Heemaal News Network

Hay’adda Culimada Somaliyeed Oo Dowlada ku Amray Gogol Lagu Xalinayo Khilaafka Doorashada.

Hay’adda Culimada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay uga hadashay khilaafka siyaasadeed iyo muranka ka taaggan doorashada lagu waddo dhawaan in ay dalka ka dhacdo oo ay isku maandhaafsan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo mas’uuliyiinta dowladda dhexe ee Federaalka.

Qoraalka ka soo baxay culimada ayaa looga baaqay in dhinacyada isku haya doorashada u turaan dadka iyo dalka, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo culeys ku keeni kara walaaltinimada iyo jiritaankooda.

“Waxaan u soo jeedineynaa dhinacyada kala duwan in wixii khilaaf ah ay ku xaliyaan wadahadal, walaalnimo iyo isu tanaasul,” ayaa lagu yiri bayaanka culumada.

Culimada ayaa dhinaca kale u jeediyay dhinaca dowladda dhexe in ay dhigto gogol lagu turxaanbixinayo khilaafka doorashada.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada kala duwan in ay joojiyaan hadallada xanafta leh iyo wax kasta oo hurin kara colaad iyo kacdoon bulsho, dhinaca kalana abuuri kara qalalaase siyaasadeed ayuu lagu yiri bayaan ka soo baxay culimada.

Related posts

Wasiirada Caafimaadka Maamul Goboleedyada iyo Dawlada Oo Shir Uga Furmay Muqdisho

Heemaall

Gudiga Doorashooyinka Itoobiya Oo Eedeeyay Maamul-goboleedyada.

Heemaall

Madaxwaynaha Puntland Oo Maamul Cusub U Magacaabay Gobolka Sanaag.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More