Heemaal News Network
Caalamka

Haweenay Shaqo Yaab-leh U Qabatay Si Ay Uga Hor Tagto Shil Uu Wiilkeedu Ku Dhintay

Haweenay lagu magacaabo Monica Dongban-Mensem oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa go’aansatay inay ka shaqayso bed-qabka gaadiidka iyo dadka, kadib markii wiil ay dhashay ay ku wayday shil baabuur oo ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah.

Haweenaydan oo aan garanayn cida shilka baabuur ku dishay wiilkeeda ayaa qorshaheedu waxa uu yahay in ay wax ka qabato masuuliyad darada iyo aqoonyaraanta haysata dirawaliinta gaadiidka ee deegaankaada si shilalka baabuurtu u yaraadaan, dadka iyo rakaabkaba loo badbaadiyo.

Waxa ay Monica bilawday inay booqato goobaha basaska laga raaco si ay wadayaasha ugala hadashao badbaadada jidka iyo rakaabka, waxa ay halkaas kala kulantayna bilawgii waxa uu wax argagax leh oo nolosheeda saameeyay.

“Aqoondaro ayaa jirta,Dilawalo badan ma soo qaadan tababar dhinaca baabuur wadida ah, mana yaqaanaanaan xeerarka wado marista iyo badbaabada” ayay tidhi Monica, waxana ay intan ku dartay “wadayaal badan oo reer Nigeria ah dulqaadka iyo samirka ayaa kuyar, qaar kale oo badana waxa ku badan is-tusnimada” waana midaas mida sababta shilalka baabuurta ee joogtada ah”

Monica waa habdhaqan-kaas qatarta ah waxa ay rabto inay badasho waxana ay aasaastay urur aan dawli ahayn oo ay ugu magacdartay Kwapda’as Road Safety Demand – oo ah magaca wiilkeedii shilka baabuur ku geeriyooday—waxana ay ujeedadeedu tahay in ay dirawalada Mooto-da wax ku barto, sidoo kalena waxa u qorshaysan inay furto dugsi lagu baryo wadida-gaadiidka oo lacag-la’aan ah.

Dadaaladaas oo dhan ma noqon kuwo farxad u horseeda, hoosna u dhiga shilalka baabuurta, waxana ay Monica Dongban-Mensem go’aansatay in ay iyada lafteedu ka shaqayso kala hagida baabuurta, waxa ay mido dhawr todobaad ah qaadatay tababaro dhinaca Taraafikada ah, waxana loo aqoonsaday Askari dhinaca wadooyinka ah, waxana ay u diyaar tahay inay jidka dhexdiisa istaagto oo ay baabuurta kala hagto”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More