Haweenay Mucaarid Xoogan Ku Ahayd Ethiopia Oo Adisababa Ku Soo Laabatay

Birtukan Mideksa oo ah haweenay mucaarid xoogan ku ahayd xukuumadii Raysal Wasaare Meles Zanawi-gii dalka Ethiopia ayaa ku soo laabatay dalka Ethiopia kadib markii mudo ay ku noolayd dalka Maraykanka.

Haweenaydan oo Madax ka ahayd xisbiga United for Democracy and Justice ee magaciisa loo soo gaabiyo UDJ ayaa waxa ay ka mid ahayd hogaamiyayaashii mucaaridka eeka biyo diiday doorashadii ka dhacday dalkaasi sanadkii 2005, waqtigaas oo xabsiga loo taxaabay laguna xukumay Xabsi daa’in, inkasta oo xabsiga laga sii daayay sanadkii 2010kii.


Ms Birtukan oo ah garsoore hore ayaa siidaynteedii ka dib ka haajirtay dalka Ethiopia, waxana ay sheegtay marar badan anay ka walaacsan tahay in aanay dib u arki doonin qoyskeeda oo ku nool Adis Ababa, waxana ay laabashadeedu qayb ka tahay hanaanka cafiska iyo furfurnaanta ku dhisan ee dalkaas uu hada ku soo dabaalay raysal wasaare Abey Axmed.

 

© Heemaal News Netwok