Heemaal News Network

Hanti-dhowraha Somaliya Oo Shaaciyay Bilawga Baaris la Xiriirta Musuq-maasuqa Laamaha Dawlada.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka uu ballaarinayo howlaha lagu baarayo xafiisyada dowladda & dowlad goboledyada.

Waxaa uu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka & kuwa dowlad goboleedyada ay qaadanayaan Shaqaale oo tababarayo baaris maaliyeed oo la xiriira dhinaca musuq maasuqa.

Waxaa uu sheegay inay waajib tahay in sanad walba la helo natiijo baarised lagu kalsoonaan karo oo lagu xisaabiyo nidaamka maaliyadda Qaranka.

Ugu dambeyn Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa sheegay in xoojinayo kor u qaadida isla xisaabtanka dhanka Maaliyadda dalka si loo gaaro nidaam maamul oo dowlad wanaag ku dhisan.

Hadalkaan ayaa Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye waxaa uu ka sheegay Shir sanadeedka Hanti-dhowrka Qaranka iyo kan Dowlad goboleedyada oo magaalada Muqdisho ka furmay.

Related posts

Khayre Oo Digniin Iyo Dardaaran U Jeediyay Madaxda ku Shirsan Dhuusamareeb

Heemaall

Wafdi ka Socday Maamulka Puntland Oo Gaaray Magalada Badhan.

Heemaall

Jidadka Magaalada Muqdisho Oo Saaka Xiran

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More