Heemaal News Network
Soomaaliya

Haweenay U Qaailsanayd Alshabaab Ururinta Cashuurta G Banaadir Oo La Qabtay

Howlgal gaar ah oo taddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa la sheegay in lagu soo qabtay haweeneey sarkaal sare ah oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab ee Muqdisho.

Ciidanka si gaarka ah u tababaran ayaa laba habeen ka hor galay xaafadda Xamar Jadiid, oo ay ka soo qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa canshuuraha gobalka Banaadir oo ah qof dumar.

Ciidankaan ayaa la sheegay in mid ka mid ah mobeellada ay isticmaasho haweeneydaan ay ku xireen qalabka sheega qofka meesha uu joogo kadibna ay galeen gurigeeda oo ku yaala Xamar Jadiid, waxaana sidoo kale halkaas laga soo qabtay 3 qof oo kale.

Guriga la wareeray oo albaabkiisa lagu furay bam gacmeed, ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku xirnaayeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, sida ay noo sheegeen xubno kamid ah kooxdii weerarka fulisay.

Haweeneydaan oo la sheegay in ay badashay madaxii Al-Shabaab ee canshuuraha, kaas oo bilo ka hor isagana laga qabtay Muqdisho walina ku jira gacanta dowladda.

Waxey isticmaashaa dhowr SIM CARD iyo sidoo kale magacayo badan oo ay ka mid yihiin Marwo Sahro, Tabliiqada iyo magacyo kale.

Wali hay’adaha dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in ay ku socdaan baaritaano iyada iyo rag kale oo la soo qabtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More