco, Quraanka oo aan run ahaantii si aad ah ugu hanuunay. Xagga barashada Tafsiirka Quraanka waxaan ka bartay, run ahaantiina aan abaal weyn ugu hayaa laba nin oo la kala yidhaa: Sh Maxamed Cartan iyo Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh.

 

Dhinaca kale, barashadii Tafsiirka Quraanka iyo ku xidhnaanshahaygii aan masaajidada ku xidhnaa, waxaan iyada qudheedana kala kulmay carqalado hor leh kuwaasoo salka ku hayey qabyaalad, kooxo diimeed oo iyagu iska soo horjeeday. Waxaan arkay in ururradii diinta ee berigaa Burco ka jiray uu mid walba doonayay inaad isaga u gasho oo uu gacanta kugu dhigo isla markaana aad fikirkiisa iyo mabda’iisaba qaadato. Haddii aad taa yeeli weydo oo aad mid ka mid ah ururradaa ka mid noqon waydo, waxbarashada lama wadaagi kartid oo caawimo kama helaysid.

 

Haddaba, maadaama aan anigu horeba dib isaga taagay oo aan ka leexday dariiqii ururkii SNM ee dalka xoreeyey uu markii dambe inta badani raacday kaasoo ku dambeeyey day-day dadka dhaca oo qori ku xoogsada, in kastoo aan barashada diinta aad u jeclaa haddana waxaan markiiba ka booday oo aan dib isaga taagay qoladan cusub ee culummada ah ee iyagu hubka qaatay,

 

waxaanan ku dhiirran waayey inaan ka mid noqdo oo aan iyaga fikir iyo ficil midnaba la qaybsado.

 

Dabadeed waxaan qaatay go’aan nuxurkiisu uu ku soo ururayey: Inaan horumariyo naftayda, barashada diintaydana aan cid kasta ka dhigto balse aanan gelin urur diimeed cid kasta oo wax i dhaanta aan wax ka barto. Xilligaa aan u leexday xagga barashada diinta, waxa jirtay qiso i soo martay oo xaqiiqdii aniga dareenkayga iyo damiirkaygaba si weyn u dhaqaajisay.

 

Maalin maalmaha ka mid ah, aniga iyo labaataneeyo nin oo aannu isu reer nahay waxa noo yeedhay nin curyaan ah, laxaadkiisa ay in badani ka maqan tahay, hadalkuna aad ugu adag yahay, korkiisana ay ka muuqatay duruuf nololeed oo aad u adag ninkaas oo magaciisu ahaa Maxamed Umal Oogle. Aniga iyo raggii kale markii aannu isu nimid ayuu ninkii laxaadka la’aa hadalkii bilaabay. Laakiin nasiib darro hadalku si dhib badan ayuu kaga soo baxayey, hadalkiisa lama fahmi karayn oo wuxuu lahaa hag-hago (gaangi). Ujeeddada ugu weyn ee uu ninkaasi noogu yeedhay, marka la isu soo ururiyo, waxay ahayd inuu na wacdiyo oo uu nagu beraarujiyo Alle ka cabsi iyo in aannu ku dedaalno barashada diinta. Aad iyo aad baan u qiirooday, dhacdadaa iyada ahina aad bay ii taabatay oo ay dareenkayga wax weyn uga beddeshay!! Dabadeed waxaan naftayda ku idhi: “Bal ninkaa laxaadka la’ ee aan awoodi karaynba inuu hadlo ee haddana doonaya inuu diinta iyo wanaagga igu wacdiyo oo uu wax iiga sheego, iyo aniga oo Ilaahay lixdaydii laxaadba ii dhammeeyey iyo aqoon la’aanta iga haysa diin iyo adduunyaba, sidaanu labadayadaasi u kala fog nahay!!” Ogow ficilku wuxuu ka saamayn badan yahay kumannaan eray oo lagu yidhaahdo.

 

Waxaa xusid iyo mahadnaqba mudan Culimada Tabliiqa oo xilliyadaa iigu yimi masaajid ka dib aan khuruuj la baxay muddo saddex maalmood ah oo ay baraarujin iyo wacyi gelin diineed oo badan isiiyeen aniga oo aad uga helay isla markaana mar labaad afartan maalmood la baxay. Waxay runtii ii ahayd arrin aad iigu sii xoojisay garwaaqsigaygii iyo xasilinta nafta oo cibaado iyo tarbiyad aad u fiicanba aan ka korodhsaday.

 

 

 

Cutubka 10aad: Marxaladihii Waxbarashada iyo Sicto College

 

Nolosha miyigu waa nolol adag, adayga ay leedahayna waxa si gaar ah u sii dareemi kara qofka da’da yar ama carruurta ah. Rafaadkii dadka iyo xaalladdii adkayd ee ay abaartii Dabadheer 1974 dhalisay, in kasta oo ahayd dhibaato dadkayga iyo dalkaygaba ku lahaa saamayn weyn oo dad iyo duunyaba lagu waayey, haddana aniga iyo intii ila da’da ahaydba waxay u ahayd fursad cusub oo aannu ku helnay waxbarasho isla markaana aannu kaga raysanay noloshii adkayd ee miyiga. Halkudhig caan ah ayaa yidhaahda “In every crisis there is an opportunity” – Dhibaato kasta fursad baa ku lammaan.

 

Waxbarashadaydii iigu horraysay waxaan ka bilaabay iskuul la odhan jiray Ganaane oo ku yaallay meesha la yidhaa Dujuuma. Wuxuu ahaa meel aan haba yaraatee lahayn saansaan iskuul: muu lahayn sibidh, albaab iyo daaqado midnaba. Fasalkaygii iigu horreeyey wuxuu ahaa waab hoostii ama dhawr laamood oo foodda la isu geliyey. Wax agab ama qalab waxbarasho u eg, waxa fasalkayga dhex yaallay sabuurad madow oo la sudhay tiir- dhexaadkii waabka. May jirin kuraas iyo wax kaloo lagu fadhiisto midnaba. Qof hela gambadh, ku hela daasad, qof dhagax ku fadhiista iyo mid dhulka fadhiistaba, arday walba wuxuu ku fadhiisan jiray kolba wixii uu helo.

 

Waxbarashadu waxay ahayd mid aad u tayo sarraysa, macallimiintayaduna waxay ahaayeen kuwo u tababbarnaa xirfadda waxbarashada iyo nidaamka barbaarrinta ardayda. Macallimiintu waxay waqti badan ku bixin jireen sidii ay wax noo bari lahaayeen. Subax kasta, ka hor intaan fasallada la gelin, waxa si nidaamsan safaf loo istaagi jiray fasallada hortooda waxana khasab ahayd in la qaado hees la odhan jiray “Guulwade Siyaad”.

 

Aniga iyo carruur kale oo aannu isku fasal ahayn waxaa na lagu daray wax la odhan jiray “Ubaxa Kacaanka,” waxana nala bari jiray heeso lagu ammaanayo hoggaanka dawladdii kacaanka. Heesihii kacaanka waxaan ka xusuustaa: “kuwii noo abaabulay, noo furay albaabbada, aabbaheen Siyaad iyo ilaah baa mahadda leh”. Gelinka dambe waxaannu tegi jirnay malcaamado Quraanka na lagu bari jiray. Guryaha aannu deggenayn waxay ahaayen guryo carshaan ah oo loogu talagalay in la dejiyo dadkii abaaraha ku tabaaloobay, guryaha dhexdooduna may lahayn koronto ama laydh. Habeenkii waxaannu casharrada ku akhrisan jirnay laydhka biraha jidadka (Street light) hoostooda oo aannu koox-koox wax u wada akhrisan jirnay.

 

Abaal aan duugoobayn waxaan u hayaa walaalahay aniga iga waaweynaa oo si weyn iiga caawin jiray xagga waxbarashada, oo nin walba kalaaskii uu ka baxay ayuu casharradiisa u sii gudbin jiray ka hoos uga yar. Taasi waxay i geyeysiisay inaan guud ahaanba waxbarashada ku fiicnaado. Inaan fasalkayga ugu xarriifsanaado oo aan mar walba ardayga kowaad/labaad noqdo in kasta oo ay ii keentay cadaawad ay ii qaadeen qaar ka mid ahaa

 

carruurtii aannu isku kalaaska ahayn, haba ugu sii darnaato gabadhii fasalkayga horjoogaha (Alifle) u ahayd oo magaceeda la odhan jiray Biyood (Muumina). Muumina waxay maalin walba iga gudbin jirtay war been-abuur ah iyo denbiyo aanan samaynin oo ay u sheegi jirtay macallimiinta. Cadaawaddii ay gabadhaasi ii qaadday waxay markii dambe gaadhay in qoyskayaga iyo qoyskii Muumina ay isku laayeen. Qof kasta oo ka faa’iidaysta fursadaha nololeed ee la soo gudboonaada wuxuu ka gaadhi karaa guul iyo horumar. Guushana cid walba ma soo dhoweyso kumana faraxdo, gaar ahaan ciddii uu tartanku ka dhexeeyo.

 

Heer kasta oo ay tahayba noloshu waxay leedahay tartan loo tartamayo sidii uu qof walba uga faa’iidaysan lahaa fursadaha nololeed ee la soo gudboonaada. Waxaan ku soo koray nolol ay saldhig u tahay in qofku ku tooso hawsha markaa hortaalla isla markaana uu ka faa’iidaysto fursadaha nololeed ee la soo gudbonaada. Markaan xasuustaydii carruurnimo dib u raaco, maan ahayn keliya ardayga kalaaskayga ugu xarriifsan xagga tacliinta; balse waxa kale oo aan ahaa ardayda fasalkayga ugu yar, isla markaana xagga kubbadda cagta ugu liita.

 

In kasta oo sannadihii danbe ee dalku galay marxalad siyaasadeed oo qallafsan isla markaana ay hoos u dhaceen dhinac kasta adeegyada bulshadu, dhibaatadaasina ay saamayn iyo dib dhacba ku lahayd dedaalkaygii waxbarasho, haddana wakhtiyadaa adag ayaan ku soo dhammaystay inta badan marxaladihii aasaasiyaadka waxbarashada.

 

Waxaana la soo gaadhay in aannu wabarashadii iyo cilmiba kala fogaannay xilliyadii lagu jiray halgankii lagaga soo horjeeday dawladdii milateriga ahayd iyo hoggaamiyihii madaxa adkaa ee Siyaad Barre.

 

Balse markii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay tacliintiina way sii burburtay oo lama helayn fursado wanaagsan oo tacliimeed. In kasta oo ay dhalatay Somaliland oo lagu dhawaaqay haddana may jirin muddooyinkii hore adeeg dawladeed oo waxbarasho iyo fursado kale oo waxbarasho marka laga tago iskuul khaas loo leeyahay oo ay magaalooyinka ka furteen muwaadiniin kala duwani.

 

In kasta oo ay jireen dagaalladii sokeeye oo inta badan saamayn xun ku lahaa dalka guud ahaan, gaar ahaan degaannadayadii, haddana iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaallay magaalada Burco oo la odhan jiray Universal waxaan ka bilaabay inaan barto luuqadda Ingiriisida, teebka iyo maaraynta xafiisyada.

 

Maadaama oo marba marka ka danbaysay uu dalku ka sii wanaagsanaanayey xagga nabadgelyada iyo degganaanshaha, waxay ii saamaxday in aan sii wato waxbarashadaydii dalka gudihiisa iyo debeddiisaba oo aan waxbarasho

 

ugu baxay Dalka Hindiya iyo UK ilaa aan ka gaadhay Derajada labaad ee Jaamacadda Master, welina aan wado oo aanan joojin waxbarashadii.

 

Markii aan ka soo noqday Hindiya, waxaan aasaasay machad lagu dhigto culuumta Kombuyuutarka (Computer), maamulka iyo maaraynta, iyadoo ay hindisaha igu dhalisay dareenkii igu jiray oo ahaa in aan horumariyo aqoontii Farsamada IT-ga ee aan soo bartay kuna shaqaynayay xilligaa. Si aan u xoojiyo xirfadda shaqo iyo aqooneed, waxaan qorsheeyey in aan wax barta, waxna baro dadka. Waxaanay ka mid ahayd waxyaalihii igu kelifay in aan aasaaso oo aan bilaabo Machad la odhan jiray SITCO (Science and Information Technology College) oo aan ugu talagalay in laga barto qaybaha kala duwan ee culuumta.

 

Markii aan bilaabayey Machadkii SITCO, maan haysanin dhaqaale badan ama qalabkii iyo agabkii lagama maarmaanka ahaa ee lagu bilaabi lahaa Iskuulka. Agabka keliya ee aan haystay wuxuu ahaa hal Computer oo aan Hindiya kala imi iyo hal Computer oo uu lahaa nin aannu saaxiib nahay, saddex computer oo kalena waan amaahday. Shantaa computer baan dabadeed iskuulkii ku bilaabay. Waxa xusid mudan in aanan anigu isku ogayn inaan leeyahay hibo iyo haybad macallinimo oo aan arday wax ku bari karo, xilligaa ka horna kumaan soo shaqaynin shaqo macallinnimo. Laakiin, waxaan aaminsanaa in macallinnimadu aanay sideedaba ka soo hadhin kolba sida uu baruhu u diyaariyo casharrada uu bixinayo! Waqtigu aad buu cidhiidhi u ahaa, culays badan oo xagga shaqada ahina wuu i haystay, balse waxaan isku dayey inaan Iskuulkii waqti badan geliyo. Subixii 5 ilaa 6 subaxnimo ayaa waxaan bilaabi jiray inaan diyaariyo casharrada aan bixinayo maalinnimada iyo habeennimada. Maalintii iigu horraysay ee aan cashar bixiyo ee aan hor istaago fasal ay ardayi ka buuxdo, sidii aan u dhididay ee aan u far-ka-naxsanaa weli xasuustayda way ku sii sawiran tahay!

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, casharradii iigu horreeyey markaan bixiyey waxaan ka helay dhiirri-gelin iyo soo dhaweynba ardaydii aan wax u dhigayey kuwaasoo i dareensiiyey inay si fiican wax iiga fahmaan, sidoo kalena ay u bogeen qaabka aan casharrada ugu gudbinayo. Waxaan wax u dhigi jiray saddex fasal oo kala ahaa hal fasal oo 2:da maalinnimo ahaa oo aan u dhigi jiray Computer Networking iyo labo fasal oo habeenkii ahaa oo aan u dhigi Computer Programming iyo Computer Networking. Gelinka hore, waxaan shaqada ka rawixi jiray 12:00 duhurnimo waxanan ku soo noqon jiray 2:30-ka, Fasalkii maalinnimadu wuxuu iga dhammaan jiray 2:00 ilaa 2:10, dabadeedna qadadii oo Iskuulka la iigu keenay oo i sugaysa ayaan sida askarta oo kale u boobsiin jiray, ka bacdina 2:30-ka ayaan shaqada toos ugu noqon jiray taas oo aan ka soo rawixi jiray 6:00 fiidnimo. Markaan 6:00 maqribnimo shaqada ka rawaxo, waxaan toos u tagi jiray Iskuulka dabadeedna muddo saacad gudaheed ah (6:00 ilaa 7:00) ayaan isha sii marrin jiray casharradii aan diyaariyey ee aan ugu talagalay labada fasal ee aan habeenkii wax u dhigo.

 

7:00-da fiidnimo ayaan geli jiray kalaas Computer Programming ah waxanan dhammayn jiray 8:00-da. Dabadeedna waxaan ku xigsiin jiray kalaas kale oo Computer Networking ah, oo socon jiray 8:00 ilaa 9:30-ka. Run ahaantii wuxuu ahaa xilli aan ku tala-galay inaan tacab iyo dedaal aad u badan geliyo hawlaha baaxadda leh ee i hor yaallay. Maalinta Jimcaha mooyaane, maalin walba in ka badan 14 saacadood ayaanan madaxaba kor u qaadi jirin, oo ay ii ahayd mar aan ku mashquulsanahay shaqadaydii caadiga ahayd iyo mar aan ku mashquulsanaa diyaarrinta iyo dhigista casharradii Iskuulka, anigoo aad u daallan ayaan dabadeed ilaa 10-ka habeenimo gurigaygii ku noqon jiray. Muddo yar kaddib, Iskuulkii SITCO wuxuu noqday mashquul, magaciisiina kor buu u kacay, aad baana loo soo buux dhaafiyey. Waana arrimaha saldhigga u ahaa in Iskuulkii SITCO uu caan ku noqdo muddo yar gudaheed.

 

Si uu Iskuulka SITCO uga jawaabi karo baahiyihii maalin walba sii kordhayey ee xagga Cilmiga IT-ga, waxan lagama maarmaan u arkay inaan tayeeyo Manhajka iyo casharrada aan ka bixiyo Iskuulka SITCO. Dhinaca kale, muddadii aan Hindiya wax ka baranayey, waxaan arkay in qaabka Hindiya wax looga barto ay ka sahlan tahay sida Somaliland wax looga dhigto. Sidaa darteed, waxaan ku fikiray inaan fikrado cusub ku soo kordhiyo manhajkii laga dhigi jiray SITCO College. Waxa aannu allifnay aniga iyo macalimiintii buug cusub oo aan ku astayney qaybaha kala duwan ee Machadka laga barto.

 

SITCO wuxuu noqday xarun-waxbarasho oo caan ah, aad loo jecel yahay oo laga barto aqoonta casriga ah ee IT-ga. SITCO wuxuu isu beddelay Iskuul keligii is wada oo lugihiisa ku taagan.

 

Markay arrini halkaa marayso, ayaa waxa aniga igu soo kordhay culays weyn iyo mashquul la xidhiidha xagga shaqada shirkadda iyo dareen siyaasadeed oo marba marka ka danbaysa igu soo kordhayey. Haddaba, anigoo si qoto dheer uga fiirsanaya aayaha dambe ee SITCO oo haatan noqday xarun- aqooneed oo mustaqbal wacan leh, ayaa waxaan ku fikiray inaan SITCO hoos geeyo oo aan la mataneeyo Jaamacadda Hargeysa oo berigaa aan lahaan jirin qaybta IT-ga. Dabadeed waxa aannu dejinney oo aannu dhammaystirnay Manhajkii iyo barnaamijkii wax-barasho ee Iskuulka SITCO (Syllabus/ Programme of study).

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan booqasho hawleed ku tagay Wasaaradda Waxbarashada. Waxaan la kulmay nin la yidhaahdo Xuseen Daarood, oo ahaa Agaasimaha Waxbarshada Dadban (Director of Non-Formal Education). Dabadeed, masuulkii i qaabbilay waxaan tusay Manhajkii iyo Barnaamijkii wax-barasho ee iskuulka (Syllabus/ Programme of study). Agaasime Xuseen Daarood si weyn buu iigu bogaadiyey una soo dhaweeyey arrintii aan ula tagay, wuxuuna igu hambalyeeyey maadaama uu SITCO noqday Iskuulkii noociisan ah ee ugu horreeyey ee Wasaaradda Waxbarashada u soo bandhiga

 

Manhajkiisa iyo Barnaamijkiisa waxbarasho. Intaa ka bacdi, waxan iyagana booqasho ugu tagay maamulkii Jaamacadda Hargeysa, dabadeed waxan u sheegay ujeedadii aan u socday isla markaana waxan u soo bandhigay Manhajkii iyo programme-kii wax-barasho ee Iskuulka SITCO. Nasiibwanaag, Maamulkii sare ee Jaamacadda Hargeysa aad bay fikirkaygii u soo dhaweeyeen, waanay aqbaleen in SITCO uu noqdo waax ku xidhan (affiliation) Jaamacadda Hargeysa oo lagu barto aqoonta IT-ga. Sidii ayaannu mudo ku shaqaynayay, Iyadoo aan maamulkii ku wareejiyay Aadan Xaaji Cali—oo iminkana ah Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland— anigoo sidaa ku galbiyey hawshii Iskuulkii SITCO oo noqday xarun waxbarasho. Muddo ka dibna waanu iibinnay, oo qolo kale ayaan ku wareejinnay. Waxaan xusayaa doorkii iyo kaalintii ay ka geysteen Keyse Fanax, oo ahaa maamulaha machadka, iyo dhammaanba maamulkii iyo macalimiintii kala danbeeyay oo aannu machadku la’aantood caga isku taageen. Aad baan ugu mahad naqayaa.

 

Cutubka 11aad: Mudalab Ilaa Maamule shirkadeed (CEO)

 

Markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya 1991-kii, ee ay xoogaggii ka soo horjeeday ee SNM la wareegeen gacan ku haynta gobolladii waqooyi, ee ay dhaceen dagaalladii sokeeye ee kala danbeeyay. Carrigan Somaliland wuxuu noqday dal gebi ahaanba la burburiyey oo si cadowtinnimo qorshaysan ah loo xaalufiyey intiisii badnayd. Waxaana dadkii dalka dib ugu soo noqdeen iyadoo dhammaanba magaalooyinkii waaweynaa ee ay dadku deggenaan jireen, sida Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo. Inta badan la burburiyey oo dhulka lala simay. Waxa lagu soo noqday iyadoo magaalooyinkaa iyo kuwo kale oo badanba ay yar tahay guri keliya oo saqaf lahaa ama ay jiingadi saarnayd. Sidoo kale, waxa la baabbi’iyey oo xididdada loo saaray adeegyo badan iyo waxyaalo badan oo lagamamaarmaan u ahaa nolosha bini- aadamka. Waxa la burburiyay ama la bililiqaystay in badan kaabayaashii muhiimka u ahaa adeegyada bulshada sida: dhakhtarradii, iskuulladii, warshadihii korontada, mishiinnadii iyo ceelashii biyaha iyo inta badan dhismayaashii wasaaradaha iyo wakaaladaha ay dawladdii hore lahayd. Dhinaca kale, waxa burburay Buundooyinkii iyo Waddooyinkii halbawlaha ahaa ee isku xidhayey magaalooyinka waaweyn; laga bilaabo Hargeysa ilaa Laascaanood waxa go’naa ama dunsanaa ugu yaraan dhowr iyo toban biriij oo muhiim ahaa.

 

Markii uu dhacay isbeddelkii siyaasadeed, waxa abuurantay xaalad nololeed oo adag iyo duruufo dhaqaale oo aad u qallafsan. Dhaqaalaha dadka iyo dalku wuxuu ku xidhnaa xoolaha nool iyo qof-qofka waddamada dibedda wax looga soo diro. Dekedda Berbera way shaqaynaysay oo wax baa ka dhoofayey waxna wey ka soo degeyeen, laakiin waxa yar ee laga qaado may ahayn wax ku filan hawlaha qaranka. Awooddii dhaqaale ee Dawladdii xilligaa 1991-kii dhalatayna wuxuu guud ahaanba ku tiirsanaa xaaladda dhaqaale ee noocaas ah. Dakhliga keliya ee dawladda soo gali jiray wuxuu ku tiirsanaa dadka ganacsatada ah; mid ay wax ka qaadato iyo mid ay wax ka sii deynsato oo dabadeed lagu yidhaa markii dhaqaale la helo ayaa lagu siin doonaa.

 

Waxa xusid mudan xoolaha nool oo ah badeecadda ugu muhiimsan ee aynu debedda u dhoofinno ee ay lacagta adagi dalka ka soo gasho isla markaana ahaa laf-dhabarta uu dhaqaalahu ku tiirsan yahay, may jirin ama way yarayd berigaa xoolaha in lagu soo beddelo wax lacag naqad ah (cash). Tusaale ahaan, Xoolaha Nool waxa loo dhoofin jiray Sucuudiga/Yemen oo ahayd sayladda keliya ee berigaa xoolaheenna u furnayd waxa lagu soo beddelan jiray buskut, caagado iyo bagaash kaleba, iyadoo in badan laga dhici jiray xoolaha. Buskutkaa iyo caagadahaa ayaa dabadeed dib loo iib geyn jiray. Waxa dhici jirtay in xoolo dhan oo la dhoofiyey oo ninkii iib geeyey uu ku soo beddeshay caagado, buskut iyo wax aan dhaamin.

 

Marka laga yimaaddo dhaqaalaxumadii jirtay, waxa ka sii darnayd rejo xumadii dadka, waxaana xusid mudan in la badbaadin kari waayay hannaankii dhaqaalaha ee hore u jiray.

 

Shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumadu waa laba shay oo midba uu ka kale saamayn toos ah ku leeyahay. Markay dhaqaale xumo dhacdo, waxa iyana dhacda shaqo la’aan taas oo bulshada oo dhan wada saamaysa. Dabcan waxaan dhex joogay dalkaa aan soo sheegay dhaqaale xummadda ka jirtay, dadkana waxaan la qabay dufuuha shaqo-la’aanta ee haystay.

 

Ma jirin dawlad loo shaqeeyo, shirkado iyo meelo kale oo loo shaqo tagaa midna. Dalku wuxuu ahaa dal inta badan ay burbursan yihiin kaabayaashii lagamamaarmaanka u ahaa adeegga bulshada iyo koboca dhaqaalaha.

 

Waxa kale oo iyana gebi ahaanba meesha ka baxay oo burburay nidaamkii dawladeed ee abuuri lahaa dhaqaalaha, dakhliga iyo waxsoosaarka lagu horumarrinayo dalka.

 

Ma jirin Bangi iyo hay’ado Maaliyadeed oo shaqaynayey, ma jirin nidaamkii cashuuraha lagu ururin lahaa dadkuna gebi ahaanba umay bislayn inay bixiyaan wixii cashuur ah ee ku waajibay.

 

Ma jirin hay’ado dawladeed oo dadku u shaqeeyaa, ma jirin hay’adaha aan dawliga ahayn oo shaqo loo doonto sida kuwa haatan kumanaanka maraya oo kale, ma jirin shirkado waaweyn oo waddani ah oo loo shaqo tago bulshadana u abuura shaqooyin kala duwan. Ma jirin kaalmo dibadeed iyo dhaqaale toos ah oo ay xilligaa dunidu nagu caawin jirtay.

 

Waxaannu ahayd xaalad nololeed oo aad u adag iyo duruufo dhaqaale oo qallafsan, kuwaasoo run ahaantii qof wal oo bulshada ka tirsan ku yeeshay saamayn toos ah. Qof ahaan waxaan la kacaa-wadaagay oo aan la kulmay dal xaaladdaa ku sugan, oo aad mooddo in Nuclear-bomb lagu dhuftay (Ilaahay inaguma keeno weligeen’e).

 

Iyadoo ay jireen dhibtaa iyo waayahaa adagi, waxaan haddana mar walba ku dedaali jiray sidii aan shaqo u heli lahaa. Si aan nolol-maalmeedkayga u debbero, duruufihii dhaqaale xumo iyo xaaladihii shaqo-la’aaneed ee berigaa dalka ka jiray ayaa waxay igu kelifayeen inaan u guntado oo aan diyaar u noqdo inaan ka shaqeeyo nooc kasta oo shaqo ah.

 

Waan fara madhnaa wax lacag ahna maan haysanin, haddana waxaan ku fikiray inaan sameeyo meherad yar oo dukaan (macdaar) ah. Muddo ka dib waxa iga gacan qabtay oo aan waxoogaa lacag ah ka helay walaalkay oo berigaa gaadhi uu lahaa in muddo ah ugu shaqaynayey Hay’ad la yidhaahdo (Coopi). Dabadeed waxa ii suurto gashay inaan sameeyo meherad yar oo dukaan ah.

 

In muddo ah baan dukaankii yaraa gacanta ku hayey oo aan ka shaqaynayey, kaas oo aan run ahaantii is leeyahay waqti adag baad kaga soo gudubtay. Arrintu si kastaba ha ahaatee, markii ay muddo ka soo wareegtay meheraddii yarayd way kacday oo way iska baabba’day.

 

Markii uu dukaankii yaraa iga baabba’ay, aniga iyo xaaladdii shaqo la’aanta ayaa mar kale isu soo baxsannay waxana khasab igu noqotay inaan shaqo raadsado.

 

Mushkilad ma laha inaad xooggaaga subaxdii la kallahdo oo aad ku soo shaqaysato bariiskaaga iyo wixii arsaaq ah ee Allah kuu qoray. Balse nolosha waxa ugu daran markuu xooggaagu waxba kuu goyn waayo, oo aad weydo wax aad ku qabato iyo wax shaqo ah oo aad ka xoogsato.

 

Waad garan kartaa culayska ay leedahay marka adoo fara madhan oo aan meelna waxba ku ogayn, ay haddana kuugu darsanto shaqo la’aani. Shaqo- doonkaygii waxa iga soo maray waqti iyo waaye aad u adag. Maalin maalmaha ka mid ah anigoo ku sugan magaalada Burco, markaan subaxdii toosay waxaan go’aansaday oo aan u diyaar garoobay inaan shaqo raadsado. Xaaladda dhaqaale iyo ta nololeed ee xilligaasi aad bay u adkaayeen, mana ay jirin shaqooyin aan kala dooran karayey oo suuqa shaqo-bixinta keliya ee markaa jiray wuxuu ahaa xagga meheradaha ganacsiga ay dadku leeyihiin, sida dukaannada iyo makhaayadaha iwm.

 

Waxaan ku talo galay in aan albaab kasta oo furan shaqo waydiiyo oo ka shaqeeyo nooc kasta oo ay shaqo tahayba; ha ahaato xammaal, kuuli, makhaayad, hudheel, dukaan iyo shaqo kasta oo aan xoogayga kaga shaqaysan karo.

 

Waxaan suuqa soo galay abbaaro 6:00 am, markii aan bilaabay in aan is hortaago oo aan shaqo weydiisto albaab kasta oo furan oo meherad ah. waxaan markii dambe galay Hudheel ku yaallay magaalada Burco oo berigaa caan ahaa oo la odhan jiray BEDER, ilaa wakhtigan wuu shaqeeyaa.

 

Kadibana waxaan maamulihii Hudheelka weydiiyey: “waar ninyohow shaqo doon baan ahaye ma haysaa shaqo?” Dabadeed maamulihii Hudheelku wuxuu iigu jawaabay: “haa shaqo wey bannaan tahay oo waxaan hayaa shaqo aad la shaqaynayso qolada jikada (madbakha) iyo kaaliye-Mudalab oo la shaqeeya ee ma doonaysaa inaad ka shaqayso?” Dabadeedna waxaan maamulihii ku idhi: “haa waan ka shaqaynayaaye maxay noqonaysaa shaqada aan qabanayo?” Maamulihii Hudheelku wuxuu igu yidhi: “Waxaad caawinaysaa oo aad ka hoos shaqaynaysaa Mudalabka koowaad ee cuntada dalbaya. Waxaa kale oo dalbanaysaa wixii sharaabka, maraqa, iwm. Sidoo kale waxaad miisaska ka soo rafacaysaa oo aad ka soo ururinaysaa weelka iyo saabaanka wax lagu cuno miisaskana waad masaxaysaa.”

 

Wada hadalkaa kooban ee dhex maray aniga iyo nin ka mid ah maamulkii Hudheelka BEDER kaddib, waxaan go’aansaday inaan aqbalo oo aan ka shaqeeyo shaqo heerkeedu yahay dalbashada sharaabka, maraqa iyo biyaha oo la qaado, sidaasna waxaan ku bilaabay shaqadaydii Hudheelka Cuntada.

 

Muddo 6 bilood ah ayaan Hudheelkii Cuntada ka xoogsanayey oo aan ku shaqaynayey. Halkii aan gacmaha laaban lahaa ee aan camal la’aan meel iska fadhiyi lahaa waxa igala qummanaatay inaan xooggayga maalo oo aan bariiskayga xoogsado. Taasina waa sababta ugu muhiimsan ee aan u aqbalay inaan ka shaqeeyo shaqadaa Hudheelka cuntada. Sida xaqiiqda ahna shaqadaa wakhtigii aan joogay waxaan kaga bed-baaday camal-la’aantii iyo waayihii adkaa ee berigaa dalka ka jiray. Markii aan Hudheelkii in muddo ah ka shaqaynayey waxaa ii suurto gashay inaan wakhtigii adkaa wax mid ah ku dhaafo. Arrintu si kastaba ha ahaatee, muddo kaddib shaqadii Hudheelka waan ka tegay.

 

Waxaa suuqa ku badnaa waxa loogu yeedho shaxaadka oo ah baryo magac loo bixiyey ama dawersi la asluubeeyay. In badan oo dhiggayga ah ayaa xilligaa shaxaad ku noolaa oo aan baryada ceeb u arkayn. Shaqadana asal ahaanba waxa loo galaa macaashka uun maaha, waxay kor u qaaddaa hanka qofka, waxay ilaalisaa sharaftiisa, caafimaadka maskaxda iyo kan jidhkaba way u fiican tahay, waxaad doontaba aad ka macaashtid, oo heerka ay doonta ha noqoto ee shaqo waa shaqo waana sharaf, cisi iyo horumar. Baryaduna waa dulli iyo han yaraan.

 

Waxaan shaqadan ka bartay sabirka shaqada. Qofka madaxda fiican noqdaana inta badan waa ka shaqada shaqooyinka ugu hooseeya ka soo bilaaba, waxaanay u tababbartaa waayaha nolosha iyo dadka uu madaxda u noqon doonaa waxay ku jiraan xilliyada kala geddisan. Nin ladnaan uun madax ku noqday ma oga dad masaakiin ahi inay waayahan qabaan.

Waxaanan dareemay qiimaha shaqadu leedahay, dhibta shaqo la’aantu ku hayso dadkayga iyo heerka shaqo-la’aantu marayso, waana arrin aan xasuustayda ka bixin wakhtiyadii kala duwanaa ee noqolshayda. Nin barwaaqo ku koray belaayo kama warrami karo, qof baahanna bar- tilmaameed horumar uma noqon karo.

 

Dawlad la’aantii, darxumadii iyo waayihii aan soo sheegay oo weli laga sugan yahay, waxay ahayd 14|Nov|1994 markii uu mar kale dagaal sokeeye ka qarxay magaalada Hargeysa, iyadoo duruufihii hore lala kacaa kufayo ayay arrintan dagaalku abuurtay xaalad kale oo cusub oo isugu jirta amaan xumo, dhaqaale xumo iyo jaahwareer cusub oo dadkii horaba u dhibbanaa la soo dersay, dagaalkii wuxuu hore ugu sii siqay gobolka Togdheer ee aan degganaa waxaanay ahayd 28|03|1995 markii dagaal ehliyi ka bilaabmay magaalo-madaxda gobolka ee Burco. Waxay noqotay in dadkii qaxoonti

 

cusub ugu baxaan miyiga iyo magaalooyinka ka baxsan Burco qofba meeshii degaankiisa ahaa ama uu cid ku ogaa.

 

Waxa aannu tagnay magaalada qadiimka ah ee Beer oo aan aad uga durugsanay magaalada Burco qiyaas ahaana u jirta 30km, waxaan soo gaadhay magaalada Yiroowe oo xarun ganacsi u noqotay wixii Burco bari uga soo baxay. Iyadoo shaqo la’aantii hore jirto oo culays kale iigu darsamay ayaannu kulannay 03|04|1995 ninka la yidhaahdo Axmed Warsame Ducaale oo qol jiingad ah ku hayey xafiiska Fooniye, wuxuuna igu yidhi: “waar ninyohow waan arkaa oo ma haysid wax camal ah ee xafiiskan fooniyaha maad igala shaqayn oo maad ii noqon gacan-yare?” Dabadeed waxaan ku idhi: “waa si wanaagsan waan kula shaqaynayaa oo shaqo-raadis baaban ahaaye, laakiin waxba kama aqaan farsamada Fooniyaha ee maxay noqonaysaa shaqadaydu?” Wuxuu igu yidhi “shaqada Fooniyuhu ma aha wax sidaa u sii adag anigaana ku tababbaraya.” Waaxanu uu ii sharraxay siduu Fooniyuhu u shaqeeyo. Sidaasna waxaan ku bilaabay shaqadaydii iigu horraysay ee ahayd Fooniyaha/Taarka. Wuxuu ahaa xilligaa farsamada Isgaadhsiinta ee lagu xidhiidho gudo iyo debedba, manay jirin gobolka Togdheer wax Tell ahi wakhtigaa.

 

Nasiib wanaag shaqadii Fooniyaha markiiba waan la qabsaday waxaanan noqday nin xariif ku ah (ha noqoto qaabka adeegsiga ama xagga farsamada). Waxa xusid mudan in berigaa aanay dalka ka jirin Computer, Telephone,  Fax, Internet iyo e-mail midnaba. Xagga is-gaadhsiinta, Fooniyaha ayaa ahaa laf-dhabarta ugu muhiimsan ee xidhiidhada ganacsi lagu kala socodsiin jiray. Waxa la odhan karaa kaalinta Fooniyuhu waxay berigaa la mid ahayd kaalinta ay haatan farriimaha qoran email, Mobile-ka (sms) iyo Internet-ku kaga jiraan ganacsiga iyo lacag-dirista. Marka qofka lacag loo soo diro waxa looga yeedhi jiray xafiiska Fooniyaha, maadaama ayna jirin farriin telefoon (sms) oo lagu wer-gelin karayey inay lacagi u taallo.

 

Berigaa dadku may haysanin inta badani warqado aqoonsi oo magacoodu ku qoran yahay oo ay isku caddayn karaan, sida keliya ee qofka lagu raadin jiray ama lagu baadi-goobi jiray waxay ahayd qaab degaan ama hayb reernimo. Waxaana qofka lagu naadin jiray hebel-hebel ama heblaayo hebel oo reer hebel ah!! Markii aan Shaqadii Fooniyiha ilaa 6 bilood ka shaqaynayey oo aan gacan-yare u ahaa. Ninkii xafiiska Fooniyaha ka masuulka ahaa ayaa xafiiskii Fooniyaha ka wareegay, waxa aannu shaqo ka helay xafiiska xisaabaadka ee Xawaaladda Dahabshiil. Waxaana igu soo wareegay maamulkii Fooniyaha.

 

Shaqo iyo xil kasta oo qofka masuul looga dhigo, heer kasta oo ay yihiinba, wuxuu ka dhalin karaa isbeddelka loo baahan yahay, wuxuuna ka dhigan karaa fursad uu naftiisa ku horumariyo oo u saamixi karta in jaranjaro kale uga sii gudbo. Waxa Eebbe uu igu ilhaamay inaan noqdo qof fahmo furan oo ay u fudud yihiin xagga farsamada iyo hal abuurkeedu.

 

Markii aan la wareegay xafiiskii Fooniyaha, si codka iyo awoodda Fooniyuhu u kordhaan oo meel fog looga maqli karo, waxaan ku fikiray bal inaan farsamo cusub oo meelaha qaar ku arkay aan qaab cusub u hal-abuuro oo aan wax ku soo kordhiyo xadhkihii iyo antennihii dhaadheeraa ee Fooniyaha. xilligaa Fooniyaha ayaa ahaa laf-dhabarta xidhiidhka is-gaadhsiinta ee lagu kala wado hawlaha ganacsiga Djibouti, Addis Ababa, Nairobi, Dubai, Somalia iyo Somaliland.

 

Waxaan isku dayay in aan xafiiskii Fooniyaha ee masuulka la iiga dhigay aan ka hirgeliyo horumar la taaban karo taasina waxaan u arkayey guul aan aniga iyo Shirkadduba gaadhnay (in kastaba ha le’ekaatee). Waxaanay ii horseedday in aan shaqadii hore ugu sii socdo, waxaanay kor u kacay kalsoonidii maamulka ee in aan shaqada hanan karo.

 

Waxaan shaqadan ka bartay muhiimadda xidhiidhka iyo adeegyo farsamo, (Technical commonications), heerka dalkaygu ka joogay sancada technology- yada, waxaanay igu dhiirisay in aan hore ugu sii socdo farsamada casriga ah ee IT oo xilligaa bilaw ahayd. Fooniyaha waxaa lahaa shirkadda Dahabshiil oo u qaabbilsanaa xidhiidhka isku xidhka xafiisyada gudaha.

 

Waxaa ii yeedhay maamulka shirkadda Dahabshiil 20|09|1995 waxaanay igu wargeliyeen in shaqo cusub la iiga baahan yahay si ku meel-gaadh ah, waxaana la ii dhiibay lacag dhammayd ilaa 250 milyan oo Somali shilin ah oo gaadhi weyn oo TM ah laga buuxiyay oo qiyaas ahaan u dhigmaysay 150 ilaa 200 kun oo Doollar, waxa la igu wargeliyay inaan degaanka Ceel-afweyn ka soo iibiyo xoolo, Iyadoo oo aan la kaashanayo nin la yidhaahdo Cabdi Muuse oo degaanka Ceel-afweyn ka soo jeeday. Dabadeedna waxaan u kicitimay xaggaa iyo Ceel-afweyn. Waxay ahayd xilli roobaad jidkuna aad buu u dhib badnaa, gaadhigii aannu wadanayna marar badan ayuu dooxyadii naga galay, oo aannu aad ugu rafaadnay, waxaanay nagu qaadatay laba cisho in aannu gaadhno Ceel-afweyn oo ah meel ugu badnaan loo socdo 4 saacaadood. Balse waxa aan odhan karaa dhibta maalintaasi aannu jidkaa kala kulannay inaan islahaa mar uun may dhici in halkaasi waddo laami ah laga sameeyo, waanay dhacday iyadoo laga joogo 20 sanadood, waxaanan nasiib u yeeshay in aan ka mid ahaado dadkii Waddadaa dheer 300 mtr ah ah ugu badheedhay inay ka hirgeliyaan degaankaa.

 

Markaanu Ceel-afweyn nimidba waxaan ku dhaqaaqay sidii aan u qorshayn lahaa hawshii la ii diray. Maalmo yar kaddib, waxaan Ceel-afweyn ka sameeyey xafiiskii shirkadda Dahabshiil ee xawaaladda iyo xoolo dhoofinta iyo xaruntii Fooniyaha oo laf-dhabar u ahaa xidhiidhka is-gaadhsiinta shirkadda. Hawshii xafiisku si fiican bay isugu dubbadhacday, waxaanan bilaabnay in aannu soo iibinno adhi 3500 ilaa 4000 oo neef ah, (Mugga doon ama Markab) xoolahaas oo ay shirkadda Dahabshiil ugu tala-gashay inay ka gaadhsiiso xilligii dhoofinta xoolaha oo gebagabo ahaa.

 

Markii aan muddo ku sugnaa degaankii ee aan is dhex waday hawlihii xawaaladda iyo xoolo-dhoofinta ee aan xafiiskii si wanaagsan u dhaqaajiyey, ayaa 21|12|1995 maalin khamiis ah Nuux Siciid Ducaale oo ahaa Odayga guud ee Maamulka shirkadda ee Soomaaliya iyo Somaliland igala soo hadlay Fooniyaha waxanu igu wargeliyay beddel iyo in aan ka shaqo-galo Dahabshiil ee Hargeysa. Muddo saddex cisho ah gudahood ayaan ugu baqoolay Hargeysa.

 

Shaqadan waxaan ka bartay ganacsiga xoolaha, qiimaha iyo muhiimadda ay u leeyihiin xooluhu dhaqaalaha dalka, faa’iidada ganacsiga, Soomaalida odhan jirtay: baayacmushtirigu wuxuu ku siiyaa wax aan aabbahaa iyo hooyadaa ku siin. Waxaa kale oo ii soo baxday baahida jidadka, iyo muhiimadda iskuxidhka waddooyinku u leeyihiin koboca dhaqaalaha dalka.

 

Waxay ahayd jawi igu cusub horena ugama aan shaqayn in kasta oo aan marar safar ku imi magaaladan Hargeysa. 01|01|1996kii maalin Isniin ah ayaan si rasmi ah shaqadii cusbayd uga bilaabay Hargeysa. Waxa weli magaalada ka sii muuqday burburkii iyo saamayntii ay kaga tageen dagaalladii sokeeye ee ka dhacay 1994-kii.

 

Qaybo badan oo ka mid ah magaalada Hargeysa ayaa madhnaa oo haawanayey, gebi ahaanba dhinaca koonfurta magaalada Hargeysa marka laga tallaabo biriijka badankeeda waa laga qaxay, marka laga reebo degmada Axmed Dhagax oo ay dadku deggenaayeen.

 

Sidoo kale, suuqa weyn ee caanka ah ee ku yaal badhtamaha magaalada ee la yidhaa Waaheen gebi ahaanba waa laga qaxay suuquna wuu baabba’sanaa oo wax xarakaad ganacsi ahi kamay soconin.

 

Berigaa waxa magaalada Hargeysa suuq u ahaa agagaarka Idaacadda iyo waxoogaa kooban oo Cakaara ka shaqaynayay wax kale oo xarakaad ganacsi ahi ma jirin. Markii la ii soo beddelay Hargeysa, waxa jiray duruufo nololeed oo adag dadkuna way iska dhibbanaayeen, laakiin si tartartiib ah ayay uga soo kabanayeen khasaarihii iyo saamayntii ay dagaalladii sokeeye ku yeesheen nolosha bulshada.

 

Xafiiskii Xawaaladda Dahabshiil ee aan ugu imi Hargeysa wuxuu ku yaallay agagaarka dugsiga Biyo-dhacay. Markii ay dagaalladii ehelku Hargeysa ka qarxeen, suuqa badhtamaha magaalada waa laga qaxay oo dadka badankiisu waxay u guureen agagaarka Idaacadda, dabadeedna xafiiskii Xawaaladda Dahabshiil ay ku lahayd badhtamaha magaalada isna halkaas ayaa loo wareejiyey.

 

Xafiisku wuxuu ahaa hal qol oo yar oo aan qiyaastii ka weyneyn 5m X 5m, waxana maamule ka ahaa nin la yidhaahdo Maxamuud Maxamed Aare.

 

Waxaanan noqday ninkii labaad ee ka hawl gala xafiiskii Hargeysa, isla markaana ku wehelinayay ee la shaqaynayey maamulihii xafiiska ee markaa.

 

Bilowgii 1996-kii xaaladdii amaanka ee magaalada Hargeysa wey ka soo roonaatay, waxa dabadeed xafiiskii loo soo wareejiyey badhtamaha magaalada, gaar ahaan dhismaha caanka ah ee Hotel Gargaar hoostiisa oo aannu ka kiraysannay xafiis woxoogaa kii hore ka yara weyn kuna yaala qalbigii magaalada. Isla sannadkaa 1996-kii, maadaama uu jawigii nabadgelyadu sii wacnaaday hawshii xawaaladdu kor bay u kacday. Waxaan filayaa in aannu xilligaa bishii bixin jirnay lacag gaadhaysa 70,000 oo USD. Bilowgii sannadkii 1997-kii shaqadii Xawaaladda oo aad u kobocday awgeed, maamulkii sare ee Shirkadda Dahabshiil waxay lagama maarmaan u arkeen in la ballaadhiyo xafiiskii Xawaaladda ee Gargaar oo loo kala qaybiyo Hargeysa-A iyo Hargeysa-B si macmiisha loogu fududeeyo.

 

Lacagaha laga soo diro waddamada Carabta iyo Ingiriiska waxa la hoos geeyay oo loo sameeyey xafiis u gaar ah. Waddamada kale ee dunida oo la isku darayna waxa la hoos geeyay xafiis kale oo u gaar ah. Xafiiskii Xawaaladda ee Gargaar (A) oo aannu markii hore ku bilawnay labada nin, aniga waa la iga kexeeyey waxana la ii beddelay xafiiska cusub ee la sameeyey ee Hargeysa (B). Xafiiskii cusbaa ee la ii beddelay waxa masuul looga dhigay nin kale oo cusbaa Daa’uud Abshir, oo aan aniguna ka hoos shaqaynayey.

 

Muddadaa aan ka shaqaynayey Xawaaladda Dahabshiil ee Hargeysa waxaan mar walba ka hoos shaqaynayey masuul kale, waxaanan ku shaqaynayey karraani ahaan. Xafiiskii Xawaaladda ee Hargeysa (B) markii aan dhawr bilood ka shaqaynayey, ayaa aniga maamulaha Laanta cusub la iga dhigay xafiiskii Dahabshiil ee (B), taas oo ahayd dallacaaddii iigu horraysay ee aan ka helo xafiiska Hargeysa.

 

Ka hor intaan Xafiiskii Xawaaladda Dahabshiil ee Hargeysa loo kala qaybin A iyo B, aniga iyo maamulaha oo reer Gabiley ahaa iyo labo nin oo kale oo mar danbe nagu soo biiray dhammaantayo waannu ku cusbayn shaqada Hargeysa. Haddaba, maadaama midkaayana aannu magaalada Hargeysa ku dhalanin ama aannu ku soo barbaarrin, guud ahaanba waxa jirtay dhibaato iyo caqabad naga haystay xagga aqoonsiga dadka ama sidii aannu u xaqiijin lahayn, deegaanka iyo haybta reernimo ee dadkii lacagaha soo doonanayey, xilligaana waxaa ciwaan ahaa (Address) haybta oo dadka lagu raadin jiray maadaama aannu jirin hannaan madani ah oo lagu raadiyo. Markaannu dadka lacagaha loo soo diro weydiinno haybtooda ama cid iyaga garanaysa, waxaannu marar badan kala kulmi jirnay hadallo qallafsan oo taag-taagan, waxayna nagu odhan jireen: “Waar-yaadhaheen, ma idinkoo reer Burco ah ayaad Hargeysa dhexdeeda cid na garanaysa ama dammiin nagu weydiinaysaan?!”

 

In kastoo aan ahaa nin qoraalka ku gacan fudud, fahiim ah oo darka (desk) aan joogana aan la isku habsaami jirin, haddana garashada iyo aqoonta aan u lahaa dadka ka soo jeeda degaanka Hargeysa ayaa ahaa kuwo saamayn toos ah ku lahaa habsami-u-socodka shaqadayda.

 

Haddaba, si aan uga gudbo caqabadaha naga haystay xagga garashada dadka macaamiisha ah, waxaan sameeyey oo aan dejiyey hab iyo nidaam ii fududeeya inaan dadka ka soo jeeda degaanka Hargeysa ku waydiiyo su’aalaha damiinka. Qofka lacagta qaadanaya maadaama waxa lagu  garanayo uu yahay reerkiisa, reer kasta oo ka soo jeeda degaanka Hargeysa waxaan bartay ilaa dhawr iyo tobanka qof ee ahaa haldoorka reerka amaba ugu magaca weyn reerkaa isaga ah. Marka uu qofku lacagta soo doonto, si aan u xaqiijiyo inuu yahay qofkii lacagta lahaa waxaan weydiin jiray oo aan ku odhan jiray: Hebel ma garanaysaa? Maya! Hebelkaa kale ma garanaysaa? Maya! Haddaa hebelkaa kalena ma garanaysaa? Maya! Dabadeed qofka oo is garwaaqsaday ayaan ku odhan jiray: si aannu u xaqiijino inaad tahay qofka lacagta leh, damiin doono ama soo kexee qof adiga ku garanaya. Arrintu si kastaba ha ahaatee, nidaamkaa iyo hannaanka-hawl-gal (mechanism) ee aan samaystay ayaa ii sahlay in aan si fudud shaqadaydii u gudan karo, hawlaha Xawaaladdana aan si degdeg ah u kala socodsiin karo.

 

Maadaama oo aannu guddoomiyaha shirkadda ehel ahayn, dadka qaar ayaa tuhunsanaa in shaqada qaraabo laygu geeyay balse taasi ma jirin. Waxaan jecelahay in aan xuso oo aan wax yar is dul taago doodda aniga iyo guddoomiyaha shirkadda na dhex martay taas oo ahayd ka hor intaan la ii magacaabin maamulaha (branche manager) Xafiiskii Xawaaladda ee Hargeysa (B). Waxaan ahaa nin shaqadiisa ka adag oo shaqada ku gacan fudud, xagga qoraalka aad ugu deg-deg badan isla markaana aad uga adag kala socodsiinta hawlaha darka (desk) aan joogo. Waqtiyada uu guddoomiyuhu kormeer-hawleed nagu soo maro wuxuu badanaaba la kulmi jiray miiskayga oo aan lagu buuqsanayn oo ay dadku teelteel ku yihiin, halka miisaska kalana ay dadku aad ugu buuqsan yihiin. Dabadeedna, isagoo guddoomiyuhu malaha tuhunsan ninkan qaraabaa tihiin oo shaqo ayaan loo dirin, waxa uu yidhi: “waar ninkan miiskiisu waa madhan yahay oo shaqadu wey ku yar tahay ee maxaa shaqada loogu kordhin waayey?!” Dhawr mar oo hore ayuu guddoomiyuhu su’aalo iyo hadallo noocaas oo kale ah  i weydiiyey, waxaan filayey in maamulihii xafiiskaygu uu arrintaa ka hadlo, balse may dhicin. Waxaana dhacda mararka qaar in qof si fiican  u shaqaynaya madaxdu uga fogaato in ay qaraabo yihiin balse sax maaha qof kastaa waa in uu helo xaqiisa.

 

“Guddoomiye, anigu waxaan ahay nin shaqadiisa ka adag oo markiiba ka soo baxa, dadkana isuma daahno oo waxaan samaystay oo aan dejiyey hab iyo nidaam ii sahlay inaan dadka macaamiisha ah si gacan fudud ugu adeegi karo. Markaan shaqadayda dhammeeyana anigu cidna uma tago oo lama sheekaysto ee anigaa darkaygaa madhan la iigu yimaaddaa! Haddaba, haddii

 

ay ishaadu qabato darkayga oo madhan ama aan lagu buuqsanayn macnaheedu maaha inaanan wax shaqo ah haynin ama aniga shaqada la iga yareeyey!” ayaan ku idhi guddoomiyihii.

 

Dooddaa aniga iyo guddoomiyaha na dhex martay kaddib, shaqadaydii ayaan ku jeestay oo aan iska sii watay. Guddoomiyaha laftiisu wuu sii watay booqashooyinkiisii uu noogu iman jiray, wuxuuna si ku-tala-gal-ah ama kedis ah noogu soo mari jiray kormeer hawleed.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, maalin maalmaha ka mid ah ayaa xafiiskii aan ka shaqaynayay waxa kormeer noogu yimid guddoomiyaha si uu u indho- indheeyo qaabka ay hawlaha Shirkaddu u socdaan. Markii uu Guddoomiyihii cabbaar fadhiyey ee uu malaha u kuur-galay qaabkii ay hawluhu miis walba uga socdeen iyo farsamada uu qof walba macaamiisha ugu adeegayey, ayuu inta uu is taagay dabadeedna yidhi: “Waar-yaadheheen; ALLAA INNA LEHE, ninkani wuxuu doonaba ha adeegsado ama isagu wuxuu doonaba ha kula hadlee laakiin xagga shaqada wuu idinkaga wada wanaagsan yahay. Waa nin shaqada ku gacan-fudud, dadka markiiba fahmi og oo shaqadana kala socodsiinaya!!” Run ahaantii hadalkaa uu yidhi guddoomiyuhu si aan qiyaas lahayn ayaan ugu farxay uguna diirsaday wuxuu ahaa qiraal/qubuul, wuxuu ahaa hadal aniga si weyn ii dhiirri-geliyey maadaama guddoomiyaha qudhiisu uu qiray oo uu gar-waaqsaday hawl-karnimada iyo kartida shaqo ee aan muujiyey.

 

Marka aad xafiis joogto nooc kastaa dadka way ku soo marayaan. Iyadoo ay arrinta garashada macmiishu culays weyn naga haysay aya haddana marmarka qaar waxaa kugu imanaysa dhacdo ku sii culaysisa marka uu qof caan ah, ama farsamooyin uu yaqaanno dartii dadka qaar awliyo u yaqaanno wuxuu si sahalan kuugu abuuri karaa saxmad kale. Maalin ayaa waxaa noo yimi Oday Barre Biindhe la yidhaahdo, oo ka mid ah dadka rooxaanta ama awliyada sheegta. Waxaannu waydiinnay dammiin, maadaama oo aan la garanayn. Wuxuu yidhi “Ma aniga ayaad dammiin i waydiinaysaan! Wallaahay in aan lacagta meesha idiin ku jirta idinka caddayn, oo xashiish ka dhigi!” Waxa ka daran dad badan ayaa daba yaacaya oo uu sheekh u yahay, oo leh waar ma Barre ayaanad garanayn, waar mallaa waad baxaysaa Odayga wixiisa iska sii. Lacagtuna waa Labo boqol oo Dollar. Markii uu xafiiskii saxmad iyo buuq ka sameeyay, aakhirkii si uun ayaan wax u maaraynay, oo waannu iska siinnay.

 

Waxaan shaqadan ka bartay marka aad shaqaale tahay waxaad gaadhaysaa meesha dedaalkaagu ku geeyo, aqoontaada iyo khibraddaada haddii ay karti waayaan waxa laga yaabaa in aan isha kaa sarraysaa ku qaban, hoggaaminta iyo maamulkana waxaa u muhiim ah oo qiimo weyn u leh ogaanshaha qofka shaqaalaha ah iyo qiritaanka shaqadiisa.

 

Shaqadii iyo dakhligii Xawaaladda Dahabshiil ALLAA u barakeeyey oo aad bay u kordheen. Laga bilaabo badhtamihii 1997-kii ilaa dabayaaqadii 1999-kii ayaan maamule (branche manager) ka ahaa Xafiiskii Xawaaladda Dahabshiil ee Hargeysa (B), kaas oo ay shaqadiisii si aan qiyaas lahayn kor ugu kacday. Halkii aannu awal bishii ka bixin jirnay 70,000 oo US Dollar, markii la iga beddelay Xafiiskii aan maamulaha kaa haa ee Hargeysa (B), waxaannu bishii bixin jirnay lacag ka badan 1 Milyan oo USDollar. Waxa kale oo iyana xusid mudan in markii ugu horraysay ee ay Shirkadda Dahabshiil u gudubto nidaamka adeegsiga Computer-da (1998-kii) waxa lagu tijaabiyey lagana hirgeliyey xafiiskii aan maamulaha ka ahaa. In kasta oo aan qaatay koorsooyin ku wajahan aqoonta Computer-ka, haddana waxay ii ahayd indho-furkaygii ugu horreeyey oo camali ah adeegsiga Aaladda Computer-ka iyo fursad qaaliya oo aan si fiican ugu sii bartay Computer-ka.

 

Hammigaygu xilligaa wuxuu ahaa iskaa u shaqayso oo ka xorow shaqo aad cid kale u shaqayso. Waxaan mar walba ku fikiri jiray inaan maarmo oo aan keliday cagaha isku taago isla markaana aan jaanis u helo raadinta aqoonta iyo barashada cilmigaba; si haddii aan ka tago shaqada Shirkaddan aan aqoontayda shaqo ka fiican ugu helo. Sidaa darteed waxaan doonayay in aan samaysto dhaqdhaqaaq ganacsi oo ii gaar ah oo mustaqbalka ii suurto gelin kara inaan kaga maarmo inaan cid kale u shaqeeyo. Ka dibna waxaan abuuray woxoogaa dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo ka koobnaa dukaan, macmacaanle iyo farmasi. Meheradahaa waxaa maamuli jiray dad shaqaale ah, waxaanan kormeeri jiray markaan soo rawaxo

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aniga la iga dacweeyey maamulkii sare ee shirkadda oo loo gudbiyey war ama sheeko aan waxba ka jirin oo la leeyahay: “Xirsi si wacan ugama shaqeeyo xafiiska oo waxa uu shaqadii kaga mashquulay dukaannadiisa iyo meheradihiisa kale ee u gaarka ah.” Kaddib, guddoomiyihii iyo maamulkii sare ee shirkadda ayuun baa warkii rumaystay oo si uun afka isu saaray dabadeedna go’aan ku gaadhay in aniga la iga beddelo maamulaha xafiiskii Hargeysa (B). Guddoomiyihii iyo Maamulkii sare waxay is yidhaahdeen malaha ninkani xafiiskan uu maamulo ayaa ku hawl yar oo u suurto galiyey in uu samaysto meherado ganacsi oo uu kaga mashquulo hawlihii shirkadda. Sidaa darteed aynu isaga mashquulino.

 

Dabadeed waxay isla garteen in aniga dib la iigu celiyo xarunta Gargaar oo la ballaadhiyey laguna soo kordhiyey xafiisyo kale, shaqada iyo hawlaha ka socdaana ay aad u baaxad weynaayeen. Isla waqtiyadaa, xafiiska Gargaar waxa kale oo uu ahaa xarunta kaydka khasnadda guud ee shirkadda Dahabshiil ee laga bixiyo lacagaha Somaliland iyo Soomaaliya oo dhan.

 

Kaddib waxa la iga dhigay khasnajiga guud ee shirkadda taas oo ahayd shaqo derejo-ahaan aan ka hoosaynin xilkaygii hore ee maamule waaxeedka, balse waxay ahayd shaqo aad u culus, waxaa ninka hayaa ka rawaxaa

 

abbaaro 11:00 PM. Malaha waxa aniga la iiga dhigayey nooc ciqaabeed oo kale.

 

Waxaad ogaataa adayga iyo culayska shaqo wuxuu qofka baraa iska caabin waxa aannu u horseedaa adadayg iyo in qofku isticmaalo awooddiisa ku kaydsan.

 

Inta badan haddii lagu xaasido waa lagu dallacaa, duruufaha adag iyo dhibaatadana waxay sababi karaan in aad farsado kale samayso marka aad ku dedaasho sidii aad uga badbaadi lahayd, waana halka laga yidhi dhibaato kasta fursad baa ku lammaan.

 

Ujeeddada ka dambaysay ee shaqada Khasnajiga Guud la iigu dhiibay waxaan tuhunsanaa si aanan madaxaba kor ugu qaadin oo aanan u helin waqti firaaqo ah oo aan hawlo kale ku fushado, culayska ay shaqadu leedahay awgeed. Haddaba, markii aan shaqadii la wareegay arkay oo gartay culayska uu leeyahay xilka la ii dhiibay. Anigoo ka shidaal qaadanaya aragtida odhanaysa wax kasta oo adag, waxa ku jiri kara fursado lagu higsan karo horumar, waxaan go’aan ku gaadhay inaan muujiyo oo aan tuso in shaqada la ii dhiibay aanay ahayn mid u adag sida la moodayo ama laga dhigayo oo aan isbeddel ka sameeyo.

 

Waxaan qorsheeyay in aanan shaqada ka rawixin oo aan joojiyo wakhtigii qadada ee aan bixi jiray gurigeyga, balse taa beddelkeeda xafiiska qadada la iigu keeno. Waxaan yool iyo bar-tilmaameedba ka dhigtay in aan shaqada ka rawaxo 8-da fiidnimo ama ka hor. Iyadoo aan ku dedaalay in aanan shaqada isla sugin ee aan shaqada iyo xisaabaha dhaca gelinka hore aan diyaariyo oo aan gaar u xidho, shaqada gelinka dambe dhacdana iyadana sidoo kale. Isla habeenkii koowaad ee shaqada iigu horraysayba qaabkii aan hawsha u qorshaystay ayay u dhacday, waxaanan ku guulaystay in aan shaqadii ka rawaxo 8-da habeennimo, waxaanan sii maray xafiiskii xarunta maamulka guud, aniga oo damacsan in aan u tuso ama aan u dareensiiyo in shaqadii ay ii direen ee ay is lahaayeen ku culaysiya aanay ahayn mid u sii adag sida ay moodayeen! Waxaan ka faa’iidaystay tamarta qofka ku kaydsan ee ilaah ugu talagalay in qofku uu isticmaalo. Wuxuu Dr Ibraahiim Fiqi yidhaahdaa: “Tamartu waa furaha labaad ee guusha, tamartu waa shidaalka nolosha, marka aad ku sugan tahay xaamaasad darajadeedu aad u sarrayso tamartaadu way sarraynaysaa, maxaa yeelay dhaqaajiyuhu wuxuu ku siinayaa tamar.”

 

Waxaan shaqadan ka bartay, muhiimadda ay leeyihiin habaynta shaqada, ilaalinta iyo maamulida wakhtigu. Sidoo kale haddii aad leedahay bar tilmaameed iyo yool in aad gaadhayso kana jibba keeni karto shaqo kasta oo markaa kugu culus. Mashaqo kasta oo soo korodhana waxaa jira qaab fursado looga samayn karo.

 

Muddo yar ka dib waxaan bilaabay casharro la xidhiidhay barashada Computer Programming-ka. Waxaan si gaar ah u xiisaynayey oo aan doonayey in aan si xeeldheer u barto qaybta Programming-ka. Nin ahaa IT administrator, magaciisu ahaa Maxamed axmed oo nala shaqayn jiray ayaan mawduuca programming-ka wax ka weydiiyey, waxoogaa tilmaana guud ayuu iga siiyay, waxa aannu ii sameeyay nuskhad koobbi ah Barnaamijkii shirkadda ah (sample-copy of Database) waxaana sahlanayd in gudaha barnaamijka la galo oo wuu iska furnaa (Source Code-kiisu) waxaanan geliyay wakhti badan si aan khibrad fiican uga helo hannaanka uu u shaqeeyo barnaamiku iyo qaabka uu isugu xidhan yahay si aan fikrad fiican uga qaato. Arrintan oo si laxaad leh ii fahamsiisay barashada Programing-ka ee aan baranayay.

 

Si looga gudbo caqabadihii naga haystay xagga garashada dadka macaamiisha ah ee lacagta qaadanaya, oo waxa keliya ee lagu garanayo uu ahaa qabiilka, waxaan ku fikiray in aan sameeyo ama aan ikhtiraaco Programe Database ah oo macluumaadka macaamiisha lagu kaydiyo, isla markaana loogu sameeyo kaadhka aqoonsiga. Markii aan dhammeeyay maalintii dambe waxaan u yeedhay madaxii IT-ga ee Shirkadda Dahabshiil, oo la odhan jiray Faarax Maxamed Xirsi. Waxa aannu aad ula dhacay hal- abuurkii iyo barnaamikii yaraa ee aan sameeyay. Run ahaantii muu ahayn wax weyn laakiin wakhtigaa ayuu wax tarayay, anigana la igama filayn in aan samayn karayo barnaamij. Balse Faarax oo i dhiirrigelinayay ayaa igu yidhi barnaamijkaaga aya ka fiican mid aannu ka soo iibinay Dubai.

 

Barnaamijkii iigu horreeyey ee aan sameeyo maadaama uu ka dheereeyey kana fiicnaaday kii shirkadda loo soo iibiyey, waxay aniga ii ahayd guul kale oo aan ku tallaabsaday muddadii aan ahaa Khasnajiga Guud ee Shirkadda. Waxay ahayd Guul igu dhiirri gelisay inaan sii-amba-qaado barashada aqoonta Computer Programming-ka. Waxay ahayd tallaabo si weyn u sii xoojisay niyaddii iyo xiisihii aan u hayey barashada aqoonta Teknoolojiyadda Casriga ah ee IT-ga.

 

Waxaan arrintan ka faa’iidaystay in mar kasta iyo meel kasta cilmiga iyo aqoon korodhsigu uu kula gudboonyahay oo uu yahay qaybta ugu wayn horumarka nolosha aadamaha.

 

Maamulihii waxaada IT-ga ayaa qoray warbixin kooban oo uu maamulka u gudbiyay taas oo uu ku sheegay in aan leeyahay mustaqbal fiican oo xaga aqoonta Computer-ka ah, sidaa darteedna ku dhiirrigeliyay maamulku in ay iisoo beddelaan xarunta guud gaar ahaan si aan uga hawl galo waaxda IT-ga.

 

Waxay ahayd maalin Salaasa ah, 15|08|2000, waxaana soo dhacday warqad beddel ah oo xarunta shirkadda la igu beddelayo, iyadoo shaqadaydana lagu asteeyay in aan noqon doono kaaliyaha waaxda IT-ga (IT Assistant). Waxa kale oo ay soo jeediyeen in la ii furo tababbar xagga IT-ga ah. Waxana na loo

 

furay aniga iyo dhawr nin oo kale tababbar aqooneed shaqadan cusub la xidhiidha. Halkaana waxaan ka bilaabay xil iyo masuuliyad kale oo aan ka qabtay shirkaddaydii, taas oo aan u gutay si fiican oo hawl-karnimo leh.

 

Waaxdii IT-ga markaan muddo waxoogaa ah joogay ee aan qoladii Xafiiska IT-gana si fiican ula shaqeeyey, ayay Shirkadda Dahabshiil ay qorshaysay inay ka wareegto programme-kii hore ee ay ku shaqayn jirtay oo ay u wareegto programme kale oo cusub. Shirkadda Dahabshiil waxay heshiis la gashay shirkad kale si ay ugu samayso programme cusub oo Database ah. Waaxdii IT-ga Faarax, Abshir iyo shirkaddii heshiiska lala galay waxay ku talisay inay lagamamaarmaan tahay in la helo qof Database Administrator ah oo isagu hadhow programme-ka cusub maamula. Waaxda IT-gu waxay soo jeediyeen in aniga la ii soo tababbaro inaan noqdo Database Administrator- ka.

 

Maamulkii waaxda IT-ga, oo uu ka mid yahay Faarax, oo isaga laftiisu Hindiya wax ku soo bartay, ayaa waxay Guddoomiyihii u sheegeen in Hindiya ay tahay meelaha dunida 3aad ugu horreeya ee laga baran karo xirfadda DBA ee ay Shirkaddu u baahan tahay. Sidaa darteed wuxuu ku taliyey in muddo kooban Hindiya la ii diro si aan u noqdo Maamulaha Datada shirkadda, taladaas oo ay Guddoomiyihii iyo Maamulkii sare ku qanceen aadna u soo dhaweeyeen. Aniguna dhankayga, maadaama uu guuxaasi jiray oo aan arkay in la ii heellan yahay, waan isu diyaariyay, waxaana la go’aamiyay in aan baxo sannadka cusub ee 2001.

 

Aniga oo aad u faraxsan ayaan ka soo dhoofay Somaliland, isla  markaan aaan maalintii xigtay ka soo degay magaalada caanka ah ee Hayderabad ee gobolka AP ee India. Waxaan soo galay caalam cusub, oo si laxaad leh kor ugu socda. Waxaad isbeddelka ka dareemaysaa bulshada suuqa. Waxaa muuqata inay aqoonta cusub farsamada Technologyada safka hore ka galeen oo ay ka mid yihiin suuqyada waaweyn ee lagu xisaabtamo.

 

Waxaana xilliyada booqasho kooban ku yimi magaaladan Hyderabad ninka caanka ah ee iska leh shirkadda Micrasoft, Bill Gates, oo wakhtiyadaana ahaa qofka kowaad ee dunida ugu qanisan. Safarkiisuna wuxuu daarranaa muuqaalka soo jiidashada leh ee dhinaca Technologyada. Arrintani waxay daliil fiican u tahay in horumarka xawliga ku socda ee dunida dalkan iyo dadkiisa hareerta ka raaci karaan haddii ay dedaalaan.

 

Markii aan Hindiya tegay, waxaan ka galay machal lagu barto aqoonta IT-ga, (Aptech). Waxaanan ku dedaalay in aannu waqtiba iga lumin oo aan xoog saaro waxbarashadii la ii diray. Aqoon-korodhsiga la ii diray wuxuu ahaa in aan muddo kooban ku soo barto barnaamijka maamulidda Data-da ee D.B.A. Laakiin, waxaan go’aansaday in aanan keliya isku koobin Database Administrator. balse aan ku daro tababbarro kale oo dheeraad ah oo la xidhiidha aqoonta IT-ga.

 

Kaddib, in muddo ah ayaanan madaxaba kor u qaadin oo habeen iyo maalinba aan casharradaydii culays saaray si aan Hindiya ugala tago xirfad iyo aqoon la xidhiidha cilmigii la ii diray, oo berigaa dunida badankeedana laga xiisaynayey.

 

Muddo ka dib waxaan qaatay shahaadada caanka ah ee MCDBA iyo MCP (Microsoft Certified Professional) oo ka mid ah koorsooyinka ay bixiso Shirkadda Microsoft. Dabadeed waxaan markiiba ku xigsiiyey inaan galo imtixaankii isku xidhka shebekadaha (Networking) oo aan ka qaatay MCSE (Microsoft Certified System Engineer). Iyadoo aan uga gudbay inaan ka qaato CISCO-CCNA oo caan ku ah heerarka iyo isku xidhka ama shebakadaynta aaladaha Technologyada.

 

Muddadii aan wax ka baranayey dalka Hindiya, run ahaantii aad baan u werwersanaa oo waxaan mar walba is weydiin jiray: Maxaad kula noqon doontaa shirkaddii iyo dalkii? Sidaa darteed, aad baan u dedaali jiray oo waqti iyo juhdi dheeraad ah ayaan ku bixin jiray sidii aan wax u baran lahaa.

 

Waxaa Ilasoo hadlay kooxdii IT-ga oo ii soo sheegay in barnaamijkii cusbaa  ee la bilaabay markii aan soo dhoofay ee loogu talo galay in aan maamulo la tijaabinayo oo la doonayo in aan imaaddo, Waan soo dhoofay. Markii aan imi waxaan u imi jawiga oo murugsan oo shirkaddii wadday barnaamijka iyo maamulkii shirkaddaydu ay ku muransan yihiin barnaamikii oo tijaabadii ka bixi waayay oo weliba muddo dhaafay, isla markaana ay lacagtii qabaan intii badnayd. Muran ka dib barnaamijkii muu tamarin ee waxaa loo aqoonsaday in aannu la jaanqaadayn shirkadda. Maadaama oo farsamada Technologyada dunidu xawli ku socotay, intii barnaamijkan lagu mashquulsanaa waxaa bilaabmay barnaamijyo Internet-ka ku shaqeeya(online), markaa ciladda  jirtey waxaa wehelinayay in laga hiyi kacsanaa barnaamijka oo maamulkii ka jeestay.

 

Markii barnaamijkii fashilmay ninkii waday, oo ahaa Faarax, isaguna wuu iska casilay shaqadii oo waxaa nagu bannaanaatay kaalintiissii. Aniga oo cusub ayaa la ii magacaabay madaxa waaxda IT. Anigoo wax yar joogay oo aan weli meeshiiba la qabsan. ayaa maamulkii shirkaddu iila yimaadeen barnaamij cusub oo shirkad xarunteedu tahay Dubai u samaynayso shirkadda. In kasta oo aanan talo ku lahayn haddana waxaan la sii waday barnaamijkii maadaama oo shirkaddu baahi weyn u qabtay inay hesho barnaamij hawlaha shirkadda ku filan.

 

Nidaamka shirkadda loo soo iibiyey ayaan xoogga saaray bal sidii aan uga shaqaysiin lahaa. Muddo dhawr bilood ahna waxaan isaga daba noqonayey ama aan inta badan ku sugnaa Dubai iyo Jabal Cali. Aniga iyo nin kale oo shirkadda xisaabiye ka ahaa ayaa na loo xilsaaray in aannu Systemka ka shaqaysiinno. Kaddibna qaybo badan oo Systemkii ka mid ahaa ayaannu

 

beddelnay si aannu ugu sargoyno baahiyaha Shirkadda. Waxa aannu haswshii riixnaba, markii aannu soo gaadhnay heerkii hirgelinta (implementation stage) oo aannu doonaynay in aannu Systemkii kaga shaqaysiinno, nasiib darro Systemkii wuu shaqayn waayey oo wuu fashilmay waxaanan kala kulannay shiddo iyo mashaqo badan.

 

Markii uu Systemkii fashilmay, aniguna aan tirsanayo in aan taladaydii la qaadanin oo programme-kii la soo iibiyey dhakada la igaga keenay, ayaan maalin maalmaha ka mid ah shirkaddii Dahabshiil ka qaatay fasax yar oo gaaban. Kaddib waxaan tegay London, anigoo run ahaantii aad u niyad- jabsan maadaama Systemkii uu noo shaqayn waayey, aniguna  aanan taladiisii waxba ku lahayn. Markaan fasaxii muddo labo toddobaad ah ku jiray, anigoo ku sugan London waxaan la soo xidhiidhay maamulkii shirkadda, gaar ahaan guddoomiyhii iyadoo aan la socodsiinayo in aan doonayo in aan shaqada ka tago. Hase ahaatee, guddoomiyihii igama aqbalin, wuxuuna igu yidhi bal horta aynu isugu nimaadno Dubai. Intaa ka bacdi, waxa aannu maalintii dambe London iska soo raacnay maamulihii guud ee shirkadd (CEO) Cabdirashiid, dabadeedna waxa aannu tagnay dalka Suuriya. Bal qabsoo weli Systemkii baa sidii baadi-goob loogu jiraa, halkaana Suuriya waxa aannu ugu tagnay oo kula kulannay qolo kale oo shirkadda ka tirsan oo System kale baayacaya, waxa aannu uga sii gudubnay Dubai. Markii aannu tagnay Dubai, waxa iyaguna halkaa sii joogay guddoomiyihii iyo maamulkii sare ee shirkadda. Berigaa waxa si weyn loogu hawlanaa olole ah sidii shirkadda Dahabshiil dib-u-habayn maamul (Management Reform) loogu samayn lahaa ama loo casriyeyn lahaa, waxana loo soo kiraystay shirkad la talineed (consultant company) oo la odhan jiray Heriton oo uu hoggaan ka ahaa Cabdiraxmaan Xasan Cawl, oo khibrad maamul oo gundheer lahaa, si ay shirkadda ugala taliyaan hawlahii baaxadda lahaa ee hor yaallay.

 

Maalintii dambe ayuu ninkii la taliyaha ahaa isugu kaayo yeedhay intii maamulka shirkadda loo qorsheeyay Shangri-La Hotel (waa Albeerko caan  ah oo Dubai ku taal). Wuxuu nagala hadlay qaabka ugu habboon ee Shirkadda Dahabshiil dib-u-habayn xagga maamulka ah loogu samayn lahaa. Hadalkii koobnaa ee uu la taliyuhu soo jeediyey kaddib, qoladii maamulka sare ayaa hadalkii la wareegay, gaar ahaan guddoomiyihii ayaa gudbiyey cabatinkii ugu horreeyey wuxuuna ka hadlay caqabadihii shirkadda ka haystay barnaamijka-IT-ga, isagoo yidhi “Ugu horrayn waxa aannu jecelahay in aannu kula socodsiinmo in shirkadda ay laba Barnaamij oo hore ka fashilmeen, waxana aannu ku guul-darraysanay in aannu labadaa System hirgelinno. Maamulkii guud waa kan, maamulihii waaxda IT-ga ee shirkadduna waa kan, ilaa haddana waxa aannu u caddilannahay barnaamijkii shirkaddu ku shaqayn lahayd. Haddaba, bal horta inta aynaan ka wada hadal sidii shirkadda Dahabshiil loo casriyeyn lahaa ama dib-u- habayn maamul loogu samayn lahaa, maxaad nagula talinaysaa ama aad nagala qaban kartaa caqabadaha naga haysta qaybtaa aan ka hadlay?”

 

Cabdiraxmaan Cawl ayaa hadalkii la wareegay, waxana uu guddoomihii iyo maamulkii sare ee shirkadda weydiiyey su’aalo u badnaa yool-baadh, nuxurkooduna uu sidan ahaa:

 

“Ninkani ma yahay Maamulihii waaxda IT-ga ee Shirkadda?” Guddoomiyihii wuxuu ku jawaabay :”Haa, waa isagii.”

 

“Yaa masuul ka ahaa labadii System ee Shirkadda hore uga fashilmay, ma maamulaha IT-ga mise cid kale?”

 

Guddoomiyihii wuxuu ku jawaabay: “Mayee isagu masuul kama ahayn ee fikirka Barnaamijka iyo go’aanka lagu soo iibiyeyba wuxuu ka yimi xagga Maamulka sare ee Shirkadda!”

 

Ninkii la taliyaha ahaa ayaa guddoomiyihii su’aal kale u celiyey, wuxuuna ku yidhi: “ Idinku (maamulka sare) miyaad tihiin dad IT-ga aqoon u leh?” “Maya”, ayaa lagu jawaabay.

 

Markii cabbaar hadalka la iku celceliyay wuxuu yidhi lataliyihii

 

“Qoladiinan maamulka sare ee shirkaddu, waad qaldanteen, waxa qummanayd inaad wax weydiisaan maamulaha waaxda IT-ga oo aad shaqadiisa uga hadhaan! Imika iyo haatan, waxaan talo ahaan idiinku soo jeedin lahaa in qoladiina maamulka sare aad ninkan waaxda IT-ga masuulka ka ah masuuliyadda shaqada aad faraha uga qaadaan. Isagu ha soo iibiyo Barnaamijka iyo Programme-ka uu u arko inay hawlaha shirkadda anfacayaan. Wixii guul iyo guuldarro ah ee barnaamijka ka  yimaaddana aynu isaga dhabarka u saarno; haddii uu barnaamijku guuldarraystana aynu dabadeed isaga qoorta u saarno (shaqada ka erino)! Laakiin idinku, maadaama aydaan IT-ga aqoon u lahayn, ninkan shaqadiisa faraha uga qaada!”

 

Siday runtu tahay, hadalkii uu yidhi ninkii la taliyaha ahaa ee ay shirkaddu u yeedhatay wuxuu ahaa hadal aniga ii noqday hiil iyo gurmad weyn oo aan u baahnaa.. Wuxuu ahaa hadal iga dulqaaday niyad-jabkii, wahabkii iyo werwerkii iga haystay xagga shaqada. Wuxuu ahaa hadal i siiyey dhiirrigelin weyn oo i siiyay dardar cusub oo aan kaga midho dhalin karo shaqadayda.

 

Shirkadii Heriton, waxay samaysay waxyaalo badan oo isbeddel dhinaca maamulka ah iyo qorshe ballaadhan oo dib habaynta maamulka ah.

 

Intaa ka bacdi, guddoomiyihii iyo maamulkii sare ee shirkadda waxay si wada-jir ah iigu yidhaahdeen hadda laga bilaabo si madax-banaan inaan u raadiyo Barnaamijkii shirkadda ka anfacaya xallinta caqabadahii horyaallay.

 

Waxaa baadi-doon u galay sidii aan u heli lahaa barnaamij shirkadda anfici kara, kana kaalmeeya baahiyaha iyo shaqada. Waxaa raadintii barnaamijkaa si laxaad leh noogala hawl-galay nin la yidhaahdo Maxamed Carraale oo shirkadda la shaqaynayay. Xilligu waa xilli uu suuqa IT-gu aad u xaami yahay, Barnaamijyadu waa qaalli, waxana la baayacayaa barnaamijyo uu qiimihoodo gaadhayey $1.2 Milyan, Barnaamijyo ugu jaban ee suuqa yaalayna wuxuu ahaa $400,000. Waxa si gaar ah dabada uga riixayay xawaaladda UNDP oo xilligaa ku hawlanayd sidii barnaamij lagu kalsoonaan karo loogu samayn lahaa dhammaan xawaaladaha, waxaana ay hadal hayeen PayQiuck barnaamij la odhanayey. Sidoo kale waxaa jiray nin Cabdisalaan la odhanayay oo Soomaali ah oo dhawr shirkadood oo xawaalado ah u sameeyay barnaamij, ninkii ayaannu la fadhiisannay aniga iyo qaar ka mid ah kooxdii maamulka wuxuuna noo soo ban dhigay barnaamij yar oo aad u jaban ilaa $40,000 qiimihiisu ahaa, oo weliba Internet-ka ku shaqaynaya (Online).

 

Waxaan rejaynayaa in ay ahay July 2006 ayaan ku qancay barnaamijkii koobnaa, ee uu noo soo bandhigay ninka Soomaaliga ahi, maamulkiina waa ku wada qanacnay, waxaanan ka hawlgalay sidii aan u hirglin lahayn.

 

Xilligu waa xilli ay dunida oo dhammi u gudubtay adeegsiga Internet oo aad u soo shaac baxay. Barnaamijkii waanbu iibsannay. Waxa aannu u gudubnay heerkii hirgelinta barnaamijka iyo in aannu kaga shaqaysiinno. Laakiin, waxa aannu kala kulanay tacab iyo rafaad badan, sababtuna waxay ahayd; Barnaamijkii ay Shirkadda hore ugu shaqaynaysay wuxuu ahaa barnaamij ku shaqaynayey habka Bilaa Internetka (Offline), laakiin kan cusubi wuxuu ku shaqaynayay Internet-ka (Onlne system) oo isticmaalkiisu nagu cusbaa. Waxa xusid mudan, laga bilaabo aakhirkii 2003-tii ilaa dhammaadkii 2005-tii shirkadda Dahabshiil waxay si weyn ugu mashquulsanayd sidii ay u heli lahayd isla markaana u hirgelin lahayd Barnaamij ku habboon qaab shaqadeeda iyo baahiyaha gaarka ah ee macaa-miisheeda oo Internet-ka ku shaqaynaya. Arrintu si kastaba ha ahaatee, dabayaaqadii 2006-tii ayaannu ku guulaysanay in aannu barnaamijkii si buuxda oo dhammaystiran u hirgelino oo uga shaqaysiinno.

 

Waaxdii Operation-ka ee Shirkadda Dahabshiil waxay ahayd waax muhiim ah oo maamul ahaan la siman waaxdii IT-ga ee aan maamulaha ka ahaa. Waaxda Operation-ku waxay ka masuul ka ahayd diyaarrinta liiska magacyada dadka lacagta diraya iyo kuwa loo dirayo, iyo weliba (iyagoo adeegsanaya fax ama e-mail, Fooniye) inay liiska magacyada u kala dirto meelaha iyo xarumaha ay khusayso ee ku kala baahsan dhammaanba dacallada dunida. Waaxdii Operation-ka waxa madax ka ahaa Axmed Warsame Ducaale oo ahaa ninkii shaqada fooniyaha Yiroowe iga qoray, runtiina waa nin aad u qiimo badan. Balse waxay muddo badanba ku soo shaqaynayeen Barnaamij ay barteen oo bilaa Internet ah.

 

Sida qaalibka ah, bini’aadamku wax kasta oo noloshiisa ku cusub ama aannu hore u arki jirin, uma sahlana, wuxuu isku dayaa inuu iska-caabiyo ama aannu aqbalin. Gaar ahaan dadka ku ab-tirsada isirka-Soomaaliga, badankoodu waxay qaba-timeen hab-dhaqanka ah arki-jiray-doone; aad bayna ugu adag tahay aqbalaadda iyo la-qabsiga haddii wax ay hore u yaqaaneen lagu beddelo wax kale oo ku cusub.

 

Labadii waaxood ee ugu muhiimsanaa ee shaqada iyo xisaabaadka (Operation/Accounts) waxa aannu kala kulanay iska caabin laxaad leh oo xaga isbeddelkii aan wadnay ee barnaamika ku saabsan, manay hawl yarayn in laga hirgeliyo laamaha shirkadda ee debada iyo gudaha oo saddex boqol ka badan kuna filiqsan aduunyada oo dhan, hase ahaatee waxa aannu ugu danbayn ku soo gebagebayay guul in aan ku dhammaystiro oo lagu shaqeeyo iyadoo Barnaamijkiina aan wax badan ku kordhinay kana beddelay oo aan waafajinay dabeecadii shaqada shirkadda Dahabshiil.

 

Waxaan shaqadan ka bartay, farsamo kasta iyo barnaamij kasta oo aad diyaarisaa waxay guushiisu ku xidhantahay hirgelintiisa (Implementation) Waxa weli xasuustayda ku sii dhigan xaaladdii adkayd ee maalmahaa taagnayd taas oo aan u adkaysanay ugu danbayna guul ku dhamaatay. Sidoo kale in ay la xisaabtanka maamulka ay muhiim u tahay dheellitirka masuuliyada iyo Awoodda.

 

Shirkadii aan la shaqayn jiray ee Dahabshiil oo xilligaa qorshaynaysay inay furto Bank ayaa la iigu yeedhay inaan shirkadda kala taliyo Coputers-ka iyo barnaamijka Software-ka markaa waxaa haloosigiisa lagu jiray oo la doonayey in loo sameeyo Dahabshiil Islamic Bank, waxaana aannu Djibouti isu raacnay madaxdii shirkadda badankoodii. Dood dheer oo maamul ka dib 04|06|2009 waxaa lay xil saaray in aan noqdo madaxa mashruuca barnaamijka iyo qalabka Dahabshil Bank ku shaqaydoon kaas oo xilligaa uu socday qorshihii lagu furayay.

 

Ninkii hoggaaminayay mashruuca Baanka, Cabdiraxmaan Cawl ayaannu la yeelanay kulankii ugu horreeyey, kaddibna waxay noo soo ban-dhigeen saddex barnaamij oo kala duwan oo ay xusheen (short listed), oo ay ku qanceen mid qiimahiisu ahaa 1.8 Milyan US$. Siday xaqiiqdu  tahay, waxaan u arkayey in barnaamijyadaasi ay aad u qaali yihiin, kaddibna dood kulul ayaa na dhex martay.

 

Fikraddii ay wateen hoggaankii mashruuca Dahabshiil Islamic Bank iyo kooxdii farsamada waan ku qanciwaayay, waxaanan soo jeediyay in aanay suurto-gal ahayn in barnaamijku uu qiimihaa uu taagan yahay 1.8 Milyan Dollar, lagu qaato balse aan aaminsanahay in wax ka yar lagu heli karo.

 

Falanqayn na dhex martay maamulka guud ee Shirkadda Dahabshiil kaddib, waxa la igu yidhi: “Adigu qiime kaa ka jaban ma ku keeni kartaa?”

 

Dabadeedna waxaan ugu jawaabay: “Haa, qiime intaa ka jaban baan Barnaamij ku keeni karaa.” Dabadeed waxa la igu yidhi: “Barnaamijka waxa la doonayaa in muddo 3 bilood ah lagu hir-geliyo, ee adigu muddo intee leeg baad ku keeni kartaa?” waxaan ku idhi “Aniga muddo 3 todobaad ah ii qabta inaan ku keeno xogtii barnaamijka oo dhammaystiran. Haddii aan qorshahaa ku guulaysan waayana, waxaan faraha uga qaadayaa kooxda hadda qiimaha qaaliga soo bandhigay”

 

Intaa kaddib, waxaa la igu yidhi: ”Miisaaniyad intee leeg ayaad ku talinaysaa ama qiime intee leeg ayaad barnaamijka ku keeni kartaa?” “waxaan u sheegay $800,000 USD!!” waana layla qaatay.

 

Waxaan galay baadhitaan dheer oo xagga Internetka ah taas oo saacado baddana aan ku bixiyay, aakhirkii waxaan helay Shirkad Ingiriis ah oo ku takhasustay bangiyada Islaamiga ah buugna ka qortay barnaamijyada ama software-da loogu tala galay in lagaga shaqeeyo Bangiyada Islaamiga ah, waxaan buuggii ka iibsaday Internetka. buuggii markaan akhriyey, waxaan ka helay ilaa iyo 32 shirkadood oo iibiya software-da loogu tala galay in lagaga shaqeeyo Bangiyada Islaamka.

 

Waxaan ku dhaqaaqnay inaan systemkii raadinno, aniga iyo nin la odhan jiray Eng. Maxamed-Khadar (oo dhintay a.h.u.n.), oo run ahaantii ahaa nin aad iyo aad u qaaliya oo u qiimo badan waxaanannu u safarnay Dubai. Kaddib waxa aannu kulamo la yeelanay qaarna emaillo u dirnay shirkadihii iibinayey barnaamijyada banigiyada Islaamiga ah ee aannu raadinaynay, waxa aannu la bilawnay gorgortan.

 

Dhinaca kale, qoladii markii hore ku hawlanayd ee gacanta ku haysay Bangiga Dahabshiil ayaa waxaannu ka codsannay in ay nagu soo wareejiyaan saddexdii shirkadood ay ka xusheen (short listed companies) si aannu dib ugula gor-gortanno (re-negotiation) qiimihii ay ku iibinayeen systemkii  aannu doonaynay, waxay nagu soo wareejiyeen arrintii aannu ka dalbannay, balse iyagoo ay nala yaabban yihiin waxayna nagu yidhaahdeen: ” Waar niman yohow hawshan aqoon uma lihidin oo rag badowa ah ayaa tihiine Barnaamijyada aynu doonayno waa qaali dunidana kama joogo intaa aad idinku leedihiin waanu ku soo helaynaa, wax ka yar 1.8 Milyan oo Dollar ku helimaysaane waad riyoonaysaan!!”

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, xidhiidhadii aannu samaymay dhawr shirkadood ayaa nooga soo jawaabay, mid walbana qiimo ayay noo sheegtay. Saddexdii shirkadood ee hore loo xushay (short listed companies) waxaannu bilawnay in aannu gorgortan la galno. labo ka mid ahi midba qiimo ayuu noo sheegay 1.7 ilaa 1.4 Milyan, markii aannu sii baayacnay, markii dambena wuxuu ku soo dhacay ilaa $950,000. Shirkaddii markii hore la soo xushay ee lagula heshiiyey 1.8 Milyan USD ayaannu sidoo kale bilownay in aannu la

 

galno gorgortan dambe, ugu dambayntiina waxaannu soo gaadhsiinay $1 Milyan USD.

 

Ugu danbayn waxa aannu soo helay ilaa 8 shirkadood oo qiimayaal kala duwan oo ay ugu sarayso hal milyan oo Dollar uguna hoosayso shirkadda qiimaheedu ahaa $240,000 iyadoo inta kalena u dhexayso labadaa oo qiima kasta ay leeyihiin ayaannu u soo gudbinay maamulkii sare ee shirkadda iyo baanka. Markii dambe waxaannu qaadannay shirkaddii ugu hoosaysay ee ahayd $240,000 taas oo laga lahaa waddanka Sudan, waxay shirkadda Dahabshiil u ahayd faa’iido aad u weyn in aannu u badbaadinay lacag milyan iyo badh ka badan.

 

Waxaan ka bartay arrintan awoodda ay maamulka siiso suuq-raadinta, baayactanka, miisaaniyad iyo wakhti cayiman in loo asteeyo raadinta, maamulidda iyo hirgelinta mashaariicda. Sidoo kale gorgortanka oo aad muhiim u ah iyo qiimaha uu maamulka u leeyahay waxaan kaga hadli doonaa cutubyada kale.

 

Iyadoo aan muddo ka maqnaa shirkadda oo xilligii aan ku biiray Komishinka Doorashooyinka aan shaqada ka tegay ayaa markii aan muddo sannad ah ka sii maqnaa shaqadii Komishinka balse aan shirkadii Dahabshiil ee aan u shaqayn jiray weli ka ag dhowahay ayaa maamulaha guud ee shirkadda (CEO of Group) oo ahaa Cabdirashiid Maxamed Siciid 12|July|2009 ayuu ii magacaabay in aan kula shaqeeyo Lataliye, waxaanan muddo kula shaqaynayay kana kaalinayay shaqada guud ee shirkadda iyo marba wixii la iga baahdo iyadoo xilligaa la igu qoray in aan ka hawl galo xafiiska guud ee Dubai.

 

Waxan jecelahay in aan xuso heerkii aan shaqada ka soo bilaabay oo ahayd makhaayadda cuntada oo aan ku shaqaynayey anigoo ah muruq-maal, shaqada Fooniyaha ee haddana maamulkiisii la wareegay, waxaa ii xigtay karraani aan xafiiska Hargeysa kaga bilaabay, maamulaha Hargeysa-B, khasnajiga guud, kaaliyaha IT-ga, maamulaha IT-ga, Project manager, Lataliyaha CEO & xubin Board-ka, oo aan ku soo gebagebeeyay Maamulaha guud Somtel-CEO. waa shay aad u qiimo badan in aad maamulka meelo badan oo kala duwan ka soo shaqayso waxaanay kuu siyaadinaysaa khibrad iyo garasho siyaado ah.

 

Shirkadda Dahabshiil waxay ahayd shirkad aan muddo badan ka soo shaqaynayey oo aad la iiga jeclaa, xilal kala duwanna aan ka soo qabtay. Dhammaadkii sannadkii 2009 ayaa la ii magacaabay in aan noqdo maamulaha guud ee shirkadda telefoonnada Somtel CEO.

 

Waxa xusid mudan in shirkadda SOMTEL ay ilaa iyo 2004-kii qorshaynaysay oo ay ku hawllanayd sidii ay ugu wareegi lahayd habka GSM-ka ee telefoonnada Mobilka ah, qalabkii ay shirkaddu ku hawl-geli lahaydna waa la

 

soo iibiyey oo badankiisu diyaar buu ahaa. Balse shirkaddii SOMTEL taabo- gal may noqonin kumanay guulaysan inay gasho suuqa. Shirkaddii Somtel bilawgii bishii January 2010 ayaa si rasmi ah la iigu wareejiyey oo aan ka noqday maamule guud (CEO), anigoo weli ka mid ah gudidda guud ee shirkad (Board of Directors) xilkaa iyo masuuliyaddaa cusub ee aan qaaday waxay ii ahayd halbeeg iyo bartilmaameed cusub oo aan ku beegsan karo guulo kale, waxanan naftayda ku qanciyey haddii aan ku guulaysto inaan shirkadda SOMTEL guul gaadhsiiyo inaan gaadhi karo guul kale oo intaa ka badan isla markaana ay kor u qaadi karto himilooyinkayga mustaqbalka. Bar- tilmaameed waxa ii ahayd bal sidii aan SOMTEL si rasmi ah ugu furi lahaa ee aan uga shaqaysiin lahaa maadaama shirkadda ay muddo ummaddu adeegeeda aad u naawilayeen.

 

Waxa xusid mudan in ay jireen hawlo baaxad leh iyo caqabado waaweyn oo shirkadda SOMTEL horyaallay, kuwaas oo u baahnaa in si dhab ah loo waajaho waxna looga qabto. Hawlaha ugu culculus ee shirkadda horyaallay waxa ka mid ahaa:

 

  1. SOMTEL: Waxa laga haystay Suuqa Mobillada GSM-ka: Caqabadda ugu weyn ee shirkadda hortaallay waxay ahayd xagga ka qayb-galka suuqa Mobillada GSM-ka. Inkastoo shirkadda SOMTEL ay ilaa iyo 2004-kii ku hawllanayd sidii ay ugu wareegi lahayd ee ay uga qayb-gali lahayd suuqa GSM-ka ee Mobillada, haddana SOMTEL kumay guulaysanin inay ka qayb gasho tartanka GSM-ka, wax saamayn ah ama saami ah midnaba kumay lahayn adeegga suuqa telefoonnada gacanta.

Suuqa waxa haystay Shirkad weyn oo la yidhaa Telesom oo suuqa telefoonnada gacanta ku haysay in ka badan 70-80%. waxa ii muuqatay in ka-qaybgalka suuqu aannu mid sahlan ahayn. Sidaa darteed, hawsha ugu muhiimsan ee Shirkadda SOMTEL hortaallay waxay ahayd sidii ay Shirkaddu isugu diyaarrin lahayd ka qayb-galka adeega suuqa GSM-ka ee Mobillada; ha noqoto xag farsamo, xag ganacsi, xag maamul iyo iwm.

 

  1. SOMTEL: Shirkad fadhiida oo haddana kharsh ku socdo: Caqabadda kale ee iyana jirtay waxay ahayd shirkadda SOMTEL oo aan shaqaynin wax macaash ahna aan soo saarin, haddana uu kharash badani ku socdo. Shirkadda waxa ka shaqaynayey oo ay soo kiraysatay 8 nin oo ajaaniib ah oo lagula heshiiyey inay shirkadda ka shaqeeyaan muddo sannad ah, iyagoo qaadanayay lacag ku dhow hal milyan Dollar sannadkii, waxa dheer kharashaadka kale oo aan iyana hal milyan oo kale ka yaraanayn. Waxa ii muuqatay in shirkaddu xataa haddii lagu guulaysto oo la kiciyana aanay in muddo ah wax macaash ah soo saari doonin oo ay u baahan tahay kabis. Sidaa darteed, waxaan gar waaqsaday in dhimista kharashku ay muhiim ii tahay.

 

Waxaan xoogga saaray in aan abuuro hannaan muumul oo wada shaqaynaya, isku ujeedo iyo yool ku wada socda, kuwaas oo leh isfaham iyo xidhiidh joogto ah. Cid kasta oo aan u arkay in ay caqabad ku tahay wada shaqaynta maamulka waxaan isku dayay in aan si uun u maareeyo inta shaqadu isku dubbadhacayso, waxaana si wanaagsan u wada jaan- qaaday intii badnayd maamulka heerka uu doono ha ahaadee.

 

Xagga shaqaalaha, hawl kasta oo la qabanayo nooc kasta oo ay tahayba, waxaan aaminsanahay in aanay ka maarmayn hoggaamin toosan, shaqaale u darban oo u diyaarsan shaqadooda. Haddaba, si aan uga midho-dhaliyo hawlaha baaxadda leh ee Shirkadda SOMTEL, waxaan lagama maarmaan u arkay inaan diyaariyo, habeeyo iskuna dubbarido dadkii ila wadi lahaa ee igala shaqayn lahaa hawlaha shirkadda heer kasta iyo waax kasta oo ay yihiinba.

 

Waxaannu muhiimad siinnay fulinta hawlaha shaqo, samaynta istaraatiijiyad tilmaamaysa abbaarta iyo yoolka shirkadda, dejinta Hiraalka iyo higsiga shirkadda ee mustaqbalka. Iyadoo la raacayo habraaca maamul, ee Qorshaynta, Habaynta, Hoggaaminta iyo Ilaalinta dadka iyo hantida shirkadda.

 

Xag Farsamo inaan ogaado sida ugu sahlan ee farsamo ahaan adeegga Shirkadda SOMTEL loo bilaabi karo ama loo shaacin karo. Arrinta muhiimka ah ee i hortaallay waxay ahayd sidii aan shirkadda SOMTEL farsamo ahaan (technically) ugu diyaarrin lahaa, isla markaana aan uga gun gaadhi lahaa heerka ay shirkaddu farsamo ahaan taagan tahay, waxa ka dhiman iyo wixii loo baahan yahay si ay shirkaddu farsamo ahaan lugaheeda ugu istaagi karto uguna diyaar-garoobi karto ka qayb-galka tartanka suuqa. shaqaalaha ama in loo baahan yahay in la dhimo wixii shaqaale dheerad ah ee ay shirkaddu ka maarmi karto.

 

Ha noqoto xag ganacsi ama ha noqoto qaabkii loo suuq-gayn lahaa adeegga iyo badeecadda shirkadda SOMTEL, waxaan arrin muhiim ah u arkayey in shirkadda loo diyaariyo hannaankii ganacsi ee ay kaga qaybgali lahayd suuqa GSM-ka.

 

In kasta oo ay jireen isku dayo iiga horreeyey maamulka oo aan ku guulaysan inay suuqa la qaybsadaan shirkadaha kale, haddana waxaan u arkayay in saami fiican laga heli karo suuqa, waxaan muddo kooban ku guulaystay in aan helo 25% saamigii ganacsiga ee suuqa Telefoonnada. Wuxuu yidhaahdaa buugga, You can win “Winners do not do deferent things, they do things deferently”

 

Intaa ka bacdi, waxaan u diyaar-garoobay furitaankii aan shirkadda si rasmi ah u furi lahaa waxaanan diyaariyey qaabkii iyo qorshihii shirkaadda loo furi lahaa iyo shaqaalihii ila furi lahaaba. Laakiin, waxa aan mushkilad kala

 

kulmay qaar ka mid ah maamulkii shirkadda SOMTEL oo iyagu u ololeynayey inaan shirkadda la furin, maadaama ay aaminsanaayeen haddii shirkadda la furo inay fashilmi doonto, waxayna guddoomiyihii guud oo isla markaa ahaa mulkiilaha shirkadda ku qanciyeen fikirkii kalsooni-darrada ahaa ee ay iyagu rumaysnayeen. Maalintii dambe, markaan wax walba diyaariyey ayaannu u nimi guddoomiyihii guud ee shirkadda (aniga iyo Faarax oo ku-xigeen ii ahaa) oo aan ku war-galiney qorshaha iyo taariikhda rasmiga ah iyo maalinta aan shirkadda SOMTEL furi doono. Markaan qorshihii furitaanka u sheegay guddoomiyihii guud ee shirkaddu wuxuu ka muujiyey walaac xoog badan, wuxuuna aad uga werwerayay in furitaanka shirkadda haatan la furaa uu horseedi karo fashilaad.

 

Maadaama qaar ka tirsan maamulkii shirkadda SOMTEL ee aniga iga hooseeyey iyo guddoomiyihii guud ee shirkadda ee aniga iga sarreeyeyba ay fikirkaa qabaan, waxaan qaatay go’aan adag oo aan ku dhiiraday inaan ku qanciyo maamulka sare, kuna adkaysto furitaanka shirkadda. Waxaan guddoomiyahii shirkadda u sheegay in haddii ay wax dhalliil ah ama fashilaad ahi ay ka yimaaddaan furitaanka shirkadda SOMTEL, aniga ayaa qoorta soo dhiganaya. Haddii aan ku fashilmo shaqada waan iska casilayaa wixii khasaare ama sumcad-xumo ah ee furitaanka ka yimaadda anigaa dhabarka u ridanaya. Run ahaantii waxaan qaatay go’aan adag oo guushiisa iyo guul-darradiisuba ay is barkanaayeen, balse waxaan ku adkaystay inaan shirkadda SOMTEL si rasmi ah u furo. Kaddib guddoomiyihii guud ee shirkadda waxa na dhex martay dood dheer oo aad u adag, doodayda waxa gundhig u ahaa ama aan cuskanayey sababo, duruufo iyo caqabado shirkadda horyaallay oo loo baahnaa in si wada-jir ah wax looga qabto isla markaana fikir iyo talo midaysan lagu wajaho.

 

Kaddib waxaan guddoomiyihii ku idhi hadal uu nuxurkiisu ahaa sidan: “Guddoomiye, shirkaddan SOMTEL ee aad aniga madaxda iiga dhigtay waa shirkad fadhida oo aan shaqaynin, isla markaana aan wax macaash ah soo saarrin. Iyadoo, haddana aynu ku talo jiro in aan tartan kula galno shirkado kale oo waaweyn oo iyagu in muddo ahba suuqa-ganacsiga gacanta ku hayey ama hoggaaminayey. Shirkaddahaa iyaga ahi waxay tartan inagula galayaan macaash ay sameeyaan, halka aan aniguna madax ka ahay shirkad khasaare ku jirta maalin walbana kharsh burburisa oo uu albaabkeedu xidhan yahay oo aan waxba soo saarin, oo haddana mishiinadeeduna ay min koone ilaa koone daaran yihiin. Guddoomiye, waxaa aniga ii muuqata in haddii aan muddo sannad ah shirkadda SOMTEL sidaa ku sii wado, shirkaddu waxay gali doontaa kharash aan qiyaas lahayn wayna dumaysaa aniguna aakhirka waan ku ceeboobi doonaa. Sidaa darteed waxaan ku qancay inaan Shirkadda SOMTEL si rasmi ah u furo.”

Dooddaa dheer ee guddoomiyaha na dhex-martay ka dib, guddoomiyihii oo ahaana mulkiilaha shirkaddu wuu ii soo dabcay, wuxuuna ku calool-adaygay oo uu igu raacay inaan SOMTEL si rasmi ah u furo isagoo werwersan. Si aan

 

qiyaas lahayn ayaan ugu farxay uguna diirsaday taageerada uu guddoomiyuhu ii muujiyey.

 

Waxa aannu samaynay furitaan sanqadh weyn oo dadka soo jiitay

Tusaale ahaan xafladdii furitaanka shirkadda SOMTEL ee ka dhacday Hargeysa, Hotel Maansoor waxay ahayd xafladdii ugu weynayd taas oo loo soo agaasimay si aad u heer sarraysa isla markaana lagu soo casuumay oo guud ahaanba kulmisay acyaantii iyo Indheer-garadkii ummadda Somaliland shacab iyo dawladba. Bandhiggii xafladihii furitaanka ee shirkadda SOMTEL waxay noqotay dhacdo la yaab leh oo indhaha iyo dhegaha bulshada reer Somaliland si weyn u soo jiidatay isla markaana suurto-galisey in durbadiiba bulshadu shirkadda ka qaadato aragti, muuqaal iyo fikir wanaagsan kaasoo kor-u-qaaday magacii iyo sumcaddii shirkadda. Habeennimadii markii noocyada kala duwan ee war-baahinta laga soo daayey in adeegyada GSM- Mobile-ka ee shirkadda SOMTEL laga furay dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka min daraf ilaa daraf, shirkadihii Is-gaadhsiinta ee uu tartanku naga dhexeeyey wuxuu bandhiggii furitaanku ku noqday dhul- gariir iyo u qaadan waa ay rumaysan waayeen siday arrintaasi u suurto gashay iyo xawliga aannu ku dhaqaaqnay.

 

Waxaan ka bartay arrintan baahida qofka wax maamulayaa u qabo Farsamooyinka maamul (Management Functions) ee qorshaynta, nidaaminta, shaqaalaynta/ka shaqaysiinta, isku-xidhka iyo ilaalinta maamulka, sida ficil ahaan loogu adeegsado shaqooyin maamul ee ay hawsha u sahlaan.

 

Waxaan jecelahay inaan dib u yara milicsado oo aan xuso jawigii farxadda lahaa, niyad-samidii iyo dhoolla caddayntii uu Guddoomiyaha guud igu qaabilay maalin ka bacdi Xafladdii furitaanka Shirkadda SOMTEL. Qiyaastii saacaddu waa 2:30-kii ilaa 3:00-dii galabnimo, goobtuna waa isla xafiiskii ay aniga iyo guddoomiyaha maalin ka hor nagu dhex martay sheekadii furitaanku oo nuxurkeedu ahaa: “Shirkadda waan furayaa!” iyo “Mayee aan hubinno oo waxaan ka werwersanahay inaynu ku fashilanno!” guddoomiyaha shirkaddu wuxuu goob-joog iyo markhaatiba ka ahaa qaabkii ay u dhacday xafladii la yaabka lahayd ee furitaanka shirkadda SOMTEL iyo riyaaqii iyo rayn-rayntii ay bulshadu kaga dareen celiyeen iyadoo farsamo ahaan shaqadii shirkaddu si fiican u dhaqaaqday, taas oo markiiba macmiishii safaf usoo gashay dalabka adeeggii shirkadda, taasina waxay wax weyn ka beddeshay jawigiisa iyo dareenkiisaba. Markiii aan soo galay xafiiskii, waxa guddoomiyaha wajigiisa ka muuqatay farxad iyo qosol, inta uu ii sarakacay ayuu si niyad-sami ah ii salaamay oo uu ii gacan qaaday, kaddibna wuxuu igu yidhi ereyo bogaadin iyo dhiirri-gelinba lahaa: “Wallee geesi baad tahay, anigu shalay xafladdii furitaanka ka hor, aad baan u baqayey oo aad baan uga werwersanaa dhinaca ay arrintaasi u dhici doonto.” Qof ahaan, himilada i hagtaa waxay mar walba ku salaysan tahay in go’aan qaadashada adagi ay lagama maarmaan u tahay guusha uu qofku hiigsanayo.

 

Wuxuu yidhi madaxweyne maraykanka ee Franklin D. Roosevelt “only thing we have to fear is fear itself”.

 

Shirkaddii way dhaqaaqday intii loogu talogalay in aannu ku gaadhno laba sannadood waxa aannu ku gaadhnay shan bilood oo keliya waxaanay wakhtigan shirkadii ka mid tahay shirkaddaha waaweyn ee ka hawl gala geeska Afrika. Sidoo kale, warbixintii rubuc sannadka ee ugu danbaysay ee aan ka horjeediyey maamulkii sare iyo boodhka guud ee shirkadda ka hor intii aanan shaqada ka tegin, waxaan kaga warbixiyey korodhka iyo koboca ku yimid tiradii macaamiisha shirkadda SOMTEL, kuwaas oo si aan caadi ahayn u kordhay, dabcan iyo baahiyihii jiray oo aan u soo bandhigay.

 

Maxamed Siciid Ducaale oo ahaa mulkiilaha shirkada Dahabshiil iyo Somtel oo aanu muddo soo wada shaqaynay, waa hogaamiye ganacsi oo hal abuur leh, isla markaana ka midho dhaliyay ganacsiga kala duwan, kana gaadhay in uu noqdo maalqabeen derejo fiican ka jooga heerka dhaqaale ee dadka Soomaalida, waxaanan ka xusi karaa intii aannu wada shaqaynaynay waa shakhsi ma daale ah xaga shaqada, waxaan xasuustaa qancinta iyo ilaalinta macmiishiisa sida uu ku ahaa, hadii qof 100 Dollar loo soo diray oo khidmada laga uu ka qaatayna tahay shan Dollar, oo ay macmiilka ka khaldanto lacagtii, muu eegi jirin faa’iidada uu ka helayo ee waxaa laga yaabaa in uu 100 Dollar oo kale ku kharash gareeyo sidii uu u sixi lahaa macmiilkana u qancin lahaa isaga oo wax faa’iido ah ka helin.

 

waxaanan aaminsanahay inay muhiim tahay in qofku soo maro jaranjarada shaqada oo aannu xagga sare kaga soo boodin, taasina waxay baraysaa hannaanka wada shaqaynta bulshada (Team work) Sidaa darteed, qofkii Rabbi ugu deeqo, xilka iyo derajadu heer kasta oo ay yihiinba, waxaa muhiim ah inuu ogaado madaxnimada inay ka horrayso in aad ogolaato in madax- laguu noqdo. “Qofka madaxda ah waxaa lagu qiyaasaa sida uu ula macaamilo ee u qiimeeyo dadka ka hooseeya ee laguma qiyaaso sida uu ula macaamilo dadka ka sareeya”

 

Cutubka12aad: Sallaankii Siyaasadda

 

Komishankii Doorashooyinka Qaranka waxaan ka mid noqday bishii April 2007. Ujeeddada ugu muhiimsan ee aan u galay Komishanka Qaranka waxay ahayd, waxaan aad u xiisaynayey inaan beddelo jihadii iyo qaabkii ay noloshaydu u habaysnayd.

 

Waxaan go’aansaday inaan ka wareego nidaamkii aan ilaa wakhtigaa u shaqaynayey ee shirkadaha khaaska ah iyo inaan anigu is dhiso, wax-barto, shaqaysto isla markaana aan ku koobnaado horumarrinta naftayda iyo ta qoyskayga oo keliya. Waxaan u xadhko xidhay inaan u wareego xagga maamulka hay’adaha dawladda aniga oo aaminsanaa in aan dadkayga iyo dalkaygaba wax ku tari karo, isla markaana aan ku soo bandhigi karo kartidayda, aqoontayda iyo awoodaydaba.

 

Dabcan, marnaba igamay madhnayn damaca, himilada iyo hanka ah inaan wax noqdo ama aan higsado meel qalbigayga ku jirta oo aan doonayo inaan maalin maalmaha ka mid ah gaadho! Hal ku dhigyada aan aadka u jecelahay ee ku celceliyo ayay ahaan jirtay tuducyadan Hadraawi: (Marka aad nin himilada, hilin toosan mariyoo, hir markii la gaadhaba, mid labaad hilaadshoo, haga maatidiisoo, la higsado dhashaa baa, Hooyo lagu xasuustaa).

 

Komishinka waxaa iiga soo bidhaantay fursad aan Sallaanka Siyaasadda ka kori karo, isla markaana aan cagta ku saari lahaa hilinkii maamulka hay’adaha dawladda oo aan uga sii gudbo hoggaaminta iyo siyaasadda.

 

Markii ay igu dhalatay inaan ka mid noqdo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii aan u xaqiijin lahaa ee aan fikirkaygii ugu beddeli lahaa ficil, waxaan fikraddii ula tagay oo aan ka talo-galiyey rag aannu ahayn saaxiibbo aad isugu dhow oo talo-wadaag aannu lahayn.

 

Go’aankii aan qaatay iyo dareenkii igu jiray xagga siyaasadda wuxuu ku soo beegmay xaalad kala guur ah oo xilligaa curatay. Waxay ahayd markii madaxweynihii hore Mudane Daahir Riyaale Kaahin uu kala diray Komishankii ugu horreeyey ee Doorashooyinka Qaranka.

Marxaladdaa cusub ee la galay, waxay sii kobcisay oo ay igu dhiirri-gelisay dareenkii iyo damacii igu jiray ee ahaa inaan ku biiro Komishankii Doorashooyinka Qaranka, madaama ay dufcaddii hore ee Komishanku meesha ka baxeen, aniga oo fursaddaa ka faa’iidaysanaya waxaan markiiba abbaaray xisbiga KULMIYE oo aan taageeri jirey siyaasaddiisa.

 

Ka dibna waxaan abaabulay koox saaxiibbaday ah, waxaanan u soo bandhigay fikirkaygii, waxaanan ku idhi. Nimanyohow waxaan doonayaa inaan galo Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo aan qabto Xubinta

 

Xisbiga Kulmiye ku yeelan doono Komishanka. Aqoontii iyo kartidii aan xilkaa ku gudan lahaana waan leeyahay, sidaa darteed waxaan saaxiibbayaal idinka codsanayaa inaad himiladaydaa igu taageertaan.

 

Raggii aannu saaxiibada ahayn badankoodu si mug iyo miisaanba leh ayay fikirkayga u soo dhoweeyeen waxayna balanqaadeen inay ila ololeeyaan. Maalintii dambe, saaxiibbaday ayaannu israacnay annaga oo gurigiisa ku booqanay guddoomiyihii xisbiga Kulmiye ee berigaa mudane Axmed Silanyo oo aannu aqoon horena isku lahayn, ka dibna waxa aannu u soo ban-dhignay fikirkii aannu ku wada soconnay.

 

In kasta oo uu fikirkii la dhacay, haddana habeenkaa aannu booqashadu ugu tagnay nama aqbalin waxanan dareensanaa inuu waxoogaa naga gaws- qabsaday, Waqtigaa waxaa ka muuqatay in uu doonayo in uu ka dhigo xubinta Haweenay. Dabadeedna waxaan bilaabay inaan galo olole culus, waxaanan fadhiga ka soo kiciyey rag badan oo haldoor ah, xagga odaygana miisaan ku leh si ay arrinta iila riixaan.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, ugu dambayntii waxaan ku guulaystay in guddoomiyihii xisbigu uu ku qanco in aniga la ii magacaabo xubintii Komishanka ee Xisbiga Kulmiye. Run ahaantii waxaanan marnaba illaawi karayn taageeradii ay i siiyeen saaxiibbaday oo rag badan ahaa, gaar ahaan kaalintii uu ku lahaa in aan xilkaa helo nin la yidhaa Jaamac Oday (ninkaas oo markii dambe aannu siyaasadda ku kala leexannay).

 

Sidoo kale, waxa iyaguna jiray rag badan oo siyaasiin ah oo hal-door ah iyo dhallinyaro badan oo fikirkayga taageeray aadna iila riixay sidii aan xilkaa u heli lahaa, kuwaasoo magacyadooda aanan halkan ku soo koobi karayn, isla markaana aan jecelahay inaan halkan uga mahad-naqo.

 

Waxa kale oo aan jecelahay inaan si gaar ah u xuso nin dhallinyaro ah oo la yidhaahdo Cali-Bikolo oo isaguna tartan ugu jiray jagada Komishanka kaas oo dabaday guddoomiyaha u tagay, laakiin uu Axmed Silanyo dhallinyaradii ku yidhi “anigu Xirsi baan ku qancay, laakiinse bal idinku labadaa nin soo kala reeba”.

 

Kaddibna aniga iyo saaxiibbaday ayaa Cali-Bikolo si gaar ula kulanay, waxa aannu u soo jeedinnay inuu xilkaa Komishanka iiga hadho, Nasiib wanaag wuu naga aqbalay inuu iiga tanaasulo, dabadeedna labadayadii oo wada soconna oo isu waafaqsan ayaa guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye u wada tagnay, sidii buu guddoomiyuhu xilkii iigu magacaabay.

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) waa hay’ad Dawladeed oo distoori ah oo hawlaheeda ugu muhiimsani ay yihiin inay maamusho, isu- dubbariddo, dhexdhexaadiso, ka garsoorto, isla markaana ay ku dhawaaqdo natiijooyinka ka soo baxa doorashooyinka.

 

Haddaba, sababaha ugu muhiimsan ee aan u cugtay inaan ka mid noqdo KDQ iyo ujeeddooyinka aan ka lahaa waxay ahaayeen:

 

ü  In aan dalkayga iyo dadkayga u qabto shaqo muhiim ah, taas oo ii suurto- gelin karta inaan ku soo baxo taariikhdana ii geli karta, isla markaana aan ku muujin karo kartidayda iyo awooddayda qof ahaaneed.

 

ü  In aan tijaabiyo awoodda iyo kartida aan kaga midho-dhalin karo isla markaana aan guul ka gaadhi karo shaqo kale oo masuuliyad ahaan iyo culays ahaanba ka duwan tii aan hore u qaban jiray.

 

ü  Komishanka Doorashooyinka Qaranku maadaama uu yahay hay’adda laga rabo inay madaxweynaha markaa kursiga ku fadhiya ku tidhaa, marka laga helo: “Mudane madaxweyne doorashadii waa lagaa helay!!” Kii aan kursiga ku fadhiyina ay ku tidhaa: “Mudane, adigaa doorashadii helay ee kursigan ku fadhiiso!!”; KDQ waxaan u arkayey meel aan ku tijaabin karo ama aan ku soo ban-dhigi karo hoggaamintayda, maamulkayga, dhexdhexaadnimadayda, go’aan qaadashadayda, dhiirranaantayda iyo inaan si aan eex lahayn uga garsoori karo Caddaaladda iyo wixii aan u arko inay Xaq tahay.

ü  Komishanka Doorashooyinka Qaranku maadaama uu yahay hay’ad qaran oo sharci ah oo ka shaqaysa siyaasadda una shaqaysa siyaasiin, una garnaqaysa siyaasiin; KDQ waxaan u arkayey gole aan guud ahaanba ku fahmi karo oo aan ku baran karo jilayaasha siyaasadda ee uu ka soo bixi doono hoggaamiyihii qaranka, taasina ay ii fududayn doonto in aan la jaan-qaado siyaasadda si aan mustaqbalka isugu diyaariyo hoggaaminta bulshada iyo qarankayga.

 

Xubnihii cusbaa ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka waxaa la soo xulay intii u dhaxaysay Feb-Aug 2007; laakiin, xilligii loogu tala-galay in Komishanka cusub lagu ansixiyo waxa waqtigii ka riday muran u dhexeeyey xukuumaddii talada haysay iyo xisbiga Kulmiye, kaddib markii ay golaha Wakiilladu dib u celiyeen labo xubnood oo ka mid ahaa saddexdii xubnood ee uu madaxweyne Daahir Riyaale soo magacaabay. Taasina waxay sababtay inuu dib u dhaco waqtigii loogu tala-galay in maxkamaddu na dhaariso dabadeedna aannu si rasmi ah shaqada ula wareegno. Arrintu si kastaba ha ahaatee, xubnihii ay wakiilladu ansixin waayeen madaxweyne Daahir Riyaale wuu soo beddelay dabadeedna wuxuu u gudbiyey golaha wakiillada si ay u ansixiyaan xubnihii Komishanka. Waxa xusid mudan, in aqlabiyaddii golaha wakiillada ee berigaa ay haysteen labadii xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID; waxaana si weyn looga sii saadaalinayey in ansixinta xubnihii cusbaa ee Komishanka ay ka dhici doonto hirdan xoog leh iyo is-muquunin

 

siyaasadeed. Xubnihii cusbaa ee Komishinka Doorashooyinka waxa la ansixiyay intii u dhaxaysay Jun-Aug 2007. Siduu sharcigu dhigayo, xubin kasta oo ka mid ah Komishanku waxay ku ansaxaysay markay u codeeyaan (41+1 mudane). Markaan dib u yara jalleeco ansixintaydii, anigu waxaan ku baasay cod badan, waxaana ii codeeyey 54 mudane oo ka mid ahaa xubnihii golaha wakiillada ee fadhigii maalintaa ka soo qayb galay. Ugu dambayntii, 7-dii xubnood ee ka koobnaa Komishanku waxaa la dhaariyay taariikhdu markay ahayd 08-Aug-2007; Shaqadayadiina waxa aannu bilawnay 09-Aug- 2007.

 

Waxa xusid mudan in xubnihii uu ka koobnaa Komishankii Doorashooyinka Qaranku ay tiro ahaan xagga xukuumadda u badnaayeen (3 ka mid 7-da xubnood ee K.D.Q madaxweynaha ayaa soo xulayay). Waxa kale oo iyana jirtay xurguf siyaasadeed oo kulul oo u dhaxaysay muxaafidka iyo mucaaridka. Iyadoo ay sidaa tahay oo arrimuhu aanay fududayn, haddana qaddarka iyo gar-gaarka Allah iyo dedaal culus oo aan sameeyey waxaan ku guulaystay inaan noqdo guddoomiye ku-xigeenkii K.D.Q. Xilkaa iyo masuuliyaddaa aan Komishanka ka qabtay waxay ii siyaadisay kalsooni iyo dhiirranaan aan ku gudan karo waajibaadkaygii shaqo, in kastoo ay mar walba i hor yaalleen wer-werkii iyo walaacii aan ka qabay xubnihii igu wehelinayey Komishanka.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, magacaabistaydii waxay ku soo beegantay xaalad kala guur ah oo xilligaa taagnayd, waxana jiray caqabado adag oo i hor yaallay kuwaasoo u baahnaa inaan si dhab ah oo xil-kasnimo leh u waajaho. Caqabadahii xilligaa aniga ii muuqday waxa ka mid ahaa:

 

  1. Waa markii iigu horraysay ee aan qabto masuuliyad qaran iyo xil ummadda oo dhan u dhexeeya, kaasoo sharcigu qaranku uu igu qasbayey inaan u noqdo siidhiwale ama garsoore si cadliya u dhex-dhexaadiya.

 

  1. Wuxuu ahaa xilli ay sii dhammaanaysay muddo-xileedkii xukuumaddii talada haysay ee madaxweyne Daahir Riyaale. Xaaladda iyo jawiga siyaasadeed ee xilligaa dalka ka jiray waxay ahaayeen kuwo aad u kulul oo sii xoogeeyey loollankii iyo hirdankii siyaasadeed ee u dhexeeyey Xisbiyadii siyaasadda ee dalka ka jiray.

 

  1. Waxa dalka berigaa ka jiray xisbiyo mucaarid KULMIYE iyo UCID oo aad u awood badnaa, kuwaasoo weliba haystay aqlabiyaddii kuraasta golaha wakiillada (49/82). weliba waxa aad u sii dar-dar iyo awoodba badnaa Xisbiga Kulmiye.

 

Haddaba, xaaladda iyo jawiga siyaasadeed ee xilligaa dalka ka jiray waxay ahaayeen kuwo lahaa muuqaalka kor ku xusan, kaasoo aad u kakanaa. Wax ka qabashadooduna waxay u baahnayd in daraasaad badan oo qoto dheer

 

lagu sameeyo isla markaana si deggen loo waajaho oo si dhex-dhexaad ah loo dhex galo. Xubnihii cusbaa ee loo magacaabay Komishanka Qaranka ee aan ka midka ahaa, dabcan ma jirin iskuul aannu ka soo baxnay oo lagu barto Komishannimada, waxa aannu ku soconnayna waxay ahayd waayo- aragnimada iyo maan-kaaga la kaasho, iyo in aannu la qabsanno kolba wixii ay noloshu na barto (trial and error). Xubnihii Komishanka waxa hor yaallay hawl aad u culus, xilka iyo masuuliyadda saarraana waxay ahayd inay dhex- dhexaad u noqdaan dhinacyadii ku loollamayey siyaasadda iyo talada dalka, kuwaasoo kala ahaa:

 

  1. Xukuumaddii talada haysay ee madaxweyne Daahir Riyaale oo ka koobnayd kudlad adag oo isku xidhan oo wasiirro ah iyo xisbi xaakimkii UDUB. Xukuumaddaasi waxay aad xariif ugu ahayd dib-u-dhigista doorashada, waxayna doonaysay inay kursiga ku sii fadhido!!

 

  1. Dhinaca kalena waxay ahaayeen labadii xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID oo run ahaantii aad u awood badnaa oo weliba kaashanayey awood kale oo distoori ah, maadama marka labadoodu la isu daro ay haysteen aqlabiyaddii kuraasida golaha wakiillada.

 

  1. Ururradii Siyaasadda ee waqtigaa dalka lagaga dhawaaqay waxa ugu dar- dar badnaa urur siyasadedkii QARAN oo ku doodayey in la furo ururrada siyaasadda isla markaana xukuumadda ka dalbaday in ururkooda loo diwaangeliyo. Xilligaa isaga ah, ma jirin ama may dhammays tirnayn shuruucdii oggolaanayey furitaanka ururrada siyaasadda. Xukuumaddii Daahir Riyaale ayaa xidhxidhay madaxdii ugu sarraysay ee urur siyasadedkii QARAN taasina waxay sii kordhisay muruggii siyaasadeed ee dalka ka jiray.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, Komishanka waxa lagu magacaabay nidaam iyo shuruuc, sababta ugu muhiimsan ee loo magacaabayna waxay ahayd inay si hab-sami leh oo xilkasnimo leh isugu dubbaridaan waxna uga qabtaan masuuliyadihii uu sharcigu ku waajibiyey. Komishinku wuu cusbaa waxana sugayay hawlo aad u waawayn, jawigii siyaasadda ee xilligaasina waxa ka jiray is-maandhaaf iyo khilaaf ba’an oo u dhaxeeyey golaha wakiillada oo mucaaradku hoggaaminayay iyo golaha fulinta ee xukuumadda oo uu madaxweynuhu hoggaanka u hayay. Sidoo kale, xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye iyo xukuumadda waxa ka dhex jiray muran siyaasadeed ku sii xoogeystey xulista iyo ansixinta xubnihii Komishinka taasina waxay keentay kala fogaansho iyo murug siyaasadeed oo hor leh. Hadal iyo dhammaantii, hawlahii baaxadda lahaa ee K.D.Q sugayeyna waxa ka mid ahaa:

 

1)             Diiwaangelinta Codbixiyayaasha (Voters Registration).

2)             Doorashada Dawladaha Hoose (Local Council Election).

 

3)             Doorashada Madaxtooyada (Presidential Election).

4)             Ururro Siyaasadeed oo jiray (Political Association).

 

Isla markii nala dhaariyay, Komishanka waxa u bilaabmay tababar iyo aqoon korodhsi (training) aannu ugu anbabaxnay magaalo madaxda dalka Ethoipia ee Addis-Ababa. Aqoon-korodhsigaa waxa soo qabanqaabisay hay’ad la shaqayn jirtay Komishinka oo la odhan jiray Interpeace, waxaana maalgeliyay safaarada Ingiriiska ee Addisababa. Aqoon korodhsigan waxaa Komishinka kala qayb galay hawlwadeeno iyo masuuliyiin ka kala socday:

 

  • Interpeace (Technical Assistant Institution of NEC)
  • IRI (International Republican Institute)
  • Donor Steering Committee. (DSC)

 

Gebgebadii iyo xidhitaankii aqoonkorodhsiga, Safaaradda Ingiriisku ee Addisababa waxay qabanqaabisay xaflad ballaadhan oo ka dhacday safaarada gudaheeda oo Komishinkana lagu marti qaaday isla markaana ay kala soo qayb galeen Safaarado iyo dublamaasiyiin ka kala socday waddamada. EU Commission, Norway, Sweden, Holland, Spain, Greece iyo Poland. Komishinka, Interpeace iyo IRI oo wada socdaa waxay waddamadaa ka codsadeen inay Jamhuuriyadda Somaliland ka caawiyaan hannaanka dimuquraadiyadda.

 

Markii aannu shaqada la wareegnay Su’aashii ugu muhiimsanayd ee na hortaallay loona baahnaa in jawaab loo helo waxay ahayd: Hawlahan ina horyaalla sidee baynu u kala horraysiinaa?

 

  1. a) Ma diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ayaynu horraysiinaa?
  2. b) Ma Doorashada Madaxtooyada ayaynu horraysiinaa?
  3. c) Mise Doorashada Dawladaha Hoose ayaa horraynaysa?

 

Waxa aannu bilownay in aannu kulamo wada-tashi la yeelanno saddexdii xisbi qaran ee dalka ka jiray (UDUB, UCID iyo KULMIYE) si loo heli karo heshiis qaran oo ku wajahan qaabka iyo wakhtiga la bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka iyo sidoo kale midka soo horraynaya? (doorashooyin mise diwaangelin?!). Dhinaca kale, wakhtigii Doorashada Dawladaha Hoose iyo tii Madaxtooyada aad buu cidhiidhi u ahaa, sidoo kale waxa iyana jirtay Diwaangelintii Codbixiyeyaasha oo uu sharci ku waajibinayay Komishinka inay fuliyaan. Si kastaba ha ahaatee Komishanku waxay u baahnaayeen inay wakhti badan ku bixiyaan sidii loo samayn lahaa wax heshiis lagu yahay oo komishinku ku dhaqaaqo, maadaama ay xisbiyadu kala taagnaayeen mawqifyo aad u kala fod. Tusaale ahaan:

 

UCID : Waxaa ka go’nayd in Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha la horraysiiyo ka dibna doorashada la galo, waxaana ka muuqatay inay aaminsan yihiin in

 

Diiwaangelinta lagu dhammayn karo muddo kooban. UCID waxay jeclaysanayeen in labada doorasho ta madaxtooyada la horraysiiyo, ta Dawladaha Hoosena wakhti badan dib loo dhigo. Waxaanay mararka qaarkood ku hanjabeen in UCID aanay doorasho galayn hadii aan marka hore la qaban Diiwaangelinta.

 

UDUB: Waxay jeclaysanayeen in labada doorashoba dib loo dhigo lana galo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, waxaana ka muuqatay in Diiwaangelinta xoogga saarayaan, sidoo kale waxay ku adkaysanayeen in labada doorasho  ay sidoodii u kala horreeyaan oo marka hore la galo tan Dawladaha Hoose ka dibna la galo ta Madaxtooyada.

 

KULMIYE: Xisbigii KULMIYE wuxuu ku doodayey in qabashada Doorashooyinku ay tahay muhimadda koowaad ee uu qarankani leeyahay, laakiin diwaangelintu aanay ahayn ujeeddada ugu muhiimsan balse ay tahay jidkii iyo farsamadii lagu xaqiijin lahaa doorashooyinka. KULMIYE waxaa ka go’nayd in la galo doorashada madaxtooyada, Diiwaangelinta iyo Doorashada Dawladaha Hoosana dib loo dhigo. Sidoo kale waxay u arkayeen in diwaangelintu ay wakhti badan u baahan tahay oo ay doorashadu ka muhiimsan tahay.

 

Ururrada Siyaasadda, Waxay ahayd 05|04|2007 markii magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay Urur siyaasadeed la magac baxay Qaran oo ay hoggaaminayaan siyaasiyiin caan ahaa oo dalka joogay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Dr Gaboose iyo Maxamed Xaashi. Waxay ahayd mushkulad mar nala dhalatay iyo culays weyn oo annaga oo curdin ah nagu soo korodhay, waxa aannu ahayn hay’ad ka shaqaysa dimuquraadiyada markaa maanu taageeri karayn in la cabudhiyo, isla markaana sharcigu nooma saamaxayn in aannu u shaqayno, oo shaqadayadu waxay ku koobnayd qabashada doorashada iyo seddexda xisbi ee ururrada ka soo gudba.

 

KOMISHINKA: Waxaa naga guuxayay in aannu doorasho qabanno balse waxaa jiray faham odhanayey in lacagtii diiwaangelinta gacanta lagu hayo sidoo kale in Beesha Caalamku ay doonayaan in diwaangelin la qabto oo doorashada laga horraysiiyo, balse may jirin cid nagu khasabtay ama culays nagu saartay inaan qabanno diiwaangelinta oo aan ahayn xeerka diiwaangelinta iyo baahida loo qabo doorasho xor iyo xalaal oo qof waliba uu hal                                                   cod                                                               bixiyo.

 

Labadii xisbi ee UDUB iyo UCID ayaa isku raacay oo ku adkaystay in Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha la soo horraysiiyo. Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxa aannu in muddo ah wadnay in aannu dhinac walba dhinacooda ula xaajoono si loo heli karo heshiis iyo is-faham lagu wada qanacsan yahay.

 

Komishinku waxay bilaabeen shirar is-daba joog ah oo ay la gelayaan xisbiyada qaranka si loo gaadho heshiis qaran oo ku wajahan Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka. Waxaa la isku waafaqay in Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha la soo horraysiiyo, isla markaana la sameeyo jaan-gooyo- waqti (time frame) taas oo ay ku qeexan tahay waqtiga ay hawl-waliba ku qabsoomayso iyo sida loo soo kala horraysiinayo: In Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha la horraysiiyo lana dhameeyo 10-ka Juun 2008. In Doorashada Dawladaha Hoose la galo 1-da July 2008. In Doorashada Madaxtooyada               la               galo               31-ka               Aug                                          2008.

 

Diiwaangelinta Codbixiyayaashu waa shay ay. Somaliland u baahnayd, si ay suurtogal u noqon karto inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo qaf kastaa uu codkiisa hal mar uu dhiibto, isla markaana lagaga hor tegi karo in waraaqaha codaynta geed hoostii lala fadhiisto oo lagu soo shubto ama uu qofku codka ku noqnoqdo mar badan.

 

Diiwaangelinta waxaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka ku waajibinayay xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee xeer Lr 37/2007 Qodobka 3aad; kaasoo odhanaya: “Komishanka Doorashooyinka Qaranku isagoo la kaashanaaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa uu dalka Somaliland ka dhaqangelin doonaa hawsha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.” Waxaa kaloo Diwaangelintu waajibinayey heshiis dhex maray Komishinka iyo saddexda xisbi qaran 12 Oct 2007.

 

Habeen ka mid ah wakhtigii aan ku hawlanayn diwaan gelinta ayaa waxaa ii yimi nin la yidhaahdo Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ah xisbigii UDUB ee talada hayey, waxa aannu ii sheegay in madaxweyne Riyaale i doonayo oo uu iisoo diray, jawiga siyaasadeed ee aan soo sheegay iima saamaxayn, waxaa ii soo magacaabay Kulmiye oo la ii tirinayaa xaggiisa, dabcan waxaan ku khasbanaa in aan ilaaliyo dhexdhexaadnimada, marka horena waxaa iska badnaa tuhunka in dawladdu faraha kula jirto inta badan ee xubnaha Komoshinka, iyadoo intaasi jiraan haddana madaxweynihii qaranka oo ii yeedhay, markii aan rogrogay waxay illa noqotay in aan u tago, ninkii ayaannu is raacnay waxa aannu u tagnay madaxweynihii oo fadhiga sare ee madaxtooyada nagu sugaya, wuxuu noo qaabilay si diiran, salaan iyo soo dhaweyn ka dib cabaar ayaannu sheekaysannay, nuxurkii kulanku wuxuu u badnaa xodxodaysho siyaasadeed, wuxuuna yidhi “Waxaad tahay nin firfircoon oo ka dhex muuqda xubnihii Komishinka markaa waxaan doonayaa in aynu wada shaqayno oo aad ila shaqayso” anigoo madaxweynaha ixtiraam u muujinaya isla markaana ilaashanaya shaqadaydii dhexdhexaadka ahayd iyo masuuliyadda i saaran waxaan ku idhi “Madaxweyne sida aad ogtahay shaqo waan haystey oo shirkaddaha dalka ugu waaweyn mid ka mid ah ayaan ka shaqayn jiray balse waxaan doonayaa in aan dhiso mustaqbalkayga waxaanan higsanayaa kursigaa aad ku fadhido, markaa waxaa kuu balanqaadayaa in aan dhex idiin ahaado adiga iyo musharixiinta mucaaradka Silanyo iyo Faysal”

 

Komishinka waxaa ka go’nayd diyaarinta miisaaniyadda iyo baadi- doonkeeda oo u baahnayd in loo bandhigo waddamada Somaliland ka caawiya doorashooyinka, Komshinka waxay talo la yeeshay sharciyaqaano muwaadiniin ah iyo kuwo shisheeye ah iyo khabiiro hore uga soo shaqeeyay doorashooyinkii hore. Waxayna dhammaantoodba sheegeen si looga hortago muran iyo is-maandhaaf sharci oo yimaadda, in loo baahanyahay in la gaadho hashiis qaran oo loo wada dhanyahay.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, ka hor intii aan la saxeexin heshiishkii, Xisbiyada Mucaaradku waxay muujiyeen werwer ay qabaan oo ku wajahan Golaha Guurtida iyo in laga keeno dammaanad qaad in aanay wakhti kale u kordhinayn madaxweynaha. Sidoo kale, xisbiyada mucaaradka waxaa shuruudahooda ka mid ahaa in madaxweynaha ama madaxweyne ku xigeenku uu midkood heshiiska wax ka saxeexo. Komshinku waxay kulamo la yeesheen shir-guddoonka iyo guddida joogtada ah ee golaha Guurtida, waxayna ka codsadeen inay ixtiraamaan wixii arrin ah ama wakhti ah ee ay xisbiyada qaranka iyo Komishanku ku heshiiyaan. Guddida joogtada ah ee golaha Guurtidu way ballan qaadeen inay ixtiraamayaan wixii lagu heshiiyo. Waxa iyana jirtay in shirgudoonkii Guurtida lagu casuumay inay yimaaddaan xafladda lagu sexeexayo heshiiskii xisbiyada si ay goob-joog uga noqdaan ugana caddeeyaan mawqifkooda ah inay ixtiraamayaan Heshiiskii ee dhex maraya xisbiyada qaranka iyo Komishinka Doorashooyinka. Balse nasiib darro kamay soo xaadirin xafladdii.

 

Komshinku waxay shirar googoos ah la yeesheen madaxweynaha, Shirgudoonka golaha wakiilada iyo Shirgudoonka golaha Guurtida waxaanay ujeedadu ahayd in ay Komishinku u gudbiyaan goleyaashii farriintii ay kala kulmeen Beesha Caalamka oo ay ka mid ahayd in xadhiga laga sii daayo siyaasiyiinta ururka Qaran, lana dhawro hannaanka dimuquraadiyadda si loo helo nabadgelyo iyo maamul wanaagsan. Sidoo kale waxay xubnaha Komishinku ku dedaalayeen in goleyaasha qaranka la isu soo dhaweeyo.

 

Intaa ka bacdi, dhinacyadii ay khusaysay ayaannu heshiiskii ka wada saxeexnay dabadeedna shaqadii baanu bilownay. Annagoo ku mashquulsan qorshihii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, ayaa mudo xileedkii madaxweynu dhamaaday, dabadeedna Goloihii Guurtida ayaa Xukuumaddii talada haysay u kordhiyey mudo sanad ah muddo-xileedkii, ka bacdina waxa halkaa ka soo baxay waqti ka badan kii doorashadu u baahnayd. xisbiyadii mucaaridka ayaa kordhintii Guurtida si weyn uga hor yimid oo aad u dhaleeceeyey. Komishan ahaana arrintaasi waxay nagu sii karisay jawigii siyaasadda ee markii horeba iska cakirnaa.

 

Waxay ahayd 19, March 2008 markii ay urur waddani ahi soo qaban qaabiyeen kulan siyaasadeed ay ku tilmaameen dood cilmiyeed khusaysa

 

dimuquraadiyada, waxaa loo yeedhay saddexda xisbi iyo maxakamada sare madaxdii urur-siyaasadeedkii Qaran iyo siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed kale oo badan, hadalku waa dheeraa laakiin waxa qaatay Dr Gaboose oo ahaa nin siyaasadda aad ugu fiiro badan, una qodqod badnaa ayaa wuxuu yidhi “Halkan waxa fadhiya guddidii cusbayd ee komishanka ma dhaarsana, dhaar kale ayaa lagu dhaariyay, markaa sidee ayay daacad u noqon karaan hadii aanay dhaartiiba daacad ka ahayn, waxaanan odhan lahaa komishanka dib ha loo dhaariyo”.

Komishinka Waxaa nalagu dhaariyey dhaarta Dastuurka ee nalaguma dhaarrin dhaarta Xeer-Lr.20. oo waa runtii in aan dhaarta xeerkan nalagu dhaarin, iyadoo jawiga siyaasadeed markii horeba kacsanaa gudi ahaana xaaladaydu ciirciirayso ayuu sii huriyay oo gaas ku shubay, Maadaama oo aan madasha fadhiyay, wixii ka khaldan gudiddani ama aan ku diiddanahay waa meesheeda laakiin waxaa dariiqaygu ahaa in aan difaaco hay’adii aan ka tirsanaa ee sharci darrada lagu tilmaamay.

Waxaanan ugu jawaabay “Annaga waa nala dhaariyay, waxaa na dhaariyay guddoomiyaha maxakamada sare, dhaarta nalagu dhaariyayna waata Dastuurka ku taalla, runtii annagu waannu cusbayn, laakiin waxaan qiraynaa in nala dhaariyay markaa kol hadii Walle iyo Bille nalagu dhaariyay waxaan leeyay Gaboosaw waxaad dib ugu noqotaa ujeeddada dhaarta, waa kalsooni, hadii laba Gaal oo is qabay ay Diinta Islaamka soo galaan ma waxa la odhanayaa dib isu mehersada? Maya, Islaamku wuu ka xishoodaa, oo diintoodii ayay isku qabaan, waxay ahayd arrintaa in aad nagala xishooto, balse berri hadaad noo timaaddo oo tidhaahdo inaad daacad ii noqonaysaan ii dhaarta waannu kuu dhaaranaynaa.”

Xilgudashada iyo kolba sida aad uga soo baxdo xilka iyo masuuliyadda aad hayso ayaa saldhig u ah kalsoonida iyo aaminaadda ay bulshadu kugu qabto. Xilkii iyo masuuliyaddii aan ka hayey Komishankii Doorashooyinka Qaranka; marka ay noqoto xagga shaqada iyo xil-gudashada, waxaan ahaa qof shaqada ku wanaagsan; aadna looga hadal-hayo, qaybaha bulshada rayidka ah, Qaadhaan-bixiyeyaasha, xisbiyada mucaaridka, iwm. Xataa xubnahii Komishanka igula jiray oo inta badan shaqadoodu ay iska gaabis ahayd, marka ay noqoto hawl-karnimada, abaabulka iyo fulinta shaqada, waxay si fiican u qirayeen in aan ahaa maskaxda iyo mishiinka kala waday hawsha.

 

Arrintaa waxaa si cad uga marag-kacay qoraal ay soo saareen xafiiska EU-da ee DSC Nairobi oo berigaa soo saaray qoraal ay aniga iyo nin la odhan jiray Ismaaciil si mug leh noogu bogaadinayaan hawl-karnimadaya iyo sidaanu xilkayaga uga soo baxno. Qoraalkaasi waxay EU-du ku qireen in aniga iyo Ismaciil aannu ahayn labada qof ee shaqada kala wada, waxayna cid walba ku boorriyeen in nala taageero, maadaama xubno badani oo Komishanka ahi ay gaabis ahaayeen.

 

Xubnihii Komishanka Qaranka ee la magacaabay, iyadoo ay na sugaysay hawshaa culus ee baaxadda lihi, haddana waxa xusid mudan oo aan

 

jecelahay inaan hoosta ka xarriiqo, in xubnihii cusbaa ee xilka naloo wada dhiibay ay badankoodu ahaayeen xubno aad u dabacsan (aqoon ahaan, karti ahaan iyo xagga go’aan qaadashaba) oo u muuqday inay xagga Xukuumaddii u jan-jeedheen. Xubnihii xilka igu wehelinayey badankoodu waxay ahaayeen xubno aanad marnaba ku raaxaysanayn wada-shaqayntooda.

 

Waxay ahayd 8, Sep 2007 marki annagoo wadna shirarkii aan xisbiyada aannu qaban jiray ee aannu ku doonaynay inay heshiis ka gaadhaan qaabka diiwaangelinta, sida doorashada loo kala horaysiinay iyo jedwelka doorashooyinka guud ahaan, markii ay maalin isla qaateen balse xisbi xaakimka ka yara caga jiidayo, ayaa Guddoomiyihii Komishinka Maxamed Yuusuf dibedda ula baxay telefoonkii gacanta (Mobile) ka dibna wuxuu nagu soo noqday isaga oo beddelan, wuu ila hadlay isaga oo gaar iila hadlaya waxa aannu ii sheegay, “Waxaa ila soo hadlay madaxweynihii oo arrintaa lagu heshiiyay wuu diiday, markaa arrintani socon mayso ee dib ayaynu ugu noqonayanaa” waan yaabay oo waxaan ku idhi “dee wixii haddii la isla gaadhay sidee uga noqonnaa, midda kale innagu miyaynaan dhex ahayn” guddoomiyihii mabuu qarin wuxuu yidhi arrintani soconmayso ee aan shir kale isugu nimaadno, isagoo weliba sheegay in madaxweynihii ay wada hadleen xisbiyadii mucaaradkuna aad ayay uga cadhoodeen.

 

Waxaa xaqiiqo ah in hibida bini-aadamka loogu deeqay ay ka mid tahay garashada lagu hilaadiyo mustaqbalka oo qofba Ilaahay in ka siiyey taas oo keenta saadaalinta waxa soo socda, waa waxa mararka qaar kood lagu tilmaamo indheer-garadnimo ama wax-fog arag, waanay dhacdaa in ay noqoto illhaam qofka loo nuuriyo ama Ilaah waafajiyo, sidii uu tilmaamay Nebi Maxamed markii uu sifaynayey Cumar Bin Khidaab “hadii ummaddayda wax lagu ilhaamiyo Cumar ayaa ka mid ah”?? iyadoo ay aqoonta iyo khibradduna xoojiyaan garashada noocan ah, waxaanay hilaadu qayb laxaad leh ka qaadataa maamulka iyo hoggaaminta, taas oo kor u qaadda qiimaha hoggaamiyaha nooc kasta oo uu yahay.

 

Maadaama oo aan muddo wada shaqaynaynay, waxaa ii muuqatay in komishinkii aan ka tirsanaa ay ku yarayd intooda badan daacadnimo, Karti, Hoggaaminta, ku-dhac, hal-adayg iyo ku-dhiirrasho ay ku gaadhaan go’aan adag oo xaq ah, go’aankaasoo dadka qaarna ka farxin kara, qaar kalena ka nixin kara. kooxdii aan ka tirsanaa may ahayn kuwii guusha iyo guul-darrada ka gar-naqi lahaa, ee ninna ku odhan lahaa waad guulaysatay, ka kalena ku odhan lahaa waa lagaa guulaystay si caddaaladda ah.

 

Waxaan aad uga werweraayay gudashada xilka aan hayo mar hadii saaxiibbaday kuwaa yihiin, waxaanan is waydiinayey mustaqbalka dalku muxuu noqon? mustaqbalkii xisbigii iyo taageerayaashii ku aaminay maxay noqon iyo mustaqbalkaagu muxuu noqon? anigoo maskaxda ku haya arrimahan aan soo xusay? waxaan qiimeeyey oo aan is hor dhigay saddex arrimood oo odhanaya:

 

1)  Nin dhallinyaro ah baad tahay shaqadan Komishankana adduunyo iyo hunguri umaad soo doonan, balse waxaad u soo doonatay inaad dalkaaga iyo dadkaaga u qabato shaqo muhiim ah oo taariikhda kuu gasha, isla markaana aad ku muujin karto kartida iyo awoodda qof ahaaneed. Haddaba haddii ay shaqadan K.D.Q ku sii socoto sidan ay hadda tahay, waxaad kala kulmi doontaa guul-darro taas oo aad ku sawirnaan doonto!!

 

2)  Muddadii aan hayey shaqadii Komishanka; waxaan dareensanaa dhacdo caam noqotay oo la xidhiidhay hawl-karnimadii iyo firfircoonidii aan muujiyey. Arrintaasi waxay ii samaysay in magacaygu uu aad u soo baxo, sumcad iyo kalsooni badanna aan ka helo bulsho-weynta, urrarada Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo xisbiyada mucaaridkaba. Haddaba, waxaan is idhi haddii aad iska sii dhex joogto xubnahan Komishanka oo iyaguna kolba waxay doonaan isku raacaan oo u codeeyaan, waxa ii soo baxday in kalsoonidii la i siiyey iyo sumcaddii ay bulsho-weyntu ii haysay ay halkaa ku banjari doonto.

 

3)  Arrinta saddexaad ee i hortaallay waxay ahayd; xisbigii mucaaridka ahaa ee i soo magacaabay, waxay isu geeyeen kalsooni qayrul-caadi ah oo ay igu qabeen, marka laga tago hadal haynta suuqa waxaa jirtay habeen aan booqday guddoomihaha Kulmiye ee Axmed Silanyo taas oo uu jawi aad u sarreeya igu soo dhoweeyay oo inta uu istaagay salaan diirranna igu salaamay ku tiraabay “We are very proud of you, waxaan akhriyey qoraalka ay kaa qoreen xafiiska EU-da Nairobi oo qiray kaalinta aad kaga jirto Komishinka iyo kalsoonida dunidu kugu qabto”

 

4)  Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsanaa ninka shaqada K.D.Q kala wadaa waa Xirsi oo waxba idinka xumaan maayaan. Guuldarro kasta oo Xisbiga ka soo gaadha shaqadii Komishankana waxaan noqon doonaa qofka ku sawiran, xagga Xisbiga Kulmiyena waxaan ka noqon doonaa nin khaa’in ah. Ka bacdina waxaan is barbar dhigay kalsoonidii iyo amaanaddii la iga qabay iyo xaaladdii, dareenkii iyo karti-darradii ku gedaannaa xubnihii

K.D.Q. ee aan ka tirsanaa!! Kaddibna waxaa ii soo baxay saadaal guuldarro oo aan ku sawiranahay! garashadaydii iyo damiirkaygiina waxay i siin waayeen in aan sii wado shaqadaa.

 

Dabadeedna waxaan go’aan ku gaadhay inaan shaqadii Komishanka ka tago. Inta aanan si rasmi ah isu casilin waxaan sii daayey war-saxaafadeed aan kaga warramayo xogta iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirtay K.D.Q iyo sida ay xukuumadda qaar ka mid ahi gacanta ugula jirto hawlihii Komishanka.

 

Maalintii dambe, waxaan goob joog ka ahaa khudbad uu Madaxweyne Daahir Rayaale ka hor jeediyey labada gole, khudbaddaana waxaan u fahmay inuu si adag ugu eedeeyey K.D.Q. isla markaana ugu hanjebay, Hadalladii uu Komishanka Qaranka ku durayey waxaa ka mid ahaa:

 

“Komiishanka Doorashooyinka Qaranka anoo marar badan oo hore idiin sheegay, waxaan idin leeyahay si mug leh u barta xeerarka tilmaamaya xil- gudashadiina oo kala ah Xeerka Doorashada Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada Xeer Lam, 20/2001 & Xeerka Diiwaan-gelinta Cod- bixiyayaasha ee Xeer Lam, 37/2007, la idiin kama fadhiyo in aad la timaaddaan aaraa iyo talooyin aan Xeerarka ku aroorin, ka baaqsashada aad ka baaqsataan waajibaadka ku cad labadaa Xeer, waxay idin geyeysiin doonaan xil gudasho la’aan. Waxaana waajib idinku ah in aad u raacdaan Xeerarkaas siday u kala horreeyaan, ogaadana in aad tihiin hay’ad fullineed ee aydaan aheyn hay’ad xeer dejineed”. Madaxweyne Rayaale Gebagebadii wuxuu hadalkiisii ku soo gunaanaday hadal duur-xul ah oo loo fahmi karayey in Komishinka Qaranka lagu hadidayo oo loogu hanjebayo “ciddii sharciga ku dhaqmi waydaa way saqiiri doontaa!!”

 

Eedayntii iyo dhaliishii uu madaxweyne Rayaale noo soo jeediyey waxay soo dedejisay go’aankaygii markii horeba ii sii qorshaysnaa, iyadoo aan go’aansaday meel magac-leh kaga tag, Waxaan soo diyaariyey qoraal dheer oo aan si qoto dheer u lafo-guray xaaladda Komishinka. Isla markii uu madaxweynuhu khudbaddiisii dhammeeyeyna waxaan qabtay shirjaraa’id, ka dibna waxaan akhriyey qoraalkii aan soo diyaariyey. Shirkaa jaraa’id waxaan ku faahfaahiyey oo aan si weyn ugu lafo-guray xogtii jirtay, waxaan aaminsanaa iyo sidaan wax u arkayeyba.

 

Shirkii jaraa’id iyo qoraalkaygii dheeraa ee xog-warranka ahaa xukuumaddii si weyn bay u taabtay aadna way uga gubatay, ka bacdina waxaa bilaabmay dirir iyo dagaal igu wajahan. Maalintii dambe ayaa la ii sheegay xubnihii looga yeedhay madaxtooyada, Komishankii ayaa shiray dabadeedna waxay igu war-galiyeen inay xilkii guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka iga qaadayaan.

 

Waxaan ku idhi waaban idinka tagayaa! Waxay ahayd 05, May 2008 markii aan si rasmi ah uga tegay shaqadii uguna dhawaaqay in aan iska casilay xilkii aan ka hayey iyo xubinnimadaydii Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

Ujeeddada ugu weyn ee aan shaqadii Komishanka u doontay waxay ahayd inaan dalkayga iyo dadkayga u qabto shaqo muhiim ah oo ii suurto-gelin karta inaan qof ahaan kaalin muhiima ka galo dalkayga, isla markaana aan ku muujin karo qofka aan ahay, Kaddib markii aan iska casilay xilkii iyo xubin- nimadii Komishankii Doorashooyinka Qaranka, qaybo badan oo bulshada ka mid ahi way taageereen, iigana garaabeen go’aankii aan qaatay.

 

Dhinaca kale, Xisbigii Kulmiye ee i magacaabay oo uu xilligaa guddoomiye ka ahaa Axmed Silaanyo, waxa qayb ahaan iga soo gaadhay dhaleecayn iyo eed culus oo dusha la iiga tuuray, maadaama ay go’aankaygii is-casilaadda  ah u arkayeen mid aan ku deg-degay oo aanan iyaga kala tashanin.

 

balse way igu adkayd inaan xisbigii i soo magacaabay aan la tashado, waayo dhowr jeer oo aan guddoomiyaha iyo madaxda kale oo xisbiga ah ku idhi: Waar nimanyohow waxaan ahay nin Komishan ah oo dhex ah, xisbigiinana kuma dhex milmi karo balse waxaan arkaa oo aan jecelahay inaan idiin sheego dhibta iyo carqaladaha Komishanka ka dhex jirta iyo mashaakilka halkaa ka soo socda! Laakiin la iima garaabin.

 

Dhinaca kale, waxaan ogaa siday ii aamineen, taladooda iyo go’aankooduna wuu iska caddaa waanan ogaa inay igu odhan doonaan: “Waar meeshaba adigaa kala wada oo indho iyo dhegoba u ahe ha ka tegin!!” Guddoomiyihii iyo madaxdii kale ee Xisbiga Kulmiye 90% way aaminsanaayeen in mushkiladaha aan sheegayey yihiin kuwo jira oo xaqiiqo ah. Sidoo kale, way ogaayeen in xubnihii komishanku ay aad u jilicsanaayeen iyo sida ay Xukuumaddu faraha ugula jirtay hawlaha Komishanka; balse hoggaankii Kulmiye waxay iska sii jeclaysanyeen inaan meesha sii joogo, waxayna mar walba igu boorrinayeen in aanan ka tegin!!

 

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Geesi Allah ma xilo”, go’aan qaadashada guushaada dambe ayay horseed u noqon kartaa. Anigu waxaan dareensanaa oo saadaalinayay; haddii aan xubnaha Komishanka wax laga beddelin, in aan halkaa wax wanaag ahi ka soo soconin. Hase yeeshee, xisbigii Kulmiye waannu ku kala aragti duwanayn. Balse go’aankii aan qaatay ee aan kaga tagay shaqadii Komishanka wuxuu ahaa go’aan aanan marnaba isku canaananin ama aanan ka qoomamoon.

 

Wuxuu ahaa go’aan si mug leh iigu bidhaamiyey oddoroska mustaqbalka. Waxaanan ku suntay “Anigu shaqadii ka tagay, xubinnimadii Komishankana waan banneeyey, wixii jirayna waan sheegay, balse taariikhda ayaa sheegi doonta!” Si kastaba ha ahaatee, sannad ka bacdi markii aan shaqada ka tagay, waxa soo shaac-baxday guul-darradii iyo fashilaadii xubnihii Komishanka. Iyadoo in badan qirtay in ay dhaceen wixii aan sii sheegay, sumcad iyo garowshiiyo baaxad leh oo aan ka helay bulsho-weynta.

 

Kaddib markii Diwaangelintii Codbixiyeyaasha ee aan berigaa qorshaheeda ka qayb qaatay ee wax ka dejiyey ay dhammaatay, ayaa muuqaalka rasmiga ah toddobadii xubnood ay soo baxday iyadoo Komishankii lagu eedeeyey xil- gudasho-la’aan. Hadday yihiin labadii xisbi mucaarid, xisbigii dawladda, Qaadhaan-bixiyeyaasha, Interpeace; waxay dhamaantoodba ay isu waafaqeen in xubnihii K.D.Q ay gebi ahaanba fashilmeen, kaddibna waxay go’aan ku gaadheen in xubnihii K.D.Q xilka laga qaado, dhammaantoodba  lagu khasbay inay is-casilaan.

 

Xisbiyadii qaranka, xukuumaddii, goleyaashii qaranka, Qaadhaan- bixiyeyaasha iyo bulshadii rayidka ahaydba waxa u soo hoyatay guul-darro weyn, kaddib markii hawshii inta badan laga soo shaqaynayey ee muruq iyo maalba loo huray ay noqotay hal bacaad lagu lisay. Markay guul-darradaasi dhacday, waxay dani noqotay in dib loo yagleelo oo la qoro xubno cusub oo

K.D.Q. ah.

 

Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranku xil-gudasho la’aantii ay la yimaaddeen, waxay ahayd guul-darro iyo fashilaad weyn oo Qaranka ku habsatay, taas oo cid walba ku lahayd saamaynteeda. Guul-darradaasi si gaar ah ayay ii taabanaysay waxayna igu lahayd saamayn TABAN iyo mid TOGAN labadaba!! Guuldarro kasta iyo hantaaqo kasta oo qaranka, dadka iyo dalkaba soo gaadha (ciddii doontaaba masuuliyaddeeda ha lahaatee), dabcan way i soo gaadhay waxayna igu leedahay saamayn TABAN. Laakiin, marka dhinac kale laga eego; waxay markii dambe ii noqotay markhaati iyo saadaashii aan hore u sheegay oo rumawday.

 

Markay dhaceen wixii aan sheegayey ee aan ummadda uga sii digayay, ayay dabadeed GUUSHAYDII timid. Dadkii aan u sheegay in hawlihii Komishanka Qaranku ay faashil ku socdaan ayaa ii garaabay, bulshadiina siday u dhammayd way ii soo noqotay, AHN Gaarriye wuxuu yidhi “Ninka ugu ildheer baa dadka ugu ayaandaran”.

 

 

 

Cutubka 13aad: Dhallinyarannimada iyo Cidhiidhiga Siyaasadda

 

Siyaasaddu waa badweyn, aad baanay u waayo badan tahay. Qof walbana maalin uun buu jaranjarada cagta saaraa. Markii aan go’aansaday inaan siyaasadda hungureeyo, Waxaa igu gadaannaa waayahayga ii gaar ah iyo wacyiga guud ee dhallinyarada ka haysta siyaasadda. Dabcan waan dareensanaa inay i sugayaan ama ay iga horreeyaan caqabado iyo cidhiidhi bulsho oo salka ku haya dhaqan iyo caadooyin soo jireen ah oo lagaga dhaqmo carriga Somaliland.

 

Mandaqaddan Geeska Afrika ma jirto qaab iyo hannaan lagu layliyo ama lagu diyaariyo siyaasiga iyo hoggaamiyaha soo koraya. Sidoo kalena ma jiro ama way yar tahay dugsi iyo duruus lagu barto mihnadda siyaasadda iyo hoggaaminta, waad helaysaa meel lagu dhigo cilmiga siyaasadda ama hoggaaminta balse xaqiiqada siyaasadda ee suuqa taallaa way ka duwan tahay inta buugta laga akhriyo, Afrikina waxay leedahay duruuf u gaar ah.

 

Dalalka dunida ee hore u maray, marka la dareemo ama la arko hibada iyo himilada mustaqbal ee uu leeyahay qofka da’da yari, bilowgaba waa la dooraa waxana loo sii diyaariyaa meeshii iyo mihnaddii uu ku habboonaa. Laakiin dalkeenna ma jiraan fursadahaasi.

Taasina waxay yaraysay in laga faa’iidaysto awoodda dhallinyarada. Waxaana yar inta hesha fursad ay uga faa’iidayeen dadkooda iyo dalkooda. Waxaanan ku suntayaa odhaahdan aan ka soo xigtay, maqaal caan noqday oo la magac baxay From Somaliland to Harvard ku soo baxay Sep 12, 2015 Jariidadda The Newyork Times, kaas oo ay ka qortay wiil ka soo baxay dugsi ku yaalla Somaliland oo imtixaan u galay kuna guulaystay Jaamcadda Harvard: “Talents is universal but oppurtunity is not” (Hibadu waa rabbnaani, balse fursaduhu ma aha)

 

Culayskan dhallinyarada ka saaran siyaasadda waxaa haga ama hoggaamiya aragti iyo dareen bulsho oo ku sar-go’an aqbalaad la’aanta dhallinyarada. Qof kasta oo dhallinyaro ah oo siyaasadda hungureeya ama doonaya inuu soo ban-dhigo hankiisa iyo hadafkiisa siyaasiga ah, waxaa horyaalla fikir iyo muuqaal laga bixiyo da’yarta iyo dhallinyarada, kaas oo aan sinaba ugu adeegayn ama aan u dhiirri-galinayn in dhallinyaradu ay fursad u helaan xaqiijinta himilooyinkooda siyaasiga ah.

 

Aragtida iyo fikirka guud ahaanba laga haysto dhallinyarada waxaa saldhig u ah odhaah tidhaahda: “Nin yari intuu geed ka booduu talo ka boodaa!!” Taas oo macnaheedu yahay in dhallinyaradu aanay weli u bislayn inay qaadaan xil iyo masuuliyad bulsho, maadaama taladooda iyo go’aan qaadashadooduba aanay weli taam ahayn! Dabcan, waa xaqiiqo jirta in qofka dhallinyarada ahi uu weli u baahan yahay in ay korto khibraddiisu iyo waayo aragnimadiisa ama uu casharo ka baranayo sooyaalka nolosha. Waana hubaal in dhallinyarada ay xamaasaddu ku badan tahay. Laakiin, dhallinyaranimada

 

iyo da’yaraantu, ma noqon karaan dhalliil iyo nusqaan waxaana jira odhaah xikmadeed ka soo horjeedda tii hore oo tidhaah “Waayeel ha gurina, ee wax- yaqaan gura”.

 

Waxa kale oo ay ka soo horjeeda, in marka xagga Sunnaha iyo diinta Islaamka loo noqdo, markii uu talada Muslimiinta gacanta ku hayay, Allaha ha ka raalli noqdee Amiirkii Mu’miniinta Cumar Binu Khadaab, inuu talada ka qayb gelin jirey Cabdillaahi Ibnu Cabaas oo uu ku soo xushay cilmigiisa isaga oo 20 jir ah iyo Abii Bakar u dhiibay Jayshkii muslimiinta Usaame Ibnu Sayid oo da’diisu ahayd xilligaa 18 jir, balse wakhtigan waxaan rumaysanahay waxaa jira caqabado iyo cidhiidhi bulsho oo dhab ah oo dabar iyo derbi adagba ku ah dhallinyarada.

 

Waxaana jira fikir iyo dhaqan-siyaasi ah oo ay bulshadu qabatimeen oo dhallinyarada culays ku haya ama aan siinayn fursad ay kartidooda ku tijaabiyaan ama ay ku xaqiijiyaan hankooda iyo hadafkooda siyaasiga ah, aniga oo dhallinyarada la talinaya, oo tilmaamaya isla markaana duruufaha iyo waayaha hoga tusaalaynaya, ayaan tiriyay gabaygan dardaaran taariikhdu markay ahayd 01, May 2013

 

Gabayga Dhallinyarada—Dardaaran—

Dhawaaq gabay haddii aan marshoo dhayda ka caddeeyo, Haddii aan rabbaa ii dhashee dhuuxa ka higgaadsho Dhallinyarada waano iyo talaan soo dhex dhigayaaye Dhaqsay libin u soo hoyn hadday dhego u yeeshaane Dhambaal iyo wargays aan qoroo dhiibay iga hooya Dhismihii dalka iyo baad tihiin dhaayaha indhaha e Dhaqaalaha dalka iyo qaranku waa idinku dhaataaye Dhan loo rogaba idinkaw halgamay dhogor idiinleye Dhulka Yurubta iyo carabahaa maanta dhacadiida Dhulkaa gaasta laga qoday iyo saliid dheemanta la shiilay Dhallinyaro hagta iyo waxa u wacan dhidid ay saydheene Dheragga iyo barwaaqada hadday kala dhex jiifaane Afartaa wax lays kuma dhibee dhidibka maw aasay

Rag baa xarafka kala dhaawacee dhiif ma ka ilaashay Dhallaanka iyo ubaxeena kacay dhaxal-gal ma u reebay Aan dhammeeyo waanada in baa iigasii dhimane

 

Dhegtu waa wardheer ilina waa arag-dhawaysaaye Dhibka iyo xumaha waa inaad dhan uga baydhaane Dhigasho iyo tacliin waa inaad wada dhammaysaane Dhaqanka iyo Hiddaha waa inaad dhab u adkaysaane Dhagagaalayaal foolxumo iyo dhagar ka faallooda Dhoof iyo tahriib loo kacoo dhimasho keenaaya Dhibaato iyo wixii aan dani ku jirin looma dhaadhaco e Dhawaan baa dhismaha dawladeed soo dhexgelaysaane Dhankaan xigana taageeradaan dhaax idiin fidine

 

Dhabbadii la soo raacayiyo dhabar adayg yeesha Dhidibbada u aasoo dalkana dhuugga ka ilaasha

Dhib wixii ah calankeenna dhugan dhawrta ka ilaasha Dhayal laguma helo gobonnimo e dhab ugusoo jeeda Dhibaato iyo Somaliland dhaawac ka ilaasha

Afartaa wax lays kuma dhibee dhidibka maw aasay Rag baa xarafka kala dhaawacee dhiif ma ka ilaashay Dhallaanka iyo ubaxeena kacay dhaxal-gal ma u reebay Aan dhammeeyo waanada in baa iigasii dhimane

 

Taariikhdu wixii soo dhacay dhaxal ka reebtaaye Gobonnimada idinkaa dhashoo dhiig u soo huraye

Waxay soo dhignayd iminka iyo maalintaad dhagaxa tuurteene Haddaydaan ku dhiidhiyin xornimo nooma dhalateene

Ciiddaa gumaystihii dhidbaday kama dhaqaaqeene Dhulka debedda magaceenna tegay lagama dheeleene Dhay iyo karuur kama cabneen sidigta Dhaameele Isku dhega nuglaan iyo midnimo dhab faallooda Afartaa wax lays kuma dhibee dhidibka maw aasay Rag baa xarafka kala dhaawacee dhiif ma ka ilaashay

Dhallaanka iyo ubaxeena kacay dhaxal-gal ma u reebay Aan dhammeeyo waanada in baa iigasii dhimane

 

Nin waliba dhitada uu dhigtuu dhaxal ka tuugaaye Wax shisheeye soo dhiibayaa ma laha dheecaane Dhudhunkaagu wuxuu xoogsadaa dheef wax kaa tara e Dheddig iyo labood hawshu way idin dhextaallaaye Somaliland nimaan dhaqayn naca dhawaaqiisa Dhuxdhuxle iyo been la liic dhaafa hadalkiisa

Dhukus iyo ninkii qarax sitee soo dhabbacanaaya Dhab intii aad ugu fiirsataan booliska u dhiiba Haddii awrka dhaan loo rartoo dhoomo lagu tiirsho Haddii walaxi dheeraad ku tahay dheeli huri waaye Wax ka dhigan wanaag iyo dhaliil lays dhexgeliyaaye Waayeel dhadhamo xeeriya iyo dharabta loo qaado

Dhawaaqaan mabda’a lagu salayn looma dhiidhiye Dhataq hadalka Cali3 baan milgaha dhawrin weligiiye Xisbiyadii4 dhammee Jamaalla waa kala dhaqaaqeene

Dhabbadii kaluu raacayaa oo halis u yahay inuu dhagaxa tuuraaye Dhugta oo iska ogaada rag badan baan aragti dheerayne.

 

 

 

 

 

 

3  Cali Gurey

4 Kulmiye, Udub iyo Ucid

 

 

 

 

 

Saaxadda siyaasadda, inta badan Siyaasiyiintu kama hawl-gabaan mansabka oo nin wasiir ahaan jirey, wuxuu doonayaa in dawladdii kasta uu wasiir uun u ahaado, mana wanaagsana in waayeelku gaar isu  xusho  ama dhallinyaradu gaar u dareerto oo isu cugato, waxaana wanaagsan  isku dhafka talad iyo xooga, dhallinyaro tamartooda iyo talo waayeel isku darsada oo odaygoodii weynaa iyo intii shaqada uga soo waayo-aragsanayd ay soo tilmaamaan.

 

Indha-indhaynta saaxadda siyaasaddu waxay igu dhalatay oo aan bilaabay markii aan ku jiray suuqa ganacsiga (business sector). waxaan si joogto ah baadi-goob ugu jiray sidii aan u heli lahaa fursad aan sallaanka siyaasadda ku koro, isla markaana aan cagta ku saari karo hilinkii igu hagi lahaa ka qayb- galka saaxadda siyaasadda iyo maamulka dalka.

 

Waxaa markiiba dabar igu noqday fahamka laga dhaxlay caadooyinka bulshada ee aan qofka dhallinyara fursadaha siyaasadda u ogolayn, Sharciga oo lagu xadido in manaasibta waaweyn ay shardi u tahay 35-40 taas oo aanad hawaysan karin ilaa aad gaadho, Qamaamuurta dhooban ee safka ku jirta oo qofka dhallinyarada ahi uu han-jabayo marka uu arka inta ka horraysa iyo sidoo kale cidhiidhiga fursadaha.

 

Xilliyadii aan ka fekeray inaan derso fursadaha ka jira sayladda siyaasadda iyo meel aan ka cidhiidhsan karo siyaasadda, maan helin wax jaanis ah iyo meel aan ka bilaabo 1991-2007 oo waxay ahayd wakhti dalkuba fawdo ku jiro ama da’ahaan aanan gaadhin shardigii ku xidhnaa iyo Wakhti aan nolosha la legdamayo oo aanan dhaqaale ahaan is diyaarinayo, markii aan go’aansaday in aan tijaabiyo damacaygii xagga siyaasadda dalka waxaa ku loollamayey saddex xisbil-siyaasadeed ee UDUB, KULMIYE iyo UCID.

 

Damacaygii waxaan rog-rogaba, waxaan is idhi malaha KULMIYE ayaa leh barnaamij siyaasadeed oo waafaqsan himiladaada, kaas oo uu guddoomiye ka ahaa Axmed Silanyo oo ah hoggaamiye iyo siyaasi ruugcaddaa ah, ummaddana ku leh magac iyo taariikh fac weyn, aniguna aan isaga shakhsi ahaan aqoon u lahaa, sahankaygii iyo indho-indhayntii waxa iiga soo baxay dareen iyo muuqaal la xidhiidha fursadaha KULMIYE iiga soo bixi kartaa inay yar yihiin.

 

Sidoo kale, waxaan bilaabay bal inaan isagana waraysto xisbigii labaad ee mucaaridka ahaa (UCID) oo aan eego mabaadii’da guud iyo fursadaha iiga bannaanaan kara. Markaan dhinacyo badan ka eegay ee aan rog-rogay, UCID waxa iiga soo baxay wakhtigaa muuqaal ah inuu yahay xisbi kooban oo

 

urursan, marka labada xisbi qaran ee kale loo eegana aan lahayn mug iyo miisaan siyaasi ah oo uu dalka isbeddel kaga dhalin karo.

 

Laakiin, marka dhinac kale laga eego, UCID safkeeda (queue-ga) ayaa gaabnaa oo waxaa ku yaraa saxmadda iyo is-dul-buuxinta siyaasiyiinta waaweyn ee magaca leh.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, sahankii aan ugu jiray sidii aan u heli lahaa meel aan sallaanka siyaasadda ka koro, waxaa saldhig u ahaa aragtida odhanaysa: In aan eego xisbiga iyo barnaamijkiisa, hoggaamiyaha u sharraxan iyo hannaanka sharci/maamul ee xisbiga.

 

Xisbal-xaakimkii berigaa talada dalka hayey ee UDUB, isaga xaggiisa hunguriba igamuu gelin; kumaan qancin hoggaaminta iyo hannaanka siyaasadeed waanu buuxay oo wax fursad ahna kama bannaanayn.

Sidoo kale xubnaha sare ee ay xukuumadu ka koobnayd ayaa buuxiyey, adigoo xukuumadda ka qabta xil ayuun baad xubnaha sare ee xisbiga soo geli kartaa.

 

Mushkiladani ma ahayn mid igu kooban ee waxaa jiray dhibaatooyin  baahsan oo isbarkadey oo dhallinyarada haystey oo ay ka mid yihiin; shaqo la’aan, tababar la’aan, talo la’aan, higsasho la’aan, dhaqaale la’aan, madaddaalo la’aan, haddau noqoto cayaaraha (Sports) ama madaddaalo kaleba, iskaa-wax-u-qabso la’aan, waxbarasho la’aan, xarumo la’aan iyo cidhiidhiga ka qayb qaadashada siyaasadda.

 

Haddaba, dareenkii i dhex miranayey si aannu keli iigu noqon, isla markaana aan fikirkaygii ugu beddelo ficil, waxaan fikraddii kala sheekaystay oo aan ka talo-galiyey nin oday ah, indheer-garad iyo aqoon yahanba ah, run ahaantiina ah nin xakiim ah oo aannu nahay saaxiibo aad isugu dhow nahay oo la yidhaahdo Professor Maxamed Cumar Jiir.

 

Waxaan wax ka weydiiyey oo aan ka waraystay KULMIYE oo uu laftiisu ka mid ahaa kaadirka xisbiga, waxaanan u sheegay in aan xiisaynayo sidii aan siyaasadda ula jaan-qaadi lahaa, Prof. Maxamed Cumar Jiir wuxuu xog warran iyo war-bixin qoto dheerba iga siiyey xisbiga KULMIYE oo aan taageere ka ahaa, sidoo kalena wuxuu si weyn iigu dhiirri-geliyey inaan Kulmiye si muuqata ugu xidhmo oo aan ka noqdo xubin fir-fircoon.

 

Run ahaantii araahdii iyo aragtidii Prof. Maxamed Cumar Jiir aad baan ugu bogay, ka bacdina waxaan ku idhi: “bal ila doon meel hagaagsan oo aan xisbiga KULMIYE ka cidhiidhsan karo”. Kaddibna wuxuu igu yidhi: “Waa si wanaagsan, oo golaha dhexe ee xisbiga in lagugu daro ayaan guddoomiyaha u soo jeedin doonaa”. Maalintii dambena wuu i soo kexeeyey oo Axmed Silanyo ayuu isu kaayo keenay, waxay ahayd sanadkii 2004 dabadeedna guddoomiyihii baannu u sheegnay ujeeddadii aannu u soconnay.

 

guddoomiyuhu wuxuu noo sheegay in golaha dhexe ee xisbigu uu buuxo ayna adagtahay in xubno cusub lagu daro, balse mustaqbalka waynu eegi doonnaa ayuu nagu yidhi, laakiin guddoomiyaha kamaannu helin wax ballan qaad ah oo la xidhiidha jagadii golaha dhexe ee aan doonayey.

 

Jawaabtii uu guddoomiyuhu na siiyey wax niyad jab ah kumay keenin hammigaygii iyo haloosigii aan ka lahaa siyaasdda, xisbigii Kulmiyena sidii aan awalba u taageeri jiray ayuun baa taageeradii iyo la shaqayntii aan halkeedii ka sii waday. Laakiin, waxa ii caddaatay oo aan yiqiinsaday in safka KULMIYE uu aad u dheer yahay, saxmadda iyo is-dul-buuxinta siyaasiyiintuna ay aad ugu badan tahay.

 

In muddo ah ayaan ku xayirnaa dareenka ah inaan raadiyo meel aan siyaasadda ka doca-doceeyo oo aan sallaanka siyaasadda cagta ka saaro. KULMIYE laftiisu wuxuu ahaa xisbi mucaarid ah oo ay hayntiisu kooban tahay oo aan lahayn xilal ama meelo lagu kala qarsoomo. Waxa kale oo iyana jirtay in 2003-dii doorashadii madaxweynennimada oo filashadoodu aad u saraysay xisbigii Kulmiye lagu yidhi doorashadii waa la idinka helay, waxaana la idinkaga helay 80 cod?! Arrintaasina waxay xisbigii Kulmiye ku keentay cadho, niyad-xumo iyo karaar-jab, rejadii la qabayna daboolkay sii saarantay.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, in kastoo aan aad u jeclaa inaan xubin fir- fircoon ka noqdo xisbigii Kulmiye, haddana xilkii iyo shaqadii aan ka hayey shirkadda Dahabshiil iima saamaxaynin inaan shaqada iyo siyaasadda is- garab-wado. Muddaa ka soo wareegtay arrimuhuna way iska cakirraayeen ilaa la soo gaadhayey doorashadii ugu horraysay ee golaha wakiillada 2005 taas oo xisbiyadii mucaaridku (KULMIYE iyo UCID) ay guul laxaad leh ka soo hooyeen. Guushii ay hantiyeen xisbiyadii mucaaridku waxay u horseeday inay helaan awood kale oo distoori ah, maadama marka labadooda la isu  daro ay haysteen aqlabiyaddii kuraasida golaha wakiillada (KULMIYE 28+ UCID 21= 49/82). Ka bacdi, xisbiyadii mucaaridku waxay qabsadeen hoggaankii golaha wakiillada; hal xubin oo UCID ah (guddoomiye) iyo laba xubnood oo KULMIYE ah (labada g/k/xigeen) mucaaradkii ayaa qaybsaday shir-guddoonkii golaha wakiillada. Halka xisbigii UDUB (33 xubnood) oo ahaa xisbal-xaakimka si weyn loogaga awood batay madashii golaha wakiillada.

 

Guushii ay xisbiyadii mucaaridku heleen waxay sii dar-dar galisay awooddii, miisaankii iyo saamayntii ay xisbiyadii mucaaridku ku lahaayeen guud ahaanba jaan-goynta iyo amba-qaadka siyaasadda dalka, gudaha iyo dibeddaba. Taasina waxay sii kordhisay xiisaddii iyo xamaasaddii siyaasadda, xisbiyadii mucaaridkuna waxay yeesheen awood iyo itijaah cusub oo ay ku kasbadaan taageerada bulshada, halkaas oo aan anigu fursad siyaasadeed ka helay Komishinka Doorashooyinka sanadkii 2007.

 

Waxaa dhacda in dhinaca kale dhallinyaradu ay faham khaldan qaataan oo saldhiggiisu yahay werwer mustaqbalka ah, inuu is waydiiyo maxaa wax laguugu qaban waayey, iyo inuu duruufaha Il gurracan ku eego ama si xun u fekero, taas oo gayaysiisa mooraal jab iyo niyad xumo dhibaato u gaysata horumarkiisa shakhsiyadeed iyo noloshiisa qofnimo ama ay cid kale si khaldan u isticmaasho. Waxaa fiican in mar kasta uu qofku sida fiican u fekero, rejo fiican naawilo, waayaha noloshana uu aragti togan ku cabbiro dedaal iyo sabirna ku daro. xikmad laga dhaxlay John F Kennedy: “Ask not what your country can do for you, ask what I can do for my country” – Ha is waydiin waxa dalkaagu kuu qaban karo ee is waydii waxa aad dalkaaga u qaban karto.

 

Hoggaamiyaha ayaa soo saari kara hoggaamiye!

 

In kasta oo aan noqday siyaasi da’yar oo soo koraya, magaciisa iyo muuqiisana la yaqaanno codkiisana lagu xisaabtamo, haddana weli dalcaddii Kulmiye way igu dheerayd xilligaa oo waxaa weli dhoobnaa qamaamuur iyo qoor-weyn siyaasiyiin ah oo safka sii taagan, taas oo ay adag tahay in beryahan iyo beryahan wax fursad ah laga helo ayaan dareen kayga ka helayay. Fursadaha aad ka heli karto saaxadda siyaasaddu waa kuwo sidoodaba aad u kooban, haddana waxa dhici karta in fursaduhu kaaga soo baxaan meel aanad kaba filaynba. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan  ah inaad si quman uga faa’iidaysato fursadaha kula soo gudboonaada.

 

Qiyaastii waxay ahayd markii koowaad ee doorashadii madaxweynennimo dib loo dhigay ee ay golaha Guurtidu u kordhiyeen muddo-xileedkii xukuumaddii madaxweyne Daahir Riyaale. Doorashadaa dib loo dhigay waxay xisbiyadii mucaaridka ku keentay cunfi iyo cadho waxaana ka yimi culays badan oo siyaasi ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa raxan ka mid ah hal-doorkii xisbiga Kulmiye waxay ku shireen guri ku yaalla magaalada Hargeysa, waxaana isugu yimi rag siyaasiyiin ah oo miisaan weyn ku leh Xisbiga Kulmiye iyo dalkaba.

 

Kulankaa waxaa lagaga arrinsanayey sidii loo waajihi lahaa iyo wixii laga yeeli lahaa doorashadii dib loo dhigay, shirkana waxaa horjooge ka ahaa guddoomiyahii xisbiga ee xilligaa mudane Axmed Silanyo. Kaddib waxaa la galay dood adag oo aan waxba la isula hadhin, rag badan oo miisaan leh ayaa madashii aragtidooda iyo aaraahdooda ku soo ban dhigay.

 

Ninka uu yoolku saaran yahay ee warmaha lagu boobayaana waa Axmed Silanyo, waxaana daran doori ugu dhacaya hadallo iyo dood kulul. Guddoomiyaha waxaa lagula dul dhacay caadifad iyo cadho ka dhalatay doorashadii dib loo dhigay, waxaana lagu leeyahay maxaad taa.. iyo taa.. u samayn weyday, ama xisbi ahaan maynu sidan.. iyo sidaa.. yeelno!!

 

Kaddib, kulankii la isugu yimi qof ahaan waxaan ka dhiibtay dood mug iyo miisaanba leh waxaanan ka hadlay sidii aan wax u arkayey iyo halkii uu xalku iila muuqday. Arrintu si kastaba ha ahaatee, markii ay dooddii soo geba-gabowday ayaa guddoomiyihii uu gacanta ii taagay oo uu iigu yeedhay in aan agtiisa soo fadhiisto.

 

Dabadeedna guddoomiyiha agtiisa ayaan soo fadhiistay, kadibna wuxuu igu yidhi: “Adeer, aad baan ula dhacay habka iyo qaabka aad u dhiibatay dooddaada, gaar ahaan waxaan aad u jeclaystay odhaahdii ama weedhii aad halkaa ka tidhi, waxaanan jecelahay inaan qoro ee adeer bal ku soo celi!!” Markii uu guddoomiyuhu intaa yidhi, laba shay baa i haleelay, midina way ii xaqiiqowday!!

 

Labada shay ee i haleelay; ta koowaad waxay ahayd: hadalkii aan madasha  ka idhi ee uu guddoomiyuhu iga codsaday inaan ugu soo celiyo si uu u qorto, markaan qalbigayga is idhi hadalkii ku celi oo sidiisii u dheh, waan iska baadhay laakiin waan odhan kari waayey!!! Markii aan doodda ku jiray hadalkaygu wuu ii sallaxnaa oo waxaan ahaa nin dariiq cad jeexday, laakiin markii dambe dareenkii iyo dhadhankii hadalku siduu ahaa baan waayey!! Dhinaca kale, qofka wax kaa dhegaysanaya ama wax kaa saxaya, wejigiisaad ka dareemi kartaa markuu kula dhacsan yahay iyo marka aannu kula dhacsanayn. Waxaan dareemay in guddoomiyaha laftiisu aannu ka helin ama aannu la dhicin sidii aan markii dambe hadalkayga u idhi. Mar, laba iyo saddexba waxaan is idhi hadalka sidii aan markii hore u idhi u dheh, balse waan isla heli waayey!! Dabadeedna guddoomiyihii waxaan ku idhi: adeer, waan godlanaa markii aan doodayey, laakiin imika kelmadihii aan idhi sidii isula heli maayo! Kaddib guddoomiyihii intuu aad u qoslay ayuu igu yidhi: Adeer waa sax, xaqiiqo jirta weeye, raggu marbuu godlan yahay, wax dhib ah ma lahee, caawa markaad gurigaaga tagto ee aad dib u soo xasuusato soo qor oo berri ii keen. Axmed Silanyo waa nin waayo arag ah oo soo maray hoggaamiyennimo oo garan kara marka ninku godlan yahay ee uu xubinta hadalka heli karo ama uu ereyadiisa bislayn karo.

 

Shayga labaad ee i haleelay wuxuu ahaa: Hadalkii uu guddoomiyuhu igu yidhi iyo xiisihii uu ii muujiyey waxay igu dhaliyeen dareen guubaabo oo toolmaan oo aniga si weyn ii dhiirri-geliyey. Axmed Silanyo oo aan garanayo raad-raaca taariikhdiisa, haybaddiisa, hoggaamintiisa iyo aftahamadiisa inuu aniga wax i moodo oo uu la dhaco hadalkii aan shirka ka idhi iyo aragtidayda siyaasiga ah oo uu weliba ku dhiirrado inuu fikirkayga si cad bulshada ugala soo dhex baxo; waxay aniga ii ahayd guul weyn iyo maamuus qaaya leh, taas oo kor u sii qaaday firfircoonidii, hankii iyo higsigii aan ka lahaa saaxadda siyaasadda isla markaana waxay ii xaqiijisay inaan wax noqon karo, waxaanay iga hor qaadday caqabad weyn.

 

Arrinta saddexaad ee ii xaqiiqowday waxay ahayd: In Axmed Silanyo uu yahay nin hoggaamiye soo saari kara mustaqbalka! Waxaa ii caddaatay inuu

 

yahay hoggaamiye i gacan qaban kara. Waxaa ii xaqiiqowday in Axmed Silanyo uu yahay hoggaamiye aan eegayn hebellada ay bulshadu magacooda iyo muuqoodaba taqaano, balse eegaya oo ku xulanaya tayada, kartida, aragtida iyo afkaarta uu qofku la yimaaddo, da’da uu doonaba ha ahaadee! Taasina waxay ii sii bayaamisay aragtida toolmoom iyo tayada hoggaamiyennimo ee Axmed Silanyo leeyahay.

 

Waxa aannu Silanyo caan ku ahaa inuu dhegaysto hadalka oo aad u dhugto kalana soo baxo midhka iyo murtida, runtii waxaan sii aaminay hoggaamintiisa oo ay niyad sami badani iiga sii korodhay xilligaa waana sida lagu yaqaan hoggaamiye wanaagsan, wuxuu yidhi qoraaga caanka ah ee John C. Maxwell “when people respect someone as a person, they admire him/her, when they admire him/her as a friend, they love him/her, when they love as a leader, they follow him/her”.

 

Haseyeeshee, qofka dhallinyarada ahi inta aannu siyaasadda gelin, waxa muhiim ah inuu sahan isku sameeyo, isla markaana uu ogaado waxa uu ku wanaagsan yahay, inuu ganacsi ku wanaagsan yahay, inuu siyaasadda ku wanaagsan yahay, inuu Diinta ku wanaagsan yahay, weliba doorashadana uu ku xidhayo hadba waxa uu isagu jecel yahay inuu ka shaqeeyo, taasi ayaad dulqaad ugu yeelanaysaa ka midho dhalinta mihnada aad dooratay, waxaana markaaba kula gudboon suurto galkeeda iyo barashada caqabadaha kaaga gudban, waxaad yeelan kartaa doorasho kale oo aad ku qiimayso dadka aad kaga dayan karto mihnadda iyo tilmaanta aad ka heli karto dadka saxda ah.

 

Ma Qalloocshe wuxuu yidhi:

“Baali ma laha taariikhda iyo baalka sharafeed,

Danta guudba nimanbaw u banbaxa, oo tooda baal mara. Bakhayladu mar bay haybsadaan baabka deeqsiga’e,

Nin bakhaar ku fiicnaa, haddii baanka loo tiriyo, Bagaashlaydu kuma soo baxaan booska madaxeed’e Baylah baa ninkeedii heshiyo, wiil badbaadshe ah”

 

Cutubka 14aad: Imaatinkaygii Madaxtooyada (Cheif Of Cabinet)

 

Waxay ahayd 6 am 26|June|2010 markii doorashadii madaxweynaha loo dareeray, waxaana goobahii la xidhay abbaaro 6 fiidnimo. War baa u gaajo badan. In kasta oo ay tirinta iyo hubintu wakhti qaadato, waxaa si xiisa badan loo sugayay warka natiijada doorashada, waxaana lagu yaacay xaruntii Kulmiye ee dhaatada iyo xafiiskii hawshaa qaabbilsanaa waxaana iska soo daba dhacayey wararka muraaqibiinta oo badankoodu ay soo tebinayeen guul balse ilaa subixii danbe way socdeen wararku, iyadoo ay marka horeba filashada guusha ee Kulmiye aad u sarraysay, haddana waxaa sii xoojisay xogtii iska soo daba dhacaysay, waxaa la sugayey dhawaaqa natiijada doorashada oo waxaa la hayay in Kulmiye ku hoggaaminnayo tiro badan.

 

Haddaba, guushii taariikhiga ahayd ee uu Xisbiga Kulmiye ka soo hooyey tartankii doorashada madaxweynennimada ee 26|June|2010-kii, arrimaha aan is leeyahay guushaa iyada ah saldhig bay u ahaayeen waxaa ka mid ahaa: Hoggaamiyaha oo taariikh facweyn iyo miisaan badan ku leh bulshada, kaadirka isugu yimi xisbiga oo aad u badnaa, barnaamij siyaasadeed fiican bulshadana ku cusbaa oo uu soo bandhigay, xisbiga Kulmiye oo toddoba sannadood mucaarad ahaa oo gaamuray iyo xukuumadda oo siddeed sannadood xafiiska joogtay isla markaan ka koobnayd koox si wanaagsan isula haysata siyaasad ahaan oo mucaaradka xiijisay, balse aan xagga horumarka iyo dhaqaalaha ku guulaysan isla markaan ay hoos u dhacday kalsoonidii bulshadu.

 

Waxaa la soo gaadhay 03|July|2010, waxaana la isugu yimi fagaare ay soo agaasimeen Komishinkii doorashooyinka oo kaga dhawaaqeen natiijadii rasmiga ahayd ee cododkii doorashada iyadoo loo kala helay: Kulmiye 49.59%, UDUB 33.23%, UCID 17.18%. Halkaas oo Kulmiye guushii ku  raacday codod aad u tiro badanna uu ka horreeyay labadii xisbi ee kale.

 

Hankaygii siyaasadda ee aan muddada naawilayay ayaa ii bidhaamay. Madaxtooyaduna waxay ahayd meesha aan ku hammiyo. Guusha weyn ee xisbigayga u soo hoyatay waxay igu ridday hurda la’aan aan is waydiinayo xilkee ayaad doonataa, Silanyo safka hore ma kugu darayaa, iyo haddii aad ku guulaysato boos wanaagsan oo kuu qalma shirkaddan aad CEO ka tahay—oo aan wax sannad ka yar joogay meel fiicanna aan marinayo, mushahar aad u sarreeyana aan ka qaato oo aan nolol fiican ku haysto, run ahaantiina ahayd meel la iga jecelyahay—sidee uga tegaysaa maxaad se ku odhanaysaa?

 

Waxaa ka sii daran xilka ugu sarreeya ee aad xukuumadda ka heshaa waa wasiir, mushaharkiisuna waa $650, oo aan markaa waxba iigu filnayn marka loo eego halka aan jooga iyo waxa aan qaato. Wax aan galgalshaba waxaan talo ku soo ururiyay; haddii aan arko xil damiirkaygu ku xasilo oo ka

 

jawaabaya damacayga, in aan qabto; shaqadana si wanaagsan oo aan ceeb iyo colaad midna reebin aan uga tago.

 

Mulkiilihii shirkadda oo arkayay in badan oo shaqaalihiisa ka mid ah oo siyaasadda hunguri ka hayo oo aan ka mid ahay, ayaa warqad soo qoray,  taas oo uu kula hadlayo rag badan oo aan ka mid ahay, “Shaqada iyo Siyaasadda mid doorta.” Waxaanan ugu jawaabay: “wixii mustaqbalka ah waa meesheeda, laakiin iminka siyaasad kuma foogni,” oo aan uga jeeday berrina ha ahaatee wixii mustaqbal ah waa marka uu yimaaddo, laakiin hadda wax siyaasad ah faraha kuma hayo.

 

Maalintii Sabtida ee 04|July|2010, madaxweynihii la doortay ayaan salaan ugu imi. Aad bay ii soo dhaweeyeen isaga iyo qoyskiisiiba, waxaanay ii sheegeen marka salaamuhu dhammaadaan in aan ku soo noqdo oo aannu kulamo yeelanno. Halkaa waxaa nooga bilaabmay xidhiidh dhow iyadoo habeenkii marka aan shaqada ka soo rawaxo aan gurigiisa ku soo mari jiray. Waanan la shaqayn jiray wixii talo ama tilmaan ah ee la i weydiiyana fikirkayga ayaan ka dhiiban jiray.

 

Guushii xisbiga KULMIYE ka bacdi, madaxweyne Silanyo wuxuu markiiba magacaabay guddiyo uu u diray talooyinka qaab-dhismeedkii xukuumaddiisa, isagoo maalin kasta qaabbili jiray oo la fadhiista kaadirka xisbiga iyo xubnaha kala duwan ee danaynaya in ay xil ka qabtaan xukuumaddiisa. Waxa aannu ku hawlanaa kala xulashada xubnihii golaha wasiirrada.

 

Wakhti aan ku qiyaasayo 9:00 pm habeennimo 20, July 2010, oo aan ku suganahay guriga madaxweynaha, ayuu madaxweynuhu u soo bandhigay Maxamuud Xaashi Cabdi in uu doonayo in uu u magaacaabo madaxa hawl- socodsiinta madaxtooyada (Cheif Of Staff). Balse Maxamuud wuxuu codsaday xil wasiirnimo in loo magacaabo, madaxweynuhuna wuu ka aqbalay. Wax yar uun ka dib madaxweynaha ayaa si lamafilaan ah iigu soo jeestay, oo ii soo bandhigay xilkaa! Waan aqbalay, balse labo shay ayaan ka codsaday oo midi ahaa in magaca uu ka dhigo Chief Of Cabinet.

 

In kasta oo labadan magac ee Chief of Staff iyo Chief of Cabinet labaduba ahaayeen laba magac oo gebi ahaanba ku cusbaa saaxadda siyaasadda ee Soomaalida, waxaan islahaa waxaa la garanayaa Cheif Of Cabinet. Waxaan ka eegayay Djibouti oo laga isticmaalo, aadna looga yaqaanno, oo uu xilligii hore ku shaqayn jiray madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Dhinaca kale, madaxweynaha waxaan ku idhi: madaxweyne shirkadda SOMTEL oo aan in muddo kooban ah gacanta ku hayey si weyn baan u soo kiciyey, haatana meel fiican bay maraysaa. Mulkiilaha shirkadda Maxamed Siciid Ducaale oo ixtiraam badani noo dhaxeeyo, (shaqeeye/loo shaqeeye), waan ka xishoonayaa inaan ku idhaahdo waan kaa tagayaa, sidaa darteed

 

waxaan kaa codsanayaa inaad bal igala hadasho oo aad culays ila saarto! madaxweynuhu codsigaygii wuu iga yeelay, wuxuuna u yeedhay Maxamed Siciid Ducaale, dabadeedna wuxuu ku yidhi ninkaa (Xirsi) inuu ila shaqeeyo ayaan doonayaa oo anigaa u baahane ii daa! Marka la eego halkaannu shirkadda SOMTEL marinaynay, Dahabshiil marnaba muu jeclayn inaan ka tago, aadna way ugu adkayd, haddana wuu tixgeliyey, waanu ka yeelay codsigii uu madaxweynuhu u soo jeediyey. Wuxuu ugu jawaabay “waan kaa yeelay, balse shaqaalahayga wixii dambe ii daa”.

 

Waxaa timi Xafladdii xiisaha badnayd. Waxay ahayd 28, July 2010. Saacaddu waa abbaaro 9:00 subaxnimo. Waa maalin si weyn loo sugayay inay dhacdo xilwareejin ay xilka kula kala wareegayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweynahii cusbaa ee Somaliland Axmed Maxamed Silanyo, taas oo shacbiga Somaliland ay filayeen inay u dhici doonto si nabadgelyo ah, isla markaana ay beesha caalamka iyo wufuuddii ka kala socday dalalka jaarkuba ay aad ula yaabeen doorasho furan oo noocan ah, xil wareejin labo madaxweyne in ay mandiqaddan si sahlan uga dhici karto.

 

Waa maalin taariikhi ah waxa goobta timi xukuumaddii xilka ka dagtay oo uu hoggaaminayey madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku-xigeenkiisa. Sidoo kale, mas’uuliyiinta xisbigii Kulmiye ee ku guulaystay doorashada madaxtooyada ayaa iyana yimi goobta xarunta madaxtooyada oo lagu qabanayay xafladdii xilwareejinta iyo dhaarinta madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Silanyo iyo ku-xigeenkiisa. Waxay ku dhammaatay jawi xamaasad leh oo nabdoon iyadoo madaxweynihii cusbaa sheegay in uu berrito soo dhisi doono xukuumaddiisa cusub.

 

Jamhuuriyadda Somaliland, muddo 17 sannadood ah may soo marin madaxweyne xilka iyo masuuliyadda ku wareejiya madaxweyne kale, laga soo bilaabo 1993-kii wakhtigaasi oo madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur uu madaxweyne Cigaal ku wareejiyay magacii iyo haykalka guud balse aanay jirin wax macno leh oo hay’adihii dawladda ka dhisnaa oo la isku wareejiyay xilligaa. Wixii ka danbeeyeyna wax lala kala wareegay may jirin. Laga bilaabo May 1993-kii ilaa 2010-kii ma jirin madaxweyne, madaxweyne kale xil ku wareejiyay ee shaqada xafiiska uun baa iska socotay.

 

Madaxweyne Daahir Riyaale Kahin wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee doorasho furan oo dimuqraaddi ah intuu galay markii laga helay xilka ku wareejiya madaxweyne kale . Sideedaba, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanba isbeddelku ma aha arrin hawl yar. Labadaa madaxweyne ee xilka la kala wareegayna waxay ahayd dhacdo cusub oo xambaarsan duruufaheeda u gaarka ah. Markaa isbeddelkii madaxweyne Silanyo talada kula wareegay waxay ahayd rejo cusub. Dhinaca kale xafiisyadii dawladda  oo dhan iyo golihii wasiirrada oo dhammaantood la beddelayo, runtii waxay ahayd isbeddel xanuunkiisa leh.

 

Subixii labaad ayaannu ku waaberiisannay nabad. Aad baa dhegtu u taagan tahay oo ay filashadu u badan tahay. Haddana waa la wada ogyahay in tirada xukuumaddu aad u yar tahay, marka loo eego tii ka horraysay. Guddigii talada qorshaha xukuumadda loo magaacaabay waxay ku taliyeen gole kooban oo tayo leh, waana ballantii markii horeba Kulmiye olohala ku galay. Abbaaro sagaalkii subaxnimo ayaa madaxweynihii, oo ay weheliyaan xubno kooban oo aan ka mid ahay, u soo kicitimay xaggii xarunta madaxtooyada iyadoo aad na loogu sugayo. Waxaa madaxweynuhu fadhiistay hoolka golaha wasiirrada oo saxaafaddii iyo dad tiro badani ku sugayaan dhawaaqiisa. Wuxuu akhriyay liiska wasiirrada, oo ahaa 20 wasiir iyo 6 Wasiir-ku-xigeen. Waxaan filayaa in ay ka mid ahayd xukuumadihii ugu yaraa ee soo mara xilligaa geyiga Soomaalida iyo waddamada Geeska Afrika.

 

Waxaa la soo gaadhay 31, July 2010 oo uu madaxweynu soo saaray wareegto madaxweyne oo uu iigu magacaabay Chief of Cabinet, kaas oo  macnihiisu ahaa madaxa hawlaha shaqo ee madaxtooyada. Isla markii xilkaa la ii magaabayba, waxaa ila dhashay faallo, hadalhayn iyo buuq aad u badan oo qaarba wax ku magacaabeen (Waa raysal wasaare, waa wasiir dadban, waa agaasime, waa madaxweyne jiifa, isagaa dalka haysta iwm). Hadalhayntii iyo dareenkii bulsho ee aan la kowsaday ee ku xeernaa xilkii la ii magacaabay, maan helin jaanis dadku ku cabbiraan aqoontayda, waaya aragnimadayda iyo kartidayda shaqo, dib ayaan ka faahfaahin doonaa xilkii Chief Of Cabinet-ka iyo qayladii ku gadaannayd balse aan wax ka tilmaamo jawigii siyaasadda iyo markii madaxweynuhu ku dhawaaqay xukuumaddii cusbayd.

 

Markii madaxweynuhii soo saaray liiska xukuumaddiisa ee ay iska waayeen in badan oo madaxdii xisbiga ah iyo hawlwadeennadii xisbiga ee qurbaha iyo dalka gudihiisa isaga yimi oo filashadooduna aad u sarraysay, waxa na hadheeyay buuq siyaasadeed oo salka ku haya tabashada ashqaasta iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan. Waxaa la yaab ahaa dhammaan xubnaha xisbigu waxay isla waafaqsanaayeen in xukuumaddu yaraato haddana qof kastaa wuxuu doonayaa in uu ku jiro!

 

Xukuumaddii koobnayd, iyo siyaasiyiintii iska dhex waayay waxay keentay in saaxiibbo badani ay naga hor yimaaddaan. Waa arrin xanuun badan, marka xisbigaagii mucaarad kugu noqdo. Qaraxaa siyaasiga ah ee xukuumaddu la kowsatayna muu ahayn arrin sahlan, maarayntiisuna may fududayn.

 

Kulankii u horreeyay ee madaxweynuhu u qabto xubnihii uu soo magacaabay oo ahaa is barasho iyo in qof kastaa shaqadii ku dhaqaaqo iyada oo laga shidaal qaadanayo barnaamijkii xisbiga iyo ballanqaadyadii bulshada loo sameeyay, waxaa isla markiiba soo ifbaxay filanwaaga xubnihii cusbaa kala kulmay xafiisyadii ay la wareegeen oo ay degalkii cusbaa kala kulmeen xero-dagdago. Waxaan uga jeedaa intooda badan xilka wasiirnimo wuu ku

 

cusbaa, dadka shaqaalaha ee ay xafiisyada ugu tageenna ismay garanayn oo way isku cusbaayeen, meesha ugamay iman kharashkii hawl socodsiinta ee shaqada lagu kala wadi lahaa hadday tahay shidaal iyo agabkii xafiiska, iyado weliba qof kasta saaxiibbadii iyo ehelkiisii u arkayeen in uu madax noqday oo marti iyo shaxaad loogu imanayey, lacag yar oo dejin ah oo masuuliyiinta madaxweynuhu u qorayna wasaaraddii maaliyadda way ka waayeen, oo waabay madhnayd khasnadda dawladdu.

 

Waxaa ugu sii darnaa wasiirkii maaliyadda ee xilligaa, Maxamed Xaashi Cilmi, oo goor galab ah guriga madaxweynaha ugu yimi anigoo la jooga oo aannu fadhinno berendhaha guriga. Waxa aannu warbixin ka siiyay madaxweyanaha xaaladda maaliyadeed iyo duruufaha dhaqaale ee ka jira wasaaradda maaliyadda. Wuxuu sheegay 121 Billion oo SL shilin ah in xisaabta/Acc. maaliyaddu uu cas yahay, (macnaha dayn ku jirto)! Iyadoo ilaa afar biloodna aan shaqaalihii dawladdu mushar la siin oo weliba ciidamada wixii mushahar loo siin lahaa aan lahayn wakhtigan. Waxa aannu si mug leh isu dul taagay xaaladda aannu wajahnay ee maaliyadeed.

 

Madaxweyne Silanyo oo aad uga naxsanaa xaaladda iska soo daba dhacaysa iyo wararka hay’adihii dawladda ee aan farxadda badnayn ee uu la kowsaday iyadoo bulshaduna si aada uga sugayso isbeddelkii uu ballan qaaday, ayaa galabtaa warkii wasiirka maaliyadu aad u xanuunjiyay. Wuxuu yidhi “Waar meeshii aynu ku soo soconnay ma sidaasaa!” Haddana wuu isu jawaabay oo wuxuu yidhi: “Waar adeer maxaa innagu watay, Ilaahaw yaa haraggeedii inagaga celiya ayaa nin laga sheegay!” Maxamed Xaashi buu waydiiyay maxaad xal haysaa? Maxamed Xaashina wuxuu yidhi “horta xalka waxaa ka horreeya dadkii masuuliyaddan lahaa ha la xidho!” Wuxuu madaxweynuhu ku celiyay “oo adeer ma madaxweynihii aan meesha kala wareegay ayaan soo xidhaa?! Soomaalidu waa qabaa’il e, sidee qaran inoogu jirayaa!”

 

Markii ay labo saddex jeer isku celceliyeen dooddii, ayuu dhinacaygii u soo jeestay. Waxaan idhi madaxweyne waxay ila tahay haddii aynu soo xidhxidhno xukuumaddii aynu usbuucan kala wareegnay xukunka, waxay u muuqanaysaa aargoosi, horana uma socon karno oo buuqa hadda inagu  furan ee xisbigeennii ayayn ka dabdaalan la’nahay ee waxay isu beddeli qaab qabyaaladeed oo waxay ina gelin kartaa jawi cakiran. Waxaan ku ciliyay bal goor kasta ha la xisaabtamo ee aan hore u soconno oo xalkii aynu kaga bixi lahayn mushkiladda taagan aan ka fekerno. Anigu waxaan hayaa fekrad aynu duruufta maaliyadda kaga dabaalanno, waxaanay tahay in aynu ganacsatada isugu yeedhno oo lacag dayn ah oo shaqada dawladda lagu dhaqaajiyo ka dalbanno.

Madaxweynuhu aad ayuu ula dhacay hadalkaygii, waxa aannu caado u lahaan jiray “Allaa yakhaliik, adeer waa fekrad fiican” in uu yidhaahdo markan oo kale. Balse wasiirkii maaliyaddu kuma farxin hadalkaygii, waxaana ka muuqatay in uu doonayo in la soo xidhi wasiirkii maaliyadda iyo

 

madaxdii kale. Sidoo kale waxaa saxaafaddu soo qortay in uu qoraal u diray madaarka oo uu leeyahay in aanay madaxdaasi dalka ka bixi karin, isagoo shaaciyay in aannu diyaar u ahayn in uu kala wareego xilka ay la socdaan daymanka iyo culaysyada maaliyadeed. Waxaa sidoo kale madaxweynaha cabasho ugu yimi wasiirkii hore ee maaliyadda, Cawil Cali Ducaale, isagoo sheegaya in wasiirka maaliyadda ee cusubi xilkii kala wareegi waayay, warqadna u dhigay madaarka.

 

Cabbaar ayaa fekradihii la isku celceliyay, ugu danbayna waxa su’aalo la iga waydiiyay qaabka loo dhigayo fekraddii aan soo jeediyay ee ganacsatada iyo in dhaqaale laga baadi doono. Madaxweynuhu wuxuu yidhi labadiina ayaa arrintan iiga dhuun daloola ee ka soo fekera sida ugu fiican. Ugu danbayna Maxamed Xaashi oo hadalkaygii hore ka xumaaday ayaa ku tiraabay “Waxaynu ku noqonnay halkii laga soo bilaabay ee ganacsatada daynta la waydiiyay xilligii ina Cigaal. Bal Xirsiyow wixii aad hayso soo qor oo waa inoo berrito.” Waxaan 6:am ku ballannay Hotel Maansoor.

 

Waxa aannu isu nimi xilligii aannu balansanayn. Waxa aannu isla eegnay qoraal kooban oo aan soo diyaariyay. Guud ahaan lacagta aan ganacsatada ka dalbanaynaa waxay dhamayd $6,000,000 (Lix milyan oo Dollar). Waxa aannu isla eegnay xaddiga ganacsatada aan u soo qorsheeyay in mid kasta la waydiiyo wax go’a, iyada oo la eegayo sida ay u kala jeeb roon yihiin. Waanu isla qaadannay qorshihii, madaxweynihiina wuu nala qaatay. Wasiirkii wuxuu soo jeediyay in aan dhammaan hoolka weyn ee guriga madaxweynaha ku ballamiyo. Waxaan qoray waraaq aan u kala diray ganacsatadii waaweynayd ee noo qorshaysnaa, taas oo aan ku wargelinayo in madaxweynaha iyo wasiirka maaliyaddu shir ugu yeedheen.

 

Ganacsatadii waa yimaaddeen. Salaan iyo is waraysi kooban ka dibna shirkii ayaa furmay. Wasiirkii maaliyadda iyo madaxweynihii waxay u soo qaddimeen ganacsatada dalabkii lacagta guud ahaan iyo gaar ahaan mid kasta inta laga doonayo, baahida kelliftay iyo daynta masuuliyadeed in ay qaadayaan labadoodu muddo koobanna ugu soo celin doonaan. Guud ahaan ganacsatadii way aqbaleen waxaanay yidhaahdeen shirkad kasta wixii aad ku qorteen kala ballama. Muddo ayaannu ka shaqaynaynay aniga iyo wasiirkii, ugu danbayna waxaa soo xarooday 63% qiyaastii.

 

Markii aannu isu geynay dayntii noo xarootay iyo dakhligii cusbaa, oo wasiirku xisaab cusub (New Account) u sameeyay, waxaannu qorshaynay in aannu 70% ku bixinno mushaharradii shaqaalaha ee taagnaa iyo wixii dayman daruuri ahaa, halka 30%-ka hadhay aan u qoondaynay in aannu u isticmaalo kharashaadka maalinlaha ah ee kala socodsiinta hawlaha dawladda.

 

Waxay ahayd arrin culayskeeda leh, dal dhaqaale ahaan aad u burbursan, bangi dhexe oo aan wax kayd ah lahayn, shaqaalaha dawladda oo aan dhawr

 

bilood wax mushahar ah qaadan, ciidamada qaranka oo mushaharkoodii cidhiidhi ku jiro. Xukuumadda madaxweyne Silanyo waxay dhaxashay deyn iyo amaah baaxad leh. Caqabadaha dhaqaale iyo kuwo bulsho ee xukuumadda cusub horyaalley aad bay u baaxad weynaayeen.

 

Xaqiiqo ahaan tallaabooyinkaa aan soo xussay waxay naga siiyeen waxoogaa debec ah culayskii maaliyadeed ee na haystay, balse waxa xukumadda laga sugayay in ay labanlaabto mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada oo ay ballan qaadday xilligii ololaha. In kasta oo wasiirku u dhashay nin madax- adag, haddana wuxuu garwaaqsaday talooyinkaygii dhinaca maaliyadda waxa aannu madaxweynaha waydiistay in aan maalin kasta galinka hore la shaqeeyo. Waxa aannu isu iman jiray subax kasta intii aannu ka soo kabanaynay duruuftii dhaqaale ee qallafsanayd. Markii aannu ka soo kabannay culayskii na haystay ee maaliyadeed, waxaan ku mashquulay hawlihii madaxtooyada iyo shaqadii xafiiskayga.

 

Hawlaha adduunyada ayay caadeeda tahay tallaabo marka aad qaaddaba, mid kale ayaa kuu dhiman. Mushkilad marka aad xallisaba, mid kale ayaa ku sugaysa. Dhacdooyinkuna way kaa dheeraynayaan oo kuguma simaan sida aad doonayso..

 

Nidaam kasta oo ku cusubi, waa dhacdo la fili karo inay la kulmi karto caqabado iyo suuldaarrooyin qorshaysan oo ay wadaan kooxo iyagu xusulduub ugu jira sidii ay maamulkaa cusub u fashilin lahaayeen ama ay uga faa’idaysan lahaayeen goldoloollada iyo wixii ka baylaha nidaamkaa cusub.

 

Intii aannu la legdemaynay hawlihii maaliyadda iyo qaar kale oo badan oo maxalliya, taariikhdu markii ay ahayd 10, 09 2010, ayaa waxa na soo gaadhay qaylo-dhaan sheegaysa in malayshiyo ilaa 300 oo ruux ah oo ka tirsan jabhadda ONLF ee la dagaallanta dawladda Itoobiya ay ka soo degeen magaalada Caasha Caddo ee xeebta galbeedka Somaliland, kuwaas oo ku wajahnaa dalka Itoobiya. Dawladda madaxweyne Silanyo ee aan ka tirsanaa waxay markaa talada dalka haysay muddo 43 habeen ah. Maadaama oo aannu cusbayn, aad ayaannu u nuglayn cid kastaana waxay doonaysay in ay ka faa’idaysato mushkiladaha na haystay. Wuxuu madaxweynuhu amray in taliyaha ciidamadu diyaariyo ciidamo si adagna uga hawl galo, isla markaana wuxuu amray in talo ay isugu yimaaddaan dhammaan ciddii ay khuseeyeen arrimaha nabadgelyadu.

 

Xukuumad ahaan waxay nagu ahayd dhacdadani naxdin, fejac iyo lamafilaan, qorshihii iyo qaabkii arrinkaa loo waajihi lahaana may diyaarsanayn. Markii ay arrintaasi dhacday waxa aannu xidhiidh iyo wadashaqayn toos ahba la yeelanay dawladda Itoobiya oo ah dawlad awood badan oo uu xilligaa hoggaaminayey raysal wasaare Meles Zenawi. arrintaa xukuumaddu cusub la kowsatay waxay ahayd mushkilad hor leh, run

 

ahaantiina gobolka waxay ku keeni karaysay halis iyo nabadgelyo-darro. Si wadajir ah ayey labada dawladood ee Somalilnad iyo Itoobiya isaga kaashadeen arrintan. Sida aan maqlay, malayshiyadii badankooda waa la qabtay, wixii kalena way kala yaaceen oo wax saamayn ah labada dhinac mid kumay yeelan.

 

In kasta oo ay xukuumaddii aan ka tirsanaa ay ku dedaashay in ay xakamayso xafiiltan dhaqaale iyo khilaaf diimeed, haddana waxaa nagu bilaabmay maalintii natiijada lagu dhawaaqayba muran xooggan oo u dhexeeyay ganacsato isku eryanayey hanashada xadhigga badda hoosteeda mara ee (Fiber Optic Submarin Cable), kaas buuqiisu na hadheeyay muddo labo sannadood ku dhow. Wuxuu ahaa mushkilad aad u weyn oo dhaawacday hannaankii siyaasadeed ee xukuumadda cusub. Odhaah caan  ah oo Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Il ribix arkaysaa rixim ma eegto,” taas oo macnaheedu yahay qofka macaashka doonayaa walaalnimo iyo naxariis toona ma eego. Ganacsatadu way iska damac badan yihiin oo meesha macaashku ugu jira wax walba way ka horraysiiyaan. 15|08|2010 waxaa madaxweynaha u yimi dad waaweyn oo miisaan leh oo aan ka xasuusto Muuse Biixi, Samaale, Samsam Cali Aadan, Cali-Gobonnimo iyo Aamina Timadheer, oo uu soo abaabulay ganacsade Maxamed Aw Siciid. Wuxuu waydiistay madaxweynaha in xadhiggii badda hoosteeda marayay rukhsaddiisa la siiyo iyada oo uu u xidhan yahay oo aan cid kale la siin karin (Exclusive).

 

Madaxweynuhu wuu u ogolaaday rukhsadii. Bixinta dhibi kama taagna oo madaxweynuhu waabu ka oggaaladaye, waxaa doodi ka bilaabantay in loo xidho. Waxaan soo saaray in arrintu Dastuurka Somaliland ka soo horjeeddo, oo dastuurku wuxuu odhanaya “Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah.” Balse dhammaan intii hawsha kula socotay way ku raacsanayeen arrintaa. Waxaa ugu debecsanaa Muuse Biixi oo yidhi waar Dastuur yaynaan jebin e xal kale inoo doona. Ugu danbayna madaxweynuhu wuxuu siiyey rukhsad caadi ah, laakiin uma xidhan (not exclusive) Waxaa iyaguna kacdoon xoogan sameeyay qolyihii kale loo diiday oo si laxaad leh ayay uga hor yimaaddeen, culays badanna saareen xukuumaddii cusbayd

 

Xagga xoolaha nool marka la eego, waxa murankiisu taagnaa arrinkii Maxjarka Cusub ee Berbera oo xukuumaddii talada wareejisay ay ganacsadihii Carbeed (Al-Jaabiri) oo ay dhoofinta adhiga ugu xidhay kootada. Ganacsadayaal badan ayaa arrintaa ka biyo diiday isla markaana waxay ku doodayeen in maxjar kale la furo oo aan cidna kooto loogu xidhin.

 

Arrintaasna waxa loo baahnaa in laga gaadho xal waara, in kastoo qaylo badani ka soo yeedhay dhinicii hore maxjarka u lahaa, haddana waxaa lagu dhiirraday in la furo maxjarkii kale, si loo helo suuq xor ah.

 

Caqabadda kale ee xagga dhaqaalaha ah waxay ahayd arrintii Haamaha Shidaalka Berbera oo muddo dheer gacanta dawladda ka maqnaa, oo ay shirkadda TOTAL muddo dheer kooto ku haysatay.

 

Xukuumaddu arrintaa waxay ka qaadday tallaabo, masuuliyaddii haamahana waxay ka wareejisay shirkadda TOTAL, dabadeedna maamulkii haamaha shidaalka waxay ku soo celisay gacanta dawladda. Kaddibna arrintaa waxaa ka dhashay buuq kale oo hor leh.

 

Waxa mar kasta jira oo aan la dhayalsan karin doorka iyo kaalinta ay bulshada siyaaddada ku leeyihiin ganacsatadu iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka guud ahaan u leeyihiin. Sidoo kale waxaa hubaal ah haddii ganacsatada lagu sii daayo maamulka iyo dawladnimada, waxaa dhacaysa xadhig kala jiidasho iyo in mid kastaa uu danihiisa u xusliyo, oo halkaa ay cidhiidhi ku gasho dantii caamka ahayd iyo qarannimadii.

 

Guud ahaan, hannaanka maamul si uu horumar u sameeyo wuxuu u baahan yahay deganaansho siyaasadeed iyo jawi nabdoon oo u hawl yareeya tallaabooyinka horumar. Maadaama oo markii xilka lay magacaabay aan ahaa maamulaha guud ee shirkadda Somtel (CEO) oo ay jireen shirkadihii ganacsi oo tartan naga dhexeeyey, waxaa aad muhiim iigu ahayd sidii aan u xaqiijin lahaa dhexdhexaadnimada iyo gudashada masuuliyadeed ee aan ugu adeegayo bulshada dhammaan, iyada oo wax dareen ahi aannu noo dhaxayn, isla markaana aan ganacsatada ugu abuuri lahaa kalsooni iyo in ay nidaamkan dawladeed si siman uga helaan adeegga shaqo ee ay uga baahan yihiin, baqdin la’aanna u shaqaysan lahaayeen.

 

Haddaba Xirsi ahaan, halkii aan joogay iyo shirkaddii hawsha yarayd waa anigii ka imi oo siyaasad ayaan u tafaxaytay, himiladii ii rumawday, masuuliyad culus iyo xil cusub oo awood badanna qabtay; balse waxaa wehelinayey hadalhayn, buuq iyo dacaayado aad u badan oo bilowgiiba ila kowsaday. Xisbigaygii iyo taageerayaashiisii ayaaba ugu qaylo dheeraa. Waxaan u bixiyay xilkii Buuqsiraate (A noisy resposibilty). In ka badan 6000 oo maqaal iyo odhaahyo ayaa laga jeediyay oo aad ka helaysaa Internetka oo keliya, qof kastaana meeshuu doono ayuu ula kacay siduu jeclaana wuu u fasirtay. Waxaynu ka sawiran karnaa, maansadan uu berigaas curiyay Axmed Cali Garas (Maqalloocshe), oo wargeyska Haatuf oo mawduuc toddobaadle ah ku qori jirey. Waxaynu ka soo qaadan in kooban:

 

Ma Xirsaa ka dambeeya Haddii xaajiyad qaad ahi, xafartooy is-rogto

ma Xirsaa ka dambeeya? Haddii gaadhi xamuul ah xuduudkaa laga jiito

oo Itoobiyanku xidhaan ma Xirsaa ka dambeeya?

 

Adiga oo yar xanaaqay, haddaad xaaska dhirbaaxdo, oo xabsigaa lagu geeyo

ma Xirsaa ka dambeeya? Xafladdii Muqdishee, bambka wayn la xuluushay ma Xirsaa ka dambeeyay? Xaafad, xaafado shiidday, xangaruufo mid gaadhay, ma Xirsaa ka dambeeya?

Haddii aalad xumaatay, xagal daaco samayso, ma Xirsaa ka dambeeya?

Wax kastoo la xumeeyo ma Xirsaa ka dambeeya?!

 

Maansadani waxay ka mid ahayd dareemadii dadka ku jirey, warbaahintuna qorayeen xilligaa. Haseyeeshee, qof kasta oo xil iyo masuuliyad qaran loo dhiibay, waxa looga fadhiyo ee laga sugayaa waa inuu shaqadii loo diray sida uga habboon u guto, ugana midho-dhaliyo.

Buuqaas waxyaalaha aan is leeyahay sabab iyo saldhigba bay u ahaayeen waxaa

ka mid ahaa:

  1. Waxaa xaqiiqo ah magaca iyo mansabka (Chief of Staff / Chief Of Cabinet) in ay gebi ahaanba ku cusbaayeen saaxadda siyaasadda Soomaalida oo aan hore looga aqoon, iyadoo weliba aanay qeexnayn shaqadiisa iyo awooddiisu toona. Dhinaca kale, shaqadani waa mid qaylada iyo eedda caan ku ah. Xikmad laga soo tebiyey Donald Rumsfeld oo Maraykan u ahaa Chief of Staff 1974, ayaa odhanaysa: “If you are not criticized, you may not be doing much – Haddii aan lagu eedaynayn, hawshaadii wax badan kamaad qaban.”
  2. Shakhsi ahaan, anigoo ahaa nin dhallinyaro ah oo aan hore uga mid ahaan jirin qamaamuurtii iyo qoorweyntii saaxadda siyaasadda ku soo gaamuray ee ay dadku yaqaanneen iyo hebelladii indhahooda iyo aragtidoodaba ku waynaa, siyaasiyiintaa oo inta badan cid kasta oo cusub geeska ku feedha ama didsada, maadaama oo aannu weli soo shaac bixin ama aqoontiisa, garashadiisa, shaqadiisa iyo kartidiisaba aanay dadku weli si wayn u tijaabin. Waxaad arkaysaa mararka qaar bulshadii xaakimka u noqon lahayd kii wax hagaajiyay iyo kii wax xumeeyey, waxaa dhegahooda haysta oo ay u afduuban yihiin horjoogayaasha siyaasadda ee ku gaamuray saaxadda. Waa shaqo kuu taala sidii aad u jiidhi lahayd ama aad gidaarkaa u jebin lahayd.
  3. Dad badan oo Kulmiye xilal ka sugayay ayaa is waayay. Dhinaca kale, xukuumaddii ugu horraysay ee Kulmiye waxaa xilal muhiim ah ka qabtay

 

rag cusub oo da’ yar, iyo waliba rag aan kaadirka xisbiga hore uga muuqan.

  1. Wax-u-quudhi-waa (xasad) aadamuhu guud ahaanba iska leeyahay, gaar ahaan xawaarihii aan ku dhaafay tiro badan oo jeclaa in ay muuqdaan oo la sheegsheego.
  2. Maadaama oo aan joogay meel aad u xasaasi ah oo ahayd hilinkii ama albaabkii loo sii marayey madaxweynaha Somaliland. Kuwa guuldarraystaa ma aqbalaan fashilka naftooda balse waxay u raadiyaan cudardaar, in badan waxaa u fududaatay inuu aniga iga dhigto gabbood oo uu yidhaahdo Xirsi baa ii diiday! Xataa kuwa shaqadooda ku saaqida ee laga eryo ayaa ku andocoon jiray Xirsi baa na eryey!
  3. Waxaa iyana meesha taallay madaxweyne Silanyo oo ahaa hoggaamiye caan ah oo aad u shacbiyad badan oo dalabka iyo doonistiisu ay aad ugu badan yihiin, markaad la shaqaynayso ee aad masuul ka tahay kaalinta iyo darka laga kala horayo mawjadaha bulshada ee ku sii qulqulaya xafiiska uu fadhiyo. Waxaad dareemi kartaa inay goobtaasi tahay goob culayskeeda leh.

 

Qof ahaan, talo waxaan ku ururiyay in aan hore u socdo. Ninkii hadlayaaba ha iska hadlo e, in aan wixii hawl iyo shaqo ii yaalla ama shaqadayda khuseeya ku tooso, daacadna u ahaado cidda aan la shaqaynayo. Sidoo kale, waxaan isku dayey in aan si joogto ah naftayda ugu baraarujiyo, uguna dhiirri geliyo in aan ummaddayda u shaqeeyo, taas oo ah samafal aan xasanaad ku heli doono aakhiro, iyo in aan qabto shaqo ii suurto gelin karta inaan ku soo baxo taariikhda, isla markaana aan ku muujin karo kartidayda iyo awooddayda qof ahaaneed.

 

Si kasta oo aad u tahay geed-adayg iyo qof adkaysi badan, haddana bini- aadam baad tahay dareen iyo damqashoba leh oo mar uun ka digiigixan kara qardofooyinka iyo qaladaadka aan sababta lahayn ee sida joogtada ah laguugu hayo. Haddaad og tahay qaladaad aad samaysay (kuwo shaqo ama kuwo siyaasadeed), dabcan waad ka garaabi kartaa wixii lagugu maagayo. Laakiin mushkiladdu waxay tahay markaad maalin walba la kulanto dhaliil iyo dhaleeco xad-dhaaf ah oo aan guushaada iyo guul-darradaada midna la xidhiidhin, aqoontaada iyo garashadaada la xidhiidhin, balse halbeeggu keliya uu yahay: “Xirsi waa inan yar oo dhallinyaro ah oo aan hore loo aqoon ama madaxweynaha ayay isku dhow yihiin; Halkiisa anaa ku wanaagsanaa iyo maxaan Xirsi u noqon-waayay!!” Gaar ahaan markaan gurigayga tago ee sariirtayda jiifo ayaan naftayda la showraa. Su’aalaha aan had iyo jeer isweydiin jiray waxaa ka mid ahaa: waa maxay sababta lagugu eryanayaa ee lagugu maagayaa? Miyaanad ahayn muwaadin Somalilander ah oo xaq u leh inuu xil iyo mansabba dalkiisa ka qabto, shaqadii laguu diray maxaad qaladday ama aad ka gaabisay? Yaad wax gaar ah ka gashay?

 

Xilkii la ii dhiibay waa mid siyaasad maamulaya, oo muu ahayn mid bulshada xidhiidh la leh oo aan adeegyo siinayo, sida dadka ka shaqaynaya caafimaadka iyo beeraha. Balse waxaa inta badan shaqo na dhexmaraysaa siyaasiyiin xafiiska dano kaga xidhan yihiin. Muu ahayn xil ama jago siyaasi ah oo aan siyaasadda si toos ah ugu ban bixi karo. Waxaan fadhiyaa golihii wasiirrada, laakiin cod ma lihi oo wasiirrada ayuun buu xeerku cod siinayaa.

 

Waxaa jiray nin oday ah oo maalin sheeko nooga sheekeeyay. Wuxuu yidhi “Anigoo, Suuqa maraya ayaan arkay buuq iyo dadkii oo isku murugsan oo yool hortaydii ka jiro. Nin ayaan waydiiyay maxaa dhacay? Ninkii wuxuu iigu jawaabay Xirsi ayaa halkaa ka xiiranaya oo waddada loo kala xidhay. Markaas ayaan is idhi waar Xirsiga warkiisa kaa bataye soo arag oo aan soo tallaabo dheereeyay. Markii aan goobtii imid waxaan kula kulmay labo gaadhi oo isgalay, markaas ayaan u qaadan waayay oo yaab iyo amakaab Ilaah ii keenay!” Markaa waxyaalahaa iyo waxyaalo la mid ah ayaa socday xilligaa.

 

Iska daa culayskii ay igu hayeen siyaasiyiinta aan weli ku jirin xayndaabka xukuumadda ee weli damacoodii iyo hankoodiiba dibedda la gaafwareegaya, waxa dhacdo xanuun badan ahayd cadaawadda, dacaayadda iyo eedaymaha aan kala kulmi jiray siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta iyagu xukuumadda igula jira. Waxaana keenayay marka qof masuul ahi uu fikir ama ra’yi uu soo diyaarsaday oo uu doonayo inuu madaxweynaha mariyo, marka aan ra’yi ka soo jeediyo, ama aan talo ka keeno ama aan bayaamiyo xog iyo xaqiiqo isaga ka soo horjeedda oo taalla xafiiska madaxweynaha oo aan masuul ka ahay, marnaba may jeclaysan jirin waxaanan kala kulmi jiray cunfi iyo dagaal.

 

Waxaan go’aansaday in aan la imaaddo karti iyo hawlkarnimo aan ku muujinayo in dhallinyaranimada, cusaybka iyo da’ yaraantu aanay noqon karin nusqaan iyo dhaliil muwaadinka da’da yar leh loo nisbeeyo oo ka hor- istaagi karta inuu qarankiisa ka qabto xil iyo masuuliyad muhiim ah oo uu bulshadiisa ugu adeego.

 

Sidoo kale, haddii ay dhacdo da’da oo la isku xaqiraa waxay su’aashu noqonaysaa xaggay isku taagaysaa ileen qof kastaa qofka ka yar ayuun buu u daliishan in uu ku dhaliilo inta uu ka yar yahay e? Bal qabso oo da’dayduna markaa maba yarayn, oo qof 40 sannadood gaadhay dee ma yara! Bal muxuu yeeli qofka intaa ka sii yar, balse aqoontiisii iyo garashadiisiiba ay u bislaadeen inuu bulshadiisa u adeego!

 

Dhinaca kale, maadaama aad la ii hadalhayo waxaan qaatay bal in muddo ah inaan gebi ahaanba ka gaabsado xidhiidka saxaafadda qalad iyo sax kuu doono ha ahaadee.

 

Haddaba, maadaama xidhiidhkaygii iyo muuqaalkaygii saxaafaddu uu aad u yaraa, oo hadalladii iyo dacaayadihii la iga faafin jiray ee xaqiiqda ka fogaa

 

aanan hadal iyo qoraal midnaba kaga jawaabi jirin. Bulshada cid waliba dhankay doonto ayay u qaateen. Dadka qaar baa ii haystay inaan ahay nin meesha lagu hayo oo garab iyo hayb reernimo xilka lagu siiyey. Kuwo kale ayaa iyaguna ii haystay agnaan aan hadalka aqoon iyo nin aan wuxuu doonayo gudbin karin. Muddo sannad ah ayaan saxaafadda gebi ahaanba afkayga ka dabooshay, waxaanan ku mashquulay oo aan wakhti iyo dedaal badan ku bixiyey shaqadii iyo masuuliyaddii la ii igmaday.

 

Tacabkii iyo waqtigii badnaa ee aan xafiiska ka shaqayn jiray 16 saacadood iyo wax la mid ah wuxuu ii keenay in bulshada intii aannu wadashaqaynta lahayn (rag iyo dumarba), shacabkii xafiiskayga danaha ka lahaa, iyo bulshada intii aannu isgaadhi karaynayba ay ii soo noqdaan oo ay garwaaqsadaan tayada iyo kartidayda qofnimo.

 

Laakiin, ummaddii kale ee aanan xidhiidhka tooska ah iyo mid dadban midnaba aanan la lahayn ismaannaan helin, dhegahoodana waxa ka badatay dacaayadihii aniga la iga baahin jiray. Hal sano ka dib waxaan go’aansaday in la gaadhay xilligii aan saaxadda iyo saxaafadda u soo banbixi lahaa ee aan bulsho-weynta si toos ah ula hadli lahaa.

 

Dabcan may ahayn markii aniga iigu horraysay ee aan saxaafadda la macaamilo amaba muuqaalkayga laga arko shaashadaha, wargeysyada iyo bogagga internetka. Xilligii aan guddoomiya-ku-xigeenka Komishinka Doorashooyinka Qaranka ahaa, bulshada in badan oo ka mid ah ayaa magacayga iyo muuqaygaba saxaafadda ka baratay.

 

Shaqada Madaxtooyada taallay waxay ahayd mid aad u hawl badan, oo isugu jirta: Maamulidda shaqooyinka maalinlaha ah, la macaamilidda siyaasadda maxalliga ah ama debadda wixii khuseeya madaxweynaha ee shaqo u baahan, kala hufka wararka kala duwan ee muhiimka u ah madaxweyna, xidhiidhka hay’adaha kala duwan ee dawladda ee madaxtooyada wax uga baahan, iyo xal u helidda mushkiladaha wixii soo dhaafa ama ka tan bata hay’addii ay khusaysay ee madaxtooyada taageero uga baahata. Ogow waxyaalo badan oo aan masuuliyaddaada ahayn ayaa cilaaqo la leh shaqadaada, oo mushkiladaha masuul kama tihid dhicistooda waxaa se xil kaa saaran yahay xalintooda.

 

Caadooyinka siyaasadeed ee wakhtigaa jiray oo ahaa in dadku caam ahaan noloshoodii oo dhami siyaasadawday oo qof ay shaqadiisa tahay siyaasaddu iyo mid aanay khusayn labaduba ku fooggan yihiin siyaasad. Waxaan odhan karaa siyaasaddii waxaa laga dhigtay camal loo shaqo tago. Marka laga tago dadka danta ka leh iyo dadka kale ee doonaya in ay yimaaddaan xafiiska madaxtooyada qalad iyo sax waxay doonaan ha u doonaan, waxaa ka sii culays badnaa dadka masuuliyiinta ah ee madaxtooyada doonaya ama cid u wada, (tusaale 26 wasiir, 164-ka xildhibaan ee labada gole iyo boqolaal madax dhaqameed ah). Inta badani waxay u socdaan xil ama xoolo. Maalintii waxaa

 

kaaga soo hagaagaya ugu yaraan 30-50 qof oo madhaafaan iyo birmagaydadii bulshada ah. Waa dadkii masuuliyiinta ahaa ama ixtiraamka kaa mudnaa. Si kasta oo aad u nidaamiso, u qanciso ama joojisaa waxay abuuraysaa tabasho iyo dareen taban.

 

Isdiidsiin iyo maya, idin qaabbili maayo kuma habboona siyaasadda—oo halbawlayaasha siyaasadda ayay ka mid tahay gaadhista bulshada, dhegaysiga iyo inaad duruufahooda u kuurgasho. Markaa dadka ayaan gaadhayaa, horjoogayaashoodiina waa is diidsiinayaa ama inkirayaa isu kaa qaban mayso. Dabcan shaqadiina dhaawac ayay ku tahay marka safaf dhaadheer uun laguugu jiro ee wakhtigaaga shaqo noqdo in aad dadkaa kala horto. Annaga waxaa noo dheeraa duruufo noo gaar ah.

 

Markii xaalku halkaa marayo, waxaan isku dayay in aan xal ka dhigo in aan saacadaha shaqada labalaabo oo aan xafiiska joogo saacado badan. Waxaanan isku deyi jiray in aan wax diyaariyo xilliyada dadban ee habeenkii. Waxaa nafis iyo nasasho ii noqon jirtay wakhtiyada safarka ee aannu meel u baxno. Waxaan dareensanahay dedaal kasta oo aan samaynay, in aannu waxyaalo badan oo noo qorshaysnaa ka gaabinnay sababtaa aan kor ku soo sheegay darteed.

 

Haddaba, in kasta oo ay jirto xigmadda Soomaaliyeed ee tidhaahda “nin xil qaaday eed qaad,” dabcan, qof kastaba waa la dhalliili karaa, waana la dhaleecayn karaa, balse waa inay jiraan sababo muuqda oo saldhig iyo daliil u ah dhaliisha. Markaa ayay wax toosisaa ama dhistaa. Qofka masuulka ah sababaha iyo sifooyinka lagu dhaliili doono ama lagu bogaadinayo, caqliga suubbani wuxuu ina siinayaa in halbeeggu uu noqdo kolba siduu u guto xilkii iyo masuuliyaddii loo igmaday.

 

Xaqiiqadu se qofka xil haya ee aan qabanin shaqadii loo diray wuu fashilmaa. Balse qof wax qabtay wixii uu qabtay ama qalday ayaa wax laga sheegaa. Waxaana dhaxal noqda waxa uu ka tago ee uu qabto xilligiisa. Kaas ayuun baa taariikhda gala, kana markhaati furtaa guushiisa. Mararka qaar dhaleecayntu xayaysiis ayay noqotaa oo dadku waxay doonaan waxa la hadalhayo in ay wax ka ogaadaan. Waxa laga weriyey halgamaagii caanka ahaa ee Malcolm X: “If you have no critics, you’ll likely have no success – Haddii aanad cid ku dhaliilbsan lahayn, waxay u dhowdahay inaanad guulba gaadhin.”

 

Dhacdooyinka siyaasadda midiba midda kale way ka sii daran tahay. 30, Aug 2010 subaxnimadii hore ayay ila soo hadashay marwada madaxweynuhu iyadoo naxdini ka muuqato hadalkeeda, waxaanay ii sheegtay in arrini soo korodhay oo aan u imaaddo. Aniga oo naxsan ayaan soo baxay. Waxaan gaadhay gurigii madaxweynaha anigoo aad u naxsan. Marwadii ayaa ii soo baxday, waxaanay iiga warrantay in xalay madaxweynaha xaaladi ku soo korodhay, oo uu yidhi waan iscasilayaa! Intii aannu hadalkii hayno, ayaa

 

wasiir Maxamuud Xaashi, oo isagana ay marwadu wargeliysay, noo yimi. Markii aannu is waraysannay waxaa sababtii noqotay in madaxweynuhu ka werweray xusuustiisa oo hoos u dhacday, ugu danbayn se uu madaxweynihii ka noqday go’aankii markii ay qoys ahaan gaar u wada hadleen.

 

Markii madaxweynihii soo baxay ayaannu la fadhiisannay, isaga oo werwerkii xilka iyo dareenka xanuunkuba ka muuqdo. Xirsi ahaana waan dareemayay intii aannu wada shaqaynaynay in xusuusta madaxweynuhu si weyn hoos ugu dhacday, waxaanay ku sii badan jirtay mar kasta oo culayska shaqada ee welwelka iyo walbahaarku ku bataan (stressful). Marka se culayska laga ilaaliyo ee hawsha laga yareeyo wuu fiicnaa, in kasta oo uu ahaa qof waayeel ah oo sannad kasta wax ka dhacayaan.

 

Cutubka 15aad: Wasiirkii Madaxtooyada

 

Dhammaan xukuumadihii naga horreeyay waxay lahaayeen wasaaradda madaxtooyada in kasta oo shaqada ay qabataa aad u yarayd, fikirka guud ee ay bulshadu wasaaradda madaxtooyada ka haysteen wuxuu ahaa Wasaarad aan miisaan culus lahayn ama aan micno badan u lahayn hawlaha kala duwan ee qaranka. Magac kasta ha loo bixiyo e, masuulka maamulaya ee maaraynaya hawlaha madaxtooyadu wuxuu door muhiim ah ka qaataa guusha hoggaamiyaha qaranka.

 

Ka hor intaan la ii magacaabin xilkii wasiirka madaxtooyada, waxaan soo maray shaqadii Chief of Cabinet-ka. Muddo sannad ah markii ay hadhiwayday hadal hayntii xilkii aan hayey ayaannu madaxweynaha isla garanay in uu magicii (Chief Of Cabinet) ka beddelo oo ka dhigo wasiirka madaxtooyada. Muhiimadda koowaadna waxay ahayd in danaha qaranka iyo maslaxadaha ummadda ee shaqadayda si toos ah ama si dadbanba ugu xidhnaa aan u guto si sharciga waafaqsan isla markaana fahamka dadka u sahasha.

 

Siyaasaddu guud ahaan waa nolol ciilqab badan. Mar waxaad ku ciil qabtaa halkaa gaadh, marna waxaad ku ciil qabtaa kaa iska celi, marna waxaad qawadsan tahay kaalintaada bulshada, marna waxaad ku ciil qabtaa waxaa qabo oo dhaxalkaa reeb. In kasta oo eedihii iyo dhaleecayntii joogtada ahayd aanay xilkii waxba ka beddelin, haddana waxay ahayd xil kii hore ka magac roon, kana mug weyn xaga sharciga. Waxaa la sheegay in madaxweynihii Maraykan ee John F Kennedy uu aabbihii uga cawday saxaafadda oo cidhiidhi badan ku haysa, balse aabbihii uu u sheegay inuu soo ururiyo Joornaalladii laga qoray ka dibna uu ku yidhi “isku taag.” Markii uu tumbul isku taagay ee uu noqday nin meel sare fuushan ka dib ayuu ku yidhi “intaas ayaad qayrkaa dheer tahay.” Xikmad adeegso, waana adiga iyo nasiibkaa.

 

Shaqada dawladdu waxay u qaybsantaa wax masuuliyadda loo guto si shakhsi ah iyo waxyaalo loo guto si isku duubni ah. Xilka wasiirnimo wuxuu ii sahlay in aan ka qayb qaato hawlihii golaha wasiirrada iyo in aan saaxadda siyaasadda si aan gabbasho lahayn uga muuqdo, oo aan saxaafadda u soo ban baxo, si aan bulsha-weynta wixii khalad iga fahamsanaa u qanciyo, kalsoonidooda u helo. Hore waa kii Cali Sugulle Duncarbeed u yidhi:

Diric keli ahaantii daleel guusha kama helo

dadkaa geesi lagu yahay.

 

Noloshu waa maalmo xaddidan. Adduunkana magac baa ka hadha. Xilalka qarankuna waa meerto, oo maalinba qof baa jooga, waana fursad laguu siiyey tijaabada kartidaada iyo kaalinta aad ka qaadanayso horumarinta iyo Ilaalinta dadkaaga iyo dalkaaga.

 

Qof kasta oo xil bulsho loo igmado waxa wanaagsan inuu xilkaa iyo masuuliyaddaa uu qaaday, intii awooddiisa ah, uu u guto sida ugu habboon, ummaddana uu uga tago dhaxal, isagana u gasha taariikhda.

 

Haddaba, xilka iyo masuuliyaddu, heer kasta oo ay yihiinba, ma aha kuwa iyagu dhaliya ama keena isbeddelka loo baahan yahay!! Sidoo kale waxaan aaminsanahay in aanay wasaaraduhu kala wanaagsanayn, haba kala miisaan weynaadaan e. Xaqiiqdu waxay tahay, qofka xilka loo igmado ayaa ah ka la yimaadda isbeddelka looga baahan yahay in laga hirgeliyo hay’adda masuulka looga dhigay. Qoraagii caanka ahaa ee John Maxwell wuxuu yidhi: “It is not the position that makes the leader, it’s the leader that makes the position – Mansabku ma sameeyo hoggaamiye, laakiin hoggaamiyaha ayaa sameeya Mansabka.” Wasaaradda madaxtooyadu waxay noqotay mid ku biirta safka wasaaradaha la xiiseeyo, magacaygiina wuxuu noqday mid tusaale loo soo qaato marka la tilmaamayo qofka halkaa ugu mudan:  “Halkan yaa ka Xirsi ah ama anigaa ka Xirsi ah” ujeeddada ay doonaad ha ka lahaadaan.

 

Madaxtooyadu markii aannu la wareegnay waxay u baahnayd dayactir ballaadhan iyo casriyayn. Maadaamada ay tahay xaruntii qaranka looga talinayey ee ay taallay haybaddii, himiladii iyo haykalkii dawladnimada, waxaan lagama maarmaan iyo daruuriba u arkay inay muuqaal iyo bilic wanaagsan yeelato, oo aan qasriga madaxtooyada gebi ahaanba isbeddel muuqda ka hirgeliyo, oo aan ka beddelo sidii ay xukuumadda cusubi kula wareegtay.

 

Ha noqoto muuqaalka iyo bilicda dibedda ee xarunta madaxtooyada, ha noqoto dayac-tirka iyo qalabaynta dabaqa hoose ee xafiisyada, ama ha noqoto dayactirka iyo qalabaynta dabaqa sare oo ah hoyga madaxweynaha e, waxaannu ku dedaalnay sidii aan xarunta madaxtooyada uga dhigi lahayn meel lagu soo hiran karo oo ka tarjumaysa haybadda iyo mustawaha uu qaranku leeyahay. In kasta oo aannu dedaal badan gelinnay, haddana quruxdu kama maaranto haween kula qorsheeya. Waxa run ahaan si lexaad leh iigala qayb qaadatay talo, tilmaan iyo door lama ilaawaan ahba ku lahayd marwada madaxweynaha.

 

Iyadoo aan la dumin ama aan waxba loo dhimin qalfoofka (structure) guriga, waxaannu dayactir laxaad leh iyo dibuhabayn weyn ku samaynay guud ahaanba madaxtooyada. Isbeddelkii aannu ka hirgelinnay xarunta madaxtooyadu wuxuu noqday mid ay guud ahaanba dadku si weyn u dareemeen, bulshaduna ay si togan oo niyadsami leh uga dareen celiyeen.

 

Dadku waxay aqoonsadeen in xarunta madaxtooyada uu isbeddel muuqdaa ka dhacay; dadkaasi ha ahaadeen kuwo ku nool dalka gudihiisa, kuwo ka yimi dibedda amaba ha ahaadeen dadka kale ee ajaanibka ah ee dalka soo booqanayey.

 

Kulamo Madaxeed aan Qayb ka ahaa

 

Intii aan madaxtooyada joogay, waxa ii suuragalay in aan qayb ka noqdo kulamo dhex maray madaxda Somaliland iyo madaxda dalal badan oo caalamka ah. Halkan baan ku soo gudbinayaa kulamadaas iyo wixii iiga baxay.

 

1. Kulankii Madaxweyne Geelle

Waxay ahayd Nov|3|2010 markii madaxweyne Silanyo safarkii ugu horreeyay ee uu debadda ugu baxo booqasho rasmi ahna ugu kicitimay Jamhuuriyadda Jabuuti markii uu casuumad ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanan ka mid ahaa weftigii madaxweynaha.

Weftigii Madaxweyne Geele iyo Weftigii Somaliland

 

Safarkaasi wuxuu hordhac u aha xidhiidh cusub oo diblomasiyadeed oo ay yeeshaan xukuumadda Somaliland iyo Jabuuti, ka dib markii uu xidhiidhka labada dal hoos u dhacay sannadkii 2007, markii ay waxoogaa shaki ahi ka dhashay dhoofinta xoolaha Soomaalida, isla markaana dekedda Jabuuti ay noqoto meesha laga dhoofiyo xoolaha Soomaalida.

 

Markii ay madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu gaadheen madaarka Jabuuti, waxa garoonka ku soo dhoweeyay madaxweynaha Jabuuti, isla markaana waxa loo dhigay roogga cas ee lagu soo dhoweeyo hoggaamiyayaasha.

 

Madaxweyne Geelle waxa uu muddo dheer ku soo shaqeeyay Chief Of Cabnet, mansabkii aan mid la mid ah Somaliland kaga soo shaqeeyay. Waqtigaasi aqoon badan umaan lahayn war guud mooyaane, waxaanan u haystay inuu ahaa nin meesha lagu wareejiyay. Waxaan ogaaday inuu ahaa nin soo shaqeeyay oo soo kifaaxay, oo maamul ahaan madaxtooyada waddankiisa ka soo shaqeeyay, xogo badan haya, wax badanna kala og.

 

Kulankaa waxaan ka xusuustaa, waxa uu naga waraystay arrimaha dhaqaalaha Somaliland. Ka dibna waxa uu nagu yidhi “Haddii aydaan cashuurta sida ay tahay bulshada uga ururin, dalka maamuli kari maysaan.” Waxa uu na weydiiyay “Imisa qof ayaa Somaliland telefoonka gacanta sita?” Waxa aannu ku nidhi. “qiyaastii nus malyuun qof ayaa telefoonka gacanta sita.”

Inta uu qoslay ayuu yidhi. “Waxaad tihiin qani! Annaga waxa Telefoonka gacanta sita konton kun oo qof oo kaliya, miisaaniyaddayadana dakhli aad u badan ayay ka yihiin.”

 

Wuxuu yidhi “Waxaad ka faa’idaysan kartaan cashuuraha laga qaado telefoonnada, lacagaha adag iyo diyaaradaha.” Run ahaantii waxaan dareemay in uu xogo badan ka hoyo Somaliland, waxaana ka muuqatay khibrad iyo waayo-aragnimo. Waxa uu tilmaamay dhawr meelood oo maskaxdayda ku sawiran.

 

Arrimahani waxay noo noqon karayeen mafaatiix wanaagsan oo aannu ku kobcin karno dhaqaalaha dalkayaga.

 

Waxa kale oo iyaduna fursad noo ahayd in wasiir walba lagu xidhay inay is xogwaraystaan wasiirka dhiggiisa ah, isla markaana xogta maamulka dawladnimo isweydaarsadaan.

 

Markaa waxaan fursad u helay inaan la kulmo wasiirkii maaliyadda ee Jabuuti ee xilligaa oo magaciisa la odhan jirey Cali Cadnaan. Kulamadii aannu la yeelannay wasiirrada fikrado badan oo aannu ka faa’idaysannay ayaannu ka soo kasbannay.

 

In kasta oo si aad u heer sarraysa oo karmaao iyo maamuus huwan na loo soo dhaweeyay oo madaxweyne Geelle uu madaxweyne Silanyo ku qaabbilay diyaaradda hoosteeda, isla markaana aannu fekrado ka faa’idaysannay, haddana qodobkii bulshadu aadka nooga sugaysay ee aqoonsiga Somaliland iyo Ictiraafka dawladnimadeeda wax jawaab ah oo sugan kamaannu helin.

 

Waxaa na sugaayay qabyo ballaadhan oo dhinaca dhismaha iyo horumarinta qaranka ku wajahan, gaar ahaan waxaa i sugaysay shaqo badan oo ay ka mid tahay qaabkii maamulka iyo qorshihii shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala xarunta madaxtooyada oo aan maalinba wax ka qabanayey ama wax ku soo darayay. Habraaca iyo isbeddelka nidaamka shaqo ayaannu xoogga saarnay. Sideedaba, guusha iyo guuldarrada maamul waxaa lafdhabar u ah kolba siday kooxdu (team) isula jaanqaadaan ee ay u wada hannaaniyaan.

 

Annagoo shaqaalihii hore soo dhoweyn iyo iskaashi la samaynaya (Coaching), waxaan soo xulnay oo aannu shaqaalaysiinay koox dhallinyaro ah oo aqoonyahanno ah oo leh kartidii iyo hufnaantii ay ku gudan lahaayeen

 

hawlaha xagga maamulka iyo maaraynta ah iyo waajibaadka kala duwan ee ka jira xarunta madaxtooyada.

 

Dhallinyaradaa aqoonyahanka ahaa oo run ahaantii aan odhan karo waxay ahaayeen tiirarka iyo taageerada kala socodsiinayey hawlaha xarunta madaxtooyada; waxaa ka mid ahaa xoghayayaasha, agaasimaha guud ee wasaaradda madaxtooyada, xoghayaha golaha wasiirrada, agaasima- waaxeedyada, shaqaalaha, maamulka, dhaqaalaha, iyo xafiisyada xidhiidhka iyo arrimaha bulshada.

 

Sida runta ah, kooxda dhallinyarada ahi waxay ahaayeen badankoodu kuwo tayo leh oo aad u fiican, waxayna nagala soo dabbaasheen bad iyo baaxadsoore. Waxaan aaminsanahay in iyaga la’aantood aanay wax badani noo qabsoomeen. Hawlkarnimadii iyo xilkasnimadii ay la yimaaddeenna waxay ka qayb qaadatay habsami u socodkii shaqo.

 

Habmaamuusku (protocal) waa tiirarka dawladnimada, balse dadka Soomaalidu waxba u ma yaqaannaan. Waxay dhaqan ahaan yaqaannaan oo ay tixgeliyaan ixtiraamka iyo dhaqanka. Waxaa xaqiiqo ah dawladi haddii aanay lahayn habmaamuus, amaba aan si dhab ah ugu dhaqmin, arrinteedu waxay noqonaysaa uun habqan iyo isdhexyaac, taasna waxaa ku luma milgihii iyo meeqaamkii uu qaranku lahaa! Sidaa darteed, waxaannu aad isugu hawlnay in shaqada iyo hawlmaalmeedka wasaaradda madaxtooyada aannu u samayno nidaam iyo habraac (policy & procedures) qoran oo si dhab ah loo tixraaco, xilli kasta iyo xaalad kastaba.

 

Maadaama oo gaadiidkii aannu la wareegnay uu ahaa duug muddo soo shaqaynayay, maalin maalmaha ka mid ah ayuuba naga istaagay gaadhigii madaxweynuhu!

 

Waaxda habmaamuuska ee waddamada dunidu waxay caan ku yihiin oo ay leeyihiin gaadiid u gaar ah (sida baabuur madmadaw iyo mootooyin) oo lagu qaado ama lagu gelbiyo hoggaanka qaranka iyo madaxda kale ee dalka. Gaadiidkaasi waxay leeyihiin dhammaanba aaladihii iyo qalabkii (sida dhawaqa, laydhadhka saddexda midab leh iyo qalabkii isgaadhsiinta) lagamamaarmaanka u ahaa hagitaanka iyo gelbinta socodka iyo safarrada hoggaanka sare ee qaranka iyo madaxda kale ee dalka.

 

Waxaannu samaynay xeer-nidaamiyeyaal iyo habraac khuseeya shaqooyinka kala duwan ee wasaaradda iyo madaxtoodayada sida: habmaamuuska guud, habmaamuus u gaar ah golaha wasiirrada. Sidoo kale xagga maamulka iyo lacagta, xagga shaqaalaha (HR) iyo gaadiidka. Annagoo dhammaan u samaynay diiwaanno kala duwan oo qoran, habraac iyo xeerhoosaadyo (manuals and procedures) kuwaas oo ay si cad ugu qeexan yihiin nuxurka iyo ujeeddooyinka ay ka tarjumayeen.

 

Guud ahaanba hay’adaha uu qaranku ka kooban yahay (Sharci dejinta, Garsoorka iyo Fulinta) waxay ku dhisan yihiin ee kala hagaa waa Distoorka qaranka. Haddaba, marka la eego xagga shuruucda iyo xeerarka, waxaannu samaynay daraasaad aannu ugu kuurgelaynay meelaha loo baahan yahay ama ay lagama maarmaanka tahay in la curiyo xeerar cusub, ama kuwii hore u jiray wax-ka-beddel iyo kaabisba lagu sameeyo.

 

Daraasaadkii iyo xog-ururintii aannu samaynay waxaa nooga soo baxay in loo baahan yahay in la curiyo xeerar badan. Waxa aannu samaynay xeerar badan oo uu ugu mihiimsanaa xeerkii kala hagi lahaa ama kala nidaamin lahaa hay’adaha kala duwan ee ay xukuumaddu ka kooban tahay, xeerkaas oo la yidhaahdo: ‘Xeer-nidaamiyaha xukuumadda’ (Goverment Organization Act). Xukuumadda oo ah hay’ad leh awood fulineed, waxa lagama maarmaan ah inay yeelato xeerar iyo nidaam kala wada oo aan keliya ahayn hadal ama af, balse ah sharci iyo xeerar si dhab ah loogu dhaqmo. Ugu dambayntiina waxaannu u gudbinnay golaha wakiillada, si ay u ansixiyaan.

 

In kasta oo aannu ku dedaalnay in aan saxno ama hagaajinno xeerarka iyo habmaamuuska dawladnimo, haddana caqabad waxa nagu ahaa dhaqanka iyo habnololeedka dadka oo aan waxyaalaha qaar noo saamixin.

 

Nabadgelyada iyo degenaanshuhu waa tiirka ugu muhiimsan ee ay ku tiirsan tahay nolosha iyo jiritaanka ummadnimo. Ciidamada kala duwan ayaa ka mid ah halbawlayaasha waaweryn ee qarankan Somaliland ku dhisan yahay. Si gaar ahna ilaalinta iyo sugidda amniga qarsigu wuxuu  ahaa masuuliyadihii madaxweynihu ii xilsaaray ka war haynteeda. Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadu waxay lafdhabar u ahaayeen sugitaanka amniga xarunta madaxtooyada iyo hoggaanka qarankaba. Ciidamada Ilaalada waxaannu shirkadda Toyota uga dalabnay tiro baabuurro ah oo cusub. Sugitaanka amniga xarunta madaxtooyada keliya intaa kumaannu daynin ee waxa aannu gudaha iyo dibeddaba ku xidhnay security camers oo 24-ka saacadoodba shaqaynaya, oo lagala socon karo wax kasta oo dhaqdhaqaaq ah.

 

Marka la eego xagga siyaasadda, wasaaradda madaxtooyadu waa xafiiskii madaxweynaha u soo diyaarinayey qorshayaasha, warbixinnada, xidhiidhka iyo xogaha siyaasadeed ee dhan walba ah ee uu madaxweynahu la leeyahay dhammaanba hay’adaha iyo laamaha ay xukuumaddiisu ka kooban tahay. Waxaannu ku dedaalnay in haatan ay wasaaradda madaxtooyadu noqoto xafiis nool, firfircoon oo si dhab ah uga soo baxa hawlaha uu qaranka u hayo.

 

Sida oo kale waxaan diyaarin jiray badi khudbadaha madaxweynaha. Madaxweynaha ama hoggaamiyaha ummadi dooratay wuxuu leeyahay haybadda qaranka ugu sarraysa. Waxaa u dhegtaagaya hadalkiisa dadkiisa iyo dunida kale ee danuhu ka dhexeeyaan. Sidaa darteed sax ma aha in uu inta uu isa soo taago wuxuu doono iskaga hadlo. Mana aha meel aftahamada

 

qofka lagu tijaabiyo ee waa meel xikmadda iyo hoggaaminta qofka laga eego. Waxaana muhiim ah khudbad qoran ama uu qaybsan yahay oo aan dhacdhac lahayn in uu jeediyo.

 

Waxay ahayd arrimaha iigu werwerka badan diyaarinta khudbadaha madaxweynahu. Badanaa marka aan diyaarinayo waxaan ku diyaarin jiray meel gaar ah, ka dibna waxaan la wadaagi jiray ciddii aan madaxweynaha isla garanno ee wax ku soo kordhinaysa ama wax kaa saxaysa. In kasta oo iskaashigu uu wanaagsan yahay, haddana dadku hadalka isku si uma wada dhadhamiyo. Markaa waxaa muhiim ii ahayd in aan la kaashada dadka aqoonyahanka ah ama af Soomaaliga aftahanka ku ah. Marmarka qaarna waxaa loo baahdaa sharciyaqaan nagala taliya wixii arrimaha sharciga khuseeya.

 

Khudbaduhu way kala duwanaadaan. Way kala dhaadheer yihiin. Waxyaalaha ay ka hadlayaan way kala duwan yihiin. In kasta oo ay jiraan hannaan iyo xirfado u gaar ah khudbadaha, waxaa muhiim ah in khudbaddu ku wajahan tahay dadka lala hadlayo, isla markaana aad tixgeliso ilaalinta mawduuca laga hadlayo iyo iskuxidhnaantiisa; iyadoo mararka qaarna qalbiga iyo caadifadda dadka lala hadlaayo mararna maskaxda iyo garaadka wax la dhacsiinayo. Waana waxa keena in marna dadka laga qosliyo marna laga qiiraysiiyo. Dheeraanteeda iyo gaabnaanteedu waxay ku xidhan yihiin hadba inta aad mawduuca ugu gudbin karto dhegaystaha iwm.

 

Muhiimad weyn ayay leeyihiin khudbaduhu, waana meesha hoggaamiyuhu farriintiisa ugu muhiimsan ku gudbiyo. Waxaan xasuustayda ka bixin khudbaddii madaxweynaha ee sannadkii 2012. Xilligaa waxaa na la soo dersay dhawr arrimood oo lahaa culays siyaasadeed. Waxaa ka mid ahaa Soomaaliya oo dawladda Maraykanku ictiraaftay, arrintaas oo ahayd arrin Somaliland indhihii caalamka ka jeedisay; Dawladda Ingiriiska oo soo saartay digniin nabadgelyo oo Somaliland liddi ku ah, taas oo sababtay in shirkadihii baadhayey shidaalka iyo dhammaan dadkii ajinebiga ahaa ee dalka ka shaqaynayey ay naga baxaan, waxaa xanuun gaar ah lahayd markii dhakhaatiirtii cusbataalka Maxamed Aadan Sheekh oo ku hawlanaa arrimo caafimaad oo xaasaasi ah ay nagu wargeliyeen in ay ka baxayaan dalka. Arrimahan iyo qaar kale oo badan waxay ay taabanayeen dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada dalka, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada intaba.

 

Waxaa taagnaa wakhtigii khudbad sannadeedkii madaxweynaha ee labada gole. Waxaan madaxweynaha isla garannay in aan diyaariyo khudbad arrimahan ka jawaabayso, isla markaana siyaasad ahaan bulshada kalsoonidooda soo celinaysa, beesha caalamkana farriin muhiim ah u diraysa. Sidoo kale waxaannu qorshaynay muddaharaad abaabulan oo bulshadu ku taageerayso qarannimadeeda oo gobollada oo dhan laga sameeyo.

 

Maadaama oo arrimaha aannu khudbadda kaga jawaabaynay ay ka mid ahayd xaaladda amaanka dalka ee hoos loo dhigay, waxaan qorsheeyay marka khudbaddu dhammaato in madaxweynuhu golaha ka lugeeyo ilaa suuqa intii uu gaadhi karo, isaga oo golayaasha iyo bulshadaba hor kacaya, oo uu dunida tuso in dalkiisu nabad yahay. Markii aan fekraddii soo bandhigay waxaa ka biya diiday wasiirkii daakhiliga ee xilligaa mudane Duur oo ku cilleeyay in ay ku jirto khatar weyni arrintaa, isagoo si adag uga hor yimi. Dadkii kale ee markaa meesha na la joogayna way ku raaceen, balse waxaan mar labaad isku deyey in aan sharraxaad dheeraad ah ka bixiyo ujeeddada. Madaxweyne iyo mudanayaal, waxaad ogtihiin in dalkeenna dhaawac weyni ka soo gaadhay arrinta amaanka, iyada oo ay shalay innaga dareereen dhakhaatiirtii ajnebiga ahaa oo ugu danbeeyey. Markan oo kale waxay u baahan tahay in aan khatar kasta nafaheenna u gelinno si qarankani u badbaado madaxweynaha iyo wasiiradeennu waxaynu nahay hoggaanka ummaddu sugayso ee ku dayanayso, ee loogu talagalay in aynu khatar kasta kala dabbaalanno. Haddii aynaan khatarta innagu isu dhigin, sidee dalku uga badbaadayaa duruufta adag soo food saartay.

 

Madaxweynihii ayaa hadalkii qaatay oo yidhi, waxaan ku raacsanahay Xirsi in aynu khatar kasta oo ay leedahay u badheedhno. Naftaydu maalin bay leedahay, qaranku aniga ayuu i doortay, khatar kastana diyaar ayaan u ahay in aan wajaho. Waynu lugaynaynaa, anigaana hor kacay muddaharaadka. Waa la aamusay, dabadeedna waxaannu u dareernay golihii wakiillada.

 

Waxaannu galnay golihii wakiillada. Madaxweynuhu wuxuu gudagalay khudbaddiisii oo ilaa 27 bog ka koobnayd. Wuxuu golaha warbixin ka siiyay sannadkii la soo dhaafay, isaga oo ka warramay qorshihiisa sannadka cusub, isla markaana diiradda saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin: nabadgelyada, waxsoosaarka, caddaaladda, biyaha, waxbarashada, dhaqaalaha, miisaaniyadda qaranka, dhismayaasha dawladda, waddooyinka, madaarrada, warbaahinta, shaqa-abuurka, doorashooyinka iyo siyaasadda arrimaha debadda. Isaga oo arrimahaa qaarkood ka hadlayana wuxuu yidhi:

 

“Dawladda cusub ee Soomaaliya waxaa inoo dhexeeya cilaaqaad fiican, dalkan Somalilandna dawlad uma aha, mana xukunto. Waa taynu dawladnimadeennii dib ula soo noqonnay. Maanta waxaynu ku  hawlannahay aqoonsi aynu ka helno dunida. Dawladda Soomaaliya iyo dadkeedana waxaynu ka rejaynaynaa in ay garwaaqsadaan in aynu u tashannay masiirkii ummaddeenna, xaqna u leennahay. Mana jirto cid ina khasbi kartaa. Ictiraafka Maraykanku siiyay Soomaaliya ma aha wax Somaliland khuseeya mana aha wax cusub ee weligeedba dawladda Maraykan way ictiraafsanayd Soomaaliya, balse waxay iminka aqoonsadeen maamulkan cusub. Annaguna kama xumin xasadna kuma nihin in dadka Soomaalidu nabadgelyo iyo horumar gaadhaan iyo inay wax dhistaan toona.

 

Xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Maraykanka waxba iskama beddelin, waxaana kuu caddaynaya farriintan oo ay wasaaradda arrimaha debaddu u soo dirtay wakiilkeenna Maraykanka, Rashiid Gaaruf taas oo u dhignayd sidan: “Rashid – Not to worry. U.S. recognition of the government of Somalia will not prevent the U.S. government from engaging in Somaliland nor prevent us from conducting our programs in Somaliland. We made sure to clarify this with the Somali government before deciding to recognize them. We want to ensure that stability is maintained where it currently exists, and support expanding it where it doesn’t.”

 

“Walaalayaal, baahida ugu weyn iyo shayga ugu muhiimsan ee qarankan Somaliland ku naaloonayaa waa madax-bannaani iyo ictiraaf uu ka helo dunida. Waxaynu soo samaynay dedaal badan iyo dhabara-dayg aynu 21 sannadood ku raadinaynay qaddiyaddeenna ummadnimo. Waxaana marag- madoon ah in wax weyni inoo qabsoomay, meel fiicanna aynu joogno. Balse waa himilo iyo masiir ummadeed oo inooga baahan in aynu tacab badan gelinno, dedaalkeenna labalaabno, gacmaha isqabsanno oo si wadajir ah uga wada shaqayno xukuumad, golayaal iyo xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba.

 

“Wax kasta oo qaali ah waxaa lagu gaadhaa qiimo badan iyo wax qaali ah. Ummaddani waxay madaxbannaani iyo gobonnimo ku gaadhaysaa iyadoo loo guntada, iyadoo garasho sax ah lagu baadi doono, iyadoo loo fahmo madaxbannaanidu in ay tahay masiir ummadeed oo cid kasta xil iyo masuuliyadi ka saaran tahay. Ma aha wax maalin iyo habeenkeed meel laga soo qaadayo. Ma aha wax xukuumaddu iska leedahay, waa se shaqo loo igmaday. Ma aha meel aad mucaaradnimo ka daydo ama aad istidhaahdo cid ku xumee, ee waa qarannimadii oo xil baa kaa saaran qof kastowba.

 

“Madaxweyne ahaan intii aan xafiiska joogay, waxaan qaaday tallaabooyin badan. Waxaan garaacay albaabbo badan. Waxaana iga go’an in aan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii aan dalkan aqoonsi iyo madaxbannaani u gaadhsiin lahaa. Si aan yoolkaa u xaqiijiya, cid kasta waxaan diyaar u ahay in aan hor fadhiisto. Tallaabo kasta oo arrintaa lagu gaadhi karana waxaan diyaar u ahay in aan qaado. Waxaanan ogsoonahay in xilka koowaad aniga iga saaran yahay, balse ictiraafku ma aha wax aniga gacantayda ku jira ee waa wax gacan kale innagaga xidhan. Qarankan waxaan u soo maray halgan dheer, waxaan u soo sabray wakhti dheer, waxaan u dhaartay dantiisa, waxaanan u hurayaa wax kasta oo suurtagal ah. Waxaan idin waydiisanayaa taageeradiina waxa aanad ku kalsoonaataan in aan qofna iga jeclayn in dalkan iyo dadkiisu wax noqdaan.”

 

Mar kalana madaxweynuhu isaga oo dadkiisa dhiirrigelinaya wuxuu ku yidhi “Maanta Somaliland loo werweri maayo. Marxalado badan ayay soo martay oo fulaygu shakiyey. Sidaan horaba u sheegay, boqol sannadood hadday gaadhayso madaxbannaanida Somaliland waa muqaddas. Waxaanan

 

ku kalsoonahay in aan si wadajir ah uga gudbi doonno caqabad kasta oo innaga hor timaadda”

 

Khudbaddii iyo bannaanbixii madaxweynuhu hor kacayey iyo bannaanbaxyada kala duwanaa ee dalka ka dhacayey waxay abuureen jawi cusub oo dadkii yididdiilo geliyey, soona nooleeyay rejadii shacabka. Isla markaana wuxuu noqday farriin ay Somaliland dunida gaadhsiisay. Markii nabadgelyo lagu soo guryo noqday waxaa iga hadhay culays weyn iyo werwerkii i saarnaa. Waxaana noo soo hoyatay guul weyn. Anigana waxay ii ahayd si gaar ah guul aad u weyn, maadaama oo khatartii aan ku taliyey in la qaato lagu badbaaday. Waxaanay noqotay arrin dhammaan la mahadiyey.

Dhinaca kale, waxaannu abuurnay xafiiskii xidhiidhka saxaafadda oo ay shaqadiisu tahay inuu faafiyo wararka iyo macluumaadka ay Madaxtooyadu doonayso inay baahiso, sidoo kalena soo ogaado oo ka talo bixiya wixii warar ah ama dacaayado ah ee xukuumadda laga faafiyo, iyo Wargeys bille ah oo la yidhaahdo RAAD RAAC oo ka war bixiya hadafka, himilooyinka iyo talaaboyinka ay xukuumaddu qaaddo (xag siyaasadeed, xag dhaqaale, iyo xagga horumarka bulshadaba).

 

Dhacdooyinkii siyaasadda ee xusidda mudnaa waxaa ka mid ahaa furitaanka ururrada siyaasadda, oo run ahaantii aan odhan karo waxay ahayd dhacdo siyaasi ah oo xasaasi ah oo saamaynteeda lahayd, isla markaana ay ka dhalatay hirdan siyaasadeed iyo fursad dimuqraaddiyadeed oo jaanis siinaysa in muwaadiniintu u tartamaan ururradii siyaasadda ee u gudbi lahaa xisbiyo qaran oo ka qayb qaata siyaasadda dalka.

 

Haddaba, markii madaxweynuhu go’aansaday in uu ka dhabeeyo ballanqaadkiisii ahaa inuu furi doono ururrada siyaasadda, maadaama arrintii furitaanka ururrada siyaasaddu ay xasaasi ahayd, wasiir ahaan hawsha ugu muhiimsan ee i hortaallay waxay ahayd inaan madaxweynaha u soo qorsheeyo oo aan soo qaabeeyo sidii arrintaa siyaasadeed ee jaahwareerka dhalin karta loogu beddeli lahaa fikir iyo aragti macquul ah oo la aqbali karo, si aanay bulshadu uga biyo-diidin.

 

Waxay wada shaqayn toos ahi naga dhaxaysay guddidii uu madaxweynuhu u xilsaaray inay ka soo talo-bixiyaan arrinta khusaysa furitaanka ururrada siyaasadda. Furitaanka ururrada siyaasadda waxa la odhan karaa laba arrimood ayuu madaxweynuhu u cuskaday ama uu saldhig uga dhigay:

 

  1. Xilligii uu madaxweynuhu ku jiray ololihii doorashada, ballanqaadyadiisii ayay ka mid ahayd inuu furi doono ururrada siyaasadda.
  2. Madaxweynuhu wuxuu furista ururrada siyaasadda shuruud uga dhigay inaan la iska furin, balse marka hore talo qaran laga yeesho, isla markaana bulshada la weydiiyo fikirka iyo aragtida ay ka qabaan furista ururrada iyo inay jirto baahi ay bulshadu u qabto arrintaa.

 

Arrinta khusaysa furitaanka ururrada siyaasaddu waxay ahayd dhacdo siyaasadeed oo u baahan in si deggen oo qoto dheer loo waajaho. Waxaa la isla qaatay in bulshada talo la weydiiyo, oo haddii ay bulshadu u badato ha la furana in ururradii la furo, haddii ay yidhaahdaan yaan la furina la iska daayo furistooda.

 

Waxaannu kala shaqaynay guddigii loo xil saaray sidii aannu ugu abaabuli lahayn dhammaan gobollada dalka in wadatashi lala yeesho haldoorkii iyo waxgaradkii bulshada ugu mudnaa sida culimada, aqoonyahannada, indheergaradka, salaadiinta iyo cuqaasha, haweenka, ururrada bulshada iyo cid kasta oo wax-aqoon lagu tuhmayey.

 

Wada tashigii bulshada lala yeeshay iyo xog-ururintii ka soo baxday waxay ku soo ururtay, bulshadii oo tidhi ha la furo ururradii siyaasadda, taas oo waafaqaysay ballanqaadyadii madaxweynaha.

Waxay ahayd arin xaasaasi ah oo xitaa uu xisbigii xukuumadda ee aannu ka tirsanayn ka soo hor jeeday, una baahnayd in la is waafajiyo rabitaanka bulshada ee furista ururrada, ballanqaadkii madaxweynaha iyo aragtidii ka soo horjeedday ee xisbiyadii hore u jiray.

 

Waxaa tartankii ururrada isugu soo hadhay toddobo Xisbi/Urur: Kulmiye iyo Uicid oo xisbiyadii hore ahaa, iyo shan urur siyaasadeed oo cusbaa, kuwaas oo u tartamay saddexdii u gudbi lahaa xisbiyo qaran oo tobanka sannadood ee soo socda ka qayb qaadanayay tartannada siyaasadeed ee madaxtinnimada dalka ee hay’adaha kala duwan (Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Dawladaha hoose). Waxaana xisbiyo qaran u gudbay Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

 

Sida tartanka u caadada ah, cid uun ayay guushu raacdaa. Markii saddexdaa xisbi ee kor ku xusani soo baxeen, ayay ururrada qaarkood sheegeen in aanay ku qancin natiijada, gaar ahaan Ururka Xaqsoor oo abaabulay mudaharaaddo xooggan oo uu kaga soo horjeedo natiijada iyo guud ahaanba xukumaadda. Waxa dhaawac iyo dhimashaba ka soo gaadhay dadkii shicibka ahaa ee taageerayay oo ay ciidamada nabadgelyada isku dhaceen.

 

Waxaa xusid mudan muddo ka dib aniga oo qaaday xaaskaygi oo foolanaysa oo aan geeyay dhakhtarka caanka ahaa ee Edna Hospital, waxaa la ii sheegay in ay ku jiraan dhakhtarka dhallinyaradii ku dhaawacantay mudaharaadkii arrimaha doorashada. Markii aan soo maray dhallinyaradii dhaawaca ahayd, saddex qof oo ugu darraa si aan madaxweynaha ugu gudbiyo oo loogu qorsheeyo dhakhtar debadeed, ayaa la ii sheegay in weerar abaabulan la igu soo qaaday oo dhakhtarka ay dad gadoodsani hortiisa igu sugayaan. Waan yaabay oo aniguna waxaan islahaa wax u qabo kuwa jilicsan. Masuuliyadda ayaa leh naftaada oo khatar kujirta in aad qaar kale noloshooda badbaadiso. Waxaan u diiday ciidamada booliska iyo ilaalidu in ay xoog ku soo galaan

 

iyaga oo i badbaadinaya, balse waxaan ka soo baxay albaabka danbe. Iyaga oo halkii tuban dadkii gadoodsanaa ayaan dhaafay.

 

2.     Kulankii Zanawi iyo Silanyo

Madaxweyne Silanyo ayaa safarkii labaad Dec 9, 2010 waxa uu ku tegay dalka Itoobiya, isla markaana waxaan ka mid ahaa weftigiisa. Waxa aannu safarkani ii ahaa farsad aan mar labaad hoggaamiye dal kula kulmo. In kasta oo aannu sidii madaxweynaha Djibouti, ra’iisal wasaaraha Itoobiya nagaga hor iman madaarka, haddana wuxuu noo soo diray ku-xigeenkiisii Xayle Marmaya—oo geeridiisii ka dib ka dhaxlay ra’iisal wasaarannimadii. Kaddibna waxa naloo gelbiyey qasriga dalka looga taliyo, halkaas oo uu nagu sugayey Males Zanawi.

Labadii Ra’iisal Wasaare ee u kala danbeeyay Ethiopia iyo Weftigii Somaliland

 

Males Zanawi waxaa ka muuqatay in uu ahaa hoggaamiye awood badan, maskax badan oo khabiir ku ah mandaqadda oo isu dhigay in uu yahay hoggaamiye gobol (Geeska iyo Bariga Afrika). Wuxuu si gaar uga war hayay duruufaha Somaliland iyo Soomaaliyaba isla markaana ay ka muuqatay hoggaamiye doonaya inuu saamayn siyaasadeed ku yeesho heer gobol , heer qaaradeed iyo heer caalamiba.

 

Males Zanawi weftigii uu madaxweyne Silanyo hoggaaminayey wuu soo dhoweeyay oo na xogwaraystay. Wuxuu ahaa nin aad u deggan oo si qoto dheer u ogaa sida uu u hadlayo iyo waxa uu ka hadlayo, isla markaana hibo badan u lahaa helitaanka xubinta hadalka oo aanay sinnaba u seegaynin mawduuca uu markaa lafa gurayo.

 

Wuxuu nagala hadlay iskaashiga wejiyada badan leh ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu nala soo qaaday mawduucyo la xidhiidha mandaqadda Geeska Afrika iyo kuwa kale oo caalamka la xidhiidhaba.

 

Males Zanawi berigaa si buuxda oo heer sare ah ayuu noo soo dhoweeyay weftigii madaxweynaha Somaliland ee aan ka mid ahaa.

 

Marka laga tago sida uu Males Zanawi u ahaa nin wargaleen ah, xogtiisu dhammaystiran tahay isla markaana hayey xogo badan oo siyaasadeed. Wada hadalladii aannu Males Zanawi la yeelannay haddii aan qodobbeeyo, waxaan ka soo saari karaa saddex arrimood oo muhiim ah:

 

A.  Shaqaaqadii Kililka Shanaad

Arrinta koowaad ee aannu Males Zanawi kala hadalnay waxay ahayd mushkilad iyo ismaandhaaf ka jirtay Kililka 5aad xilligaa, oo salka ku haysay isfaham xumo u dhexaysay maamulka Kililka 5aad iyo dadka isir ahaan Somaliland ku abtirsada, isla markaana ah muwaadiniin deggan xadka dhinaca Itoobiya, kana mid ah shucuubta iyo qowmiyadaha dalkaasi.

 

Arrintani xukuumadda Somaliland dhawr jeer ayay uga cabatay Itoobiya, laakiin madaxweyne Silanyo wuxuu u dhigay hab dabacsan oo dublamaasiyadeed oo deganaansho iyo hubsiimoba ku jirtay. Wuxuu yidhi “Mudane raysal wasaare, ma doonayno in aannu dalkaaga faro-gelinno, balse waxa jirta cabasho isa soo taraysa oo ka jirta Kililka 5aad. Cabashadaasna marar badan ayay Somaliland dareenkeeda idiin soo gudbisay. Waxa jirta kala fogaansho iyo isfaham xumo u dhaxaysa maamulka Kililka 5aad iyo dadka isir ahaan Somaliland ku abtirsada, balse iyagu degaan ahaan iyo dad ahaanba ah muwaadiniin ka mid ah qaranka Itoobiya. Haddii aan mushkiladaa wax laga qabanna, waxa iman karaya iskudhac!”

 

Males Zanawi inta uu aad u qoslay ayuu kaftan kaga jawaab celiyay oo uu yidhi: “Madaxweyne, wixii Isaaq ah adigaa u taliya, wixii Ciise ahna Ismaaciil Cumar ayaa u taliya! Markaa ku soo dhowoow oo farta saar halka kuugu daran. Maxaa dhib ah ee jirta oo aan wax idin kala qabtaa?”

 

Erayadaa kaftanka ah ka dib, madashii la fadhiyey aad baa loo qoslay, waxayna u muuqatay in labada hoggaamiye ay si kaftan ah isugu xaalwarrameen oo isu qanciyeen! Wuxuu madaxweyne Silanyo tilmaamo ka bixiyey murankii ka jiray iyo dareen cabatin ah oo ku wajahan dawladda degaanka Soomaalida.

 

B.  Ictiraaf ay Somaliland weydiisatay Itoobiya:

Arrinta labaad ee aannu kala hadalnay Males Zanawi waxay ahayd dhinaca ictiraafka, taas oo ay Somaliland weydiisatay in aqoonsato, kalana shaqayso aqoonsi-raadiska Somaliland ee gobolka.

 

Ka dibna Males Zanawi wuxuu nagu yidhi: “Annagu dawladda labaad ee idin aqoonsata ayaannu noqonaynaa, laakiin ta koowaad noqon mayno!” Balse wuxuu hadalkiisa noo raaciyay oo uu yidhi: “Aqoonsi uun yaanay idinkaga dhegine, waxaad doonataan inaad heshaan waxa la yidhaahdo ‘de

 

facto Status’. Hab madaxbannaan oo ay dunidu idiin aqoonsato oo idiin horseeda inaad dunida la macaamishaan oo jaranjarada dawladnimo, hadba midkii idiin munaasib ah fuula! Sida Taiwan oo kalana noqda dal iyo dawlad jirta oo la yaqaanno duniduna la macaamisho; balse aan weli haysanin aqoonsi buuxa.” Waxaannu hadalkiisa ku soo xidhay, “haddii sidaas aad samaysaan, Somaliland waxay dheefsan doontaa horumar ballaadhan iyo macaamil dublamaasiyadeed oo aad u durugsan.”

 

Waxa kale oo uu Melez yidhi. “Waxaan ballanqaadayaa inaan Somaliland kala shaqayn doono sidii ay Urur goboleedka IGAD ugu iman lahayd mar walba goobjoogannimo. Marka aad IGAD goobjoog ka noqotaan waxaydaan yeelanaynin cod; haseyeeshee waxay arrintaasi idiin saamaxaysaa in aragtida Somaliland iyo qaddiyaddeeda si joogto ah miiska ugu saartaan urur goboleedka mandaqadda ka jira.”

 

Meles Zenawi xigmaddii uu maalintaa noo sheegay waxa ku jiray haddii aan qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland laga dhaadhicin urur goboleedka IGAD iyo dalalka kale ee Afrika, in Ictiraaf-raadisku aannu meel fog gaadhi doonin! Waxa kale oo Males Zanawi uu hoosta ka xarriiqay in qaddiyadda goobjoogannimada aannu isagu soo dhigi karin shirka IGAD maadaama ay Soomalidu eedaynayso, balse waxa u u yidhi: “Waxaad isku daydaan inaad madaxweynaha Jabuuti hindisahan ka dhaadhicisaan si uu miiska u soo saaro. Arrintaasi u hawlgala oo wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ee shirka imanayana ka feejignaada in aannu idinka hor iman oo aannu idin diidin, iskuna daya inaad si uun u maaraysaan. Markaa Nairobi ka hawl-gala oo anigana codkayga, ka dawladda Koonfurta Suudaan iyo Uganda saddexdaasba igu halleeya. Haddii Suudaan iyo mid kale idin diidana mushkilad ma yeelanayso oo aqlabiyaddii waad haysaan.”

 

C.  Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Somaliland

Kulankii aannu la yeelannay Meles Zenawi, arrinta saddexaad ee uu ka hadlay waxay ahayd xagga dhaqaalaha. Wuxuu nagala hadlay sifaha iyo qaabka loo horumarin karo kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland oo run ahaantii u baahan mashaariic waaweyn. Waxa uu noo tilmaamay in cidda kaliya ee Somaliland arrintaasi wax kala qaban kartaa ay yihiin dalka China iyo dunida Carabta.

 

Waxa uu na geliyay rejo iyo yididdiilo hor leh oo ku wajahan dalalka Carabta iyo China, wuxuuna noo sheegay haddii aannu taageero dhaqaale ka helno waddamadan, inay noo suurto gelin doonto dhisitaanka iyo qabyatirka adeegyada lagama maarmaanka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, dekedaha iyo madaarrada diyaaradaha.

Males Zanawi wuxuu aad awoodda u saarayay China, waxa aannu yidhi: “Dawladda Shiinaha waxba ugama baahnin ee shirkadaha Shiinayska ah ayaynu heshiis saddex-geesood ah la galaynaa oo aynu odhanaynaa nala dhisa dekadda Berbera, nala dhisa waddada dheer ee isku xidha Berbera ilaa

 

Wajaale, waliba jid tareen ah oo Itoobiya iyo Somaliland isku xidhana noo sameeya!     Shidaalkaygan     haatan     laga     qodayo     Itoobiyana                     waxaynu shirkadahaa Shiinaha ka dalban doonnaa inay dhisaan dhuun ka qaadda shidaalka Itoobiya, oo geysa dekedda Berbera si halkaa looga sii dhoofiyo!” Males Zanawi wuxuu ka dhawaajiyay qaabka heshiiska saddex-geesood ah (Itoobiya, Somaliland iyo China). Laakiin, wuxuu si adag noogu yidhi: “Arrintaa idinku ha siyaasadaynina oo arrimaha siyaasadda saldhig ha uga dhigina. Xagga dhaqaalaha iyo maalgashiga ha laga abbaaro! Haddii aad abuurtaan jawigii dunida iyo shirkadaha caalamka ku dhiirri gelinayey inay dalkiinna maalgashadaan, waxa hubaal ah in dunida oo dhami ay dalkiinna xiisayn doonto! Sidaa darteed, qorshaha noocan ah waxaynu ka dhiganaynaa foodsaar si aynu ugu gacanhaadinno shirkadahaa Shiinaha ah ee haatan sida gaarka ah u danaynaya inay qaaradda Afrika maalgashadaan!”

 

Intaa ka bacdi, isla kulankaa waxaa lagu go’aansaday in labada Wasiir arrimo dibadeed ee Itoobiya iyo Somaliland ay is raacaan oo ay China tagaan si ay ula kulmaan, is-afgaradna la sii gaadhaan shirkadihii Shiinaha ahaa ee la danaynayey. Sidoo kale labada wasiir waxa la rabay inay u sii gogol xaadhaan kulanka lagu sexeexi doono heshiiska saddex-geesoodka ah oo Males Zanawi laftiisu doonayay inuu soo duulo oo uu dalkiisa isagu u sexeexo!

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaan ka mid ahaa weftigii ka socday Somaliland ee dalka China booqashada ku tagay, halkaas oo aannu kulan kula yeelannay shirkad weyn oo Chinese ah. Balse kulankii midho-dhal muu noqon oo wuu naga dhicisoobay. Waxa aannu tuhunsanayn in Shirkaddii wax nala wadday uu cadaadis kaga yimi xagga dawladda China.

 

Waxa kale oo iyana jirtay in shirkaddii hawsha nala wadday iyo dawladda Itoobiya ay isku dhaceen, sidaan maqlay ugu dambayntiina waxaba dhacday in arrini noqotay in labada dhinac (Ethiopia iyo shirkaddii China) ay maxkamad isla galaan. Ugu dambayntiina qorshihii ballaadhnaa ee aannu wadnay halkaasuu ku burburay.

 

Kulankii Meles zanawi waxaa na xidhiidhinayay wasiirkiisa arrimaha debedda isla markaana ahaa ra’iisal wasaare xigeen, kaas oo dhimashadii Zanawi ka dib dhaxlay xilkii ra’iisal wasaare ee dalka Itoobiya. Laga soo bilaabo xilligaa waxaan marar kala duwan la kulmay ra’iisal wasaare Hayle Mariam oo aannaan isku cusbayn balse xilku ku cusbaa, wuxuu ahaa Hayle Mariam nin deggan, oo aan kibir lahayn, kaas oo nala wadaagay in uu dhammaystiri doono himiladii Zenawi ee horumarka dalkiisa. Muu ahayn nin sidii Zenawi u firfircoon ama u khibrad badan, balse wuxuu ahaa nin shaqadiisa uun ku eg annagana wixii shaqo ah nala wadaaga. Kamaan helin aragtiyo cusub ama dareen i soo jiita. Waxaan is leeyahay waa arrin iska macruuf ah in haddii ninka kaaga horreeya kursiga ee aad beddeshaa uu ahaa nin cabqari ah oo magac leh, badanaa masoo baxo magaca hoggaamiyuhu

 

haddii aannu la iman wax cusub sidii Anwar Saadaad oo ahaa madaxweynihii dhaxlay Jamaal Cabdinaasir ee Masar, haddana dunida magac weyn kaga tegay.

 

Sida taariikhdu weriso Anwar wuxuu ahaa nin iska miskiin ah xilligii Jamaal, balse wuxuu sameeyey tallaabooyin cusub oo dunida soo jeediyey. Waxaana ka mid ahaa in uu ka degay caasimadda Israa’iil, isagoo weliba dib u soo celiyay dhulkii ballaadhnaa ee xilligii Jamaal laga qabsaday.

 

 

3.     La kulankii Shuyuukhda UAE

Kulankii Madaxweyne Silanyo iyo Sheekh Maxamed Sheekh Saayid

 

 

Marar dhawr ah ayaa madaxweynuhu la kulmay qaar ka mid ah Shuyuukhda Imaaraadka anigoo la socda. In kastoo aanan la kulmin Amiirka dalka (Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan), waxaannu la kulnnay Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo ah dhaxalsugaha Imaaraatka (ninka labaad ee dalka) iyo Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan oo ah wasiirka madaxtooyada ee Imaaraatka. Sidoo kale waxaannu la kulannay Sheekh Xamdaani bin Zayed Al Nahyan. Amiirrada Imaaraatka Carabtu waxay ahaayeen niman dhallinyaro ah oo aad mooddo inay si qoto dheer ugu milmeen qaabka fikirka iyo xadaaradda Dunida reer Galbeedka.

 

Sheekh Maansoor Sheekh Saa’id iyo Aniga, Abu Dabay.

 

Markii aan la kulmay waxaa iiga biniixay niman aan aad ugu soo jeedin wixii aan u soconnay oo ahaa gacan qabasho horumar oo ay wax weyn nagala qabtaan dhismaha dalka, balse waxaad moodaysay in quluubtoodu ay si weyn ugu jihaysan yihiin xagga dhaqaalaha iyo maalgashiga.

 

Waxay iila muuqdeen rag leh: “Annaga dhaqaalaa noo daran oo aannu u jeednaaye, maxaad haysataan oo aannu maalgelinnaa?!” Waxa iiga muuqatay niman xiisaynaya xagga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga. Dawlad ahaan waannu soo dhoweynay ciddii dalka maalgashanaysa oo iyadaba aan u baahnayn. Tusaale ahaan, waxay u muuqdeen niman aad u xiisaynaya shidaalka Somaliland oo doonaya in la siiyo block-yo ka mid ah dalka Somaliland si ay shidaal uga baadhaan.

 

Iyada oo Imaaraatka Carabtu ka mid yahay waddamada dunida safka hore kaga jira xagga soosaarista iyo dhoofinta shidaalka, haddana ma aannu fahmin sababta ay amiirradii aannu la kulannay ay u xiisanayaan shidaalka Somaliland! Arrintaasi waxay na galisay shaki. Waxa jirtay dhawr mashaariic ah oo iska koobnaa oo ay noogu ballanqaadeen, balse wax hagaagsani kama fulin.

 

Sidoo kale waxay noo ballanqaadeen dhismaha jidka u dhexeeya Berbera iyo Sheekh. Dhowr jeer baannu waraaqo u dirnay si aannu u xasuusino ballanqaadyadii ay sameeyeen, laakiin ballanqaadkoodii waxba kama fulin.

 

Ka bacdina markii labaad baannu booqasho rasmi ah ku tagnay dalka Imaaraatka Carabta. Weftigana waxaa hoggaaminayey madaxweyne Silanyo. Xukuumadda Imaaraatka ayaana madaxweynaha u soo dirtay diyaarad khaas ah, waxaana na qaabbilay Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan oo ah wasiirka madaxtooyada ee Imaaraatka Carabta. Waxa aannu filaynay ama aannu is lahayn bal ballanqaadyadoodii doorkii hore wixii ka fulay aad dabagashaan oo ka xogwaraysta.

 

Laakiin waxa noo muuqatay in nimankan amiirrada ahi ay hawshoodu badan tahay oo aanay xasuusan karin! Annagoo weli Sheekh Mansuur la fadhina ayuu madaxweynaha Somaliland su’aal dib u weydiiyey oo uu ku yidhi: “weligaa hore ma u timid dalkan Imaaraatka Carabta?” Layaab iyo amakaag! Hadda ninka su’aashaa na weydiinayaa waa ninkii diyaaradda noo soo diray ee mashaariicdana noogu ballanqaaday! Balse boqorrada hadal laguma  celiyo.

 

Maadaama oo aannu filaynay in ay xagga maalgashiga xiisaynayaan, waxay soo bandhigeen in la siiyo Block shidaal ay ka baadhaan. Wasiirka macdanta iyo biyaha oo aad u xiisaynayay arrintaa ayay ka soo wada hadleen, waxaana loo soo bandhigay ugu danbayn madaxweynaha. Madaxweynuhu wuu saxeexay, balse arrintii may sii socon, oo wakhtigii loo qabtay wuxuu dhammaaday iyada oo aanay wax tallaabo ah laga qaadin, halkaas ayaannu isku taagay.

 

Waxaan iyadana wax kooban ka xusayaa kulankii mid ka mid ah hoggaamiyaashii ugu da’da weynaa ee aan la kulmo waddamada Khaliijka. Weftigii madaxweynaha waxa lagu soo dhoweeyey habmaamuus aad u fiican ee madaxweynannimo, waxaa madaarka ku qaabbilay Sheekh Xamid oo ah inanka uu dhalay amiirku. Waxaana madaxweynaha loo dhigay roogga cas ee lagu maamuuso madaxda caalamka. Waxay ahayd 01, May 2011, waxaanan ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayay madaxweyne Silanyo oo la kulmay amiirka dalka Kuweyt, Sheekh Sabaax Al-Axmed Jabir Al- Sabaax. Booqashadani waxay ahayd mid aan rasmi ahayn,

 

Amiirka Kuwait Sh Sabaax iyo Weftigii Maxdaxweyne Silanyo

 

La kulankayagii amiirka dalka Kuwait, waxa iiga muuqatay in amiirku ahaa nin waayeel ah oo haatan aakhirul cimri taagan. Laakiin, wuxuu ahaa nin Soomaalida jecel. Ma aha keliya dadka reer Somaliland balse guud ahaanba wuxuu ahaa nin isirka Soomaalida ah aad u jecel.

 

Amiirka dalka Kuwait wuxuu ahaa hoggaamiye in badan booqasho ku maray dhulka Soomaalida. Wuxuuna beero waaweyn iyo guryaba ku lahaan jiray Afgooye oo ah degaan xagga koonfureed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo u jirta 30km.

 

Sidoo kale, amiirku wuxuu xilliyadaa marar dhawr ah booqasho ku yimi Somaliland, oo wakhtiganna inankiisu deggen yahay, guryana uu ka dhistay magaalooyinka Sheekh iyo Berbera. Taasina waxay sii dhiirri galisay xiisaha uu amiirka Kuwait u hayo dalka Somaliland.

 

Waxa kale oo iyana xusid gaar ah mudan, markii uu Saddam Xuseen dalka Kuwait qabsaday 02|08|1990 ka dibna uu af-gembiyey boqortooyadii Kuwiat, dadka asal ahaan ka soo jeeday Somaliland ee xilligaa ku noolaa dalka Kuwait waxay sumcad iyo karaamaba ku mutaysteen sidii geesinnimada lahayd ee ay dad badan oo reer Kuwait ah ula baxsadeen, una badbaadiyeen isla markaana ay uga samato-bixiyeen in dad badan oo reer Kuweyt ah ay u gacan galaan ciidamadii Saddam Hussein.

 

Markii aannu u tagnay amiirka, si kal iyo laab ah oo ay niyadsami ka muuqato ayuu noo qaabbilay, waxaana iiga muuqatay in amiirku uu Soomaalida niyad wanaag badan u hayo!

 

Muddadii aannu booqashada ku joognay dalka Kuwait, in kasta oo aannu amiirka laftiisu nooga sheekayn, waxa naloo sheegay arrin ay saxaafadda dalkaasi ka qortay amiirka dalka, ka dib markii ay weydiiyeen, marka uu sariirtiisa tago ee uu seexanayo, halka ama meesha uu dunida ugu jecel yahay ee qalbigiisa ku soo dhacda. Su’aashaasi wuxuu amiirku kaga jawaabay “Soomaaliya ayaa qalbigayga ku soo dhacda!”

 

Halkaa waxaad ka dareemi kartaa in amiirku, dad ahaan iyo dal ahaanba, uu Soomaalida aad u jecel yahay. Sidoo kale, markii aannu amiirka la joognay, wuxuu noo sheegay inuu jecel yahay inuu Somaliland soo booqdo, wuxuuna naga codsaday in qasri looga dhiso. Arrintaasna madaxweynuhu wuu la waafaqay.

 

Dhinaca kale, waxa muuqatay in amiirku uu waxoogaa ka gows-qabsaday amaba aannu jeclayn inuu fara gelin toos ah ku yeesho arrimaha siyaasadda ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Amiirku wuxuu nagu ballamiyey hay’adaha khayriga ah iyo kuwa deeqaha bixiya ee dalka Kuwait. Wuxuuna noo ansixiyey lacag dhan 10,000,000 oo US Dollar oo ah lacagta lagu dayac-tiray madaarka Hargeysa iyo ka Berbera, lacagtaana waxa la soo mariyey hay’adda la yidhaahdo Kuwait Fund.

 

Hay’addan (Kuwait Fund) lafteeda ayaannu ka codsannay in ay naga caawiyaan wixii horumar ah. Laakiin way naga diideen inay Somaliland wax taageero dhaqaale siiso, marka laga yimaaddo qaadhaankii uu amiirku noogu soo dhiibay. Waxayna nagu yidhaahdeen lacag waannu ka buuxnaa, laakiin idinku Somaliland iyo Soomaaliya toona ma buuxinaysaan shuruudahayaga.

 

Markaa iyagu albaabka way naga xidheen! Waxa kale oo na loo ballamiyey dalladda guud ee ay ku midoobeen hay’adaha khayriga ah ee dalka Kuwait. Waannu la kulannay, waxana aannu kala hadalay baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira Somaliland. Taageeradii iyo tabarrucii aannu ka helnay hay’adaha khayriga ah waxa ka mid ahaa dhismaha iyo qalabaynta xarunta casriga ah ee agoomaha ee ku taalla bariga Hargeysa, iyo waliba waxoogaa kale oo mucaawinooyin ah oo xagga bini-aadannimada ah.

 

Sidoo kale hay’adaha khayriga ah ee Kuwiat waxay maalgeliyeen aasaaska cisbitaalka la yidhaahdo International Hospital, oo ay ugu tala galeen in dakhliga halkaa ka soo baxa lagu maamulo oo lagu bixiyo kharashka xarunta agoomaha.

 

Dawladnimada iyo horumarka waxaa u saldhig ah nabadda. Nabadeyntii gobollada barigu waxay ahayd qorshe aad u fiican oo aan ka qeyb qaatay  intii aan dawladda ku jiray. Waxay ka bilaabmaysay isla wakhtigii ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu ku guulaystay talada waddanka. Waxay ka mid ahayd himiladii madaxweynaha in gobollada Bariga la nabadeeyo, si maamulka loogu fidiyo, loogana hirgeliyo adeegyada bulshada wixii suurto gal ah.

 

Waxa uu madaxweynuhu ku dhawaaqay gogol nabadeed, waxaanay ku jirtay khudbaddiisii koowaad. Waxaan awoodda saarnay nabadayntii gobollada Bariga oo muhiim u ahayd qarannimada iyo jiritaanka Somaliland.

 

Waxaan xasuustaa in xidhiidhada nabadayntu ay bilaabmeen iyadoo madaxweynuhu laba ilaa saddexdii bilood ee u horreeyay uu xilka hayay. Ka dibna waxa bilaabmay xidhiidhadii Buuhoodle oo uu joogay Saleebaan Xaglatoosiye oo markii danbe noqday wasiirka caafimaadka, oo xilligaas woxoogaa maleeshiyo ah oo SSC la yidhaahdo madax ugu ahaa Buuhoodle.

 

In kasta oo aannu xidhiidho kala duwan oo aan midho dhalin marar yeelannay, waxa xidhiidh fiican noo bilaabmay nin la yidhaahdo Garaad Ismaaciil Ciise oo ay Xaglatoosiye saaxiib ahaayeen. Waxa aannu soo mariyay xidhiidhkaas Guddoomiyahii Baarlamaanka Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, isla markaana noo yimid oo noo sheegay xidhiidhka, ka dibna xidhiidh ayaannu la bilownay.

 

Iyadoo arrintii meel wanaagsan marayso ayuu Saleebaan Xaglatoosiye sameeyay dibugurasho, oo xidhiidhkii ayuu joojiyay. Waxa uu ka shakiyay ayaa la igu yidhi xukuumaddii la dhisay oo hore waxba la iskaga ogayn, xaggayga qof aan weli waxba la isla qaadan dawlad laguma soo dari karayn.

 

Wax yar ka dib rabshado iyo dilal ayaa ka dhacay degaanka Buuhoodle oo u dhexeeyey beelaha degaanka. Siddeed (7/1) ruux ayaa la kala dilay oo shaqaaqo dhex martay bulshadii degaanka wada degganayd, waxa dadkaasi la dilay ay u badnaayeen degaanka Qorilugud (7 xubnood). Waxay ahayd maalin ciid ah. Markaa waxa ka bilowday kacdoon.

 

Dawladdii oo aan wali xoogaysan oo cusub ayaannu aad uga werwernay dhacdadaa. Markaa madaxweynuhu waxa uu diray wefti nabadeed oo isugu jiray xukuumadda, golaha Guurtida iyo golaha Wakiilladda.

 

Waxa kale oo jiray wefti kale oo salaadiin ah oo isugu jiray saddex madax, ciidamadiina markiiba waa loo diray si ay nabadda u sii ilaaliyaan. Ciidanka waxa la doonayay inay ilaaliyaan oo xakameeyaan dhinaca degeenka Qorilugud oo dhibtu ku dhacday. Waxaana ciidankii la dhigay degaanka Maygaagle.

 

Guddiyadii nabaddu wixii ay soo saareen la iskuma waafiqin. Ciidankii nabadda ilaalinayay ayay jidgooyo u galeen maleeyshiyaadkii SSC, waxaana yimi iskudhac, labada dhinacba waxyeelo ayaa kala gaadhay.

 

Sida u caadada ah, jabhadaha ama ciidamada maleeshiyaadku waxaa daneeyaan xarakaadka iyo dhaqdhaqaaqa ciidan. Markaa maleeshiyadii maalintii xigtayna waxay soo qaadeen duullaan, waxaana qarxay dagaal lama filaan ah oo aannaan ka diyaargaroobin. Markay xaaladdu halkaas maraysay, waxa nagu adkaatay halka nabadda laga soo qabanayay oo nabaddii faraha ayay ka baxday. Hasayeeshee waxaa mawqifka xukuumaddu ahaa in nabad la raadiyo, laguna dedaalo in khasaaraha la yareeyo.

 

Iyadoo xabaddu dhacayso, ayaan xidhiidh la sameeyay Keyse Cabdi Yuusuf, oo ahaa xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee SSC si aan u damiyo colaadda. Waxaa igu soo xidhay nin la yidhaahdo Sallaal Ismaaciil Xulluulad oo ay saaxiib ahaayeen.

 

Xidhiidhkii Keyse ka dib, waxaannu ku guulaysannay in aannu isaga iyo reerkoodiiba isfaham la samayno. Waxaan wergeliyey madaxweynaha halka ay noo marayso, waanu ila qaatay. Waxaannu qorshaynay in labo wasiir aannu u dirno degaanka uu markaa joogay ee Widhwidh; labada wasiir oo kala ahaa Maxamuud Xaashi iyo Cabdi Aw Daahir AHUN.

 

Waxaana halkaa ka bilawday shir nabadeed Widhwidh ka dhacay. Waxa uu ku soo gebagaboobay in Keyse uu Hargeysa yimaaddo oo xil wasiirnimo (wasiiru-dawlaha nabadaynta gobollada bari) loo magacaabo, degaankiina waxoogaa wuu nabadoobay.

 

Markaa haddana ciidanka qaranka oo xilligaasi aad ugu dhowaa Buuhoodle oo fadhiyay Sooljoogto, Hagoogane iyo Maygaagle ayaa aad looga cawday in ciidamadu ay joogaan meelihii biyaha lahaa oo dhan, isla markaana ay suurto-gal tahay inay isku dhacaan shacabka iyo ciidammadu.

 

Ka dibna waxa aannu qorshaynay in dib looga soo guuro, oo madaxweynihii wuxuu qaatay go’aan ah in ciidamada dib looga soo raro. Marka labaadna in maxaabiista loo sii daayo iyo in la aaso baraagihii shaqaaqadu ka dhacday. Tacab badan waxa aannu gelinney sidii xaraaradda colaadda loo dejin lahaa ee nabadda fursad loogu abuuri lahaa.

Waxaana abuurmay jawi nabadeed. Muddo ka dib ayaan xidhiidh la furay Xaglatoosiye. Muddo ayaannu xidhiidhaynay. Dhawr meelood ayaannu ku ballannay, nooma ay suurto gelin se. Garaad ayaa mar labaad xidhiidh dambe noo sameeyey. Markii muddo aannu wada hadlaynay ayuu mar dambe Jabuuti nagu ballansiiyay. Halkaas ayaannu ku kulannay Xaglatoosiye  markii ugu horraysay, waxaana safarka igu wehelinayay Cabdilaahi Geeljire oo markaa ahaa wasiirka kaluumaysig. Haddana mar labaad waxaannu isku aragnay Dubai, waxaanan halkaas iskugu keenay madaxweyne Silanyo.

 

Intaasi markii ay dhacday, wefti ayaannu ku soo dhoweynay Xaglatoosiye oo Buuhoodle ka yimid, waxaanan kaga hortagnay meel Caynaba agteeda ah. Waxa aannu ahayn wasiirka madaxtooyada, wasiirkii daakhiliga ee xilligaasi Maxamed Nuur Caraale “Duur”, wasiirkii maaliyadda ee wakhtigaa Cabdicasiis Samaale, guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo ninka la yidhaahdo Garaad oo ahaa xidhiidhiyihii hawshan nabadeed oo kaalinta ugu weyn ka qaatay hirgelinteeda.

 

Xaglatoosiye iyo wefti odayaal ah oo uu hoggaaminayay waxaannu ku sugaynay meel u dhaw tuulada Yeyle la yidhaahdo 6 am Ilaa sagaalkii habeennimo ayay noo yimaaddeen. Burco ayaannu soo marinnay, ka dibna

 

waxaannu u soo gudubnay Hargeysa oo madaxweynihii ayay ku kulmeen. Heshiis iyo muwaafaqo ayaa la gaadhay. Saleebaan Xaglatoosiye xukuumadda ayuu ka mid noqday, arrintii Buuhoodlana halkaas ayay ku degtay.

 

Maamulkii khaatumo la baxay oo intii aannu Xaglatoosiye noo iman lagu sameeyey magaalada Taleex, waxaan xidhiidho la sameeyey oo aannu markii dambe ku guulaysannay Cabdiraxmaan Uurbayte oo ka mid ahaa raggii odayaasha ahaa ee dhaqaale ururinta iyo abaabulka dadka ka qeybqaadanayay oo Dubai joogay. Waxa aannu ugu yeedhnay Hargeysa waanu noogu yimi. Wada hadal iyo xidhiidh aannu la samaynay qaar ka mid ah odayadii reerka, ugu dambayntii waxaannu ku soo gebagabaynay heshiis nabadeed kaas oo Fiqifuliye ka dhacay, oo aannu ku qaramaynay 650 ka mid ah maleeshiyo beeleedkii ugu badnaa ee nabadda qaata oo watay 13 baabuur oo tikniko ah, waxaa wehelinayay Garaad Cabdillaahi iyo cuqaasha degaanka oo runtii nabaddii nala guntay.

 

Markii ay intaas oo tallaabo ahi ay noo suurto-galeen ayaa waxaa aannu barbar wadnay xidhiidho kale oo ahaa dhinaca madaxdhaqameedka ama garaaddada. Waxaan la xidhiidhay AHN Garaad Abshir oo inta uu Widhwidh yimid aannu la xidhiidhnay. Nooma ay hirgelin inuu noo tisqaado heshiis oo inta uu wax nala qaatay ayuu Puntland ku noqday. Ka dibna waxa aannu xidhiidh la samaynay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo uu xidhiidhka noo waday wasiirkii hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif, ka dibna waxa aannu ugu tagnay Djibouti oo aannu kula kulannay kuna heshiinnay, ka dibna waanu isa soo raacnay. Si weyn ayaa loogu soo dhoweeyay garaadka magaalada Hargeysa.

 

Waxa kale oo aan wada hadal la furay Garaad Saleebaan oo isna ka mid ah isimada waaweyn ee bulshada reer Sool. Ugu dambayntii waxa aannu isla qaadannay in aannu kulan ku yeelano meesha la yidhaahdo Higlada ee ka shishaysa Gambadha, una dhow Tukaraq. Hargeysa ayaannu habeennimadiiba ka guuraynay oo aannu si qarsoodi ah uga baxnay waxaannu 7:30 subaxnimo kula kulannay meesha Higlada la yidhaahdo, aniga iyo wasiirkii dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xilligaa, Cali Siciid Raygal.

 

Waxaannu u tagnay garaadka iyo saddex caaqil oo kale. Waannu wada hadalnay is afgarad ayaannu yeelannay. Garaadku waxa uu nala qaatay muhiimadda ay leedahay in Taleex la tago oo la nabadeeyo. Wax yar ka dibna waxa wefti wasiirro iyo xildhibaanno isugu jiray oo aan hoggaaminayey ay markii ugu horreysay booqasho ku tageen magaalada taariikhiga ah ee Taleex. Waxaa jiray kulamo badan oo aan midhadhal samayn oo ay ka mid ahaayeen Cali Khaliif, Cali Ciise iyo rag badan oo qoorweyn ahaa.

 

Nabad ayaa naas la nuugo leh. Siyaasiga guusha koowaad ee uu soo hooyaa waa nabad, waxaanay dhalisaa wadajir iyo isku duubnida bulshada. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “rag gogashii waa nabad.”

 

4.     La kulankii David Cameron iyo William Hague

Waxay ahayd 19 April 2013 markii aannu la kulannay ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska, Mudane David Cameron. Kulankan oo ahaa mid xiiso badan oo lama filaanna ahaa. Laakiin inta aanan ka warramin dhacdadan, marka hore waxaan jecelahay in aan waxoogaa dib u milicsado oo aan ka faalloodo laba kulan oo ka horreeyey oo aannu la yeelannay xoghayihii arrimaha dibedda ee dawladda Ingiriiska ee xilligaa mudane William Hague.

 

4a. Kulankii William Hague ee Addis Abeba:

 

Kulankii ugu horreeyey ee aannu la yeelanno xoghayiha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Mr. William Hague wuxuu ka dhacay safaaradda Ingiriiska ee magaalada Addis Abeba. Mr. Hague si wacan ayuu noo qaabbilay oo noola sheekaystay. Waxaan jecelahay inaan xuso laba arrimood oo aad u xiisa badnaa (run ahaantii aniga xasuus igu reebay) oo aannu ka wada hadalnay, isaga laftiisuna uu su’aalo naga weydiiyey. Arrinta koowaad waxay ahayd xagga ictiraafka Somaliland. Maadaama ay dawladda Ingiriisku tahay dawlad Somaliland ay saaxiibbo ahaayeen, iyadoo horena u soo gumaysatay, waxaannu u arkaynay in iyadu tahay ta ugu dhow ee arrimaha ictiraafraadiska Somaliland wax kala qaban karta. Sidaa darteed waxaannu masuulkan kala hadlaynay in dawladda Ingiriisku ay naga badhi taaraan xagga arrimaha aqoonsi-raadiska. Arrinta labaad ee aannu xoghayihii arrimaha dibedda ee Ingiriiska kala hadalnayna waxay ahayd; bal horta ictiraafka aan gaadhnee, in dawladda Ingiriisku ay xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ay naga taageerto oo ay naga dhisaan. Weliba waxaannu si gaar ah uga codsannay inay wax nagala qabtaan sidii ay Somaliland ula soo bixi lahayd khayraadka dabiiciga ah ee  dalkeeda ceegaaga.

 

Intaa ka bacdi, William Hague labadii arrimood ee aannu u soo jeedinnayba su’aalo ayuu naga weydiiyey, isagoo ku horreeyey arrimaha ictiraafka. Wuxuu naga waydiiyay: “Haddii ay Somaliland ictiraaf hesho, ma caqabad buu ku noqonayaa mise xal buu u noqonayaa arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya? Idinka maxay idin la tahay?”

 

Dabadeed annaguna su’aashii uu na weydiiyey waxaannu uga jawaabnay sidii ay nala ahayd ee aannu u arkaynay in ay danta dalka iyo dadka Somaliland ku jirto. Waxaannu u sheegnay in ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka aannu marnaba caqabad ku noqon doonin arrimaha Soomaaliya, balse ay dhici karto inay xal u noqoto.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, kulankii aannu la yeelannay William Hague waxaa nooga baxday ama aannu dareennayba in dawladda Ingiriiska ee uu David Cameron gadhwadeenka ka ahaa ay aad u danaynayaan wadajirka dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliyeed. Halkii aannu awal u haysannay ama aannu is lahayn dawladda Ingiriisku horseed bay ka noqon doontaa ictiraafraadiska Somaliland, waxaannu dareennay in aanay arrinta ictiraafka Somaliland doonayn in ay horseed ka noqoto.

 

Kulankaa aannu William Hague kula yeelanay Addis Abeba ka dib, dareenkii aannu ka qaadannay waxa sii xoojiyey ficiladii dambe ee dawladda Ingiriiska oo qabanqaabisay isla markaana marti galisay shirkii ka dhacay London 22|02|2012 ee ay Soomaalida u qabteen. Sidoo kale buunbuunintii ay dawladda Ingiriisku aad u buunbuunisay xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud, waxay marag cad u tahay siday Ingiriisku u doonayaan wadajirka dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

 

Arrinta labaad ee uu William Hague su’aalo naga weydiiyey waxay ahayd sidii ay Somaliland ula soo bixi lahayd khayraadka dabiiciga ah. Wuxuu nagu yidhi: “In dal walba uu khayraadkiisa dabiciiga ah la soo baxo faa’idaa ugu jirta waxayna u horseedi kartaa horumar laxaad leh oo ah xagga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadaba. Dhinaca kale, dunida khayraadka dabiiciga ah waa la isku dilaa oo waxa ka dhaca dagaallo iyo iskudhac badan gaar ahaan dawladaha curdinka ah ee aan weli adkaan, sidaa darteed soosaarista khayraadka dabiiciga ah (siiba shidaalka) waxay u baahan tahay taxaddir iyo ka fiirsasho qoto dheer.”

 

Kaddibna wuxuu na weydiiyey: “Haddii aad shidaalka la soo baxdaan, ma horumar buu idiin keenayaa, mise dib u dhac buu idinku keeni karaa? Maxay idin la tahay?” Markii shirkadihii shidaalka ka sahaminayey gobollada bari ee Somaliland ay reer waliba is hortaageen ee ay yidhaahdeen degaankayaga shidaal lagama qodi karo iyo dagaalkii South Sudan iyagoo madax-banaani helay shidaalna la soo baxay ayaa burbur hor lihi ka dhacay.

Waxaa aan dib u xasuustay hadalkii uu William Hague maalintaa nagu yidhi, dabadeedna waxaan u qiray waayo-aragnimada iyo khibradda uu ninkaasi u lahaa arrimaha caalamka!

 

4b. Kulankii William Hague ee N°10 Downing Street:

 

Kulankii Xoghayaha Arrimaha Dibada iyo weftigii Madaxweyne Silanyo

 

Markii aannu ka soo laabannay shirkii Ankara ee ay madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ku sexeexeen qodobbadii ka soo baxay wada hadalkii labada dhinac, ayaannu u soo duulnay London oo aannu mar labaad kula kulmi doonno William Hague.

 

Kulankaasi wuxuu ka dhacay xafiiska ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ee N°10 Downing Street. Run ahaantiina wuxuu ahaa kulan uu meeqaamkiisu aad u sarreeyo oo si weyn noo farxad galiyey.

Kulanku muu ahayn mid aannu hore u filaynay. Waxa na lagu keenay si qarsoodi ah. Waxana na lagu yidhi waxaad la kulmaysaan xoghayaha arimaha dibedda oo aannu is lahayn waxaad kula kulmi doontaan wasaaradda arrimaha dibedda oo u dhow xafiiska ra’iisal wasaaraha.

 

Arrimaha uu William Hague rabay inuu nagala hadlo way iska caddaayeen oo hore ayaannu u ogayn. Waxa uu danaynayo in uu nagala hadlo in Somaliland ay ka soo qayb gasho shirkii labaad ee uu Ingiriisku u qabanayey Soomaaliya.

 

Arrintan waxa hore noogala hadlay oo aannu ka diidnay labada safiir (Safiir iyo Safiir-xigeen) ee Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya iyo Addis Abeba. Mar Hargeysa ayay noogu yimaaddeen, mar kalana Addis Abeba ayaannu ku wada hadalnay, annagoo xukuumad ahaan iyo xisbiyada qarankaba u dhanna waannu ka diidnay fikirkii ay la socdeen.

 

Habeennimadiina waxay noo ballamiyeen wasiirka Ingiriiska u qaabbilsan arrimaha Afrika oo arrinta nagala hadlay, balse waannu ka diidnay. (Waxaan filayaa in cid naga mid ah ay dawladda Ingiriiska siinaysay war khaldan oo odhanaya Silanyo iyo weftigu way aqbalayaan in ay dhex fadhiistaan shirka Soomaaliya). Arrintu si kastaba ha ahaatee, markii aannu London nimi, annagu wefti ahaan waxa aannu filaynay in kulanka aannu la lahayn

 

xoghayaha arrimaha dibedda uu ka dhici doono wasaaraddiisa, balse waxaa na loo duway xafiiska ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ee Downing Street N°10.

 

Markaannu maraynay agagaarka West Minster-ka ayaa waxa farriin kooban noo soo diray xidhiidhiyaha xafiiska arrimaha dibedda ee u qaabbilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, farriintaas oo uu ku ishaarayay in ra’iisal wasaarihii noo imanayo taas oo ahayd: “Mr. Cameron may drop in!” oo ah “Waxa laga yaabaa in ra’iisal wasaare Cameron uu fadhigiina ka soo dul dhaco.” Dabadeedna waxaa na lagu leexiyey xafiiska ra’iisal wasaaraha oo aannu ugu tagnay William Hague oo sii fadhiya oo ay hor taallo waraaqdii ay ku qornaayeen qodobbadii ka soo baxay wada hadalladii Ankara.

 

Mr. Hague markii aannu fadhiisannayba wuxuu bilaabay in uu na maqashiiyo hambalyo iyo bogaadin uu nagu hambalyeynayo qodobbadii ka soo baxay wada hadalkii Ankara. Waxa kale oo uu ka hadlay kulamadii ka dhacay Addis Abeba ee aannu la yeelannay safiirrada Ingiriiska iyo wasiirkiisa arrimaha Afrika.

 

Ugu dambayntiina wuxuu noo soo jeediyey in Somaliland ay ka soo qayb gasho shirka ay Soomaaliya u qabanayaan 7-da May 2013-ka. Laakiin madaxweyne Silanyo codsigaa uu soo jeediyey markiiba ganafka ayuu ku dhuftay, si cadna wuxuu u sheegay in aan Somaliland marnaba ka soo qayb geli doonin shirkaa uu Ingiriisku Soomaaliya u qabanayo!

 

Sidoo kale aniga iyo wasiirkii arrimaha dibeddu wixii hadal ah ee aannu madaxweynaha ku taageeri karaynay waannu ka dhiibannay ra’yigayaga, annagoo sheegnay sababaha aanay Somaliland shirkaa uga soo qayb galayn. Sidoo kale waxaannu durnay wejiga cusub ee siyaasadeed ee aannu xukuumadda Cameron ku tuhunsanayn.

 

Waxa kale oo aannu Mr. Hague dhegaha ugu ridnay hadal duurxul ahaa. Waxaannuna ku nidhi: “Dawladda Ingiriiska waxa dhowaan u dhashay ilmo (baby) cusub oo la yidhaahdo ‘Soomaaliya’ sidaa darteedna annaga (Somaliland) haatan dan nagama lihidin oo waad na illowdeen!!” Ka bacdina Mr. Hague wuxuu isku dayey inuu na dejiyo oo uu nagu beerlaxawsado in mawqifka iyo mustawaha ay dawladdiisu arrimaha Somaliland ka taagan tahay aanay haba yaraatee waxba iska beddelin, balse ay dawladdiisu haatan lagama maarmaan u aragto in dunidu wax ka qabato dhibaatada muddada dheer socotay ee ka taagan dalka Soomaaliya, iyadoo hadalkii socdo ayaa ra’iisal wasaarihii naga soo dul dhacay.

 

4c. Kulankii David Cameron ee N°10 Downing Street:

 

 

 

Kulankii Raysal Wasaaraha Ingriiiska iyo weftigii Madaxweyne Silanyo

 

Maalin Arbaca ah, 17-kii Abril 2013-kii, Waxay ahayd markii ugu horreysay taariikhda ee madaxweyne ka socda Somaliland uu la yeesho ra’iisal wasaare xukuma Boqortooyada Ingiriiska! Waxay ahayd dhacdo taariikh ku leh dalka Ingiriiska oo ahayd aaskii iyo baroordiiqdii Mrs. Margaret Thatcher, haweenaydii ugu horraysay (xagga dumarka) ee dalka Ingiriiska ra’iisal wasaare ka noqota.

 

Maalintaa iyada ah, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah ku leh xisbiga iyo xukuumadda wakhtigaa ka talinayey dalka Ingiriiska. Waxaa aaskeedii loo dareeray Mrs.. Margaret Thatcher oo taariikh culus oo dhinacyo badan leh ku lahayd ummadda ku nool Boqortooyada Ingiriiska. Waxaa ka soo qayb galay aaskeeda qiyaastii madaxda ilaa 170 dal oo dunida ah, oo 23 ka mid ah ay madaxweynayaashoodii goobjoog ahaayeen, ayna marti u ahaayeen Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Mr. David Cameron.

 

Halkaa waxaad ka garan kartaa sida uu ra’iisal wasaaraha Ingiriisku mashquulka u ahaa iyo inta uu leekaa waqtiga uu u heli karayey inuu ku qaabbilo cid ama madax kale oo aan aaska ka soo qayb galayn, balse iyagu dane kale u socda! Haddaba mudnaanta iyo ahmiyadda la siiyey in maalinta noocaasi ah lala kulmo madaxweyne Silaanyo iyo wefdigiisa, waa dhacdo xasuus gaar ah lehayd.

 

Arrintu si kaastaba ha ahaatee, waxaa soo galay ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, taas oo ahayd qorshe la sii diyaariyey. Jawigii kulanka iyo qaabkii uu hadalku

 

u socday gebi ahaanba way is beddeleen. Waayo David Cameron waa hoggaamiye safka hore kaga jira ragga waqtigaa xaadirka ah siyaasadda dunida hoggaamiya. Dabadeedna waxa hadalkii la wareegay David Cameron, waxana ka muuqatay isku kalsooni iyo isla weynaan aad u sarraysa, waxana aad moodaysay inuu ku talagalay ama uu is lahaa in hadal kasta, ama talo kasta iyo codsi kasta oo uu annaga noo soo jeediyo aannu siday tahay u qaadan doonno! ra’iisal wasaare Cameron isla markiiba wuxuu bilaabay in uu ka hadlo mawduucii isaga u darraa, wuxuuna madaxweyne Silanyo si toos ah ugu sheegay in isaga iyo xukuumaddiisuba ay doonayaan in Somaliland ay ka soo qayb gasho shirka 7-da May 2013 London lagu qabanayo si Soomaaliya loo caawiyo.

 

Waxa xusid mudan in shirka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la guddoominayey ra’iisal wasaare Cameron (Cochairing). Waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland u sheegay in wixii habmaamuus ah ama qabanqaabo diblomaasiyadeed ah ee Somaliland u qalma, ay xukuumaddiisu diyaarin doonto. Madaxweyne Silanyo codsigii David Cameron u soo jeediyey si weyn buu uga gaws-qabsaday, wuxuuna u sheegay in aanay arrintaasi suurto gal ahayn!

 

Intaa ka bacdi, ra’iisal wasaare Cameron wuxuu madaxweyne Silanyo ku yidhi hadal aanan hadda si wacan u wada xasuusan, balse ahaa hadal qariibsanayo oo uu nuxurkiisu ahaa: “Anigoo ka mid ah hoggaamiyeyaasha waaweyn ee dunida, Somalilandna uu naga dhexeeyo xidhiidh saaxiibtinnimo oo qoto dheer oo soojireen ah, ma waxaan dunida u sheegi karaa Somaliland waan keeni kari waayey!” Hadalkaa ka bacdi, waxaannu galnay xaalad xaraj ah oo aad u cakiran oo HAA iyo MAYA labadiiba ay nagu adkaadeen! Dabadeedna madaxweyne Silanyo aniga iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda (Maxamed Cabdilaahi Cumar) ayuu nagu soo jeestay oo uu nagu yidhi: “Waar maxaynu yeelnaa? Maxay idin la tahay?” Sida runta ah madaxweynuhu wuxuu galay mawqif xaraj ah, waxayna  ahaayeen daqiiqado aannu galnay xaalad siyaasadeed oo aad u adag, dabadeedna waxa jawaabay wasiirkii arrimaha dibedda waxa aannu yidhi: “Madaxweyne, wallaahi arrintaasi way adag tahay!” Ka bacdina anigaa hadalkii qaatay waxaanan idhi: “Madaxweyne, maadaama ay tahay xaalad adag oo aynaan mawqif cad qaadan karin, waxay aniga ila tahay in aynu arrinta ku celinno gudaha dalka oo aynu wadatashi la yeelanno madaxweyne-xigeenkii, golaha wasiirrada, xisbiyada qaranka iyo golayaasha kale ee qaranka.” Arrintii aan soo jeediyey ayaa la qaatay. Madaxweynuhu wuxuu ra’iisal wasaare Cameron ku yidhi arrinta waannu ka soo tashanaynaa. Mr. Cameron wuu arkay inay arrintu nagu adag tahay, wuuna naga aqbalay in aannu arrinka ka soo tashanno, balse ismuu odhan codsigaaga gebi ahaanba waa lagu diidayaa! Kulankii halkaasuu ku soo gebagaboobay.

 

Markii aannu ku laabannay gurigii madaxweynaha ee London, waxa na dhex maray dood aad u adag oo ku saabsan arrintaa wixii laga yeeli lahaa iyo

 

mawqifka ugu habboon ee aannu xukuumad ahaan qaadan karno. Waxa kale oo aannu la soo hadalnay dalka, waxa aannu wadatashi la yeelannay madaxweyna-ku-xigeenka, xubnaha golaha wasiirrada, labada gole qaran ee sharcidejinta iyo weliba xisbiyada qaranka. Sida runta ah, dadkii masuuliyiinta ahaa ee aannu la soo hadalnay way ku kala qaybsanaayeen xagga fikirka in Somaliland ay ka qayb gasho ama aanay ka qayb galin shirka 7-da May 2013 ka dhacaya London ee loo qabanayo Soomaaliya.

 

Habeenkii oo dhan ilaa saacadihii dambe arrinta waannu ka doodaynay oo aannu rogrogaynay. Dabadeedna waxaannu ku heshiinnay aynu kala hurdo tagno, berritana aynu halkaa ka sii wadno, gudaha dalkana aynu mar kale xogwaraysi ku celinno si aynu u gaadhno go’aan wadajir ah. Arrintu si kastaba ha ahaatee, in kastoo uu madaxweyne Axmed Silanyo talooyin, afkaar iyo aragtiyo badan urursaday (gudaha dalka iyo dibeddaba), haddana habeennimadii markii aannu kala hurdo tagnay madaxweynuhu wuxuu qaatay go’aan kama dambays ah oo qadhaadh.

 

Markaan salaaddii subax tukaday, ayuu madaxweynuhu goor hore iga soo garaacay telefoonkayga gacanta. Telefoonkii baan qabtay, saa waa madaxweynihii! Kaddibna wuxuu igu yidhi: “Adeer, waxaan qaatay go’aan adag, waxaanan doonayaa in aynu go’aankaygaa aad igu taageertaan! Waxaan qaatay go’aan ah in aan Somaliland shirkaa ka qayb gelin. Sidaas ayaana aynu ku hawlgalaynaa ee dadkii ka dhaadhiciya!” Dabadeed waxaan ku idhi: “Mudane madaxweyne, waannu kugu raacnay go’aanka aad gaadhay, waana aannu kugu barbar taagannahay!”

 

Dabadeedna madaxweyne Silanyo wuxuu ra’iisal wasaare David Cameron u qoray waraaq uu ugu sheegayo go’aanka iyo mawqifka ay Somaliland qaadatay. Waraaqdaa marka la soo koobo, madaxweynuhu wuxuu ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ku yidhi ereyo nuxurkoodu ahaa sidan oo kale:

 

 

Madaxweyne Silanyo oo ah hoggaamiye dal aanay weli dunidu aqoonsan, waxaan aaminsanahay inuu hadal taariikhi ah ku yidhi ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska. Sidoo kale, in kasta oo go’aankaasi uu lahaa caqabadihiisa iyo mushkiladihiisa siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeedba, haddana madaxweyne Axmed Silanyo wuxuu qaatay go’aan taariikhi ah, kaddib markii uu go’aansaday inaan Somaliland ka qayb galin shirkii 7-da May 2013-kii xukuumadda Ingiriisku ay London ugu qabanaysay dalka Soomaaliya. Go’aankaa taarikhiga ah ka bacdi, maalintii xigtayba waxaannu u duulnay dalka Maraykanka.

 

Maadaama oo turunturrooyin badnaayeen, eedahu dawladda ku socdaa badnaa, qaylada siyaasaddu badnayd, duruufaha dawladda ku gadaamani badnaayeen, anigu aan joogay qasriga oo aan ahaa bartilmaameedka siyaabo badan mushkuladahaa ay nabarro iiga soo gaadhayeen oo aan u ahaa dhibbane, maalmahaa maalmaha ka mid ah oo aan ku hawlanaa wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya iyo arrintan shirka ee dawladda ingiriisku nagu casuuntay, ayay igu dhalatay in aan tix gabay ah ku cabbiro wakhtigaa iyo waayihii kala duwanaa, waxaanan curiyey oo aan ka tiriyey fagaarihii London ee aannu dadka kula hadlaynay:

 

Gabayga—Digniin—

Dabuubtiisa gabay waanigii daayay waayadan e Markase lay dalbado ayaan sangaha ugu dullaalaaye Dembi kuma unko ee kaygu waa dux iyo Iidaane Aan daliisho waa taan murtida deeqsi ku ahaaye

Dacwad waxaan ka idhi dawladiyo doorka maanta ahe Madaxweyne loo doortay oo daacadaw kacaye

Ilaahay ha daayee wanaag noogu daadihiye Dilalka iyo colaadihii jiray ee dunida aafeeyay Dadkii wada walaaluu ka dhigay ul iyo diirkeede Distoorka iyo xeerkaan qoray diinta laga dheegay

Nin u daran, ninka u daacad ah iyo kii wax duminaaya Danayste iyo waa ogyahay daacad kii wade

Waxse haatan loo daynayaa ways dugsanaysaaye Dusha iyo korkuu naga jiraa daafac nooyahaye Shidaal dihin markii uu islaam daawo kula qaatay Ingiriiska diday feejigay naga dareemeene

Duco iyo amaan baan u diray derajadeediiye

Afartaa wax lays kuma daree deel ma ka higgaadshay Dallaayad, iyo sidii Maxamed Nuur ma idin deeqsiiyey Darwiishkii Cali iyo Salaam daramalkoodi dheh

Ma daliishay bayd gaabyaduu doc uga leexdaaye Dacwadna waxan ka idhi eedihii laygu duur xulaye In kastood xumaan uga digtoo waano kula daasho Shaydaan wuxuu duufsadaa daabbad noqon waaye Haddii shicibka deel-qaaf ka yimi lagama diireen Dembiga madaxdi ii gaystaan deydayahayaaye

 

Dil baa aniga laygula kaftamay doobir xumadiiye Dumar kama fekerin xaajadii dabaqu saarraaye Dembi oogayaashii falaan diirad ku arkaaye Anigaan dakanadayda maqan doonan kari waayin

Wax badan baan dul qaataye haddii layga damin waayey Sida malabka doocaan haddii lay dudubinaayo

Doc aan uga wareegaba ficillo waysku deyayaaye Deebaaq qadhaadh iyo anaa dacar magawsiine Darandoori kay ugu dhacdow dan iyo xaasheeda Afartaa wax lays kuma daree deel ma ka higgaadshay Dallaayad, iyo sidii Maxamed Nuur ma idin deeqsiiyey Darwiishkii Cali iyo Salaam daramalkoodi dheh

Ma daliishay bayd gaabyaduu doc uga leexdaaye Dacwadna waxan ka idhi aniga iyo duun u hadalkayga Dalka nin u shaqeeyiyo ninkii dawlad hannanaaya Dulmiga iyo xumaatada ninkii doc uga baydhaaya Dadka maantu waa neceb yihiin dunida joogaaye Dabka kii hullaaqshay lib iyo derejo siiyaane

Dalqadaa wax lala doonayaa meel kalaw darane Waxaan ahay darwiish heeganoo ay rag isla daaleen Markay xaajo kala daadatee dacalo dheeraato

Ama ay daruuraha kortay daafta iman waydo Waxaan ahay ninkii loo diro ee soo dawayn kara e Dawliisha geela ee murkaha laga daboolaaayo Dubjirkaan waaraabuhu cunin daan canjiidlaha e Allaw yaa aflama daaliyee daacad ugu sheega.

Afartaa wax lays kuma daree deel ma ka higgaadshay Dallaayad, iyo sidii Maxamed Nuur ma idin deeqsiiyey Darwiishkii Cali iyo Salaam daramalkoodi dheh

Ma daliishay bayd gaabyaduu doc uga leexdaaye. Dacwadna waxaan idhi qaranka iyo dawladnimadeena Duug ma leh taariikhdu oo mustaqbalkaa lagu daliishaaye

Dorraad haddii aan jibbaysnaa oo aan shanti orod ku doonayney Daluunta iyo godkii lagu ridaan daaya leeyahaye

Dantaa lamahuraan ahe, haddii ay dunidu noo yeedhay Dacwigii la galay xaajadii doodda laga yeeshay Dulucda wadahalku waxay daarranayd kii na loo diray Dawlado walaal ah aan noqono iyo duul iskaashada Dibindaabyadii hore, haddii aan dib uga faalloodo Dagaalkii la galay halganka iyo diiftii naga gaadhay Dulcad iyo Darroor maatadii ayda lagu daadshay Diyaaradaha miigga ah markii lagu dabraynaayey

Dacallada Hargeysa iyo Burco, goobihii maydka lagu duugay Dalkii wada dumay iyo daarihii madfaca lagu duqaynaayey Duqayda iyo wadaadda markii aan cidi danaynaynin Daacuflaha goblamay iyo hooyadii dugayda yeedhaysay Shebbadihii ilmada duugayey ee kufsiga lagu dullaalaayey Dakanihii la soo maray bulshada diilalyadii haysay

 

Dadkaygu haddu cafiyey dakharradii iyo doogtii wada gaadhay Daliil uma aha nacasnimo iyo inay ay nabaradii dib u illaaween Dardaaranka iga qaata caawaan dadyahow idin duljoogaaye Daayin baa wax qaybshee hadduu wanaag doora ina siiyey Degganaansho iyo nabadgelyo hadduu ina dabbaalsiiyey Digasho iyo innaga oo aan ciilqab door ka dhiganaynin

Dareen wada jiriyo waxaan rabaa inaad dedaashaane Dadkoo meel u wada jeesta qarankan oo daawo wada qaata Dariiq qudha ah in ay wada martoo daacad ku ahaato Dastuurka iyo sharciga madaxda oo laga danbaynaayo Difaac loo dhan yahay ayaa cudud ah iyo dayr wax caabbiya.

 

 

 

***

 

Kordhinta xawaaraha iyo karaar qaadashada siyaasadda (Political Momentum) ee safarradii iyo kulamadii siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka, culimada iyo Safarrada dalka gudihiisa.

 

Shaqo kastaa waxay u baahataa kormeer, siyaasadduna mar kasta oo aad dareento hoos u dhac iyo dareenka bulshada oo aan kula jirin waxay u baahataa karaar qaadasho iyo labo kaclayn, sidaa darteed marka aan aragno in loo baahan yahay waxaannu abaabuli jiray kulamo gaargaar ah ama koox koox ah oo ku wajahan hadba meelaha aannu ka filayno in hoos u dhac ka  jiro ee u baahan dareenka bulshada la soo jeediyo.

 

Hannaanka siyaasadda Soomaalidu wuxuu ku dhisan yahay beelo, waxaana saldhig u ah dhaqanka, caadooyinka iyo diinta. Inta aannu iman hannaankan ka duwan iyo isbeddel bulsho oo saldhiggiisu yahay mabaadi’ iyo maslaxad, waxaa lagama maarmaan ah in aad tixgeliso xaqiiqada dhulka taalla ee wakhtigaa.

 

Iyada oo aan dunida kale looga baran booqashadu hoggaamiyahu guryaha ku booqdo dadkiisa, ashqaasta muuqaalka ku leh bulshadu oo aad booqataa waxay beddeli kartaa jawiga siyaasadda. Waxay ahayd bariido aan hore loo sii ogayn, madaxweyne Silanyo ayaa guriga ku booqday Maxamed Iskeerse oo ahaa xoghayihii maaliyadda ee xisbiga Kulmiye, kaas oo ay kala fogaadeen markii uu ka reebay xukuumaddii uu soo dhisay.

 

Markii madaxweynuhu guriga ugu soo galay cadhadii waxay isu beddeshay farxad, tabashadii waxay isu beddeshay mahadnaq, murugadii waxay isu beddeshay dareen wanaagsan iyo qiiro. Waxa aannu ku tiraabay hadal qalbiga ka soo go’ay oo ay wejigiisa ka muuqato farxadi: “Ma madaxweyne kale ayaa gurigayga iman lahaa! Waxaan ogaaday in aan leeyahay saaxiib. Waxaan ogaaday in aanan dhismihii Kulmiye ku khasaarin” Maalintaa wixii ka danbeeyay waxaa dib u samaysmay xidhiidh wanaagsan iyadoo

 

madaxweynuhu xilli danbe oo uu xanuunsadayna uu ka bixiyey lacag dhan

$50,000 taas oo ahayd kharashkii caafimaadka.

 

Wakhtiyo badan oo ay aloosnayd mucaaradad na lagaga soo horjeedo murugga siyaasadda iyo muranka dhinacyada siyaasadduna uu aad u sarreeyay, waxa aannu qabanqaabinay kulamo aannu ku qaabbilaynay dadyawgii wax tabanayay. Waxa aannu jaanis u siinnay in ay madaxweynaha u tebiyaan waxyaalaha ay tabanayaan iyo in la dhegaysto oo ay nala wadaagaan dareenkooda.

 

Waxaa jirtay maalin aannu la kulannay beel ka mid ah beelaha waaweyn ee Somaliland taas oo aad isu soo agaasintay cabasho ballaadhan soo bandhigtay, dabcan annaguna si laxaad leh ayaannu ugu diyaar garawnay oo u soo dhoweynay, una dhegaysanay iyada oo madaxweyanaha iyo wasiirradii aan ka midka ahaana aannu siinnay jawaabo waafiya. Waxaa goobta fadhiya odayaal, siyaasiyiin qoorweyn ah, xildhibaannada guurtida iyo wakiillada ee beesha. Markii dooddii cabbaar socotay ee labadii dhinac isu celiyeen waxaa abuur may is faham, dareenkii tabashaduna wuxuu isu beddelay hilow iyo isu soo dhawaansho. Xildhibaan Dhugad AHUN oo ahaa oday caan ahaa oo Guurtida ka tirsanaa ayaa hadal kaftan ah ku soo gebabebeeyay fadhigii, oo yidhi “Waar waa laynaga gar helay ee aan qaadanno. Madaxweyne adiguna gacanta kor u qaad”; isagoo uga jeeda madaxweyne deeqda/waxbixinta agow.

 

Waxaa dhacday dhacdo naxdin badan oo la soo sheegay in saddex qof lagu dilay Seemaal oo Gabiley kaga beegan qiyaas ahaan 70km dhanka waqooyi. Shaqaaqadani waxay dhex martay laba degaan oo markii horeba utumo iyo dilal u dhexeeyeen. Markii qayladhaantu na soo gaadhay, ayaannu shir isugu nimi madaxweyaha, wasiirkii arrimaha gudaha iyo rag kale oo degaanka ka soo jeeday. Talo waxaa lagu soo gebagebeeyay in wefti loo diro, waxaana loo xulay rag aan ka mid ahaa. Waannu baxnay. Isla markiiba qorraxdhicii baannu soo gaadhnay degaankii.

 

Ciidamadii Ilaalada noola socday ayaan xagga danbe marinnay, si aanay isugu dhicin ciidan beeleedyada abaabulan. Waxaana xagga hore aannu soo marinnay gawaadhidii wasiirrada iyo odayaasha saarnaayeen, si aannu ugu muuqanno nabaddoon oo aan na loogu qaadan duullaan. Waxaa rasaas nagu bilaabay maleeshiyo ka soo jeedda degaannada dadku ka dhinteen, iyagoo na dul marinaya si aan isu taagno. Waannu istaagnay, oo gawaadhidii ka soo degnay xaggoodiina u lugaynay annagoo la hadlayna, una gacan haadinayna. Dabcan waxay ahayd khatar, laakiin waxaannu u arkaynay xal in aan sidan yeelno. Ninkii horjoogaha u ahaa oo la odhan jiray Marooro ayaa i gartay oo ku dhawaaqay Ma Xirsi baa? Waxaan u celiyay “Haa. Kan kalana waa Duur.” Intuu dib u jeestay ayuu la hadlay ciidamadiisii oo yidhi joojiya rasaasta. Waannu isa salaannay. Waxaannu waydiinnay halka maydadka lagu aasayo ee waayeelkiina joogo. Way naga hor baydheen, waanay noo tilmaameen

 

meeshii aaska. Cishihii ayaan soo gaadhnay xabaashii. Dadkii wuu nagu naxay oo meesha na lagama filayn. Odayada iyo ehelladii ayaannu u tacsiyaynay oo la hadalnay. In kasta oo jawigu aad u qasnaa cunfi iyo colaadna laga dareemayay, haddana waxaa wax weyn beddelay imaatinkii madaxda, oo ay u dareemeen in dawladdu danaynayso.

 

Salaan iyo tacsi dabadeed, hadalkii ayaan bilaabay iyadoo wasiirradii kalana iiga danbeeyeen. Khaladka dhacay khalad kale ha kaga jawaabina oo ha u hiilinnina sida qofka xumi doonayo oo ah colaad laba beelood dhex marta. Waxaan idinka codsanaynaa in aan nabadda jaanis siisaan, oo inta aan hawshaa gelayno ee dembiilayaashii raadinayno aad na sugtaan. Odayadii si kooban oo kalsooni iyo dareen fiicani ku jiro waxay noogu jawaabeen hadal urursan: “Imisa cisho ayaannu idin siinnaa oo aad wax kaga qabanaysaan?” Waxaannu ku nidhi saddex maalmood. Waannu og nahay in aannaan saddex maalmood waxba ku qaban karin, laakiin waxa aannu doonaynay in cadhadu degto oo la helo wakhti aannu wax ku dejinno. Way nala oggolaadeed. Waxaana ka aslaaxay degaankii jawi nabadeed oo hana qaaday.

 

Xilliyada tartanka ururrada la furay oo doorashada ay ka qayb galeen ururradii cusbaa iyo xisbiyadii hore u jiray, waxaa soo baxay saddex xisbi waxaana dhacay afar urur. Sideedaba doorashooyinku waxay abuuraan xanaf iyo xurgufo siyaasadeed oo ka dhasha loollanka. Waxaa is biirsaday arrintaa iyo cabashada ururradii dhacay ka dib nagu yeelatay culays siyaasadeed ka dib markii mudaharaado ay sameeyeen qaar ka mid ah degaanka Hargeysa ay ku dhinteen dhawr qof dhawr kalena ay ku dhaawacmeen, arintani waxay nagu abuurtay jawi siyaasadeed qalafsan, sidii aan horeba u soo sheegay.

 

Habeen habeennada ka mid ah ayaan gurigiisa ku booqday si lama filaan ah hoggaamiyihii ururka Xaqsoor, Xasan Ciise, oo bud-dhig u ahaa kacdoonkaa siyaasadeed. Markii aan albaabka ku garaacay ee uu soo baxay ee uu i gartay ayuu qoslay oo ku kaftamay “Waxaa la ii sheegay Xirsi kollay meel ayuun buu kaaga soo dhacayaa,” isagoo cabbiraya dedaalkii aan waday ee dib ugu ururinayay odayaasha iyo waxgaradka degaanka. Wixii intaa ka danbeeyay wada hadal noo bilawday iyo heshiis ayay ku dhammaatay. Odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Aan wada hadalno waa aan heshiinno.” Ogow dhegaysigu waa maamulka badhkii, wadahadalkuna wuxuu ka mid yahay furayaasha siyaasadda.

 

Sida aan soo sheegay dhaqanku wuxuu ka mid yahay tiirarka siyaasadda Soomaalida. Iyadoo uu yahay jirridda bulsho ku fadhido, dhaqamadii wanaagsanaana ay wax badan oo fiican ina dhaxalsiiyeen, xaqiiqada dhulkan taallaa waxay tahay in dhaqamada iyo caadooyinku ay waxyaalo wanaagsan iyo waxyaalo xunba leeyihiin, oo mararka qaar adeegsiga dhinaca xun uu waxyeello u gaysto habsamisocodka siyaasadda, dawladnimada iyo maamul wanaagga. Abwaan Gaarriye oo 1991 arintaa ka hadlaya ayaa wuxuu yidhi “Soomaalidu waa qabaa’il. Xoolo-daaqsato ayay ahayd, intii isku qolo ahiba

 

waxay wadaagayeen daaq iyo biyo. Haddii mid la soo weeraro, kuwo tolkii ah ayaa u gurman jiray oo waa waxa lo odhan jiray yaa maali jirayeey. Caqliyaddii caynkaa ahayd oo halkeedaa ku shaqaynaysay ayaa markii gobonnimadi dhalatay ee dawladnimadii la ina siiyay aynu tii geela ku dabbaqnay.”

 

  1. La kulankii Amiir Cabdiraxmaan bin Cabdulcasiis

Xilligaa aan la kulmay, Amiirkani muu haynin wax xil ah, laakiin waa nin ka tirsan dhaxal-sugeyaasha qoyska reer bin Cabdulcasiis ee ka taliya dalka Boqortooyada Sucuudiga. Amiir Cabdilraxmaan bin Cabdulcasiis waa nin waayeel ah oo aakhirul cimri taagan oo aanay iiga muuqanin awood badan oo uu ku tamariyo.

 

Ballantii aannu la lahayn ayaannu ka soo xaadirnay, goobtii ballantana waxa aannu nimi qiyaastii ilaa 9:30 ilaa 10:00 pm fiidnimo. Waqtigaa aannu goobta nimi, amiirku wuxuu ku jiray shir, oo malaha Sucuudiga habeenkii baa la soo jeedaa oo la shiraa! Wakhti badan baannu sugnay. Waxay nagu qaadatay in aannu amiirka sugno ilaa 01-02:00 am habeennimo, xilligaas oo uu amiirku shirkii ka soo baxay. Dabadeedna waxa loo sheegay in aannu weli fadhinno oo isaga sugayno! Waxyaabaha aad ii soo jiitay ee aan dhaqanka Carabta kaga yaabay waxaa ka mid ahaa ixtiraamka iyo karaamada ay martidu ku  leedahay agtooda! amiirku markii loo sheegay in aannu sugayno, ayuu yidhi: “Ha u yeedhina ee anigaa halka ay fadhiyaan ugu tagaya.” Taas oo ka ahayd xurmo iyo ixtiraam uu annaga noo muujinayey. Waxa nagu soo laabtay ninkii amiirka gacanyaraha u ahaa, ka dibna wuxuu nagu yidhi: “Amiirkii wuxuu go’aansaday inuu idinka halkan aad fadhidaan idiinku yimaaddo!” Dabadeedna waxa noo soo galay amiirkii oo luudaya oo garbaha la hayo! Waannu u istaagnay oo si wacan u salaannay, kaddibna wuu nala fadhiistay. Wuxuuna noo galay sheeko dheer oo uu kaga hadlayey Somaliland, reer Woqooyiga iyo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya iyo taariikho hore.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa nabadgelyo ee ka taagan mandaqadda Geeska Afrika. Amiirku wuxuu ahaa nin aad u furfuran, oo si saraaxad leh ayuu noo waraystay. Waxa kale oo uu naga waraystay xoolaha (sida geela iyo adhiga) ay Soomaalidu dhaqato, oo waxaaban ka yaabay sida uu amiirku ugu abtirinayo ee uu u kala dhigdhigayo geela iyo adhiga! Gaar ahaan wuxuu aad ugu dheeraaday sheekada geela, oo dhaqan ahaan ay Carabtu aad u jeceshahay oo ay ku dhaadato! Ka bacdina annagaa hadalkii la wareegnay, waxaanannu Amiirka guud ahaanba uga warrannay dalka iyo dadka Somaliland iyo ujeeddada ay booqashadayadu xambaarsan tahay.

 

Gaar ahaan, waxa aannu carrabka ku adkaynay oo aannu amiirka kala hadalnay qaddiyadda ictiraaf raadiska Somaliland. Sidoo kale waxaannu kala hadalnay in uu nagala hawl galo sidii uu madaxweynaha Somaliland booqasho rasmi ah ugu iman lahaa dalkan Sucuudiga si uu ula kulmo hoggaanka sare iyo madaxda Boqortooyada Sucuudiga. Waxa kale oo aannu kala hadalnay bal sidii baasaaboorka Somaliland loogu soo geli lahaa Sucuudiga. Amiirku, arrinta la xidhiidha baasaaboorka Somaliland wuu soo dhoweeyay, wuxuuna nagu yidhi ii keena koobbiyo ka mid ah baasaaboorkiina si aan xukuumadda Sucuudiga ugu gudbiyo oo aan ugala hadlo. Waxa kale oo uu noo sheegay inuu jecel yahay in uu Somaliland booqasho ku yimaaddo ee suurto-gal ma tahay? Annaguna waxaannu u sheegnay in aannu booqashada amiirka ku faraxsannahay oo aannu soo dhoweyn doonno.

 

Marka la isu soo minguuriyo, kulankii aan la yeeshay amiir Cabdiraxmaan bin Cabdulcasiis, waxa iiga baxay inay jirto kala-war-hayn-la’aan iyo is- moogganaan weyn oo dhex taalla Somaliland iyo dalka Sucuudiga. Waxa  kale oo iyana jirta in dalka Boqortooyada Sucuudigu siyaasad ahaan iyo diblomaasi ahaanba uu qaatay mawqif ah in uu la shaqeeyo xukuumadda ka dhisan Xamar ee Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, waxa ii muuqata in Somaliland lafteedu ay la iman karto qorshe siyaasadeed iyo xidhiidh iskaashi oo ku wajahan la macaamilka Dunida Carabta. Iyadoo aan mudnaanta la siinayn xagga arrimaha siyaasadda ama aan Carabta la weydiisanayn inay Somaliland aqoonsadaan, ayaa waxa muhimadda koowaad la siin karaa xagga iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada. Haddaba, haddii tallaabadan la qaado, waxa abuurmi kara fursado cusub oo ay Somaliland ku fahanto nidaamka madax-salaaxa ah iyo Alle cimrigaaga dheeree ee Dunida Carabta lagula macaamilo!

 

Waxa xusid mudan in ummadda reer Somaliland ay taariikh aad u fac weyn oo soojireen ah (mid dhaqan iyo tu dhaqaalaba) la lahaan jireen Boqortooyada Sucuudiga, Yemen, UAE, Masar iyo dalalka kale ee Khaliijka Carabtaba. Marka laga hadlayo dadka afka Soomaalida, degmo kasta iyo dal kasta oo ay

 

ku nool yihiinba, ummadda reer Somaliland ayaa ahaa Soomaalidii ugu horraysay ee Dunida Carabta u dhoofta, degta, ku noolaata, ka shaqaysata, ku taranta ee qaadata baasaaboorrada dalka Sucuudiga iyo waddamada kale ee khaliijkaba. Ilaa iyo waqtigan xaadirka ahna waxa jira kumanaan iyo kumanaan muwaadiniin asal ahaan reer Somaliland ah oo iyagu, ama aabbayaashood ama awowyaashood ku dhasheen dalka Sucuudiga iyo waddamada kale ee khaliijka, sida Imaaraatka Carabta iyo Qadar.

 

Haddaba, iyadoo laga faa’idaysanayo aqoonta, waayo-aragnimada, kartida iyo awoodda bulsho ee ku duugan ummadda reer Somaliland ee ku nool waddamada Carabta, waxaan is leeyahay waa lagama maarmaan in Somaliland ay la timaaddo qorshe iyo weji siyaasadeed oo furfuran oo ka duwan kii ay Somaliland hore ugula dhaqmi jirtay Dunida Carabta.

 

  1. La kulankii Madaxweyniha Turkey Erdogan.

Waxa aannu iyagana kulamo kala duwan la yeelannay hoggaamiyaha dalka Turkiga Reciept Dayib Erdogan iyo raysal wasaarihiisii Axmed Daud Augle oo markaa ahaa wasiirka khaarijiga. Waxay nagu qaabbileen hab maamuus aad u sarreeya iyo dareen fiican oo qalbi samaan badan leh. Kulamadii aannu yeelannay waxay ku bilaabmeen arrimaha wadahadallada. Waxay ahaayeen qaar ay mudnaan weyn siinayeen. Waxay annaga iyo dawladda Soomaaliya noola macaamilayeen si siman oo caddaalad ah, haddii ay tahay guryaha ay na dejinayeen iyo gaadiidka ay nagu qaadayeen, iyo guud ahaanba macaamilka dublamaasiyadeed inta aanu ku jirno wadahadallada, wax faro gelin ahna na gumay sameyn jirin, in kasta oo ay midnimo aaminsanaayeen.

 

Waxaannu sidoo kale kala hadalnay arrimaaha horumarka in ay naga gacan qabtaan, annagoo ku casuunnay madaxweyne Erdogan iyo raysal wasaare Augle labaduba in ay dalka yimaaddaan, oo weliba uu ballanqaaday in uu Somaliland imanayo Augle markii uu wasiirka arrimaha dibadda ahaa. Iyaga oo nooga ballan qaaday in ay mashaariic horumarna ka samayn doonaan Somaliland, isla markaana ay jireen mashaariic uu ka mid ahaa dhakhtarka weyn ee Hargeysa oo ay dhagax dhigeen, balse wax waaweyn oo la taaban karaa kama fulin arrimahaa, mana jirin sabab hakisay oo aan ogaa.

 

Waxay u muuqdeen dad ku tashaday in ay dalkooda horumariyaan. Wuxuu noo sheegay xilligaa in uu marayo halbeegga dhaqaalaha ee lagu qiyaaso Tacabka Waxsoosaarka Maxalliga ahi (GDP) 12 000 oo Liire, halka uu markii ay dalka taladiisa la wareegeen marayay 3000 oo Liire. waxaanay higsanayaa in 2020 ay gaadhaan ilaa 30,000 oo Liire.

 

Guud ahaan, dalka Turkigu waa dal iyo ummad qadiim oo taariikh ku leh dunida, waxaana muuqata in ay horumar sameeyeen iyaga oo aan wax khayraad ah lahayn. Sidoo kale waxaa ka muuqatay in ay qaateen nidaamka dimuquraaddiyadda ee talada lagu yimaaddo doorashada. Wax kastaa waxay

 

ku qoran yihiin Afka Turkiga, qof kastaana wuxuu ku hadlayaa Af Turkiga oo ma hawl yara in aad is fahamtaan.

 

  1. La kulankii Madaxweynaha Koonfurta Suudaan

Weftigii Madaxweynaha Somaliland iyo South Sudan

 

Waxa aannu ka qayb galnay caleemasaarkii madaxbannaanida dalka Koonfurta Suudaan, maadaama oo ay dabeecadda siyaasadda ee dalkaa dhalanayay iyo dalkaygu ay isu-ekaansho ka dhexaysay. Waxaanay noo lahayd muhiimad weyn dadka Somaliland iyo dawladdaba. Waxa aannu uga qayb galnay si mug leh, iyaguna waxay noo soo dhoweeyeen si aad u wanaagsan. Waxa aannu jaanis u helnay in aan la kulanno madaxweynaha Koonfurta Suudaan iyo ku xigeenkiisa, waxaana ay noo ballanqaadeen xidhiidh wanaagsan iyo isgarabsi. Balse cagaba iskumay taagin oo dhalashadii waxa weheliyay dagaallo sokeeyo oo ka qarxa iyo khilaaf siyaasadeed oo naafeeyay.

 

  1. La Kulankii Madaxweyne Michael D. Higgins

Kulamadii ugu milgaha iyo karaamada badnaa ayuu ka mid ahaa booqashadii wefdigii aan ka midka ahaa ay ku tageen waddanka Ireland. Waxaa si diirran noo soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaa, Mr. Michael D. Higgins. Wuxuu madaxweyanahayagii iyo weftigisii ku qaabbilay madaxtooyada. Waxaa kale oo nooga qabsoomay kulamo aannu la yeelannay hay’addaha kala duwan, meelaha taariikhiga ah iyo machadka khilaafaadka ee dalkaasi.

 

Madaxweynaha dalka Irland iyo Madaxweyne Silanyo.

Dadka Irish-ku waa meesha madaxda Maraykan iyo in badan oo ka mid ah dadweyanaha Maraykan ay ka soo jeedaan. Waxaa iiga muuqday dalkani in uu door fiican oo siyaasadeed iyo dublamaasiyadeed ka ciyaaro dalalka ku midoobay Europe, UK iyo dalweynaha Maraykan oo ay in badan oo shirkadaha waaweyn ka mid ah ay ku leeyihiin xarumo waaweyn. Sida oo kalana Somaliland waxay noqon kartaa isku xidhaha (Hub) Geeska Africa, Khaliijka Carabta iyo wadamada waaweyn ee danaynaya marinka Badda Cas iyo dhulka macdanta/udugga ee Somaliland.

 

Shirka Golaha Wasiirrada

 

Shirka golaha wasiirradu wuxuu ka mid yahay hababka shaqo iyo go’aan qaadasho ee xukuumadaha. Mar shaqada loo qabto go’aannadana loo qaato keli keli iyo mar shaqada loo qabto isku duubni go’aannadana loo qaato isku duubni. Sidoo kale mar waa amaawiir xagga sare ka timaadda oo hannaan jaranjaro la isugu gudbiyo, marmarka qaarkoodna waa dood dimuquraaddi ah oo golaha wasiirrada la isku waydaarsado iyada oo mararka qaarkood aan la isu hamranayn, waxna la isu hambaynayn, haddana waxay leedahay hannaan iyo habraac.

 

Xukuumaddii aan ka mid ahaa waxay golaha wasiirradu shiri jireen maalinta Khamiista, 9:00 ilaa 12:00 maalinnimo. Sida caadiga ah waxaa hoggaamin jiray madaxweynaha, haddii uu maqan yahayna madaxweyne ku xigeenka. Wuxuu lahaa habraac ama buugyare aannu samaynay oo goluhu ansixiyey intii xukuumaddu joogtay. Waxaa doodihiisa ka qayb qaadan jiray wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha iyo wasiir-xigeennada, iyadoo ay u qaybsanaayeen guddiyo shaqo iyo guddiyo hawleedyo marka loo baahdo la magacaabo. Waxaa ka qayb qaata farsamayaqaanno, sharciyaqaanno markii loo baahdo iyo afhayeenka madaxweynaha.

 

Goluhu wuxuu wadaagi jiray, kana doodi jiray xeerar uu curiyey, siyaasad  uu dejiyey, miisaaniyad uu diyaariyay, qaddiyadaha guud ee qaranka soo food saara, xallinta mushkiladaha waaweyn iyo wixii madaxweynuhu uga maarmi waayo ee uu soo gudbiyo. Wasiirradu waxay xoghayaha golaha u soo gudbin jireen ajandaha 24 saacadood ka hor furitaanka shirka, wixii aan degdeg mudnaan gaar ah la siinayo ahayn (Emergency), madaxweynuhuna wuu ansixin jiray.

 

Waxaa dhici jirtay umuuro doodo adag foodda la isku daro, oo maalin iyo ka badanba qaata, ama in miisaaniyadda mar iyo lababa la ansixin waayo oo dib loo celiyo. Balse inta badan isu tanaasul iyo isfaham (consensus) ayaa wax lagu dhammayn jiray. Wasiirrada aan ku xasuusto farshaxannimada rayi- abuurka (contributions) waxaa ka mid ahaa saaxiibbaday Cabdi Aw Daahir (AHUN) iyo Cabdirisaaq Khaliif. Waxaa doodo kulul lahaan jiray Xuseen Axmed Caydiid iyo Dr Gaboose, iyada oo uu Oday Cadami erayo waayeelnimo iyo qosol isugu jira uu isugu joojin jiray mararka ay cakiranto. Runtii wuxuu ahaa gole nadiif ah oo aad la isugu ixtiraamo. Maxsuulka ka soo baxa (Minutes) waxaa lagu dari jiray gal u gaar ah iyada oo fulinteeda iyo dabagalkeedana wasaaraddaydu u xilsaarnayd.

 

***

 

Cutubka 16aad: Dedaallada Ictiraafraadinta Somaliland

 

Somaliland oo la aqoonsado oo beesha caalamka ka mid noqotaa waa waxa ugu weyn ee dadkeedu ka dhursugayeen muddada dheer. Waxaanay ka mid tahay shaqooyinka ugu mudan ee dawladda laga sugayo. Way jiraan waxyaalo badan oo ay isku dayeen dawladihii kala danbeeyay ee soo maray Somaliland. Wakhtigii aan xukuumadda ka midka ahaa waxaa jiray tallaabooyin badan oo la qaaday, iyada oo aan odhan karo waxaannu samaynay dhaqdhaqaaqyadii ugu badnaa, waxaana xukuumaddayadii ay ku tallaabsatay tallaabooyin aan hore loo qaadin. Waxay gaadhsiisay waddamo aan hore loo gaadhin, waxaanay ku bixisay dedaal badan. Haddana waxaan aaminsanahay guud ahaan reer Somaliland iyo dawladahoodii kala danbeeyay ictiraafka way sugayeen ee may raadin, manay siinin muhiimaddii loo baahnaa, lagamana dhigin qaddiyad ummadeed iyo halgan bulsheed nafta loo huro.

 

Wixii qaaliya cayaar laguma helo ee wax qaaliya ayaa loo huraa. Si kasta oo aad hannaan maamul u samayso oo aad hay’adihii iyo shuruudihii dawladnimo la timaaddo, ma hawl yara in dunidu kuu garwaaqsato dawlad madax bannaan maadaama oo aad dawlad jirtay kala baxaysaan. Wuxuu yidhi Maxamed Nuur Fadal:

 

Nin naftiisa biime u gesha iyo bohol xun mooyaane, bawdada nimay kaga dhacdo iyo boqonta mooyaane, gobonnimo bilaash looma helo ban iska taaltaal!”

 

Waxaa iyaduna marag ma doon ah in aan dawladihii kala danbeeyay aanay midna salka u dhigin siyaasad arrimo debedeed oo qeexan iyo qorshe hawleed nidaamsan oo qof kasta iyo dawlad kastaa meesha ay ka qaaddo iyo meesha ay kaga tagto la yaqaan.

 

Waxaa ka mid ahaa tallaabooyinkii aannu qaadnay; ugu horrayn, xukuumaddii aan ka tirsanaa in kasta oo ay ku soo baxday cod ballaadhan oo ay xisbiyadii kale ka horraysay tiro codad ah oo aad u badan, haddana may ku soo bixin aqlabiyadda codka muwaadiniinta ee waxay guusha ku hanatay 49% codadka dalka, halka xisbiyadii kale isugeyntoodu ay ahayd 51%. Sidaa darteed waxaannu dedaal gelinnay in xanaftii doorashada la tirtiro dadkana dib loo mideeyo, iyada oo aannu u jahaynay dhinaca horumarka oo ay dalka ka hirgaleen mashaariic aad u waaweyn, dhaqaaluhu aad buu kor ugu kacay isla markaana waxa abuurmay yuhuunta fiican ee suurtagelisay in ay yimaaddaan oo ku soo dhiirradaan shirkadaha waaweyn ee baadhista shidaalka, shirkadaha waaweyn ee ganacsiga DP World iyo Coca Cola iwm. Waxay tahay ujeeddada dulucdaydu: siyaasadda arrimaha dibadda ee dunidu kula yeelanaysaa waxay ku xidhan tahay muuqaalka iyo siyaasadda gudaha sida loo arko (foreign policy is a reflection of domestic policy). Siyaasadda guduhu waa go’aamo maamul oo si toos ah ula xidhiidha

 

dhammaan arrimaha iyo hawlaha gudaha xuduudaha waddanka, taas oo saamaysa siyaasadda debadda ee dalkaas iyo siyaabaha ay dawladuhu kuula macaamilayaan ama xidhiidhka danaha siyaasadeed ee adduunka.

 

Guud ahaan waxaa kor u kacay dhaqaalaha dalka iyada oo ay salka ku haysay yuhuuntii isbeddelka iyo filashadii dadka oo abuurtay xiise dad badani u soo hiloobeen dalka, gaar ahaan qurbajoog badan oo ganacsi iyo dhismayaal ka bilaabay dalka, shirkado waaweyn oo maalgashi ka bilaabay, iyo mashaariic horumarineed oo ay ka bilaabeen dawladaha deeqda bixiya iyo hay’adaha horumarinta. Waxaa la yidhaahdaa dhaqaaluhu wuxuu ku tiirsanyahay oo qaybta ugu muhiimsan ka qaadata jawiga siyaasadda iyo hoggaaminta. Labadaas baannu hagaajinnay.

 

Waxa aannu isla garabsannay dhaqaalihii debadda naga soo gelayey, dhaqaalihii gudaha ka soo baxayay iyo dakhligii dawladda oo aan kor u qaadnay. Waxaan aaminsanahay in kobaca dakhligu uu salka ku hayay wacyigelintii guud ee wasaaradda maaliyaddu samaysay, tiigsiga yool siyaasadeedkii madaxweynaha ee jaangooyada dakhliga iyo kharashka ee lagu sargooyey miisaaniyadda, kor u qaadidda hannaanka dakhli ururinta iyo habaynta iyo dhiirrigelinta shaqaalaha oo wasaaradda maaliyaddu dedaal gelisay, kordhinta cashuurta oo ay soo qorsheeyeen guddidii miisaaniyaddu, iyada oo khasnadda dawladda lagu soo xereeyey ilihii dhaqaalaha ee maaliyadda iyo haamaha shidaalka iyo sooxeraynta qayb ka mid ah lacagtii maxjarrada xoolaha. Tusaale ahaan, sannadkii 2010, markii  xukuumaddayadu timi xilka, miisaaniyadda Dawladda Dhexe waxay ahayd 46 milyan oo doollar; markii aan ka tegay, sannadkii 2015, waxay maraysay 180 milyan oo doollar!

 

Si aannu gudaha dalka u midayno, waxaannu beddelnay lacagtii Giinbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray gobolka Togdheer. Lacagtaas Giinbaartu waxay ahayd lacagta noodhka ah ee boqolka iyo kontanka shilin ee lacagtii Soomaaliya. May jirin meel kale oo laga isticmaalo lacagtaas carriga Soomaalida oo aan Togdheer ahayn, waxayna Somaliland ku haysay culays dhaqaale maadaama oo aanay ka qayb qaadanayn wareeggii lacagta ee ganacsiga. Waxaanay dawladihii Somaliland u kala danbeeyay ku taamayeen inay beddelaan iyadoo dadka reer Burcna si laxaad leh uga dhursugayeen in la beddelo.

 

Waxaa madaxweynuhu ku daray qodobbadii uu ololaha doorashada ku galay in uu Burco ka beddeli doono lacagtaas haddii uu tartanka ku guulaysto. Markii uu ku guulaytay ee uu shaqada bilaabayna wuxuu ku darsatay liiska shaqo ee boqolkii cisho ee ugu horreeya dawladdiisu qabanayso. Waxaannu qorshaynay intii ay qiyaas ahaan naga qaadanaysay lacag Somaliland, oo u dhigmaysay ilaa saddex milyan iyo badh Dollar oo Somaliland shilin ah. Waxaana fulinteeda loo xil saaray wasaaradda maaliyadda iyo Baanka Dhexe. Waxaa loo maamulay si habsami ah, waxaanay ku dhammaatay guul iyada

 

oo dhammaan wixii lacagtaa yaallay laga soo xareeyay dadkii haystay, looguna beddelay lacagta Somaliland shilinka. Giinbaartiina waxaa la dhigay goob bannaan oo lagu gubay, saxaafaddana waa lagu soo bandhigay.

 

Arrimaha gudeed ee aannu ku dhiirrannay waxa ka mid ahayd qaybintii derajada ciidanka. Ciidamada qalabka sidaa waa astaamaha qarannimada iyo awoodaha qaran ku taagan yahay. In kasta oo arrimaha ciidamadu ay yihiin arrimo sir ah oo qaran kasta u ilaashan, waxaan jecelahay in aan si kooban u dulmaro hawshii bixinta derejada ciidamada iyo hawlgalkii ciidamada loogu qaybinayey garaaddada oo ahayd hawl culus oo xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland aanay ku dhiirran, balse suurtagashay xilligii aan xafiiska joogay ee dawladdii madaxweyne Silanyo, arrintan oo dadka qaarkood siyaabo khaldan wax uga sheegaan.

 

Derajada bixinteedu waxay dawladda Somalilnad u lahayd muhiimad weyn, waxaanay ahayd himilo ciidamadu leeyihiin oo hagaajinaysey maamulka, muuqaalka iyo mooraalkoodaba. Madaxweynaha oo ahaa taliyaha guud ee ciidamadu wuxuu guddi farsamo u saaray si ay uga soo talo bixiyaan qaab- dhismeedka ciidamada, habka derajada loo bixinayo iyo gunnada garaaddada lagu bixinayo. Guddigaas oo ahaa saraakiil hore uga soo shaqeeyay ciidamada oo aqoon iyo waaya-aragnimo u lahaa arrimaha ciidamada.

 

Waxay guddidu soo qiimeeyeen jaranjarada ciidamada, dable ilaa sarreeye gaas, kuwaas oo aad u faaqiday dhammaan ciidamada qofqofna isula taagay oo xog dhammaystiran ka soo diyaariyay. Bixinta garaaddada meelaha tixgelinta siiyeen waxaan ka xusuustaa: Wakhtiga ku biirista, aqoonta, hawgallada uu ka qayb qaatay, iyo xilalka u ka soo qabtay dawladdii Soomaaliya; wakhtiga ku biirista SNM xilalka uu ka soo qabtay iyo hawgallada uu ka qayb qaatay; Wakhtiga ku biirista, koorsooyinka uu soo qaatay, xilalka iyo hawgallada uu ka qayb qaatay ciidamada Somaliland; Heerarka aqoon jaamacadeed ee uu leeyahay. Qiyaas ahaan lacag u dhiganta ilaa saddex milyan iyo badh doollarka Maraykanka ayaa sannadkii u horreeyayba ku siyaadday miisaaniyada ciidamada.

 

Dhammaan kulamada hoggaamiyayaasha dunida ee aan cutubkii hore ku soo sheegay waxay bud-dhig u ahaayeen dedaalladii aqoonsi raadinta Somaliland. Waxa kale oo aan ka tilmaami karaa tallaabooyinkii aannu qaadnay xilligaa, Madaxweyne Silanyo waxaa lagu casuumay aqalka looga taliyo boqortooyada Ingiriiska ee Down Streen No 10. Iyada oo uu halkaa ku qaabbilay xoghayihii arrimaha dibadda iyo raysal wasaarihii dalku. Waxaa mar kale oo raysal wasaarahani shir caalami ah, oo ay ka soo qayb galeen 57 hoggaamiyayaasha dunidu oo u qabtay intii Soomaaliya la isku odhan jiray, ku casuumay madaxweyne Silanyo oo weliba si maamuuskeedu sarreeyo loo qaabbilay, iyaga oo casuumaddooda mugdiga ka saaraya waxay soo qoreen: “Somaliland is not Signatory Garowe Road map” oo macnaheedu yahay

 

Somaliland kama mid aha saxeexayaasha waddada iyo khariiradda Garoowe (waa barnaamijkii xukuumadda loogu dhisayay Soomaaliya). Labadan arrimood ee aan soo sheegay waxay ahaayeen qaar ku cusbaa Somaliland oo aan intii ay jirtay lagu qaabbilin maamuus noocaas oo kale ah, kulamadan waxaan ku soo faahfaahiyey cutubka 15aad.

 

Waxaa iyana xilligaa si fiican u xoogaystay xidhiidhka aannu la lahayn waddamada Carabta in kasta oo aannu gaadhin heerkii loo baahnaa, haddana wuxuu dhaliyey in laga helo mashaariic horumarineed iyo maalgashi bilaw ahaa xilligaa.

 

Waxaa la sameeyay barnaamijyadii Somaliland Development Fund, oo ahaa sanduuq dhaqaalaha loogu soo shubayo oo ay wada maamulayaan dawladda Somaliland iyo dawladaha deeqda bixiyey; iyo Somaliland Special Arrangement, oo ahaa habka mucaawinooyinka ee hay’aduhu u soo marinayaan Somaliland iyada gaar ka ah Soomaaliya inteeda kale. Labadan hab oo ahaa qaar dunidu ugu talo gashay in ay dhaqaalaha kula wadaagto Somaliland kana turjumayay in loola macaamilo hannaan hab-dawladeed ah, halkii markii hore wax loogu soo dhiibi jiray NGO.

 

Dedaalladii xukuumaddu samaysay waxaa ka mid ahaa in ay hawlgelisay shirkado ka shaqeeya xidhiidhada saxaafadda caalamiga ah, iibgaynta iyo xayaysiinta siyaasadda (Strategic Communication and Public relations companies), waxaa ka mid ahaa Portland. Kuwaas oo loo qorsheeyey in ay si joogto ah ugu gudbiyaan saxaafadda caalamiga ah wararka, safarrada muhiimka ah ee masuuliyiinta iyo guud ahaan xaaladaha Somaliland:

 

Highlights have included broadcast interviews for the Foreign Minister with VOA and the BBC World Service (listening figure of 180 million); a letter penned by the Foreign Minister in the Economist (one of the world’s most influential news magazines); an Op-Ed by President Silanyo published in African outlets such as the Mail & Guardian (South Africa), the East African (Kenya), and the Daily Monitor (Uganda); broadcast interviews for the Minister of Trade and Investment with CNBC and BBC World News; Op-Eds by the Foreign Minister in the Nigerian Guardian and Euractiv (Europe’s leading outlet focused on EU issues); a letter penned by the Director of Government Communications in the Financial Times; interviews for the Energy Minister with Reuters, CNBC and the Daily Maverick; a letter by Edna Adan in the Guardian and interview in the Evening Standard; an Op-Ed by Environment Minister on the World Economic Forum site; an interview for President Silanyo with Radio France Internationale.

 

Wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, oo aan hoos ku faahfaahin doonaa, waxay ahaayeen dhacdo ku cusbayd siyaasadda iyo xeelad farshaxan ah oo loo marayay in Somaliland aqoonsi ku hesho, taas oo ay xukuumadda isku barbartaageen golayaashii iyo xisbiyadii qaranku dhammaantood. Waa

 

dariiqa ay u mareen dhammaan dawladihii kala baxay ee dunida soo maray sida Jakoslafaakiya oo noqotay laba dawladood ee Czech Republic iyo Slovakia. Sidaa waxaa la mid ah qaar badan oo ay ka mid yihiin East Timor iyo Indonesia. Ethiopia iyo Eritrea. Serbia and Montenegro iyo kuwii ugu dambeeyay 2010 Sudan iyo Southern Sudan. Dhammaan intan aan soo sheegay waxay ku dhammaadeen in ay kala baxaan oo labadii dhinac noqdaan labo dawladood duniduna ku waafaqday oo u aqoonsatay.

 

 

Wada hadalladii Somaliland iyo Somaaliya

 

Wada hadalladu waa wax dunida laga yaqaan oo inta badanna ku soo gebagebooba guul iyo in wax la isku afgarto. Arrimaha siyaasadda haddii laga wada hadli waayo, waxaa suurtagal ah in ay kuu horkacaan khilaaf raaga iyo mushkilad kugu hagta dagaal iyo dhiig daata, kaas oo ku soo gebagebooba guuldarro iyo arrin aan la mahadin.

 

Shaki ma laha in wadajirku ka wanaagsan yahay kalatagga haddii aanay xal noqonin oo aan la wada joogi kari waayin. Tirana ma laha qoomiyadaha ku heshiiyey in ay midoobaan oo dawlad keliya yeeshaan. Waxa ka mid ah Yementan inoo muuqata oo wada hadalkii 1990 ku soo dhammaaday midnimo iyo dawlad keliya.

 

Dawlado badan oo kale ayaa dunida wada hadal ku kala baxay oo ku heshiiyay in ay labo dawladood noqdaan. Waxaa ka mid ah kuwii ugu danbeeyay wada hadalkii dhexmaray dawladdii la odhan jiray Jakoslafaakiya iyo qaybtii ka farcantay ee iminka loo yaqaan Czech Republic, kaas oo ku soo dhammaaday in ay ku heshiiyaan labada dawladood ee Czech Republic iyo Slovakia.

 

Sidaa waxaa la mid ah qaar badan oo ay ka mid yihiin East Timor iyo Indonesia dhexmaray sannadkii 1999; kuwii dhexmaray sannadihii 1991 ilaa 1993 Itoobiya iyo Eritrea; kuwii dhexmaray sannadkii 2006 Serbia iyo Montenegro; iyo kuwii ugu dambeeyay 2010 Sudan iyo Southern Sudan. Dhammaan intan aan soo sheegay waxay ku dhammaadeen in ay kala baxaan oo labadii dhinac noqdaan labo dawladood, duniduna ku waafaqday oo u aqoonsatay.

 

Wuxuu yidhi Prof. Ibraahin Maygaag Samatar isagoo guud ahaan aragtida wadaxaajoodka arrimaha Soomaaliya iyo baahida Somaliland u qabto wada hadal ay la gasho Soomaaliya, iyo qaababka habboon ee ay Somaliland uga qayb gelayso fagaarayaasha caalamiga ah: “Dhibta jirtaa waxa weeye iyadoo arrimaha koonfureed ee aannaan shaqada ku lahayn la doonayo in na lagu walaaqo iyo meelihii xaajooyinka Soomaaliyeed lagaga tashanayey ee aayahayagii ku sugan yahay iyadana in aad ka maqnaataa ay adag tahay.

 

Koonfur iyadoo mid ah ayaannu la midawnay, iminkana iyada oo mid ah ayaannu la xaajoonaynaa, si aannu labo dal oo walaalo ah, oo jaar ah u noqonno.”

 

Somaliland waxay qaadday waddadan wada hadalka sannadkii 2012, oo aan ka mid ahaa xukuumaddii madaxweyne Siilaayo ee xilligaa. Annaga oo ogsoon kana duulayna in dawladnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay taam iyo mid dhammaystiranba noqon karto marka ay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa, waxaannu yaqiinsannay in ay daruuri tahay in la dardargeliyo ka midhadhalinta himilada aqoonsi- raadiska Somaliland oo ay saldhig u tahay wadahadal lala galo xukuumadihii u kala dambeeyey Soomaaliya.

 

Maalin maalmaha ka mid ah, waxaannu gurigayga ku kulannay nin la yidhaahdo Faarax Giindhe oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Muqdisho, Soomaaliya. Waxaannu ka faaloonnay sidii wadahadal Somaliland- Soomaaliya loo bilaabi lahaa. Markii aan arrintii isla qaadannay, ayaan qorshihii u bandhigay madaxweynaha iyo wasiirkii khaarijiga ee xilligaa. Si fiican ayaannu isula qaadannay qaabkii loo bilaabi lahaa wada hadallada, oo aan isla waafaqnay in marka hore la sameeyo kulamo qarsoodi ah oo aan rasmi ahayn (Informal discussions); marka faham la abuurana, kulamo rasmi ah la sameeyo.

 

Waxaana xusid mudan markii lagu jiray ololaha doorashada madaxtooyada in waraysi uu madaxweynuhu siiyay wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay (www.irinnews.org) uu ku sheegay in Somaliland aanay faraha ka laaban doonin arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqayn doonto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa, oo qaadi doonto tallaabo kasta oo aan wax u dhimayn madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, maadaama oo ay jirtay xaasaasiyad siyaasadeed oo ku wajahan wax kasta oo u muuqaal eg midnimo Soomaaliya, arrinta khusaysa wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxay ahayd arrin horseedi karaysay kacdoon siyaasadeed iyo qalalaase bulsho oo ay ka dhalan karto fawdo. Annagoo arrintaa maanka ku hayna, ayaannu si taxaddir leh u bilawnay wada hadalladii.

 

Kulan iyo wadahadallo lala yeesho Soomaaliya wuxuu ahaa xaaraan wakhtigaa, siyaasad hagaagsan iyo qorshe arrintaa ku aaddanina ma jirin. Balse waxaa jiray hadal geed-kaga-kac ah oo laga dhaxlay madaxweyne Cigaal, oo dawladdii ka danbaysay iyo dhammaan siyaasiyiinta Somaliland ay isticmaali jireen oo odhanaysa: “Waxaannu Soomaaliya la hadlaynaa marka ay dawlad noqdaan.” Waxaan arrintaa u arkayay arrin khaldan. Waa laga yaabaa in dad badani arkayay inay khalad tahay balse may jirin kudhac iyo dhiirranaan arrintaa lagu waajaho. Waxa aannu qorshaynay in aannu bilawno wada hadallo aan toos ahayn. Madaxweynaha, wasiirkii khaarijiga,

 

iyo ninkii Faarax Giidhe ayaan kulan u soo qabanqaabiyay. Madaxweynaha iyo wasiirkii khaarijiga shir baannu yeelannay. Dood iyo niqaash ka dib, arrintii waa la isla qaatay in la bilaabo wada hadal, ninkiina waxaannu isla garannay in uu noqdo xidhiidhiye/dhambaal-side. Waxa aannu u dhiibnay warqad ku socota madaxweyne Shariif, oo aannu ugu bandhigayno wada hadal in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala baxaan.

 

Arrintii Sh. Shariif wuu soo dhoweeyey, ninkii Faaraxna wuxuu u soo  dhiibay warqad kale. Waxay diyaariyeen koox ka socota dawladdii Xamar (Wasiirkii daakhiliga, wasiirkii qorshaynta, madaxii sirdoonka, iyo maayirkii xamar). Aniga iyo wasiirkii khaarijiga ee xilligaasi waxaannu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulannay kooxdaa ay soo dirsatay dawladdii Soomaaliya. Kulankii u horreeyay ee Nairobi waxa uu ahaa mid kooban oo aannu ku bislaynaynay shirarka aanbu yeelanaynay qaabka ay noqon doonaan iyo qorshaha lala tagayay shirkii ugu horreeyay ee aannu yeelannay, oo magaalada London lagu qabanayey.

 

Somaliland ahaan, waxaannu ka dedaalaynay in wada hadalladu ay ku furmaan qaab u dhigan in labada dhinac u wada hadlaan qaab ah labo nidaam oo siman (two Entity)  oo ka wada hadlaya xidhiidhka siyaasadeed  ee dhexmari lahaa mustaqbalka.

 

Qolada Soomaaliya waxaa muhiim u ahayd in mar uun Somaliland miiska timaaddo oo wada hadal oggolaato oo ay guul u arkayeen, iyadoo ay dareenkooda ka muuqatay in ay Somaliland masaalaxo iyo madaxsalaax ku soo noqon doonto. Waxa aannu isla garannay shirkii London ee xilligaa ay dawladda UK ku baaqday in looga qaybgalo labo nidaam oo siman iyo in aan Somaliland ka mid ahayn saxeexayaasha qorshihii Garoowe (Garowe road map), wixii ka soo baxayna aanay khusayn. Arrintani waxay dawaysay in aan na lagu darin qorshihii maamul goboleedyadii Soomaaliya. Sidii baa lagu wargeliyey qabanqaabadii shirka. Ugu dambayntii waxaannu ku guulaysannay in aannu shirka ku nimaadno annagoo ah laba dawladood oo kala ah dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Shirkii London ee ay dawladda Britain u qabatay dhinacyadii Soomaalida, kaas oo duniduna si xooggan ugu hanqal taagtay, waxaa xal loogu raadinayay mishkiladdii Soomaaliya. Markaa qolada Soomaaliya waxay xiisaynayeen in Somaliland shirka timaaddo oo uu madaxweyne Shariifna guul u arkayay. Dawladda Britian waxay iyana doonaysay inay muujiso doorka dublamaasiyadeed ee ay ka ciyaari karto guud ahaan arrimaha Soomaalida, gaar ahaanna in ay muujiso in ay Somaliland miiska keeni karto maadaama oo ay saaxiib dhow la ahayd, duniduna ku tuhunsanayd.

 

Xukuumad ahaan, waxaannu u arkaynay in wada hadalku qiimo badan u yeelayo Somaliland, in uu noqonayo muuqaal dunida u muujinaya in Somaliland iyo Soomaaliya is hayaan oo aanay jirin wax ay Soomaaliya u

 

madaxbannaan tahay oo ay go’aanka ay doonaan ka gaadhi karaan iyo in dunida la tusiyo in Somaliland ay tahay dawlad ilbax ah oo diyaar u ah garnacsi ay dunida u soo bandhigaan dooddooda.

 

Waxaannu wada hadallada u arkaynay guul. Arrintaa dariiqa ka soo horjeeda ee dadku haddii ay wadahadal iyo xal dublamaasiyadeed wax ku kala dhammaysan waayaan, waxaa doorashada labaad noqonaysaa khilaaf, cunfi iyo dagaal. Duniduna waxay isla qirsan tahay dadyawga dunidu in ay xaq u leeyihiin inay masiirkooda ka taliyaan. UN Charter ayaa odhanaya: “All peoples have the right to self-detemination. By virtue of that right they freely determine their political status and freely pursue their economic, socail and cultural development”; oo marka la soo koobo micno ahaan sheegaya in cid kastaa xaq u leedahay aayakatashigiisa, oo ay iyadu xor u tahay doorashada hannaankeeda siyaasadeed.

 

Waxa kale oo iyana jirtay in dawladdii Sheekh Shariif uu cimrigeedu gabaabsi ahaa isla markaana waxa soo dhawayd xilligii la soo dooranayay dawlad kale oo loo dhiso Soomaaliya. Waxa kale oo xilligaa magaalada Garoowe ka dhacay shirkii maamul goboleedyadda Soomaaliya oo ay saxeexayeen tubtii maamul goboleedyadda (Garoowe Road Map). Arrintaasi khatarteeda ayay lahayd, oo haddii aannaan samayn lahayn taxaddarkii aannu xukuumad ahaan samaynay, waxay run ahaantii Somaliland ku noqon lahayd dabin weyn.

 

Shirka markii la tegay waxaa noo qorshaysnaa bal in labada madaxweyne (Silanyo iyo Sh Shariif) ay mar kulan u gaar ah oo dadban (Informal) yeeshaan kulankaa waxaa uga jeeddadiisu ahayd in labada madaxweyne is bartaan iyo kalsoonida kooxihii wada hadaladu isugu iman lahaa kor loo qaado.

 

Markii labada madaxweyne ay isugu yimaaddeen guriga madaxweyne Silanyo uu ka degganaa London. Waxa si lama filaan ah arrin u soo bandhigay madaxweyne Sh Shariif. Wuxuu yidhi: “Madaxweyne Silanyo, waxaan jecelahay in aan soo jeediyo in aad noqoto madaxweynaha Soomaaliya oo kursigan aan ku fadhiyo aan kaaga dego, taa beddelkeedana in aad aniga raysal wasaarahaaga iga dhigato, kursigaagana aad cid aad ku kalsoon tahay u dhiibto sidaana aan dib ugu soo celinno midnimadii Qarankii Soomaaliyeed.” Madaxweyne Silanyo wuxuu kaga jawaabay “adeer sidaa uma hawl yara oo dadkii i doortay ayaan arrintaa igu waafaqayn. Balse waad ku mahadsan tahay dedaalkaaga iyo soojeedintaada.”

 

Runtii madaxweyne Sh Shariif waxaa ka muuqatay in uu aad u dhiirran yahay oo khatar kasta uu diyaar u yahay si uu u helo wadajirkii Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ahaa nin u dheganugul arrinta wada hadallada oo aanay xasaasiyadi ka muuqan.

 

196

Shirkii intii aannu bilaaban waxa la sugay habmaamuuskii shirka loo imanayay. Waxaana la qorshaynay in madaxweyneyaashii Somaliland iyo Soomaaliya ay kala fadhiistaan laba meelood oo isku mustawe ahaa, iyadoo mid walba kursigiisa loo dhigay calaamaddiisii iyo qoraal muujinaya xilkiisa. Madaxweyne Axmed Silanyo, ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayuu dhinaca midig ka fadhiyay, halka madaxweynihii wakhtigaas ee Soomaaliya Sh. Shariifna uu bidixda ka fadhiyay.

 

Keliya maannu sii qorshaynin habmaamuuskii fadhiga shirka, ee xataa waxaannu si mug leh uga sii taxaddirnay hadalka ay labada madaxweyne madasha shirka ka jeedin doonaan! madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hadlay Soomaaliya, halka uu madaxweynaha Somaliland isna u hadlay darafkii Somaliland. Sida runta ah, arrintaasi waxay ahayd qiime iyo sharaf weyn oo aannu is lahayn waxaad u soo hoyseen Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkaasi waxa uu dhacay 23 Feb 201,2 waxaana ka soo baxay war murtiyeedkii caanka ahaa oo uu ku jiray qodobkii lixaad oo ku baaqayay in xidhiidhkooda siyaasadeed ee mustaqbalka ay ka wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya: “The Conference recognised the need for the international community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations”.

 

Kulankaasi ibo-fur buu u ahaa wada hadalladii dambe ee ay labada dawladood yeesheen. Waxaan qirayaa in uu door muhiim ah ka cayaaray dhambaal-wadihii xidhiidhinta noo qaabbilsanaa iyo wefti reer Somaliland ah oo xilligaa gurmad deeqo ah u qaaday abaaro kulul oo waxyeeleeyey Soomaaliya. Weftigaa oo Muqdisho tagay ayaannu u sii dhiibnay farriimo ay u  gudbiyeen  dawladdii  Muqdisho.   Farriintaasi   wuxuu   nuxurkeedu ahaa: Shacabka reer Somaliland qarannimadoodii way la noqdeen. Uma aannaan goosan cadho iyo ciilqab ee waxaannu u goosannay doonis xooggan oo ka dhalatay rabitaanka dadkayaga.

 

Arrintani waxay xoojisay wada hadalkii ka furmay dalka ingiriiska, daarta caanka ah ee Chevening House, kaas oo uu ka soo baxay war murtiyeedkii Chevening House Declaration oo qodobbadaa lagu go’aamiyey ay ku jireen in labada madaxweyne ay ku saxeexaan heshiiska ay labada dhinac ku soo gaadheen UK. Waxaana heshiiskii madaxweynayaasha (Silanyo Sh Shariif) lagu saxeexay dalka UAE ee Isutagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Dubai

 

oo uu ka soo baxay Bayaankii Dubai (Dubai Statement).

 

Heshiiskii Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya

 

Markii labada kooxood isu yimaaddeen, intii aan la gelin qolkii lagu wada hadlayey, waxaa ila hadlay Math Wood oo ahaa xoghayaha 1aad ee safaaradda UK ee Itoobiya, wuxuu igu yidhi: “idinku wakhtigan maxaad u danaynaysaan wadahadallada?” Waxa ka muuqatay qolada shirka wadday  ee Ingiriiska werwer aan u filayo in uu ku salaysnaa in lagu eedeeyo in ay Soomaaliya kala jarayaan. Waxaan ugu jawaabay annagu Somaliland haddii aannu nahay, waxaannu dunida u xaqiijinaynaa in aannu diyaar u nahay wadahadal iyo garnaqsi, sidoo kale dantayada ayaa ku jirta dawladdan jilicsan oo waxaan ka dhammaysanaynaa kala baqoolkayaga si nabad ah.

 

Markii labaadna Soomaaliya waxaannu si dadban ugu kulannay dalka Imaaraadka Carabta. Shirkaasina waxa uu gogolxaadh u ahaa shirkii dambe ee aannu ku yeelannay Magaalada Istanbul/Ankara ee dalka Turkiga ee Xasan Sheekh iyo madaxweyne Axmed Silanyo yeesheen, ee heerkiisu mid madaxweyne ahaa.

Saxeexa Heshiiska Somaliland iyo Soomaliya. Waxa taagan Madaxweynayaasha Somaliland, Turkiga iyo Soomaaliya.

 

Wufuuddii Soomaaliya ka socotay may lahayn aragti midaysan sida weftigii ka socday Somaliland oo kale, waayo waxay isugu jireen qaar uu madaxweynuhu soo diray, xubno uu raysal wasaaruhu si gaar ah u soo dirtay iyo wakiillo uu ergada ku soo darsaday guddoomiyaha baarlamaanku.

 

Waxaannu is leennahay markiiba wixii Somaliland u dan ahaa iyo maslaxadeenniiba goolkii koowaadba waannu ka dhalinnay. Annaga waxa guddoomiye noo ahaa wasiirkii khaarajiga ee xilligaa Maxamed Cabdilaahi Cumar. Markiiba waxa la iska xulay labo laba xubnood, waxaana la sameeyay

 

oo lagu heshiiyay ajandihii. Markii dambena waxa la isku afgartay war murtiyeedkii.

 

Kulankii labaad ee ay Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Turkiga waxa uu ka dhacay magaalada Istanbul. Shirkan dambe labadii wefti baa wada hadlay. Dood labo cisho ah ka dib, waxa aannu ku heshiinnay toddoba qodob. Markii aannu heshiiskaa gaadhnay waxa loo yeedhay labadii madaxweyne, oo in Ankara loo duulo ayay noqotay oo labada madaxweyne ku saxeexeen. Markii aannu tagnay Ankara, madaxweynihii Soomaaliya way ku qadhaadhaatay heshiiskii aannu gaadhnay. Olole ayaannu u galnay, dawladdii Turkiguna waxay tidhi qodobbadii ay labadii dhinac soo gaadheen ha la saxeexo. Markaa waxay noqotay in haddana la yidhaahdo labo wasiir ha u kala saxeexaan iyadoo ay  dul  taagan  yihiin  labada  madaxweynaba.  Waxa isna taagnaa goobtii heshiiska lagu kala saxeexanayay madaxweynaha Turkiga oo xilligaasi ahaa raysal wasaare.

 

Waxa maalintaa ka soo baxay madaxtooyada Turkiga warbixin ay leeyihiin waxaannu wadahadalsiinnay labo dawladood oo Afrikaan ah. Waxaanay arrintaasi ka turjumaysay ahmiyadda uu Somaliland u lahaa wadahadalladii ay la yeelatay Soomaaliya.5

Wefdigii Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu u dhexeeyo Raysal Wasaarihii Turkiga.

Istanbuul.

 

 

Kulamadii shirarkii wada hadalladu way badnaayeen. Waxaa lagu kulmay UK, Imaaraadka, Turkey, Jabuuti iyo Kenya (oo Informal ahaa). Waxaa la isla gartay arrimo muhiim ah, oo ay ka mid ahayd in loo wada hadlo si siman (Somaliland-Soomaaliya); In la iska kaashado nabadgelyada; In si siman loo qaybsado maamulka iyo dhaqaalaha hawada, Hargeysana laga maamulo; In wixii hadalxumo ah ee dhaawici kara wada hadallada la joojiyo; In wixii

 

5 Ka eeg halkan: http://www.mfa.gov.tr/historic-soomaaliya-summit-in-ankara-presidents-of- soomaaliya-and-somaliland-met-in-ankara.en.mfa

 

mucaawinooyin ah aan la siyaasadayn, qolo kastaana hesho saamigeeda; iyo In ay Soomaaliya qirto xasuuqii loo gaystay dadka Somaliland.

 

Shir kasta oo aad ka qeybgasho haddii uu najaxo guushaada ayay qeyb ka tahay, haddii uu guul-darraystana guuldarradaada ayay kaalin ku yeelanaysay. Waxa ii farxad ahaa in guulihii laga gaadhay wada hadalladaasi aan qeybta ugu muhiimsan ku lahaa kagana jiray kaalin firfircoon.

 

In kasta oo Soomaaliya ay ahayd dawlad dunidu aqoonsan tahay oo xubin ka ah jamciyadda quruumaha ka dhexaysa, isla markaana ay dunidu muddo dheerba isku deyeysay in ay dawlad u dhisto, lana burburiyey awoodda kooxihii mayalka adkaa ee ka soo horjeeday (Al Shabaab iyo xisbul Islaam), weli dawladdii may tamarin, waxay se ka soo baxday godkii. Somaliland oo meel fiican maraysay, balse aan dunida ka helin taageero fiican oo la taaban karo, waxaa xilliyadaa Soomaaliya aadka loo koolkoolinayey nagu soo kordhay werwer ku saabsan in dunidii u jeesan oo dhinac saartay Soomaaliya. Waxaa se xilliyadaa sabab u noqday in dunidii dib u soo jalleecdo waxyaalo ay bud-dhig u yihiin saddexdan qodob; wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya; Yusur Abraar (Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya) oo eedayn xooggan oo wiiqday kalsoonidii dunida dhabarka u saartay, iyo Prof. Axmed Isaamaaciil Samatar oo debadda uga soo baxay isla markaan weerar ku ekeeyay; iyo harumarkii baaxadda lahaa ee xilligaa ka socday Somaliland, oo beesha caalamka soo jiitay.

 

Wakhtigii ay socdeen kulamadii wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ugu xiisaha badnaa, gaar ahaan markii labada madaxweyne Silanyo iyo Xasan Sheekh ay ku kulmeen dalka Turkey, waxaa na dhex maray kooxdii kale doodo adag iyo dareen u muuqanayey in aanay qolada Soomaaliya weli fahmin meesha wax ka khaldameen iyo waxa dadkan reer Somaliland markii hore kiciyey iyo waxay maanta doonayaan. Anigoo ka fekeraya wixii iiga muuqday masuuliyiintii Soomaaliya iyo aragtidoodii, ayaa waxa aan is waydiiyey maxaa khaldan, hadalladani ma ka hanjabaad baa! Ma ka garashaa! Aniga oo leh waar arrini ma dhowa ayaannu shirkii ka dareernay. Isla markii aan tegay qolkaygii waxaa igusoo dhacday in aan ku cabbiro dareenkayga tix gabay ah.

 

 

 

Cutubka 17aad: Hay’adda Horumarinta Waddooyinka (RDA)

 

Fikirka horumarinta waddooyinku wuxuu ku bilaabmay markii uu madaxweynuhu yimid talada. Waxay himiladu ahayd aynu waxqabad muujinno oo aynu la nimaadno wax ka beddelan wixii hore, ee markii hore Somaliland lagu soo waday muddo dheer.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ololihii dhismaha wadooyinka Somaliland

 

Waxay ahayd aragti horumarineed oo ku jirtay xukuumadda uu madaxweyne Silanyo hoggaaminayo. Waxaan u arkayay meelaha himiladaasi ka shaqeyn karto ay waddooyinku ka mid yihiin, waxaan u arkayay in adeegyada ay bulshaddu u baahan tahay ee muuqaalka horumarka soo saari kara ay waddooyinku kow ka yihiin.

Waxa jiray barnaamijkii loogu talo galay in lagu fuliyo boqolkii cisho ee ugu horreeyay ee xukuumadda, 4 km oo waddada Dila Ilaa Boorame ahaa oo

 

muddo dheer nagu qaadatay, ayaannu aragnay baahida jirta iyo awooddu in aanay isu dhignayn.

Ninkii aannu qandaraaska siinnay iyo hay’addii waddooyinka ayaa la raagtay shaqadii. Markaa muddo ka dib ayaannu aragnay in hay’addu aanay qalab lahayn, qorshe iyo dhaqaale toona lahayn. Waxaan la fadhiistay ninkii hay’adda maareeyaha ka ahaa oo Cabdiwaaxid la yidhaahdo iyo guddoomiyihii guddiga waddooyinka, Maxamed Shugri.

Waxa iga guuxaysay himiladaas ah waddooyinka in sida ay yihiin si ka duwan aannu wax uga qaban karno. Markii aan labadaas masuul la fadhiistay, ayaan u soo jeediyay fikrad ah maad qalab soo iibsataan meeshaad doontaan ka keenoo, oo intan aynu shirkadaha ka amaahanno aad dalbataan. Ka dibna fikiradii ayay la dhaceen. Haddana fikraddii ayaa fuli wayday. Mishkiladda jirtay waxay ahayd qaabkii waddooyinku u yaalleen iyo sidii hay’adda loo sameeyay ayaa aad u kala duwanaa.

Waxa bilawgii fikirka samaynta hay’adda waddooyinka wax ku lahaa Midowga Yurub. Waxa loo sameeyay, oo qorshuhu ahaa, wax keena aannu wax idiin ku darnee. Berigii hay’adda wadooyinka la sameeyay waxay ahayd xilligii biriijyada goo’gan la sameynayay. Markaa waxay ahayd in qaadhaanka xukuumaddu ka qeyb qaadato ayaa loogu tallo-galay samaynta iyo dayactirka waddooyinka, biriijyadda lacagtooda waxa si buuxda u bixinayay Midowga Yurub waxaanay ahayd xilligii Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal.

Ka dibna hay’adda sidaas ayaa loo sameeyay markaa hay’addu sharci may lahayn ee digreeto madaxweyne ayuu ku aasaasay oo uu qorshahaasi ku binaynayo oo la doonayo in Somaliland-na wax bixiso, caalamkuna wax bixiyo.

Markaa waxa loo gooyay kharash yar oo cashuuri ka soo gasho oo ahayd shidaalka, liisanka iyo buugga baabuurta ayaa meel ugu dhici jirtay.

Lacagtii noocaas ahayd maadaama oo aan wado cusub la curinaynin, waxay ku bixi jirtay dayactirka wadooyinkii jiray ayaa qorshahoodu ku salaysnaa.

Markaa waddooyinkii uun baa la kab kabaa oo sannad walba waddo yar uun baa la kab kabaa. Markaa miisaaniyadoodu aad bay u yarayd, hay’aduna waa iska yarayd, dhaqaalihii caalamka laga sugayayna wuu istaagay arintu waxay kusoo ururtay wax aad u yar ahaa 4 ilaa 600,000 USD. Oo cashuurta ka soo hoyda.

Markaa farqi ayaa u dhaxeeya markii ay miisaaniyadda dawladdu ay yarayd Markii miisaaniyadda xukuumaddu korodhay dhaqaalihii hay’adiina way la koraysaa oo way kala duwan tahay markii miisaaniyaddu ahayd 40-ka milyan oo Dollar iyo markuu yahay 200 oo milyan oo Dollar. Markaa cashuurtii guud ahaan koradhay ayay la korodhay.

Waxay ahaan jirtay hadba inta la awood in la kab kabo inta qandaraas lagu siiyo shirkadahan waddooyinka dhisi jiray ama waddada Jidka Hargeysa,

 

Berbera, Sheekh ama jidka Burco iyo Laascaanood ka dibna intaas ay ku dhammaato.

Markii aan labadii nin ee maareeyihii hay’adda Cabdi Waaxid, midna madaxii Komishankii hay’adda ahaa Maxamed Shugri aan waraystay arrintii aan u soo jeediyay ee ay la dhaceen haddana hindisihii wuu socon waayay. Waan ku celceliyay markaa Maxamed Shugri oo guddida hay’adda maamusha ahaa ayaa maalintii dambe waxa uu yidhi waar maadaama oo aannu guddi nahay meesha waxa maamula fulinta, dhaqaaluhu wuu yar yahay wax badani nooma qabsoomin.

Markii aannu muddo wadnay ayuu maalintii dambe ninka la yidhaahdo Maxamed Shugri waxa aannu isla qorshaynay in hay’adda gabigeedaba wax laga beddelo, isaguna wuxuu ku qancay in uu iska casilo shaqadii hay’adda. Waxa aan ku talobixiyay hay’adda wadooyinka aan wax ka beddelno oo wasaarad kale aynu hoos geyno.

Madaxweynaha ayaan u geeyay waxa uu yidhi anigu shaqadii waan iska casilayaa. Wasaaradda hawlaha guud ayay hay’adda wadooyinku hoos iman jirtay oo waxa isku yara qasnaa awwodaha maamul (Mandate) ma waxa sarraynaya oo maamulka hay’adda leh wasaaradda hawlaha guud mise guddidii komishanka ahayd ee hay’adda SRA (Somaliland Road Authority). Wasiirkii hawlaha guud ee xilligaasi Xaabsade-na waxa uu ku warbixiyay in shaqada hay’addaasi aanay si fiican u soconin.

Aniga waxa markaa igu dhalatay fikradda ah in hay’addan madaxtooyada la hoos keeno, ka bacdina fikiradii baan u ololeeyay oo markaa labadoodiiba way ila qaateen. In kasta oo Ina Xaabsade uu markaasi doonayay in si buuxda wasaaradda hawlaha guud loo hoos geeyo, haddana markii dambe waxa aannu u kala qeybsanay laba dariiq oo fikrad odhanaysa waxna waa horumarin oo waa waddooyin cusub, waxna waa dayactir markaa iyagu (wasaaradda hawlaha guud) dayactirka ayay ka shaqayn jireen oo waxaan ku idhi dayactirka la hadha.

Maadaama oo waddooyinka cusub bulshaddii is abaabushay oo ay madaxweynihii u imanayaan bulshadii Gabiley, kuwii Oodweyne iyo kuwii Sallaxley Baligubadle iwm, oo haddana ay adigii kuu imanayaan, oo labadiinaba ay wax idin weydiisanayaan maynu madaxtooyada uun u dayno wixii cusub. Markaa arrintii ayaannu isla qaadanay in wixii dayactir ahina hawlaha guud hoos tagto, wixii horumarin ah ee wadooyin cusub ahina madaxtooyada hoos yimaaddaan ayaannu isku waafaqnay.

Markaa waxa aannu isla garanay in Somaliland Road Authority sidaas lagu baa’biiyo oo hawlaha guudna qeyb loo sameeyo, hay’adiina loo beddelo magaca wakaaladda horumarinta waddooyinka (Roads Development Agency)RDA. Markaa madaxweynihii ayaannu u nimid. Ninka la yidhaahdo Maxamed Shugri waxa uu keenay istiqaaladiisii, waxa kale oo uu sheegay inuu ku talinayo in guddida kalena la kala diro. Madaxweynuhu fikradii ayuu qaatay guddidii ayaa la kala diray (ROSOP) la odhan Jiray hay’addii SRA. Ka dibna wasaaradda madaxtooyada ayaa toos loo hoos keenay.

 

Markaa waxa aannu abuurnay qorshaha cusub oo la xidhiidha sidii maamuli lahaa waxqabadka maalinlaha ah ee wakaaladda.

Markaa Injineerro iyo shaqaale badan oo joogay ayaannu dib u haybayn ku sameynay. Arrintu si kastaba ha ahaatee ugu horreyn caqabadihii naga hor yimid waxa ka mid ahaa olole isla markiiba nalagu bilaabmay.

Markaa waxa naga hor yimid olole faro-badan oo naga soo horjeeda oo waxa is biirsaday dad masaalix iyo dano gaar ah ka lahaa oo wax ka qaadan jiray wakaalada iyo mucaaridka oo iyaguna dhinacooda bilaabay olole waxayna odhan jireen madaxtooyaddii ayaa wakaaladdii wadooyinka la hoos geeyay, waxa la boobayaa lacag, iwm. Dacaayadaha ayaa nagu sii kordhay, balse tuurta ayaan isaga ritay oo waan u dhabar adaygay dacaayadihii maadaama oo aan ku soo gaadiiday shaqadii hore ee madaxtooyada muddadii aan Chief of Cabinet-ka ahaa, waxaanan diyaarsaday qorshahaygii iyo barnaamijkii shaqo.

Ololahaas waxa noogu darnaaba qoladii qaadhaan-bixiyayaasha ahayd ee berigii hore hay’adda caawin jirtay oo aan muddo siddeed Sanadood ah, Cigaal dabadiiba aan waxba caawin oo markii ay fikradii ay keeneen markii Hay’adii sidii ay doonayeen u shaqayn wayday ilaa sideed sannadood lacag may siinin.

Dacaayadihii la waday ayaa qaadhaan bixiyayaashii u tagtay markaa waxay yidhaahdeen hay’addii waddooyinka caawiya ayaannu is lahayn, waxba siin mayno haddii dawladdii la hoos geeyay, meeshu waxay ahayd hay’ad madax-bannaan. Waxaas iyo wax la mid ah ayaa la shubay. Ka dibna Midowgii Yurub way noo yimaaddeen. Annagu fikraddayadii ayaannu u sheegnay. Waxay damceen inay fikraddoodii culays nagu saaraan. Waxaannu ku nidhi hay’addu ma dawladday ka madaxbannaanayd markii hore! Waannu la yaabnay, oo waxaannu ku nidhi hay’adda waddooyinku markii hore kamay madaxbannaanayn xukuumadda oo madaxweynaha ayaa magacaabay oo wasaarad bay hoos tagi jirtay, imikana wasaarad ayay hoos tagtaa maxaa cusub.

Waxa kale oo aannu u sheegnay madaxtooyadu waa meeshii qaranka looga talinayay, himilo iyo aragti ayaannu la nimid, tallaabadadna madaxweynaha ayaa hoggaaminaya, markaa qaran ahaan na ixtiraama. Ka dibna way iska tageen. Waxaannu u sheegnay annagu lacagtayadii ayaannu  maamulanaynaa, lacagtayada ha na la maamulina oo wixii miisaaniyaddayada qaranka ah ha na la maamulina. Haddii aad wax bixinaysaan mushkilad ma laha e, maalintaad wax bixinaysaan guddi madaxbannaan oo idinku aad raalli ka tihiin u xilsaara, oo haddii aad doontaan idinku soo magacaaba.

Annagu waddo ayaannu doonaynaa e, lacagba ha noo dhiibina. Haddii aad doonaysaan in aad lacag bixisaan, naadin iyo qandaraas (Biding Process) ayaynu samaynaynaa, oo qandaraaslayaashii ayaa loo yeedhayaa e, qandaraaska qaabka loo bixinayana idinku maamula. Way iska tageen, oo

 

muddo ayay na eegeen. Markaa waddooyinkii ayaannu bilownay. Si wacan ayay noogu bilaabantay shaqadii waddooyinku.

Markaa qorshihii cusbaa iyo isbeddelkii aannu samaynaynay ayaannu bilawnay, oo ku binaysnaa qorshahayagii ahaa aynu wixii hanti ah ee aynu haysanno isku habaysanno, aynu qalab soo iibsanno, shaqadana qabsanno, si kharashku inooga yaraado.

Waxa kale oo aannu dejinnay in aannu daraasayno waddooyinka mudnaantooda, oo kuwa ugu mudan aannu ka bilowno. Sidoo kalana in aannu heellanaanta bulshada ee horumarka ay kaga qeyb qaadanayaan dhiirrigelinno ayaannu qaadannay. Waxaannu nidhi ciddii wax qabsata, annaguna wax baannu ugu daraynaa.

Waxaannu awoodda saarnay waddadii Boorame ee bulshadu bilowday, maadaama oo ay gobol iyo caasimaddii isku soo xidhayso. Dabadeedna waxaannu qaadannay in aannu dhammaystirno jidkii Boorame. Waddada labaad ee aan bilaabay waxay ahayd Jidka Wajaale, oo aan u arkaynay in ay istraatiji tahay. Waxaan aaminsanaa maadaama oo ganacsato badani Wajaale joogtay, in aan qaadhaan badan ka heli doonno ee adigu bilow uun si aad dadweynaha ugu carbiso. Filashadaydu aad ayay u sarraysay.

Wax yar ka dib, waddadii Boorame ayaannu dhammaystirnay. Haddana waxa aannu bilownay waddadii Wajaale. Qorshihii aannu dhignay in aannu waddada Wajaale ka dhigno waddo marka la maraba lacag la iska qaado, oo ah nooca loo yaqaano (Toll Road). Sharci ayaannu qornay. golaha wakiillada ayaannu xeerkii u gudbinnay. Ka bacdi fikirkii toll-ku caqabad ayuu nagu noqday, oo waxa la yidhi ha laga dhigo cashuur uun. Markii toll-kii la diiday, xeerkii bay mucaaridku ka hor yimaaddeen. Annaguna olole aannu bulshada ku dhaqaajinayno ayaannu xaggayaga ka qaadnay.

Waa la ansixiyay cashuurtii aannu u samaynaynay waddooyinka oo baarlamaanka la horgeeyay oo ahayd xoolaha iyo gaadiidka. Markaa fikraddii toll-ku way naga baabba’day. Markaa sidii aannu waddada rejaynaynay in baayacmushtarigii Wajaale lacag badan oo qaadhaan ah laga helayo, lacag badan kamaannaan helin oo way nagu soo baxsatay yeelkeede waannu dedajinnay oo waxaannu ugu talo galnay in aanay nagu jiitamin oo aanay hoos u dhicin.

Markii waddooyinkii Boorame iyo Wajaalaba dhammaad ku dhowaayeen, ayaa waxa aan hindisay bilawga waddada Ceerigaabo oo ku jirtay barnaamijkii ololaha doorashada madaxweynaha. Balse wax dhaqaale iyo ku talagal ah lama haynin. Madaxweynuhu aad ayuu uga werweray in haddii la bilaabo aan fulin kari wayno, isagoo eegaya duruufta dhaqaale hase yeeshee waan ku celceliyey aakhirkiina wuu ila qaatay. Waxaannu isla qaadannay aynu horta dhagaxdhigno markaas ayaannu soo dhagaxdhignay aad baa loogu soo jeestay dadka hammigiisii ayay kor u kicisay arrintani. Waxaa runtii ololihii qayb ka noqday oo ila galay wasaaraddii wax barashada iyo ciidamada oo labaduba garoonkii dhagaxdhigga ku ballanqaaday qaadhaan- ururinta iyo dedaalka ay nala gelayaan.

 

Runtii, himilo dheer iyo dhaqaajiye (motivation) ayaannu lahayn, cashuurtiina waa la ansixiyay oo lacag ilaa afar milyan oo Dollar ahi inay u soo baxdo sannadkii ayaannu ansixinnay, arrintaasi waxay ahayd rejo fiican oo waddooyinka horumarinaysa, bulshadiina u soo jeedisay waddooyinkii.

Wax yar ka dibba waxa burburay ololahii kharribnaa iyo afmiishaarradii waddooyinka ka soo horjeeday. Waxa soo baxday oo si caam ah u soo shaacbaxday in waddooyinkii dhaqaaqeen. Dacaayadihii waxa meesha ka saaray xaqaa’iqii la arkay iyo waxqabadkii hirgalay ee dhinaca jidadka.

Markii arrimahaasi noo hirgaleen waxa la yidhi dayactirka jidadkana idinka ha la idin hoos keeno, oo waxaannu dayactirkii waddooyinkana ula soo wareegnay si buuxda.

Nidaamkii maamulka ayaannu markaa wax ka beddelay, waxaannu dejinnay siyaasaddii iyo qorshihii lagu shaqaynayay oo aannu abuurnay siyaasaddii gaadiidka waddooyinka, maamulka lacagaha iyo kuwa shaqaalaha lagu dhaqayaba.

Waxa aannu haddana uga sii gudubnay sharcigii wakaaladda waddooyinka (Somaliland Road Authority Act), ka dibna lagu celiyo wasaaraddii hore ee hawlaha guud, annaga (wasaaradda madaxtooyada) waxa qorshahayagu ahaa in aannu wakaaladda dhisno muddo sannad ah, ka dibna lagu celiyo wasaaraddii hore ee line Ministry-ga u ahayd. Markaannu dhisnay sharcigii, siyaasaddii, maamulkii iyo dhaqaalihii wakaaladda waddooyinka markaa annaga wax shaqo ahi nooma yaallaan.

Waxa kale oo aannu intaas ka dib u diyaarinnay qorshaha waddooyinka Somaliland ee soddonka sannadood ee soo socda (Somaliland Master Plan Road Net-work) oo aannu ku salaynnay in lixda gobol ee waaweyn iyo 23-kii degmo doorasho ee kala ahaa derajooyinka (A, B, C) in la isku soo xidho.

Waxa kale oo ku jiray qorshahan in waddooyinka ay bulshaddu waddo sida Sallaxley iyo Dawga Cad oo kale iyagana kor loo sii qaado oo qorshaha guud ee waddooyinka lagu soo xidho iyo waddooyinka dhaqaale ahaan muhiimka ah. Waxa iyana qorshahan ku jiray laba waddo oo dhaadheer oo mustaqbal ah oo midna aannu ugu talagalay sababo dhinaca nabadgelyada ah oo loo asteeyay inay la wareegto soohdimaha/xuduudaha dalka oo dhan iyo mid daraf ilaa daraf xeebaha marta. Runtii waddooyinka horumarintooda waxa muhiim u ahaa abaabulka bulshada iyo guddiyada ee ka shaqeeya horumarinta ee degaamada aannu ka abuurnay, waayo himilo ayaa dhalatay ay cid waliba doonayso inay wax qabsato.

Waddooyinkii Boorame iyo Wajaale waannu dhammaynay, tii Dawga Cad ayaa socota oo wixii aannu ku dari karaynay dawlad ahaan waannu ku darnay. Waxa kale oo isbarbar socday waddooyinka Sallaxley iyo Baligubadle oo aannu wixii karaan ah ee dawladdu ku darsan karaysay ku darnay. Waxa kale oo socday waddada weyn ee la doonayo inay u kala baxdo Hargeysa iyo Burco inta ay Oodweyne sii marto oo imika 300 oo km ah, waxay noqonaysaa marka la dhammaystiro Hargeysa-Burco 160KM, dhaqaale ahaan waxtar  ayay dalka u leedahay.

 

Waxa kale oo aannu samaynay ololihii dhaqaale ururinta jidka Ceerigaabo oo aannu ka fulinnay gudo iyo dibadba oo aannu dhinaca dibadda ka samaynay Maraykanka, Kanada, Yurub iyo Carabahaba oo aannu dhaqaale fiicanna ka ururinnay. Marka laga tago cashuuraha aannu u samaynay waddada Ceerigaabo, waxaannu si kumeelgaadh ah lacag uga goynay shaqaalaha dawladda askari ilaa madaxweyne qof walba wax yar oo lacag ah ayaa looga gooyay. Askarta saddex Dollar ayaa laga goynayay; wasiirradana waxa laga goynayay 100/200 Dollar bishiiba. Markaa lacag baa ka soo ururtay sannadkii ilaa labo milyan iyo badh Dollar ah. Markaa qaadhaanka bulshooyinka kale oo dhammi bixiyaan shan jeer tan ayaa ka badnayd.

Waddada Ceerigaabo aad bay u dhisantay. Qaadhaanka saddex meelood ayaa wax laga helaa, oo kala ah cashuur loo sameeyay, qaadhaanka shaqaalaha laga gooyo iyo wixii tabarrucaad ah ee bulshadu ku yaboohdo. Taas ayaana sababtay in dhismaha jidka Ceerigaabo uu si wacan u dhaqaaqo. Waddadani (Burco–Ceerigaabo) waa mashruucii ugu waynaa ee Somaliland laga fuliyo intii ay Somalinland jirtay. Waxay qaranka u tahay guul, anigana guul bay ii ahayd in aragtii iyo himiladii ay hirgasho.

Markii aan shaqada wasaaradda madaxtooyada bilaabay, oo buuqa iyo cambaareyntu badnayd, waxa marba igu soo dhici jirtay firkad ah shaqadan aad haysaa waa siyaasad oo horumarin ma aha, bulshada isma aragtaan. Bulshadii waxaad isku gaadhaan uun qof muraad doonaya, ama kaa waaya ama kaa hela.

Qofkii muraadkiisa kaa helaa wuu iska seexdaa, laakiin kii kaa waayaa adiga ayuu ku hiifayaa. Markaa waxaan tamaniyi jiray bal haddii aad hayn lahayd shaqo bulshada toos ugu xidhan oo aad ugu adeegayso, ha noqoto beer, caafimaad, waxbarasho iyo adeeg uun,waxaad yeelan lahayd halbeeg lagu qiyaasi karo in aad guulaysatay iyo in aanad guulaysan. Laakiin imika adigoo daalay oo dakaamay oo shaqadii qaranka oo dhami kugu dhacday, oo meel walba wax ka qabtay, ayaanay jirin cid kuu qiraysaa. Markaa mashaariicdan waddooyinku waxay ii ahaayeen mashaariic xiiso leh oo bulshada igu xidhayay oo ilays u noqon kara waxqabadkayga, waxqabadkii guud ahaanba dawladdana soo saaray ayay noqdeen.

Qof ahaan, waxqabadka iyo mashruuca horumarinta waddooyinka dalka, waxay ii horseedday ama i gayeysiisay fikir, musawir iyo muuqaal dhiirrigelin leh. Waxaan ku mutaystay ama aan ku kasbaday qiraal iyo garawshiiyo ay bulshadu qireen oo ay dadweynihii ogaadeen in aan ahay qof wax qabanaya, waanay ii soo hiloobeen. Sidoo kale, arrinta waddooyinku waxay xukuumadda aan ka tirsanahay u soo jiidday magac iyo qiraal si dhab ah uga tarjumaya sida ay xukuumadda uga go’an tahay ee ay isugu taxallujisay in ay dalka horumariso.

Ugu dambayntii aan ku soo gunaanado gabaygii Ilaahay ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Timacadde iyo qaar ka mid ah kelmadihii aan dadka ku dhiirigelin jiray xilligii aan u ololaynayay waddooyinka.

 

Midigtaadu waxay xoogsataa, maydha gaajada e Marke aanad lahayn looma lulo, maanka weligaaye Maggaabada hashaadaa ka roon, meydhanaan kale e Ummadiba mar uun bay heshaa, macallinkeediiye

 

Nebi Maxamed (SCW) siduu sheegay, dadka waxaa ugu khayr badan ka bulshada ugu waxtarka badan. Ogow ka wax qabsada ayaa ka wanaagsan kan cid kale sugaya. Adiga oo ceelka qodan kara, ha u cabanin qayrkaa. Guulaha qaranku waa guushayda. Aan fikirka wadaagno oo aynu guul wada gaadhno. Somaliland waxay u baahan tahay ma aha oo kaliya isbeddel. Waxaynu awoodnaa gebi ahaanba in aynu beddelno dalkeenna. Xaqiiqadii waynu u baahannahay. Waxana aynu noqon karnaa tusaale. Mid horumaray iyo mid nolosha ka dhacay, hadba kaad isu ekaysiiso ayaad u ekaan.

 

Cutubka 18aad: Mucaaradnimadii iyo Maxaafadnimadii

 

Nolosha iyo safarka siyaasadda ayaa u qaybsama mucaarad iyo muxaafid. Maalin aad wax dhaleecaynayso iyo maalin adiga lagu dhaleecaynayo. Maalin aad wax faaqidayso iyo maalin adiga lagu faalaynayo. Maalin ay kuu toosan tahay iyo maalin ay kaa jiifto. Sidaa darteed, maalmihii nolosha iga soo maray ayay ka mid ahaayeen maalin aan mucaaradka dhex boodayay oo aan u arkayay dariiq wax lagu toosinayo oo adeegga bulshada iyo hoggaaminta dalka sida markaa jirtay si ka fiican loo beddeli karayey, si ay bulshadu u helaan qaab-nololeed tan ay ku sugan yihiin ka wanaagsan; maalin kalana waxaan hor boodayay oo ahaa muxaafid taageera oo difaaca xukuumaddii markaa aan ka mid ahaa, wakhtigaana waxaan u arkayay waajibaadka iyo xilka i saaran in ay ka mid tahay muxaafidnimadu. Waxaa aan ku hawlanaa ka qayb qaadashada maamul wanaagsan oo bulshadiisa u adeega. Hadraawi wuxuu yidhi“marka aad duleedaw sidaad doontay weydaa sidaad diidday yeeshaa”

 

Xaqiiqadu waxay tahay waa labo shaqo oo loo baahan yahay. Waa labo hawlood oo iska soo horjeeda. Waxaa dhacda in labada jeerba dadka ku hawlani ay khaladaad galaan. Way dhacdaa khalad shaqadu keento oo siyaado ku ah hawsha, oo ay keenta garashada gurracan iyo marmarka qaarkeed ay siyaasiga garbo isu caddayso. Balse labadaba waxaa laga bartaa khibrad iyo waayo-aragnimo marka danbe laga faa’idaysto. Wakhtigaa iyo maalmahaa kala duwan ayaan jecelahay in aan wax ka mid ah halka ugu soo bandhigo akhristaha buuggan.

 

Wakhtigii Mucaaradnimada

 

Waxay ahayd maalin Isniin ah 05|05|2008, sidaan meelo hore ku soo xusay markii aan ka tagay shaqadii Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Xarguftii noo dhexaysay xukuumaddii talada haysay ee ka dhalatay warbixintii aan ku eedeeyay xukuumaddu waxay sababtay in aan si dabiici ah ugu muuqdo mucaarad, xataa anigoo aan wax ficila ah samayn. Muddo ka dibna waxaan si weyn u dardar geliyey mucaaridnimo hor leh, waxaanan si toos ah ula saftay xisbigii mucaaridka ahaa ee Kulmiye, ee aan markii horaba fikirkiisa siyaasiga ah taageeri jiray.

 

Mucaaradnimadu mabda’ ahaan waxay ka mid tahay hannaanka dimuquraaddiyadda. Waa inaad saxdo oo dheellitirto xukuumadda iyo dadka talada haya, adigoo metelaya inta aan ku qanacsanayn barnaamijka iyo siyaasadda xisbiga talada haya. Iyadoo ay jiraan wixii qarannimada khuseeyaa in ay yihiin lama taabtaan ay mucaaradka iyo muxaafadkuba wada ilaaliyaan, Xukuumada iyo xisbigeeda waxaa xil ka saaran shaqada guud ee qaranka sidaa darteed wixii wanaagsan ee ay qabtaan waa loo doortay, balse mucaaradka waxaa xil ka saaran yahay wixii khaldama ama laga gaabiyo in uu tilmaamo.

 

Haddaba waxaan qorshaystay in aan mucaaradad kala hor imaaddo xukuumaddii, aniga oo kaashanaya xisbiga Kulmiye oo markaa ku hawlanaa olole xooggan oo mucaaradeed. Waa iska suurtagal in aad khalad gasho adigoo is leh khalad toosi. Waxaa iyana beryahaa taagnaa arrin dhalisay xiisad kulul iyo mucaaridad xooggan oo ay dadku ugu wanqaleen magaca “Xarbul-Qanamka”, taas oo ahayd xukuumaddii Daahir Rayaale waxay dhoofintii xoolaha kooto ugu xidhay nin Carbeed oo la odhan jiray AL- Jaabiri. Tallaabadaasuna waxay dhalisay qaylo xoog leh oo lagaga soo horjeestay xukuumaddii.

 

Xiisaddaa iyo xamaasaddaa mucaaaridnimo aad baan u taageeray, gaar ahaan bulshadii adhiilayaasha oo ku kacay xukuumadda aad baan u taageeray. Waxaa la abaabulay mooshin in baarlamaanka la geeyo, iyadoo madaxdii xooluhu ka hadleen baarlamaanka soo bandhigeen eedaymo xooggan. Sidoo kale waxaa ganacsatadii taageeray rag koox ah oo mujaahidiintii SNM ahaa, oo ay hoggaaminayeen Muj. Ibraahim Dhegeweyne, Xasan Guure iyo rag kale oo haldoor ahaa.

 

Maalin maalmaha ka mid ah, waxa gurigayga iigu yimi Ibraahim Dhegeweyne iyo rag kale oo isaga la socday oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM. Dabadeed waxay iga codsadeen in aan Burco u raaco, oo aan taageero dhaqdhaqaaqii lagaga soo horjeeday adhigii kootada loogu xidhay. Burco ayaannu tagnay, ka dibna dabkii mucaaridadda, ee marka horeba halkaa ka shidnaa, ayaa gaas lagu shubay oo aannu la sii hurinnay. Ganacsatadii adhiilayaasha iyo qolooyinkii mujaahidiinta ahaa ee taageerayey waxay yeesheen shirar, abaabul iyo wada xaajood bal sida ugu habboon ee loo waajihi lahaa arrintii kootada adhiga. Jawigii mar keliya ayuu isu beddelay abaabul hubaysan.

 

Nimankii jabhadda ahaa ee dagaallamayey meel ay u baxeenba way baxeen. Nasiib wanaag, wax dagaal ahi ma dhicin oo qolooyinkii hubaysnaa iyo kooxdii wax abaabulaysay ayaa is-afgaranwaa ka dhex dhacay.

 

Xukuumaddii markay aragtay mucaaridadda xoogga leh ee halkaa ka socota, ayuun baa lay xasuustay. Xilligaa waxaan joogay magaalada Burco. Xukuumaddu waxay ogayd inaan ka soo horjeeday oo aan mucaarid ku ahaa, isla markaana aan ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu firfircoon ee dhaqdhaqaaqii “Xarbul-Qanamka” dabka ku sii hurinayey.

 

Maalin Sabti ah, goor fiid ah oo aan ku baqoolsanaa reerkayga oo deggenaa magaalada Ina Af-madoobe, markaan dhaafay kantoroollada Burco iyo Beer ayaa ciidamo ay xukuumaddu ii sii diyaarisay ay jidka iga sii raaceen. Dabadeed gurigayga agtiisa ayaa la iga qabtay. Waa la i soo qaaday, kaddibna isla habeenkiiba waxaa la ii soo dhaadhiciyey Hargeysa, oo CID-da ayaa la igu xidhay.

 

Muddo bil ah ayaan u xidhnaa xadhig siyaasadeed oo aan rumaan iyo maxakamad la’aan ku xidhnaa. Markii wax dambi ah la igu waayeyna waa la iska kay sii daayey. Dabcan way jireen odayaal ka shaqeeyay sii dayntayda. Had iyo jeeraale markay xukuumadi guuldarraysato ee ay lumiso kalsoonida shacabkeeda, waxay badanaaba isku daydaa inay marin-habaabiso ra’yiga dadweynaha.

 

Xilligii ay socdeen qalalaasihii iyo iska-hor-imaadkii loogu magac daray “Xarbul-Qanamka”, arrintu may ahayn sidii ay xukuumaddii u buunbuunisay! Xukuumaddii talada haysay waxay iska hor yimaaddeen niman malayshiyo ahaa oo hubaysnaa oo ay maal-galinayeen bulshadii xoolaha ka ganacsan jirtay iyo nin la odhan jiray AL-Yassir oo ganacsade Carbeed ahaa.

Dabcan, qof ahaan xiisaddaa iyo xamaasaddaa mucaaaridnimo ee lagaga soo horjeeday xukuumaddii siyaasad ahaan aad baan u taageeray , balse maan ahayn nin hubaysan oo qori sita oo dagaallamayey.

 

Waqtigii ay socdeen qalalaasihii “Xarbul-Qanamka”; waxaan si kalsooni leh ummadda ugu caddeeyey in haba yaraatee aanan xidhiidh toos ah iyo mid dadban midnaba la lahayn kooxo xagjir ah ama argagixiso ah oo ku adeegta magaca diinteenna suubban, ummadda Muslinka ahna ku gumaadda.

 

In kasta oo aan ganacsatada garab siiyay anigoo u arkayey kacdoonka bulshada xoolaha ka ganacsadaa inay tahay goljilic xukuumadda lagaga mucaaradi karo, Haddiiba saacadda dib loo celin lahaa, maraba kuma tallaabsadeen tallaabo kasta oo sababi karta rebshad ama waxyeelayn karta dawladnimada

 

Wakhtigii doorashada ka hor ayay qorshaysnayd in diiwaangelinta codbixiyaha dalka laga bilaabo, xisbigii Kulmiye wuxuu qaatay in uu ka qayb qaato oo uu taageerayaashiisa ku wacyigeliyo in ay kaadhka diiwaangelinta qaataan si ay u codayn karaan xilliga doorashada.

 

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa la iigu yeedhay kulan ay qabanqaabiyeen xildhibaannadii Kulmiye taageeri jiray iyo siyaasiyiin miisaan leh xisbiga ah oo aannu isku degaan ka soo jeedno. Shirkaa waxaa lagaga arrinsanayey qaabka ugu habboon ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha looga suurto gelin kari lahaa gobollada dalka oo dhan, iyadoo xoogga la saaray meelaha xisbigu ugu taageerada badan yahay, waxaana guddoominayay Xil. Adan Tarabbi Oogle.

 

Maadaama aan xogo badan ka hayay qaabka iyo mashruucii diiwaangelinta codbixiyeyaasha guud ahaan xilligii aan Komishinka doorashooyinka ka mid ahaa, waxa la i weydiiyey talabixin la xidhiidha bal sida ugu habboon ee ummadda gobollodaa uu musharruxu (Silanyo) ka soo jeedo loo wacyi gelin karo, looguna baraarujin karo in ay is diwaangeliyaan oo ay kaadhadhka codbixintana qaataan.

 

Mishkiladda ugu weyn ee laga baqayey waxay ahayd: dhulka la doonayey in diiwaangelinta laga hirgeliyo oo aad u baaxad weynaa iyo dadka ku nool gobollada bariga oo u badan reer guuraa xoolo-dhaqato ah. Tusaale ahaan qoys xoolo-dhaqato ah oo ka kooban 8 qof, ugu badnaan 2 ilaa 3 qof ayuun baa magaalada ama goobta codbixinta tegi kara oo codkooda dhiiban kara, inta kalana ma imanayaan oo baylahdii iyo hawshoodii maalinlaha ahayd ayaanay ka soo haleelayn.

 

Haddaba, waxaan soo diyaariyey, una soo bandhigay shirkii, warbixin iyo qorshe aad u faahfaahsan iyo soo jeedin, lagu beraarujiyo oo lagu wacyi geliyo bulshada ku nool saddexda gobol ee na loo xilsaaray. “Qorshahaa iyo taladaa aad soo jeedisay waannu kula qaadannay. Qaabkaa aad u soo bandhigtayna waa lagu hawl geli doonaa. Guddigii wacyigelinta diiwaangelinta loo xilsaaray waxay ka koobnaan doontaa 17 xubnood. Guddigana adigaa guddoomiye u ah,” ayuu Aadan Tarabbi ku soo gebagebeeyay, shirkiina wuu ku raacay. Waxa ku jiray xubne badan oo siyaasiyiin ah oo miisaan lahaa, oo ay ka mid ahaayeen: Xil Adan Tarabbi, Maxamed Kaahin, Yuusuf Tuke (AHUN), Axmed Dhigane iyo rag kale oo badan oo miisaan lahaa.

Waxa aannu isla markiiba bilawnay fulintii hawsha oo ay ugu horraysay abaabul xooggan oo wacyigelineed, dhaqaala-ururin, diyaarinta ku dhowaad ilaa 150 oday oo bulshada saamayn ku lahaa. Ka dibna waxaannu diyaariyey gaadiidkii, shidaalkii iyo wixii sahay loo baahnaa. Safarkii iyo socdaalkii lagu tagayey gobollada bariga waxaan u kala qaybiyey 4 jiho oo kala duwan, ka bacdina waxaan isku xidhay dadkii iyo gaadiidkii ka hawlgeli lahaa jiho kasta. Waxa magaalo-magaalo iyo tuulo-tuulo loo diyaariyay codbixiyayaashii halkaa ku dhaqnaa, si ay xisbiga ugu xidhmaan, uguna codeeyaan xilliga doorashada.

 

Abaabulkii ayaa isku dubba dhacay, taageerayaashii ayaa si laxaad leh u diyaar garoobay, xukuumaddiina waxay ka bixisay dareen werwer leh, waxaana saldhig u ahaa qaabka iyo hannaanka aannu u abaabulnay bulshada ku nool gobolladaa, oo ahaa kacdoon siyaasadeed. Diiwaangelinta waxay ku dhammaatay qurux iyo guul, taageerayaashii kulmiyena waxay isu diwaangeliyeen si laxaad leh. Muddo ka dibna waxa soo galay ololihii doorashada oo dadkii oo diyaarsan ayaa sidaa ku galay doorashadii, waxaana xisbigii ku guulaystay codad aad u badan.

 

Qof kasta oo masuul looga dhigay hawl cayiman waxaa laga sugayaa in shaqadii loo diray uu sida uga habboon uga midhadhaliyo. Minqiyaaska iyo bartilmaameedka guusha ama guuldarraduna wuxuu noqdaa kolba sida ay u arkaan cidda shaqada u diratay iyo kolba sida ay bulshadu uga dareenceliyaan hawshaa la qabtay!! Haddaba, marka ay bulshadaadu qirto ee ay ka maragkacdo qiimaha iyo waxtarka ay leedahay hawl aad dadkaaga u qabatay, waxay daliil iyo tilmaanba u tahay in aad qof ahaan ku tallaabsatay guul iyo horumar, intuu doonaba xaddigoodu ha leekaadee!

 

Ololihii Kulmiye

 

Markuu soo dhowaa wakhtigii ololaha, oo aan doonayay in aan safar u yara baxo, ayaa guddoomiyhii Kulmiye Axmed Silanyo, oo aad ula dhacsanaa shaqadii aan ka soo qabtay wacyigelinta, igu yidhi “adeer ololuhu waa isku mid oo waa intan aad soo qabateen ee adeer igala shaqeeya, oo safarka ka joog.” Waxa aannu noo diray aniga iyo Axmed Dhigane in aan soo diyaarinno qorshihii ololaha.

 

Maalmo ka dib waxaan u keenay qorshihii oo aan dalka u qaybiyay in looga hawl galo, labo meelood bari iyo galbeed sidoo kale aan soo jeediyay in ay kala hoggaamiyaan Dr Gaboose iyo Cali Maarshaal AHUN, oo ahaa siyaasiyiin saamayn badan bulshada ku lahaa, isla markaan lahaa firfircooni badan. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dhismaha iyo hannaanka shaqo ee ololaha, oo aannu xubno badan u soo jeedinnay in laga hawl geliyo.

 

Sidoo kale waxaan ku jiray guddi khaas ah oo si gaar ah ugala shaqaysa musharraxa hawlihii dhaqaalaha iyo waxyaalaha lagama maarmaanka u ahaa ololaha. Waxaan odhan karayaa wuxuu ahaa nooc kacdoon ah oo ay taageerayaasho gees ilaa gees u abaabulaayeen si aad u heer sarraysa, oo ay xamaasaddu ku badan tahay.

 

Waxaan tilmaamayaa xidhiidhkii noo dhexeeyay guddoomiyaha iyo hawshii aan kala shaqaynayay, balse waxaa jirtay masuuliyiinta xisbiga oo tira badnaa in mid kastaa meel qaabbilsanaa oo ay socotay shaqo ballaadhan oo ay gacanta ku hayeen hawlwadeennadii xisbiga iyo masuuliyiintii heerarka kala duwan ee xisbiga, oo aanan intooda badan xidhiidh lahayn, maadaama oo aan shirkad masuul ka ahaa oo xilligaa aanan toos uga muuqan karayn saaxadda siyaasadda.

 

Samaysanka Garabkii Isbahaysiga Kulmiye

 

Maalintii Kulmiye ku guulaystay doorashada, ee madaxweyne Silanyo talada dalka qabtay, wax yar uun ka dib waxaa soo baxday in guddoomiye-ku- xigeenkii 1aad, Muuse Biixi, uu bilaabay damaca ah in madaxweynuhu ku soo wareejiya guddoomiyannimada xisbiga sidii ay hore ugu ballameen. Waxaa iyana barbar socotay rag kale, oo Cabdicasiis Samaale ka mid yahay, oo hunguri ka hayay booskaa, kuwaas madaxweynahana culays ku saarayay in aannu wareejin ee lagu tartamo. Si kasta ha ahaatee, 45 maalmood ka dib markii uu xilka madaxweynannimo hayay, ayuu xilkii guddoomiyaha si kumeelgaadh ah Muuse ugu wareejiyay.

 

Waxay ahayd 15|08|2013, markii Cabdicasiis Samaale, oo ah wasiirka maaliyadda, noogu yimi guriga fadhiga ee madaxweynaha abbaaro 8:00 subaxnimo, iyadoo ay quraacanayaan madaxweynaha iyo marwadiisu.

