Hay’ad Ayax ka Buufisay Somaliya Oo soo Gabagabaysay Wajigii Koowaad.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunada aduunka ee magaceeda loo soo gaabi FAO aya sheegtay inay soo gaba gabeysay wajiga koowaad ee buufinta ayaxa dhulka deeqsiga ah ee Soomaaliya.

Wajigan koowaad oo bilowday 1-dii August isla markaana socday ilaa 18 September ayaa waxaa laga fuliyay deegaanno ka tirsam Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

Hay’adda FAO waxa ay tilmaamtay in maamulada deegaannadaasi ay gacan weyn ka geysteen barnaamijka la dagaalanka ayaxa.

Sidoo kale hay’addu waxa ay sheegtay inay buufisay dhul gaaraya 12,827 hektar taasna ay badbaadisay raashiin u dhigma 7.7 malyuun oo doolar oo ay quudan karaan 170,919 oo qof .

Wajiga labaad ayaa Somaliland ka bilowday shantii bishaan aynu ku jirno ee October waxaana Buufintan ay tahay mid loo adeegsanayo diyaarado iyadoo oo ay jiraan in ayax badan uu somaliland uga imaanaya dhanka itoobiya.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy