Heemaal News Network

Hargaysa:-Ehelada Gabar la Gowracay Oo ku Eedeysay Wiil Uu Dhalay Wasiir ka Tirsan Somaliland

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in Guri ku yaalla halkaas lagu dhex gowracay Gabar dhalinyaro ah oo kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Qaar kamid ah Ehelada Gabadha oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Gabadhooda lagu dhex gowracay Guriga wiil uu dhalay Wasiirka Wasaaradda qorsheysan maamulka Somaliland.

Sidoo kale Ehelada oo ahaa kuwo cadeysan ayaa Madaxweye Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday in si deg deg ah Cadaalada loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay dilka gabadha oo kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hooyada dhashay Gabadha la gowracay ayaa tilmaamtay inay horey sidaan oo kale Magaalada Hargeysa loogu dilay Gabar reer jigjigo ah, isla markaana aysan jirin cid arrintaas kala hadashay ama kaga tacsiyadeysay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ku saabsan wararka sheegaya in guriga wiil uu dhalay Wasaaradda qorsheysan maamulka Somaliland lagu dhex gowracay Gabar

Related posts

Midawga Yurub Oo ka Horyimid Qisaastii Dilka ay Hayd Ee ay Somaliland Fulisay.

Heemaall

Doon Galaafatay Nolosha 26 Qof Oo Ku Dagtay Harada Albert

Heemaal

South Sudan Oo ka Hadashay 10 qof Oo ku Dhimatay Shil Diyaaradeed.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More