Heemaal News Network

Hay’ad Laga Eryay Somaliya Oo ka Hadashay Khilaafka ka Taagan Doorashada Dalka.

Agaasimaha Hay’adda Cilmi-baarista ee Sahan Research, Mathew Bryden (Matt Brydan) oo u dhashay dalka Canada, balse deggan Nairobi ayaa sheegay qabashada doorashada Soomaaliya ay qaadan karto 3 bilood, kadib markii Wareysi siiyey Wararka News Desk.

Waxa kale oo uu ka hadlay Khilaafka dhanka Doorashada iyo Awoodaha Madaxweynaha ee dhanka Dastuurka iyo Baaqa Midowga Murashixiinta xilka Madfaxweynaha oo iyagu ku dhawaaqay inay dhisi doono Gole Qaran oo KMG oo xilka sii haya inta laga qabanayo Doorasho la isku raacsan yahay.

Agaasimaha Hay’adda Sahan Research, Mathew Bryden (Matt Breydan) waxa uu tilmaamay Madaxweyne Farmaajo xilligiisa dstuuriga ah uu dhamaaday, balse uu Sii-haye Madaxweyne sii ahaan inta laga qabanayo Doorashada.

Waxa uu saadaliyey in Doorashada Madaxtinimada ee haatan la isku khilaafsan yahay lagu qaban karo muddo 2 ilaa 3 bilood gudaheeda.

Waa Falaanqeyntii ugu horeysay ee uu kaga hadlo Doorashada Somalia, tan iyo markii ay DFS ay isaga iyo Hay’adiisa Sahan ee Cilmi-baarista Siyaasadda iyo Dhaqaalaha laga cayriyey gudaha Somalia sanadkii 2017-kii.

Cayrntiisa ayaa timid, kadb, markii ay Hay’adda Sirdoonka ee NISA xilligaasi ku heleen Matt Breydan iyo Hay’adiisa Sahan falal khatar ku ah Qaranimada Somalia.

Related posts

Oday Trump Oo Loo Quus Gooyey Gobolo Cusubna Looga Guulaystay, Qirashana U Dhow

Heemaal

Uhuru Oo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa U Soo Jeediyey In Uu Iscasilo

Heemaal

Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Dekedaha Somaliland.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More