Haweeney Doorasho kaga Guuleesatay Masuul ay Xafiiska U Xaaqi jirtay.!!

Dalka Ruushka waxaa ka dhacday doorasho natiijada kasoo baxday hadal heyn badan abuurtay, kadib markii haweeney doorasho la qabtay uga guuleesatay ninkii madaxda ka ahaa xafiiskii ay nadiifin jirtay.

Marina Udgodskaya, oo 35-sano jir ah ayaa isku diyaarineysa in ay la wareegto maamulka xafiiskii ay mudo afar sano ah nadiifiyaha ka aheyd, kadib markii doorasho gollaha deegaanka uga guuleesatay ninkii madaxda ka ahaa xafiiskii ay ka shaqeeneysay.

Nikolai Loktev oo katirsan xisbiga talada haya ee Ruushka, ahaana gudoomiyaha xafiiska gollaha deegaanka ee magaalada Povalikhin ayaa guul daro lama filaan ah la kulmay shalaytana ka jooga go’aankii uu kula tartamayay haweeneydan.

Ninkan ayaana haweeneydan ku qanciyay in ay la tartanto oo ay u buuxiso shuruudda doorashada ee ah in halkii melba ay ku tartamaan laba musharax iyo wixii ka badan, maadaama aysan jrin cid kale oo la tartameysay.

Waxa uuna doonayay ninkan in haweeneydan doorashada qaab malxiis ahaan camal uga qeyb gasho si isaga mar kale xilkaasi loogu soo doorto dibna ugu soo noqdo xafiiskii uu madaxda ka ahaa.

Nikolai Loktev, ayaana filan waa iyo wax uusan maleesan karin la kulmay kadib markii doorashada uga guuleesatay haweeneydii uu malxiis ahaanta u watay, waxa uuna hada isku diyaarinayaa in xafiiska ku wareejiyo haweeneydii afarta sano dadiifiyaha ka aheyd.

Haweeneydan doorashada ku guuleesatay ayaa la sheegay in aysan sameyn wax olole doorasho ah balse u codeeyeen dadka oo kasoo horjeeday in mar kale doorashada kusoo baxo Nikolia Lokyev.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy