Heemaal News Network
somali

Halkuu Marayaa Shirkii Wadatashiga Ee Afasiyooni

Iyadoo maalintii afaraad uu galayo maanta shirka wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa wararka lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in la filayo in lasoo gabagabeyn doono shirka wadatashiga Qaran lana filaayo iney kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Shirkan oo si toos ah u furmay maalintii Sabtiga ayaa looga dooday qodobo xasaasi ah oo dhamaantood la xariiray xal u helista arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna sheegeen madaxda qaarkood in shirka uu yahay mid si wanagsan u socda oo ay ka qabaan in natiijooyin waxtar leh kasoo bixi doonaan.

Qodobada aay madaxda sida aadka ah diirada ugu saarayaan shirka Afisyooni ayaa ah heshiiskii la gaaray 17-kii September iyo heshiiskii Baydhabo.

Shirka ka socda Teendhada Afisyooni oo wajigiisa Afaraad lagu wado inuu goordhaw bilaawdo ayaa waxaa bogaadiyay Beesha Caalamka, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaana laga dhur sugayaa iney kasoo baxaan shirka natiijooyin farxad geliya shacabka Soomaaliyeed, dalkana u jiheeya doorasho wadar ogol ah oo qabsoonta

Related posts

Maxkamad Amartay In Xabsiga Lagu soo Celiyo Madaxweyne si Xeeladeysan Xabsiga Uga Baxay

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo ku Taliyay In Dalka La Galiyo Xaalad Deg-deg ah.

Heemaall

Xasan Sheekh Oo ka Hadlay Ujeedada Safarka Uu ku Tagay Baydhabo

Heemaall