 

Wuxuu madaxweynaha u sheegay in uu doonayo in uu shirweyanaha soo socda Muuse Biixi kula tartamo kursiga guddoomiyaha, isla markaana uu ka doonayo in uu arrintaa la socodsiiyo isaga oo doonaya in uu helo dareenkiisa. Madaxweynuhu wuxuu ku yidhi adeer waxba kama qabo, waxa aannu u muujiyay kalsooni fiican. Maadaama oo aan helay signalkii madaxweynaha, waxaan Samaale u muujiyay taageero, in kasta oo aan ku mashquulsanaa mashaariicdii horumarka ee ay waddooyinku ka midka ahaayeen. Samaale wuxuu bilaabay kaambayn uu kursiga guddoomiyaha ugu jiro oo debadda u soo baxay. Xaqiiqo ahaan wuxuu ahaa nin olole badan, balse waxaa dedaalkiisa ka dhex muuqday lacag. Wuxuuna ahaa wasiirkii maaliyadda, oo taasina waxay ku keentay in lagu dhaleeceeyo musuqmaasuq. Markii muddo hirdankii socday ee la isku birjabay, ayaa maalin dambe oo aan ku maqnaa London, waxaa dhacday sabab kastaba ha ku timaadee in madaxwaynuhu qaatay ga,aan ah in aan Muuse Biixi aan lagula tartamin gudoomiyenimadda xisbiga sidaa darteed uu habeen habeenadda ka mid ah u yeedhay Cabdicasiis Samaale oo mansabkan u tafaxaydnaa, una sheegay go,aankiisa cusub laakiin arintani wasiirkii maaliyadda ee xiligaas may farax gelin aad buuna uga xumaaday, isaga oo aan shaqo tegin dhawr ayaamood oo ku negaaday guriga uu ka degan yahay magaaladda Hargeysa, hadalkii isaga  iyo madaxwaynaha dhex marayna debedda ayuu u soo baxay, maalintaa wuxuu madaxwaynuhu go,aansaday in uu yeedho xubno ka mid ah xubnihii ugu firfircoonaa Gudidda Fulinta Xisbiga ee daafaca adag u ahaa madaxwayne Silanyo oo ka koobnaa 11 xubnood oo isugu jirey xubno ka tirsan hogaanka xisbiga, wasiiradda xukuumadda, Iyo fulinta xisbiga, waxa aannu ka codsaday laba arimood oo kala ah in la qaataan go,aankiisan cusub ee Muuse tartan la,aan ugu cumaamadaya guoomiyanimada xosbiga, Iyo in ay la qanciyaan Cabdicasiis si uu uga tanaasulo tartanka jagada gudoomiyaha. Dood dheer iyo balan qaad madaxwaynuhu balan qaaday in loo sinaan doono murashaxnimadda jagada madaxwaynaha marka ay timaado ka di dib, waxa xiise gaar ah lahayd oo xusid mudan hadal uu goobta ka yidhi wasiir Abiib Diiriye Nuuroo ahaa”Maxawayne kaa aqbalay laakiin waxaan kuu sheegayaa laba nin oo reer Somaliland ah oo ahaa AHN Good Abees iyo Xuble oo saaxiibo ahaa ayaa Good wuxuu yidhi waxaan haystaa PHD, waa la yaabay oo tacliin uu dhigtay lama ogayne la aamusay oo la eegay, ku yeh miyaad ila yaabteen dee i waydiiya waxa aan ku haysto PHD ee aan ku takhasusay, noo sheeg baa mar qudha la wada yidhi, Xuble ayaan ku haystaa ayuu yidhi, waxaan uga socdaa hadaan Abiib ahay Muuse Biixi ayaan PHD ku haystaa hadaad gudoomiyihii u daysay, maalinta shirku dhaco ee aad gudoomiye rasmi ah u cumaamado haddii uu maalinta todobaad kula gaadho oo uu kugu qabsan waayo murashaxnimadda takhasuskaygaasi waa been” sidii ayaa loogu doortay gudoomiyihii xisbiga Muuse Biix.

 

Haddaba shan maalmood uun ka dib, aniga iyo madaxweynaha oo socdaal shaqo oo aannu waddada Wajaale oo la samaynayey kaga soo noqonay oo aanu weli gaadhiga saaranahay, ayaa naloo soo sheegay in Muuse Biixi ku

 

dhawaaqay in uu u taaganyahay musharaxa xisbiga, waxaanu furnay idaacadda afka Soomaaliga ee BBc ee barnaamijka labadda duhurnimo, waxa aannu ka dhegaysanay Muuse oo sheegaya in uu musharax yahay isla markaana diyaar u yahay hadii Silanyo la tartamayo, madaxwaynuhu wuxuu mar kale u yeedhay xubnihii ahaa 11 oo uu marar badana isaga dhigay weeraraddii joogtadda ahaa ee Muuse Biixi maalintaana wuxuu ka codsaday inay garab istaagaan hiilkoodana uu u baahna yahay dood iyo  cabasho  dheer ka dib waa laysla qaatay, maalintaa madaxwayne Silanyo waxa hadaladdiisa ka mid ahayd “waad haysataan kalsoonidayda sidaa ku hawl gala kalsoonidaydda ku hawl gala waa kama dambays haddii ay keenayso in Muuse Biixi aynu Mardheera ku ridno waad haysataan kalsoonidaydda waxaan wacad ilaahay idiinku marayaa in aanan idinka raacin Muuse oo aanan idin xagal daacin”.

 

Muddo ka dib waxaa bilaabmay guuxii musharaxnimada. Maalin maalmaha ka mid ah waxaa qado ii sameeyay ganacsade Maxamed Aw Siciid. Isagoo aan ii sii sheeginna, waxaa qadadii nagala soo qayb galay guddoomiye  Muuse Biixi. Wuxuu ganacsaduhu ii sheegay in uu doonayo in uu musharraxnimada mustaqbalka ee Kulmiye ku dhiso Muuse Biixi, isla markaana uu iga doonayo in aan ku taageero. Wakhtigaa waxaa muddo xileedkii madaxweynaha ka hadhsanaa wax ku dhow labo sannadood. Sidaa darteed, waxaan ku idhi wakhti dheer ayaa innaga xiga, madaxweynihiina talo kamaannu yeelan arrintan, Muusana waxba iskagama ogin, labo todobaad oo siyaasadeedna waa wakhti dheer e, waxaan sugayaa inta madaxweynuhu is sharaxayo ama tanaasulayo. Ganacsaduhu dedaal weyn ayuu geliyay taageeriddiisa uu u hayo Muuse Biixi. Dedaaladii ganacsadahani ugu jiray dhismaha Muuse waxa kale oo ka mid ahaa, guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa ii sheegay in uu la soo hadlay wakhtigii aannu ku soo biiraynay xisbiga Waddani isaga oo ku yidhi: “Waxaan ku siinayaa lacag gaadhaysa labaatan milyan oo Dollar haddii aad ka joojiso xisbigaaga Xirsi Cali X. Xasan.” Taa mid la mid ah Cabdilqaadir Jirde wuxuu noo sheegay: “wuxuu igu baayacay shan milyan oo Dollar.”

 

Waxaa isaguna ku soo biiray dawladdii Maxamed Biixi Yoonis, oo noqday wasiirka arrimaha dibadda, oo laftarkiisuna lahaa damac madaxweyne. In kasta oo uu ahaa qof leh xidhiidho badan, waaya-arag ah, oo in ka badan afartan sannadood soo shaqeeyay, isla markaana ahaa dadkii ugu derejo sarreeyay Soomaalida ka soo shaqaysay jamciyadda quruumaha ka dhexaysa, runtii maqal mooyee, hore umaan aqoon oo waxaa intii aan wasiirka laga dhigin wax yar ka hor Addis Ababa isku kaaya baray Silanyo iyo qoyskiisa. Isla markaana waxaa muuqatay in ay qoyska xidhiidh dheer lahaayeen, oo ay carrab laalaadiyeen in ay ku taageeri doonaan musharraxnimada madaxweyaha ee mustaqbalka. Dad badan oo kale oo xildhibaan Kijaandhe ka mid ahaa ayaa iyaguna damac lahaa. Dawladdii oo shaqaynaysa ayuu bilaabmay hirdan iyo loollan musharrax, waxaanay naga mashquulisay hawlihii dawladda. Madaxweynaha xilligaa waxaan u soo jeediyay in arrintaa

 

dib loo dhigo, oo xilliga doorashada golaha dhexe ay soo dhawaato laga dhigo, intaana aynu mashaariicda inoo qabyada ah dhammaystirano. Hayeeshee xilligaa waxaa muuqatay in qoyskii Silanyo iyo xubno kale ay jaanta isla heleen oo Muuse lagu heshiiyay. Samaalena dawladdii wuu ka baxay, oo xurguf ayaa soo kala dhex martay isaga iyo qoyskii Silanyo.

 

Waxaa intaa dheer, muddadii shanta sannadood iyo badhka ahayd Muuse iyo madaxweynuhu isma dhisayn, manay lahayn xidhiidh wanaagsan ee inta badan way is hayeen. Marar aan waydiiyay madaxweynaha, kumuu qanacsanayn hoggaaminta Muuse. Sidoo kale mar kale oo ay u yimaaddeen ilaa afartan xubnood oo ka koobnaa wasiirro iyo xubnaha fulinta ee xisbiga waxay waydiiyeen miyaad dhisaysaa Muuse, wuxuu yidhi “maya ee aniga ayaa is sharraxaaya!”

 

Markii aan arkay sida wax u socdaan ayaan madaxweynaha u imi oo waydiiyay in uu jiro cid gaar ah oo ugu talo galay in uu dhiso. Wuxuu yidhi “waa lagu tartamayaa ee shakhsi gaar ah ma wato”; isagoo weliba saxaafaddana sidaa ka sheegay. Wax kastaa ha beddelaan e, mar keliya ayuu madaxweynihii qaatay go’aankan, iyadoo aanay wax talawadaag ah yeelan kaadirkii xisbigu. Xaqiiqo ahaan kumaan qancin madaxweynihii ii diray in aan ka difaacaa, haddana in uu igu yidhaahdo ku daba fayl oo Muuse dhis.

 

Waxaa iyaguna ka biyadiiday, oo qaadan waayey sidii wax u socdeen xubno badan oo qoorweyntii xukuumadda iyo xisbigaba ahaa oo ay ka mid yihiin labo hoggaankii ka tirsan (guddoomiye-xigeenkii 2aad, xildhibaan Waabeeyo, iyo guddoomiye-xigeenkii 3aad xildhibaan Talyanle AHUN) iyo labadii xubnood ee shirguddoonka golaha wakiillada Kulmiye ugu jiray (guddoomiye-xigeenkii 1aad iyo 2aad, mudane Baashe iyo mudane Cali Yuusuf).

 

Shirdoceedyo aannu yeelannay in badan oo qoorweyntii xisbiga ah, ayaannu ku gorfaynay in aannu isku xidhno saddexdii musharrax ee Samaale, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe. Waxaannu isla qaadannay in aannu isu tanaasulsiinno, oo mid loo daayo marka doorashadu soo dhowaato. Markii loollankii kululaaday. ayaa madaxweynihii noo yeedhay annagoo ah wasiirrada ay isku xaafadda ahaayeen, oo nagu yidhi “waxaan doonayaa in aan dhiso Muuse Biixi, oo aad igu raacdaan!” Dabcan waxay ahayd culays siyaasadeed oo madaxweynuhu na saaray.

 

Arrintaasi waxay noqotay af-kala-qaad, waxaan madaxweynaha waydiiyay ma amar baa, mise waa soojeedin? Wuxuu yidhi “waa soojeedin, oo qof kastaa wuxuu leeyahay madaxbannaanidiisa siyaasadeed.” Dood badan ka dib arrintii waannu isla mari waynay. Saddex xubnood oo aan ku jiro ayaannu ugu sheegnay in aannu arrintaa go’aankeeda saddex maalmood gudohood ku siin karayno, iyadoo ay isdiidmo badani dhexdayada ka muuqato. Habeennimadii waxaannu saddexdii musharrax ku wargelinnay

 

arrinta soo korodhay, oo ay sii hayeen in dareen jiro. Waxaannu u balannay shir 10:00 Subaxnimo.

 

Habeenkii markii aan gurigaygii tegay, ee aan arrintii rogrogay waxaan go’aansaday in aan shaqada ka tago maadaama oo aan madaxweynihii labo waddo kala qaadnay, oo ku kala baydhnay mustaqbalkii siyaasadda. Sidoo kale maslaxaddii xisbiga iyo qaranka midna aanay iiga muuqan waddada uu doortay, dooddiina aan isla meel dhigi kari weynay.

 

Subixii 26|10|2015, ayaan shir isugu nimi xubnihii ku bahoobay dhismaha saddexda musharax tiro badan ah iyo taageerayaashoodii. Dood iyo falanqayn badan ka dib, waxaa noo soo baxday in shirkii golaha dhexe afduuban yahay, culayskii madaxweyanahuna dacal maray, sidaa darteed waxaannu isla qaadannay in aannaan shirkaa ka qayb gelin. Isla markaana xubnahayagii wasiirrada ahaa waxaannu ku dhowaaqnay shaqa-ka-tegis. Ilaa 14 xubnood oo golihii wasiirrada ah iyo xubno kale oo xilal kala duwan hayay ayaa maalintaa shaqadii ka tegay shirkiina qaaddacay. Halkaa ayaan ku aasaasnay garab la baxay Isbahaysiga Kulmiye ee Dimuquraaddiga ah.

 

Marka dhismaha dawladdu yahay nidaamka madaxtooyada, tiro kasta oo wasiir ah oo dawladda ka baxda xukuumaddu u dhici mayso. Laakiin madaxweynaha waxay ku tahay culays siyaasadeed, waxa aannu awood u leeyahay in beddelkii xubnaha ka baxay soo buuxiyo. Maadaama oo aannu ahayn xubno tiro badan, isla markaana saamayn badan bulshada ku lahaa, waxay ahayd sanqadh weyn oo siyaasadeed oo dalka iyo dunidaba soo jeedisay. Xoghayihii Qaramada Midoobay (QM) ee xilligaa, Bankii Moon, ayaa xataa ku soo hadalqaaday dhacdadaa siyaasadeed shir ay lahaayeen Golaha Ammaanka ee QM, January 2016. Wuxuu xoghayuhu si gaar ah u xusay Maxamed Biixi, wasiirkii khaarijiga; Xuseen Caydiid, wasiirkii caddaaladda; iyo aniga, oo ahaa wasiirkii madaxtooyada. Wuxuuna ku tiriyay isbeddellada siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay.

 

Mid ka mid ah dadka caanka ku ah culuumta hoggaaminta, isla markaana buug badan ka qoray ayaa wuxuu leeyahay hadal noocan ah: “Leaders earn respect by making sound decisions, admitting their mistakes, and putting what’s best for their followers and the organization ahead of their personal agendas.”

 

Waxa annu soo wada shaqaynay madaxweynaha Silanyo, waana qof sharaf iga mudan laakiin kaladuwaanshaha fekerku waa shay bini-aadam Ilaahay ugu talo galay oo garashadooda iyo heer maskaxeedkooda u kala duway. Waana tiirarka dimuquraaddiyadda in aragtiyaha lagu kala duwanaado, markaa waxaannu ku kala duwanaannay aragtida hoggaamiyaha mustaqbalka hoggaamin doona dalka.

 

Waxay ahayd 26|Nov|2015, iyadoo muddo bil ah markaa aannu shaqadii kasii maqnayn, markii aannu wefti ugu baxnay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, waxaanay ahayd ujeedada safarkayagu in aan dadka gobolka degan gaadhsiino aragtidayda siyaasadeed lana socodsiino taageerayaashayada mawqifka aannu qaadanay iyo halka wax noo marayaan, waxaa si aad u mug weyn oo aannaan filayn anaga iyo bulshada Somaliland toona naloogu soo dhaweeyay meel u dhexaysa magaalada Burco iyo degmada qoyta, waxay noo muujiyeen taageero lexaad leh oo ay kumanaan qof iyo gaadiid ahi nagaga hor yimaadeed waddada laamiga ah. Dadkii ayaannu halkaa kula hadalay shirarna kula qaadanay magaalada Burco.

 

Muddo ayaannu dedaalkii sii wadnay oo aannu cidhiidhi iyo culays siyaasadeed ku haynay xisbigi Kulmiye, xukuumaddii iyo musharraxii loo cimaamaday. Sidoo kalana aannu gorgortan kula jirnay xisbiyadii siyaasadda ee mucaaradka ahaa, wakhtiyadaa oo aannu debadda iyo gudahaba kulamo ka qabaqaabinayay, waxa dadka qaarkood nagu tilmaami jireen xisbi afraad marka ay eegaan muhiimadda bulshada iyo duniduba na siinaysay. Wuxuu ahaa wakhti sannad ah oo aannu wadnay gorfaynta siyaasadda mustaqbalka sidii aannu u qaabayn lahayn iyo ciddii aan shuraako kula noqon lahayn cududdayada siyaasadeed. In kasta oo labo xubnood oo musharrixiin ahaa ku noqdeen Kulmiye, aqlabiyaddii waxaannu ku heshiinnay in aannu la midowno xisbiga mucaaradka ah ee Waddani hadii aannu ku qanacno marka la wada hadlo ka dib.

 

Waxay ahayd ayaamo adag, may hawl yarayn isku haynta iyo is dugsashada xubno culculus oo miisaankaa leh. Waxaanu inta badan bar kulan noo ahaa gurigayga, annagoo toddobaadkiiba labo jeer ama hal mar kulmi jirnay. Waxaa shirka noo guddoomin jiray labadii guddoomiye ku xiggeen ee hoggaanka Kulmiye ka midka ahaa, isla markaan xilalka xisbiga noogu sarreeyay markii hore. Waxaa afhayeen noo ahaa Xuseen Axmed Caydiid, oo ahaa nin codkar ah oo hal adayg badan. Run ahaantii waxay ahaayeen guud ahaan koox aad u qiimo badan iyo saaxiibbo aanan illaawin, manay qarsoonayn saamayntii aannu ku lahayn siyaasadda dalka.

 

Wadahadalladii Isbahaysiga iyo xisbiga Waddani

 

Xisbiyada dunidu waxaa lugu kala doortaa mabaadi’ ay ku kala duwan yihiin, sida Hantigoosad (Capitalism), Shuuci (Communism), Hantiwadaag (Socialism), Dimuqraaddiyad bulsheed (social democracy), iyo qaar kale oo badan. Somaliland siyaasaddeedu mabaadi’ kuma kala duwana. Garabkii Isbahaysigu waxay ku kala dooranayeen xisbiyada saddex shay oo kala ah: Hoggaamiyuhu ma yahay mid qaranka u cuntamaya isla markaana aynu wada shaqayn karno oo isfahm yeelan karno; Xisbigu ma leeyahay barnaamij siyaasadeed, ma se oggol yahay in aan la wadaagno oo waxna ku dari karno waxna ka beddeli karno; iyo haykal xisbiga iyo shuruucdiisa ma tahay mid xisbinnimo u qalanta. Markii aan eegnay, Waddani wuu waafaqay

 

waxyaalihii aan ku qiimaynaynay wada hadalladii xisbiyada mucaaradka isla markaana wuxuu aqbalay qodobbadii asaasiga aannu u arkaynay ee aan soo hordhignay, oo aan hoos ku tixi doono. Marka laga tago qodobbada aannu ku heshiinnay ee soo socda, waxaan jecelahay in aan xuso sidii guddoomiye Cirro noo danaynayey iyada oo uu ilaa shan ama lix jeer guriga iigu yimi, ragga kalana mid kasta gaar ula kulmay, oo dedaal badan geliyey.

 

Waxaa la sameeyay labo guddi oo wadahadallada noo kala metelayay. Muddo ayaa doodda iyo kulamadu socdeen. Waxaa iyaguna badnaa shir doceedyada kala duwan. Waxaana ka mid ahaa waxyaalihii la idsku mari waayay awood-qaybsiga siyaasada. Waxaa dhinacayagu soo bandhigeen in aan helno guddoomiyaha ama musharraxa iyo ku xigeenkiisa. Wuxuu oggolaaday guddoomiye Cirro in si furan oo siman loogu tartamo, laakiin ugu danbayntii kulan gaar ah oo ay yeesheen Maxamed Biixi oo musharrax noo ahaa, guddoomiye Cirro iyo Maxamed Uurcadde, ayaa Maxamed Biixi uga hadhay oo uga tanaasulay in uu tartan la galo, isaga oo ku saleeyay maadaama xisbiga aan ku cusubahay isla markaa aad ii muujiseen dimuquraaddiyad iyo dareen fiican oo lagu tartami karo, taas oo ah wixii aan Kulmiye ka waayey, waxaan uga hadhay musharaxnimadii Cabdiraxmaan Cirro.

 

Markii musharrixii aannu wadnay ay arrintaa isla meel dhigeen, xilkii guddoomiyannimo ee aannu dalbanayna waxay guddiyadii iyo Cirraba noo sheegeen in ay jirto ballanqaad naga horreeyay oo ay qolo kale u sameeyeen. Maadaama oo aan ahaa qofkii inta badani guddoomiyaha la doonaysay, waxaan qorsheeyay in aan xilku caqabad noqon haddii sida kale saaxiibbaday ugu qancaan xisbiga. Waxaanan kulamadii na dhexmaray guddoomiye Cirro ugu soo bandhigay qorshe cusub oo ahaa in la sameeyo Hoggaamiye iyo Guddoomiye, shaqadana loo qaybiyo. Fekraddaa ayaannu guddoomiyihii isla qaadannay. Sidoo kale xilalkii kale ee hoggaanka, golaha dhexe iyo fulinta ayaannu isla meel dhignay saamigii aannu ka heli lahayn, waana laga heshiiyey. Markii intaasi dhacday ee qodobbadii mabaadi’da guud iyo aasaasiyaadka ahaa ee hoos ku qoranna aan isla garannay, sidaas ayaa keentay in aannu ku qanacno, oo dooranno Waddani.

Qodobbada mabaadi’da guud ee heshiiska, oo qayb ka noqon doona xeerka

iyo barnaamijka xisbigu, waxa ay salka ku hayaan dastuurka iyo qawaaniinta JSL, waana kuwan hoos ku xusan:

1)             Ilaalinta iyo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka, dastuurka, shuruucda kale ee dalka iyo xeerarka xisbiga, iyo ilaalinta qarannimada Somaliland;

2)             Ka badbaadinta dalka hoggaanxumo ay sababto talamaroorsi iyo diktaytornimo u horseedi kara dalkan iyo dadkiisa dibudhac iyo burbur;

3)             Dhisidda nidaam dawladeed oo ka caaggan musuqmaasuq, qabyaalad iyo maamul-xumo oo lagu xaqiijiyo wadatashi, wax-wada-qabsi iyo caddaalad, si loo gaadhsiiyo ummadda Somliland himilada ay muddada

 

dheer    higsanaysay,    sida    qarannimo    buuxda,    amni,    horumar              iyo caddaalad.

4)             Xaqdhawridda wada lahaanshaha xisbiga iyo ka-wada-tashiga arrimahiisa, iyadoo la dhawrayo xeerarka xisbiga iyo awoodaha waaxyaha kala duwan ee ismiisaamaya ee uu ka kooban yahay xisbigu;

5)             Ku dhaqanka mabaadi’da wadatashiga, maamul wanaagga, dhawrista awoodaha sharcidejinta, garsoorka iyo fulinta kuwaas oo ku salaysan nidaamka dimuqraaddiyadda ee aan ka hor imanayn  Shareecada Islaamka iyo dhaqankeenna suubban;

6)             Ilaalinta hantida qaranka nooc kasta oo ay tahay iyo awood-siinta hay’adaha u xil-saaran ilaalintooda, si loola xisaabtamo cid kasta oo ugu tasarufta sifo aan sharci ahayn, loona xaqiijiyo xakamaynta ku- takrifalkeeda;

7)             Kobcinta iyo horumarinta xisbiyada qaranka iyo ka-ilaalinta faro-gelin kasta oo carqaladayn karta koritaankooda, si uu dalku uga gudbo nidaamka qabaliga ah;

8)             Dhawrista xilliyada doorashooyinka ee shuruucda dalku muddaysay iyo qabyo-tirka arrin kasta oo sababi karta dib-u-dhacooda, iyadoo ay reebban tahay korodhsiimo ku timaadda damac siyaasadeed oo ku dhisan kursi- jacayl;

9)             Dhawrista xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha lama taabtaanka ah ee qofka ee Dastuurku jideeyey iyo horumarinta hay’adaha u adeegada;

10)       Horumarinta saxaafadda iyo xaqdhawridda xorriyaddeeda, iyadoo wax- ka-qabashada gefefka lagu galo saxaafadda loo raaci doono nidaamka habka madaniga iyo xeerka saxaafadda, wixii qabyo ka ah xeerarkaasna la qabyo-tiri doono;

11)                    Dibuhabaynta hay’adaha xukuumadda sida wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabannaan, iyadoo lagu salaynayo baahida qaranka, tashiilidda dhaqaalaha dalka iyo inay noqdaan kuwo si dhab ah ugu habaysan u adeegida bulshada;

12)                    Hurumarinta madaxbannaanida hay’adaha garsoorka iyo hay’adaha dawladda ee madaxa bannaan, si adeegyada ay bixinayaan u noqdaan kuwo tayo leh kuna salaysan caddaaladda;

13)                    Dardar-gelinta maamulfidinta, maamuldaadejinta, kalaxadaynta maamul ahaaneed ee gobollada iyo degmooyinka dalka, iyo tixgelinta tabashada gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle;

14)                    Iyadoo laga duulayo tabashooyinkii is-daba-joogga ah iyo qabyada ka muuqata Dastuurka dalka, in la furo Dastuurka, laguna sameeyo wax- ka-beddel iyo kaabis;

15)                    Kaqaybqaadashada adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka, iyo horumarinta xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland la leedahay dalalka jaarka iyo kuwa caalamka, hay’adaha Qaramada Midoobey iyo

 

ururrada caalamiga ah iyo kafogaanshaha wax kasta oo xidhiidhkaa wax u dhimi kara.

Madashii xafladda midowgu waxay ahayd mid aad u bilan oo dad toban kun oo qof ku dhow ka soo xaadireen. Aad ayay bulshadu isha ugu hayeen meesha uu maro miisaanka Isbahaysigu, dareen aad u fiicanna way ku soo dhoweeyeen go’aankii aannu ku biirnay xisbiga Waddani, waxaana noo muuqatay rejo fiican. Waxaa Soomaalidu tidhaahdaa hooso waliba hadal lehe, waxaan maalintaa hadalkaygii dhextaal uga dhigay hawraar dheegasho ah iyo hadal kooban oo aan dhacdadaa ku suntayay.

 

Maadaama oo ay jireen xulufo siyaasadeed oo ka soo jeedday degaanka aan ka dhashay iyo degaanka uu ka soo jeedo musharraxii Kulmiye loogu cimaamaday ee aannu isku maan dhaafnay xukuumaddii aan ka midka ahaa, anigoo tilmaamaya midnimada iyo dadka reer Somaliland inay wanaagsan tahay in bartilmaameed laga dhigto, qabyaaladda iyo in labo labo reer la isu xulufaystaanna aanay qarannimada u fiicnayn. Waxaan fargaarihii kaga dhawaaqay, qaar baa odhan doona Jeegaanta ayaad burburinaysaan. Waar burburinmayno e, Jeegaantii waxa aannu ka dhigaynaa Giraan oo dalka oo dhan ayaannu isku xidhaynaa.

Tuducyadan aan tiriyay waxaan ka soo dheegtay heestii Ducaale Dhagaxay (Toban toban halbaa dilay, hadal sii dheh baa dilay…):

 

Maalmihii Ololaha Waddani.

 

Waxaannu la midownay xisbiga Waddani. Wuxuu ahaa xisbiga mucaaradka ugu wayn. Wuxuu ahaa xisbi jira oo annaguna aannu wax ku biirin karaynay, maadaama oo aannu ahayn dad xisbiyahanno ah oo sumcad iyo saamaynba bulshada ku lahaa. Waxa aannu dhiig cusub iyo dardargelin ku soo kordhinnay xisbigii Waddani oo laga dareemay dhaqdhaqaaq cusub iyo in cudud xooggani ku soo korodhay. 19|Oct|2016 ayaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani nooga furmay magaalada Hargeysa, iyadoo gebgebadiisii musharrax madaxweyne loogu doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, halka anigana la iigu doortay Hoggaamiyaha Xisbiga.

 

Waxaannu bilownay dibuhabayn iyo dardargelinta xisbiga oo aan laamaha debadda iyo gudahaba safarro galaabixinay. Sidoo kale wacyigelin ballaadhan ayaannu u samaynay taageerayaasha xisbiga si ay ugu diyaar

 

garoobaan doorashadii Nov 2017. Waxaan u xil saarnaa diyaarinta qorshaha ololaha ee xisbigu doorashada ku geleyo. Waxaanan abuuray koox soo qorshaysa maamulka iyo maaraynta ololaha. Prof. Ridwaan Maxamed Cismaan, oo ahaa aqoonyahan baadhista iyo qoraalka ku xeeldheer, ayaan u xil saaray ururinta talada iyo dejinta qoraalka Istaraatiijiyadda Ololaha.

 

Hoggaanka Xisbiga iyo musharrixiinta oo 12|12|2016 shir la lahaa safaaradaha waddamada reer Galbeedka ee Nairobi ku yaalla, isla markaana kulan maamul oo is diyaarin ah ku yeeshay halkaa, ayaan ugu soo bandhigay xogtii iyo qabyo-qoraalkii ugu horreeyay ee Qorshaha Ololaha (Waddani Campaign Strategy), taas oo aannu ugu horraynba diiradda ku saarnay wararkii saadaalinta codadka iyo heerarka la kala joogo. Waxay naga ahayd si fekrad looga qaato oo keliya, xogtana waxaa diyaariyay qaar ka mid ah hay’adaha madaxa bannaan oo si lamafilaan ah nagu soo gashay. Waxa aanay kala maraysay taageerada xisbiyadu xiligaa [Dec 2016]:

Kulmiye. 44.40%
Waddani. 29.30%
Ucid. 12.00%
Cidna. 11.40%

 

Waxay u muuqatay in si laxaad leh na looga horreeyo in kasta oo dadku si ugu wada qanacsanayn, haddana werwer ayaa igu jiray ah in xisbiga Kulmiye haysto jaanisyo badan, iyadoo haddana ay jirtay fursado noo saamaxayay in aan ka adkaanno. Waxaannu isla qaadannay dedaal iyo qorshaha oo aannu soo dhammaystiro. Waxaan mar labaad u gudbiyay musharraxa nuqulkii qorshaha kaambaynka oo dhammaystiran, wixii isaga ku xidhnaa mooyaane.

 

Waxaan ololaha u soo jeediyay in loo magacaabo wiil dhalliyaro ah oo aqoonyahan ah. Waxa la isla qaatay in magaca ololuhu noqdo Waddani 2017, iyadoo halkudhigguna ahaanayo Rejada Shacabka. Calaamadda ololuhu waxay ahayd Giraan wareegsan oo gacmo is haysta ka samaysan. Sidoo kale waxaan maamulka ololaha u qorshaynay in uu noqdo heer qaran, heer aag (Zone), heer gobol, heer degmo iyo heerka goobta codbixinta, iyadoo ay jirayaan shaqaale 10,000 gaadhayay oo aannu ugu talo galnay in ay codbixiyayaasha u gaadhaan guri-guri, iyadoo tabo iyo farsamooyin la isticmaalayo. Dhaqaalihii aannu oddorosnay ee ahaa toban milyan oo Dollar, waxaa la helay qiyaas ahaan 60% oo u dhigmayey lix milyan oo Dollar. Iyadoo aannu samaynay qorshihii isticmaalka maaliyadda (resource planning). Ololaha sidiisa ayaa buug looga qori karaa balse waxaan ka soo qaadanayaa tusmo kooban.

 

Istaraatiijiyadda Ololaha waxaa ka mid ahaa yoolka codka aannu higsanayno oo ahaa 50% ilaa 60% ee inta codaysa. Oddoroska cododka ee guud ee la filayey oo ahaa 75% ilaa 85%, iyo tirada gobollada iyo degmooyinka aannu qorshaynay mid kasta in laga helo, inta badani sidii aannu filaynay ayay u

 

dhacday, marka laga reebo meelo wax iska beddeleen, khaladaadkii aannu samaynay iyo meelo aannu aaminsannahay in wax-isdabamarini ka dhacday. Waxay ahayd 21|10|2017, markii ay Somaliland ka bilaabmeen maalmihii ololaha ee doorashada madaxtooyada ee 13|Nov|2017 loo sharciyeeyay in ay xisbiyadu ku soo bandhigaan barnaamijyada siyaasadeed iyo farsamooyinka ay bulshada ku kasbanayaan. Xisbi kastaa wuxuu lahaa 7 maalmood oo talantaalli ah oo saddexda xisbi ka bilaabayaan saddex maalmood oo isku xiga ilaa dhammaadkana ku wadayaan. Waxaa loo kala horreeyay Ucid, Kulmiye iyo Waddani. Komishinka oo siidhiga u hayay, ayaa xisbiyada ku wargeliyay in subaxa Sabtida uu ololihii bilaabmay. Waa la isku fasaxay.

 

Waddani ahaan waxaannu haysannay fursad fiican, maadaama oo labada xisbi ee kale nooga horraynayeen isusoobaxyada, annagoo barnaamijkii noo qorshaysnaa sii daynayna ayaannu haddana ka faa’idaysanaynay khaladaadkooda, oo wixii ay soo dhigaanba xagga kale u dhigaynay.  Kulmiye oo ahaa xisbiga loollanka xooggani noo dhexeeyay, waxaa ka mid ahaa khaladaadkiisa in ololihiisa ay saldhig u ahayd labo reer oo uu taageedooda si weyn u rejaynayey oo loogu yeedhi jiray Jeegaanta. Waxaannu daba qaadnay qabyaaladdii oo tooshka ku ifinnay. Halka ay annaga olalahayga saldhig u ahayd Giraan oo aannu ku metelaynay degaannadii oo dhan oo gacmaha is haysta. Hadalka la is odhanayay wuu badnaa, balse ma doonayo hadallo xanaf iyo xagtin lahaa in aan soo naqliyo. Waxaan u arkaa in aan wax faa’ido ahi ku jirin.

 

Waxaa la soo gaadhay 23|Nov|2017, oo ahayd maalintii aannu ololaha u lahayn. Waxaannu madaxdii si qorshaysan ugu qaybinnay gobollada dalka, annagoo farriinta ololaha ee xisbiga u daynay in uu musharruxu gudbiyo. Balse waxaannu la xoojinaynay maalinba qodobka bartilmaameedka noo ah in koox waliba gobolka ay joogto ay ku lafaguraan, wixii kale ee degaankaa la joogo khuseeyana wixii siyaasad ahaan nooga qorshaysan aann u usoo bandhigno. Musharraxu wuxuu maalintii koowaad ka hadlayey caasimadda dalka, waxaan aniguna ku qornaa Ceerigaabo. Waxaan guure ku soo galay abbaara 3-dii habeennimo. Waxaa buuxdhaafay garoonkii xorriyadda iyadoo aan 8:00 am la gaadhin! Weftigayagii iyo madaxdtii gobolka ee xisbiga waannu soo galnay, iyadoo dadku si xamaasad leh noo soo sugayeen oo noo soo dhoweeyeen. Halkaana waxaannu uga jeedinnay khudbadihii noo qorshaysnaa.

 

Waxaannu isu waydaarannay oo safarro galaabixinay gobollada iyo degmooyinka dalka ilaa maalintii u danbaysay oo aan ku soo gebagebeeyay magaalo-madaxda gobolka Togdheer, oo aan maalintaana khudbaddii ku soo qaatay dardaaran nuxurkiisu ahaa in aan dhiirrigeliyo taageerayaasha Waddani, komishinka u dardaarmo caddaalad, bulshadana aan xasuusiyo in ay tahay doorasho oo ciddii Ilaahay u qoray uun helayso, balse shayga ugu muhiimsan, guusha ugu ballaadhani ahina uu yahay ilaashiga nabadgelyada iyo qarannimada.

 

Doorashadii way soo gebagebowday, waxaana la gudogalay tirintii cododka. Habeennimadiiba waxaa dhibaato weyni naga soo gadhay barnaamijkii isugaynta iyo tirinta cododka (PVT system) oo naga caddilmay, oo sidii aannu doonaynay u shaqayn waayay. Waxay xogtu igu soo gaadhay in ay is weydaarteen hannaankii muraaqibiinta ee lagu diyaariyay iyo hannaan cusub oo aan lagu wargelin hawlwadeennadii, oo cillad farsamo dhacday. Waxaa qorshahaygu ahaa in aan natiijada doorashada soo saaro inta aannu komishinku ku dhawaaqin. Waxay ahayd si aannu u ogaanno wixii aannu helay ee xaqiiqada ahaa, annagoo isticmaalaynay xogtii muraaqibiintayadu na soo siiyeen ee goobta tirinta codadka ka soo baxday.

 

Waxaa ka mid ahaa meelaha dayaca weyni ka dhacay ilaalintii cododka oo hawlwadeennadii muraaqibiinta iyo maamuliddeediiba hoosudhac weyni ku yimi, xisibigii Kulmiye ee loollanka adagi naga dhexeeyay meelihii uu ugu taageerada badnaa, Maroodijeex iyo Saaxil ayaa muraaqibiintoodii gaabis ka yimi, qaarna aanay kaba soo xaadirin goobtii ama lala wareegay oo xisbigii kale u gacan galay. Halkaasina waa meelaha tuhunka weyni ka dhashay in wax-isdhaafini ka jirtay. Waxaan aaminsanahay in dhammaan gobolada hoos dhac filashadayadii ay ka jirtay, way se kala bandaayeen hoosudhaca taageero ee ku yimi. Si kasta wax ha u dhacaane, waxa la soo gaadhay gebagebadii tirinta cododka. Komishinkuna wuxuu isu diyaariyay in uu natiijada soo saaro.

 

Natiijadadii aannu qorshaynay ee filaynay waxay ahayd in codadka guud noqdaan, 75% oo la mid ah 523 999, waxaana ku soo baxay natiijadadii 79.4% oo la mid ah 555 142, qiyaastii tiradii guud ee codadka ee aannu filaynay iyo tii soo baxday aad ayay isugu dhowaayeen waxaa u dhexeeyay faraq ah 31

  1. Waxaana natiijadii lagu dhawaaqay noqotay in Kulmiye helo 305 909, halka xisbigaygii Waddani helay 226 092, Ucidna uu helay 23 141, halkaana la sheegay in guushii ku raacday Kulmiye.

 

Intii aan guusha Kulmiye loogu dhawaaqin ayay soo gashay suuqa in Kulmiye horreeyo, oo ay jirto wax-isdabamarin iyo doorashadii oo wax lays waydaariyay, kaaga darane waxaa suuqa laga soo helay ugu yaraan labo buug oo waraaqihii lagu codaynayay ah ku yaallaan, waxaana ka bilaabmay kacdoon taageerayaashii Waddani ka dib markii ay saxaafadda ka arkeen waraaqaha la helay saluugga madaxdii Komishinka noo joogtay ka muujiyeen natiijadii la sugayay. Sidoo kale muddaharaad aan cidi abaabulin ayaa is qabsaday magaalooyinkii waaweynaa ee Somaliland, oo dhimasho  iyo dhaawacba waa la soo sheegay. Madaxdayadii talo ayaa nagu caddaatay, canaan iyo hiifna taageerayaashii way noo soo jeediyeen. Waxaannu ku yaacnay komishinka oo kulan foodda isku darnay, markii labo maalmood aannu iskaga daba noqonnay, wax rejo ah oo soo socotaa nooma muuqan.

 

Subixii danbe ayaan gaar ula baxay, oo shir la qaatay, Dr Cabdiraxmaan Cirro oo xaalkiisu aad u murugsan yahay. Waxaanan go’aansaday noloshu waa taariikh e, in aan badheedhahayga u sheego. Waxaan ku idhi: “Guddoomiye, waxaynu qorshaynay oo aannu kula doonaynay in aad noqoto madaxweyne xaqiijiya himalada ummaddiisa oo dalkan horumariya, mideeya oo hagaajiya, balse ma muuqato oo codadkii si laxaad leh ayaa la inooga horreeyaa, ha la boobo ama si kale hala inooga bursado e. Waxay ila tahay in aanad dooran hoggaamiye dalkiisa burburiya.” Musharruxu runtii si deggan oo odaynimo ka muuqato ayuu iila qaatay. Waxa aannu yidhi “Waan arkaa sida xaal yahay e, dadka ila qanci.” Wuxuu isu diyaariyay in uu dadka la hadlo, waxa aannu soo saaray farriintiisii, iyadoo aan isla waafaqnay in aan aniguna hadlo oo jawiga qaboojiyo.

Habeennimadii ayaan waraysi bixiyay, iyadoo ujeeddadu tahay in aan jawiga dejiyo. Waxaan u sheegay hadallo kooban oo aan kaga jawaabay su’aalihii weriyaha iyo dareenkii bulshada, taas oo ay dhextaal u ahayd “Doorashadii maannu qaaddicin, oo waa annagii galnay. Natiijadii waynu sugaynaa wixii ka soo baxa, dalkana nabadgelyadiisa na looga biqi maayo annaga Waddani ahaan.” Waxa bilaabmay in dareenkii bulshadu si tartiib ah u soo debco. Waxaana galabnimadii danbe Komishinkii Doorashooyinku ku dhawaaqay natiijadii, oo sida aan kor ku xusay ku soo gebagebawday.

 

Halkaa markay marayso ayaannu isugu yeedhnay kaadirkii iyo madaxdii xisbiga Waddani si aannu go’aan loo dhan yahay u wada qaadanno. Dood dheer ayaa la galay oo qaadatay ilaa 5 saacadood. Ugu danbayn waxaa la isla waafaqay in natiijada doorashada la aqbalo, dalkana qas laga badbaadiyo. Waxaa khudbadii musharraxa u ahayd dhextaal hadal dhaxalgal ah:

 

“Waxaan qaatay maanta go’aan qadhaadh oo aan hubo in aannu farax gelinayn taageerayaasha xisbiga WADDANI, kaasi oo ah mid lagu badbaadinayo midnimada ummadda Somaliland iyo ammaanka qaranka. Umaan tanaasulin Muuse Biixi. Umaan tanaasulin KULMIYE. Waxaan u tanaasulay nabadda, wadajirka iyo midnimada ummadda reer Somaliland.

“Waxaan go’aansaday in aan aqbalo natiijada la soo dhoobdhoobay, sidii uu hore u yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale ‘Gacantayda Somaliland ku burburi mayso’ , aniguna waxa aan leeyahay dalkayga damacayga u burburin maayo, dadkaygana dhiiggooda u daadin maayo.”

 

 

 

Wakhtigii Muxaafidka.

 

Muxaafadnimadu macnaheedu ma aha nacamlayn iyo waxyaalaha hadda loogu yeedho guulwadayn. Muxaafadnimadu ma aha in aad madaxda dawladda iyo madaxweynaha ka qosliso ama uga sheekayso wax ay ku farxaan. Sidoo kale ma aha inaad saxaafadda madaxda ka amaanto ama

 

mucaaradka ka caydo. Aslanba caydu siyaasadda ka mid ma aha ee waa akhlaaqxumo iyo wax dhaqanka wanaagsan ka baxsan.

 

Markaad tahay mas’uul heerarkiisa kala duwan, waxaa hubaal ah tuhun ayaa kula deris ah, haybadna waa lagugu maamuusay, wax aanad qabinna waa lagu saarayaa wax aanad ahayna waa lagaa dhigayaa oo lagugu amaanayaa. Dabcan waxaa dhacaysa in aad is difaacdo, waana suurta gal in aad xoog intii loo baahnaa ka badan u isticmaasho, saxna ma aha ee waxay u baahan tahay xikmad aad ku dheellitirto.

 

Nebi Maxamed SCW oo ah tusaalaha Islaamka halka ugu sarraysa qaar ka mid ah saxaabadiisii ayaa ku tuhmay in aannu u caddaalad samayn (Caddaalad samee maad caddaalad samayne), waanu ka shaafiyay oo ka daweeyay oo uga duceeyay tuhunkaa. Xilligii Abii Bakar qaar ayaa sekada diiday. Cumar sidoo kale isagoo khudbadaynaya ayaa qaar saxaabadii ka mid ah ku tuhmeen in uu caddaalad-darro sameeyay, oo ay hadalkii ka kala jareen oo yidhaahdeen xaggaad ka keentay marada dheeraadka ah. Waxa aannu uga shaafiyay si xikmad leh.

 

Waxaa dhici jirtay xilliyadii aan madaxtooyada ka shaqaynayay in dacaayado iyo been-abuur fara badan layga faafiyo. Waxaa ka mid ahaa toorray ayuu haystaa uu dad ku eryaday, oo xataa ay sawirkayga oo toorray sita ku faafiyeen saxaafadda. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Xirsi ayaa yidhi waxaan ahay 40 jir 40 milyan haysto; waana been oo maan odhan, afartan sannadoodna waa ka waynaa xilligaa, afartan milyanna ma haysto, lacagna kamaan tabcan xilkii dawladda aan hayay.

 

Xilliyadii aannu wax yar uun joogay madaxtooyada waxaa marar badan masuuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwani sheegeen madaxweynuhu xanuunsanayo. Arrintaasi may jirin. Waxa keliya ee ku soo kordhay wuxuu ahaa in aan xusuusta madaxweynuhu sideedii hore ahayn. Waxaana lagu jiraa dhismihii xukuumadda iyo kala wareegga labadii dawladeed ee isbeddelay (madaxweyne Riyaale iyo madaxweyne Silanyo). Filashada bulshadu ka qabtey Silanyo aad bay u sarraysay. Waxaan ku dedaalay in aan madaxweynaha u sii sheego kulamada ka hor cidda u imanaysa iyo waxa ay kala hadlayaan si uu qoraal ugu sii diyaarsado, sidoo kalana aan xasuusiyo wixii uu illaawo inta kulanka lagu jiro.

 

Marwada 1aad ayaa ahayd qof ku hawlan caafimaadka madaxweynaha iyo taageerada, tilmaanta iyo talooyinka ay iskula barbar taagayso odaygeeda si uu xilka u guto. Runtii waxay ahayd haweenay wax baratay ninkeedana ka danbaysa, annagana shaqada nagu ixtiraamta. Balse labadii sano u danbeeyay talada ayay ku soo dhowaatay.

 

Muddo ka dib waxaa mucaaradka iyo dad badan oo kala duwan ka soo baxay guux iyo markii dambe oo qaar badani xaaladda caafimaad ee

 

madaxweynaha uga hadleen si ku talaxtag ah. In kasta oo weliba madaxweyne Silanyo uu ahaa shakhsiyad aad bulshadu u ixtiraanto, maraxaladaha noocan ah waxaa laga mamaarmaan ahaa in aan difaaco madaxweynaha iyo dawladdiisaba, waayo waa shaqadii la ii igmaday. Marka labaad haddii madaxda dalka ugu sarraysa haybadda laga qaado oo dawladnimada la qaawiyo, dee waxba soo hadhi maayaan. Marka horana Somaliland dunidu ma aqoonsana, dawladnimadeediina si fiican weli uma hanaqaadin.

 

Waxaa dhacaysa in nidaamka aad ka mid tahay la dhaleeceeyo sax iyo khaladba. Dabcan waa shaqadaada in aad difaacdo. Waxaa se laga yaabaa in mar danbe aad ogaato in khalad jiray, oo waxaa la idinku eedaynayana cid idinka mid ahi samaysay. Way adag tahay in aad dib u soo fadhiisato saxaafadda, oo ka tidhaahdo maan ogayne qaar naga mid ah ayaa waxaa iyo waxaa sameeyay. Balse taa beddelkeeda. waxaa kula gudboon sixitaan xikmadaysan iyo in aad meeshii khaladku ka dhacay xalliso, oo jawaab u noqonaysa ujeeddadii muwaadinku dhibta ka tirsanayay.

 

Odayga weyn ee caanka ah Xaaji Cabdi Waraabe, oo lagu yaqaan in uu weligii ahaa darafu-dawle, ayaan kala kulmay khaslad iyo dabeecad aan la yaabay. Marka uu kaala hadlayo danaha qaranka, waxba kuu qarin maayo oo canaan iyo ceeb wixii aad leedahay indha ayuu kaa saarayaa, balse marka uu kaa baxo, wax jira iyo wax aan jirinba wuu ka difaacayaa dawladdaa.

 

Waxay ahayd horraantii sannadkii 2015 markii goor habeennimo ah aannu shir isugu nimo madaxweynaha, wasiirkii arrimaha gudaha ee xilligaa Warancade, wasiirkii arrimaha dibadda ee xilligaa, wasiirkii gaashaandhigga ee xilligaa Cadami, guddoomiyahii Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyo dhammaan taliyayaasha ciidamada kala duwan. Waxaa laga arrinsanayay muddaharaad ay ku dhawaaqeen xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo la soo tebiyay in rebshado weheliyaan.

 

Waxaa la falanqeeyey sidii arrintaa looga hortegi lahaa oo qofba dhinac iska taagay. Waxaa ka mid ahaa aragtiyaha iga yaabiyey, guddoomiye Muuse oo yidhi: “Hadal uun baa ka danbayn e, aan guddoomiye Cirro soo xidhno!” Xilligaa Cabdiraxmaan wuxuu isku hayey guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani. Waa la kala aamusay, cidi kuma raacin, waxaana aakhirkii arrintii loo xalilay si dhib yar. Garan maayo in ay ka ahayd ku-xumayn iyo in ay ka ra’yi uu wax ku xallilayo.

 

Dhacdooyinka siyaasadda ee xilliyadii mucaaradka iyo muxaafidku way badnaayeen. Wax kooban oo dul-ka-xaadis ah ayuun baan ka soo qaadayaa. Waxay ahayd horraantii sannadkii 2014 markii shir madaxweynaha lagu casuumay aan ka qaybgalay oo lagu qabtay magaalada Liverpool ee carriga Ingiriiska. Waxaa taagnaa maalmahaa dood ka socotay golaha Baarlamaanka ee Somaliland iyo mooshin ku saabsan in xeer hooska golaha wax laga

 

beddelo, oo awoodda iyo maamuuska labada gudoomiya-ku-xigeen, ka soo jeeday xisbi xaakimka, hoos loo dhigo.

 

Arrintan oo uu hor kacayay guddoomiyaha xubnaha mucaaradka ku ahaa xukuumaddii aan ka mid ahaa ee Silanyo, waxay ahayd tallaabo siyaasadeed oo si gaar ah u taabatay xukuumadda, una muuqatay in golihii lagaga adkaaday. Markii aannu isu nimi madaxweynaha oo gurigiisa London joogay, waxaa ka muuqatay mooralxumo, waxa aannu igu yidhi dalki iiga sii horree oo sii bax waad arkaysaa in golihii lala wareegaye. Waxaan u sheegay in aan bixi doonno marka aan shirka ka soo noqonno. Sidii ayaannu ku tagnay shirkii na laga sugayey ee Liverpool.

 

Markii khudbadda la iigu yeedhay waxaan ku talo galay in xiisaddii siyaasadeed taagnayd xilligaa aan wax ka idhaahdo, anigoo guddoomiyaha baarlamaanka u duur xulayana waxaan soo qaatay sheeko. “Berigii hore ciyaarta waxaa ka mid ahaa legdinta. Markaa, nin caano riyaad ka dhergay ayaa labadiisii xaas ku yidhi ila legdema, oo inta uu midba xag u daayay marba mid legday. Ka dibna wuxu u boqoolay magaalo, oo uu yidhi yaa ila legdamaya. Waxaa u soo baxay nin xoog badan oo intuu kor u qaaday beerka kaga degay. Ninkii caanaha riyaha ka dhergay ayaa sanka caano ka keenay. Qolada mucaaradka waxaan leeyahay, saaxadda siyaasadda waa isugu imanaynaa e. bal sanka caano ha ka keenina!” Xaqiiqo ahaana fadhigii koowaad ee golaha ayay xildhibaannadii xukuumadda oo aannu abaabulnay si laxaad leh guul uga soo hooyeen. Arrintiina waxay noqotay sheeko caan ah oo la odhan jiray Mooshinkii Caanaha Riyaha.

 

Arrimaha siyaasadda ayaa iska sidaas ah, oo marba labo miis isugu keena. Maalinta hore waxaannu miis ku wada tashanaynay Muuse Biixi oo ahaa guddoomiyaha Kulmiye, maantana waxaan miis wada joognaa Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha Waddani.

 

Wakhtigan aan muxaafidka ahaa waxaan ku dedaali jiray in aan shaqadayda ka adkaado, dadka runta u sheego, aan badiyo dhexgalka bulshada, ballamahana ilaaliyo iyo in aan xoogga saaro mashaariicda horumarka oo aan inta badan wax muuqanaya oo la taaban karo iyo dhaxal dalka uga tago. Dadkana waxaan ugu jeclaa dadka xaqaa’iqa suuqa ka jira ii sheega.

 

Shaqadii Farxadda badnayd.

 

Marka aad mas’uuliyad dawladeed bulshada u hayso, had iyo jeeraale dad dan kaa leh ama ay hiwaayadooda tahay in ay madaxda daba yaacaan. Oo agtaada ka buuxo oo jaanis kaaga inta badan kaa qaadaya. Waxaa kale oo jira qaar adiga kula waaweyn oo aad ixtiraam u hayso oo iyagana aad wakhtigaaga wax ka siiso. Balse waxa laga yaabaa in ay inta badan dayacmaan dadkii aad u baahnayd in aad u shaqayso oo ah danyarta, naafada iyo inta nugul. Waxa kale oo iyana jira dadkii shaqadu u baahnayd

 

oo meel ay kuu soo maraan waayay. Waad xanniban tahay oo waxaa ku xannibay dad magacyo waaweyn ama muraad shakhsi ah kaa leh.

 

Shaqadii iigu farxadda badnayd waxay ahayd mararka aan la kulmo dadkaa shaqada u baahan ee aan soo sheegay. Waa dad wax kasta oo aad u qabataa wax u tarayaan. Waa dad muuqaaga iyo dhexjooggaagu farxad u yahay. Waxaa la yidhaahdaa, had iyo jeer siyaasaddu waa wax dhaw oo maxalliya (Always politics is local), balse dhaxalka iyo madhaxu waa waxa dadka u baahan gaadha iyo waxa dalka u soo hadhaya. Waa hubaal oo dadka oo dhan mas’uul ayaad u tahay macaa kuwaa ku dabayaacaya iyo danaystaha, laakiin wixii midho fiican dadkaaga u leh ee mustaqbalka dalkaaga ku jiro ayaa muhiim ah in aad xoogga saarto.

 

Waxay ahaayeen maalmo si gaar ah iigu suntan markii aannu qorshaynay in aan agab waxbarasho, kombuyuuro iyo gaadiidka naafada ku qaybinno qaar ka mid ah gobollada dalka. Waxaa ka soo xaadiray dad naafo ka ah laxaadka kala duwan oo runtii qiiro ku qabanayso marka aad dhegaysato sida ay u fekerayaan, siday kuula garnaqsanayaan ee adeeggaaga u naawilayeen iyo qaarkood hanka ku jira. Mid yar oo dhegaha ka naafo ah ayaa yidhi “Wasiir haddii aydaan xaalkayga ogayn, oo na afgaranayn, annaga yaa noo wasiir ah?!” Qalbiga ayaan ka ooyay, waxaanan isku xejiyay ilmada. Waxay kulamadaasi igu reebeen xasuus. Waxaa kale oo runtii xusuus murugo leh iyo qiiro i qabataa marka aan suuqyada ku arko mawjadaha dadka waalan iyo xadiga xuskoodu maqanyahay, kuwaas oo aan lahayn daryeel u gaar, iyada oo aanaan ku guulaysan in aannu u samayno adeeg xiligii aannu xafiiska joognay. Wuxuu yidhi Axmed Keyse :

Dadkan waayuhu haysto Ee waxyeeladu gaadhay Ee waayey miyirkooda Ee habeenkii wareega

Ee agteena ka wiileh Debad bay wadhanyiine Horta yaa ka wakiil ah Dadkan waalidu taabtay Ee ka wiiqan lexaadka

Ee aan wax sheegan karaynin Wuxuu waalid awoodo Baahidoodu ka weyne

Waa xilkii wadareede Horta yaa ka wakiil ah.

 

Dhacdooyinkii shaqada iyo Xafiiska Gudihiisa

 

Intii aan xafiiska madaxtooyada joogay, waxyaabo badan ayaa i soo maray, gaar ahaantay, ama si guud noo soo wada maray. Dhacdooyinka aan ka xasuusto, ee xusitaanka mudan, ayaan qaybtan ku soo bandhigi doonaa.

 

#1

Madaxtooyadu waxaa madaxweynaha ku wehelinayay madaxweyna-ku- xigeenka Cabdiraxamaan Cabdillaahi Saylici. Waxaan marar badan dhibaato kala kulmi jiray iskuxidhka iyo u-kala-dabqaadka madaxweynaha iyo ku- xigeenka, ama waxa soo bixi jiray cabashooyin ka yimaadda madaxweyna- ku-xigeenka, taas ku saabsan wada shaqaynta aniga iyo isaga. Taas kuma aanan guulaysan sababahan soo socda dartood.

 

Ugu horrayn Somaliland madaxweyna-ku-xigeenka waxa dastuurku awood u siiyey saddex qodob oo kala ah: Ku-simidda xilka madaxweynaha marka uu madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko;
Gudashada hawlaha uu madaxweynuhu u igmado; iyo
qabashada xilka madaxweynannimo marka ay jagadu bannaanaato.

 

Marka labaad, In kasta oo labada oday ay ahaayeen saaxiibbo is ixtiraama, laakiin may jirin dhinaca madaxweyna-ku-xigeenka kasbasho iyo hannaan xodxodasho oo uu saaxiibkii ku qanciyey in uu shaqada qayb libaax ka siiyo. Sidoo kale madaxweynahu iima muujin rabitaanka shaqo-igmasho (Job delegation) wax dhaafsiisan intii uu u xil saaray madaxweyna-ku-xigeenka.

 

Marka saddexaadna, in kasta oo jireen shaqooyin madaxweynuhu u xil saaray madaxweya-ku-xigeenka, waxa baaxad badnayd shaqooyinka xafiiska madaxweynaha ka socda ee aan madaxweyna-ku-xigeenka loo igman, kuwaas oo uu jeclaa madaxweyna-ku-xigeenku in uu talo ku yeesho. Qawadka shaqo ee madaxweyna-ku-xigeenka iyo ismaandhaafka ka imanayey awoodihii madaxweynaha ee uu shaqooyinka iigu xilsaaraa, waxay ahayd halxidhaale siyaasadeed oo hawl badani iga soo gaadhay.

 

Maadaama oo aan joogay xafiiskii madaxweynaha, shaqooyin badana uu ii igmado waxaan isku deyey in aan xidhiidhkooda shaqo wanaajiyo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka warhelay in madaxweynu golihiisa wasiirrada isbeddel ku samaynayo. Ka dibna waxaan qorsheeyey in aan la socodsiiyo madaxweyna-ku-xigeenka. Markii aan u sharraxay sida wax u socdaan, wixii aan xog hayayna u faahfaahiyay, ayuu ii soo bandhigay qorshe u gaar ah oo waxyaalo badan uu kaga duwan yahay sidii madaxweynuhu qorsheeyay. Markii aan arkay in aad loo kala ra’yi duwan yahay oo meel fog la kala joogo, waxaa igu adkaatay in aan madaxweynihii u sheego halka madaxweyna-ku- xigeenku joogo. Sidoo kale waxaa ceeb igu ahayd in madaxweynuhu ogaado in aan xogtiisii la wadaagay cid kale. madaxweyna-ku-xigeenku muu ahayn qof shakhsiyad xun, balse wuxuu ahaa dadka wax ku dhega, ee ra’yigooda ku adkaysta inta badan. Ugu dambayn waxaan ku khasbanaaday in aan wixii intaa ka danbeeyay madaxweynaha ku koobnaado.

 

Marka aad tahay wasiirka madaxtooyada ama masuul madaxweynuhu xil u igmaday, waxaad amaawiirta shaqo ka qaadanaysaa madaxweynaha. Way qurux badan tahay in aad isku waddo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

 

Shaqadu waa meesheeda, laakiin waxaa muhiim ah in aad ilaaliso haybadda madaxweyna-ku-xigeenka. Intii aan shaqada ku jiray marnaba may dhicin wax yooyootan ah, ama af-xumo iyo qadaf ah oo iga gaadhay madaxweyna- ku-xigeen, in kasta oo aan ra’yiga ku kala duwanayn. Haddana wuxuu ka mid ahaa hawlaha xafiiska intii aan joogay i qabsaday ee maaraynta iiga baahday.

 

Madaxweyna-ku-xigeennimadu waa shaqo dhib badan oo u baahan isfahamka labada ruux ee isku xiga (madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa).  Dariiqa ugu wanaagsani waa in madaxweynaa-ku-xigeenku kasbado kalsoonida madaxweynaha, isla markaana uu saaxiibtinimo dhow la yeesho inta ku xeeran. Sidoo kale masuulka jooga kaalinta wasiirka, Chief Of staff, Chief of Cabinet ama agaasime ka ah madaxtooyada waxay uga baahan tahay hannaan uu ku maareeyo wadashaqaynta madaxweyna-ku-xigeenka.

 

#2

Sannadkii ugu horreeyey ee 2011 ee aannu xafiiska ku cusbayn ayaa waxaannu la kulmi jiray dhacdooyin ugub nagu ah. Waxaa maalin maalmaha ka mid ah noo yimi wefti Sucuudiga ka socda oo wata diyaarad khaas ah. Waxaa hoggaaminayey nin sheegtay in uu maamulo xafiiska mid ka mid ah amiirrada Sucuudiga iyo in uu yahay lataliyihiisa khaaska ah. Markii kulankii bilaabmay waxay noo sheegeen in ay u socdeen arrin khusaysa ganacsiga saliidda (Oil Industry), taas oo ay doonayaan in ay soo saaraan shidaalka ceedhin ee dhulka hoostiisa ku jira. Haddii loo oggolaadana in ay dhaqaale badan dalka soo gelin doonaan. Waannu soo dhoweynay, waxaana aannu waydiinnay qaabka ganacsi ee ay doonayaan in aannu u wada shaqayno iyo sida ay u fekerayaan. Waxay la soo baxeen warqado diyaarsan (MOU – Qoraalka Heshiis Is-faham), kaas oo sheegaya in dalka Somaliland guud ahaan wixii shidaal ku jira ay Jumlad kula wareegaan soo saaristiisa, isla markaana aan cid kale awood u lahayn shidaalbaadhis kale (Exclusive). Markii aannu soo bandhignay aragtidii darafkayaga, waxaa ka muuqatay in aanay wax gorgortan ah diyaar u ahayn. Sidoo kale waabay qariibsadeen nimankan masaakiinta ah ee barwaaqada loo soo bandhigay ee haddana rabitaankii amiirkooda ka gorgortamaya! Annaguna waxaannu ka yaabnay nimankan dalkayagii yimi ee doonaya heshiis aanay waxba naga waydiin in aannu u saxeexno. Dhexdayadii markii aannu is waydiinay waxaa noo soo baxay shaki ah in shidaalka Somaliland ku jira soo saaristiisa la doonayo in la xannibo, sidaa darteed waxaannu u sheegnay in aannaan ku qancin soojeedintooda. Isla markiiba diyaaraddii oo madaarka u fadhida ayay dib u raaceen.

 

Annagoo arrintaa la yaabban, ayaannu booqasho ku tagnay caasimadda Abu- Dabey ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Sidii hore si la mid ah ayay noo soo bandhigeen in aannu siinno qaybo (Blocks) ka mid ah dhulka shidaalku ku jiro ee Somaliland. Waxay nagu noqotay fajiciso dalalkii khaliijka ee shidaalka qaniga ku ahaa maxay dhulkeenna u doonayaan, haseyeeshee

 

waannu soo dhowaynay waxaana loo oggolaaday labo meelood in ay baadhaan (2 Blocks) muddo sannad ilaa labo sannadood ah. Waxaana wakhtigaasi dhammaaday iyaga oo aan wax baadhis ah ka samaynin dalka. Arrintan waxay nagu beertay dareen yaab leh, iyada oo sii xoojisay sheegashada Soomaalida ee odhanaysay in khaliijku aad uga werwersen yahay shidaal laga soo saaro geyiga Soomaalida guud ahaan. Taas oo abuuraysa shaki weyn oo ku wajahan in burburka geyiga Soomaalidu uu salka ku hayo hirdanka damacyo shisheeye iyo dawlado lacag haysta oo aan horuumar Soomaalida jeclayn.

#3

Qalinshubatadii Caalamka

 

Waxaan maqli jiray markii aan yaraa sheekooyin laga sheekeeyo oo la odhan jiray qalinshubato, taas oo macnaheedu ahaa dad bulshada ku samayn jiray indhasarcaad oo qofka lacagta uu sito uga furan jiray qaab xirfadaysan oo ay lacagtiisii waraaqo cadcad ugu beddelayaan. Run ahaantii ma garan karo qaabka ay qofka u furanayaan iyo waxa ay u adeegsanayaan, laakiin waxay arrintani caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho ka ahayd arrin caan ah. Tiradooda lama soo koobi karo dadka qaabkaa loo dhacay, walow aanay aniga igu dhicin xilligaa.

Markii uu muddo kooban oo sannad ka yar joogay madaxweynuhu xukunka, ayuu safar shaqo ugu baxay dalka Ingiriiska. Annaga oo maalin iyo labo joognay ayaa waxa ila soo hadlay qof ka soo hadlaya dalka Austria. wuxuuna ii sheegay in uu hayo shirkad weyn oo Yurubiyaan ah oo dawladaha soo koraya ka caawisa arrimaha horumarka isla markaana doonaysa in ay Somaliland timaaddo. Waxaan ugu jawaabay cid kasta oo dalkayaga wax taraysa ama maalgashanaysa waannu soo dhawaynaynaa. Wuxuu yidhi waxay maqleen madaxdii ugu sarraysay in aad joogto London, markaa  waxay doonayaan in ay halkaa idiin ku yimaaddaan. Waxaan ku idhi Wasiirka khaarajiga ayaan kuu gudbinayaa ee ha kula eego haddii kulankaasi suurtagal yahay. Waxaan ku wareejiyay wasiirkii arrimaha debadda ee xilligaa, Maxamed Cabdillaahi. Wax kooban ayay is yidhaahdeen, waxaanay u sheegeen in ay diyaarad khaas ah soo qaadanayaan oo u soo baxayaan London.

 

Waxay noogu yimaaddeen badhtamaha London, Sofitel Hotel oo aannu degganayn ballamana nooga socdeen. Iyadoo kulamada hawluhu nagu badnaayeen ayaannu wakhti siinnay oo la fadhiisannay saddex nin oo mid Soomaali yahay, labada kalana ay caddaan yihiin. Waxay noo dhiibeen Business Card-koodii kulankiina wuu noo bilawday. Waxay sheegeen in ay ka socdaan shirkad. Ujeeddada safkooduna waxay ku sheegeen in ay doonayaa in ay Somaliland yimaaddaan oo ay caawiyaan.

 

Madaxweynihii wuu soo dhoweeyay waxa aannu u sheegay in diyaar loo yahay wixii ay tarayaan dalka Somaliland iyo wixii ay la qabsanayaanba. Waxay yidhaahdeen waxaannu haynaa illaa labo boqol oo milyan oo Dollar

 

oo aannu doonayno in aannu Somaliland ku caawinno, balse waxaa la idiinka baahan yahay in aad soo shubtaan lacag afartan milyan ah si aad lacagtaa u heshaan. Madaxweynihii wuxuu ku yidhi adeer annagu dawlad yar oo faqiir ah ayaannu nahay oo ma hayno lacagtaas e, lacagtan aad na siinaysaan ee labada boqol ah ka goosta afartanka oo na siiya baaqiga. Nimankii intay hadalkii soo gaabiyeen ayay kaceen. Ma hubo in ay ballan danbe noo sheegeen, balse markii aannu is waydiinnay waxaan ku idhi madaxweynaha iyo wasiirka waxaan u malaynayaa in ay yihiin qalinshubatadii Xamar lagu sheegi jiray oo caddaan ah. Aad ayaa loogu qoslay, waana la isla qaatay in ay qalinshubato ahaayeen.

 

Mar labaad ayuu wasiirka macdantu xafiiska madaxtooyada noogu keenay nin waayeel ah oo caddaan ah, kaas oo sheegtay in uu ka soo jeedo asal ahaan waddanka Israa’iil, laakiin uu sito jinsiyad Kanediyaan ah. Waxaa la socota gabadh meel dhexaad ah oo iyaduna caddaan ah. Ninkii wuxuu ka warramay taariikhdiisii oo aanan hadda wada xusuusan, balse waxa uu ujeeddada socodkiisa ku sheegay in uu doonayo in uu naga caawiyo arrimaha ictiraafraadinta. Wuxuu sheegay in uu bil gudaheed ku keenayo aqoonsiga Somaliland doonayso, isaga oo sheegay in uu ka soo dhammaynayo dawladda Ruushka aqoonsi buuxa, taas oo ay ka wada socdaan dawladda Maraykanka gaar ahaan xarunta difaaca ee Batigonka. Ugu danbayna wuxuu codsaday in ay raacaan labo wasiir. Waxay Nairobi isu raaceen wasiirka macdanta iyo Baashe Cawil iyada oo uu halkaa kaga sii horreeyey wasiirkii arrimaha debaddu.

 

Markii kulankii ugu horreeyay ay foodda is geliyeen labadii wasiir, Baashe iyo odaygii gadhwadeenka ahaa, odaygii wuxuu dalbaday lacag afar milyan oo Dollar ah in loo shubo iyo goobo shidaal (oil blocks) in ay saxeexaan. Qoladii reer Somaliland hareeraha ayuun bay eegeen, oo aayar ayay iskaga soo baxeen Hotel-kii. Way nala soo hadleen oo waxay noo sheegeen in uu ninkii noqday qalinshubato. Markaa ogow qalinshubatadii Xamar qurbaha ayay iminka joogaan waxaana u calaamad ah ballanqaadyo waaweyn iyo dalabaad macquuliyaadka ka fog.

 

#4

Waxay ahayd May 2012, markii na loo sheegay in malayshiyo isu urursanayaan in ay weeraraan xerada ciidamada mileteriga ee Wershadda Kabka, ee ku taalla bariga magaalada Hargeysa. Waxay nagu ahayd lamafilaan. Wasiirkii Kaluumaysiga, Cabdillaahi Geeljire ayaan arrintii wadaagnay oo ka sheekaysannay annagoo raadinayna xogta dhabta ah, isla markaana wuxuu wasiirku uga hawlgalay si hawl karnimo leh. Laakiin ismay taagin arrintii. Waxaa noo yimi odayaashii degaanka, oo noo sheegay in xiligii Siyaad Barre qoys beertoodii laga qaaday oo xerada ay qayb ka tahay ay wakhtigan doonayaan dhulkii, iyaguna ergo u yihiin in la siiyo xerada. Waxay ahayd wax af ka weyn xerada ciidanka, oo ah meelaha shicibka ka

 

caaggan, in ay doonayaan oo weliba isku deyayaan in ay xoog kula wareegaan.

 

Gar iyo gardarro, duruuf kasta oo soo korodha, waxaad ku khasban tahay in aad maarayso oo ku daydo xal siyaasadeed inta aanay xoog iyo xabbad la isku muquuniyo gaadhin. Waxay se arrintani muujinaysaa sida aanu dadku ugu carbisnayn dawladnimada iyo raacista sharciga, marka ciidanka qolabka sida, ee shaqadooduba tahay dagaal iyo xabbad, qori lagala hortago. Markii aannu cabbaar wada hadalnay odayadii, madaxweyne ku xigeenka iyo tiro wasiirro ah ayaannu meeshii ku booqannay, oo raacnay odayaashii bal si aannu u eegno in ay tahay wax maangal ah waxa ay ka hadlayaan. Markii aannu meeshii tagnay waxay noqotay xerada ciidan badhtankeedii. Markii aannu ka bogannay kormeerkii, ayaannu odayadii kula balannay xafiiskii madaxtooyada, oo aannu ballan u qabannay 10:00 subaxnimo, haseyeeshee markii aannu ka dhaqaaqnay ayaa abaabul la galay.

 

Subaxii, abbaaro 5:30 ayaan maqlay rasaas agagaarkii ka dhacaysa. Si degdeg ah ayaan u lebbistay oo u baxay dhinacii xerada. Wasiirka daakhiliga ee xilligaa, Maxamed Duur, oo aan gurigiisu ka fogayn meesha xeradu tahay, ayaan u tegay. Sidoo kale waxaannu is helnay Geeljire, oo isna arrinta maqlay. Labadii wasiir ayaan is raacnay, oo meeshii wax ka dhacayeen ayaan tagnay. Intaa waxaannu isku deyaynay in aannu baajinno dagaal iyo khasaare yimaadda. Waxaa isaguna hawl aan yarayn ka galay xildhibaan Timacadde, oo nimankii malayshiyada ahaa oo rasaas ku soo riday ciidanka isku deyay in uu xal ka raadiyo, balse ugu danbayn isagii ayaabay nabarro u geysteen. Wax yar uun ka dibna waxaa na soo galay gulufkii weerarka ahaa, waxaanay bilaabeen rasaas aan loo miidaan deyayn. Markii xaaladdii dhabaqday, meeshii waan ka baxnay, oo waxa aannu tagnay xerada Taraafigga oo aan meesha ka fogayn. Ciidankii Qaranku waxay galeen difaac adag, wakhti kooban ka dibna way qabqabteen malayshiyada badankeedii, wixii firxaday mooyaane, iyadoo khasaare dhimasho iyo dhaawac lihi labada dhinacba soo kala gaadhay.

 

Waxay ahayd nasiibdarro weyn in aannu baajin kari weynay dhimashada dadkayaga, balse dedaal lamaannu hadhin. Ciidamadu waxay leeyihiin hannaankooda u gaarka ah, waxana isla galabnimadii aannu ku warhelnay xukun ay maxkamadda mileterigu ku ridday 23 xubnood oo malayshiyadii ka mid ah, kuwaas oo ay dil iyo xadhig dheer ay ku qaadday. Waxaa se dhaqamada wanaagsan ee reer Somaliland ka mid ah, madax-dhaqameedkii beesha oo uu hor kacayay Suldaan Yuusuf Xiiray ayaa la hadlay dadkoodii, dejiyay xaaladdii, dawladdana ku ayiday tallaabada ay qaadday iyaga oo garawshiyo iyo xaalna ka bixiyay weerarka aan laga fiirsan ee lagu qaaday xerada ciidamada qaranka.

 

#5

 

Waxay ahayd, October 2014, abbaarro lixdii ilaa toddobadii subaxnimo. Waxaanu joognaa meel aan ka fogayn istabta bariga ee Hargeysa, qiyaas ahaan waxaanu u jiraa ilaa 1Km. Waxaannu wadannaa labo gaadhi, waa aniga iyo xoghayihii dawladda hoose ee wakhtigaa, Mawliid Weris. Waxaannu u joognaa waddada Hargeysa iyo Berbera u dhexaysa oo la samaynayo, oo aannu olole ugu jirnay hirgelinta iyo dhiirrigelinta ilaa ay magaalada soo dhex marto oo u dhaafta dhinaca Gebilay.

 

Waddadu waxay ka xidhan tahay labada dhinac, waxaana yaalla calaamadaha muujinaya in la samaynayo. Injineerradii iyo shaqaalihii waxay ku mashquulsan yihiin waddada dhexdeeda. Mar keliya ayaa waxaa na soo galay gaadhi xamuul ah oo ah nooca jaadka qaada, kaas oo ku soconayay xawaare aad u sarreeya. Labadii askari ee gaadhka ahaa ayaa gacanta u taagay, iyaga oo doonaya in ay ka joojiyaan meesha la samaynayo, balse isuma taagin ee xoog ayuu ku dhaafay. Mid ka mid ah ayaa xabbad kor u riday si uu u joojiyo. Cabbaar markii uu taraaray ayuu istaagay gaadhigii, waxaanu filaynay in ay cudurdaaranayaan oo aanay arkeen, haseyeeshee waxaa ka soo degay ilaa afar nin oo budhadh iyo bakoorado la yaacaya, kuwaas oo ku qamaamaya labadii askari. Askartiina difaac ayay galeen, oo qoryihii ayay diyaarsadeed. Nimankii isma taagin, ee waxaa hore loogu socday oo budhadhkii lagu waabwaabiyey askartii! Waxaa weerar ah ninka shicibka ah ee budhka sita, askarigii qoriga haystayna dib ayuu u guranayaa oo difaac ayuu ku jiraa; waa yaab! Markii aan arkay meesha xaal marayo, ayaan u soo dhaqaaqay dhinacoodii, oo aan isku deyay bal in aan la hadlo oo u caqli celiyo, balse isma taagin ee waxay ku qaatan yihiin askarta qoryaha sidata in ay la dagaalamaan!

 

Waxay ila noqotay in aan askariga dhiirrigeliyo, oo dawladnimada u hiiliyo mar haddii laga haybadaysan waayey. Waxaan ku idhi nimankii “waar ma waxaa laydinka hayaa askarta dirayska ku lebbisan ee qoriga sidata, kibirkaaga tudhaalaha askariga ayaa dhiirrigeliyay.” Askartiina waxaan amar ku siiyay haddii ay tallaabo danbe hore u soo qaadaan toogta, sidoo kale darawalladii gaadiidka noo wadayna waxaan ku amray in ay gaadhiga xamuulka ah labada dhinac gawaadhida kaga gooyaan, isla markaana taayirada naqaska ka sii daayaan. Intaa markii aan amar ku bixiyay, aniga oo aad u cadhaysan ayaan telefoon u diray booliska oo ka dalbaday gurmad degdeg ah in ay noo soo diraan ciidanka Istabta ee nagu dhaw, anigoo u sharraxay xaaladdii jirtay.

 

Markii ay arkeen in xaaladdii is beddeshay, isla markaana askartii dib uga guranayey ku soo dhiirratay ee ay hore ugu soo socdeen, ayay daadiyaan wixii farolaab ay haysteen ee budhadh iyo bakoorado ahaa. Isla markiiba booliskiina waa na soo gaadhay. Ileen nin caleen sita iyo qofka mukhaadaraadka ka ganacsada ayaa dadka ugu nugul! Waxay nagu bilaaabeen baryo iyo calaacal ‘qaadkaa qalalaya’ iyo ergo! Waxaa se yaab leh,

 

in ilaa xadkaa lagu soo dhiirrado dawladnimadii, ninka shicibka ahi ciidankii ilaalinayay sidaa ula dhaqmo, waxaanay muujinaysaa heerka fahamka bulshada ee dawladnimada iyo dhaqan soomaaliga iyo debecsanaanta maamulku in uu wiiqi karo kala danbaynta iyo guud ahaanba dawladnimada.

 

#6

 

Waxay ahayd habeen habeennada ka mid ah markii aannu shir isugu nimi madaxweynaha iyo qaar ka mid ah xubnihii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Mid ka mid ah ayaa soo jeediyey in Faysal Cali Waraabe laga reebo guddida wadahadallada, isaga oo eedaymo u soo jeedinaya. Anigu waxaan jeclaa in labada xisbi mucaaradba nagala qayb qaataan, balse waxaa saddex xubnood oo kale isku raaceen in laga reebo. Go’aankiina sidii ayaa lagu qaatay. Markii shirkii dhammaaday ayaa ninkii fekradda soo jeediyay telefoon u diray oo ku yidhi: Faysal shirkaa waa lagaa reebay! Galabnimadii danbe ayuun baan isku soo baxnay Faysal oo cadhaysan oo hadallo kulul igu boobay. Markii hore waxaan is idhi deji, balse aad ayuu u kacsanaa gudgoomiyuhu. Ugu danbayntii wuxuu ka hadlay warbaahinta isaga oo dhaleecayn iyo maag igu wajahan ka hadlaya, aniguna waan u jawaabay.

 

Muddo ayaannu saxaafadda hadallo dhiif leh isku waydaarsanaynay, laakiin ugu danbayn Faysal wuxuu ogaaday sidii wax u jireen iyo in ninka u soo warramay yahay ninkii soo jeediyay in Faysal shirka laga reebo. Kulan denbe oo aannu ku yeelannay ayuu Faysal garawshiiyo iga siiyay, balse waxaa labadayadaba layaab nagu noqotay in dad masuuliyiin ahi siyaasad ka dhigtaan sidatan oo u shaqaystaan, ileen “waxaad ceebta u taqaan rag bay camalkiisa tahay!” Haddii aad masuuliyad haysana, wax kastaa way kaa soo marayaan oo dhibaato aanad gaysan ayaad mararka qaar dhibbane u noqonaysaa.

 

#7

 

Waxay ahayd 6:00 subaxnimo, markii aniga oo markaa shaqada soo galay uu telefoon ii soo diray Cismaan Awrliqe oo shaqaalaha madaxtooyada ka tirsanaa, isla markaana ii sheegay dhacdo naxdin badan oo ka dhacday magaalada Agabar ee hoos timaadda Gebilay, taas oo labo gaadhi oo ka tallaabayay dooxa daad ku qaaday 13 qof oo dadkii saarnaa ka mid ahina ay dhinteen, maydkii iyo dhaawiciina meeshii yaallo. Aniga oo naxsan ayaan jahadii wax ka dhaceen u dhaqaaqay, ilama socoto cid aan ahayn darawalka iyo labo askari oo gaadh ah. Intii aannu sii soconnay ayaan isa soo gaadhnay wasiir Samsam Cabdi Aadan, wasiirkii maaliyadda, oo iyana qaylo dhaanta maqashay. Waxaa iyaduna na soo gaadhay wasiir ku xigeenkii caafimaadka, Nimco Qawdhan. Muddo saacad iyo waxoogaa ah ka dib ayaannu meeshii gaadhnay. Waxaannu la kulannay mashaqo ballaadhan iyo maydkii oo wadhan, qaarna gawaadhidii oo dooxa ku jirtaa ay ku jiifto maydkoodii.

 

Waxaa isugu yimi meesha ummad badan, qaylada iyo baroorta dadka dadkoodii waayay, waxaa ka muuqata murugo iyo jaahwereer, nidaam iyo qof qof dhegaysanayaa ma jiro ee waa fawdo. Annaguna ma wadano qalab ama gaadiidkii cuslaa sida cagafyo iyo wiishash, sidoo kale ma sidanno, meeshana ma yaallo, codbaahiye (Microphone and speekers) dadka lagula hadlo oo warka lagu gaadhsiiyo oo shaqada lagu jeheeyo. Waxay noqotay meel aan derajadaadu waxba ka tarayn, oo amarkaaga cidina maqlayn lana tixgelinayn mashaqada jirta iyo dhibta meesha ka taagan darteed. Waxaa ka sii daran dadkii ayaa na lagu soo jeediyay oo lagu yidhi waxba idiin qaban maayaan, ee way iska noqonayaan oo maydka yaalla ayay qaadayaan, oo qaar ayaaba na maagaya oo leh maxaad naga soo doonteen. Waxay kuugu daran tahay adiga oo masuul ah oo soo gurmaday marka aad waxba qaban kari weydo, ilmada ayaa indhahayga ku soo taagan, waxa aannu ku sigannay in aannu oohinta isku darno oo baroor miciinsano! Markii aannu cabbaar qaskii ku sugnayn, ayaannu markii danbe askartii na ilaalinaysay meel isugu keenay oo wixii mayd yaallay khasab gawaadhida ku saarnay, oo Hargeysa u dirnay, dadkiina hannaan qorshaysan u gelinnay meeshii gaadiidku ku aasnaa si loo qodo, anaguna la galnay oo la qodnay. Markii ay arkeen in aannu meeshiina la qodayno, maydadkiina qorshe lagu qaado u samaynay, ayaa dadkii degay. Waxaa noogu dhacay qorraxdii, oo makhribkii ayaannu ka soo saarnay dooxa maydkii ugu danbeeyay. In kasta oo mararka qaar aanay kugu simayn, haddana marka aad masuul tahay ee mashaqo dhacdo waa muhiim in aanad caaddifad ku gurman ee aad bulshada qorshe ula tagto si aanad ula mid noqon shicibka.

 

#8

 

Dedaalladii aannu ku jirnay xilligii xafiiska, kumay koobnayn hawlaha xukuumadda oo keliya ee waxaa ka mid ahaa, markii doorashadii dawladaha hoose ee 2012 uu ka hadhay Xisbigii weynaa ee UDUB, sababo khilaaf dhexdooda awgood, waxaan wadahadal la bilaabay qaar ka mid ah xubnihii kaadirka xisbiga, gaar ahaan intii markaa la socotay madaxweyne ku xigeenkii hore ,Axmed Yuusuf Yaasiin, ama ku bohoobay inay dhisaan Jamaal Cali Xuseen, oo ka mid ahaa xubnihii u tartamayey inay hoggaanka xisbiga noqdaan. Waxaan shirar la yeeshay dhawr iyo toban xubnood oo markii aan is fahannayna aan madaxweynaha isu keenay. Waxaa ka mid ahaa Maxamed Qaasim, Abiib Filfil, Xasan Daahir Dhinbiil, Maxamed Cabdi Daauud, Cali Yufle, iyo qaar kale oo badan. Waxaanan ku heshiinnay in ay ku la midoobaan oo xubno iyo madaxba ka noqdaan xisbigii Kulmiye, sidoo kale dawladda oo ay markaa xiisaynayeen in xilal ka helaan ku soo dhoweynay qofba wixii nasiibkiisu uu ka siiyo. Markii aan faham guud isla qaadannay ayaan isu geeyey gudoomiyhii Kulmiye ee xilligaa, Muuse Biixi, si uu ay  wixii gorgortan ah ee khuseeya xisbiga ula yeeshaan, halkaas ayaana lagu heshiiyey oo ay xisbigii kaga mid noqdeen.

 

Sidaa mid la mid ah, markii ay soo baxeen saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, wixii ururro ahaa ee dhacay dhammaantood waxaan geliyay tacab iyo dedaal iyada oo sidii aan qoraallada hore ku soo sheegay aan hoggaankii Xaqsoor guriga ku booqday, wadahadalna aannu la furnay, oo markii danbena intii badnayd ee masuuliyiinta Xaqsoor iyo taageerayaashiiba ay Kulmiye ula midoobeen. Taa mid la mid ah ayaan labadii xubnood ee kala hoggaaminayay ururradii Rays iyo Dalsan iyagana aan guryahooda ugu tegay oo wadahadal la soo bilaabay, markii aan hawlahoodii isla soo dhoweeyayna waxaan isu keenay madaxweyanaha oo la dhammaystiray is fahamkii wixii ay ka dalbadeen. Markii danbena waxaanu ugu yeedhnay guddoomiye Muuse oo la dhammaystiray heshiiskii. Halkaas ayaanay kula midoobeen Kulmiye, oo ku noqday xisbigii ugu ballaadhnaa xisbiyada Somaliland. Markaa in kasta oo aan siyaasadda ku kala duwanayn hoggaanka xisbiga, madaxweynahana ay isku dhaceen xilliyada qaarkood aad loo kala fogaa, haddana xukuumad ahaan kamaanu cidlayn kaalintii dhismaha xisbiga ee inta badan madaxweyne Siilaanyo iyo intii ka ag dhoweyd waxaan cayaarta ka cayaaraynay xagga danbe. Waxaanay ka mid tahay falsafadda hoggaaminta, oo waxaa la yidhaahdaa: “Lead from the back”, oo macnaheedu yahay, “xagga danbe ka hag.”

 

#9

 

Siyaasiyiinta Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan kuwa Somaliland, waxa ku badan harawsiga siyaasadeed iyo hadallo ay dadka iskaga diraan. Waa dhacdooyin si maalinlaha ah laga yaabo in aad uga la kulantid siyaasi mashquulsan, ama duruufo uu keligii garanayo dartood aan diyaar u hayan in uu kula shaqeeyo, oo dabadeed uu hadallo dulucdoodu yahay in uu iska kaa diro iyo halxidhaale uu kuu diro.

 

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa ii yimi mid ka mid ah Salaadinta Somaliland. Wuxuu ii sheegay in ay madaxtooyada ku ballansanaayeen, Maxamed Kaahin, oo ka mid ah ragga ugu waaweyn siyaasiyiinta Somaliland. Waxay u ballansanaayeen in uu xukuumadda kala dhammeeyo mashaariic ahaa horumarka bulshada, oo u doonayey degaankiisa, waxa aanu filayey in odaygan siyaasiga ahi madaxtooyada uga soo horreeyo oo wuxuu u qabay tuhun weyn. Wuxuu garaacay telefoonkiisii, wuu ka qabtay oo hadalba kama sugine markiiba wuxuu ku boobay: suldaan madaxtooyadii maanta waa xidhan tahay oo wefti caddaan ah ayaa yimi oo madaxweynihii jaanis ma laha ee anigaa kula soo hadlaya! Suldaankii wuu naxay marna cadhooday, isaga oo telefoonkii si degdeg ah u dhigay, markaa ayuu igu soo jeestay oo yidhi “waar maxaanu samaynaa bal kii dadkaba ugu weynaa ee aan isla Xirsi iyo Madaxweynaaha ha kuu raaco baahidii degaanka ha kaala dhammeeyo, ayaa war aan jirin ii sheegaya oo madaxtooyadan aan dhex fadhiyo igu leh way xidhan tahay oo wefti caddaana ayaa jooga!” Waxay ahayd lamafilaan, balse way dhacdaa tan oo kale, oo waxa laga yaabaa in siyaasiyiintu, wax ay ka tahayba, ay wax kala asturaan, oo ku kellifmaan in ay sheegaan warar sida

 

kan aan waaqici ahayn. Waxaan dhacdadan ka bartay muhiimadda ay leedahay hubsashadu. Warka laguu sheegaa mar kasta ma aha ka keli ah ee jira. Iska hubi, oo yaan lagu harawsan.

 

#10

 

Waxaan marar badan xusuustaa, dad muwaadiniin ah oo runtii ay ka muuqato samo jecayl iyo waddaniyadi, balse aan habaysnayn iskana war hayn, oo qof waliba doonayo in uu madaxweynaha arko. Ka ugu sahlanina waa ka doonaya in uu aniga i arko. Qof kastaa wuxuu la socdaa talo, waxaa laga yaabaa wax isku mid ah in konton qof kaala hadasho balse iyagu isma oga oo qofna qofka kale kama war hayo. Way xanaaqayaan haddii la yidhaahdo qorshihiina soo qora oo shaqaalaha u soo gudbiya.

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii yimi oday muxtarim ah da’a weyn oo sidaas oo kale talo la socda, oo ka yimi dibadda. Markii aan waraystay ee uu saacad ama labo ila joogay ee uu ii dhammeeyay ayuu yidhi madaxweynahana waxaan doonayaa in aan arko. Sida muuqata waa nin u soo dhoofay oo ay ku weyn tahay in taladan na soo gaadhsiyaa. Waxaanu igala hadlay horumarinta xeebaha oo wasaarad dhami u xil saaran tahay, isla markaana laga yaabo in boqol talo oo cilmibaadhis ku fadhida laga keenay.

 

Madaxweynihii ayaan u galay oo u sheegay in odaygaasi doonayo. Wuxuu i waydiiyey waxa uu la socdo, waxaanan u sheegay in uu talo caynkaa ku saabsan igala hadlay, lagana yaabo in uu intii iyo wixii kale ee uu ku daro kala hadlo. Madaxweyne Siilaanyo, oo dhegaysi badnaa, haddana ka daalay sidii talo loogu waday, ayaa igu yidhi: “waar adeer talo ayuun bay odhanayaan cid wax qabanaysaana waa yartay. qof kastaa talo ayuu la socdaa, waanu ku dacaaqudhunnay sidii ay talo noogu wadeen ee iga daa!” Waxaan ugu jawaabay madaxweyne waa oday weyn oo muxtarima, waxaana laga yaabaa wuxuu is leeyahay taladaa ayaa ka dhiman oo haddii ay qaataan Somaliland cirkay gaadhaysaa ee ka dhegayso. Waanu aqbalay, odaygiina intii uu ii sheegay ayuun buu ku celiyay, oo labo ama saddex saacadood ayuu aniga iyo madaxweynaba naga qaatay maalintaa.

 

Dhegaysigu maamulka ayuu ka mid yahay, taladuna waa muhiim, laakiin waxay u baahan tahay hab iyo hannaan lagu shaandheeyo oo wixii muhiim ah lagaga soo saaro, balse dad qof kasta mid talo u ehel ah iyo mid aan u ahayn, mid kastaa madaxweynaha doonayo in arko oo la taliyaa sax ma aha.

 

***

 

Runtii way badnaayeen dhacdooyin xiiso badan oo intii aan xafiiska joogay i soo maray, balse mashquulkii aan ku jiray dartii qaar badan waan illaaway oo

 

wakhtiga ayaan ii saamixin in aan si fiican u qoro ama aan u xasuusto, mana doonayo mala-awaal iyo wax aanan hubin in aad akhrista la wadaago.

 

 

Khaladaadkii aannu galnay.

 

Waa hubaal qof shaqaynayaa wuu khaldamayaa, Ilaahay ayuun baan khaldamin. Intii aannu shaqada dawladda ku jirnay khaladaad way naga dhaceen guud ahaan, anigana gaar ahaan way iiga dhaceen. Way dhacaysay wax aqoonxumo nooga dhaca, waanay dhacaysay wax aannaan ku talo gelin oo naga khaldamayay intuba. Balse ma jiraan khaladdo aan u badheedhay ama aan si kibir iyo dheeldheel ah ku galay oo aan hadda qoomamaynayo.

 

Markii madaxweynuhu talada dalka la wareegay ee uu soo saaray tiradii koobnayd ee golaha wasiirrada, maadaamo oo filashadu aad u sarraysay waxaa taageerayaashii Kulmiye ee siyaasiyiinta ahaa ka soo baxay qarax siyaasadeed, oo dhammaan dadkii boqolaalka ahaa ee wax filayay ayaa qaylada isku daray, sidii aan horeba u soo xusay. Waxaa ka sii darnayd dadka la magacaabay inta badini waa dad aan saaxadda siyaasadda ka muuqan, aqoonyahan iyo dad farsamo lagu soo xulay, balse aan indha buuxin taageerayaashii xisbiga. Taladii markii la gorfeeyay waxaa lagu goostay in madaxweynuhu DG-yada iyo hay’adaha madaxa bannaan markuu magacaabayo tixgeliyo.

 

Markii madaxweynuhu soo saaray 45 xil oo isugu jiray agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan, isla markaana xil-ka-qaadis ku sameeyay 26 DG oo hore u shaqaynayay, isla markiiba waxaa soo baxay khaladaad waaweyn oo ay ka mid tahay in maskaxdii ama xusuustii maamul ee wasaaraduhu (Institutiolnal memory) meesha ka baxdo. Sidoo kale wasiirradu waa aqoonyahan iyo xirfadlayaal, agaasimihiina waa siyaasi aan maamulka aqoon ama u jajabnayn. Wasaaradihii waxaa ka dhacay saxmad iyo murug shaqo, waxaanan is leeyahay waa khaladaadkii ugu horreeyay ee aannu galnay markii xukuumaddu talada la wareegtay.

 

Intaa waxaa dheeraa, waxaan ahaa madaxii shaqada iyo shaqaalaha madaxtooyada (Cheif Of Cabinet), markii aan shaqadii la wareegay ayaa labo xubnood oo la iigu sheegay inay siyaasadda ku milmeen oo shaqaalaha madaxtooyada ka mid ahaa aan u qoray warqad shaqa-ka-fadhiisin ah, labo kalana beddel u codsaday in hay’adaha kale la geeyo. Runtii sharciyadda sax kumay ahayn erisku. Waxaana qoraalkaa ii diyaariyay inamadii madaxtooyada ee shaqada aan ugu imi, aniguna waxaan u qaatay sidii shaqaalaha shirkadaha. Balse shaqaalaha dawladda waxaa la mariyaa hannaan u gaar ah, waxaana shaqada ka saari karta hay’adda Shaqaalaha oo keliya. Mid ka mid ah, oo Nuur Mooge la yidhaahdo, ayaa si qallafsan oo rabshedi ku jirto iigu soo warceliyay, aniguna waxaan u qaatay ujeeddo

 

siyaasadeed iyo wixii lagu sheegayey oo kamaan gurin e, askartii ayaan ku ballamiyay in shaqadii laga eryay oo aannu soo gelin. Waxaan qirayaa in aannu sax ahayn qaabka aan u eryay.

 

Waxaa iyaduna wakhti taa ku dhow iga codsaday shakhsi aan ixtiraamayay in aan kala hadlo maxakamad wax kaga xidhan yihiin. Xoghayihii ayaan idhi qoraal aan arrintaa ugu gudbinayno ii diyaari. Qaab qoraal aan sax ahayn ayuu ii diyaariyay, manaan hubsan ee waan saxeexay waana loo diray. Nasiib wanaag nin oday ah oo aannu saaxiib nahay ayay warqaddii ku beegantay. Wuu ila soo xidhiidhay, waxa aannu igu baraarujiyay khaladka warqaddu xambaarsan tahay. Waan uga garaabay, ujeeddadii aan doonayayna waan u sheegay, warqaddiina waxaan ku idhi i soo celi. Arrintaasina halkaas ayay ku dhammaatay. Marka aad masuuliyad hayso waa muhiim in aad hubiso waxa lagaa saxeexayo, waana muhiim doorashada iyo hubinta wada shaqaynta xoghayaha iyo askariga ku ilaalinaya oo aad u dhug yeelato, waayo saamayn badan ayay shaqadaada ku leeyihiin xogo badanna waad is waydaarsanaysaan.

 

Arrimo ay ka mid yihiin caddaaladda, qabyaallada iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, annagoo isku daynay in aan wax ka qabanno, haddana waxaan rumaysanahay in aannu ka gaabinnay shaqadii loo baahnaa ama aannaan saarin culayskii ku habboonaa. Manay jirin ujeeddo xun oo aannu ka lahayn e, waxaannu jeclayn in aannu wax ka qabanno, balse sidii aannu doonaynay nooguma qabsoomin.

 

Waxaa jirtay wada hadalladii maalgelinta ee dekedda Bebera oo aan guddigii ku hawlanayd ka mid ahaa intii aanan ka tegin xukuumadda. Waxaa u tartamayey ilaa shan shirkadood oo ay ugu soo horraysay shirkad Faransiis ah oo la yidhaahdo Bollore, shirkadda Emarate laga leeyahay oo la yidhaahdo DP World iyo saddex shirkadood oo ka soo kala jeeday Saudi Arabia, Kuwait iyo Switzerland. Wuxuu qorshuhu ahaa in Somaliland ay si fiican u baayactamaan oo ula gorgortamaan shirkadaha oo ay ugu cadcaddaayeen labadan shirkadood ee Bollore iyo DP World. In kasta oo Bangiga Adduunka aannu waydiisannay in uu arrintan gacan naga siiyo, haddana guddigayagii waxaan isla qaadannay in aannu u baahannahay cid khibrad iyo aqoon u leh oo na gala talisa dhinaca sharciga (Legal Advisor), iyo farsamada dhismaha dekadaha (Port Engineers).

 

Doodda iyo gorgortanku wuu badnaa. Xaddiga dhaqaalaha maalgashiga waxuu ka bilaabmay meel hoose, balse labada shirkadoodba waxay soo gaadheen ugu danbayntii ilaa afar boqol oo millyan oo Dollar. Hayeeshee waxaannu isku mari weynay DP World qaabkii heshiiska, oo ay doonayeen in marka hore aannu kala saxeexanno Qoraal Isfaham (MOU). Annaguna waxaannu doonaynay in shirkaduhu tartan galaan, marka ugu danbaysana ee aannu gorgortanka soo gaadhsiino meel fiican. Ugu danbayn 17 May 2015,

 

waannu ku kala kacnay wada hadalkii dekadda Beberana halkaas ayaa iigu danbaysay.

 

Caddaaladda

 

Caddaaladda waa aasaasaka maamulka wanaagsan iyo dawladnimada, waxaanay ka mid tahay qiyamka wanaagsan ee bini-aadamku doonisteeda ka siman yahay. Fulinteeduna waxay ka mid tahay mushkiladaha waaweyn ee haysta caalamka, gaar ahaan Afrika iyo guud ahaanba dunida saddexaad. Caddaaladdu waa shay looga baahan yahay dhammaan heerarka nolosha. Waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay aasaasiyaadka nolosha.

 

Xaqiijinta caddaaladda iyo hagaajinta garsoorku wakhtigii aan dawladda ka mid ahaa waxay ka mid ahayd waxyaalihii culayska nagu hayey, in kasta oo ay ka mid ahayd waxyaalihii madaxweynuhu ballan qaaday xilligii ololaha isla markaana himiladeedu nagu weynayd xukuumad ahaan. Kumaannu guulaysan in aannu gaadhsiinno meeshii aannu la doonaynay. Waxa se jiray isku dayo badan iyo bilow wanaagsan oo aan odhan karo waa laga qabtay.

 

Mushkiladihii jiray iyo caqabadihii na dabray waxaa ka mid ahaa waxyaalo badan oo isa sudhan oo ay ka mid tahay: ugu horrayn aqoonta iyo wacyiga bulshada ee ku wajahan caddaaladda iyo gebi ahaanba kalsoonida bulshada ee garsoorka iyo helista caddaaladda oo aad u hooseeya, sharciga garsoorka oo qabyo ah iyo hannaanka caddaaladda oo aan horumarsanayn, aqoonta iyo xirfadda garsoorka oo hoosaysa iyo guud ahaan bahda caddaaladda oo aan diyaarsanayn, dhaqaalaha bahda garsoorka oo aan ku filnayn, shaqadooda oo aan ilaashanayn iyo goldaloollo ka jira nabadgelyada nafteeda, habmaamulka garsoorka oo jaahwareer ku jiro iyo hoggaaminta bahda caddaaladda oo aan qeexnayn.

 

Aan tusaale keliya u soo qaato siyaabaha ay shaqada ku yimaaddaan (HR) dadka garsoorka ka shaqeeya. Ugu horrayn way tiro yaraayeen dadka sharciyaqaannada ah, khibraddana leh ee ka soo shaqeeyay dawaladihii Soomaaliya u kala danbeeyay ee dhaxalka u noqon kari lahaa Somaliland. Maadaama oo mushaharka garsoorku hooseeyo, dadka sharciga yaqaannaa uma shaqo tagaan maxkamadaha, ee beddelkeeda waxay raadsadaan shaqooyin dhaqaale fiican leh ama waxay door bidaan in ay qareenimo ku shaqeeyaan. Sidaa darteed afarta jaho ee ugu badan ee ay ka kala yimaaddaan waxa weeye: Sharciyaqaanno tiro yar oo inta badan laaluush iyo musuqmaasuq ku soo kacaamay. Booliska ku raagay oo dembi-baadhayaal iyo xeer-ilaalin ku soo shaqeeyay oo inta badani laaluush iyo musuqmaasuq ku soo indha fureen. Xoghayayaasha xaakimka oo loo yaqaan kaaliyayaal marka danbe noqda qaaddiyo fadhiista kursigii xaakinka heerarka kala duwan ee maxkamadaha, kuwaas oo inta badani xarfaan ku ahaayeen laaluushka ay u kala qaadaan qofka iyo xaakinka. Wadaaddo maxkamadaha degmada ka soo shaqeeyay, sida meharka, dhaxalka, qoomaha ama waxa

 

loogu yeedho (Axwaalu shakhsiga), oo markii danbe ku socday dhammaan heerarka maxkamadaha ilaa maxkamadda ugu sarraysa iyaga oo aan aqoon ku filan lahayn.

 

Waxaa iyaduna caqab weyn ku ahayd qisaasta uu sharciga Ilaahay iyo sharciga Somalilandba dhigayaan. Dad aad u tiro badan, oo aan filayo in ay 100-150 qiyaastii gaadhayeen ayaa dil u xidhnaa. Waxaa adkaatay in la qisaaso tiro noocaas ah, oo u muuqan karta xasuuq. Sidoo kale waxaa adkayd in kuwa cusub lagu fuliyo qisaas iyada oo kuwii horaba aan lagu fulin.

 

Musuqmaasuqa

 

Musuqmaasuq waa ka faa’iidaysiga awoodaha iyo ku xoolaysiga sifo sharci darro ah. Xaqiiqo ahaanna, waa aafo weyn oo haysata waddamo badan oo dunida ah. Musuqmaasuqa ugu badani waa kan curyaamiya koboca dhaqaalaha iyo ka naafeeyey caddaaladda waddamada soo koraya, gaar ahaan dalalka u badan Yurubta Bari, Badhtamaha Aasiya, Laatiin Ameerika iyo Afrika. Musuqmaasuqu wuxuu dadyawga Soomaalida ku leeyahay sooyaal xun. Taas oo ay caddaynayso muddo hal qarni ah ka hor odhaahda laga sheegay Sayid Maxamed Cabdille Xasan: “Musumaasuq Soomaali waa meheraddeedii,” iyada oo aan wax dawlad ahi ka hanaqaadin geyiga Soomaalida, isla markaana aanay jirin shirkado iyo dhaqaale sidaa u weyn.

 

Warbixinnadii ugu danbeeyay ee ay soo saarto hay’adda ka shaqaysa qiimaynta heerarka musuqmaasuq ee dunida ee magaceeda la yidhaahdo Transparency International, ee fadhigeedu yahay Jarmalka, waxay soo bandhigtay qiimaynta 180 waddan oo ay ku qiimaysay 0 ilaa 100; iyadoo dalalka ugu wanaagsan ee isbeddel horumar ka sameeyay arrintan ay ku sheegtay kuwa ku yaalla Galbeedka Yurub, oo isku celcelis ahaan helay 66 boqolkiiba. Iyada oo ay kaalinta hore ee ugu wanaagsan siiyay dalalka New Zealand iyo Denmark, halka ay derajada ugu hoosaysa siisay Koonfurta Suudaan iyo intii la isku odhan jiray Soomaaliya, oo ay Somaliland qayb ka tahay.

 

Runtii waa ayaandarro weyn in dalkaygu uu noqodo tusaale xun oo dunidu  u soo qaadato meesha ugu hoosaysa. In kasta oo aannu tallaabooyin badan qaadnay, waxaa xaqiiqo ah in aannaan horumar la taaban karo ka samayn intii ay shaqaynaysay xukuumaddii aan ka mid ahaa ee Kulmiye. Waxaa ka mid ahaa tallaabooyinka aannu qaadnay: wacyi-gelin guud, dhisidda hay’adda la dagaallanka musuqmaasuqa, iyada oo loo xidhay musuq ilaa 5 xubnood oo masuuliyiinta dawladda ka mid ahaa, isla markaana madaxweynuhu siyaabo kala duwan shaqada uga caydhiyey ildaa saddex wasiir oo arrimo musuqmaasuq lala xidhiidhiyey. Waxaan hubaa mid ka ah wasiiirrada in ay hay’adda musuqmaasuqu ku soo eedaysay, balse maxkamad lama keenin, sidaa darteedna halkan kuma xusi karo

 

magacyadooda. Waxay ahayd tallaabo hore loo qaaday la imaatinka iyo isku dayga lagula tacaalayo musuqmaasuqa, in cid loo xidhaana waxay ahayd geesinnimo ay xukuumaddu ku tallaabsatay. In la sameeyo hay’addii maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqu waxay ahayd himilo wanaagsan oo ay seeska u dhigtay xukuumaddaydii, balse kumaanu guulaysan in aannu si dhammaystiran u hirgelino arrintan caqabado badan iyo duruufo jiray dartood.

 

Qaar ka mid ah caqabadaha jiray iyo duruufaha adkeeyay waxaan ku tilmaami karaa: waxaa hooseeya wacyiga iyo qiyam bulsheedka arrintan ku wajahan, waxaa jirta baahi iyo faqri laxaad leh, ma jiro hannaan adag oo ilaashani, waxaa jira caadaysi xun oo soojireen ah, waxa aan adkaan dawladnimadii, liidashada hoggaamiyayaasha siyaasadda muxaafad iyo mucaaradba, iyo ku dhaqanka shuruucda oo hoosaysa. Waxaan caddaynayaa in aannu i soo gelin dhaqaale xaaraan ah, iyada oo aanan marnaba u badheedhin in aan ku tallaabsado wax musuqmaasuq ah, balse way dhici kartaa wax ii dhuunta oo aanan ogayn ama aragti aan is lahaa wax ku hagaaji oo si kale loo qiimeeyo. Odhan maayo dawladdii aan ka tirsanaa wax musuqmaasuq ah may samayn oo waxaaban soo sheegay dhacdooyin masuuliyiin loo xidhay ama si rasmi ah loogu soo eedeeyay, sidoo kale waxaa yaraa daahfurnaanta iyadoo ay jireen hullaabxumaanta masuuliyiinta, “nin hulaab xumi in uu wax qarsanayo ayaa la moodaa.” Waxaa kale oo badnaa eedaymo ku dhisnaa tuhun iyo boorbagaadho indha la’aan ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay siyaasiyiintu ka dhigtaan hub ay ninka masuuliyadda haya ku weeraraan iyo eedaymo siyaasadeed oo bulshada lagu jaahwereeriyo, taas oo qof aan dembi gelinna lagu dulmiyo, qofkii dembiilaha ahaana u noqota tashuush uu ku dhex dhuunto.

 

Isticmaalka Awoodda.

 

Marka qofka masuuliyadda loo dhiibo, nooc kasta oo ay tahay, waxay leedahay xuduud iyo qaab loo isticmaalo. Masuuliyaddu waxay tuujisaa oo soo saartaa waxa qofku yahay. Awoodda inta badan waxa weheliya xamaasad halis noqon karta, markay tahay awood weyn ama in uu qofku u taliyo xajmi ballaadhan. Waxaan odhan karaa waa lagu sakhraamaa. Waxaa caqliga tegsiiya dalabaadka badan ee dadka kaga imanaya, buunbuuninta kooxaha danaha ka leh, la-xisaabtan-la’aanta, aargoosiga, badnaanta anaaniyada iyo kibirka, isku dheellitir la’aanta awoodda uu u baahan yahay, waxa uu doonayo iyo helista awoodda xad-dhaafka ah iwm. Xaddiga sakhraddu badanaa waxay le’eg tahay hadba inta awood qofku helo.

 

Waxaanan odhan karaa waxaa caqliga u soo celiya ugu horrayn sharciga, ismaqalka iyo talawadaagta masuuliyiinta la shaqaynaysa ama ka sarraysa, dhibaatooyinka iyo dhacdooyin rabitaankiisa ka hor imanaya, qiyamka, dhawrsoonida iyo Alle ka cabsiga. Waxaa laga weriyey madaxweynihii

 

Maraykan ee caanka ahaa Abraham Lincoln: “Nearly All men can stand adversity, but if you want to test a man’s character, give him power” oo macnaheedu yahay: dhammaan dadka oo dhani way isu taagi karaan cidhiidhi iyo dhibaato, laakiin haddii aad rabto inaad tijaabiso dabeecadda qofka, u dhiib awood.

 

Haddii aan tilmaan xidhiidh la leh awoodda iyo taariikhda Islaamka ka bixiyo, waxay sheegaysaa taariikhda Islaamku dhacdooyin, qaar ka mid ah saxaabadii oo khalad ku kacay oo Cumar Bin khadaab uu si dhakhso ah ugu yidhi Nebiga SCW, Nebigii Ilaahayow ninkan qoorta ma ka jaraa. Iyadoo aynu og nahay dhiigga muslimiintu inuu yahay xaaraan, saxaabadii nebiga in la dilaana ay tahay dembi weyn, iyadoo aynu og nahay Cumar wanaaggiisa iyo heerka caddaaladdiisu gaadhsiisnayd, kaas oo ahaa shakhsigii saddexaad ee Islaamka, maxaa ka keenay in uu mid Saxaabadii Nebiga ka mid ah yidhaahdo ma dilaa? Waxaa ku badnaa xamaasaddii jacaylka diinta, Nebiga iyo difaaca Islaamka, waxa aannu u isticmaalayay awood xad-dhaaf ah oo uu ku ilaallinayay. Sidoo kale waxaan ka maqnayn debaacadda bashariyadda ee falcelinta degdeg ah, waxaa se joojin jiray sharciga. Marka Nebigu yidhaahdo maya ama sharciga loo akhriyo, Cumar wuu iska taagi jiray.

 

Marka tusaale xagga dhaqanka Soomaaliga ah la eego, waxaad ka helaysaa gabayga caanka ah ee kibirka uu ka tiriyay Ismaaciil Mire. Dhammaan 11-ka nin ee uu ku sheegay gabayga, waxay awoodda u isticmaaleen si caqliga ka baxsan oo xad-dhaaf ah ilaa ay soo gaadheen gegabadii oo guuldarro ah. Waxaa muuqata in aanay jirin awood ka sarraysay oo joojin karaysay, ama sharci soo dabbaala, malaha Alle ka cabsigoodu ma buurayn (intii hore waxay saaraayeen khaddu-sariic).

 

Marka aynu tusaale kale u soo qaadanno hoggaamiyayaashii Carbeed ee qarnigan, intoodii badnayd waxay ku sugnaayeen xaalad la mid ah taa aan kor ku soo sheegay ee Soomaalida, waxaanay isticmaaleen awood xad-dhaafa oo caqligii ka baxsan, dabarkii sharciguna muu shaqayn, diintana hadalkeeda iska daa. Waxaa la mid ahaa madaxweynihii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre, madaxdii sare ee kacaanka iyo boqolaal siyaasiyiin ah oo u dhexeeyay casrigan iyo casriga raggaa aan kor ku soo sheegay, waxaanay raaceen waddadaa aan soo noqodka lahayn (Fast line ka).

 

Markii uu 10|09|2010 dhacay duullaankii ONLF ee aan kor ku soo sheegay, ee taliyayaashii ciidamadu nagu wargeliyeen mashaqada soo korodhay, ayaannu shir isugu yeedhnay dhammaan madaxdii amniga qaranka ku shaqada lahayd. Shirkii talo badan ayaa lagu soo jeediyay, doodna waa la isku waydaarsaday. taliyihii ciidanka, Nuux Ismaaciil Taani, ayaa warbixintii ku daray in Maxamed Cismaan Xudhuun oo ah taliyaha aagga galbeed ee ciidamada qaranku uu ONLF gacan siinayay kuna lug lahaa shirqoolkan, taas oo ay weliba suurtagal tahay in uu iska caabbin xooggan innaga la hor yimaaddo haddii aynu isku dayno in aynu qabanno.

 

Arrintan waxay nagu noqotay fajiciso kale oo ciidamadii nagu soo duulay naga mashquulisay. Iyadoo la qorsheeyay in xoog loo adeegsado qabashada Xudhuun iyo wixii taabacsanba, ayuu wasiirkii daakhiliga ee xilligaa Dr Maxamed Cabdi Gaboose soo jeediyay talo maangal ah, taas oo uu yidhi “Madaxweyne anigu aan tago magaalada Boorama. Maamulka, ciidamada iyo shacabkaba aan la kulmo, ka dibna aan tallaabooyinkeenna qaadno, si aan kacdoon magaalada la inoogaga abaabulin.” Shirkii iyo madaxweynihiiba wuu ku waafaqay. Sidii baannu habeenkii ku kala hoyannay, oo uu subaxii ku baxay.

 

Anigoo werwersan ayaan 6:30 subaxnimo shaqadii soo galay. Wax yar ka dib waxaa i soo garaacay Dr Gaboose, wuxuuna ila wadaagay xaalad ka duwan tii aannu haynay oo ah “Saaka 5:30 ayaan gurigii Xudhuun tegay aniga oo ciidankaygii wata. Ninkii la inoogu sheegay in uu fallaag yahay oo uu duurka ku jiro ciidamo xoogganna haysto, isagoo sariir kaambaydh ah daaradda ku hurda ayaan u soo galay, kamana muuqato wax dhibaato ahi!” Sidoo kale wasiirku wuxuu shirar la qaatay maamulkii gobolka, ciidamadii iyo dad badan oo uga-qaateen ah, markuu waraystayna wuxuu soo ogaaday in ay jirto is-maandhaaf iyo xurguf u dhexaysay Xudhuun iyo taliye Nuux Taani. Wasiirkii ayaa soo kexeeyay Xudhuun, markii baadhis lagu sameeyayna wax raad ah lama helin. Taladii wasiirku waxay noqotay mid badbaadisay isku dhac ciidan iyo tallaabo xagga gurracan loo qaado.

 

Gacanta siyaasadda iyo dublamaasiyadda, ayaa ka xoog badan gacanta ciidanka, oo la adeegsado marka xal kale la waayo. Wakhtiga mucaaradka iyo muxaafidka wax kasta oo laguu sheegaa wada run maaha, wax kasta lagaa sheegaana wada run maaha. Waa in aad iska hubiso waxa texgelinta u baahan iyo waxa aan u baahnayn.

 

***

 

Waxaan leeyahay akhristaha, marka aan tilmaamayo adeegsiga awoodda, awooddu ma aha in ay wax ku yeesho, ma aha in aad dadkaaga wax ku yeesho, ma aha in ay diintaada wax yeesho ama aad dalkaaga wax ku yeesho. Waa in aad u isticmaashaa wixii laguu siiyay, waa in sharcigu kaa soo dabbaalaa xamaasadda iyo dareenka bashariyadda ee kugu duugan. Waxaa laguugu dhiibay awoodda in aad bulshada ugu adeegto, ku maamusho, ku ilaaliso, oo aad cadawga kaga difaacdo.

 

Xilliyadii muxaafidka iyo mucaaradka ee kala duwanaa oo  aan qoraalkan sare kaga soo warramay waxyaalo ka mid ah iyo wakhtiyadii kala duwanaa, aan ku soo xidho wax ka mid ah hadalkaygii xilligii aan xisbiga mucaaradka Waddani la midawnay.

 

Waxa aannu doonaynaa dadka Somaliland in aannu ka saarno u hoggaansanka ashqaasta, waxaan rabnaa in ay u hoggaansamaan sharciga. Dadka Somaliland in aannu ka saarno qoqobnaanta qabyaaladda, waxaan rabnaa iskuduubnida bulsho, isukaalmaysiga wanaagga iyo horumarka. Dadka Somaliland in aannu ka saarno isxulufaysiga danaystayaasha, waxaan rabnaa isgarabsiga aqoonta iyo aragtiyaha siyaasadeed ee ku dhisan daryeelka bulsho walaalo ah oo isku qiimaysa wanaagga, kartida iyo aqoonta.

 

Cutubka 19aad: Guurkaygii iyo Haweenkii Ilaahay igu galladay

 

Dunida waxaa cammira, waxa dul saaranna ka faa’iidaysta oo ilaahay maamulkeeda ku karaameeyay waa aadamaha. Bini-aadamku wuxuu ka soo jeedaa lammaanahii Aadan iyo Xaawa. Bini-aadamku wuxuu wadaagaa ee ehel ahaan u xidhiidhiyaa saddex shay midkood: Qaraabo oo ah wixii xagga aabbaha ka yimaadda; Riximka oo ah wixii xagga hooyada ka yimaadda; iyo Xididtinnimo oo ah wixii guur ku yimaadda. Saddexdan shay ayaa dhaxalka hantiduna ka yimaaddaan oo marka qof geeriyoodo xoolaha mulkiya oo u hadha. Dhammaantoodna waxay ku xidhiidhsanyihiin xidhiidhka iyo isutagga lammaanaha

Guurkaygii ka hor muddadii dhallinyarada ee aan u diyaargaroobayey in aan u gudbo marxaladda xaasleyda, waxaan jeclaa in aan dookhayga ka dhex eegto hablaha kacay ee ila wakhtiga ahaa. Waxaan doonayey in aan isu diyaariyo hanashada wixii farsamo iyo dhaqaale uu u baahan yahay dhismaha reerku.

Badanaa guurku wuxuu ku yimaaddaa wejiyo kala duwan: labo la isu qorsheeyo ama la isa siiyo; iyo labo is jeclaada siduu doonaba jecaylka ha loo fasiree, oo ah labo qorsheeya inay is guursadaan kii doonaa dalabka ha ku horreeyo. Caado ahaanna, Soomaalida ragga ayaa dalabku ka yimaaddaa. Waxaan odhan karaa guurku waa dabayl iyo sah dhaqaajiya shakhsiga siduu doonaba ha ku dhashee. In kasta oo aan muddo kooban gabadh jeclaa una sheegay in aan doonayo in aan guursado iyaduna ay iga ogolaatay, haddana calaf isuma aannu yeelan. Nasiib wanaag waxaa Ilaahay igu beegay haween sharaf badan oo aannu si wanaagsan nolasha u wadaagnay ubadna ilaahay  na kala siiyey. Way jirtay ugu yaraan ilaa saddex haween ah oo iga dalbaday in aannu is guursanno, balse aan ka cudur daartay duruufahaygii kala duwanaa darteed.

Waxaan guursaday saddex haween ah oo magacyadoodu u kala horreeyaan siduu guurkoodu u kala horreeyey: Koos, Saynab iyo Faadumo. Runtii waxay nolashayda ugu jiraan qayb aad u muhiim ah oo aan ku fasiri karo waa gallad Eebbahay iigu deeqay oo aanan la’aantood marnaba samayn kareen horumar, ama aanan hiigsan kareen himilooyinkayga nololeed. Waxa hubaal ah in ay haweenkaygu kaalin muhiim ah ku leeyihiin guushayda, dhammaantoodna aad baan u jecelahay.

 

Koos Maxamuud Aadan: waxaannu isku guursannay, anigoo dhalinyaro ah 1994-kii, Gobolka Togdheer, magaalada Burco. Waa gabadhii iyo guurkii iigu horreeyay. Waxaan guursaday aniga oo aan shaqo hayn oo aan wax xoolo ahna haysan balse waxay ahayd raaliyo aan igu xidhin wax adduunyo ah. Koos waa gabadh ku soo kortay dhaqan Soomaali hufan, waa qof dhawrsoon oo aad u deggan taas oo leh asluub iyo tilmaamo toolmoon oo ay ku dheehan tahay aqoonta diinteenna suubbani. Waxaan odhan karaa Koos waa wehelkaygii iyo degelkii aan ku degay, ku dhaqmay ee aan ku dhaqday.

 

Iyadaana sabab u ahayd inaan damac, dareen iyo rabitaanka ay diinteenna suubban ee Islaamku jidaysay aan tijaabiyo oo aan haween kale guursado. Aniga iyo Koos waxaa Ilaahay noogu deeqay 12 carruur ah, oo kala ah: 5 wiil iyo 7 gabdhood. Koos waa marwo dumar iyo raaliyo aan ku sifayn karo xilo- janno.

Saynab Sh Cismaan Aw Jaamac: waxaannu isku guursanay sannadkii 2003- dii, Gobolka Maroodijeex, magaalada Hargeysa. Waa xaaskaygii labaad. Waxaan guursaday aniga oo shaqaysta oo leh xaas hore iyo carruur oo nasiib- wanaag garanaya sida reer loo maamulo. Saynab waa gabadh aad u qiimo badan waana qof akhlaaq iyo adaab ilaahay ku mannaystay oo leh asluub iyo dhaqan fiican oo hiddaysanaya guri fiican iyo dhal culimo. Aniga iyo Saynab wuxuu Ilaahay noogu deeqay 6 carruur ah, oo kala ah: 2 wiil iyo 4 gabdhood. Saynab waa marwo iyo raaliyo aan ku sifayn karo xilo-janno.

Faadumo Yuusuf Xuseen: waxaannu isku guursannay sannadkii 2010-kii, Gobolka Sool, magaalada Laascaanood. Waa xaaskaygii saddexaad. Waxaan guursaday aniga oo madax ah “CEO”, oo leh xaasas hore iyo carruur oo nasiib-wanaag garaaddo-goys ku ah sida reer loo maamusho, Faadumo waa gabadh dhawrsoon kana timi guri dhawrsoon, waana qof akhlaaq iyo adaab ilaahay ku mannaystay. Waa qof aad u qiimo badan. Wuxuu Ilaahay deeq noo siiyay 4 carruur ah, oo kala ah: 4 wiil iyo 1 gabadh ah. Faadumo waa marwo iyo raaliyo aan ku sifayn karo xilo-janno.

 

***

Haweenkayga qiimaha badan waxaannu nolasha u soo wadaagnay si aad u fiican, waxaanay guushayda ka yihiin qayb aad u muhiim ah. Waxay igu soo garab galeen xaqiijinta iyo ka midho-dhalinta hadafkayga. Haweenkayga qiimaha badan waxaannu ku soo wada noolayn (haddeerna ku wada noolnahay) kalgacal, ixtiraam, xushmad iyo wanaag badan taa soo aan weligay haweenkayga cidi na soo dhex galin ama aan na loo gar qaadin. Dabcan, bini-aadamka lagama waayo isqabad ama qardoofo. Haddiiba ay dhacdo in aniga iyo haweenkayga ay ka dhex dhacdo wax fikir ama ku kala duwaanansho xagga aragtida ahi, annagaa gaar u dhammaysanna.

Ogow degganaanshaha guriga iyo isdaryeelka lammaanaha ayuu dadku isku dhaafaa. Waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo ka soo jeedda miyiga iyo reer guuraaga: “Nin maalin ma gaadhid oo waa ninka kaa faraska fiican; Ninna sannad ma gaadhid oo waa ninka kaa geeddi horreeya ee barwaaqada xoolihiisa daajiya; Ninna weligaa ma gaadhid oo waa ninka kaa xaaska wanaagsan.”

Waqtigan xaadirka ah, waxaan ahay aabbo masuul ka ah saddex xaas iyo 22 ubad ah. Waxaa xaqiiqo ah inay aad u adag tahay in xilka iyo masuuliyadda iga saaran qoysaskayga aan si dhab ah uga soo baxo. Gaar ahaan, gudashada xuquuqda ay igu leeyihiin carruurtayda iyo xaasaskaygu, iyadoo aan higsanayo in aan gaadho himiladayda. Run ahaantii arrin sahlan ma aha maamulidda, caddaalad u samaynta, waxbarashadooda iyo korintooduba.

 

Waxaan dareemayaa runtii masuuliyad ballaadhan iyo culays. Mahadda Alle, waxaa kaalintaa inteeda badan iga daboolay oo igala dabaashay marwooyinkayga qiimaha badan ee ilaahay igu galladay.

Haddaba, haddii aannu ilaahay kugu garab galin, ama aannu kugu galladin lammaane kula garab taagan daryeel iyo dulqaad dhab ah. Way adag tahay inaad isku mar noqoto aabbo wanaagsan iyo siyaaasi ama hoggaamiye xilkas ah oo ummaddiisa u adeega! Xasuus badan ayay igu leedahay wakhtiyo badan oo aan jeclaa in aan carruurtayda iyo haweenkayga la qaato, waxaa se ii diiday oo suurto-gal iiga dhigi waayey hiigsiga iyo fanashada meelaha bar- tilmaameedka ii ah ee aan is leeyahay gaadh. Marwooyinkayga qiimaha badan waxay iigu dulqaateen duruufo kasta oo adag oo ila soo gudboonaada; waxayna igu garab galeen inaan guntiga u xidho ka shaqaynta danta guud ee bulshada iyo horumarinta naftayda. Waxay ii sameeyeen naf hurid badan waxayna igu taageereen sidii aan u xaqiijn lahaa himilooyinkayga waqtiga dhow iyo kuwa waqtiga dheerba, aniga oo jecel in aan taariikh wanaagsan  iyo mahadho dunida ugaga tago.

 

Waxaa laga yaabaa in aad is waydiiso xaasaska saddexda ah maamuliddooda iyo maaraynta masayrka ka dhalan kara guurka badan. Masayrku waa wax jira oo ilaahay ku abuuray haweenka, nebiguna wuxuu ku tilmaamay qiiro ama dareen haweenka ku abuuran. Masayrku haweenka wuu ku kala badan yahay sida deeqda, geesinnimada, fahamka, aftahamada iyo garashaduba ugu kala badan tahay dadka. Waxaan ku tilmaami karaa waa jacaylka haweenaydu ninkeeda u qabto ee aanay jeclayn in lala wadaago iyo werwerka kalsoonideeda ku imanaya ee gaadhi kara qalbi-jab weyn ama in ay ka aamin baxdo ninkeeda oo ay ku qanacdo in ninkeedii gabadh kale ka qaadday.

 

Waxaa hubaal ah in raggana Ilaahay damac ku abuuray, awoodna u siiyey hanashada iyo maamulidda wax ka badan hal xaas, iyada oo diintuna u oggolaatay afar dumar ah in ninku guursan karo. Dabcan awoodda maamul iyo xikmadda maaraynta ee raggu waa kala badan tahay oo kama sinna raggu: mid wuxuu maamuli karaa hal xaas, midna hal xaas wax ka badan. Waxaa taa la mid ah dhaqaalaha quudinta qoyska iyo qancinta gogosha oo iyana ku xidhan hadba inta haynta iyo awooddiisu le’eg tahay: waxaa suurta gal ah nin aan hal xaas ka adkayn oo saddex ama afar isku waabo.

 

Haddaba su’aasha ay jawaabteedu halka milyan u dhigantaa waxa weeye: goorma ayuu ninku guursan karaa? Waxay aniga ila tahay waa marka uu xaaskiisa quudin karo dhaqaale ahaan, ee qancin karo awood ahaan, isla markaana kalsoonida haweenkiisa hanan karo iyada oo uu ilaalinayo in dhaawac gaadho qalbiga xaaskiisa iyo jacaylka lammaanaha u dhexeeya, haddiiba dhaawac yimaaddana uu yahay mid sahlan oo la dhayi karo ama la bogsiin karo. Masayrka haweenka raggaa abuura, waxaana qayb weyn ka qaata xajmiga kor u kaca iyo hoos u dhaca macaamilka ninka iyo sida uu

 

qoysaskiisa u maamulayo. Waxaan is leeyahay waan ku guulaystay hanashada kalsoonida haweenkayga, in aan dhaawac weyni gaadhin quluubtooda iyo in aannu jacayl ku wada noolaanno. Hawraartan ayaan curiyey aniga cabiraya guurka.

 

Gabayga Rixim

Rixim iyo qaaraabiyo tol iyo xidid la raad raaco. Ramlada ciida alihii naga khalqay ee aayad ku rumeeyay. Rasuulkii sunada noo dhigiyo ruum siday werisay.

Reer wacan qofkii helay dunida raray intiisiye. Raaliyaa nimcada lagu maslaa ruufka ugu dheeree. Raasweyn haween waa nimcoyo rawdada aduune. Racwi la cayaariyo aroos gaafka la raxleeyo.

Roomaatiga-jacayl waxa leh guurkii wanaag lagu rafiiqsaye. Ramaas doogu baxay baan degiyo rays barwaaqaha ahe.

Raxanta dumara raasweynta aan hantiyey reero mudankooda. Riixdii janada iyo raaliya weliba rayxaana.

Raxmaanka ayaa igu galaday haweentii intuu raaxo leeyahay. Raatib iyo quraan iyo salaad lagu rakoocaayo.

Ruux wuxuu falaa baan gudayn raasiqnimadaa.

Rabiyow mahad adaan kuu shukriyey deeqda aad igu rakaadsiisay.

 

Raganimo nin sheegtiyo ninkii reernimo ku faanay. Rooxaanta oo hadlo culimadiyo weliyo raamaystay. Rubuc dahab ah rubiga iyo fidada rodalka miisaanka. Rabdado lacagi kuma siinayaan rooda iyo wiil.

Rucubta laanta bixisay ee wadnaha ubadku soo raaco. Ricidhaha iyo beerka iyo xidada ayuu kala dhex raacaaye. Rasmi markay u baadheen caalimkiyo raasukha kitaabku Rikoodhkii sirta ahaa ee khalqiqa raadin kariwwaye.

Raasamaalku waa awlaad saalax ah oo riiqda hadha. Ridwaanka alle aniga iigu deeq reysin barakaysan Rag iyo gabdhaba waan hayaa rabadin khayraade.

Raatib iyo quraan iyo salaad lagu rakoocaayo. Ruux wuxuu falaa baan gudayn raasiqnimadaa.

Rabiyow adaan kuu shukriyey deeqda aad igu rakaadsiisay.

 

Rafrafta iyo isdabarinta reer lagu sarcaa midho ma reebaane. Rugta gabadha oo dilo oo raygax laga yeelo.

Reer la dayaco tukale oo rabo guur aan lagu raagin. Roorsiga haween aanad qabin faaxishada reeban.

Risiqa oo kugu yaraadiyo xanuun tawstu kugu raagtay. Ragaad iyo waa dhib kugu maqan dhitana deyn laguu reebye. Raan iyo madaw ayaa qalbiga wada radeebaaye.

Reenkoo yeedhay suurta la riday jahanaboo reedhi laga yeelay. Rawaxa la isa soo tubay qiyaamaha oo la isku rookeyey.

Ruuda dhamacda ololaysa iyo naarta ranrankeeda. Ruux kastoo gabood falay xisaab lagu rakaateeye.

 

Rafiiqii badbaada ee janada raarta sare fuula. Rabiyow fardowsiyo nasii raalinimaada.

 

 

 

Cutubka 20aad: Tilmaan Guud iyo Dardaaran

 

Waxa aynu og nahay qiimaha cilmiga iyo aqoonta, oo aan sharraxaad badan iiga baahnayn. Marka aynu doonayno in aynu tartanka dunida kaalin sare ka galno, waxaa muhiim ah in aynu u dhug yeelanno in bulshooyinka dunidu ay isku dhaafeen aqoonta iyo akhlaaqda. Sidaa darteed waxaynu baahi weyn u qabnaa waxbarasho tayo leh oo ay saldhig u tahay tacliinta madeniga ah, farsamada tiknoolajiyadda oo horumarsan, tarbiyad la dabbaqo, qiyam bulsheed la ilaaliyo kuwaas oo dhammaan halbeeggoodu yahay dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamku.

 

Nolosha aadamaha waxaa aasaas u ah lammaanaha Ilaahay isu sameeyay. Unug bulsheedka qaran ka bilaabmaana waa qoyska. Marka reer la aasaasayo wuxuu ka bilaabmaa ninka iyo gabadha. Waxaa aad layaab u ah in aan wiilka iyo gabadha midkoodna aannu hannaanka qoyska ku soo baran tacliinta nidaamiga ah iyo mid aan nidaami ahayn midna. Inta badan waxaa lagu bartaa bawsi iyo cilmi dhegood ama tilmaamo guud oo waalidka iyo facaaga laga helo. Labo kasta oo dhallinyaro ah oo is guursadaana waxay nolosha qoysku ku tahay kacaakuf iyo inay isku bartaan reernimada. Haddaba, si qoysku u waaro midho fiicanna u soo saaro waxaa muhiim ah in uu jiro hab- aaca guurka iyo hannaanka isqabitaanka ee ay labada ruux nolosha u wadaagayaan in la cilmyiyeeyo oo ay jirto tacliin, talooyin iyo dardaaran waalid oo guriga lagala yimaaddo. Qayb lagu dhigto jaranjarrada tacliinta hadba wixii ku habboon iyo meelo u gaar ah oo lagu barto ama xafiisyo la- talineed oo wixii dhib ah lala kaashado.

 

Dadka Somaliland iyo guud ahaanba dadka Soomaalida intiisa badan waxaa ragaadiyey musuqmaasuqa. Musuqmaasuqa badanaa waxaa saldhig u ah Iimaan la’aan, baahi iyo marka aannu jirin hannaan ilaashani. Musuqu wuxuu sii beeraa saboolnimo. Waxaanay baahidii abuurtay ma- shaqaystannimo iyo dhaqankii wanaagsanaa ee wax isa siinta oo isu rogay isku tiirsanaan dhaqaale iyada oo ugu danbayn dhaxalsiisay sabool sabool ku tiirsan. Dhaqaalihii oo curyaama iyo baryo aan la iskula yaabin oo magaca shaxaadka loo bixiyey. Waxaanad arkaysaa wiil la biilinayo isaga, aabbihii iyo awoowgii intaba oo haddana noloshu caadi isaga tahay, isaga oo aan saddex jiil shaqaysan. Waxaynu u baahannahay isbeddelka salka ah iyo horumarinta dhaqanka (cultural revolution and development) oo ay saldhig u tahay in musuqmaasuqa xididdada loo siibo, iyada oo la xoojinaya in muruqa iyo maskaxdaba la maalo oo la yeesha halbeeg-sharafeed ummaddu higsato oo kor loogu qaaday hankooda shaqo iyo hayntooda dhaqaalaba. Abwaankii Soomaaliyeed wuxuu yidhi:

In kastuu dhabcaal go’an yahuu, kuu dhadhamo diido, Isagoo dharaar maqan koluu, dumar wax kuu dhiibo, Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa, waad dhadhamisaaye, Waa dhaawac kugu yaal bahdaa oo dhaqasho diiddaaye.”

 

Siyaasadda saranseertay ee dalkayga ku habsatay maalintii xornimada la qaatay ayaan u tiirinayaa gaabiska naftayda iyo guuldarrada dawladnimada ee dadkayga ku dhacay, sida aan qaybta hore ee buugga ku soo xusay. Waxaan muddo toban sano ka badan ku foogganaa siyaasadda oo aan u  galay bal in aan dalkayga isbeddel khayr-qaba oo horumar u horseedo qayb ka noqon karo oo ka samayn karo, dadkaygana hoggaan ay ku daydaan u noqon karo, diintaydana ilaalin karo. Muddadii dhawr iyo tobanka sano ahayd ee aan ka ag dhowaa ama ku soo jiray siyaasadda, waxaan arkay dad badan oo khalad ka fahmay, oo reernimo ama dhaqaale aad ka heshaan u galay, in badan oo ku hafatay oo ay waxyeeshay ama dadkiisa wax ku yeelay, qaar ay ka luntay jahadii oo dhinac kale u kacay, iyo qaar ay kala luntay himiladii ay lahaayeen. Way jiraan qaar badan oo halkii ay doonayeen gaadhay, laakiin aan dadkiisa gaadhsiin halkii ay u baahnaayeen. Weli waxaan daba joogaa himiladii aan doonayay, waxaanan rejaynayaa in aan gaadho.

 

Guusha iyo guuldarrada siyaasaddu waa waxa is dhaafiyey Maraykan iyo Mexico, oo ah labo dal oo isku xiga. Waxa is dhaafiyey waa hoggaamiyayaashii soo maray, oo qaarna ku guulaysteen himiladii ay lahaayeen iyo meeshii ay dadkooda la higsanayeen oo ahayd in ay noqdaan dawladda ugu xoogga badan dunida iyo dad laga haybadaysto; qaarna waxaa ku fillaatay in ay kursiga gaadhaan iyo inay ugu danaystaan sida ay doonayaan, dadkooda iyo dalkoodana khasaare u horseedaan. Haddaba haddii aad diidday in lagu hoggaamiyo, oo aad doontay in aad wax hoggaamiso heerka uu doono ha ahaadee, waa in aad hankeedii leedahay, aqoonteedii leedahay ama raadsataa cid leh, kartidii iyo dedaalkii loo baahnaa la timaaddaa oo sida ay hoggaankooda kuugu dhiibeen naftaada ugu hurtaa oo wakhtigaaga u hibaysaa. Waa in aad ogaataa in ummadi ku sagayso oo aad masuul ka tahay, xilkeediina ku saaran yahay oo lagaala xisaabtamayo if iyo aakhiraba.

 

Wakhtigii noloshayda waxaan aaminsanahay in aanan uga faa’iidaysan sidii ugu fiicnayd. In kasta oo aan dedaalay waxaa iga dayacmay wakhti badan oo i soo maray. Intii aan kacaamay badankeeda waxaan isku deyi jiray in aan ilaashado wakhtiga waxaanan u qorshaystay qaab uu aniga ii cajabiyay oo aan isku dayo in aan ilaaliyo, in kasta oo ay dhacdo in uu isu guurguuro ama isdaba maro. Mararka qaarna aan waafajin kari waayo sidii aan qorshaystay oo ahaa toban saacadood oo shaqo ah, labo saacadood oo nasasho ah, siddeed saacadood oo hurdo ah, saacad jimicsi ah, saddex saacadood oo cibaado ah. Wakhtigu wuxuu tiir dhexaad u yahay ka faa’iidaysiga nolosha iyo in aad guul ku tallaabsato. Ilaalinta wakhtiguna waa arrin muhiimad weyn leh, qofka dedaalaya waxaa ku yaraada wakhtiga oo wuxuu doonaa in wakhtiga loo kala jiidi lahaa haddii ay dhacayso, in badan oo bulshada ka mid ahina waxay raadiyaan qaab ay wakhtiga u lumiyaan ama ay isku mashquuliyaan, iyaga oo moog qiimaha wakhtiga ay luminayaan ama dayacayaan. Dadka

 

guulaystay ee taariikhdu xustay waxay u badan yihiin dadkii wakhtigooda sida dhabta ah uga faa’iidaystay.

 

Muhiimadda wakhtigu waa waxa keenay in dadkii ka faa’iidaystay ay tusaale lagu daydo u noqdaan nolosha. Waxaynu daraasaynaynaa taariikhda qarniyadii tegay iyo sooyaalkii ummadahii dunida soo maray. Taariihdu waa wakhti tegay, waxaana bilawgii buugga ku soo bilaabay taariikhda facayga iyo halka ay ka xidhan tahay taxanaha xidhiidhsan ee dadkayga. Sidoo kale waxaan ku soo gunaanadayaa raadka taxanaha casriyadii ay soo mareen bulshada Islaamka ee aan ka midka ahay.

 

Akhrinta taariikhda iyo tilmaamaha guud waxaa ka mid ah ogaanshaha casriyadii kala duwanaa ee Islaamka, xilliyadii uu hormuudka ahaa iyo xilliyadan casriga ah, taas oo aan u doortay in aan u kala qaado qormada buuggan toddoba casri iyo maamulladii kala duwanaa ee xilligaa, laga soo billaabo Nebi Maxamed (SCWS) oo ahaa Aasaasihii iyo Hormuudkii Islaamka. Bilawga iyo aasaaska hannaan maamul, kala danbayn iyo haykal dawladeed waxa markii ugu horreysay dhagax dhigay Rasuulku (SCWS) isaga oo Maka ka hijrooday, fadhiisinkii ugu horreeyeyna ka sameeyay Madiina. Waana bilawga tirsiga taariikheed ee Hijiriga. Halkaasi oo uu ka unkamay unuggii ugu horreeyey ee maamul Islaam ahi (1-11H – 622-632CD). Geeridiisii ka hor, maamulkiisu wuxuu gaadhay inta badan ee jasiiradda Carbeed.

 

Rasuulka (SCWS) geeridiisii ka dib, saxaabadiisu waxay  doorteen Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali bin Abii-Daalib. Casrigan waxaa loo yaqaanaa wakhtigii Khullafa-Raashidiinta. Waa Casrigii labaad ee dawladdii Islaamka (11-40H. 632-661CD). Xarunta looga taliyaa waxay ahayd Madiina, waxaana maamulkoodii gaadhay mandaqadda Shaam, Ciraaq ilaa Masar. Casrigii saddexaad waxa billaabay Mucaawiye, waxaana loo yaqaanaa casrigii Umawiyiinta oo ahaa muddo 90 sannadood ah (41-132H. 661-750CD), xarunta looga taliyaana waxay ahayd Dimishiq, dalka Suuriya. Maamulkani wuxuu gaadhay qayb ka mid ah Afrika ilaa Yurub (Andulus). iyadoo xagga barigana ku fiday Hindiya ilaa Shiinaha. Waxaa maamulkii saxaabadu ku soo gebageboobay Casrigii afraad. Waxaa loo yaqaanaa casrigii Cabaasiyiinta oo ahaa muddo 508 sannadood ah (132-656H. 750-1258CD). Xarunta looga taliyo Islaamka waxay ahayd Baqdaad, Ciraaq. Maamulkani wuu sii fiday waanu sii xoogaystay ilaa laga soo gaadho xilligii uu burburay, oo ugu danbayna ay cagta mariyeen gulufkii Mangooliyiinta, ee loo yaqaan Tataarka, oo uu hoggaaminayay Jankis Khaan iyo hormuudkii ciidamadiisa ee Hoolaako.

 

Casrigii shanaad ee Mamaaliikta wuxuu ka soo farcamay maamulkii Masar ka jiray waxa aannu jebiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Taraarka ee soo burburiyey hoggaankii Dawladii Islaamka, Waxaana Muslimiinta Hoggaankii u kala danbeeyay Dawladdii Mamaaliikta, oo loo yaqaana Casrigii Mamaaliikta (648-922H. 1250-1517CD). Wuxuu si laxaad leh ugu sii fiday

 

qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Yurub. Xarunta looga taliyaa waxay ahayd Qaahira, Masar, ilaa uu talada kala wareegay hoggaankii Cismaaniyiintu. Casrigii Lixaad ee Dawladdii Cismaaniyiinta (922-1329H. 1517-1924CD), oo markii uu kala burburay maamulkii Mamaaliikta ay hgogaanka si xooggan ula wareegay dunida islaamkana ka talinayay illaa laga soo gaadho 1924, oo uu burburay isla markaana uu ku dhawaaqay Mustafe Attaatoork Jamhuuriyadda Turkiga ee Cilmaaniga ah. Xilligaa ayaana ugu danbaysay maamul muslimiinta u dhexeeya.

 

Casrigan 1924 ilaa maanta dalalka Islaamku waxay yihiin 56 dawladood oo ay badankoodu ka yihiin muslimiintu, iyo dawlado kale oo ay qayb hoose ka yihiin sida dalka Hindiya oo ay ku nool yihiin maalaayiin Muslimiin ah.

 

Taariikhdan kooban ee sare waxaa la socday dhaqankii ay lahaayeen ummadahaasi oo ahaa dhaqanmo wanaagsan. Iyadoo laga yaabo in ay jireen waxyaalo caadooyin ah oo xun oo waxyeelo ku ahaa horumarka iyo aqoontaba, haddana guud ahaan dhaqankoodu wuxuu ahaa hab nololeed ku dhisan aqoon, tijaabooyin iyo xikmad kaas oo bulshada u ahaa ilaaliye iyo iskuxidhe.

 

Dunida Galbeedka ee maanta hoggaamisa inta badan aqoonta iyo ilbaxnimada waxay soo mareen marxalado kala duwan oo aad u qallafsan. Waxaa jirtay xilliyo ay halakeeyeen dhibaatooyin iyo gumaysi dagaallo sokeeyo, iyagoo inta badan ee dunida soo gumaystay iyagana qaarkood isa soo gumaysteen ilaa laga soo gaadhay dagaalkii 1aad ee dunida iyo dagaalkii 2aad ee dunida oo nafo badan iyo dhaqaale badan lagu waayay dib u dhac iyo saamayn xunna dunida oo dhan ku lahaa.

 

Waxaa iyaduna u dhexaysay welina aan dhammaan tartanka nolosha oo ah sunnada, nolosha iyadoo lagu tartamayo aqoonta, farsamada, ilbaxnimada iyo halbeeg nololeedka bulshada. Haddaba xilliyadii badnaa ee ay soo mareen oo wax wanaagsan iyo wax xunba lahaa, waxaan jecelahay in aan ka soo qaato xilliga ay u bixiyeen Iftiiminta (Enlightment), oo hirdankii ka dhex jiray Diinta, Dhaqanka iyo Ilbaxnimadu uu keenay in horumar badan oo xagga nolosha ah ay ku tallaabsadaan in kasta oo diintii iyo dhaqankoodiina uu dhibbane u noqday, dadyawga kale iyo diimaha kalana laga yaabo in dhibi ka soo gaadhay arrintan. Waxaan jecelahay in aan ka soo qaato taariikhdan inteeda wanaagsan.

 

Xilligan Iftiimintu oo ahaa bilowgii qarnigii 17aad ilaa kii 18aad oo ku sinnaa1685-1815 waxa uu ahaa xilli aad muhiim ugu ah koboca garaadka, falsafadda iyo aqoonta. Xilligani waxa uu baro bixiyey oo meesha ka saaray nidaamyadii taqliidiga ahaa iyo dawladihii ku dhisnaa boqortooyada, oo loo arkayey in ay caqabad ku yihiin horumarka garaadka iyo aqoonta qofka iyo bulshadaba.

 

Xilligaa waxa xoogaystay aragtida ah in adeegsiga cilmiga iyo caqliga oo wada socda lagu gaadhi karo horumar iyo barwaaqo, waana laga lib keenay arrintaa iyada oo guulihii ka dhashay isbeddelkaa aadamigu si weyn u mahadiyey; hadday tahay xagga siyaasadda, dawladnimada, falsafadda, culuunta daawada, isgaadhsiinta, iyo gaadiidka iyo waxsoosaarka oo isku furay dunidii kala xidhnayd. Aragtida xilligan Iftiimintu waxa ay salka ku haysay in wixii aqoon dunida jirta la soo qaato, iyada oo aan lahaanshaheeda cid gaar ah loo eegayn. Waana halkaa halka aqoontii soojireenka ahayd ee Islaamka iyo aqoonta cusub ee reer galbeedku iskala falgaleen, ee midhaha ka dhashay u noqdeen kuwo manfacooda la wada leeyahay.

 

Gebagebadii dunidu waa mid keliya, aadamigana Ilaahay baa abuuray oo karaameeyey, Nabi Muxammadna (SCWS) waxa loo diray dunida oo dhan si uu uga saaro mugiga aqoondarrada, una gaadhsiiyo diinta iyo cilmiga, oo ah iftiinka nolosha. Wax kasta oo wanaagsan oo maanta ka muuqda dunida horumartay waa mid salka ku haya diinta oo si cad inoogu tilmaantay, hadday tahay ka faa’iidaysiga waqtiga, dhawrista axdiga iyo ballamaha iyo macaamilka wanaagsan ee aadamaha ka dhexeeya. Xikmaddu waa garashada waxa wanaagsan iyo halka loogu hagaagayo, garashaduna waa adeegsiga xikmadda si loo helo barwaaqo, badhaadhe iyo horumar, loogana badbaado belo iyo baas.

© Heemaal News Netwok